سورة الزخرف

Suuradda Az-Zukhruf oo af Soomaali ah

Qurxinta dahabka

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Az-Zukhruf (الزخرف) waa suuradda 43aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 89 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Qurxinta dahabka”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 25.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Az-Zukhruf oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Az-Zukhruf oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. حمٓ۝١

    Hameem

    Xaa Miim1.

    Sharaxa hoose
    [1] Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.
  2. وَٱلْكِتَـٰبِ ٱلْمُبِينِ۝٢

    Waalkitabi almubeeni

    Waxaan ku dhaartay Kitaabka (Qur’aanka) ee caddeeya (Xaqa).

  3. إِنَّا جَعَلْنَـٰهُ قُرْءَٰنًا عَرَبِيًّا لَّعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ۝٣

    Inna jaʿalnahu quranan ʿarabiyyan laʿallakum taʿqiloona

    Hubaal Annagaa (Alle ah) ka yeellay Qur’aan af Carabi ah, si aad u fahantaan.

  4. وَإِنَّهُۥ فِىٓ أُمِّ ٱلْكِتَـٰبِ لَدَيْنَا لَعَلِىٌّ حَكِيمٌ۝٤

    Wainnahu fee ommi alkitabi ladayna laʿaliyyun hakeemun

    Wuxuuna xaqiiq ku sugan yahay asalka Kitaabka1 nala yaal, Kor ah, Xikmad Badan.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa loola jeedaa Looxa Maxfuudka.
  5. أَفَنَضْرِبُ عَنكُمُ ٱلذِّكْرَ صَفْحًا أَن كُنتُمْ قَوْمًا مُّسْرِفِينَ۝٥

    Afanadribu ʿankumu alththikra safhan an kuntum qawman musrifeena

    Miyaan idinka deysannaa (Qur’aanka) gebigiisaba inaad tihiin qolo xad gudub badan awgeed?

  6. وَكَمْ أَرْسَلْنَا مِن نَّبِىٍّ فِى ٱلْأَوَّلِينَ۝٦

    Wakam arsalna min nabiyyin fee alawwaleena

    Badanaa intaan Nabi u dirnay kuwii hore dhexdood!

  7. وَمَا يَأْتِيهِم مِّن نَّبِىٍّ إِلَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ۝٧

    Wama yateehim min nabiyyin illa kanoo bihi yastahzioona

    Ma jirin Nabi u yimaada oo aysan ku jees-jeesin.

  8. فَأَهْلَكْنَآ أَشَدَّ مِنْهُم بَطْشًا وَمَضَىٰ مَثَلُ ٱلْأَوَّلِينَ۝٨

    Faahlakna ashadda minhum batshan wamada mathalu alawwaleena

    Markaasaan hallignay kuwo1 ka xoog iyo qabasho badnaa, waxaana hore u tagay mataalka kuwii hore (ee la halaagay).

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa loola jeedaa gaalada ku jira Quraysh, iwm.
  9. وَلَئِن سَأَلْتَهُم مَّنْ خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ لَيَقُولُنَّ خَلَقَهُنَّ ٱلْعَزِيزُ ٱلْعَلِيمُ۝٩

    Walain saaltahum man khalaqa alssamawati waalarda layaqoolunna khalaqahunna alʿazeezu alʿaleemu

    Haddaad (gaaladaa) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay odhan: Waxaa abuuray (Alle) Adkaadaha, Wax kasta Ogaha ah.

  10. ٱلَّذِى جَعَلَ لَكُمُ ٱلْأَرْضَ مَهْدًا وَجَعَلَ لَكُمْ فِيهَا سُبُلًا لَّعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ۝١٠

    Allathee jaʿala lakumu alarda mahdan wajaʿala lakum feeha subulan laʿallakum tahtadoona

    Kan idiinka dhigay dhulka gogol, idiinkuna yeelay dhexdiisa waddooyin si aad ugu toostaan.

  11. وَٱلَّذِى نَزَّلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءًۢ بِقَدَرٍ فَأَنشَرْنَا بِهِۦ بَلْدَةً مَّيْتًا ۚ كَذَٰلِكَ تُخْرَجُونَ۝١١

    Waallathee nazzala mina alssamai maan biqadarin faansharna bihi baldatan maytan kathalika tukhrajoona

    Ee ah Kan ka soo dejiya daruuraha biyo qaddaran oo aan ku nooleyno magaalo dhimatay, sidaasaa la idiin soo bixin (dhimasho kaddib).

  12. وَٱلَّذِى خَلَقَ ٱلْأَزْوَٰجَ كُلَّهَا وَجَعَلَ لَكُم مِّنَ ٱلْفُلْكِ وَٱلْأَنْعَـٰمِ مَا تَرْكَبُونَ۝١٢

    Waallathee khalaqa alazwaja kullaha wajaʿala lakum mina alfulki waalanʿami ma tarkaboona

    Ee ah Kan abuuray noocyada wax waliba oo idiin yeelay doonyo1 iyo xoolo2 aad fuushan.

    Sharaxa hoose
    [1] Sidoo kale diyaarado, tareenno, gawaadhi, iwm. [2] Geel, lo', fardo, iwm.
  13. لِتَسْتَوُۥا۟ عَلَىٰ ظُهُورِهِۦ ثُمَّ تَذْكُرُوا۟ نِعْمَةَ رَبِّكُمْ إِذَا ٱسْتَوَيْتُمْ عَلَيْهِ وَتَقُولُوا۟ سُبْحَـٰنَ ٱلَّذِى سَخَّرَ لَنَا هَـٰذَا وَمَا كُنَّا لَهُۥ مُقْرِنِينَ۝١٣

    Litastawoo ʿala thuhoorihi thumma tathkuroo niʿmata rabbikum itha istawaytum ʿalayhi wataqooloo subhana allathee sakhkhara lana hatha wama kunna lahu muqrineena

    Si aad u kortaan dushooda, markaas aad xustaan Nicmadda Rabbigiin markaad dushooda kortaan, oo tidhaahdaan: waxaa ka hufan (xumaan) Kan 'Alle' ee noo sakhiray waxakan, mana aheyn kuwo kara leyligeeda.

