سورة الشورى
Suuradda Ash-Shuuraa oo af Soomaali ah
Wadatashiga
- 42
- 53 aayadood
- Makki
- Juz’ 25
- Bogagga 483–489
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Ash-Shuuraa (الشورى) waa suuradda 42aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 53 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Wadatashiga”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 25.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Ash-Shuuraa oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Ash-Shuuraa oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
حمٓ١
Hameem
Xaa Miim.
-
عٓسٓقٓ٢
ʿAynseenqaf
Cayn Siin Qaaf1.
Sharaxa hoose
[1] Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1. -
كَذَٰلِكَ يُوحِىٓ إِلَيْكَ وَإِلَى ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِكَ ٱللَّهُ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ٣
Kathalika yoohee ilayka waila allatheena min qablika Allahu alʿazeezu alhakeemu
Sidaasuu Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah, kuugu waxyoodaa siduu ugu (waxyoodayba Nabiyadii) kaa horreeyay.
-
لَهُۥ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ ۖ وَهُوَ ٱلْعَلِىُّ ٱلْعَظِيمُ٤
Lahu ma fee alssamawati wama fee alardi wahuwa alʿaliyyu alʿatheemu
(Alle) baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waana Sarreeyaha, Weyn.
-
تَكَادُ ٱلسَّمَـٰوَٰتُ يَتَفَطَّرْنَ مِن فَوْقِهِنَّ ۚ وَٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ يُسَبِّحُونَ بِحَمْدِ رَبِّهِمْ وَيَسْتَغْفِرُونَ لِمَن فِى ٱلْأَرْضِ ۗ أَلَآ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلْغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ٥
Takadu alssamawatu yatafattarna min fawqihinna waalmalaikatu yusabbihoona bihamdi rabbihim wayastaghfiroona liman fee alardi ala inna Allaha huwa alghafooru alrraheemu
Samooyinku waxay ku sigtaan inay ka kor dil-dillaacan1, malaa’igtuna waxay ku tasbiixsadaan ammaanaha Rabbigood, una weydiiyaan denbi dhaaf kuwaa dhulka korkiisa ah, hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
Sharaxa hoose
[1] Haybadda iyo Weynida Alle s.w.t darteed ee ka korreeya iyaga. -
وَٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِهِۦٓ أَوْلِيَآءَ ٱللَّهُ حَفِيظٌ عَلَيْهِمْ وَمَآ أَنتَ عَلَيْهِم بِوَكِيلٍ٦
Waallatheena ittakhathoo min doonihi awliyaa Allahu hafeethun ʿalayhim wama anta ʿalayhim biwakeelin
Kuwase yeesha Alle ka sokow awliyo (ay caabudaan), Alle baa u jeeda oo dhowraya, adiguna kama tihid wakiil.
-
وَكَذَٰلِكَ أَوْحَيْنَآ إِلَيْكَ قُرْءَانًا عَرَبِيًّا لِّتُنذِرَ أُمَّ ٱلْقُرَىٰ وَمَنْ حَوْلَهَا وَتُنذِرَ يَوْمَ ٱلْجَمْعِ لَا رَيْبَ فِيهِ ۚ فَرِيقٌ فِى ٱلْجَنَّةِ وَفَرِيقٌ فِى ٱلسَّعِيرِ٧
Wakathalika awhayna ilayka quranan ʿarabiyyan litunthira omma alqura waman hawlaha watunthira yawma aljamʿi la rayba feehi fareequn fee aljannati wafareequn fee alssaʿeeri
Sidaasaan kuugu waxyoonnay Qur’aan Carabi ah si aad ugu digto magaalada xarunta ah (Makkah) iyo waxa hareerahee- da ah1, iyo inaad ka digto Maalinta Kulanka (Qiyaamada) ee uusan ku jirin shaki, koox waxay gali Janno, kooxna Naar huraysa.
Sharaxa hoose
[1] Waa dadka kale oo dhan. -
وَلَوْ شَآءَ ٱللَّهُ لَجَعَلَهُمْ أُمَّةً وَٰحِدَةً وَلَـٰكِن يُدْخِلُ مَن يَشَآءُ فِى رَحْمَتِهِۦ ۚ وَٱلظَّـٰلِمُونَ مَا لَهُم مِّن وَلِىٍّ وَلَا نَصِيرٍ٨
Walaw shaa Allahu lajaʿalahum ommatan wahidatan walakin yudkhilu man yashao fee rahmatihi waalththalimoona ma lahum min waliyyin wala naseerin
Hadduu doono Alle, wuxuu ka yeeli lahaa dadka ummad keliya, wuxuuse geliyaa cidduu doono Naxariistiisa1. Daalimiintu ma leh sokeeye iyo gargaare midna.
Sharaxa hoose
[1] Wuxuu geliyaa Naxariistiisa kuwaasi doonaya hanuunkiisa iyo inuu aqbalo camalkooda. -
أَمِ ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِهِۦٓ أَوْلِيَآءَ ۖ فَٱللَّهُ هُوَ ٱلْوَلِىُّ وَهُوَ يُحْىِ ٱلْمَوْتَىٰ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ٩
Ami ittakhathoo min doonihi awliyaa faAllahu huwa alwaliyyu wahuwa yuhyee almawta wahuwa ʿala kulli shayin qadeerun
Mise waxay yeesheen Alle ka sokow awliyo (ay caabudaan)? Allaah baase ah Waliga (Sokeeyaha iyo Gargaaraha dhabta ah), Isagaana nooleeya maytida, Isagaana wax walba Kara.
