سورة الصافات
Suuradda As-Saaffaat oo af Soomaali ah
Kuwa safafka sameeya
- 37
- 182 aayadood
- Makki
- Juz’ 23
- Bogagga 446–452
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda As-Saaffaat (الصافات) waa suuradda 37aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 182 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Kuwa safafka sameeya”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 23.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda As-Saaffaat oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda As-Saaffaat oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
وَٱلصَّـٰٓفَّـٰتِ صَفًّا١
Waalssaffati saffan
Waxaan Anigu (Alle ah) ku dhaartay 'malaa’igta' safta safafka siman.
-
فَٱلزَّٰجِرَٰتِ زَجْرًا٢
Faalzzajirati zajran
Iyo (malaa’igta) soo kaxeeya (daruuraha) soo kaxeyn.
-
فَٱلتَّـٰلِيَـٰتِ ذِكْرًا٣
Faalttaliyati thikran
Iyo (malaa’igta) akhriya "Qur’aanka'1.
Sharaxa hoose
[1] Alle s.w.t. wuxuu ku dhaartay malaa’igtaa, wuxuuna ku dhaartay xaqiiqda lagu xusay Aayadda xigta. -
إِنَّ إِلَـٰهَكُمْ لَوَٰحِدٌ٤
Inna ilahakum lawahidun
Hubaal, Ilaahiinnu (Runta ahi) waa Mid keliya (Allaah).
-
رَّبُّ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا وَرَبُّ ٱلْمَشَـٰرِقِ٥
Rabbu alssamawati waalardi wama baynahuma warabbu almashariqi
Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, iyo Rabbiga bariyada1.
Sharaxa hoose
[1] Xagal kasta ama meelaha ay ka soo baxdo qorraxda. -
إِنَّا زَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنْيَا بِزِينَةٍ ٱلْكَوَاكِبِ٦
Inna zayyanna alssamaa alddunya bizeenatin alkawakibi
Waxaanu xaqiiq ku qurxinnay samada soke qurux xiddigaha ah1.
Sharaxa hoose
[1] Xiddigaha waxaa loo abuuray seddex waxyaalood: in lagu gano shayaadiinta, in lagu tilmaan qaato oo lagu garto jihooyinka iyo qurux ahaan samada soke. -
وَحِفْظًا مِّن كُلِّ شَيْطَـٰنٍ مَّارِدٍ٧
Wahifthan min kulli shaytanin maridin
Iyo ka ilaalin shaydaan walboo fallaago ah ee Naxariis (Alle) laga fogeeyey.
-
لَّا يَسَّمَّعُونَ إِلَى ٱلْمَلَإِ ٱلْأَعْلَىٰ وَيُقْذَفُونَ مِن كُلِّ جَانِبٍ٨
La yassammaʿoona ila almalai alaʿla wayuqthafoona min kulli janibin
Ma dhegaysan karaan (shayaadiinta) kulanka sare (ee malaa’igta samada) waxaana laga soo ganaa dhan kasta.
-
دُحُورًا ۖ وَلَهُمْ عَذَابٌ وَاصِبٌ٩
Duhooran walahum ʿathabun wasibun
Iyagoo (Shayaadiintaa) la soo eryey, waxayna leeyihiin cadaab joogto ah.
-
إِلَّا مَنْ خَطِفَ ٱلْخَطْفَةَ فَأَتْبَعَهُۥ شِهَابٌ ثَاقِبٌ١٠
Illa man khatifa alkhatfata faatbaʿahu shihabun thaqibun
Marka laga reebo mid mid dafa (hadal uu ka maqlay samada), markaasaa waxaa laga daba geeyaa danab dab ololoya ah.
-
فَٱسْتَفْتِهِمْ أَهُمْ أَشَدُّ خَلْقًا أَم مَّنْ خَلَقْنَآ ۚ إِنَّا خَلَقْنَـٰهُم مِّن طِينٍ لَّازِبٍۭ١١
Faistaftihim ahum ashaddu khalqan am man khalaqna inna khalaqnahum min teenin lazibin
Ee weydii (gaalada) ma iyagaa abuur adag mise waxaa (kale sida malaa’igta, samooyinka, iyo arlada) ee aan abuurnay?. Waxaanu ka abuurnay (dadka) dhoobo dhagta.
-
بَلْ عَجِبْتَ وَيَسْخَرُونَ١٢
Bal ʿajibta wayaskharoona
Waxaadse la yaabtaa (beenintooda Xaqa), iyaguna way iska jees-jeesi.
-
وَإِذَا ذُكِّرُوا۟ لَا يَذْكُرُونَ١٣
Waitha thukkiroo la yathkuroona
Marka la waaniyona ma waantoobaan.
-
وَإِذَا رَأَوْا۟ ءَايَةً يَسْتَسْخِرُونَ١٤
Waitha raaw ayatan yastaskhiroona
Markay arkaanna Calaamo (mucjizo) way ku jees-jeesaan.
-
وَقَالُوٓا۟ إِنْ هَـٰذَآ إِلَّا سِحْرٌ مُّبِينٌ١٥
Waqaloo in hatha illa sihrun mubeenun
Waxayna yidhaahdaan: Waxa kanu ma aha waxaan ahayn sixir cad.
-
أَءِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَـٰمًا أَءِنَّا لَمَبْعُوثُونَ١٦
Aitha mitna wakunna turaban waʿithaman ainna lamabʿoothoona
Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa nala soo bixin?
-
أَوَءَابَآؤُنَا ٱلْأَوَّلُونَ١٧
Awaabaona alawwaloona
Iyo aabbayaashayadii hore (iyagana ma la so bixin dhimasho kaddib)?.
-
قُلْ نَعَمْ وَأَنتُمْ دَٰخِرُونَ١٨
Qul naʿam waantum dakhiroona
Dheh: Haah, idinkoo waliba dulleysan.
-
فَإِنَّمَا هِىَ زَجْرَةٌ وَٰحِدَةٌ فَإِذَا هُمْ يَنظُرُونَ١٩
Fainnama hiya zajratun wahidatun faitha hum yanthuroona
Waa uun afuuf mar keliya ah (buunka), markaasay (ka soo bixi qubuuraha) iyagoo wax eegi.
-
وَقَالُوا۟ يَـٰوَيْلَنَا هَـٰذَا يَوْمُ ٱلدِّينِ٢٠
Waqaloo ya waylana hatha yawmu alddeeni
Waxayna odhan: Hoog baa noo sug-naadaye! Kanu waa Maalinka Jaazeynta.