  14. وَإِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا لَمُنقَلِبُونَ۝١٤

    Wainna ila rabbina lamunqaliboona

    Innaguna xaqiiq xagga Rabbigayo (Allaah) yaanu u guddoomeynaa.

  15. وَجَعَلُوا۟ لَهُۥ مِنْ عِبَادِهِۦ جُزْءًا ۚ إِنَّ ٱلْإِنسَـٰنَ لَكَفُورٌ مُّبِينٌ۝١٥

    Wajaʿaloo lahu min ʿibadihi juzan inna alinsana lakafoorun mubeenun

    Waxayse ka yeelaan qayb ka mid ah addoomihiisa 'shariigyo la wadaaga Alle cibaadada'1; Hubaal Aadmigu waa abaal darane caddaysatay.

    Sharaxa hoose
    [1] Iyagoo ku andacooda inuu Alle s.w.t. leeyahay wiil ama gabdho. Arrinkanna kuma habboona Alle, waayo waa Keli aan wax shariik ah lahayn iyo xaas iyo ilmo midna.
  16. أَمِ ٱتَّخَذَ مِمَّا يَخْلُقُ بَنَاتٍ وَأَصْفَىٰكُم بِٱلْبَنِينَ۝١٦

    Ami ittakhatha mimma yakhluqu banatin waasfakum bialbaneena

    Ma wuxuu (Alle) ka yeeshay wuxuu abuuray qaarkood (malaa’igta) gabdho, oo idiin dooray wiilal.

  17. وَإِذَا بُشِّرَ أَحَدُهُم بِمَا ضَرَبَ لِلرَّحْمَـٰنِ مَثَلًا ظَلَّ وَجْهُهُۥ مُسْوَدًّا وَهُوَ كَظِيمٌ۝١٧

    Waitha bushshira ahaduhum bima daraba lilrrahmani mathalan thalla wajhuhu muswaddan wahuwa katheemun

    Marka loogu bishaareeyo midkood waxa (gabdhaha) uu u nisbeeyo Raxmaanka 'Alle' ugana yeelo tusaale, wuxuu wejigiisu noqdaa madow isagoo walbahaarsan.

  18. أَوَمَن يُنَشَّؤُا۟ فِى ٱلْحِلْيَةِ وَهُوَ فِى ٱلْخِصَامِ غَيْرُ مُبِينٍ۝١٨

    Awaman yunashshao fee alhilyati wahuwa fee alkhisami ghayru mubeenin

    Ma (Allay ku sheegaan inuu dhalay gabdho) ah kuwo ku barbaara isqurxin oo aan doodna caddeyn karin?

  19. وَجَعَلُوا۟ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةَ ٱلَّذِينَ هُمْ عِبَـٰدُ ٱلرَّحْمَـٰنِ إِنَـٰثًا ۚ أَشَهِدُوا۟ خَلْقَهُمْ ۚ سَتُكْتَبُ شَهَـٰدَتُهُمْ وَيُسْـَٔلُونَ۝١٩

    Wajaʿaloo almalaikata allatheena hum ʿibadu alrrahmani inathan ashahidoo khalqahum satuktabu shahadatuhum wayusaloona

    Oo waxay ka yeelaan malaa’igta ah addoomaha Raxmaanka dheddig, miyey joogeen abuurkoodii? Maraggooda waa la qori oo la weydiin 'arrinkaa'1.

    Sharaxa hoose
    [1] Mushrikiintu waxay yidhaahdaan malaa’igtu waa gabdhahii Alle, laakiin sida dhabta ah waa inay malaa’igtu yihiin qaar ka mid ah addoomaha Ilaahay ee la sharfay.
  20. وَقَالُوا۟ لَوْ شَآءَ ٱلرَّحْمَـٰنُ مَا عَبَدْنَـٰهُم ۗ مَّا لَهُم بِذَٰلِكَ مِنْ عِلْمٍ ۖ إِنْ هُمْ إِلَّا يَخْرُصُونَ۝٢٠

    Waqaloo law shaa alrrahmanu ma ʿabadnahum ma lahum bithalika min ʿilmin in hum illa yakhrusoona

    Waxay yidhaahdeen: Hadduu doono Raxmaanku, marnaba ma aanu caabudneen (wax kale). Uma ay laha wax cilmi ah (arrin)kani, been uun bay sheegi.

  21. أَمْ ءَاتَيْنَـٰهُمْ كِتَـٰبًا مِّن قَبْلِهِۦ فَهُم بِهِۦ مُسْتَمْسِكُونَ۝٢١

    Am ataynahum kitaban min qablihi fahum bihi mustamsikoona

    Mise waxaan siinnay Kitaab ka horreeyey (Qur’aanka oo amri inay caabudaan Alle qeyrki) oo ay heystaan?

  22. بَلْ قَالُوٓا۟ إِنَّا وَجَدْنَآ ءَابَآءَنَا عَلَىٰٓ أُمَّةٍ وَإِنَّا عَلَىٰٓ ءَاثَـٰرِهِم مُّهْتَدُونَ۝٢٢

    Bal qaloo inna wajadna abaana ʿala ommatin wainna ʿala atharihim muhtadoona

    Waxayse yidhaahdeen: Waxaan hellay aabbayaashayoo ku sugan dariiqo, innaguna iyaga raadkoodii baan ku hanuunsannahay.