-
وَمَا ٱخْتَلَفْتُمْ فِيهِ مِن شَىْءٍ فَحُكْمُهُۥٓ إِلَى ٱللَّهِ ۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبِّى عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ وَإِلَيْهِ أُنِيبُ١٠
Wama ikhtalaftum feehi min shayin fahukmuhu ila Allahi thalikumu Allahu rabbee ʿalayhi tawakkaltu wailayhi oneebu
Waxaad isku khilaaftaan oo wuxuun ah go’aankiisa waa (in loo celiyaa) Allaah, Kaasi waa Allaah, Rabbigay, Isagaan tala saartaa, Xaggiisaana u noqdaa1.
Sharaxa hoose
[1] Xusid iyo tawbad keen ahaan. -
فَاطِرُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ جَعَلَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَٰجًا وَمِنَ ٱلْأَنْعَـٰمِ أَزْوَٰجًا ۖ يَذْرَؤُكُمْ فِيهِ ۚ لَيْسَ كَمِثْلِهِۦ شَىْءٌ ۖ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْبَصِيرُ١١
Fatiru alssamawati waalardi jaʿala lakum min anfusikum azwajan wamina alanʿami azwajan yathraokum feehi laysa kamithlihi shayon wahuwa alssameeʿu albaseeru
(Waa) uumaha samooyinka iyo arlada wuxuu idiinka yeelay nafahiinna noocyo (lab iyo dheddig); xoolahana (sidoo kale) noocyo. Sidaasuu idinku tarmiyaa. Ma jiro wax la mid ah1, waana Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka.
Sharaxa hoose
[1] Ma jiro wax isu ekaansho ah haba yaraatee ee ka dhexeeya Abuuraha iyo uunkiisa xag kasta, tilmaamo iyo camallo ahaan. -
لَهُۥ مَقَالِيدُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۖ يَبْسُطُ ٱلرِّزْقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقْدِرُ ۚ إِنَّهُۥ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمٌ١٢
Lahu maqaleedu alssamawati waalardi yabsutu alrrizqa liman yashao wayaqdiru innahu bikulli shayin ʿaleemun
(Alle) baa iska leh khaznadaha samooyinka iyo arlada, wuxuu u waasiciyaa risiqa qofkuu doono oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), wax walbana (Alle) wuu Og yahay.
-
۞ شَرَعَ لَكُم مِّنَ ٱلدِّينِ مَا وَصَّىٰ بِهِۦ نُوحًا وَٱلَّذِىٓ أَوْحَيْنَآ إِلَيْكَ وَمَا وَصَّيْنَا بِهِۦٓ إِبْرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ وَعِيسَىٰٓ ۖ أَنْ أَقِيمُوا۟ ٱلدِّينَ وَلَا تَتَفَرَّقُوا۟ فِيهِ ۚ كَبُرَ عَلَى ٱلْمُشْرِكِينَ مَا تَدْعُوهُمْ إِلَيْهِ ۚ ٱللَّهُ يَجْتَبِىٓ إِلَيْهِ مَن يَشَآءُ وَيَهْدِىٓ إِلَيْهِ مَن يُنِيبُ١٣
Sharaʿa lakum mina alddeeni ma wassa bihi noohan waallathee awhayna ilayka wama wassayna bihi ibraheema wamoosa waʿeesa an aqeemoo alddeena wala tatafarraqoo feehi kabura ʿala almushrikeena ma tadʿoohum ilayhi Allahu yajtabee ilayhi man yashao wayahdee ilayhi man yuneebu
Wuxuu idiin jideeyey xagga diinta wuxuu u dardaarmay Nuux, iyo waxaan kuu waxyoonnay, iyo waxaan u dardaarannay Ibraahiim, Muuse, iyo Ciise: Inaad oogtaan diinta oo ku kala qaybsamin. Waa ku adag tahay mushrikiinta waxaad (Towxiidka) aad ugu yeedhaan. Alle wuxuu u doortaa Xaggiiisa qofkuu doono, wuxuuna u hanuuniyaa Xaggiiisa kan u soo laabadka badiya (xusid iyo tawbad ahaan).
-
وَمَا تَفَرَّقُوٓا۟ إِلَّا مِنۢ بَعْدِ مَا جَآءَهُمُ ٱلْعِلْمُ بَغْيًۢا بَيْنَهُمْ ۚ وَلَوْلَا كَلِمَةٌ سَبَقَتْ مِن رَّبِّكَ إِلَىٰٓ أَجَلٍ مُّسَمًّى لَّقُضِىَ بَيْنَهُمْ ۚ وَإِنَّ ٱلَّذِينَ أُورِثُوا۟ ٱلْكِتَـٰبَ مِنۢ بَعْدِهِمْ لَفِى شَكٍّ مِّنْهُ مُرِيبٍ١٤
Wama tafarraqoo illa min baʿdi ma jaahumu alʿilmu baghyan baynahum walawla kalimatun sabaqat min rabbika ila ajalin musamman laqudiya baynahum wainna allatheena oorithoo alkitaba min baʿdihim lafee shakkin minhu mureebin
Ma ay noqon kuwo kala qaybsan (xagga diinta) markuu u yimid cilmiga kaddib mahee xasad darti dhexdooda ah. Haddii aysan jirteenna Kelmed uga dhacday horay Rabbigaa oo muddo magacaaban ah (in lala sugo Qiyaamada), waa la kala xukumi lahaa dhexdooda. Kuwana la dhaxal siiyey Kitaabka iyaga kaddib (Yuhuudda iyo Nasaarada) shaki weyn bay ka qabaan (diinta).
