سورة ص

Suuradda Saad oo af Soomaali ah

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Saad (ص) waa suuradda 38aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 88 aayadood. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 23.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Saad oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Saad oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. صٓ ۚ وَٱلْقُرْءَانِ ذِى ٱلذِّكْرِ۝١

    Sad waalqurani thee alththikri

    Saad1, Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qur’aanka sharafta leh ee waanada badan2.

    Sharaxa hoose
    [1] Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1. [2] Inta hadalka ka go’an waa inaysan jirin ilaahyo badan balse uu Ilaaha Xaqa yahay Mid Keliya - Allaah iyo in soo bixinta Qiyaame Xaq tahay.
  2. بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ فِى عِزَّةٍ وَشِقَاقٍ۝٢

    Bali allatheena kafaroo fee ʿizzatin washiqaqin

    Kuwase gaalada ahi waxay ku sugan yihiin qabwayni iyo collaytan (xaq diiddo).

  3. كَمْ أَهْلَكْنَا مِن قَبْلِهِم مِّن قَرْنٍ فَنَادَوا۟ وَّلَاتَ حِينَ مَنَاصٍ۝٣

    Kam ahlakna min qablihim min qarnin fanadaw walata heena manasin

    Badanaa intaan halaagnay hortood facyo (Xaqa beeniyey), markaasay calaacaleen (oo tawbad keeneen) goor calaalal (tawbad keen la aqbalayn), lagana baxsan karin (Cadaabka Alle).

  4. وَعَجِبُوٓا۟ أَن جَآءَهُم مُّنذِرٌ مِّنْهُمْ ۖ وَقَالَ ٱلْكَـٰفِرُونَ هَـٰذَا سَـٰحِرٌ كَذَّابٌ۝٤

    Waʿajiboo an jaahum munthirun minhum waqala alkafiroona hatha sahirun kaththabun

    Waxay la yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah (Nabi Muxammad). Waxay gaaladu yidhaahdeen: Kanu waa saaxir, beenaale.

  5. أَجَعَلَ ٱلْـَٔالِهَةَ إِلَـٰهًا وَٰحِدًا ۖ إِنَّ هَـٰذَا لَشَىْءٌ عُجَابٌ۝٥

    Ajaʿala alalihata ilahan wahidan inna hatha lashayon ʿujabun

    Ma wuxuu ka dhigay ilaahyadii Ilaah Keliya? Waxakani waa wax la yaab leh.

  6. وَٱنطَلَقَ ٱلْمَلَأُ مِنْهُمْ أَنِ ٱمْشُوا۟ وَٱصْبِرُوا۟ عَلَىٰٓ ءَالِهَتِكُمْ ۖ إِنَّ هَـٰذَا لَشَىْءٌ يُرَادُ۝٦

    Waintalaqa almalao minhum ani imshoo waisbiroo ʿala alihatikum inna hatha lashayon yuradu

    Odayaashii ka mid ahaana way soo baxeen (iyagoo ku leh dadkoodii): Socda, oo ku samra oo sugnaada ilaahyadiinna. (arrin)kani waa wax laynala dooni1.

    Sharaxa hoose
    [1] Uu isku soo dubbariday Muxammad si uu idiin qabsado oo magac iyo sharaf ugu qaato.
  7. مَا سَمِعْنَا بِهَـٰذَا فِى ٱلْمِلَّةِ ٱلْـَٔاخِرَةِ إِنْ هَـٰذَآ إِلَّا ٱخْتِلَـٰقٌ۝٧

    Ma samiʿna bihatha fee almillati alakhirati in hatha illa ikhtilaqun

    Weligayo kuma aanu maqal (arrin)kan oo kale diintii kale1. (Arrin)kani ma aha waxaan aheyn been abuur.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxay ugala jeedaan diintii kale diinta Nasaarada ama diintii shirkiga oo ay Quraysh heysatay.
  8. أَءُنزِلَ عَلَيْهِ ٱلذِّكْرُ مِنۢ بَيْنِنَا ۚ بَلْ هُمْ فِى شَكٍّ مِّن ذِكْرِى ۖ بَل لَّمَّا يَذُوقُوا۟ عَذَابِ۝٨

    Aonzila ʿalayhi alththikru min baynina bal hum fee shakkin min thikree bal lamma yathooqoo ʿathabi

    Ma waxaa lagu soo dejiyey Qur’aanka isagoo (Muxammad) na dhex jooga? Mayee waxay ka shakisan yihiin Waanadeyda. Mayee, wali ma aysan dhadhamin Cadaabkayga.

  9. أَمْ عِندَهُمْ خَزَآئِنُ رَحْمَةِ رَبِّكَ ٱلْعَزِيزِ ٱلْوَهَّابِ۝٩

    Am ʿindahum khazainu rahmati rabbika alʿazeezi alwahhabi

    Mise ma waxay hayaan khasnadaha Naxariista Rabbigaa, Adkaadaha Sare, Deeqsiga ah aad wax u bixiya?

  10. أَمْ لَهُم مُّلْكُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا ۖ فَلْيَرْتَقُوا۟ فِى ٱلْأَسْبَـٰبِ۝١٠

    Am lahum mulku alssamawati waalardi wama baynahuma falyartaqoo fee alasbabi

    Mise ma waxay leeyihiin Mulkiga (iyo maamulka) cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya? Ee ha u koreen salaanno xagga 'samada hadday karaan'1.

