سورة غافر

Suuradda Ghaafir oo af Soomaali ah

Denbi dhaafaha

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Ghaafir (غافر) waa suuradda 40aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 85 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Denbi dhaafaha”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 24.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Ghaafir oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Ghaafir oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. حمٓ۝١

    Hameem

    Xaa Miim1.

    Sharaxa hoose
    [1] Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1
  2. تَنزِيلُ ٱلْكِتَـٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْعَلِيمِ۝٢

    Tanzeelu alkitabi mina Allahi alʿazeezi alʿaleemi

    Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa Xagga Alle, Adkaadaha Sare, wax kasta Ogsoonaha ah.

  3. غَافِرِ ٱلذَّنۢبِ وَقَابِلِ ٱلتَّوْبِ شَدِيدِ ٱلْعِقَابِ ذِى ٱلطَّوْلِ ۖ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ إِلَيْهِ ٱلْمَصِيرُ۝٣

    Ghafiri alththanbi waqabili alttawbi shadeedi alʿiqabi thee alttawli la ilaha illa huwa ilayhi almaseeru

    Denbi dhaafaha, Tawbad aqbalaha, Daran yahay Ciqaabkiisu, Rabbiga Nicmadda Badan. Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga aheyn. Waa Xaggiisa meel Noqodka Dambe.

  4. مَا يُجَـٰدِلُ فِىٓ ءَايَـٰتِ ٱللَّهِ إِلَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ فَلَا يَغْرُرْكَ تَقَلُّبُهُمْ فِى ٱلْبِلَـٰدِ۝٤

    Ma yujadilu fee ayati Allahi illa allatheena kafaroo fala yaghrurka taqallubuhum fee albiladi

    Cidina kama dooddo Aayadaha Alle aan ahayn kuwa gaalooba. Ee yeysan ku hodin gadgaddoonkooda iyo galoobaxooda magaalooyinka.

  5. كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ وَٱلْأَحْزَابُ مِنۢ بَعْدِهِمْ ۖ وَهَمَّتْ كُلُّ أُمَّةٍۭ بِرَسُولِهِمْ لِيَأْخُذُوهُ ۖ وَجَـٰدَلُوا۟ بِٱلْبَـٰطِلِ لِيُدْحِضُوا۟ بِهِ ٱلْحَقَّ فَأَخَذْتُهُمْ ۖ فَكَيْفَ كَانَ عِقَابِ۝٥

    Kaththabat qablahum qawmu noohin waalahzabu min baʿdihim wahammat kullu ommatin birasoolihim liyakhuthoohu wajadaloo bialbatili liyudhidoo bihi alhaqqa faakhathtuhum fakayfa kana ʿiqabi

    Qoladii Nuux iyo xizbiyadii ka dambeeyay (sida Caad, Thamuud, iwm) baa beeniyey (anbiyadii Alle) iyaga hortood, ummad walbana waxay doontay Rasuulkoodii inay qabato (oo ay dilaan), waxayna ku doodeen baadil si ay ugu tirtiraan Xaqa, markaasaan qabtay, ee siduu mid daran u ahaa Ciqaabkaygii (aan ku ciqaabay kuwa Xaqa beeniyey).

  6. وَكَذَٰلِكَ حَقَّتْ كَلِمَتُ رَبِّكَ عَلَى ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَنَّهُمْ أَصْحَـٰبُ ٱلنَّارِ۝٦

    Wakathalika haqqat kalimatu rabbika ʿala allatheena kafaroo annahum ashabu alnnari

    Sidaasay Kelmedda Rabbigaa (Ciqaabtiisu) ugu waajibtay kuwa gaalooba inay yihiin ehlu-Naarka.

  7. ٱلَّذِينَ يَحْمِلُونَ ٱلْعَرْشَ وَمَنْ حَوْلَهُۥ يُسَبِّحُونَ بِحَمْدِ رَبِّهِمْ وَيُؤْمِنُونَ بِهِۦ وَيَسْتَغْفِرُونَ لِلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ رَبَّنَا وَسِعْتَ كُلَّ شَىْءٍ رَّحْمَةً وَعِلْمًا فَٱغْفِرْ لِلَّذِينَ تَابُوا۟ وَٱتَّبَعُوا۟ سَبِيلَكَ وَقِهِمْ عَذَابَ ٱلْجَحِيمِ۝٧

    Allatheena yahmiloona alʿarsha waman hawlahu yusabbihoona bihamdi rabbihim wayuminoona bihi wayastaghfiroona lillatheena amanoo rabbana wasiʿta kulla shayin rahmatan waʿilman faighfir lillatheena taboo waittabaʿoo sabeelaka waqihim ʿathaba aljaheemi

    Kuwa sida Carshiga iyo kuwa hareera jooga (ee Malaai'gta ah) waxay ku tasbiixsadaan ammaanaha Rabbigood oo ay rumaysan yihiin, waxayna u denbi dhaaf dalbaan mu'miniinta (iyagoo leh): Rabbigayow! Waxaad ku koobtaa wax walba Naxariis iyo cilmi ee u denbi dhaaf kuwa tawbad keena oo raaca Jidkaaga, kana dhowr Cadaabta Naarta ololeysa.

  8. رَبَّنَا وَأَدْخِلْهُمْ جَنَّـٰتِ عَدْنٍ ٱلَّتِى وَعَدتَّهُمْ وَمَن صَلَحَ مِنْ ءَابَآئِهِمْ وَأَزْوَٰجِهِمْ وَذُرِّيَّـٰتِهِمْ ۚ إِنَّكَ أَنتَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ۝٨

    Rabbana waadkhilhum jannati ʿadnin allatee waʿadtahum waman salaha min abaihim waazwajihim wathurriyyatihim innaka anta alʿazeezu alhakeemu

    Rabbigayow! Gali kuwaasi Beeraha negaya (Jannada) ee aad u ballan qaadday, iyo kuwa wanaagsan oo ka mid ah aabbayaashood iyo xaasaskooda iyo ubadkooda. Waxaad Adigu tahay (Allow) Adkaadaha Sarreeya, Xakiimka ah.

  9. وَقِهِمُ ٱلسَّيِّـَٔاتِ ۚ وَمَن تَقِ ٱلسَّيِّـَٔاتِ يَوْمَئِذٍ فَقَدْ رَحِمْتَهُۥ ۚ وَذَٰلِكَ هُوَ ٱلْفَوْزُ ٱلْعَظِيمُ۝٩

    Waqihimu alssayyiati waman taqi alssayyiati yawmaithin faqad rahimtahu wathalika huwa alfawzu alʿatheemu

    Oo ka dhowr xumo oo dhan, qofka aad ka dhowrto xumo Maalintaa, waad u naxariistay, taasina waa Liibaanta Weyn.

  10. إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ يُنَادَوْنَ لَمَقْتُ ٱللَّهِ أَكْبَرُ مِن مَّقْتِكُمْ أَنفُسَكُمْ إِذْ تُدْعَوْنَ إِلَى ٱلْإِيمَـٰنِ فَتَكْفُرُونَ۝١٠

    Inna allatheena kafaroo yunadawna lamaqtu Allahi akbaru min maqtikum anfusakum ith tudʿawna ila aleemani fatakfuroona

    Hubaal, kuwa gaalooba waxaa loogu dhawaaqi: Naceybka Alle idiin qabay (xilligii adduunka) ayaa ka weynaa naceybka aad hadda u qabtaan nafahiinna, iyadoo la idiinku yeedhay Iimaanka aadse diiddeen.