-
فَلِذَٰلِكَ فَٱدْعُ ۖ وَٱسْتَقِمْ كَمَآ أُمِرْتَ ۖ وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَآءَهُمْ ۖ وَقُلْ ءَامَنتُ بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ مِن كِتَـٰبٍ ۖ وَأُمِرْتُ لِأَعْدِلَ بَيْنَكُمُ ۖ ٱللَّهُ رَبُّنَا وَرَبُّكُمْ ۖ لَنَآ أَعْمَـٰلُنَا وَلَكُمْ أَعْمَـٰلُكُمْ ۖ لَا حُجَّةَ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمُ ۖ ٱللَّهُ يَجْمَعُ بَيْنَنَا ۖ وَإِلَيْهِ ٱلْمَصِيرُ١٥
Falithalika faodʿu waistaqim kama omirta wala tattabiʿ ahwaahum waqul amantu bima anzala Allahu min kitabin waomirtu liaʿdila baynakum Allahu rabbuna warabbukum lana aʿmaluna walakum aʿmalukum la hujjata baynana wabaynakumu Allahu yajmaʿu baynana wailayhi almaseeru
Arrin(kani) (Towxiidka) ku baaq adigoo ku sugnaan dhabbaha toosan sida lagu amray1, hana raacin hawadooda (xun) oo dheh: Waxaan rumeynay wuxuu Alle soo dejiyey oo Kitaab ah, waxaana la i amray inaan falo caddaalad dhexdiinna, Allaah baa ah Rabbigayo iyo Rabbigiinba. Waxaan mudan acmaashayada idinkuna waxaad mudan acmaashiinna2, xujo (hadda) inama dhex taallo3. Allaah baa ina soo kulmin innagoo dhan, waana Xaggiisa meel noqodka dambe.
Sharaxa hoose
[1] Inta ka go’an hadalka waa ugu yeedh inay tawbad keenaan. [2] Waa natiijada camalladooda. [3] Marba haddii laga yeelay Xaqa caddaan, kuwaasi Xaqa diida waxay sidaasi u yeelaan oo keliya kibir darti iyo u xilasho dano adduun. -
وَٱلَّذِينَ يُحَآجُّونَ فِى ٱللَّهِ مِنۢ بَعْدِ مَا ٱسْتُجِيبَ لَهُۥ حُجَّتُهُمْ دَاحِضَةٌ عِندَ رَبِّهِمْ وَعَلَيْهِمْ غَضَبٌ وَلَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ١٦
Waallatheena yuhajjoona fee Allahi min baʿdi ma istujeeba lahu hujjatuhum dahidatun ʿinda rabbihim waʿalayhim ghadabun walahum ʿathabun shadeedun
Kuwa ka dooda Arrinka Alle inta la ajiibay kaddib, xujadoodu qiimo kuma fadhido Rabbigood agti1, dushoodana Cadho (Alle) baa ah, waxayna leeyihiin Cadaab Daran.
Sharaxa hoose
[1] Kaddib markay dadku aqbaleen Xaqa ka yimid Alle, waxayna isku dayaan gaalada inay ka weecshaan mu’miniinta xagga Diinta Islaamka. -
ٱللَّهُ ٱلَّذِىٓ أَنزَلَ ٱلْكِتَـٰبَ بِٱلْحَقِّ وَٱلْمِيزَانَ ۗ وَمَا يُدْرِيكَ لَعَلَّ ٱلسَّاعَةَ قَرِيبٌ١٧
Allahu allathee anzala alkitaba bialhaqqi waalmeezani wama yudreeka laʿalla alssaʿata qareebun
Alle waa Kan ku soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka) Xaq iyo Miisaanka (caddaaladda). Maxaa ku ogeysiin waa intaasoo Saacadda 'Qiyaame' Dhowdahay?
-
يَسْتَعْجِلُ بِهَا ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِهَا ۖ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مُشْفِقُونَ مِنْهَا وَيَعْلَمُونَ أَنَّهَا ٱلْحَقُّ ۗ أَلَآ إِنَّ ٱلَّذِينَ يُمَارُونَ فِى ٱلسَّاعَةِ لَفِى ضَلَـٰلٍۭ بَعِيدٍ١٨
Yastaʿjilu biha allatheena la yuminoona biha waallatheena amanoo mushfiqoona minha wayaʿlamoona annaha alhaqqu ala inna allatheena yumaroona fee alssaʿati lafee dalalin baʿeedin
Kuwa aan rumeysneyn baa degdegsa- da1, halka kuwa rumeysan ay ka cabsi qabaan, waxayna og yihiin inay tahay Xaq. Kuwa uga doodana si gurracan arrinka Saacadda 'Qiyaame' waxay ku sugan yihiin habow fog.