    Sharaxa hoose
    [1] Si ay ugu soo dejiyaan waxyiga kay doonaan. Waa dhaleeceyn iyo caajiz gelin.
  11. جُندٌ مَّا هُنَالِكَ مَهْزُومٌ مِّنَ ٱلْأَحْزَابِ۝١١

    Jundun ma hunalika mahzoomun mina alahzabi

    Ciidanka halkaas jooga (gaalada) waa xisbiyo1 la jabin (lagana adkaan).

    Sharaxa hoose
    [1] Aayaddanina waxay tilmaameysaa dagaalkii Godka (Al-Axzaab) labadaba waa loo yaqaan. Mufasiriinta qaarna waxay yidhaahdeen waxay tilmaameysaa dagaalkii Badar.
  12. كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ وَعَادٌ وَفِرْعَوْنُ ذُو ٱلْأَوْتَادِ۝١٢

    Kaththabat qablahum qawmu noohin waʿadun wafirʿawnu thoo alawtadi

    Waxaa beeniyey (Rususha) iyaga hortood qoladii Nuux, Caad iyo Fircoon ee lahaa boqortooyo xoog leh1.

    Sharaxa hoose
    [1] Dhismooyin dhaadheer iyo ciidammo tiro badan iyo tiirar uu dadka geeyo ciqaab ahaan.
  13. وَثَمُودُ وَقَوْمُ لُوطٍ وَأَصْحَـٰبُ لْـَٔيْكَةِ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلْأَحْزَابُ۝١٣

    Wathamoodu waqawmu lootin waashabu alaykati olaika alahzabu

    Iyo Thamuud iyo qoladii Luud, iyo reer howdkii (loo diray Nabi Shucayb), kuwaa bay ahaayeen xisbiyada.

  14. إِن كُلٌّ إِلَّا كَذَّبَ ٱلرُّسُلَ فَحَقَّ عِقَابِ۝١٤

    In kullun illa kaththaba alrrusula fahaqqa ʿiqabi

    Ma jiro mid iyaga ka mid ah oo aan beenin Rususha, Markaasay xaq noqotay cadaabi inay ku dhacdo.

  15. وَمَا يَنظُرُ هَـٰٓؤُلَآءِ إِلَّا صَيْحَةً وَٰحِدَةً مَّا لَهَا مِن فَوَاقٍ۝١٥

    Wama yanthuru haolai illa sayhatan wahidatan ma laha min fawaqin

    Kuwaana (gaaladani) ma sugayaan waxaan aheyn hal Qeylo aanan daah lahayn iyo dib u dhac midna1.

    Sharaxa hoose
    [1] Ama fursad. Erey ahaan macnaha xiskin waa waqti u dhexeeya labada lisitaan ee caanaha hasha. Dhawaaqaas waa calaamo Qiyaamaha.
  16. وَقَالُوا۟ رَبَّنَا عَجِّل لَّنَا قِطَّنَا قَبْلَ يَوْمِ ٱلْحِسَابِ۝١٦

    Waqaloo rabbana ʿajjil lana qittana qabla yawmi alhisabi

    Waxayna yidhaahdeen: Rabbigayow! Noo soo dedeji saamigayaga (ciqaabka ) ka hor Maalinta Xisaabta (Qiyaamada).

  17. ٱصْبِرْ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَٱذْكُرْ عَبْدَنَا دَاوُۥدَ ذَا ٱلْأَيْدِ ۖ إِنَّهُۥٓ أَوَّابٌ۝١٧

    Isbir ʿala ma yaqooloona waothkur ʿabdana dawooda tha alaydi innahu awwabun

    U samir (adkeyso) waxay leeyihiin, xusuusona addoonkayaga Daawuud, ee xoogga iyo kartida lahaa. Wuxuu ahaa mid (Alle) u soo noqda, tawbad keen badan .

  18. إِنَّا سَخَّرْنَا ٱلْجِبَالَ مَعَهُۥ يُسَبِّحْنَ بِٱلْعَشِىِّ وَٱلْإِشْرَاقِ۝١٨

    Inna sakhkharna aljibala maʿahu yusabbihna bialʿashiyyi waalishraqi

    Waxaanu u sakhirnay buuraha inay kula tasbiixsadaan (Alle) ammaan iyo mahdin galab dhaca iyo qorrax soo baxaba.

  19. وَٱلطَّيْرَ مَحْشُورَةً ۖ كُلٌّ لَّهُۥٓ أَوَّابٌ۝١٩

    Waalttayra mahshooratan kullun lahu awwabun

    Iyo shimbiraha la soo kulunshay wada jir, dhammaan la qaadaan 'Alle' ammaanka.

  20. وَشَدَدْنَا مُلْكَهُۥ وَءَاتَيْنَـٰهُ ٱلْحِكْمَةَ وَفَصْلَ ٱلْخِطَابِ۝٢٠

    Washadadna mulkahu waataynahu alhikmata wafasla alkhitabi

    Waana adkaynay boqortooyadiisa, Waxaanuna siinnay Xikmad (Nabinnimo) iyo garsoor wanaagsan.