  11. قَالُوا۟ رَبَّنَآ أَمَتَّنَا ٱثْنَتَيْنِ وَأَحْيَيْتَنَا ٱثْنَتَيْنِ فَٱعْتَرَفْنَا بِذُنُوبِنَا فَهَلْ إِلَىٰ خُرُوجٍ مِّن سَبِيلٍ۝١١

    Qaloo rabbana amattana ithnatayni waahyaytana ithnatayni faiʿtarafna bithunoobina fahal ila khuroojin min sabeelin

    Waxay odhan: Rabbigayow! Waxaad naga yeeshay meyd (aan nafi ku jirin) labo jeer, oo na siisay nolol labo jeer1. waan qirsannahay dunuubtayada’e, ee ma jiraa jid looga baxo (Naarta)?

    Sharaxa hoose
    [1] Meyd labo jeer waa markuu qofka ku jiray uurka hooyadi ka hor intaan nafta la gelin iyo markuu dhinto. Nolol labo jeer waa marka nafta la geliyo isagoo uurka hooyadi ku jira iyo Aakhirada marka la soo nooleeyo dhimasho kaddib.
  12. ذَٰلِكُم بِأَنَّهُۥٓ إِذَا دُعِىَ ٱللَّهُ وَحْدَهُۥ كَفَرْتُمْ ۖ وَإِن يُشْرَكْ بِهِۦ تُؤْمِنُوا۟ ۚ فَٱلْحُكْمُ لِلَّهِ ٱلْعَلِىِّ ٱلْكَبِيرِ۝١٢

    Thalikum biannahu itha duʿiya Allahu wahdahu kafartum wain yushrak bihi tuminoo faalhukmu lillahi alʿaliyyi alkabeeri

    (Cadaab)kaasi (aad mudateen gaaloy) waxaa u sabab ah marka la idiinku yeedho Towxiidka iyo in Alle loo Keliya yeelo cibaadada aad gaalowdaan, markase loo shariig yeelo aad rumaysaan. Xukunka waxaa iska leh Allaah, Sarreeyaha, Weyn.

  13. هُوَ ٱلَّذِى يُرِيكُمْ ءَايَـٰتِهِۦ وَيُنَزِّلُ لَكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ رِزْقًا ۚ وَمَا يَتَذَكَّرُ إِلَّا مَن يُنِيبُ۝١٣

    Huwa allathee yureekum ayatihi wayunazzilu lakum mina alssamai rizqan wama yatathakkaru illa man yuneebu

    (Alle waa) Kan idin tusiya Calaamooyin- kiisa oo idiinka soo dejiya risiq (roob) samada, cidise kuma waantowdo aan ahayn kawa u laabashada badan (Alle) ee tawbad keenka badan.

  14. فَٱدْعُوا۟ ٱللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ وَلَوْ كَرِهَ ٱلْكَـٰفِرُونَ۝١٤

    Faodʿoo Allaha mukhliseena lahu alddeena walaw kariha alkafiroona

    Ee barya Allaah (Keliya) idinkoo u gaar yeelaya cibaadada, haba naceen gaaladuye.

  15. رَفِيعُ ٱلدَّرَجَـٰتِ ذُو ٱلْعَرْشِ يُلْقِى ٱلرُّوحَ مِنْ أَمْرِهِۦ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ مِنْ عِبَادِهِۦ لِيُنذِرَ يَوْمَ ٱلتَّلَاقِ۝١٥

    Rafeeʿu alddarajati thoo alʿarshi yulqee alrrooha min amrihi ʿala man yashao min ʿibadihi liyunthira yawma alttalaqi

    (Alle) waa Kan iska leh Darajada ugu Sarreysa ee Kaamilka ah, waa Rabbiga Carshiga (Weyn). Wuxuu ku soo dejiyaa waxyiga Amarkiisa ah qofkuu doono oo ka mid ah Addoomahiisa si uu ugaga digo (dadka) Maalinta kulanka (Qiyaamada).

  16. يَوْمَ هُم بَـٰرِزُونَ ۖ لَا يَخْفَىٰ عَلَى ٱللَّهِ مِنْهُمْ شَىْءٌ ۚ لِّمَنِ ٱلْمُلْكُ ٱلْيَوْمَ ۖ لِلَّهِ ٱلْوَٰحِدِ ٱلْقَهَّارِ۝١٦

    Yawma hum barizoona la yakhfa ʿala Allahi minhum shayon limani almulku alyawma lillahi alwahidi alqahhari

    Maalinta banka la keeni, ma jiro wax xaggooda ah oo ka qarsoon Alle: Yaa leh Boqortooyada Maanta? Allaah, Waaxidka, Sandulleeyaha (daalimiinta iyo isla weynayaasha).

  17. ٱلْيَوْمَ تُجْزَىٰ كُلُّ نَفْسٍۭ بِمَا كَسَبَتْ ۚ لَا ظُلْمَ ٱلْيَوْمَ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَرِيعُ ٱلْحِسَابِ۝١٧

    Alyawma tujza kullu nafsin bima kasabat la thulma alyawma inna Allaha sareeʿu alhisabi

    Maalinta (Qiyaamaha) naf walba waxaa lagu abaal marin waxay kasbatay (khayr ama shar), dulmi ma jiro Maalintaa1. Hubaal, Alle wuu ku Dhaqso badan yahay xisaabinta.

    Sharaxa hoose
    [1] Xadiis qudsi ah: Alle wuxuu yidhi: “Addoomaheygow aniga waan iska xaaraanshay dulmiga, waxaana ka yeelay xaaraan dhexdiinna ee ha is dulmina".
  18. وَأَنذِرْهُمْ يَوْمَ ٱلْـَٔازِفَةِ إِذِ ٱلْقُلُوبُ لَدَى ٱلْحَنَاجِرِ كَـٰظِمِينَ ۚ مَا لِلظَّـٰلِمِينَ مِنْ حَمِيمٍ وَلَا شَفِيعٍ يُطَاعُ۝١٨

    Waanthirhum yawma alazifati ithi alquloobu lada alhanajiri kathimeena ma lilththalimeena min hameemin wala shafeeʿin yutaʿu

    Uga dig Maalinta dhow, markay quluubtu iman dhuumaha (cabsi darteed) iyagoo walbahaarsan. Ma leh daalimiinta saaxiib iyo shafeece midna la maqlayo.

  19. يَعْلَمُ خَآئِنَةَ ٱلْأَعْيُنِ وَمَا تُخْفِى ٱلصُّدُورُ۝١٩

    Yaʿlamu khainata alaʿyuni wama tukhfee alssudooru

    (Alle) Wuu Og yahay khiyaanada isha loo dabo iyo waxay laabuhu qarsadaanba.

  20. وَٱللَّهُ يَقْضِى بِٱلْحَقِّ ۖ وَٱلَّذِينَ يَدْعُونَ مِن دُونِهِۦ لَا يَقْضُونَ بِشَىْءٍ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْبَصِيرُ۝٢٠

    WaAllahu yaqdee bialhaqqi waallatheena yadʿoona min doonihi la yaqdoona bishayin inna Allaha huwa alssameeʿu albaseeru

    Alle wuxuu wax ku xukumaa Xaq, kuwase ay u yeedhaan Isaga sokadi, ma xukumi karaan waxba. Hubaal, Alle, waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka.