Sharaxa hoose
[1] Waxay yidhaahdeen haddii ay run yihiin waxaad sheegeyso noo keen cadaabka isla hadda dib u dhig la’aan. -
ٱللَّهُ لَطِيفٌۢ بِعِبَادِهِۦ يَرْزُقُ مَن يَشَآءُ ۖ وَهُوَ ٱلْقَوِىُّ ٱلْعَزِيزُ١٩
Allahu lateefun biʿibadihi yarzuqu man yashao wahuwa alqawiyyu alʿazeezu
Alle waa u Roon yahay addoomahiisa. Wuxuu irsaaqaa cidduu doono, waana Xoog Badanaha, Adkaadaha ah.
-
مَن كَانَ يُرِيدُ حَرْثَ ٱلْـَٔاخِرَةِ نَزِدْ لَهُۥ فِى حَرْثِهِۦ ۖ وَمَن كَانَ يُرِيدُ حَرْثَ ٱلدُّنْيَا نُؤْتِهِۦ مِنْهَا وَمَا لَهُۥ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ مِن نَّصِيبٍ٢٠
Man kana yureedu hartha alakhirati nazid lahu fee harthihi waman kana yureedu hartha alddunya nutihi minha wama lahu fee alakhirati min naseebin
Qofkii rabaa dalagga (kasabka iyo ajarka) Aakhiro, waan u kordhinnaa dallagiisa (ajarkiisa), Qofkiise raba dalag (kasab) adduunyo wax baan ka siinnaa, Aakhiradana kuma laha wax saami ah.
-
أَمْ لَهُمْ شُرَكَـٰٓؤُا۟ شَرَعُوا۟ لَهُم مِّنَ ٱلدِّينِ مَا لَمْ يَأْذَنۢ بِهِ ٱللَّهُ ۚ وَلَوْلَا كَلِمَةُ ٱلْفَصْلِ لَقُضِىَ بَيْنَهُمْ ۗ وَإِنَّ ٱلظَّـٰلِمِينَ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ٢١
Am lahum shurakao sharaʿoo lahum mina alddeeni ma lam yathan bihi Allahu walawla kalimatu alfasli laqudiya baynahum wainna alththalimeena lahum ʿathabun aleemun
Mise waxay leeyihiin shurako (ilaahyo) u jideeyey diin uusan Alle idmin. Haddayna jirin Kelmedda kala bixinta (Qiyaamada in lala sugo oo dib loogu dhigo cadaabka), waa loo kala garsoori lahaa dhexdooda. Daalimiintu waxay leeyihiin (Maalinta Qiyaame) cadaab xanuun badan.
-
تَرَى ٱلظَّـٰلِمِينَ مُشْفِقِينَ مِمَّا كَسَبُوا۟ وَهُوَ وَاقِعٌۢ بِهِمْ ۗ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ فِى رَوْضَاتِ ٱلْجَنَّاتِ ۖ لَهُم مَّا يَشَآءُونَ عِندَ رَبِّهِمْ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلْفَضْلُ ٱلْكَبِيرُ٢٢
Tara alththalimeena mushfiqeena mimma kasaboo wahuwa waqiʿun bihim waallatheena amanoo waʿamiloo alssalihati fee rawdati aljannati lahum ma yashaoona ʿinda rabbihim thalika huwa alfadlu alkabeeru
Waxaad arki daalimiinta oo cabsi ka buuxdo waxay kasbadeen darteed (oo denbiyo ah), wuuna ku dhici iyaga, kuwase (xaqa) rumeeyey oo samaha fala waxay gali keymaha beeraha (Jannada), waxay ka heli wax kasta ay doonaan Rabbigood agtiisa. (Arrin)kaasi baa ah Fadliga Weyn.
-
ذَٰلِكَ ٱلَّذِى يُبَشِّرُ ٱللَّهُ عِبَادَهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ ۗ قُل لَّآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ أَجْرًا إِلَّا ٱلْمَوَدَّةَ فِى ٱلْقُرْبَىٰ ۗ وَمَن يَقْتَرِفْ حَسَنَةً نَّزِدْ لَهُۥ فِيهَا حُسْنًا ۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ شَكُورٌ٢٣
Thalika allathee yubashshiru Allahu ʿibadahu allatheena amanoo waʿamiloo alssalihati qul la asalukum ʿalayhi ajran illa almawaddata fee alqurba waman yaqtarif hasanatan nazid lahu feeha husnan inna Allaha ghafoorun shakoorun
(Arrin)kaasi waa waxa uu Alle ugu bishaareeyo addoomahiisa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala. Dheh: Idinku weydiisan maayo wax abaalgud ah baaqakani, aan aheyn kalgacal qaraabannimo. Qofkii kasbada wanaagna waxaanu siin wanaag ka badan.Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Mahdin Badan.
-
أَمْ يَقُولُونَ ٱفْتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا ۖ فَإِن يَشَإِ ٱللَّهُ يَخْتِمْ عَلَىٰ قَلْبِكَ ۗ وَيَمْحُ ٱللَّهُ ٱلْبَـٰطِلَ وَيُحِقُّ ٱلْحَقَّ بِكَلِمَـٰتِهِۦٓ ۚ إِنَّهُۥ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ٢٤
Am yaqooloona iftara ʿala Allahi kathiban fain yashai Allahu yakhtim ʿala qalbika wayamhu Allahu albatila wayuhiqqu alhaqqa bikalimatihi innahu ʿaleemun bithati alssudoori
Mise waxay leeyihin: Wuxuu ka been sheegay Alle? Hadduu doono Alle, wuxuu dabooli lahaa qalbigaaga1. Alle wuu tirtiri baadilka, kuna sugi xaqa Kelmadihiisa. Hubaal Alle wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka).