  21. ۞ وَهَلْ أَتَىٰكَ نَبَؤُا۟ ٱلْخَصْمِ إِذْ تَسَوَّرُوا۟ ٱلْمِحْرَابَ۝٢١

    Wahal ataka nabao alkhasmi ith tasawwaroo almihraba

    Ma ku soo gaaray warka dood qabayaa- shii, markay Mixraabka ugu soo dhaceen.

  22. إِذْ دَخَلُوا۟ عَلَىٰ دَاوُۥدَ فَفَزِعَ مِنْهُمْ ۖ قَالُوا۟ لَا تَخَفْ ۖ خَصْمَانِ بَغَىٰ بَعْضُنَا عَلَىٰ بَعْضٍ فَٱحْكُم بَيْنَنَا بِٱلْحَقِّ وَلَا تُشْطِطْ وَٱهْدِنَآ إِلَىٰ سَوَآءِ ٱلصِّرَٰطِ۝٢٢

    Ith dakhaloo ʿala dawooda fafaziʿa minhum qaloo la takhaf khasmani bagha baʿduna ʿala baʿdin faohkum baynana bialhaqqi wala tushtit waihdina ila sawai alssirati

    U soo galeen Daawuud, markaasuu (is)ku naxay; waxay yidhaahdeen: Ha cabsan! (waxaanu nahay) labo dood qabta, uu midkayo ku gardarrooday midka kale, sidaa darteed noogu kala garsoor si caddaalad ah, iskana jir gar eexo, oo nagu hanuuni jidka toosan (xaqa).

  23. إِنَّ هَـٰذَآ أَخِى لَهُۥ تِسْعٌ وَتِسْعُونَ نَعْجَةً وَلِىَ نَعْجَةٌ وَٰحِدَةٌ فَقَالَ أَكْفِلْنِيهَا وَعَزَّنِى فِى ٱلْخِطَابِ۝٢٣

    Inna hatha akhee lahu tisʿun watisʿoona naʿjatan waliya naʿjatun wahidatun faqala akfilneeha waʿazzanee fee alkhitabi

    Kani waa walaalkay; wuxuu leeyahay sagaal iyo sagaashan ido ah, halkaan anigu leeyahay lax keliya. Wuxuuna yidhi: i sii iyadana, waana iga dood adkaaday.

  24. قَالَ لَقَدْ ظَلَمَكَ بِسُؤَالِ نَعْجَتِكَ إِلَىٰ نِعَاجِهِۦ ۖ وَإِنَّ كَثِيرًا مِّنَ ٱلْخُلَطَآءِ لَيَبْغِى بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ وَقَلِيلٌ مَّا هُمْ ۗ وَظَنَّ دَاوُۥدُ أَنَّمَا فَتَنَّـٰهُ فَٱسْتَغْفَرَ رَبَّهُۥ وَخَرَّ رَاكِعًا وَأَنَابَ ۩۝٢٤

    Qala laqad thalamaka bisuali naʿjatika ila niʿajihi wainna katheeran mina alkhulatai layabghee baʿduhum ʿala baʿdin illa allatheena amanoo waʿamiloo alssalihati waqaleelun ma hum wathanna dawoodu annama fatannahu faistaghfara rabbahu wakharra rakiʿan waanaba

    (Daawuud) wuxuu yidhi: Waa uu kugu dulmiyey ku weydiisigiisa laxdaada si uu ugu darsado idahiisa. In badanna oo kuwa wax isku darsada ahi way isku xadgudbaan qaarkoodba qaarka kale, kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala mooyee, aad bayna u yar yihiin kuwaasu. Wuxuu Daawuud gartay inaan imtixaannay, markaasuu ka dalbay Denbi Dhaaf Rabbigi oo la dhacay rukuuc (sujuud), una soo noqday 'Alle"1 isagoo tawbad keen ah.

    Sharaxa hoose
    [1] Hadday ka dhaceen wax khalad ah xagga u kala garsoorka dadka, iwm.
  25. فَغَفَرْنَا لَهُۥ ذَٰلِكَ ۖ وَإِنَّ لَهُۥ عِندَنَا لَزُلْفَىٰ وَحُسْنَ مَـَٔابٍ۝٢٥

    Faghafarna lahu thalika wainna lahu ʿindana lazulfa wahusna maabin

    Markaasaan u denbi dhaafnay, wuxuuna Agtayada ku leeyahay dhowaansho iyo meel noqod wanaagsan (Aakhirada).

  26. يَـٰدَاوُۥدُ إِنَّا جَعَلْنَـٰكَ خَلِيفَةً فِى ٱلْأَرْضِ فَٱحْكُم بَيْنَ ٱلنَّاسِ بِٱلْحَقِّ وَلَا تَتَّبِعِ ٱلْهَوَىٰ فَيُضِلَّكَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ ۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَضِلُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌۢ بِمَا نَسُوا۟ يَوْمَ ٱلْحِسَابِ۝٢٦

    Ya dawoodu inna jaʿalnaka khaleefatan fee alardi faohkum bayna alnnasi bialhaqqi wala tattabiʿi alhawa fayudillaka ʿan sabeeli Allahi inna allatheena yadilloona ʿan sabeeli Allahi lahum ʿathabun shadeedun bima nasoo yawma alhisabi

    Daawuudow! Waxaan kaaga dhignay taliye dhulka, ee ku kala xukun dadka si xaq ah, hana raacin hawadaada - si ayan kaaga lumin Jidka Alle (Islaamka). Kuwa ka luma Jidka Alle waxay leeyihiin cadaab daran, illowgooda Maalinta Xisaabta (Qiyaamada) darteed.