-
هَـٰذَا يَوْمُ ٱلْفَصْلِ ٱلَّذِى كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ٢١
Hatha yawmu alfasli allathee kuntum bihi tukaththiboona
Kani waa Maalinka kala baxa ee aad beenin jirteen.
-
۞ ٱحْشُرُوا۟ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ وَأَزْوَٰجَهُمْ وَمَا كَانُوا۟ يَعْبُدُونَ٢٢
Ohshuroo allatheena thalamoo waazwajahum wama kanoo yaʿbudoona
(Malaa'igay), soo kulmiya kuwii dulmi falka ahaa iyo eynigoodii1 iyo waxay caabudi jireen.
Sharaxa hoose
[1] Tafsiir kale waa xaasaskooda ama kuwa aan xaqa raacin ee la midka ah. -
مِن دُونِ ٱللَّهِ فَٱهْدُوهُمْ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلْجَحِيمِ٢٣
Min dooni Allahi faihdoohum ila sirati aljaheemi
Alle sokadi, oo u taxaaba Naarta ololka badan.
-
وَقِفُوهُمْ ۖ إِنَّهُم مَّسْـُٔولُونَ٢٤
Waqifoohum innahum masooloona
Joojiya, wax baa la weydiine (oo lagu qiri).
-
مَا لَكُمْ لَا تَنَاصَرُونَ٢٥
Ma lakum la tanasaroona
Maxaad leedihiin oo aydaan isugu gargaareyn?
-
بَلْ هُمُ ٱلْيَوْمَ مُسْتَسْلِمُونَ٢٦
Bal humu alyawma mustaslimoona
Mayee, Maalintaa dhammaan way is dhiibi doonaan.
-
وَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَسَآءَلُونَ٢٧
Waaqbala baʿduhum ʿala baʿdin yatasaaloona
Waxay ku jeesan qaarkoodba qaar iyagoo is weydiin?.
-
قَالُوٓا۟ إِنَّكُمْ كُنتُمْ تَأْتُونَنَا عَنِ ٱلْيَمِينِ٢٨
Qaloo innakum kuntum tatoonana ʿani alyameeni
Waxay (raciyadii ku) odhan (madaxdoodii): Waxaad nooga iman jirteen dhanka midig1.
Sharaxa hoose
[1] Idinkoo noo diidaya ku dhaqanka wanaagga iyo diinta oo xoog noo sheeganaya. -
قَالُوا۟ بَل لَّمْ تَكُونُوا۟ مُؤْمِنِينَ٢٩
Qaloo bal lam takoonoo mumineena
Waxay (madaxdii) odhan: Ma aha, ee idinkaan mu’miniin ahayn.
-
وَمَا كَانَ لَنَا عَلَيْكُم مِّن سُلْطَـٰنٍۭ ۖ بَلْ كُنتُمْ قَوْمًا طَـٰغِينَ٣٠
Wama kana lana ʿalaykum min sultanin bal kuntum qawman tagheena
Kuma aanu laheyn wax awood ah korkiinna. Ee waxaad ahaydeen qolo xad gudub badan.
-
فَحَقَّ عَلَيْنَا قَوْلُ رَبِّنَآ ۖ إِنَّا لَذَآئِقُونَ٣١
Fahaqqa ʿalayna qawlu rabbina inna lathaiqoona
Sidaas awgeed waxaa nagu dhaboobay Qawlka Rabbigeen, xaqiiq waanu dhadhamin (Cadaabka).
-
فَأَغْوَيْنَـٰكُمْ إِنَّا كُنَّا غَـٰوِينَ٣٢
Faaghwaynakum inna kunna ghaweena
Waan idin luminnay1, innaguna waa lunsanayn.
Sharaxa hoose
[1] Waxay madaxda ula yimaadeen dadweynaha dhagar weyn. -
فَإِنَّهُمْ يَوْمَئِذٍ فِى ٱلْعَذَابِ مُشْتَرِكُونَ٣٣
Fainnahum yawmaithin fee alʿathabi mushtarikoona
Iyagu (raciyaddii iyo kuwii la raacay) xaqiiq Maalinkaas cadaabkay wadaagi.
-
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَفْعَلُ بِٱلْمُجْرِمِينَ٣٤
Inna kathalika nafʿalu bialmujrimeena
Sidaasaan ku fallaa denbiilayaasha.
-
إِنَّهُمْ كَانُوٓا۟ إِذَا قِيلَ لَهُمْ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا ٱللَّهُ يَسْتَكْبِرُونَ٣٥
Innahum kanoo itha qeela lahum la ilaha illa Allahu yastakbiroona
Waxay xaqiiq ahaayeen marka lagu yidhaahdo: Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan ahayn Allaah, kuwa iska weyneeya.
-
وَيَقُولُونَ أَئِنَّا لَتَارِكُوٓا۟ ءَالِهَتِنَا لِشَاعِرٍ مَّجْنُونٍۭ٣٦
Wayaqooloona ainna latarikoo alihatina lishaʿirin majnoonin
Iyagoo leh: Ma waxaan isaga dayn ilaahyadayada gabyaa Jinnoole ah?
-
بَلْ جَآءَ بِٱلْحَقِّ وَصَدَّقَ ٱلْمُرْسَلِينَ٣٧
Bal jaa bialhaqqi wasaddaqa almursaleena
Mayee’ wuxuu (Nabigu) la yimid Xaq, oo rumeeyey Rusushii (Alle soo diray).
-
إِنَّكُمْ لَذَآئِقُوا۟ ٱلْعَذَابِ ٱلْأَلِيمِ٣٨
Innakum lathaiqoo alʿathabi alaleemi
Waxaad idinku (gaaloy) dhadhamin cadaabka xanuunka badan.
-
وَمَا تُجْزَوْنَ إِلَّا مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ٣٩
Wama tujzawna illa ma kuntum taʿmaloona
La idinkamana abaal mariyo waxaan aheyn waxaad fasheen.
-
إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلْمُخْلَصِينَ٤٠
Illa ʿibada Allahi almukhlaseena
Addoommaha Alle maahee ee daacadda ah u Keli yeela Alle cibaadada.
-
أُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُمْ رِزْقٌ مَّعْلُومٌ٤١
Olaika lahum rizqun maʿloomun
Kuwaasi waxay leeyihiin risiq la yaqaan aan go'eyn (Jannada gudaheeda).
-
فَوَٰكِهُ ۖ وَهُم مُّكْرَمُونَ٤٢
Fawakihu wahum mukramoona
Midho, iyagoo lagu sharfi.