Sharaxa hoose
[1] Wuxuu kaa yeeli karaa inaad illowdo Qur’aanka oo lagu hilmaansiiyo. -
وَهُوَ ٱلَّذِى يَقْبَلُ ٱلتَّوْبَةَ عَنْ عِبَادِهِۦ وَيَعْفُوا۟ عَنِ ٱلسَّيِّـَٔاتِ وَيَعْلَمُ مَا تَفْعَلُونَ٢٥
Wahuwa allathee yaqbalu alttawbata ʿan ʿibadihi wayaʿfoo ʿani alssayyiati wayaʿlamu ma tafʿaloona
(Alle) waa Kan ka aqbala tawbada addoomahiisa ee cafiya denbiyada, wuuna Og yahay waxaad fashaan.
-
وَيَسْتَجِيبُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ وَيَزِيدُهُم مِّن فَضْلِهِۦ ۚ وَٱلْكَـٰفِرُونَ لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ٢٦
Wayastajeebu allatheena amanoo waʿamiloo alssalihati wayazeeduhum min fadlihi waalkafiroona lahum ʿathabun shadeedun
Wuxuu (Alle) ajiibaa kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala oo siiyaa wax badan oo ka mid ah Fadligiisa. Gaaladuse waxay leeyihiin Cadaab Daran.
-
۞ وَلَوْ بَسَطَ ٱللَّهُ ٱلرِّزْقَ لِعِبَادِهِۦ لَبَغَوْا۟ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَـٰكِن يُنَزِّلُ بِقَدَرٍ مَّا يَشَآءُ ۚ إِنَّهُۥ بِعِبَادِهِۦ خَبِيرٌۢ بَصِيرٌ٢٧
Walaw basata Allahu alrrizqa liʿibadihi labaghaw fee alardi walakin yunazzilu biqadarin ma yashao innahu biʿibadihi khabeerun baseerun
Hadduu Alle u fidin lahaa risiqa addoomahiisa, waxay ku qooqi lahaayeen arlada, Wuxuuse u soo dejiyaa qaddar waafaqsan siduu rabo. Alle addoomahiisa waa u Xog ogaal, Arkaa.
-
وَهُوَ ٱلَّذِى يُنَزِّلُ ٱلْغَيْثَ مِنۢ بَعْدِ مَا قَنَطُوا۟ وَيَنشُرُ رَحْمَتَهُۥ ۚ وَهُوَ ٱلْوَلِىُّ ٱلْحَمِيدُ٢٨
Wahuwa allathee yunazzilu alghaytha min baʿdi ma qanatoo wayanshuru rahmatahu wahuwa alwaliyyu alhameedu
(Alle) waa Kan soo dejiya roobka kaddib markay quusteen oo faafiya Raxmaddiisa. Waa Isaga Gargaaraha mudan ammaan idilkeed ee la mahdiyo.
-
وَمِنْ ءَايَـٰتِهِۦ خَلْقُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَثَّ فِيهِمَا مِن دَآبَّةٍ ۚ وَهُوَ عَلَىٰ جَمْعِهِمْ إِذَا يَشَآءُ قَدِيرٌ٢٩
Wamin ayatihi khalqu alssamawati waalardi wama baththa feehima min dabbatin wahuwa ʿala jamʿihim itha yashao qadeerun
Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa (muujin Weynadiisa iyo Waxdaaniyadiisa) abuurista samooyinka iyo arlada iyo wuxuu ku fidiyey (abuuray) dhexdooda oo (nafley) dhul socod ah. Alle inuu soo kulmiyo dhammaantood markuu doono wuu Karaa.
-
وَمَآ أَصَـٰبَكُم مِّن مُّصِيبَةٍ فَبِمَا كَسَبَتْ أَيْدِيكُمْ وَيَعْفُوا۟ عَن كَثِيرٍ٣٠
Wama asabakum min museebatin fabima kasabat aydeekum wayaʿfoo ʿan katheerin
Wixii idinku dhaca oo masiibo ah waa waxay kasbadeen gacmiihiinnu (oo denbiyo ah), Wuxuuna (Alle) idinka cafiyaa wax badan.
-
وَمَآ أَنتُم بِمُعْجِزِينَ فِى ٱلْأَرْضِ ۖ وَمَا لَكُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِن وَلِىٍّ وَلَا نَصِيرٍ٣١
Wama antum bimuʿjizeena fee alardi wama lakum min dooni Allahi min waliyyin wala naseerin
Kuma baxsan kartaan dhulka, mana lihidin Alle ka sokow ilaaliye iyo gargaare midna.
-
وَمِنْ ءَايَـٰتِهِ ٱلْجَوَارِ فِى ٱلْبَحْرِ كَٱلْأَعْلَـٰمِ٣٢
Wamin ayatihi aljawari fee albahri kaalaʿlami
Waxaa ka mid ah Calaamooyinka Alle doonyaha badda maaxa buuro oo kale ah.