  27. وَمَا خَلَقْنَا ٱلسَّمَآءَ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا بَـٰطِلًا ۚ ذَٰلِكَ ظَنُّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ۚ فَوَيْلٌ لِّلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِنَ ٱلنَّارِ۝٢٧

    Wama khalaqna alssamaa waalarda wama baynahuma batilan thalika thannu allatheena kafaroo fawaylun lillatheena kafaroo mina alnnari

    Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya ujeeddo la’aan. Sidaasu waa malaha gaalada. Ee hoog baa u sugnaaday gaalada xagga Naarta ah.

  28. أَمْ نَجْعَلُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ كَٱلْمُفْسِدِينَ فِى ٱلْأَرْضِ أَمْ نَجْعَلُ ٱلْمُتَّقِينَ كَٱلْفُجَّارِ۝٢٨

    Am najʿalu allatheena amanoo waʿamiloo alssalihati kaalmufsideena fee alardi am najʿalu almuttaqeena kaalfujjari

    Mise ma waxaanu la mid yeeli kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala sida kuwa ku fala fasahaad arlada? mise ma waxaanu la mid yeeli kuwa iska jira xumaha sida faajiriinta?

  29. كِتَـٰبٌ أَنزَلْنَـٰهُ إِلَيْكَ مُبَـٰرَكٌ لِّيَدَّبَّرُوٓا۟ ءَايَـٰتِهِۦ وَلِيَتَذَكَّرَ أُو۟لُوا۟ ٱلْأَلْبَـٰبِ۝٢٩

    Kitabun anzalnahu ilayka mubarakun liyaddabbaroo ayatihi waliyatathakkara oloo alalbabi

    (Kani Qur'aanku) waa Kitaab aan kugu soo dejinnay (Nabiyow) barako badan si ay uga fiirsadaan Aayadihiisa oo wax garadku ugu waantoobaan.

  30. وَوَهَبْنَا لِدَاوُۥدَ سُلَيْمَـٰنَ ۚ نِعْمَ ٱلْعَبْدُ ۖ إِنَّهُۥٓ أَوَّابٌ۝٣٠

    Wawahabna lidawooda sulaymana niʿma alʿabdu innahu awwabun

    Waxaan Daawuud siinnay Sulaymaan. Wacanaa addoonku. Wuxuu ahaa mid Alle u soo noqda (oo tawbad keen badan).

  31. إِذْ عُرِضَ عَلَيْهِ بِٱلْعَشِىِّ ٱلصَّـٰفِنَـٰتُ ٱلْجِيَادُ۝٣١

    Ith ʿurida ʿalayhi bialʿashiyyi alssafinatu aljiyadu

    (Xus) marka loo soo bandhigay goor galab ah (fardo) sugan markay taagan yihiin, dheereeya markay ordayaan -

  32. فَقَالَ إِنِّىٓ أَحْبَبْتُ حُبَّ ٱلْخَيْرِ عَن ذِكْرِ رَبِّى حَتَّىٰ تَوَارَتْ بِٱلْحِجَابِ۝٣٢

    Faqala innee ahbabtu hubba alkhayri ʿan thikri rabbee hatta tawarat bialhijabi

    Markaasuu wuxuu yidhi: Ma waxaan ka door biday maal adduunyo xuska Rabbigay ilaa ay dhacday qorraxdii.

  33. رُدُّوهَا عَلَىَّ ۖ فَطَفِقَ مَسْحًۢا بِٱلسُّوقِ وَٱلْأَعْنَاقِ۝٣٣

    Ruddooha ʿalayya fatafiqa mashan bialssooqi waalaʿnaqi

    Ii soo celiya, markaasuu wuxuu billaabay inuu ka masaxo addimmada iyo luqumahooda1.

    Sharaxa hoose
    [1] Mufasiriinta qaarkood waxay ku fasireen inuu u gowracay Alle darti u dhowaansho Xaggiisa.
  34. وَلَقَدْ فَتَنَّا سُلَيْمَـٰنَ وَأَلْقَيْنَا عَلَىٰ كُرْسِيِّهِۦ جَسَدًا ثُمَّ أَنَابَ۝٣٤

    Walaqad fatanna sulaymana waalqayna ʿala kursiyyihi jasadan thumma anaba

    Waxaanu dhab ahaan imtixaannay Sulaymaan, oo ku tuurnay kursigiisii oogo, markaasuu 'u' soo laabtay 'Alle'1.

    Sharaxa hoose
    [1] Wuxuu u soo laabtay Alle isagoo tawbad keen ah.
  35. قَالَ رَبِّ ٱغْفِرْ لِى وَهَبْ لِى مُلْكًا لَّا يَنۢبَغِى لِأَحَدٍ مِّنۢ بَعْدِىٓ ۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلْوَهَّابُ۝٣٥

    Qala rabbi ighfir lee wahab lee mulkan la yanbaghee liahadin min baʿdee innaka anta alwahhabu

    Wuxuu yidhi : Rabbiyow! Ii Denbi dhaaf oo i sii boqortooyo aan ku habbooneyn (inuu dhaxlo) cid iga dambeysa. Adigaa Bixin Badane ahe.