-
فِى جَنَّـٰتِ ٱلنَّعِيمِ٤٣
Fee jannati alnnaʿeemi
Beeraha barwaaqada (Jannada).
-
عَلَىٰ سُرُرٍ مُّتَقَـٰبِلِينَ٤٤
ʿAla sururin mutaqabileena
Sariiro sarreeya korkooda is qaabilsan fool ka fool (si farxad iyo reyn reyn leh).
-
يُطَافُ عَلَيْهِم بِكَأْسٍ مِّن مَّعِينٍۭ٤٥
Yutafu ʿalayhim bikasin min maʿeenin
Waxaa lagula wareegi koobab (khamri daahir ah) ka soo shubma il (webiyo) saafi ah.
-
بَيْضَآءَ لَذَّةٍ لِّلشَّـٰرِبِينَ٤٦
Baydaa laththatin lilshsharibeena
Cad, oo u macaan kuwa cabbi.
-
لَا فِيهَا غَوْلٌ وَلَا هُمْ عَنْهَا يُنزَفُونَ٤٧
La feeha ghawlun wala hum ʿanha yunzafoona
Ma leh wax dhibaato ah, lagumana sarkhaamo (khamrada Jannada).
-
وَعِندَهُمْ قَـٰصِرَٰتُ ٱلطَّرْفِ عِينٌ٤٨
Waʿindahum qasiratu alttarfi ʿeenun
Waxaana la jirkood ahaan haween dhowrsoon soo kooba araggooda, leh indho aad u qurxoon.
-
كَأَنَّهُنَّ بَيْضٌ مَّكْنُونٌ٤٩
Kaannahunna baydun maknoonun
La moodo ukummo aad loo dhowray.
-
فَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَسَآءَلُونَ٥٠
Faaqbala baʿduhum ʿala baʿdin yatasaaloona
Waxay qaabili qaarkoodba qaarka kale (ehlu Jannaha) iyagoo is weydiin.
-
قَالَ قَآئِلٌ مِّنْهُمْ إِنِّى كَانَ لِى قَرِينٌ٥١
Qala qailun minhum innee kana lee qareenun
Midkood hadlaya baa odhan: Waxaan anigu lahaa saaxiib.
-
يَقُولُ أَءِنَّكَ لَمِنَ ٱلْمُصَدِّقِينَ٥٢
Yaqoolu ainnaka lamina almusaddiqeena
Kaasoo odhan jiray: Ma waxaad ka mid tahay kuwa rumeysan (soo bixinta Qiyaame)?
-
أَءِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَـٰمًا أَءِنَّا لَمَدِينُونَ٥٣
Aitha mitna wakunna turaban waʿithaman ainna lamadeenoona
Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa nala abaal marin?.
-
قَالَ هَلْ أَنتُم مُّطَّلِعُونَ٥٤
Qala hal antum muttaliʿoona
Wuxuu odhan: Ma ila dhuganeysaan?
-
فَٱطَّلَعَ فَرَءَاهُ فِى سَوَآءِ ٱلْجَحِيمِ٥٥
Faittalaʿa faraahu fee sawai aljaheemi
Markaasuu dhugtaa oo ku arkaa Naarta bartankeeda.
-
قَالَ تَٱللَّهِ إِن كِدتَّ لَتُرْدِينِ٥٦
Qala taAllahi in kidta laturdeeni
Wuxuu odhan: Tallaahi! Waxaad sigtay inaad i halaagto (i dhumiso).
-
وَلَوْلَا نِعْمَةُ رَبِّى لَكُنتُ مِنَ ٱلْمُحْضَرِينَ٥٧
Walawla niʿmatu rabbee lakuntu mina almuhdareena
Haddayna jirin Nicmadda Rabbigay, waxaan ka mid ahaan lahaa kuwa la soo keenayo (Naarta).
-
أَفَمَا نَحْنُ بِمَيِّتِينَ٥٨
Afama nahnu bimayyiteena
Ma nihin miyaa kuwo dhiman.
-
إِلَّا مَوْتَتَنَا ٱلْأُولَىٰ وَمَا نَحْنُ بِمُعَذَّبِينَ٥٩
Illa mawtatana aloola wama nahnu bimuʿaththabeena
Dhimashadayadii hore mooyaane? mana layna cadaabayo?
-
إِنَّ هَـٰذَا لَهُوَ ٱلْفَوْزُ ٱلْعَظِيمُ٦٠
Inna hatha lahuwa alfawzu alʿatheemu
Hubaal (arrin)kani waa Liibaanta Weyn.
-
لِمِثْلِ هَـٰذَا فَلْيَعْمَلِ ٱلْعَـٰمِلُونَ٦١
Limithli hatha falyaʿmali alʿamiloona
Ee (arrin)kanoo kale ha u camal fashaan kuwa camal fali.
-
أَذَٰلِكَ خَيْرٌ نُّزُلًا أَمْ شَجَرَةُ ٱلزَّقُّومِ٦٢
Athalika khayrun nuzulan am shajaratu alzzaqqoomi
Ma (arrin)kani (Jannada) baa marti- qaad wanaagsan mise geedka Zaquum.
-
إِنَّا جَعَلْنَـٰهَا فِتْنَةً لِّلظَّـٰلِمِينَ٦٣
Inna jaʿalnaha fitnatan lilththalimeena
Waxaanu Annagu uga dhignay fidno (imtixaan) daalimiinta (gar diidka ah).
-
إِنَّهَا شَجَرَةٌ تَخْرُجُ فِىٓ أَصْلِ ٱلْجَحِيمِ٦٤
Innaha shajaratun takhruju fee asli aljaheemi
Waa geed ka soo baxa Naarta salkeeda,
-
طَلْعُهَا كَأَنَّهُۥ رُءُوسُ ٱلشَّيَـٰطِينِ٦٥
Talʿuha kaannahu ruoosu alshshayateeni
Miraheeda la moodo madaxyada shaydaammada;
-
فَإِنَّهُمْ لَـَٔاكِلُونَ مِنْهَا فَمَالِـُٔونَ مِنْهَا ٱلْبُطُونَ٦٦
Fainnahum laakiloona minha famalioona minha albutoona
Waxay (ehlu naarku) wax ka cuni (geedkaa) oo ka buuxin caloolahooda.
-
ثُمَّ إِنَّ لَهُمْ عَلَيْهَا لَشَوْبًا مِّنْ حَمِيمٍ٦٧
Thumma inna lahum ʿalayha lashawban min hameemin
Waxay leeyihiin intaa kaddib cabbitaan isku dhaf kulul ah oo karaya.