  23. وَكَذَٰلِكَ مَآ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ فِى قَرْيَةٍ مِّن نَّذِيرٍ إِلَّا قَالَ مُتْرَفُوهَآ إِنَّا وَجَدْنَآ ءَابَآءَنَا عَلَىٰٓ أُمَّةٍ وَإِنَّا عَلَىٰٓ ءَاثَـٰرِهِم مُّقْتَدُونَ۝٢٣

    Wakathalika ma arsalna min qablika fee qaryatin min natheerin illa qala mutrafooha inna wajadna abaana ʿala ommatin wainna ʿala atharihim muqtadoona

    Sidaasoo kale, Uma aanu soo dirin hortaa wax dige ah magaalana oo aysan kuwooda ladnaa ee ku jiray odhan: Waxaan hellay aabbayaashayoo ku sugan dariiqo, waxaan annaguna raacnaa raadadkoodii.

  24. ۞ قَـٰلَ أَوَلَوْ جِئْتُكُم بِأَهْدَىٰ مِمَّا وَجَدتُّمْ عَلَيْهِ ءَابَآءَكُمْ ۖ قَالُوٓا۟ إِنَّا بِمَآ أُرْسِلْتُم بِهِۦ كَـٰفِرُونَ۝٢٤

    Qala awalaw jitukum biahda mimma wajadtum ʿalayhi abaakum qaloo inna bima orsiltum bihi kafiroona

    (Digihii) wuxuu yidhi: Ma xitaa haddaan idiin keeno hanuun ka fiican waxaad ka he- sheen aabbayaashiin? Waxay yidhaahdeen: Innagu ku gaalownay waxa (Xaqa) la idinla soo diray.

  25. فَٱنتَقَمْنَا مِنْهُمْ ۖ فَٱنظُرْ كَيْفَ كَانَ عَـٰقِبَةُ ٱلْمُكَذِّبِينَ۝٢٥

    Faintaqamna minhum faonthur kayfa kana ʿaqibatu almukaththibeena

    Markaasaan ka aarsannay ee fiiri siday aheyd cidhibta xaq diidayaasha.

  26. وَإِذْ قَالَ إِبْرَٰهِيمُ لِأَبِيهِ وَقَوْمِهِۦٓ إِنَّنِى بَرَآءٌ مِّمَّا تَعْبُدُونَ۝٢٦

    Waith qala ibraheemu liabeehi waqawmihi innanee baraon mimma taʿbudoona

    (Xus) markuu Ibraahiim ku yidhi aabbihi iyo qolodiisii: Anigu waxaan xaqiiq barii ka ahay waxaad caabuddaan oo dhan.

  27. إِلَّا ٱلَّذِى فَطَرَنِى فَإِنَّهُۥ سَيَهْدِينِ۝٢٧

    Illa allathee fataranee fainnahu sayahdeeni

    Aan ahayn Kan i abuuray (Allaah), Isagaa i hanuunin.

  28. وَجَعَلَهَا كَلِمَةًۢ بَاقِيَةً فِى عَقِبِهِۦ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ۝٢٨

    Wajaʿalaha kalimatan baqiyatan fee ʿaqibihi laʿallahum yarjiʿoona

    Wuxuuna ka yeelay Kalimadda1 (Towxiidka) mid ku baaqi ah durriyaddiisa dhexdooda2, si ay (Xaqa) ugu noqdaan.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa Kalimada Laa ilaaha illal Laah. [2] Nabi Ibraahiim c.s. wuxuu ka dhigay towxiidka wax ku baaqi ah firkiisa.
  29. بَلْ مَتَّعْتُ هَـٰٓؤُلَآءِ وَءَابَآءَهُمْ حَتَّىٰ جَآءَهُمُ ٱلْحَقُّ وَرَسُولٌ مُّبِينٌ۝٢٩

    Bal mattaʿtu haolai waabaahum hatta jaahumu alhaqqu warasoolun mubeenun

    Waxaanse ugu raaxeeyey kuwaas (gaalada) iyo aabbayaashoodba (adduunka) ilaa uu u yimid Xaqu (Qur’aanka) iyo Rasuul cad1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa loola jeedaa Nabi Muxammad s.c.w.
  30. وَلَمَّا جَآءَهُمُ ٱلْحَقُّ قَالُوا۟ هَـٰذَا سِحْرٌ وَإِنَّا بِهِۦ كَـٰفِرُونَ۝٣٠

    Walamma jaahumu alhaqqu qaloo hatha sihrun wainna bihi kafiroona

    Markuu u yimid Xaqa waxay yidhaah- deen: Kani (Qur’aanku) waa sixir, innaguna xaqiiq ku gaalownay.

  31. وَقَالُوا۟ لَوْلَا نُزِّلَ هَـٰذَا ٱلْقُرْءَانُ عَلَىٰ رَجُلٍ مِّنَ ٱلْقَرْيَتَيْنِ عَظِيمٍ۝٣١

    Waqaloo lawla nuzzila hatha alquranu ʿala rajulin mina alqaryatayni ʿatheemun

    Waxay yidhaahdeen: Maxaa Qur’aankan loogu soo dejin waayey nin darajo weyn oo ka tirsan labada magaalo1?

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa loola jeedaa labaadaa magaalo Makkah iyo Daa’if.
  32. أَهُمْ يَقْسِمُونَ رَحْمَتَ رَبِّكَ ۚ نَحْنُ قَسَمْنَا بَيْنَهُم مَّعِيشَتَهُمْ فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا ۚ وَرَفَعْنَا بَعْضَهُمْ فَوْقَ بَعْضٍ دَرَجَـٰتٍ لِّيَتَّخِذَ بَعْضُهُم بَعْضًا سُخْرِيًّا ۗ وَرَحْمَتُ رَبِّكَ خَيْرٌ مِّمَّا يَجْمَعُونَ۝٣٢

    Ahum yaqsimoona rahmata rabbika nahnu qasamna baynahum maʿeeshatahum fee alhayati alddunya warafaʿna baʿdahum fawqa baʿdin darajatin liyattakhitha baʿduhum baʿdan sukhriyyan warahmatu rabbika khayrun mimma yajmaʿoona

    Ma iyagaa ah kuwa qaybiya Naxariista Rabbigaa? Annagaa (Alle ah) ka qaybinna dhexdooda maciishaddooda nolosha adduunkan, oo ka kormarinnay qaarkoodba qaarka kale derejooyin, si ay qaarkood qaarka kale ugu adeegtaan. Naxariista Rabbigaa baana ka khayr badan waxay urursadaan (oo maal adduunyo ah).