-
إِن يَشَأْ يُسْكِنِ ٱلرِّيحَ فَيَظْلَلْنَ رَوَاكِدَ عَلَىٰ ظَهْرِهِۦٓ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّكُلِّ صَبَّارٍ شَكُورٍ٣٣
In yasha yuskini alrreeha fayathlalna rawakida ʿala thahrihi inna fee thalika laayatin likulli sabbarin shakoorin
Hadduu doono, Wuxuu xasiliyaa (joojiyaa) dabeysha, markaasay fadhiistaan biyaha korkooda. Hubaal (arrin)kani waxaa ugu sugan calaamooyin mid kasta oo samir iyo mahad naq badan.
-
أَوْ يُوبِقْهُنَّ بِمَا كَسَبُوا۟ وَيَعْفُ عَن كَثِيرٍ٣٤
Aw yoobiqhunna bima kasaboo wayaʿfu ʿan katheerin
Ama waa intaasoo uu u halligo1 waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah), wax badanna (Alle) wuu ka cafiyaa.
Sharaxa hoose
[1] Macnaha waxaa weeye wuxuu Alle awoodaa inuu harqiyo doomaha isagoo ku keenayo dabeylo daran. -
وَيَعْلَمَ ٱلَّذِينَ يُجَـٰدِلُونَ فِىٓ ءَايَـٰتِنَا مَا لَهُم مِّن مَّحِيصٍ٣٥
Wayaʿlama allatheena yujadiloona fee ayatina ma lahum min maheesin
Waxayna ogaan kuwa ka dooda Aayadahayaga inaysan u sugnaanin meel ay magan galaan.
-
فَمَآ أُوتِيتُم مِّن شَىْءٍ فَمَتَـٰعُ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا ۖ وَمَا عِندَ ٱللَّهِ خَيْرٌ وَأَبْقَىٰ لِلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَلَىٰ رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ٣٦
Fama ooteetum min shayin famataʿu alhayati alddunya wama ʿinda Allahi khayrun waabqa lillatheena amanoo waʿala rabbihim yatawakkaloona
Wixii la idin siiyo oo wuxuun ah waa uun sahay dhammaaneysa ee nolosha adduunkan, waxase Alle agtiisa ah baa u khayr badan oo daa’insan kuwa (Xaqa) rumeysan ee Rabbigood tala saarta.
-
وَٱلَّذِينَ يَجْتَنِبُونَ كَبَـٰٓئِرَ ٱلْإِثْمِ وَٱلْفَوَٰحِشَ وَإِذَا مَا غَضِبُوا۟ هُمْ يَغْفِرُونَ٣٧
Waallatheena yajtaniboona kabaira alithmi waalfawahisha waitha ma ghadiboo hum yaghfiroona
Ee ah kuwa ka fogaada denbiyada waaweyn iyo xumaha, markay cadhoodaanna wax iska cafiya.
-
وَٱلَّذِينَ ٱسْتَجَابُوا۟ لِرَبِّهِمْ وَأَقَامُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَمْرُهُمْ شُورَىٰ بَيْنَهُمْ وَمِمَّا رَزَقْنَـٰهُمْ يُنفِقُونَ٣٨
Waallatheena istajaboo lirabbihim waaqamoo alssalata waamruhum shoora baynahum wamimma razaqnahum yunfiqoona
Ee ah kuwa ajiiba Rabbigood oo ooga salaadda, xukunkooduna wada tashi yahay dhexdooda, waxaan ku irsaaqnayna wax ka bixiya.
-
وَٱلَّذِينَ إِذَآ أَصَابَهُمُ ٱلْبَغْىُ هُمْ يَنتَصِرُونَ٣٩
Waallatheena itha asabahumu albaghyu hum yantasiroona
Ee ah kuwa marka la dulmiyo is difaaca1 'xad gudub la'aan'.
Sharaxa hoose
[1] Nabigu s.c.w. wuxuu yiri: “Saamaxaadda wuxuu Alle ugu ziyaadiyaa qofka sharaf iyo ciso.” -
وَجَزَٰٓؤُا۟ سَيِّئَةٍ سَيِّئَةٌ مِّثْلُهَا ۖ فَمَنْ عَفَا وَأَصْلَحَ فَأَجْرُهُۥ عَلَى ٱللَّهِ ۚ إِنَّهُۥ لَا يُحِبُّ ٱلظَّـٰلِمِينَ٤٠
Wajazao sayyiatin sayyiatun mithluha faman ʿafa waaslaha faajruhu ʿala Allahi innahu la yuhibbu alththalimeena
Abaalka hal xume waa xume la mid ah, qofkii se iska cafiya oo wax hagaajiya, wuxuu ka heli ajarkiisa xagga Alle. Hubaal Alle ma uu jecla daalimiinta (gar diidka).
-
وَلَمَنِ ٱنتَصَرَ بَعْدَ ظُلْمِهِۦ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ مَا عَلَيْهِم مِّن سَبِيلٍ٤١
Walamani intasara baʿda thulmihi faolaika ma ʿalayhim min sabeelin
Qofkii is difaaca kaddib marka la dulmiyey, kuwan weeye kuwa aan lagu lahayn jid (lagu eedo).