-
ثُمَّ إِنَّ مَرْجِعَهُمْ لَإِلَى ٱلْجَحِيمِ٦٨
Thumma inna marjiʿahum laila aljaheemi
Markaa waxay ku noqon xagga Naarta holaca badan.
-
إِنَّهُمْ أَلْفَوْا۟ ءَابَآءَهُمْ ضَآلِّينَ٦٩
Innahum alfaw abaahum dalleena
Waxay heleen aabbayaashood oo habowsan.
-
فَهُمْ عَلَىٰٓ ءَاثَـٰرِهِمْ يُهْرَعُونَ٧٠
Fahum ʿala atharihim yuhraʿoona
Iyaguna raadkoodii bay ku degdegi.
-
وَلَقَدْ ضَلَّ قَبْلَهُمْ أَكْثَرُ ٱلْأَوَّلِينَ٧١
Walaqad dalla qablahum aktharu alawwaleena
Waxaa dhab ahaan lumay iyaga hortood badi dadkii hore.
-
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا فِيهِم مُّنذِرِينَ٧٢
Walaqad arsalna feehim munthireena
Waxaana dhab ahaan u dirnay digayaal.
-
فَٱنظُرْ كَيْفَ كَانَ عَـٰقِبَةُ ٱلْمُنذَرِينَ٧٣
Faonthur kayfa kana ʿaqibatu almunthareena
Ee eeg siday aheyd cidhibta kuwii loo digay (aanse waansamin).
-
إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلْمُخْلَصِينَ٧٤
Illa ʿibada Allahi almukhlaseena
Addoommaha Alle ee daacadda ah maahee u Keli yeela cibaadada (kuwaa dhib ma arkaan).
-
وَلَقَدْ نَادَىٰنَا نُوحٌ فَلَنِعْمَ ٱلْمُجِيبُونَ٧٥
Walaqad nadana noohun falaniʿma almujeeboona
Waxaa dhab ahaan noo dhawaaqday Nuux, Annagaana u fiican wax ajiiba (baryada).
-
وَنَجَّيْنَـٰهُ وَأَهْلَهُۥ مِنَ ٱلْكَرْبِ ٱلْعَظِيمِ٧٦
Wanajjaynahu waahlahu mina alkarbi alʿatheemi
Waxaana ka badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba kurbaddii weyneyd (haraqii).
-
وَجَعَلْنَا ذُرِّيَّتَهُۥ هُمُ ٱلْبَاقِينَ٧٧
Wajaʿalna thurriyyatahu humu albaqeena
Oo ka yeellay durriyaddiisa kuwa soo hadhay uun.
-
وَتَرَكْنَا عَلَيْهِ فِى ٱلْـَٔاخِرِينَ٧٨
Watarakna ʿalayhi fee alakhireena
Waxaana u reebnay (ammaan wanaagsan) facyada dambe dhexdood.
-
سَلَـٰمٌ عَلَىٰ نُوحٍ فِى ٱلْعَـٰلَمِينَ٧٩
Salamun ʿala noohin fee alʿalameena
Salaan (Nabadgelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Nuux.
-
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ٨٠
Inna kathalika najzee almuhsineena
Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
-
إِنَّهُۥ مِنْ عِبَادِنَا ٱلْمُؤْمِنِينَ٨١
Innahu min ʿibadina almumineena
Hubaal Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah.
-
ثُمَّ أَغْرَقْنَا ٱلْـَٔاخَرِينَ٨٢
Thumma aghraqna alakhareena
Markaasaan harqinnay intii kale.
-
۞ وَإِنَّ مِن شِيعَتِهِۦ لَإِبْرَٰهِيمَ٨٣
Wainna min sheeʿatihi laibraheema
Waxaana ka mid ah kuwa raacay jidkiisa Ibraahiim1.
Sharaxa hoose
[1] Nabi Ibraahiim c.s. wuxuu raacay dhabbihii Nabi Nuux iyo intii rumeysey towxiidka iyo mabaadiida diinta Islaamka. -
إِذْ جَآءَ رَبَّهُۥ بِقَلْبٍ سَلِيمٍ٨٤
Ith jaa rabbahu biqalbin saleemin
Markuu ula yimid Rabbigi qalbi fayow1.
Sharaxa hoose
[1] Qalbiga fayow waa kan ka nabad galay shirki, kibir, xasad, is cajabin, iwm ee daacadda ah u hoggaansan Alle. -
إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوْمِهِۦ مَاذَا تَعْبُدُونَ٨٥
Ith qala liabeehi waqawmihi matha taʿbudoona
Markuu ku yidhi aabbihi iyo dadkiisii: Waa maxay waxaad caabudaysaan?
-
أَئِفْكًا ءَالِهَةً دُونَ ٱللَّهِ تُرِيدُونَ٨٦
Aifkan alihatan doona Allahi tureedoona
been abuur, Ilaahyo aad barbar dhig- taan Allaah-miyaad dooneysaan idinku.
-
فَمَا ظَنُّكُم بِرَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ٨٧
Fama thannukum birabbi alʿalameena
Maxaadse ka maleysaneysaan Rabbiga uumanka?
-
فَنَظَرَ نَظْرَةً فِى ٱلنُّجُومِ٨٨
Fanathara nathratan fee alnnujoomi
Markaasuu eegay eegmo xiddigaha,
-
فَقَالَ إِنِّى سَقِيمٌ٨٩
Faqala innee saqeemun
Wuxuuna yidhi: Anigu waa bukaa.
-
فَتَوَلَّوْا۟ عَنْهُ مُدْبِرِينَ٩٠
Fatawallaw ʿanhu mudbireena
Markaasay ka jeesteen oo tageen.
-
فَرَاغَ إِلَىٰٓ ءَالِهَتِهِمْ فَقَالَ أَلَا تَأْكُلُونَ٩١
Faragha ila alihatihim faqala ala takuloona
Markaasuu aaday ilaahyadoodii, oo yidhi: Miyeydaan (wax) cuneyn1.
Sharaxa hoose
[1] Inay cunaan qurbaannada hortooda la dhigay. Waana ku jeesjees iyo muujin caqli xumada dadkaa sanammada hor dhigay raashinka iyo hadiyooyinka. -
مَا لَكُمْ لَا تَنطِقُونَ٩٢
Ma lakum la tantiqoona
Maxaad leedihiin oo aydaan la hadleyn?
-
فَرَاغَ عَلَيْهِمْ ضَرْبًۢا بِٱلْيَمِينِ٩٣
Faragha ʿalayhim darban bialyameeni
Markaasuu ku jeestay oo ku garaacay gacanta midig.