  33. وَلَوْلَآ أَن يَكُونَ ٱلنَّاسُ أُمَّةً وَٰحِدَةً لَّجَعَلْنَا لِمَن يَكْفُرُ بِٱلرَّحْمَـٰنِ لِبُيُوتِهِمْ سُقُفًا مِّن فِضَّةٍ وَمَعَارِجَ عَلَيْهَا يَظْهَرُونَ۝٣٣

    Walawla an yakoona alnnasu ommatan wahidatan lajaʿalna liman yakfuru bialrrahmani libuyootihim suqufan min fiddatin wamaʿarija ʿalayha yathharoona

    Hadduusan dadku noqonayn ummad keliya (isku jid ah dhammaantood) waxaan ka yeeli laheyn kuwa ku gaalooba Raxmaanka guryahooda saqafyo fiddo ah iyo salaanno (fiddo ah) ay ku koraan1.

    Sharaxa hoose
    [1] Allaah wuxuu leeyahay waxaan ku siin lahayn gaalada wax kasta adduunka haddii aanay dad kale ku fidnoobeyn arrinkaasi, waayo Aakhiro ma leh gaaladaa waxaan aheyn Naar.
  34. وَلِبُيُوتِهِمْ أَبْوَٰبًا وَسُرُرًا عَلَيْهَا يَتَّكِـُٔونَ۝٣٤

    Walibuyootihim abwaban wasururan ʿalayha yattakioona

    Guryahoodana albaabbo (fiddo ah) iyo sariiro 'sare'ay korkooda ku dangiigsadaan.

  35. وَزُخْرُفًا ۚ وَإِن كُلُّ ذَٰلِكَ لَمَّا مَتَـٰعُ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا ۚ وَٱلْـَٔاخِرَةُ عِندَ رَبِّكَ لِلْمُتَّقِينَ۝٣٥

    Wazukhrufan wain kullu thalika lamma mataʿu alhayati alddunya waalakhiratu ʿinda rabbika lilmuttaqeena

    Iyo qurxinno (kaloo) dahab ah. Waxa- kani oo dhammina ma aha waxaan aheyn raaxada nolosha adduunkan (ee dhammaa- neysa). Aakhirada Rabbigaa agti ahna waxaa leh oo keliya dhowrsanayaasha.

  36. وَمَن يَعْشُ عَن ذِكْرِ ٱلرَّحْمَـٰنِ نُقَيِّضْ لَهُۥ شَيْطَـٰنًا فَهُوَ لَهُۥ قَرِينٌ۝٣٦

    Waman yaʿshu ʿan thikri alrrahmani nuqayyid lahu shaytanan fahuwa lahu qareenun

    Qofkii ka jeesada xuska Raxmaanka (Qur’aanka) waxaanu u xil saarnaa Shaydaan oo ku lammaansanaan.

  37. وَإِنَّهُمْ لَيَصُدُّونَهُمْ عَنِ ٱلسَّبِيلِ وَيَحْسَبُونَ أَنَّهُم مُّهْتَدُونَ۝٣٧

    Wainnahum layasuddoonahum ʿani alssabeeli wayahsaboona annahum muhtadoona

    Waxay ka duwaanna Jidka (Xaqa), waxayna isu maleyn inay hanuunsan yihiin.

  38. حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءَنَا قَالَ يَـٰلَيْتَ بَيْنِى وَبَيْنَكَ بُعْدَ ٱلْمَشْرِقَيْنِ فَبِئْسَ ٱلْقَرِينُ۝٣٨

    Hatta itha jaana qala ya layta baynee wabaynaka buʿda almashriqayni fabisa alqareenu

    Jeer markuu noo yimaado wuxuu ku yidhaahdaa (shaydaankaa): wayee, may dhexdeenna ahaato intay isu jiraan bariga iyo galbeedka oo kale; adigaa u xune cid lala xidhiidho.

  39. وَلَن يَنفَعَكُمُ ٱلْيَوْمَ إِذ ظَّلَمْتُمْ أَنَّكُمْ فِى ٱلْعَذَابِ مُشْتَرِكُونَ۝٣٩

    Walan yanfaʿakumu alyawma ith thalamtum annakum fee alʿathabi mushtarikoona

    Wax idiinma tareyso (gaaloy) Maalintan (Qiyaamada) maadaama aad dulmi fasheen inaad cadaabka (musiibada) wadaagtaan.

  40. أَفَأَنتَ تُسْمِعُ ٱلصُّمَّ أَوْ تَهْدِى ٱلْعُمْىَ وَمَن كَانَ فِى ضَلَـٰلٍ مُّبِينٍ۝٤٠

    Afaanta tusmiʿu alssumma aw tahdee alʿumya waman kana fee dalalin mubeenin

    Ma adigaa wax maqashiin kara (Nabiyow) dhegoolaha, mase hanuunin kartaa indhoolaha iyo mid ku jira habow cad?

  41. فَإِمَّا نَذْهَبَنَّ بِكَ فَإِنَّا مِنْهُم مُّنتَقِمُونَ۝٤١

    Faimma nathhabanna bika fainna minhum muntaqimoona

    Haddaan ku oofsanno, Annaga uun baa ka aarsan iyaga (gaalada).

  42. أَوْ نُرِيَنَّكَ ٱلَّذِى وَعَدْنَـٰهُمْ فَإِنَّا عَلَيْهِم مُّقْتَدِرُونَ۝٤٢

    Aw nuriyannaka allathee waʿadnahum fainna ʿalayhim muqtadiroona

    Ama aan ku tusinno waxaan ugu gooddinno oo cadaab ah, waxaanu ku leennahay dushooda awood buuxda.