-
إِنَّمَا ٱلسَّبِيلُ عَلَى ٱلَّذِينَ يَظْلِمُونَ ٱلنَّاسَ وَيَبْغُونَ فِى ٱلْأَرْضِ بِغَيْرِ ٱلْحَقِّ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ٤٢
Innama alssabeelu ʿala allatheena yathlimoona alnnasa wayabghoona fee alardi bighayri alhaqqi olaika lahum ʿathabun aleemun
Waxaa sideedaba jid lagu leeyahay (oo eed leh) kuwa dulmiya dadka, oo ku fallaagooba arlada xaq darro, kuwani waxay leeyihiin (Maalinta Qiyaamaha) cadaab xanuun badan.
-
وَلَمَن صَبَرَ وَغَفَرَ إِنَّ ذَٰلِكَ لَمِنْ عَزْمِ ٱلْأُمُورِ٤٣
Walaman sabara waghafara inna thalika lamin ʿazmi alomoori
Qofkii sabra oo wax iska cafiya, kaasi1 waa arrin loo qasdo (la go'aansado).
Sharaxa hoose
[1] Xagga kuwa doonaya abaalgduka Alle. -
وَمَن يُضْلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِن وَلِىٍّ مِّنۢ بَعْدِهِۦ ۗ وَتَرَى ٱلظَّـٰلِمِينَ لَمَّا رَأَوُا۟ ٱلْعَذَابَ يَقُولُونَ هَلْ إِلَىٰ مَرَدٍّ مِّن سَبِيلٍ٤٤
Waman yudlili Allahu fama lahu min waliyyin min baʿdihi watara alththalimeena lamma raawoo alʿathaba yaqooloona hal ila maraddin min sabeelin
Qofkii uu Alle lumiyo, ma uu laha gargaare Isaga kaddib. Waxaadna arki daalimiinta markay arkaan cadaabka, iyagoo leh: Miyey jirtaa jid loogu laabto (adduunkii si aan u tawbad keenno).
-
وَتَرَىٰهُمْ يُعْرَضُونَ عَلَيْهَا خَـٰشِعِينَ مِنَ ٱلذُّلِّ يَنظُرُونَ مِن طَرْفٍ خَفِىٍّ ۗ وَقَالَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِنَّ ٱلْخَـٰسِرِينَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ وَأَهْلِيهِمْ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۗ أَلَآ إِنَّ ٱلظَّـٰلِمِينَ فِى عَذَابٍ مُّقِيمٍ٤٥
Watarahum yuʿradoona ʿalayha khashiʿeena mina alththulli yanthuroona min tarfin khafiyyin waqala allatheena amanoo inna alkhasireena allatheena khasiroo anfusahum waahleehim yawma alqiyamati ala inna alththalimeena fee ʿathabin muqeemin
Waxaad arki (gaalada) iyagoo la hor keenay (Naarta) la tabaaleysan dulli (oo) ku eegaya libiqsi qarsoon. Kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay odhan: Hubaal Khasaara- yaasha waa kuwa khasaaray nafahooda iyo eheladooda Maalinta Qiyaamaha. Ogaada, hubaal, daalimiintu waxay ku sugnaan (Qiyaamada) cadaab ma guuraan ah.
-
وَمَا كَانَ لَهُم مِّنْ أَوْلِيَآءَ يَنصُرُونَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ ۗ وَمَن يُضْلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِن سَبِيلٍ٤٦
Wama kana lahum min awliyaa yansuroonahum min dooni Allahi waman yudlili Allahu fama lahu min sabeelin
Uma sugnaan awliyo u soo gargaari Alle ka sokow. Qofkii uu Alle lumiyo, uma sugna wax jid ah (uu ku tooso).
-
ٱسْتَجِيبُوا۟ لِرَبِّكُم مِّن قَبْلِ أَن يَأْتِىَ يَوْمٌ لَّا مَرَدَّ لَهُۥ مِنَ ٱللَّهِ ۚ مَا لَكُم مِّن مَّلْجَإٍ يَوْمَئِذٍ وَمَا لَكُم مِّن نَّكِيرٍ٤٧
Istajeeboo lirabbikum min qabli an yatiya yawmun la maradda lahu mina Allahi ma lakum min maljain yawmaithin wama lakum min nakeerin
Ajiiba Rabbigiin ka hor inta aanay iman Maalin xagga Alle ah aan la celin karin. Ma leh meel aad magan gashaan Maalintaas, mana inkiri kartaan denbiyadiinna1.
Sharaxa hoose
[1] Ma suurowdo inaad inkirtaan denbiyadiinna ama ka hor timaaddaan Ciqaabka Alle. -
فَإِنْ أَعْرَضُوا۟ فَمَآ أَرْسَلْنَـٰكَ عَلَيْهِمْ حَفِيظًا ۖ إِنْ عَلَيْكَ إِلَّا ٱلْبَلَـٰغُ ۗ وَإِنَّآ إِذَآ أَذَقْنَا ٱلْإِنسَـٰنَ مِنَّا رَحْمَةً فَرِحَ بِهَا ۖ وَإِن تُصِبْهُمْ سَيِّئَةٌۢ بِمَا قَدَّمَتْ أَيْدِيهِمْ فَإِنَّ ٱلْإِنسَـٰنَ كَفُورٌ٤٨
Fain aʿradoo fama arsalnaka ʿalayhim hafeethan in ʿalayka illa albalaghu wainna itha athaqna alinsana minna rahmatan fariha biha wain tusibhum sayyiatun bima qaddamat aydeehim fainna alinsana kafoorun
Hadday jeesadaan, kuuma aanu soo dirin ilaaliye ahaan korkooda. Ee waxa keliya ee ku saarani waa inaad gaarsiiso (Fartiinta). Markaanna dhadhansiinno Aadmiga naxariis Xaggayaga ah, wuu ku farxaa, haddayse musiibo gaadho waxay horay gacmahoodu u faleen darteed ah, Aadmigu wuu abaal dhac badan yahay.