  21. ۞ أَوَلَمْ يَسِيرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ فَيَنظُرُوا۟ كَيْفَ كَانَ عَـٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ كَانُوا۟ مِن قَبْلِهِمْ ۚ كَانُوا۟ هُمْ أَشَدَّ مِنْهُمْ قُوَّةً وَءَاثَارًا فِى ٱلْأَرْضِ فَأَخَذَهُمُ ٱللَّهُ بِذُنُوبِهِمْ وَمَا كَانَ لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ مِن وَاقٍ۝٢١

    Awa lam yaseeroo fee alardi fayanthuroo kayfa kana ʿaqibatu allatheena kanoo min qablihim kanoo hum ashadda minhum quwwatan waatharan fee alardi faakhathahumu Allahu bithunoobihim wama kana lahum mina Allahi min waqin

    Miyeyna marin dhulka oo fiirin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Waxay ahaayeen kuwo ka xoog badan oo ka camiraad badan arlada, wuxuuse Alle u qabtay denbiyaday faleen. Umana sugnaan iyaga wax Alle ka difaaca.

  22. ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ كَانَت تَّأْتِيهِمْ رُسُلُهُم بِٱلْبَيِّنَـٰتِ فَكَفَرُوا۟ فَأَخَذَهُمُ ٱللَّهُ ۚ إِنَّهُۥ قَوِىٌّ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ۝٢٢

    Thalika biannahum kanat tateehim rusuluhum bialbayyinati fakafaroo faakhathahumu Allahu innahu qawiyyun shadeedu alʿiqabi

    (Cadaab)kaasi waxaa ugu wacan waxay ula yimaadeen Rusushoodii xujooyin cad, wayse gaaloobeen. Markaa Alle baa qabtay. Hubaal waa Xoog Badane, Ciqaabkiisu daran yahay.

  23. وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مُوسَىٰ بِـَٔايَـٰتِنَا وَسُلْطَـٰنٍ مُّبِينٍ۝٢٣

    Walaqad arsalna moosa biayatina wasultanin mubeenin

    Waxaanu dhab ahaan la dirnay Muuse Aayadahayaga iyo awood cad.

  24. إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَهَـٰمَـٰنَ وَقَـٰرُونَ فَقَالُوا۟ سَـٰحِرٌ كَذَّابٌ۝٢٤

    Ila firʿawna wahamana waqaroona faqaloo sahirun kaththabun

    Xagga Fircoon iyo Haamaan iyo Qaaruun, waxayse yidhaahdeen: (waa) Saaxir, beenaale ah.

  25. فَلَمَّا جَآءَهُم بِٱلْحَقِّ مِنْ عِندِنَا قَالُوا۟ ٱقْتُلُوٓا۟ أَبْنَآءَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مَعَهُۥ وَٱسْتَحْيُوا۟ نِسَآءَهُمْ ۚ وَمَا كَيْدُ ٱلْكَـٰفِرِينَ إِلَّا فِى ضَلَـٰلٍ۝٢٥

    Falamma jaahum bialhaqqi min ʿindina qaloo oqtuloo abnaa allatheena amanoo maʿahu waistahyoo nisaahum wama kaydu alkafireena illa fee dalalin

    Markuu u keenay Xaqa ka yimid Xaggayaga waxay yidhaahdeen: Dila wiilasha kuwa (xaqa) rumeeyey la jirki una daaya haweenkooda nolol (si aad ugu adeegataan oo u addoonsataan). Dhagarta gaaladu ma aha waxaan ahayn (wax ku dhammaada) khasaaro iyo fashil.

  26. وَقَالَ فِرْعَوْنُ ذَرُونِىٓ أَقْتُلْ مُوسَىٰ وَلْيَدْعُ رَبَّهُۥٓ ۖ إِنِّىٓ أَخَافُ أَن يُبَدِّلَ دِينَكُمْ أَوْ أَن يُظْهِرَ فِى ٱلْأَرْضِ ٱلْفَسَادَ۝٢٦

    Waqala firʿawnu tharoonee aqtul moosa walyadʿu rabbahu innee akhafu an yubaddila deenakum aw an yuthhira fee alardi alfasada

    Fircoon wuxuu yidhi: I daaya aan dilee Muuse, hana u yeedho Rabbigiis, waxaan ka cabsan inuu idinka beddelo diintiinna ama uu ka muujiyo arlada fasahaad1.

    Sharaxa hoose
    [1] Tafaraaruq idin geliyo ama dagaal sokeeye.
  27. وَقَالَ مُوسَىٰٓ إِنِّى عُذْتُ بِرَبِّى وَرَبِّكُم مِّن كُلِّ مُتَكَبِّرٍ لَّا يُؤْمِنُ بِيَوْمِ ٱلْحِسَابِ۝٢٧

    Waqala moosa innee ʿuthtu birabbee warabbikum min kulli mutakabbirin la yuminu biyawmi alhisabi

    Wuxuu Muuse yidhi: Anigu Waxaan ka magan galay Rabbigay iyo Rabbigiinba mid kastoo islaweyn oo aan rumaysnayn Maalinta Xisaabta (Qiyaamada).

  28. وَقَالَ رَجُلٌ مُّؤْمِنٌ مِّنْ ءَالِ فِرْعَوْنَ يَكْتُمُ إِيمَـٰنَهُۥٓ أَتَقْتُلُونَ رَجُلًا أَن يَقُولَ رَبِّىَ ٱللَّهُ وَقَدْ جَآءَكُم بِٱلْبَيِّنَـٰتِ مِن رَّبِّكُمْ ۖ وَإِن يَكُ كَـٰذِبًا فَعَلَيْهِ كَذِبُهُۥ ۖ وَإِن يَكُ صَادِقًا يُصِبْكُم بَعْضُ ٱلَّذِى يَعِدُكُمْ ۖ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهْدِى مَنْ هُوَ مُسْرِفٌ كَذَّابٌ۝٢٨

    Waqala rajulun muminun min ali firʿawna yaktumu eemanahu ataqtuloona rajulan an yaqoola rabbiyya Allahu waqad jaakum bialbayyinati min rabbikum wain yaku kathiban faʿalayhi kathibuhu wain yaku sadiqan yusibkum baʿdu allathee yaʿidukum inna Allaha la yahdee man huwa musrifun kaththabun

    Nin mu’min ah oo ka mid ah reer Fircoon1 oo qarsanayey Iimaankiisa wuxuu yidhi: Ma waxaad ku dileysaan nin sababta ah inuu yidhi: Rabbigay waa Allaah, wuxuuna idiinka keenay Xujooyin Cad xagga Rabbigiin? Hadduu been sheegayo, isagay dhibi beentiisu; haddiise uu run sheegayo, waxaa idinku dhici qaar waxaa uu idinku gooddiyo. Hubaal Alle ma hanuuniyo mid ah xad gudbe, been badne.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa Xizqil, Fircoon ina Adeerki, khaznad hayahii dawladda.
  29. يَـٰقَوْمِ لَكُمُ ٱلْمُلْكُ ٱلْيَوْمَ ظَـٰهِرِينَ فِى ٱلْأَرْضِ فَمَن يَنصُرُنَا مِنۢ بَأْسِ ٱللَّهِ إِن جَآءَنَا ۚ قَالَ فِرْعَوْنُ مَآ أُرِيكُمْ إِلَّا مَآ أَرَىٰ وَمَآ أَهْدِيكُمْ إِلَّا سَبِيلَ ٱلرَّشَادِ۝٢٩

    Ya qawmi lakumu almulku alyawma thahireena fee alardi faman yansuruna min basi Allahi in jaana qala firʿawnu ma oreekum illa ma ara wama ahdeekum illa sabeela alrrashadi

    Tolkayow! Idinkaa leh xukunka maanta, una adag arlada. Yaase nooga gargaari Ciqaabka Alle hadduu noo yimaado. Fircoon wuxuu yidhi: Idin tusi maayo waxaan aheyn waxaan anigu u arko wanaag, idinkumana hanuuniyo waxaan aheyn dhabbaha toosan ee abbaarta ah.