-
فَأَقْبَلُوٓا۟ إِلَيْهِ يَزِفُّونَ٩٤
Faaqbaloo ilayhi yaziffoona
Markaasay soo aadeen (dadkii) xaggiisa iyagoo soo degdegaya.
-
قَالَ أَتَعْبُدُونَ مَا تَنْحِتُونَ٩٥
Qala ataʿbudoona ma tanhitoona
(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan (idinku sameysaan)?
-
وَٱللَّهُ خَلَقَكُمْ وَمَا تَعْمَلُونَ٩٦
WaAllahu khalaqakum wama taʿmaloona
Allaah baana idin abuuray idinka iyo waxaad sameysaanba?
-
قَالُوا۟ ٱبْنُوا۟ لَهُۥ بُنْيَـٰنًا فَأَلْقُوهُ فِى ٱلْجَحِيمِ٩٧
Qaloo ibnoo lahu bunyanan faalqoohu fee aljaheemi
Waxay yidhaahdeen: U dhisa meel (dab lagu shido) kuna tuura dabkaa ololaya.
-
فَأَرَادُوا۟ بِهِۦ كَيْدًا فَجَعَلْنَـٰهُمُ ٱلْأَسْفَلِينَ٩٨
Faaradoo bihi kaydan fajaʿalnahumu alasfaleena
Waxay la dooneen dabin ka dhan ah, iyagaanse ka dhignay kuwa hooseeya.
-
وَقَالَ إِنِّى ذَاهِبٌ إِلَىٰ رَبِّى سَيَهْدِينِ٩٩
Waqala innee thahibun ila rabbee sayahdeeni
(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Anigu waxaan aadayaa xagga Rabbigay. Wuu i hanuunin.
-
رَبِّ هَبْ لِى مِنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ١٠٠
Rabbi hab lee mina alssaliheena
Rabbiyow! I sii (ubad) wanaagsan.
-
فَبَشَّرْنَـٰهُ بِغُلَـٰمٍ حَلِيمٍ١٠١
Fabashsharnahu bighulamin haleemin
Waxaana ugu bishaaraynay wiil dul qaad badan (Ismaaciil).
-
فَلَمَّا بَلَغَ مَعَهُ ٱلسَّعْىَ قَالَ يَـٰبُنَىَّ إِنِّىٓ أَرَىٰ فِى ٱلْمَنَامِ أَنِّىٓ أَذْبَحُكَ فَٱنظُرْ مَاذَا تَرَىٰ ۚ قَالَ يَـٰٓأَبَتِ ٱفْعَلْ مَا تُؤْمَرُ ۖ سَتَجِدُنِىٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلصَّـٰبِرِينَ١٠٢
Falamma balagha maʿahu alssaʿya qala ya bunayya innee ara fee almanami annee athbahuka faonthur matha tara qala ya abati ifʿal ma tumaru satajidunee in shaa Allahu mina alssabireena
Markuu gaaray da' inuu la shaqeeyo oo hanaqaaday1, (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Maandhow! Waxaan ku arkay riyo anigoo kuu gawracaya (qurbaan ahaan Alle darti), ee bal eegoo maxay kula tahay. (Ismaaciil) wuxuu yidhi: Aabbow! Fal waxa lagu amray, hadduu Alle idmo, waxaad heli inaan ka mid noqdo kuwa samir yeesha.
Sharaxa hoose
[1] Ismaaciil awood u yeeshay inuu la shaqeeyo oo kaalmeeyo aabbihi Ibraahiim. -
فَلَمَّآ أَسْلَمَا وَتَلَّهُۥ لِلْجَبِينِ١٠٣
Falamma aslama watallahu liljabeeni
Markay hoggaansameen oo uu u dhigay dhabanka (si uu u gowraco).
-
وَنَـٰدَيْنَـٰهُ أَن يَـٰٓإِبْرَٰهِيمُ١٠٤
Wanadaynahu an ya ibraheemu
baan u dhawaaqnay Annagoo leh: Ibraahiimow.
-
قَدْ صَدَّقْتَ ٱلرُّءْيَآ ۚ إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ١٠٥
Qad saddaqta alrruya inna kathalika najzee almuhsineena
Waxaad ka rumeysay riyadii. Sidaas baan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
-
إِنَّ هَـٰذَا لَهُوَ ٱلْبَلَـٰٓؤُا۟ ٱلْمُبِينُ١٠٦
Inna hatha lahuwa albalao almubeenu
Xaqiiq, arrinkani wuxuu ahaa imtixaan cad.
-
وَفَدَيْنَـٰهُ بِذِبْحٍ عَظِيمٍ١٠٧
Wafadaynahu bithibhin ʿatheemin
Waxaana (Ismaaciil) ku furannay wan weyn (oo buuran).
-
وَتَرَكْنَا عَلَيْهِ فِى ٱلْـَٔاخِرِينَ١٠٨
Watarakna ʿalayhi fee alakhireena
Waxaana ugu dhaafnay (Ibraahiim ammaan fiican) facyada dambe (oo dhan) dhexdood.
-
سَلَـٰمٌ عَلَىٰٓ إِبْرَٰهِيمَ١٠٩
Salamun ʿala ibraheema
Salaan (Nabadgelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Ibraahiim.
-
كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ١١٠
Kathalika najzee almuhsineena
Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
-
إِنَّهُۥ مِنْ عِبَادِنَا ٱلْمُؤْمِنِينَ١١١
Innahu min ʿibadina almumineena
Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu'miniinta ah.
-
وَبَشَّرْنَـٰهُ بِإِسْحَـٰقَ نَبِيًّا مِّنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ١١٢
Wabashsharnahu biishaqa nabiyyan mina alssaliheena
Waxaan (markaa kaddib) ugu bishaareynay Isxaaq1 _ Nabi ka mid ah kuwa wanaagsan.
Sharaxa hoose
[1] Tani waxay caddeyneysaa in wiilkiisa curadka ee la doonayey in la gowraco uu ahaa Ismaaciil oo ma uusan ahayn Isxaaq, sida ay sheegaan Yuhuudda iyo Nasaarada. -
وَبَـٰرَكْنَا عَلَيْهِ وَعَلَىٰٓ إِسْحَـٰقَ ۚ وَمِن ذُرِّيَّتِهِمَا مُحْسِنٌ وَظَالِمٌ لِّنَفْسِهِۦ مُبِينٌ١١٣
Wabarakna ʿalayhi waʿala ishaqa wamin thurriyyatihima muhsinun wathalimun linafsihi mubeenun
Waanu barakaynay isaga iyo Isxaaqba, ubadkoodana waxaa ka mid ah mid sama fala iyo mid naftiisa u dulmiya si cad.