-
لِّلَّهِ مُلْكُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ يَخْلُقُ مَا يَشَآءُ ۚ يَهَبُ لِمَن يَشَآءُ إِنَـٰثًا وَيَهَبُ لِمَن يَشَآءُ ٱلذُّكُورَ٤٩
Lillahi mulku alssamawati waalardi yakhluqu ma yashao yahabu liman yashao inathan wayahabu liman yashao alththukoora
Alle baa iska leh Mulkiga (iyo Maamulka) samooyinka iyo arlada. Wuxuu abuuraa Wuxuu doono. Wuxuu ugu deeqaa qofkuu doono gabdho, oo ugu deeqaa qofkuu doono wiilal.
-
أَوْ يُزَوِّجُهُمْ ذُكْرَانًا وَإِنَـٰثًا ۖ وَيَجْعَلُ مَن يَشَآءُ عَقِيمًا ۚ إِنَّهُۥ عَلِيمٌ قَدِيرٌ٥٠
Aw yuzawwijuhum thukranan wainathan wayajʿalu man yashao ʿaqeeman innahu ʿaleemun qadeerun
Ama Wuxuu isugu daraa labada noocyoodba’ lab iyo dheddig, wuxuuna ka dhigaa qofkuu doono ma dhaleys. Hubaal Alle waa wax kasta Oge, Awood Badan.
-
۞ وَمَا كَانَ لِبَشَرٍ أَن يُكَلِّمَهُ ٱللَّهُ إِلَّا وَحْيًا أَوْ مِن وَرَآئِ حِجَابٍ أَوْ يُرْسِلَ رَسُولًا فَيُوحِىَ بِإِذْنِهِۦ مَا يَشَآءُ ۚ إِنَّهُۥ عَلِىٌّ حَكِيمٌ٥١
Wama kana libasharin an yukallimahu Allahu illa wahyan aw min warai hijabin aw yursila rasoolan fayoohiya biithnihi ma yashao innahu ʿaliyyun hakeemun
Uma suurowda in Aadmi uu Alle toos ula hadlo Waxyi mooyee, ama kala hadlo daah gadaashi ama uu u soo diro Rasuul (malag ah) oo Idanki wuxuu doono ugu waxyooda. Hubaal (Alle) waa Sarreeye, Xakiim ah.
-
وَكَذَٰلِكَ أَوْحَيْنَآ إِلَيْكَ رُوحًا مِّنْ أَمْرِنَا ۚ مَا كُنتَ تَدْرِى مَا ٱلْكِتَـٰبُ وَلَا ٱلْإِيمَـٰنُ وَلَـٰكِن جَعَلْنَـٰهُ نُورًا نَّهْدِى بِهِۦ مَن نَّشَآءُ مِنْ عِبَادِنَا ۚ وَإِنَّكَ لَتَهْدِىٓ إِلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسْتَقِيمٍ٥٢
Wakathalika awhayna ilayka roohan min amrina ma kunta tadree ma alkitabu wala aleemanu walakin jaʿalnahu nooran nahdee bihi man nashao min ʿibadina wainnaka latahdee ila siratin mustaqeemin
Sidaasaan kuugu waxyoonnay Ruux (Qur’aan) Amarkayaga ah, ma aadan ogeyn wuxuu yahay Kitaab iyo Iimaan midna? Waxaanse ka yeelnay Nuur aan ku hanuuninno ciddaan doonno oo ka mid ah addoomahayaga. Oo xaqiiq Adigu (Nabi Muxammadow) waxaad ku hanuunisaa (dadka) Jid Toosan.
-
صِرَٰطِ ٱللَّهِ ٱلَّذِى لَهُۥ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ ۗ أَلَآ إِلَى ٱللَّهِ تَصِيرُ ٱلْأُمُورُ٥٣
Sirati Allahi allathee lahu ma fee alssamawati wama fee alardi ala ila Allahi taseeru alomooru
Jidka Alle, ee ah Kan iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Ogaada, xagga Alle bay u ahaan umuuraha oo idil (wuuna idin abaal marin, qof walba iyo camalki).
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Ash-Shuuraa?
Macnaha Ash-Shuuraa waa “Wadatashiga”.
Suuradda Ash-Shuuraa juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Ash-Shuuraa waxay ku jirtaa juz’ 25.
Suuradda Ash-Shuuraa immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Ash-Shuuraa waxay leedahay 53 aayadood.
Suuradda Ash-Shuuraa ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Ash-Shuuraa waa suurad Makki ah.
Suuradda Ash-Shuuraa waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 42aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.