  30. وَقَالَ ٱلَّذِىٓ ءَامَنَ يَـٰقَوْمِ إِنِّىٓ أَخَافُ عَلَيْكُم مِّثْلَ يَوْمِ ٱلْأَحْزَابِ۝٣٠

    Waqala allathee amana ya qawmi innee akhafu ʿalaykum mithla yawmi alahzabi

    Kii rumeeyey (Xaqa) wuxuu yidhi: Tolkayow! Waxaan idiinka cabsan sidii Maalintii xizbiyadii1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa maalmaha uu Alle u soo diro Ciqaabkiisa kuwaasi diiday nabiyadii loo soo diray .
  31. مِثْلَ دَأْبِ قَوْمِ نُوحٍ وَعَادٍ وَثَمُودَ وَٱلَّذِينَ مِنۢ بَعْدِهِمْ ۚ وَمَا ٱللَّهُ يُرِيدُ ظُلْمًا لِّلْعِبَادِ۝٣١

    Mithla dabi qawmi noohin waʿadin wathamooda waallatheena min baʿdihim wama Allahu yureedu thulman lilʿibadi

    Wixii ku dhacay oo kale qolodii Nuux, Caad, Thamuud, iyo kuwii ka dambeeyey. Alle ma aha mid la doona dulmi addoomahiisa oo ku gardarrooda.

  32. وَيَـٰقَوْمِ إِنِّىٓ أَخَافُ عَلَيْكُمْ يَوْمَ ٱلتَّنَادِ۝٣٢

    Waya qawmi innee akhafu ʿalaykum yawma alttanadi

    Tolkaygow! Waxaan anigu idiinka cabsan Maalinta isu Yeeridda1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa maalinta Qiyaamaha, markay denbiilayaasha la qeylin argarax, dadku waa isu yeeran goobta Qiyaamaha iyagoo in loo shafeeco raba.
  33. يَوْمَ تُوَلُّونَ مُدْبِرِينَ مَا لَكُم مِّنَ ٱللَّهِ مِنْ عَاصِمٍ ۗ وَمَن يُضْلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِنْ هَادٍ۝٣٣

    Yawma tuwalloona mudbireena ma lakum mina Allahi min ʿasimin waman yudlili Allahu fama lahu min hadin

    Maalinta aad jeedin dhabarradiinna idinkoo carari, ma jiro wax idinka badbaadin Alle. Qofkuu Alle lumiyo ma uu laha wax hanuunin.

  34. وَلَقَدْ جَآءَكُمْ يُوسُفُ مِن قَبْلُ بِٱلْبَيِّنَـٰتِ فَمَا زِلْتُمْ فِى شَكٍّ مِّمَّا جَآءَكُم بِهِۦ ۖ حَتَّىٰٓ إِذَا هَلَكَ قُلْتُمْ لَن يَبْعَثَ ٱللَّهُ مِنۢ بَعْدِهِۦ رَسُولًا ۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ ٱللَّهُ مَنْ هُوَ مُسْرِفٌ مُّرْتَابٌ۝٣٤

    Walaqad jaakum yoosufu min qablu bialbayyinati fama ziltum fee shakkin mimma jaakum bihi hatta itha halaka qultum lan yabʿatha Allahu min baʿdihi rasoolan kathalika yudillu Allahu man huwa musrifun murtabun

    Wuxuu dhab ahaan Yuusuf idiinla yimid mar hore Xujooyin cad, kamase bixin shakigii aad ka qabteen wuxuu idiin keenay, jeer markuu dhintay aad tidhaahdeen: Alle ma soo dirayo wax Rasuul ah isaga kadambow. Sidaasuu Alle u lumiyaa kan ah xad gudbe, shaki qabeen.

  35. ٱلَّذِينَ يُجَـٰدِلُونَ فِىٓ ءَايَـٰتِ ٱللَّهِ بِغَيْرِ سُلْطَـٰنٍ أَتَىٰهُمْ ۖ كَبُرَ مَقْتًا عِندَ ٱللَّهِ وَعِندَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ۚ كَذَٰلِكَ يَطْبَعُ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ قَلْبِ مُتَكَبِّرٍ جَبَّارٍ۝٣٥

    Allatheena yujadiloona fee ayati Allahi bighayri sultanin atahum kabura maqtan ʿinda Allahi waʿinda allatheena amanoo kathalika yatbaʿu Allahu ʿala kulli qalbi mutakabbirin jabbarin

    Kuwa ka dooda Aayadaha Alle iyagoon heysan wax xujo ah uu siiyey, waa wax uu Alle aad u neceb yahay (ka doodkaasi) oo (sidoo kale ay neceb yihiin) mu'miniinta. Sidaasuu Alle u daboolaa qalbiga mid kastoo ah islaweyne, jujuubaa.

  36. وَقَالَ فِرْعَوْنُ يَـٰهَـٰمَـٰنُ ٱبْنِ لِى صَرْحًا لَّعَلِّىٓ أَبْلُغُ ٱلْأَسْبَـٰبَ۝٣٦

    Waqala firʿawnu ya hamanu ibni lee sarhan laʿallee ablughu alasbaba

    Fircoon wuxuu yidhi: Haamaanow! Ii dhis sar dheer si aan ugu gaadho waddooyinka1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa siyaabo kor lagu aado.
  37. أَسْبَـٰبَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ فَأَطَّلِعَ إِلَىٰٓ إِلَـٰهِ مُوسَىٰ وَإِنِّى لَأَظُنُّهُۥ كَـٰذِبًا ۚ وَكَذَٰلِكَ زُيِّنَ لِفِرْعَوْنَ سُوٓءُ عَمَلِهِۦ وَصُدَّ عَنِ ٱلسَّبِيلِ ۚ وَمَا كَيْدُ فِرْعَوْنَ إِلَّا فِى تَبَابٍ۝٣٧

    Asbaba alssamawati faattaliʿa ila ilahi moosa wainnee laathunnuhu kathiban wakathalika zuyyina lifirʿawna sooo ʿamalihi wasudda ʿani alssabeeli wama kaydu firʿawna illa fee tababin

    Waddooyinka loo maro cirarka, si aan u soo dhugto ilaaha Muuse; waxaana u maleyn inuu yahay beenaale. Sidaasaa xumaanta camalkiisa loogu qurxiyey Fircoon, loogana duway Jidka (Toosan). Ma ahayn dhagartii Fircoon waxaan ahayn (wax ku dhammaada) baabba’a isaga ku dhacay.

  38. وَقَالَ ٱلَّذِىٓ ءَامَنَ يَـٰقَوْمِ ٱتَّبِعُونِ أَهْدِكُمْ سَبِيلَ ٱلرَّشَادِ۝٣٨

    Waqala allathee amana ya qawmi ittabiʿooni ahdikum sabeela alrrashadi

    Oo kii (Xaqa) rumeeyey wuxuu yidhi: Tolkayow i soo raaca, waxaan idinku hagi Jidka hanuunka.

  39. يَـٰقَوْمِ إِنَّمَا هَـٰذِهِ ٱلْحَيَوٰةُ ٱلدُّنْيَا مَتَـٰعٌ وَإِنَّ ٱلْـَٔاخِرَةَ هِىَ دَارُ ٱلْقَرَارِ۝٣٩

    Ya qawmi innama hathihi alhayatu alddunya mataʿun wainna alakhirata hiya daru alqarari

    Tolkayow! Noloshan Adduunka waa uun raaxo (yar oo tageysa), Aakhiradaana ah Daarta negaadiga.