  43. فَٱسْتَمْسِكْ بِٱلَّذِىٓ أُوحِىَ إِلَيْكَ ۖ إِنَّكَ عَلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسْتَقِيمٍ۝٤٣

    Faistamsik biallathee oohiya ilayka innaka ʿala siratin mustaqeemin

    Ee qabso waxaa laguu waxyooday (Qur’aanka), waxaad ku sugan tahay Tub Toosan (Islaamka).

  44. وَإِنَّهُۥ لَذِكْرٌ لَّكَ وَلِقَوْمِكَ ۖ وَسَوْفَ تُسْـَٔلُونَ۝٤٤

    Wainnahu lathikrun laka waliqawmika wasawfa tusaloona

    (Qur’aankanina) waa kuu waano (sharaf iyo darajo) adiga iyo dadkaaba, waana la idin weydiin.

  45. وَسْـَٔلْ مَنْ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ مِن رُّسُلِنَآ أَجَعَلْنَا مِن دُونِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ءَالِهَةً يُعْبَدُونَ۝٤٥

    Waisal man arsalna min qablika min rusulina ajaʿalna min dooni alrrahmani alihatan yuʿbadoona

    Weydii kuwaa ka midka ah Rusushayada aan soo dirnay hortaa: Ma waxaan yeellay Raxmaanka (Allaah) ka sokow ilaahyo la caabudo ?

  46. وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مُوسَىٰ بِـَٔايَـٰتِنَآ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَمَلَإِي۟هِۦ فَقَالَ إِنِّى رَسُولُ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ۝٤٦

    Walaqad arsalna moosa biayatina ila firʿawna wamalaihi faqala innee rasoolu rabbi alʿalameena

    Waxaanu dhab ahaan Muuse la soo dirnay Aayadahayaga xagga Fircoon iyo xildhibaannadiisii, markaasuu yidhi: Anigu waxaan ahay Rasuulka Rabbiga uumanka.

  47. فَلَمَّا جَآءَهُم بِـَٔايَـٰتِنَآ إِذَا هُم مِّنْهَا يَضْحَكُونَ۝٤٧

    Falamma jaahum biayatina itha hum minha yadhakoona

    Markiise uu ula yimid Calaamooyinka- yaga mise wayba ku qosleen.

  48. وَمَا نُرِيهِم مِّنْ ءَايَةٍ إِلَّا هِىَ أَكْبَرُ مِنْ أُخْتِهَا ۖ وَأَخَذْنَـٰهُم بِٱلْعَذَابِ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ۝٤٨

    Wama nureehim min ayatin illa hiya akbaru min okhtiha waakhathnahum bialʿathabi laʿallahum yarjiʿoona

    Ma jirin mucjiso aan tusinnay oo aan ka weyneyn eynigeed kale, waxaana ku qabannay cadaab1 bal inay u soo laabtaan (Xaqa).

    Sharaxa hoose
    [1] Cadaabkaas waa cadaab adduunka ah sida raashinka oo ku yaraaday, beeraha oo lagu salliday ayax tiro badan, xoolaha oo ay abaar ka leysey, iwm.
  49. وَقَالُوا۟ يَـٰٓأَيُّهَ ٱلسَّاحِرُ ٱدْعُ لَنَا رَبَّكَ بِمَا عَهِدَ عِندَكَ إِنَّنَا لَمُهْتَدُونَ۝٤٩

    Waqaloo ya ayyuha alsahiru odʿu lana rabbaka bima ʿahida ʿindaka innana lamuhtadoona

    Waxay yidhaahdeen: Kan Saaxirka (caalimka) ahow! Noo bari Rabbigaa wuxuu kuugula ballantamay. (Haddii nalaga feydo cadaabka) waanu hanuuni (raaci Xaqa).

  50. فَلَمَّا كَشَفْنَا عَنْهُمُ ٱلْعَذَابَ إِذَا هُمْ يَنكُثُونَ۝٥٠

    Falamma kashafna ʿanhumu alʿathaba itha hum yankuthoona

    Markiise aan ka faydnay cadaabka, mise, markiiba waxay ka baxeen ballankii.

  51. وَنَادَىٰ فِرْعَوْنُ فِى قَوْمِهِۦ قَالَ يَـٰقَوْمِ أَلَيْسَ لِى مُلْكُ مِصْرَ وَهَـٰذِهِ ٱلْأَنْهَـٰرُ تَجْرِى مِن تَحْتِىٓ ۖ أَفَلَا تُبْصِرُونَ۝٥١

    Wanada firʿawnu fee qawmihi qala ya qawmi alaysa lee mulku misra wahathihi alanharu tajree min tahtee afala tubsiroona

    Wuxuu ka dhawaaqay Fircoon dadkiisii dhexdood isagoo leh: Dadkaygiiyow! Miyaanan anigu iska lahayn boqortooyada Masar iyo webiyadan qul-qula hoosteyda. Ee miyeydaan arkeyn?.

  52. أَمْ أَنَا۠ خَيْرٌ مِّنْ هَـٰذَا ٱلَّذِى هُوَ مَهِينٌ وَلَا يَكَادُ يُبِينُ۝٥٢

    Am ana khayrun min hatha allathee huwa maheenun wala yakadu yubeenu

    Sow aniga kama fiicni midkani liita ee aan kareyn inuu caddeeyo hadalkiisa1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxay ula jeedaan Nabi Muuse c.s. Taasina dhab bay ahayd ka hor inta aan Muuse laga dhigin Nabi, markii la soo diray isagoo Nabi ah wuxuu Allaah ka furay guntinta carrabkiisa oo ka dhigay cod kar hadal cad.
  53. فَلَوْلَآ أُلْقِىَ عَلَيْهِ أَسْوِرَةٌ مِّن ذَهَبٍ أَوْ جَآءَ مَعَهُ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ مُقْتَرِنِينَ۝٥٣

    Falawla olqiya ʿalayhi aswiratun min thahabin aw jaa maʿahu almalaikatu muqtarineena

    Maxaa loo siin waayey jinjimo dahab ah, ama maxay ula iman weydey malaa’ig raacsan oo taageerta?