  36. فَسَخَّرْنَا لَهُ ٱلرِّيحَ تَجْرِى بِأَمْرِهِۦ رُخَآءً حَيْثُ أَصَابَ۝٣٦

    Fasakhkharna lahu alrreeha tajree biamrihi rukhaan haythu asaba

    Markaasaan u sakhirnay dabeysha, oo ku soconeysey amarkiisa iyadoo nugul meeshuu doonaba,

  37. وَٱلشَّيَـٰطِينَ كُلَّ بَنَّآءٍ وَغَوَّاصٍ۝٣٧

    Waalshshayateena kulla bannain waghawwasin

    Iyo shaydaammada, mid walboo wax dhisa iyo mid quusa.

  38. وَءَاخَرِينَ مُقَرَّنِينَ فِى ٱلْأَصْفَادِ۝٣٨

    Waakhareena muqarraneena fee alasfadi

    Iyo kuwo kaloo ku xirxiran silsilado.

  39. هَـٰذَا عَطَآؤُنَا فَٱمْنُنْ أَوْ أَمْسِكْ بِغَيْرِ حِسَابٍ۝٣٩

    Hatha ʿataona faomnun aw amsik bighayri hisabin

    Kani waa siismadeenna ee bixi waxaad doonto ama hayso xisaab la’aan.

  40. وَإِنَّ لَهُۥ عِندَنَا لَزُلْفَىٰ وَحُسْنَ مَـَٔابٍ۝٤٠

    Wainna lahu ʿindana lazulfa wahusna maabin

    Wuxuu (Sulaymaan) ku leeyahay Agtayada dhowaansho iyo meel noqod wanaagsan (Janno).

  41. وَٱذْكُرْ عَبْدَنَآ أَيُّوبَ إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُۥٓ أَنِّى مَسَّنِىَ ٱلشَّيْطَـٰنُ بِنُصْبٍ وَعَذَابٍ۝٤١

    Waothkur ʿabdana ayyooba ith nada rabbahu annee massaniya alshshaytanu binusbin waʿathabin

    Xus addoonkayaga Ayyuub, markuu u dhawaaqay (baryey) Rabbigi (isagoo leh): Wuxuu Shaydaan igu taabtay dhib iyo xanuun1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa lagu imtixaanay Nabi Ayyuub c.s. jirro halis ah oo oogada ah muddo aad u dheer. Markaasuu Alle baryey inuu caafiyo, markaasuu reystey.
  42. ٱرْكُضْ بِرِجْلِكَ ۖ هَـٰذَا مُغْتَسَلٌۢ بَارِدٌ وَشَرَابٌ۝٤٢

    Orkud birijlika hatha mughtasalun baridun washarabun

    (Waxaanu ku nidhi): Ku garaac (dhulka) lugtaada; tani (waa il leh) meyrasho qabow iyo cabbitaan.

  43. وَوَهَبْنَا لَهُۥٓ أَهْلَهُۥ وَمِثْلَهُم مَّعَهُمْ رَحْمَةً مِّنَّا وَذِكْرَىٰ لِأُو۟لِى ٱلْأَلْبَـٰبِ۝٤٣

    Wawahabna lahu ahlahu wamithlahum maʿahum rahmatan minna wathikra liolee alalbabi

    Waxaanu siinnay ehelkii uu beelay, iyo kuwo la mid ah oo la jira, Naxariis Xaggayaga ah, waanona u ah wax garadka.

  44. وَخُذْ بِيَدِكَ ضِغْثًا فَٱضْرِب بِّهِۦ وَلَا تَحْنَثْ ۗ إِنَّا وَجَدْنَـٰهُ صَابِرًا ۚ نِّعْمَ ٱلْعَبْدُ ۖ إِنَّهُۥٓ أَوَّابٌ۝٤٤

    Wakhuth biyadika dighthan faidrib bihi wala tahnath inna wajadnahu sabiran niʿma alʿabdu innahu awwabun

    (Waxaanu nidhi): Ku qaad gacantaada xirmo dhangado yar yar ah oo ku dhufo hal mar oo ha jabin dhaartaada1; waxaanu hellay inuu yahay samir badne. Wacanaa addoonku, wuxuu ahaa mid (Ilaahay) u soo noqda (oo tawbad keen badan).

    Sharaxa hoose
    [1] Mar ay xaaskiisa muujisay samir yari, wuxuu ku dhaartay Ayuub inuu garaacayo hadduu reysto. Alle wuxuu amray inuu kaga dhabeeyo dhaartiisa oo hal mar ku dhufto boqol dhangadood oo yar yar oo isku duuban.
  45. وَٱذْكُرْ عِبَـٰدَنَآ إِبْرَٰهِيمَ وَإِسْحَـٰقَ وَيَعْقُوبَ أُو۟لِى ٱلْأَيْدِى وَٱلْأَبْصَـٰرِ۝٤٥

    Waothkur ʿibadana ibraheema waishaqa wayaʿqooba olee alaydee waalabsari

    Xus addoomahayaga Ibraahiim iyo Isxaaq iyo Yacquub, ee ku xoog badnaa (daacada Alle) kuna arag dheeraa (diinta).

  46. إِنَّآ أَخْلَصْنَـٰهُم بِخَالِصَةٍ ذِكْرَى ٱلدَّارِ۝٤٦

    Inna akhlasnahum bikhalisatin thikra alddari

    Waxaanu xaqiiq ku gaar yeelnay tilmaan wanaagsan xusuusnaanta Daarta (Aakhiro).