-
وَلَقَدْ مَنَنَّا عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَـٰرُونَ١١٤
Walaqad mananna ʿala moosa waharoona
Waxaanu dhab ahaan ku mannaysannay wanaag Muuse iyo Haaruun.
-
وَنَجَّيْنَـٰهُمَا وَقَوْمَهُمَا مِنَ ٱلْكَرْبِ ٱلْعَظِيمِ١١٥
Wanajjaynahuma waqawmahuma mina alkarbi alʿatheemi
Oo ka badbaadinnay iyaga iyo dadkoodii kurbaddii weynayd (harqintii iyo addoonsigii iyo dulleysigii lagu hayey).
-
وَنَصَرْنَـٰهُمْ فَكَانُوا۟ هُمُ ٱلْغَـٰلِبِينَ١١٦
Wanasarnahum fakanoo humu alghalibeena
Waanu u gargaarnay, sidaa darteed waxay ahaayeen kuwa adkaaday.
-
وَءَاتَيْنَـٰهُمَا ٱلْكِتَـٰبَ ٱلْمُسْتَبِينَ١١٧
Waataynahuma alkitaba almustabeena
Waxaanuna siinnay Kitaabka (Towraadda) Xujada cad ah.
-
وَهَدَيْنَـٰهُمَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلْمُسْتَقِيمَ١١٨
Wahadaynahuma alssirata almustaqeema
Oo ku hanuuninnay Jidka Toosan 'ee Islaamka'1;
Sharaxa hoose
[1] Jidka toosan waa diinta Islaamka, waana diinta uu Alle la soo diray nabiyada oo dhan. -
وَتَرَكْنَا عَلَيْهِمَا فِى ٱلْـَٔاخِرِينَ١١٩
Watarakna ʿalayhima fee alakhireena
Waxaan ugu dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood .
-
سَلَـٰمٌ عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَـٰرُونَ١٢٠
Salamun ʿala moosa waharoona
Salaan (Nabad gelyo iyo Ammaan Alle) korkooda ha ahaato Muuse iyo Haaruun.
-
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ١٢١
Inna kathalika najzee almuhsineena
Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
-
إِنَّهُمَا مِنْ عِبَادِنَا ٱلْمُؤْمِنِينَ١٢٢
Innahuma min ʿibadina almumineena
Waxay xaqiiq ka mid ahaayeen addoomahayaga mu'miniinta ah.
-
وَإِنَّ إِلْيَاسَ لَمِنَ ٱلْمُرْسَلِينَ١٢٣
Wainna ilyasa lamina almursaleena
Oo xaqiiq Ilyaas wuxuu ka mid ahaa Rususha.
-
إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِۦٓ أَلَا تَتَّقُونَ١٢٤
Ith qala liqawmihi ala tattaqoona
Markuu ku yidhi tolkiisii, Miyeydaan ka dhowrsanayn (shirkiga iyo xumaha kale)?
-
أَتَدْعُونَ بَعْلًا وَتَذَرُونَ أَحْسَنَ ٱلْخَـٰلِقِينَ١٢٥
Atadʿoona baʿlan watatharoona ahsana alkhaliqeena
Ma waxaad baridaan Bacal1 oo ka tagtaan Kan u wanaagsan abuurayaasha.
Sharaxa hoose
[1] Bacal Waa magaca sanam weyn ay caabudi jireen dadkii Phenisia, oo ay u heysteen inuu Rabbigood yahay. -
ٱللَّهَ رَبَّكُمْ وَرَبَّ ءَابَآئِكُمُ ٱلْأَوَّلِينَ١٢٦
Allaha rabbakum warabba abaikumu alawwaleena
Allaah, ee ah Rabbigiin (Runta ah) iyo Rabbiga Aabbayaashiinnii hore?.
-
فَكَذَّبُوهُ فَإِنَّهُمْ لَمُحْضَرُونَ١٢٧
Fakaththaboohu fainnahum lamuhdaroona
Wayse beeniyeen, waxaana xaqiiq loo soo kulmin (Cadaab),
-
إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلْمُخْلَصِينَ١٢٨
Illa ʿibada Allahi almukhlaseena
Addoomaha Alle maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.
-
وَتَرَكْنَا عَلَيْهِ فِى ٱلْـَٔاخِرِينَ١٢٩
Watarakna ʿalayhi fee alakhireena
Waxaana ugu dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood.
-
سَلَـٰمٌ عَلَىٰٓ إِلْ يَاسِينَ١٣٠
Salamun ʿala il yaseena
Salaan (Nabad gelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Ilyaasiin1.
Sharaxa hoose
[1] Ilyaasiin waa wadarta Ilyaas, waxaana loola jeedaa Ilyaas iyo kuwii raacay. -
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ١٣١
Inna kathalika najzee almuhsineena
Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
-
إِنَّهُۥ مِنْ عِبَادِنَا ٱلْمُؤْمِنِينَ١٣٢
Innahu min ʿibadina almumineena
Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah.
-
وَإِنَّ لُوطًا لَّمِنَ ٱلْمُرْسَلِينَ١٣٣
Wainna lootan lamina almursaleena
Oo xaqiiq Luud wuxuu ka mid ahaa Rususha.
-
إِذْ نَجَّيْنَـٰهُ وَأَهْلَهُۥٓ أَجْمَعِينَ١٣٤
Ith najjaynahu waahlahu ajmaʿeena
(Xus) markaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisaba, dhammaan,
-
إِلَّا عَجُوزًا فِى ٱلْغَـٰبِرِينَ١٣٥
Illa ʿajoozan fee alghabireena
Habar duq ah (marwadiisii) maahee oo ku hadhay (halaagga).
-
ثُمَّ دَمَّرْنَا ٱلْـَٔاخَرِينَ١٣٦
Thumma dammarna alakhareena
Kaddib waxaan baabbi’innay intii kale.
-
وَإِنَّكُمْ لَتَمُرُّونَ عَلَيْهِم مُّصْبِحِينَ١٣٧
Wainnakum latamurroona ʿalayhim musbiheena
Waxaadna xaqiiq ag martaan (dhulkoodii) subaxnimo,
-
وَبِٱلَّيْلِ ۗ أَفَلَا تَعْقِلُونَ١٣٨
Wabiallayli afala taʿqiloona
Iyo habeennimo, ee miyeydaan wax garan?