  54. فَٱسْتَخَفَّ قَوْمَهُۥ فَأَطَاعُوهُ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ قَوْمًا فَـٰسِقِينَ۝٥٤

    Faistakhaffa qawmahu faataʿoohu innahum kanoo qawman fasiqeena

    Wuxuu fudaydsaday qolodiisii, wayna adeeceen: waxay ahaayeen qolo caasi ah.

  55. فَلَمَّآ ءَاسَفُونَا ٱنتَقَمْنَا مِنْهُمْ فَأَغْرَقْنَـٰهُمْ أَجْمَعِينَ۝٥٥

    Falamma asafoona intaqamna minhum faaghraqnahum ajmaʿeena

    Markay naga Cadheysiiyeen, waan ka aarsannay, waana harqinnay dhammaan.

  56. فَجَعَلْنَـٰهُمْ سَلَفًا وَمَثَلًا لِّلْـَٔاخِرِينَ۝٥٦

    Fajaʿalnahum salafan wamathalan lilakhireena

    Waxaanu ka yeelnay wax tegay oo ay ku tusaale qaataan facyada dambe.

  57. ۞ وَلَمَّا ضُرِبَ ٱبْنُ مَرْيَمَ مَثَلًا إِذَا قَوْمُكَ مِنْهُ يَصِدُّونَ۝٥٧

    Walamma duriba ibnu maryama mathalan itha qawmuka minhu yasiddoona

    Markaan uga yeellayna ina Maryam (Ciise) tusaale, mise qolodaada (mushrikiinta ah) way ka jeesadeen 'tusaalahaa'1.

    Sharaxa hoose
    [1] Inuu ka mid yahay uunka Ilaahay, kuwaasoo lala barbar caabudo Allaah.
  58. وَقَالُوٓا۟ ءَأَـٰلِهَتُنَا خَيْرٌ أَمْ هُوَ ۚ مَا ضَرَبُوهُ لَكَ إِلَّا جَدَلًۢا ۚ بَلْ هُمْ قَوْمٌ خَصِمُونَ۝٥٨

    Waqaloo aalihatuna khayrun am huwa ma daraboohu laka illa jadalan bal hum qawmun khasimoona

    Waxay yidhaahdeen: Ma ilaahyadayada baa fiican mise isaga? Uma ayan soo qaadan tusaalahaa waxaan aheyn muran. Waase qolo dood badan1.

    Sharaxa hoose
    [1] Iyagoo qaba inay dhammaan isku mid yihiin.
  59. إِنْ هُوَ إِلَّا عَبْدٌ أَنْعَمْنَا عَلَيْهِ وَجَعَلْنَـٰهُ مَثَلًا لِّبَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ۝٥٩

    In huwa illa ʿabdun anʿamna ʿalayhi wajaʿalnahu mathalan libanee israeela

    Ma uu aheyn (Ciise) wax ka badan addoon aan ugu nicmaynay (Nabinnimo), waxaana uga yeelnay tusaale reer Israa’iil.

  60. وَلَوْ نَشَآءُ لَجَعَلْنَا مِنكُم مَّلَـٰٓئِكَةً فِى ٱلْأَرْضِ يَخْلُفُونَ۝٦٠

    Walaw nashao lajaʿalna minkum malaikatan fee alardi yakhlufoona

    Haddaan doonno, waxaan idinka yeeli lahayn malaa'ig dhulka u hadha1.

    Sharaxa hoose
    [1] Ama idin xigsada idinka.
  61. وَإِنَّهُۥ لَعِلْمٌ لِّلسَّاعَةِ فَلَا تَمْتَرُنَّ بِهَا وَٱتَّبِعُونِ ۚ هَـٰذَا صِرَٰطٌ مُّسْتَقِيمٌ۝٦١

    Wainnahu laʿilmun lilssaʿati fala tamtarunna biha waittabiʿooni hatha siratun mustaqeemun

    isagu (Ciise iyo soo degitaanki) waa calaamad (muujin soo dhowaanshaha) Saacadda (Qiyaame), ee ha ka shakiyina arrinkeeda ee i soo raaca1: Kan baa ah Jid Toosan.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa raaca hanuunka iyo shareecada Alle (Islaamka).
  62. وَلَا يَصُدَّنَّكُمُ ٱلشَّيْطَـٰنُ ۖ إِنَّهُۥ لَكُمْ عَدُوٌّ مُّبِينٌ۝٦٢

    Wala yasuddannakumu alshshaytanu innahu lakum ʿaduwwun mubeenun

    Yuu idinka leexin shaydaanka (Jidka), hubaal wuxuu idiin yahay cadow iska cad.

  63. وَلَمَّا جَآءَ عِيسَىٰ بِٱلْبَيِّنَـٰتِ قَالَ قَدْ جِئْتُكُم بِٱلْحِكْمَةِ وَلِأُبَيِّنَ لَكُم بَعْضَ ٱلَّذِى تَخْتَلِفُونَ فِيهِ ۖ فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ۝٦٣

    Walamma jaa ʿeesa bialbayyinati qala qad jitukum bialhikmati waliobayyina lakum baʿda allathee takhtalifoona feehi faittaqoo Allaha waateeʿooni

    Markuuse Ciise ula yimid xujooyin cad, wuxuu yidhi: Waxaan idiin la imid Xikmad (Nabinnimo) iyo inaan idiin caddeeyo qaar ka mid ah waxaad isku khilaafsan tihiin, ee Alle ka cabsada oo i adeeca.