  47. وَإِنَّهُمْ عِندَنَا لَمِنَ ٱلْمُصْطَفَيْنَ ٱلْأَخْيَارِ۝٤٧

    Wainnahum ʿindana lamina almustafayna alakhyari

    Waxayna xaqiiq iyagu ka mid yihiin agtannada xulka akhyaarta ah.

  48. وَٱذْكُرْ إِسْمَـٰعِيلَ وَٱلْيَسَعَ وَذَا ٱلْكِفْلِ ۖ وَكُلٌّ مِّنَ ٱلْأَخْيَارِ۝٤٨

    Waothkur ismaʿeela wailyasaʿa watha alkifli wakullun mina alakhyari

    Oo xus Ismaaciil iyo Al-Yasac iyo Dul-Kifil, dhammaan waxay ka mid yihiin akhyaarta.

  49. هَـٰذَا ذِكْرٌ ۚ وَإِنَّ لِلْمُتَّقِينَ لَحُسْنَ مَـَٔابٍ۝٤٩

    Hatha thikrun wainna lilmuttaqeena lahusna maabin

    Kani (Qur'aanku) waa waano (sharaf iyo darajo), waxayna leeyihiin kuwa iska jira (xumaha) meeqaan iyo meel noqod san.

  50. جَنَّـٰتِ عَدْنٍ مُّفَتَّحَةً لَّهُمُ ٱلْأَبْوَٰبُ۝٥٠

    Jannati ʿadnin mufattahatan lahumu alabwabu

    Jannada cadni (beero negaan) loo furay Albaabadooda.

  51. مُتَّكِـِٔينَ فِيهَا يَدْعُونَ فِيهَا بِفَـٰكِهَةٍ كَثِيرَةٍ وَشَرَابٍ۝٥١

    Muttakieena feeha yadʿoona feeha bifakihatin katheeratin washarabin

    Waxay ku dangiigsan dhexdeeda (sariiro) korreeya iyagoo u yeedhan midho tiro badan iyo cabbitaan (macaan).

  52. ۞ وَعِندَهُمْ قَـٰصِرَٰتُ ٱلطَّرْفِ أَتْرَابٌ۝٥٢

    Waʿindahum qasiratu alttarfi atrabun

    Waxaana la jirkood ahaan haween dhowrsoon, ku kooba araggooda (nimankooda), oo isku fil (da' ah).

  53. هَـٰذَا مَا تُوعَدُونَ لِيَوْمِ ٱلْحِسَابِ۝٥٣

    Hatha ma tooʿadoona liyawmi alhisabi

    Kani waa waxa la idiin yaboohay Maalinta Xisaabta (Qiyaamada).

  54. إِنَّ هَـٰذَا لَرِزْقُنَا مَا لَهُۥ مِن نَّفَادٍ۝٥٤

    Inna hatha larizquna ma lahu min nafadin

    Kani (barwaaqada iyo baraarahan) waa risiqayaga (la idiin yaboohay Qiyaamada) aan dhammaaneyn weligii.

  55. هَـٰذَا ۚ وَإِنَّ لِلطَّـٰغِينَ لَشَرَّ مَـَٔابٍ۝٥٥

    Hatha wainna lilttagheena lasharra maabin

    Waa sidaase! Xadgudbayaashana waxaa xaqiiq sugaya rug laabasho xun.

  56. جَهَنَّمَ يَصْلَوْنَهَا فَبِئْسَ ٱلْمِهَادُ۝٥٦

    Jahannama yaslawnaha fabisa almihadu

    Jahannama yay geli oo ku guban, oo ugu xun gogol la dhinac dhigo.

  57. هَـٰذَا فَلْيَذُوقُوهُ حَمِيمٌ وَغَسَّاقٌ۝٥٧

    Hatha falyathooqoohu hameemun waghassaqun

    Waa sidaase! Ee ha dhadhamiyeen, biyo kulul oo karkaraya iyo malax qurmuun.

  58. وَءَاخَرُ مِن شَكْلِهِۦٓ أَزْوَٰجٌ۝٥٨

    Waakharu min shaklihi azwajun

    Iyo (cadaab) kaloo la cayn ah oo noocyo kala duwan ah.

  59. هَـٰذَا فَوْجٌ مُّقْتَحِمٌ مَّعَكُمْ ۖ لَا مَرْحَبًۢا بِهِمْ ۚ إِنَّهُمْ صَالُوا۟ ٱلنَّارِ۝٥٩

    Hatha fawjun muqtahimun maʿakum la marhaban bihim innahum saloo alnnari

    Kani waa guuto idinla soo gali Naarta. Ma jirto iyagu soo dhoweyn ay leeyihiin! Hubaal, waxay ku guban oo gamaari Naarta.

  60. قَالُوا۟ بَلْ أَنتُمْ لَا مَرْحَبًۢا بِكُمْ ۖ أَنتُمْ قَدَّمْتُمُوهُ لَنَا ۖ فَبِئْسَ ٱلْقَرَارُ۝٦٠

    Qaloo bal antum la marhaban bikum antum qaddamtumoohu lana fabisa alqararu

    Waxay ku odhan (madaxdoodii): Balse idinka ma jirto soo dhoweyn aad leedihiin! Idinkaa noo keenay 'cadaabkan'. Ee u xumaa halkan meel la degaa.