  40. مَنْ عَمِلَ سَيِّئَةً فَلَا يُجْزَىٰٓ إِلَّا مِثْلَهَا ۖ وَمَنْ عَمِلَ صَـٰلِحًا مِّن ذَكَرٍ أَوْ أُنثَىٰ وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ يَدْخُلُونَ ٱلْجَنَّةَ يُرْزَقُونَ فِيهَا بِغَيْرِ حِسَابٍ۝٤٠

    Man ʿamila sayyiatan fala yujza illa mithlaha waman ʿamila salihan min thakarin aw ontha wahuwa muminun faolaika yadkhuloona aljannata yurzaqoona feeha bighayri hisabin

    Qofkii falaa camal xun, laguma abaal mariyo waxaan aheyn wax la mid ah. Qofkiise fala wanaag lab ama dheddig oo mu’min ah, kuwaa waxay geli Jannada, iyagoo lagu arsaaqi xisaab la’aan.

  41. ۞ وَيَـٰقَوْمِ مَا لِىٓ أَدْعُوكُمْ إِلَى ٱلنَّجَوٰةِ وَتَدْعُونَنِىٓ إِلَى ٱلنَّارِ۝٤١

    Waya qawmi ma lee adʿookum ila alnnajati watadʿoonanee ila alnnari

    Tolkayow! Maxaa ugu wacan inaan idiinku yeedho badbaadada, halkaad iigu yeedhaan Naar.

  42. تَدْعُونَنِى لِأَكْفُرَ بِٱللَّهِ وَأُشْرِكَ بِهِۦ مَا لَيْسَ لِى بِهِۦ عِلْمٌ وَأَنَا۠ أَدْعُوكُمْ إِلَى ٱلْعَزِيزِ ٱلْغَفَّـٰرِ۝٤٢

    Tadʿoonanee liakfura biAllahi waoshrika bihi ma laysa lee bihi ʿilmun waana adʿookum ila alʿazeezi alghaffari

    Waxaad iigu yeedhaan inaan ku gaa- loobo Alle oo la wadaajiyo (cibaadada) wax aan u heysan wax cilmi ah, aniguna waxaan idiinku yeedhaa xagga (Allaah) Adkaadaha Sarreeya, Denbi Dhaafka Badan.

  43. لَا جَرَمَ أَنَّمَا تَدْعُونَنِىٓ إِلَيْهِ لَيْسَ لَهُۥ دَعْوَةٌ فِى ٱلدُّنْيَا وَلَا فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ وَأَنَّ مَرَدَّنَآ إِلَى ٱللَّهِ وَأَنَّ ٱلْمُسْرِفِينَ هُمْ أَصْحَـٰبُ ٱلنَّارِ۝٤٣

    La jarama annama tadʿoonanee ilayhi laysa lahu daʿwatun fee alddunya wala fee alakhirati waanna maraddana ila Allahi waanna almusrifeena hum ashabu alnnari

    Shaki ma leh, waxaad iigu yeedheysaan Xaggiisa ma hayaan (dhib iyo dheef) loogu yeedho adduun iyo aakhiraba, waxaana laynoo celin xagga Alle, kuwa ahna xad gudbayaasha waa iyaga uun Ehlu-Naarka.

  44. فَسَتَذْكُرُونَ مَآ أَقُولُ لَكُمْ ۚ وَأُفَوِّضُ أَمْرِىٓ إِلَى ٱللَّهِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ بَصِيرٌۢ بِٱلْعِبَادِ۝٤٤

    Fasatathkuroona ma aqoolu lakum waofawwidu amree ila Allahi inna Allaha baseerun bialʿibadi

    Marka waad xusuusan doontaan waxaan idinku leeyahay, waxaana u tala saartay arrinkayga Alle. Hubaal Alle wuu Arkaa addoomahiisa.

  45. فَوَقَىٰهُ ٱللَّهُ سَيِّـَٔاتِ مَا مَكَرُوا۟ ۖ وَحَاقَ بِـَٔالِ فِرْعَوْنَ سُوٓءُ ٱلْعَذَابِ۝٤٥

    Fawaqahu Allahu sayyiati ma makaroo wahaqa biali firʿawna sooo alʿathabi

    Markaasuu Alle ka dhowray xumaha waxay qooleen, oo cadaab tan u daran waxay ku degtay reer Fircoon.

  46. ٱلنَّارُ يُعْرَضُونَ عَلَيْهَا غُدُوًّا وَعَشِيًّا ۖ وَيَوْمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ أَدْخِلُوٓا۟ ءَالَ فِرْعَوْنَ أَشَدَّ ٱلْعَذَابِ۝٤٦

    Alnnaru yuʿradoona ʿalayha ghuduwwan waʿashiyyan wayawma taqoomu alssaʿatu adkhiloo ala firʿawna ashadda alʿathabi

    Naarta, waxaa loo soo bandhigaa aroor iyo galab 'kastaba'1, Maalintay Saacadda (Qiyaame) dhacdona (waxaa la odhan): Ka yeela reer Fircoon inay galaan cadaab tan ugu daran.

    Sharaxa hoose
    [1] Laga billaabo markay dhintaan ilaa Maalinta Qiyaamaha, marka loo kaxeyn xagga Naarta.
  47. وَإِذْ يَتَحَآجُّونَ فِى ٱلنَّارِ فَيَقُولُ ٱلضُّعَفَـٰٓؤُا۟ لِلَّذِينَ ٱسْتَكْبَرُوٓا۟ إِنَّا كُنَّا لَكُمْ تَبَعًا فَهَلْ أَنتُم مُّغْنُونَ عَنَّا نَصِيبًا مِّنَ ٱلنَّارِ۝٤٧

    Waith yatahajjoona fee alnnari fayaqoolu aldduʿafao lillatheena istakbaroo inna kunna lakum tabaʿan fahal antum mughnoona ʿanna naseeban mina alnnari

    (Xus) markay iskula doodayaan Naarta gudaheeda, waxay kuwii ducafada (raciyada ahaa) ku odhan kuwii (madaxda ahaa) ee isla weynaa: Waxaan innagu ahayn kuwo idinka idin raacsan, ee ma naga qaadeysaan qayb ka mid ah Naarta?.

  48. قَالَ ٱلَّذِينَ ٱسْتَكْبَرُوٓا۟ إِنَّا كُلٌّ فِيهَآ إِنَّ ٱللَّهَ قَدْ حَكَمَ بَيْنَ ٱلْعِبَادِ۝٤٨

    Qala allatheena istakbaroo inna kullun feeha inna Allaha qad hakama bayna alʿibadi

    Kuwii isla weynaa waxay odhan: Waxaanu innagu dhammaan nahay kuwo ku jira; hubaal Alle waa kala xukumay addoomahiisa dhexdooda.

  49. وَقَالَ ٱلَّذِينَ فِى ٱلنَّارِ لِخَزَنَةِ جَهَنَّمَ ٱدْعُوا۟ رَبَّكُمْ يُخَفِّفْ عَنَّا يَوْمًا مِّنَ ٱلْعَذَابِ۝٤٩

    Waqala allatheena fee alnnari likhazanati jahannama odʿoo rabbakum yukhaffif ʿanna yawman mina alʿathabi

    Oo kuwaas ku jira Naarta waxay ku odhan furahayeennada Naarta: Noo barya Rabbigiin hanaga fudaydsho maalin keliya cadaabka.

  50. قَالُوٓا۟ أَوَلَمْ تَكُ تَأْتِيكُمْ رُسُلُكُم بِٱلْبَيِّنَـٰتِ ۖ قَالُوا۟ بَلَىٰ ۚ قَالُوا۟ فَٱدْعُوا۟ ۗ وَمَا دُعَـٰٓؤُا۟ ٱلْكَـٰفِرِينَ إِلَّا فِى ضَلَـٰلٍ۝٥٠

    Qaloo awalam taku tateekum rusulukum bialbayyinati qaloo bala qaloo faodʿoo wama duʿao alkafireena illa fee dalalin

    Waxay odhan: Miyeyna Rusushiinnii idiinla iman Xujooyin cad? Waxay odhan: Haah, Waxay odhan: Marka barya idinku. Baryada gaaladuna ma aha waxaan aheyn baadi iyo khasaaro.