-
وَإِنَّ يُونُسَ لَمِنَ ٱلْمُرْسَلِينَ١٣٩
Wainna yoonusa lamina almursaleena
Oo xaqiiq Yuunus wuxuu ka mid ahaa Rusushii (la soo diray).
-
إِذْ أَبَقَ إِلَى ٱلْفُلْكِ ٱلْمَشْحُونِ١٤٠
Ith abaqa ila alfulki almashhooni
(Xus) markuu u cararay doonnidii buuxday.
-
فَسَاهَمَ فَكَانَ مِنَ ٱلْمُدْحَضِينَ١٤١
Fasahama fakana mina almudhadeena
Marka wuu la qori tuurtay1, wuxuuse noqday mid laga raayey (baddana lagu tuuray).
Sharaxa hoose
[1] Si loo cayimo qofka laga tuurayo doonnida si loo badbaadiyo rikaabka kale. Waxaa ku soo baxay qori tuurkii Yuunus c.s., markaasay ku tuureen badda. -
فَٱلْتَقَمَهُ ٱلْحُوتُ وَهُوَ مُلِيمٌ١٤٢
Failtaqamahu alhootu wahuwa muleemun
Markaasuu nibirigu liqay isagoo eedeysan1.
Sharaxa hoose
[1] Isagoo eedeysan, waayo wuxuu ka quustay dadkiisii ahaa xuma falka, wuxuuna ka soo tagay isagoo aan ka helin idan xagga Alle. -
فَلَوْلَآ أَنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلْمُسَبِّحِينَ١٤٣
Falawla annahu kana mina almusabbiheena
Haddiise ay ahaateen inuu ka mid ahaa kuwa na xurmo weyneeya oo tasbiixsada (ee ehlu salaadka ah).
-
لَلَبِثَ فِى بَطْنِهِۦٓ إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ١٤٤
Lalabitha fee batnihi ila yawmi yubʿathoona
Wuxuu ku negaan lahaa caloosha (nibriga) tan iyo Maalinta Qiyaamaha.
-
۞ فَنَبَذْنَـٰهُ بِٱلْعَرَآءِ وَهُوَ سَقِيمٌ١٤٥
Fanabathnahu bialʿarai wahuwa saqeemun
Waxaana ku soo tuurnay bannaan cid la' ah isagoo buka.
-
وَأَنۢبَتْنَا عَلَيْهِ شَجَرَةً مِّن يَقْطِينٍ١٤٦
Waanbatna ʿalayhi shajaratan min yaqteenin
Waxaana u soo bixinnay geed Aredube ah1.
Sharaxa hoose
[1] Maadaamana Nabi Yuunus xeebta lagu soo tuuray isagoo aan dub lahayn. Wuxuu Alle u soo saaaray geedkaasi bocorka (aredube, ubo) si uu u harsiiyo oo uga ilaaliyo cayaayin wax yeela. -
وَأَرْسَلْنَـٰهُ إِلَىٰ مِا۟ئَةِ أَلْفٍ أَوْ يَزِيدُونَ١٤٧
Waarsalnahu ila miati alfin aw yazeedoona
Waxaana u dirnay Boqol kun ama ka badanba.
-
فَـَٔامَنُوا۟ فَمَتَّعْنَـٰهُمْ إِلَىٰ حِينٍ١٤٨
Faamanoo famattaʿnahum ila heenin
Wayna rumeeyeen; waxaana u raaxeynay ilaa muddo.
-
فَٱسْتَفْتِهِمْ أَلِرَبِّكَ ٱلْبَنَاتُ وَلَهُمُ ٱلْبَنُونَ١٤٩
Faistaftihim alirabbika albanatu walahumu albanoona
Ee weydii (gaalada) in Rabbigaa gabdho leeyahay, iyaguna wiilal?
-
أَمْ خَلَقْنَا ٱلْمَلَـٰٓئِكَةَ إِنَـٰثًا وَهُمْ شَـٰهِدُونَ١٥٠
Am khalaqna almalaikata inathan wahum shahidoona
Mise ma waxaan abuurnay malaa'igta dheddig ahaan, iyaguna ay goob joog ka ahaayeen?
-
أَلَآ إِنَّهُم مِّنْ إِفْكِهِمْ لَيَقُولُونَ١٥١
Ala innahum min ifkihim layaqooloona
Ogaada, taasi xaqiiq waa been abuurashadooda inay yidhaahdaan:
-
وَلَدَ ٱللَّهُ وَإِنَّهُمْ لَكَـٰذِبُونَ١٥٢
Walada Allahu wainnahum lakathiboona
Allaa ilmo leh, waana beenaalayaal dhabtii.
-
أَصْطَفَى ٱلْبَنَاتِ عَلَى ٱلْبَنِينَ١٥٣
Astafa albanati ʿala albaneena
Ma wuxuu gabdho ka doortay wiilal?
-
مَا لَكُمْ كَيْفَ تَحْكُمُونَ١٥٤
Ma lakum kayfa tahkumoona
Maxaa si idin ka ah, sidee baad wax u xukumeysaan?
-
أَفَلَا تَذَكَّرُونَ١٥٥
Afala tathakkaroona
Ee miyeydaan xusuusanayn (inuusan Alle lahayn xaas, wiil, gabdho, kuna habbooneyn inuu yeesho ilmo)?
-
أَمْ لَكُمْ سُلْطَـٰنٌ مُّبِينٌ١٥٦
Am lakum sultanun mubeenun
Mise ma waxaad heysataan Xujo Cad?
-
فَأْتُوا۟ بِكِتَـٰبِكُمْ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ١٥٧
Fatoo bikitabikum in kuntum sadiqeena
Ee keena Kitaabkiinna (caddayn) haddaad run sheegaysaan?
-
وَجَعَلُوا۟ بَيْنَهُۥ وَبَيْنَ ٱلْجِنَّةِ نَسَبًا ۚ وَلَقَدْ عَلِمَتِ ٱلْجِنَّةُ إِنَّهُمْ لَمُحْضَرُونَ١٥٨
Wajaʿaloo baynahu wabayna aljinnati nasaban walaqad ʿalimati aljinnatu innahum lamuhdaroona
Waxayse yeelaan (qaraabo) nasab Isaga (Alle) iyo malaa’igta dhexdooda, oo dhab ahaan waxay malaa’igtu og yihiin in (kuwa sidaa yidhaahda) la keeni 'cadaabka Naarta'1.
Sharaxa hoose
[1] Jin waa khalqi aan Aadmigu arag oo ka qarsoon waana jinka iyo malaa’igta. -
سُبْحَـٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يَصِفُونَ١٥٩
Subhana Allahi ʿamma yasifoona
Xurmo waxaa iska leh Allaah, Wuu ka hufan yahay waxay ku sheegayaan.