  61. قَالُوا۟ رَبَّنَا مَن قَدَّمَ لَنَا هَـٰذَا فَزِدْهُ عَذَابًا ضِعْفًا فِى ٱلنَّارِ۝٦١

    Qaloo rabbana man qaddama lana hatha fazidhu ʿathaban diʿfan fee alnnari

    Waxay (raciyadii) odhan: Rabbigayow! Kii noo horseeday waxakani u kordhi cadaab laban laab ah Naarta gudaheeda.

  62. وَقَالُوا۟ مَا لَنَا لَا نَرَىٰ رِجَالًا كُنَّا نَعُدُّهُم مِّنَ ٱلْأَشْرَارِ۝٦٢

    Waqaloo ma lana la nara rijalan kunna naʿudduhum mina alashrari

    Waxayna (madaxdii) odhan: Maxaanu u arki la'nahay niman aanu ku tirin jirnay ehlu sharka1?

    Sharaxa hoose
    [1] Waxay ula jeedaan mu’miniinta.
  63. أَتَّخَذْنَـٰهُمْ سِخْرِيًّا أَمْ زَاغَتْ عَنْهُمُ ٱلْأَبْصَـٰرُ۝٦٣

    Attakhathnahum sikhriyyan am zaghat ʿanhumu alabsaru

    Miyaan ku diganaynay (oo waan qaldaneyn), mise indhahayagaa (haatan) ka iishay oo arki waayey?

  64. إِنَّ ذَٰلِكَ لَحَقٌّ تَخَاصُمُ أَهْلِ ٱلنَّارِ۝٦٤

    Inna thalika lahaqqun takhasumu ahli alnnari

    Hubaal arrinkani waa xaq aan shaki lahayn - waa doodda ehlu Naarka.

  65. قُلْ إِنَّمَآ أَنَا۠ مُنذِرٌ ۖ وَمَا مِنْ إِلَـٰهٍ إِلَّا ٱللَّهُ ٱلْوَٰحِدُ ٱلْقَهَّارُ۝٦٥

    Qul innama ana munthirun wama min ilahin illa Allahu alwahidu alqahharu

    Dheh (Nabiyow) anigu sideedaba waxaan ahay oo keliya dige, mana jiro ilaah (Xaq ah) aan ahayn Allaah, Waaxidka, Sandulleeyaha (daalimiinta iyo isla weynayaasha).

  66. رَبُّ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا ٱلْعَزِيزُ ٱلْغَفَّـٰرُ۝٦٦

    Rabbu alssamawati waalardi wama baynahuma alʿazeezu alghaffaru

    Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, Adkaadaha Sare, Denbi Dhaafka Badan.

  67. قُلْ هُوَ نَبَؤٌا۟ عَظِيمٌ۝٦٧

    Qul huwa nabaon ʿatheemun

    Dheh: Kani waa dhambaal ahmiyad weyn leh.

  68. أَنتُمْ عَنْهُ مُعْرِضُونَ۝٦٨

    Antum ʿanhu muʿridoona

    Oo aad idinku ka jeedsataan.

  69. مَا كَانَ لِىَ مِنْ عِلْمٍۭ بِٱلْمَلَإِ ٱلْأَعْلَىٰٓ إِذْ يَخْتَصِمُونَ۝٦٩

    Ma kana liya min ʿilmin bialmalai alaʿla ith yakhtasimoona

    Uma lahayn wax cilmi ah kulanka sare (malaa’igta) markay doodayeen.

  70. إِن يُوحَىٰٓ إِلَىَّ إِلَّآ أَنَّمَآ أَنَا۠ نَذِيرٌ مُّبِينٌ۝٧٠

    In yooha ilayya illa annama ana natheerun mubeenun

    Waxaa uun la ii waxyooday, inaan ahay dige iska cad.

  71. إِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَـٰٓئِكَةِ إِنِّى خَـٰلِقٌۢ بَشَرًا مِّن طِينٍ۝٧١

    Ith qala rabbuka lilmalaikati innee khaliqun basharan min teenin

    (Xus) markuu Rabbigaa ku yidhi ma- laa’igta: Waxaan ka abuuri aadmi dhoobo.

  72. فَإِذَا سَوَّيْتُهُۥ وَنَفَخْتُ فِيهِ مِن رُّوحِى فَقَعُوا۟ لَهُۥ سَـٰجِدِينَ۝٧٢

    Faitha sawwaytuhu wanafakhtu feehi min roohee faqaʿoo lahu sajideena

    Ee markaan ebyo sameyntiisa isagoo dhan oo aan ku afuufo Ruuxda (aan u abuuray), markaas ula dhaca sujuud.

  73. فَسَجَدَ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ كُلُّهُمْ أَجْمَعُونَ۝٧٣

    Fasajada almalaikatu kulluhum ajmaʿoona

    Malaa’igtii way sujuudeen kulligood oo dhan.

  74. إِلَّآ إِبْلِيسَ ٱسْتَكْبَرَ وَكَانَ مِنَ ٱلْكَـٰفِرِينَ۝٧٤

    Illa ibleesa istakbara wakana mina alkafireena

    Ibliis maahee, wuu is kibriyey, oo noqday gaal (abaal lahayn, fallaago ah).