  64. إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ رَبِّى وَرَبُّكُمْ فَٱعْبُدُوهُ ۚ هَـٰذَا صِرَٰطٌ مُّسْتَقِيمٌ۝٦٤

    Inna Allaha huwa rabbee warabbukum faoʿbudoohu hatha siratun mustaqeemun

    Hubaal Alle waa Rabbigay iyo Rabbigiinba, Ee caabuda Isaga (Keliya). Kan baa ah Jid Toosan.

  65. فَٱخْتَلَفَ ٱلْأَحْزَابُ مِنۢ بَيْنِهِمْ ۖ فَوَيْلٌ لِّلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ مِنْ عَذَابِ يَوْمٍ أَلِيمٍ۝٦٥

    Faikhtalafa alahzabu min baynihim fawaylun lillatheena thalamoo min ʿathabi yawmin aleemin

    Wayse is khilaafeen xisbiyadii (ehlu Kitaabkii) dhexdooda (xagga arrinka Ciise). Ee hoog waxaa leh kuwii dulmi falay xagga cadaab Maalin xanuun badan.

  66. هَلْ يَنظُرُونَ إِلَّا ٱلسَّاعَةَ أَن تَأْتِيَهُم بَغْتَةً وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ۝٦٦

    Hal yanthuroona illa alssaʿata an tatiyahum baghtatan wahum la yashʿuroona

    Ma waxay sugayaan waxaan ahayn Saacadda (Qiyaame) - taasoo ugu iman kedis iyagoo aan dreemeyn.

  67. ٱلْأَخِلَّآءُ يَوْمَئِذٍۭ بَعْضُهُمْ لِبَعْضٍ عَدُوٌّ إِلَّا ٱلْمُتَّقِينَ۝٦٧

    Alakhillao yawmaithin baʿduhum libaʿdin ʿaduwwun illa almuttaqeena

    Saaxiibbadu Maalintaas waxay isu ahaan cadow qaarkoodba qaarka kale kuwa ka dhowrsada (xumaha) mooyee.

  68. يَـٰعِبَادِ لَا خَوْفٌ عَلَيْكُمُ ٱلْيَوْمَ وَلَآ أَنتُمْ تَحْزَنُونَ۝٦٨

    Ya ʿibadi la khawfun ʿalaykumu alyawma wala antum tahzanoona

    Addoomahaygiiyoow! Cabsi ma aha korkiinna maanta, mana murugooneysaan.

  69. ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ بِـَٔايَـٰتِنَا وَكَانُوا۟ مُسْلِمِينَ۝٦٩

    Allatheena amanoo biayatina wakanoo muslimeena

    Kuwa rumeeyey Aayadahayaga ee ahaa Muslimiinta.

  70. ٱدْخُلُوا۟ ٱلْجَنَّةَ أَنتُمْ وَأَزْوَٰجُكُمْ تُحْبَرُونَ۝٧٠

    Odkhuloo aljannata antum waazwajukum tuhbaroona

    Gala Jannada, idinka iyo xaasaskiinnuba1; waa laydinka farxine.

    Sharaxa hoose
    [1] Macno kale waa kuwaasi eynigiin ah.
  71. يُطَافُ عَلَيْهِم بِصِحَافٍ مِّن ذَهَبٍ وَأَكْوَابٍ ۖ وَفِيهَا مَا تَشْتَهِيهِ ٱلْأَنفُسُ وَتَلَذُّ ٱلْأَعْيُنُ ۖ وَأَنتُمْ فِيهَا خَـٰلِدُونَ۝٧١

    Yutafu ʿalayhim bisihafin min thahabin waakwabin wafeeha ma tashtaheehi alanfusu watalaththu alaʿyunu waantum feeha khalidoona

    Waxaa lagula kor wareegi xeedhooyin dahab ah iyo koobab, waxayna ka heli (Jannada) waxay doonaan nafahooda, indhuhuna ku raaxaystaan, idinkoo dhexdeeda ku waadhi.

  72. وَتِلْكَ ٱلْجَنَّةُ ٱلَّتِىٓ أُورِثْتُمُوهَا بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ۝٧٢

    Watilka aljannatu allatee oorithtumooha bima kuntum taʿmaloona

    Taasi waa Jannadii aad ku dhaxasheen waxaad camalsan fasheen.

  73. لَكُمْ فِيهَا فَـٰكِهَةٌ كَثِيرَةٌ مِّنْهَا تَأْكُلُونَ۝٧٣

    Lakum feeha fakihatun katheeratun minha takuloona

    Waxaad ku leedihiin gudaheeda midho tiro badan, xaggeedaa wax ka cuntaan1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa loola jeedaa wax kastoo macaan oo dhadhan fiican.
  74. إِنَّ ٱلْمُجْرِمِينَ فِى عَذَابِ جَهَنَّمَ خَـٰلِدُونَ۝٧٤

    Inna almujrimeena fee ʿathabi jahannama khalidoona

    Hubaal denbiilayaashu waxay geli cadaabka Naarta iyagoo ku waadhi.

  75. لَا يُفَتَّرُ عَنْهُمْ وَهُمْ فِيهِ مُبْلِسُونَ۝٧٥

    La yufattaru ʿanhum wahum feehi mublisoona

    Lagama nuxuusiyo (Naarta), iyagoo halkaa gudaheeda ku quusan.

  76. وَمَا ظَلَمْنَـٰهُمْ وَلَـٰكِن كَانُوا۟ هُمُ ٱلظَّـٰلِمِينَ۝٧٦

    Wama thalamnahum walakin kanoo humu alththalimeena

    Ma aanu dulmin, iyagaase ahaa daalimiin (gar ma qaatayaal).