-
إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلْمُخْلَصِينَ١٦٠
Illa ʿibada Allahi almukhlaseena
Addoomaha Alle maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.
-
فَإِنَّكُمْ وَمَا تَعْبُدُونَ١٦١
Fainnakum wama taʿbudoona
Xaqiiq, idinka iyo waxaad caabudaysaanba (gaaloy).
-
مَآ أَنتُمْ عَلَيْهِ بِفَـٰتِنِينَ١٦٢
Ma antum ʿalayhi bifatineena
Cidna kuma fidnayn kartaan1.
Sharaxa hoose
[1] Si uu u qaato gaalnimo iyo camallo xun. -
إِلَّا مَنْ هُوَ صَالِ ٱلْجَحِيمِ١٦٣
Illa man huwa sali aljaheemi
Mid maahee Naarta geli oo ku guban.
-
وَمَا مِنَّآ إِلَّا لَهُۥ مَقَامٌ مَّعْلُومٌ١٦٤
Wama minna illa lahu maqamun maʿloomun
Ma jiro mid naga mid ah (malaa’igta) aan lahayn meel lagu og yahay1.
Sharaxa hoose
[1] Cibaado ahaan, ama ma jiro mid aan lahayn howl la yaqaan uu qabto. -
وَإِنَّا لَنَحْنُ ٱلصَّآفُّونَ١٦٥
Wainna lanahnu alssaffoona
Waana innaga (malaa’igta ah) xaqiiq kuwa u safta safafka siman.
-
وَإِنَّا لَنَحْنُ ٱلْمُسَبِّحُونَ١٦٦
Wainna lanahnu almusabbihoona
Waana innaga (malaa'igta ah) xaqiiq kuwa xurmo weyneeya oo hufa 'Alle'1.
Sharaxa hoose
[1] Iyagoo beeninaya waxay gaalada ka sheegaan Alle inuu leeyahay wiil ama gabdho ama shariigyo. -
وَإِن كَانُوا۟ لَيَقُولُونَ١٦٧
Wain kanoo layaqooloona
Waxayna (gaaladu) odhan jireen:
-
لَوْ أَنَّ عِندَنَا ذِكْرًا مِّنَ ٱلْأَوَّلِينَ١٦٨
Law anna ʿindana thikran mina alawwaleena
Hadduu yahay agtannada xuskii (warkii) kuwii hore 'Kitaab'1 .
Sharaxa hoose
[1] Ka hor soo waxyoodka Qur’aanka. -
لَكُنَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلْمُخْلَصِينَ١٦٩
Lakunna ʿibada Allahi almukhlaseena
Waxaan ahaan laheyn addoomaha Alle ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.
-
فَكَفَرُوا۟ بِهِۦ ۖ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ١٧٠
Fakafaroo bihi fasawfa yaʿlamoona
Wayse ku gaaloobaan 'haatan'1, marka way ogaan doonaan.
Sharaxa hoose
[1] Dhambaalka iyaga loo soo diray, Qur’aanka. -
وَلَقَدْ سَبَقَتْ كَلِمَتُنَا لِعِبَادِنَا ٱلْمُرْسَلِينَ١٧١
Walaqad sabaqat kalimatuna liʿibadina almursaleena
Waxaa dhab ahaan ugu hormaray Kelmaddayada (Yaboohayaga) addoomahayaga Rususha ah.
-
إِنَّهُمْ لَهُمُ ٱلْمَنصُورُونَ١٧٢
Innahum lahumu almansooroona
Inay yihiin kuwa xaqiiq loo gargaari.
-
وَإِنَّ جُندَنَا لَهُمُ ٱلْغَـٰلِبُونَ١٧٣
Wainna jundana lahumu alghaliboona
Iyo in ciidammadayadu ay yihiin xaqiiq kuwa adkaan.
-
فَتَوَلَّ عَنْهُمْ حَتَّىٰ حِينٍ١٧٤
Fatawalla ʿanhum hatta heenin
Ee isaga jeeso ilaa muddo,
-
وَأَبْصِرْهُمْ فَسَوْفَ يُبْصِرُونَ١٧٥
Waabsirhum fasawfa yubsiroona
Aragna (waxa ku dhaca), iyaguna sidoo kale way arki.
-
أَفَبِعَذَابِنَا يَسْتَعْجِلُونَ١٧٦
Afabiʿathabina yastaʿjiloona
Ma Cadaabkanaga bay (gaaladu) degdegsanayaan?
-
فَإِذَا نَزَلَ بِسَاحَتِهِمْ فَسَآءَ صَبَاحُ ٱلْمُنذَرِينَ١٧٧
Faitha nazala bisahatihim fasaa sabahu almunthareena
Markase uu ku soo dego ardaagooda, waxaa xumaan subaxa kuwa loo digay.
-
وَتَوَلَّ عَنْهُمْ حَتَّىٰ حِينٍ١٧٨
Watawalla ʿanhum hatta heenin
Ee isaga jeeso iyaga ilaa muddo.
-
وَأَبْصِرْ فَسَوْفَ يُبْصِرُونَ١٧٩
Waabsir fasawfa yubsiroona
Aragna (waxa ku dhaca), iyaguna sidoo kale way arki.
-
سُبْحَـٰنَ رَبِّكَ رَبِّ ٱلْعِزَّةِ عَمَّا يَصِفُونَ١٨٠
Subhana rabbika rabbi alʿizzati ʿamma yasifoona
Xurmo oo dhan waxaa iska leh oo (xumaan ka) hufan Rabbigaa (Allaah), Rabbiga Sharafta leh, ka sarreeya waxay (gaaladu) ku tilmaamaan (sida inuu leeyahay wiil, gabdho, xaas, iwm).
-
وَسَلَـٰمٌ عَلَى ٱلْمُرْسَلِينَ١٨١
Wasalamun ʿala almursaleena
Nabadi korkooda ha ahaato Rususha (Alle).
-
وَٱلْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ١٨٢
Waalhamdu lillahi rabbi alʿalameena
Ammaan oo dhan iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda As-Saaffaat?
Macnaha As-Saaffaat waa “Kuwa safafka sameeya”.
Suuradda As-Saaffaat juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda As-Saaffaat waxay ku jirtaa juz’ 23.
Suuradda As-Saaffaat immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda As-Saaffaat waxay leedahay 182 aayadood.
Suuradda As-Saaffaat ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda As-Saaffaat waa suurad Makki ah.
Suuradda As-Saaffaat waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 37aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.