  51. إِنَّا لَنَنصُرُ رُسُلَنَا وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَيَوْمَ يَقُومُ ٱلْأَشْهَـٰدُ۝٥١

    Inna lanansuru rusulana waallatheena amanoo fee alhayati alddunya wayawma yaqoomu alashhadu

    Annagaa xaqiiq u gargaari Rusuhayada iyo mu'miniinta noloshan adduunka iyo Maalintay markhaatiyadu istaagi.

  52. يَوْمَ لَا يَنفَعُ ٱلظَّـٰلِمِينَ مَعْذِرَتُهُمْ ۖ وَلَهُمُ ٱللَّعْنَةُ وَلَهُمْ سُوٓءُ ٱلدَّارِ۝٥٢

    Yawma la yanfaʿu alththalimeena maʿthiratuhum walahumu allaʿnatu walahum sooo alddari

    Maalinta aysan waxba u tareyn daalimiinta cudur daarashadoodu. Waxayna leeyihiin nacalad oo waxay leeyihiin Daarta xun (Naar).

  53. وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا مُوسَى ٱلْهُدَىٰ وَأَوْرَثْنَا بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ ٱلْكِتَـٰبَ۝٥٣

    Walaqad atayna moosa alhuda waawrathna banee israeela alkitaba

    Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse hanuun, dhaxalsiinnayna ilmahii Israa’iil Kitaabka (Towraadda),

  54. هُدًى وَذِكْرَىٰ لِأُو۟لِى ٱلْأَلْبَـٰبِ۝٥٤

    Hudan wathikra liolee alalbabi

    Hanuun iyo waano u ah waxgaradka.

  55. فَٱصْبِرْ إِنَّ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقٌّ وَٱسْتَغْفِرْ لِذَنۢبِكَ وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ بِٱلْعَشِىِّ وَٱلْإِبْكَـٰرِ۝٥٥

    Faisbir inna waʿda Allahi haqqun waistaghfir lithanbika wasabbih bihamdi rabbika bialʿashiyyi waalibkari

    Ee samir yeelo; hubaal Ballan qaadka Alle waa Xaq, oo ka istiqfaarso denbigaaga1, kuna tasbiixso ammaanaha iyo mahdinta Rabbigaa galab iyo aroorba.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa loola jeedaa wixii gef kaa dhaca xagga garsoorka, Waxaa laga qaadanayaa in dhammaan mu’miniinta weydiistaan denbi dhaaf Alle.
  56. إِنَّ ٱلَّذِينَ يُجَـٰدِلُونَ فِىٓ ءَايَـٰتِ ٱللَّهِ بِغَيْرِ سُلْطَـٰنٍ أَتَىٰهُمْ ۙ إِن فِى صُدُورِهِمْ إِلَّا كِبْرٌ مَّا هُم بِبَـٰلِغِيهِ ۚ فَٱسْتَعِذْ بِٱللَّهِ ۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْبَصِيرُ۝٥٦

    Inna allatheena yujadiloona fee ayati Allahi bighayri sultanin atahum in fee sudoorihim illa kibrun ma hum bibaligheehi faistaʿith biAllahi innahu huwa alssameeʿu albaseeru

    Hubaal, kuwa ka dooda Aayadaha Alle xujo la’aan u timid ma ku jiro laabahooda waxaan ahayn (doonis) is weyneyn ayan weligood gaadheyn ee magan gal weydiiso Allaah, hubaal waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka.

  57. لَخَلْقُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ أَكْبَرُ مِنْ خَلْقِ ٱلنَّاسِ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ۝٥٧

    Lakhalqu alssamawati waalardi akbaru min khalqi alnnasi walakinna akthara alnnasi la yaʿlamoona

    Abuuridda samooyinka iyo arlada baa xaqiiq ka weyn abuuridda dadka, laakiinse dadka badankiisu ma oga.

  58. وَمَا يَسْتَوِى ٱلْأَعْمَىٰ وَٱلْبَصِيرُ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ وَلَا ٱلْمُسِىٓءُ ۚ قَلِيلًا مَّا تَتَذَكَّرُونَ۝٥٨

    Wama yastawee alaʿma waalbaseeru waallatheena amanoo waʿamiloo alssalihati wala almuseeo qaleelan ma tatathakkaroona

    Ma sinna kan indhaha la’ iyo kan wax arka, iyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala iyo kuwa xumaanta fala. Wax yar weeye intaad waantowdaan.

  59. إِنَّ ٱلسَّاعَةَ لَـَٔاتِيَةٌ لَّا رَيْبَ فِيهَا وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يُؤْمِنُونَ۝٥٩

    Inna alssaʿata laatiyatun la rayba feeha walakinna akthara alnnasi la yuminoona

    Hubaal Saacadda (Qiyaame) waa imaanaysaa, shaki kuma jiro, dadka badankiisuse ma ay rumaysna.

  60. وَقَالَ رَبُّكُمُ ٱدْعُونِىٓ أَسْتَجِبْ لَكُمْ ۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَسْتَكْبِرُونَ عَنْ عِبَادَتِى سَيَدْخُلُونَ جَهَنَّمَ دَاخِرِينَ۝٦٠

    Waqala rabbukumu odʿoonee astajib lakum inna allatheena yastakbiroona ʿan ʿibadatee sayadkhuloona jahannama dakhireena

    (Allaah) Rabbigiin wuxuu yidhi: I barya1 waan idinka aqbaliye (baryada); hubaal kuwa iska weyneeya baryadeyda2, waxay geli Naar iyagoo dullaysan.

    Sharaxa hoose
    [1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Barya Alle idinkoo yaqiinsan in la idinka aqbalayo baryada, oo ogaada inuusan Alle aqbalin baryada qof maahsan". [2] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Baryadu waa cibaado”.
  61. ٱللَّهُ ٱلَّذِى جَعَلَ لَكُمُ ٱلَّيْلَ لِتَسْكُنُوا۟ فِيهِ وَٱلنَّهَارَ مُبْصِرًا ۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَذُو فَضْلٍ عَلَى ٱلنَّاسِ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَشْكُرُونَ۝٦١

    Allahu allathee jaʿala lakumu allayla litaskunoo feehi waalnnahara mubsiran inna Allaha lathoo fadlin ʿala alnnasi walakinna akthara alnnasi la yashkuroona

    Alle waa Kan idiin yeelay habeenka inaad ku xasishaan, maalintana idiinka yeelay iftiin si aad wax u aragtaan. Alle waa u Roon yahay dadka, dadku badankooduse kuma mahdiyaan.

  62. ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمْ خَـٰلِقُ كُلِّ شَىْءٍ لَّآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ فَأَنَّىٰ تُؤْفَكُونَ۝٦٢

    Thalikumu Allahu rabbukum khaliqu kulli shayin la ilaha illa huwa faanna tufakoona

    Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, Abuuraha wax walba, Ma jiro ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn. ee xaggee baa la idiinka iilay?

  63. كَذَٰلِكَ يُؤْفَكُ ٱلَّذِينَ كَانُوا۟ بِـَٔايَـٰتِ ٱللَّهِ يَجْحَدُونَ۝٦٣

    Kathalika yufaku allatheena kanoo biayati Allahi yajhadoona

    Sidaas oo kale baa loo iilay kuwii Aayadaha Alle diiday.