  75. قَالَ يَـٰٓإِبْلِيسُ مَا مَنَعَكَ أَن تَسْجُدَ لِمَا خَلَقْتُ بِيَدَىَّ ۖ أَسْتَكْبَرْتَ أَمْ كُنتَ مِنَ ٱلْعَالِينَ۝٧٥

    Qala ya ibleesu ma manaʿaka an tasjuda lima khalaqtu biyadayya astakbarta am kunta mina alʿaleena

    (Alle) wuxuu yidhi: Ibliisow! Maxaa kuu diiday inaad u sujuuddo mid aan ku abuuray labadeyda Gacmood, miyaad isla weyn tahay, mise isla sarreysaa?

  76. قَالَ أَنَا۠ خَيْرٌ مِّنْهُ ۖ خَلَقْتَنِى مِن نَّارٍ وَخَلَقْتَهُۥ مِن طِينٍ۝٧٦

    Qala ana khayrun minhu khalaqtanee min narin wakhalaqtahu min teenin

    (Ibliis) wuxuu yidhi: Anaa ka khayr badan, waxaad iga abuurtay dab, isagana waxaad ka abuurtay dhoobo.

  77. قَالَ فَٱخْرُجْ مِنْهَا فَإِنَّكَ رَجِيمٌ۝٧٧

    Qala faokhruj minha fainnaka rajeemun

    (Alle) wuxuu yidhi: Ka bax halkan, waxaad tahay dayro dufeysan laga fogeeyey Naxariisteyda.

  78. وَإِنَّ عَلَيْكَ لَعْنَتِىٓ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلدِّينِ۝٧٨

    Wainna ʿalayka laʿnatee ila yawmi alddeeni

    Nacaladdayda baana korkaaga ah ilaa Maalinta Is-Abaal marinta (Qiyaamada).

  79. قَالَ رَبِّ فَأَنظِرْنِىٓ إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ۝٧٩

    Qala rabbi faanthirnee ila yawmi yubʿathoona

    (Ibliis) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ii sug ilaa Maalinta la soo bixinayo (Qiyaamaha).

  80. قَالَ فَإِنَّكَ مِنَ ٱلْمُنظَرِينَ۝٨٠

    Qala fainnaka mina almunthareena

    (Alle) wuxuu yidhi: Waxaad ka mid tahay kuwa la sugayo (fursad la siin).

  81. إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْوَقْتِ ٱلْمَعْلُومِ۝٨١

    Ila yawmi alwaqti almaʿloomi

    Ilaa Maalinta waqtiga la yaqaan leh.

  82. قَالَ فَبِعِزَّتِكَ لَأُغْوِيَنَّهُمْ أَجْمَعِينَ۝٨٢

    Qala fabiʿizzatika laoghwiyannahum ajmaʿeena

    (Shaydaan) wuxuu yidhi: Waa igu Cisa- daadee, waan dhumin dhammaantood.

  83. إِلَّا عِبَادَكَ مِنْهُمُ ٱلْمُخْلَصِينَ۝٨٣

    Illa ʿibadaka minhumu almukhlaseena

    Addoomahaaga kuwooda daacadda ah maahee aan waxba kula wadaajin cibaadada.

  84. قَالَ فَٱلْحَقُّ وَٱلْحَقَّ أَقُولُ۝٨٤

    Qala faalhaqqu waalhaqqa aqoolu

    (Alle) wuxuu yidhi: Runtu waxaa weeye, runtaana ku hadlaaye -

  85. لَأَمْلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنكَ وَمِمَّن تَبِعَكَ مِنْهُمْ أَجْمَعِينَ۝٨٥

    Laamlaanna jahannama minka wamimman tabiʿaka minhum ajmaʿeena

    Waxaan hubaal ka buuxin Jahannama adiga iyo kuwooda ka mid ah oo ku raaca oo dhan.

  86. قُلْ مَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ وَمَآ أَنَا۠ مِنَ ٱلْمُتَكَلِّفِينَ۝٨٦

    Qul ma asalukum ʿalayhi min ajrin wama ana mina almutakallifeena

    Dheh: Idinkuma weydiisanayo wax abaalgud ah (gaarsiinta Dhambaalkan), mana ahi mid ka mid ah kuwa is yeel yeela (oo isku dhiba waxaan la amrin).

  87. إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ لِّلْعَـٰلَمِينَ۝٨٧

    In huwa illa thikrun lilʿalameena

    Ma ahana (Qur’aankani) waxaan ahayn Waano ku socota uumanka oo dhan.

  88. وَلَتَعْلَمُنَّ نَبَأَهُۥ بَعْدَ حِينٍۭ۝٨٨

    Walataʿlamunna nabaahu baʿda heenin

    Oo xaqiiq waad ogaan doontaan warkiisa muddo yar kaddib1.

    Sharaxa hoose
    [1] Ogaanshaha run ahaanta waxa ku soo arooray Qur’aanka sida inuu Alle u gargaari doono mu’miniinta, iyo wararka la xidhiidha Aakhirada.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Suuradda Saad juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Saad waxay ku jirtaa juz’ 23.

Suuradda Saad immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Saad waxay leedahay 88 aayadood.

Suuradda Saad ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Saad waa suurad Makki ah.

Suuradda Saad waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 38aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.