  64. ٱللَّهُ ٱلَّذِى جَعَلَ لَكُمُ ٱلْأَرْضَ قَرَارًا وَٱلسَّمَآءَ بِنَآءً وَصَوَّرَكُمْ فَأَحْسَنَ صُوَرَكُمْ وَرَزَقَكُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَـٰتِ ۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمْ ۖ فَتَبَارَكَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلْعَـٰلَمِينَ۝٦٤

    Allahu allathee jaʿala lakumu alarda qararan waalssamaa binaan wasawwarakum faahsana suwarakum warazaqakum mina alttayyibati thalikumu Allahu rabbukum fatabaraka Allahu rabbu alʿalameena

    Alle waa kan idiinka dhigay dhulka meel aad degtaan, cirkana saqaf, oo idin suureeyey wanaajiyeyna suuradahiinna, oo idinku arsaaqay waxyaalo wanaagsan. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, waxaa khayr iyo barako badnaaday Allaah Rabbiga uumanka.

  65. هُوَ ٱلْحَىُّ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ فَٱدْعُوهُ مُخْلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ ۗ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ۝٦٥

    Huwa alhayyu la ilaha illa huwa faodʿoohu mukhliseena lahu alddeena alhamdu lillahi rabbi alʿalameena

    Waa Noolaha Daa'inka ah. Ma jiro ilaah (Xaq) ah aan Isaga aheyn, ee barya idinkoo u Keli yeelaya cibaadada. Ammaan idilkeed waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.

  66. ۞ قُلْ إِنِّى نُهِيتُ أَنْ أَعْبُدَ ٱلَّذِينَ تَدْعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَمَّا جَآءَنِىَ ٱلْبَيِّنَـٰتُ مِن رَّبِّى وَأُمِرْتُ أَنْ أُسْلِمَ لِرَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ۝٦٦

    Qul innee nuheetu an aʿbuda allatheena tadʿoona min dooni Allahi lamma jaaniya albayyinatu min rabbee waomirtu an oslima lirabbi alʿalameena

    Dheh: Aniga waa la iga reebay inaan caabudo kuwaad u yeedhataan (baridaan) Alle sokadi, markay xujooyin cad iiga yimaadeen xagga Rabbigay, waxaana la i amray inaan isu dhiibo Rabbiga uumanka.

  67. هُوَ ٱلَّذِى خَلَقَكُم مِّن تُرَابٍ ثُمَّ مِن نُّطْفَةٍ ثُمَّ مِنْ عَلَقَةٍ ثُمَّ يُخْرِجُكُمْ طِفْلًا ثُمَّ لِتَبْلُغُوٓا۟ أَشُدَّكُمْ ثُمَّ لِتَكُونُوا۟ شُيُوخًا ۚ وَمِنكُم مَّن يُتَوَفَّىٰ مِن قَبْلُ ۖ وَلِتَبْلُغُوٓا۟ أَجَلًا مُّسَمًّى وَلَعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ۝٦٧

    Huwa allathee khalaqakum min turabin thumma min nutfatin thumma min ʿalaqatin thumma yukhrijukum tiflan thumma litablughoo ashuddakum thumma litakoonoo shuyookhan waminkum man yutawaffa min qablu walitablughoo ajalan musamman walaʿallakum taʿqiloona

    (Alle) waa Kan idinka abuuray carro, haddana dhibic mino ah, haddana xinjir, haddana wuxuu idin soo bixiyaa idinkoo ilmo ah, haddana (idinka yeelaa inaad kortaan) si aad u gaadhaan da'da xooggiinna dhan, haddana si aad u noqotaan odayo da’ ah, waxaase jira qaar idinka mid ah oo la oofsado intaas ka hor, iyo inaad gaadhaan muddo magacaaban1 inaad garataan (inuusan jirin cid kaloo mudan cibaado Isaga Alle mooyaane).

    Sharaxa hoose
    [1] Waa waqtiga loo qabtay dhimashadiinna.
  68. هُوَ ٱلَّذِى يُحْىِۦ وَيُمِيتُ ۖ فَإِذَا قَضَىٰٓ أَمْرًا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ۝٦٨

    Huwa allathee yuhyee wayumeetu faitha qada amran fainnama yaqoolu lahu kun fayakoonu

    (Alle) waa Kan wax nooleeya, waxna dhinsiiya, markuu arrin guddoomiyo wuxuu uun ku yidhaahdaa: Ahow, wuuna yahay.

  69. أَلَمْ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ يُجَـٰدِلُونَ فِىٓ ءَايَـٰتِ ٱللَّهِ أَنَّىٰ يُصْرَفُونَ۝٦٩

    Alam tara ila allatheena yujadiloona fee ayati Allahi anna yusrafoona

    Miyaadan arag kuwaa ka dooda Aayadaha Alle: Xaggee baa loo iilay?

  70. ٱلَّذِينَ كَذَّبُوا۟ بِٱلْكِتَـٰبِ وَبِمَآ أَرْسَلْنَا بِهِۦ رُسُلَنَا ۖ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ۝٧٠

    Allatheena kaththaboo bialkitabi wabima arsalna bihi rusulana fasawfa yaʿlamoona

    Kuwa beeniyay Kitaabka (Qur’aanka) iyo waxa aan la soo dirnay Rusushayada, wayse ogaan doonaan (waxa ku dhaca).

  71. إِذِ ٱلْأَغْلَـٰلُ فِىٓ أَعْنَـٰقِهِمْ وَٱلسَّلَـٰسِلُ يُسْحَبُونَ۝٧١

    Ithi alaghlalu fee aʿnaqihim waalssalasilu yushaboona

    Marka mareegyada birta ah iyo silsiladaha la yeelo luqumahooda; waxaa lagu jiidi.

  72. فِى ٱلْحَمِيمِ ثُمَّ فِى ٱلنَّارِ يُسْجَرُونَ۝٧٢

    Fee alhameemi thumma fee alnnari yusjaroona

    Biyo kulul oo karaya dhexdood, haddana Naar baa laga buuxin oo hurin.

  73. ثُمَّ قِيلَ لَهُمْ أَيْنَ مَا كُنتُمْ تُشْرِكُونَ۝٧٣

    Thumma qeela lahum ayna ma kuntum tushrikoona

    Markaas baa lagu odhan, Meeye waxaad u shariik yeeli jirteen?

  74. مِن دُونِ ٱللَّهِ ۖ قَالُوا۟ ضَلُّوا۟ عَنَّا بَل لَّمْ نَكُن نَّدْعُوا۟ مِن قَبْلُ شَيْـًٔا ۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ ٱللَّهُ ٱلْكَـٰفِرِينَ۝٧٤

    Min dooni Allahi qaloo dalloo ʿanna bal lam nakun nadʿoo min qablu shayan kathalika yudillu Allahu alkafireena

    Alle ka sokow? Waxay odhan: Way naga tageen: mayee, umaba aanu yeedhan jirin waxna kal hore. Sidaasuu Alle u lumiyaa gaalada.

  75. ذَٰلِكُم بِمَا كُنتُمْ تَفْرَحُونَ فِى ٱلْأَرْضِ بِغَيْرِ ٱلْحَقِّ وَبِمَا كُنتُمْ تَمْرَحُونَ۝٧٥

    Thalikum bima kuntum tafrahoona fee alardi bighayri alhaqqi wabima kuntum tamrahoona

    (Cadaab)kaasi waxaa idiinku wacan waxaad ugu farxi jirteen dhulka dhexdiisa xaq darro iyo waxaad la kibri jirteen.

  76. ٱدْخُلُوٓا۟ أَبْوَٰبَ جَهَنَّمَ خَـٰلِدِينَ فِيهَا ۖ فَبِئْسَ مَثْوَى ٱلْمُتَكَبِّرِينَ۝٧٦

    Odkhuloo abwaba jahannama khalideena feeha fabisa mathwa almutakabbireena

    Gala albaabbada Naarta idinkoo ku waaraya dhexdeeda. Maxay meel baas tahay rugta isla weynayaasha.

  77. فَٱصْبِرْ إِنَّ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقٌّ ۚ فَإِمَّا نُرِيَنَّكَ بَعْضَ ٱلَّذِى نَعِدُهُمْ أَوْ نَتَوَفَّيَنَّكَ فَإِلَيْنَا يُرْجَعُونَ۝٧٧

    Faisbir inna waʿda Allahi haqqun faimma nuriyannaka baʿda allathee naʿiduhum aw natawaffayannaka failayna yurjaʿoona

    Ee samir (adkayso Nabiyow), hubaal Ballan qaadka Alle waa Xaq, oo haddaanu ku tusinno qaar ka mid ah waxa aan ugu gooddinno, ama aan ku oofsanno (intaas ka hor),waa Xaggayaga halka loo soo celin.

  78. وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا رُسُلًا مِّن قَبْلِكَ مِنْهُم مَّن قَصَصْنَا عَلَيْكَ وَمِنْهُم مَّن لَّمْ نَقْصُصْ عَلَيْكَ ۗ وَمَا كَانَ لِرَسُولٍ أَن يَأْتِىَ بِـَٔايَةٍ إِلَّا بِإِذْنِ ٱللَّهِ ۚ فَإِذَا جَآءَ أَمْرُ ٱللَّهِ قُضِىَ بِٱلْحَقِّ وَخَسِرَ هُنَالِكَ ٱلْمُبْطِلُونَ۝٧٨

    Walaqad arsalna rusulan min qablika minhum man qasasna ʿalayka waminhum man lam naqsus ʿalayka wama kana lirasoolin an yatiya biayatin illa biithni Allahi faitha jaa amru Allahi qudiya bialhaqqi wakhasira hunalika almubtiloona

    Waxaanu soo dirnay Rusul hortaa; waxaa jira kuwo ka mid ah aan kaaga qisoonnay, iyo kuwo aanu kaaga qisoon. Ma aha suura gal Rasuulna inuu la yimaado Calaamo (Mucjiso) Idanka Alle ma’ahee. Markase uu Amarka Alle yimaado, waxaa wax lagu xukumi Xaq, waxaana ku khasaara halkaa kuwa baadilka raaca ee xume falka ah.

  79. ٱللَّهُ ٱلَّذِى جَعَلَ لَكُمُ ٱلْأَنْعَـٰمَ لِتَرْكَبُوا۟ مِنْهَا وَمِنْهَا تَأْكُلُونَ۝٧٩

    Allahu allathee jaʿala lakumu alanʿama litarkaboo minha waminha takuloona

    Alle waa Kan idiin yeelay nicmooleyda (xoolaha) si aad u fuushaan qaar ka mid ah qaar ka mid ahna aad wax ka cuntaan.

  80. وَلَكُمْ فِيهَا مَنَـٰفِعُ وَلِتَبْلُغُوا۟ عَلَيْهَا حَاجَةً فِى صُدُورِكُمْ وَعَلَيْهَا وَعَلَى ٱلْفُلْكِ تُحْمَلُونَ۝٨٠

    Walakum feeha manafiʿu walitablughoo ʿalayha hajatan fee sudoorikum waʿalayha waʿala alfulki tuhmaloona

    Waxaana jira Manaafacaad (kale oo badan) oo idiinku sugan, iyo inaad ku gaartaan dan aad leedihiin oo ku jirta laabihiinna, oo dushooda iyaga iyo doonyaha baa la idinku qaadaa.

  81. وَيُرِيكُمْ ءَايَـٰتِهِۦ فَأَىَّ ءَايَـٰتِ ٱللَّهِ تُنكِرُونَ۝٨١

    Wayureekum ayatihi faayya ayati Allahi tunkiroona

    Wuxuu (Alle) idin tusiyaa Calaamooyin- kiisa, ee middee baa Calaamooyinka Alle beenineysaan?

  82. أَفَلَمْ يَسِيرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ فَيَنظُرُوا۟ كَيْفَ كَانَ عَـٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۚ كَانُوٓا۟ أَكْثَرَ مِنْهُمْ وَأَشَدَّ قُوَّةً وَءَاثَارًا فِى ٱلْأَرْضِ فَمَآ أَغْنَىٰ عَنْهُم مَّا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ۝٨٢

    Afalam yaseeroo fee alardi fayanthuroo kayfa kana ʿaqibatu allatheena min qablihim kanoo akthara minhum waashadda quwwatan waatharan fee alardi fama aghna ʿanhum ma kanoo yaksiboona

    Miyeyna marin dhulka oo fiirin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Waxay ahaayeen kuwo ka tiro badan kuwani (gaaladan), oo ka xoog badan, iyo camiraadba arlada, waxbase uma tarin waxay kasbadeen.

  83. فَلَمَّا جَآءَتْهُمْ رُسُلُهُم بِٱلْبَيِّنَـٰتِ فَرِحُوا۟ بِمَا عِندَهُم مِّنَ ٱلْعِلْمِ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ۝٨٣

    Falamma jaathum rusuluhum bialbayyinati farihoo bima ʿindahum mina alʿilmi wahaqa bihim ma kanoo bihi yastahzioona

    Markay Rusushoodii ula yimaadeen xujooyin cad, waxay ku farxeen waxay heysteen oo cilmi ah1, waxaana ku degay (gaalada) waxay ku jeesjeesi jireen.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxay moodeen inuu ku filan yahay cilmigooda, oo ayan u baahneyn cilmiga kale ay keeneen Rususha Alle.
  84. فَلَمَّا رَأَوْا۟ بَأْسَنَا قَالُوٓا۟ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَحْدَهُۥ وَكَفَرْنَا بِمَا كُنَّا بِهِۦ مُشْرِكِينَ۝٨٤

    Falamma raaw basana qaloo amanna biAllahi wahdahu wakafarna bima kunna bihi mushrikeena

    Markay arkeen Cadaabkayagii waxay yidhaahdeen: Waxaanu rumeynay Alle Keliya, oo ku gaalownay (haatan) waxaan cibaadada la wadaajin jirnay.

  85. فَلَمْ يَكُ يَنفَعُهُمْ إِيمَـٰنُهُمْ لَمَّا رَأَوْا۟ بَأْسَنَا ۖ سُنَّتَ ٱللَّهِ ٱلَّتِى قَدْ خَلَتْ فِى عِبَادِهِۦ ۖ وَخَسِرَ هُنَالِكَ ٱلْكَـٰفِرُونَ۝٨٥

    Falam yaku yanfaʿuhum eemanuhum lamma raaw basana sunnata Allahi allatee qad khalat fee ʿibadihi wakhasira hunalika alkafiroona

    Iimaankooduse ma ahayn mid anfacaya markay arkeen Cadaabkayaga, waa xeerka Alle oo horay ugu meel martay addoomahiisa. Waxaana ku khasaara halkaas gaalada (xaq iyo nabad diid oo dhan).

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Ghaafir?

Macnaha Ghaafir waa “Denbi dhaafaha”.

Suuradda Ghaafir juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Ghaafir waxay ku jirtaa juz’ 24.

Suuradda Ghaafir immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Ghaafir waxay leedahay 85 aayadood.

Suuradda Ghaafir ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Ghaafir waa suurad Makki ah.

Suuradda Ghaafir waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 40aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.