  77. وَنَادَوْا۟ يَـٰمَـٰلِكُ لِيَقْضِ عَلَيْنَا رَبُّكَ ۖ قَالَ إِنَّكُم مَّـٰكِثُونَ۝٧٧

    Wanadaw ya maliku liyaqdi ʿalayna rabbuka qala innakum makithoona

    Waxay u dhawaaqi (fura hayeenka Naarta iyagoo leh): Maaligow! Rabbigaa ha noo yeelo dhammaad. Wuxuu odhan: Waad ku waadhi (Naarta).

  78. لَقَدْ جِئْنَـٰكُم بِٱلْحَقِّ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَكُمْ لِلْحَقِّ كَـٰرِهُونَ۝٧٨

    Laqad jinakum bialhaqqi walakinna aktharakum lilhaqqi karihoona

    Waxaan idiin la nimid Xaq, badankiinnuse Xaqa baad nacdaan.

  79. أَمْ أَبْرَمُوٓا۟ أَمْرًا فَإِنَّا مُبْرِمُونَ۝٧٩

    Am abramoo amran fainna mubrimoona

    Mise ma waxay goosteen arrin (qorshe)? Annaguna wax baynu qorsheynaynaa (Ciqaabkooda).

  80. أَمْ يَحْسَبُونَ أَنَّا لَا نَسْمَعُ سِرَّهُمْ وَنَجْوَىٰهُم ۚ بَلَىٰ وَرُسُلُنَا لَدَيْهِمْ يَكْتُبُونَ۝٨٠

    Am yahsaboona anna la nasmaʿu sirrahum wanajwahum bala warusuluna ladayhim yaktuboona

    Mise ma waxay moodaan inaanaan maqleyn sirahooda iyo faqooda gaarka ah? Mayee Rusushayada (malaa’igta ah) baa ag joogta oo qoreysa.

  81. قُلْ إِن كَانَ لِلرَّحْمَـٰنِ وَلَدٌ فَأَنَا۠ أَوَّلُ ٱلْعَـٰبِدِينَ۝٨١

    Qul in kana lilrrahmani waladun faana awwalu alʿabideena

    Dheh: Haddii Raxmaanku (Alle, aad leedihiin wuxuu) leeyahay ilmo, waxaan anigu ahay kan u horreeya ee waxida (oo ka hufa inuu leeyahay ilmo ama xaas ama shariig, iwm).

  82. سُبْحَـٰنَ رَبِّ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ رَبِّ ٱلْعَرْشِ عَمَّا يَصِفُونَ۝٨٢

    Subhana rabbi alssamawati waalardi rabbi alʿarshi ʿamma yasifoona

    Waxaa xurmo oo dhan iska leh (Allaah) Rabbiga samooyinka iyo arlada, Rabbiga Carshiga, oo ka hufan waxay ku tilmaamaan.

  83. فَذَرْهُمْ يَخُوضُوا۟ وَيَلْعَبُوا۟ حَتَّىٰ يُلَـٰقُوا۟ يَوْمَهُمُ ٱلَّذِى يُوعَدُونَ۝٨٣

    Fatharhum yakhoodoo wayalʿaboo hatta yulaqoo yawmahumu allathee yooʿadoona

    Ee iska daa ha dhunbadeen (baadilkaas) oo ha iska cayaareene intay kala kulmaan Maalintooda loo yaboohay.

  84. وَهُوَ ٱلَّذِى فِى ٱلسَّمَآءِ إِلَـٰهٌ وَفِى ٱلْأَرْضِ إِلَـٰهٌ ۚ وَهُوَ ٱلْحَكِيمُ ٱلْعَلِيمُ۝٨٤

    Wahuwa allathee fee alssamai ilahun wafee alardi ilahun wahuwa alhakeemu alʿaleemu

    (Alle) waa Isaga Ilaaha Keliyee Xaqa ah somooyinka gudahood iyo Ilaaha Keliyee Xaqa ah arlada gudaheed. Waa Xakiimka, wax kasta Ogsoon.

  85. وَتَبَارَكَ ٱلَّذِى لَهُۥ مُلْكُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا وَعِندَهُۥ عِلْمُ ٱلسَّاعَةِ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ۝٨٥

    Watabaraka allathee lahu mulku alssamawati waalardi wama baynahuma waʿindahu ʿilmu alssaʿati wailayhi turjaʿoona

    Waxaa khayr iyo barako badan (Allaah) ee iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, oo ay agti tahay ogaanshaha Saacadda (Qiyaame), Xaggiisaana dib la idiinku soo celin.

  86. وَلَا يَمْلِكُ ٱلَّذِينَ يَدْعُونَ مِن دُونِهِ ٱلشَّفَـٰعَةَ إِلَّا مَن شَهِدَ بِٱلْحَقِّ وَهُمْ يَعْلَمُونَ۝٨٦

    Wala yamliku allatheena yadʿoona min doonihi alshshafaʿata illa man shahida bialhaqqi wahum yaʿlamoona

    Oo uma leh awood shafeeco kuwa ay baryaan (Alle) ka sokow, hase ahaatee ciddii qirta xaqa (ashahaadada ee ku dhaqma) oo aqoon san u leh (waxbay u shafeeci Idanka Alle kaddib).

  87. وَلَئِن سَأَلْتَهُم مَّنْ خَلَقَهُمْ لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُ ۖ فَأَنَّىٰ يُؤْفَكُونَ۝٨٧

    Walain saaltahum man khalaqahum layaqoolunna Allahu faanna yufakoona

    Haddaad (gaalada) weydiiso yaa abuuray iyaga, waxay hubaal odhan: Allaah. Ee xaggee baa loo iilay?

  88. وَقِيلِهِۦ يَـٰرَبِّ إِنَّ هَـٰٓؤُلَآءِ قَوْمٌ لَّا يُؤْمِنُونَ۝٨٨

    Waqeelihi yarabbi inna haolai qawmun la yuminoona

    (Nabigu) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Xaqiiq kuwaanu waa qolo aan rumayneyn (Xaqa).

  89. فَٱصْفَحْ عَنْهُمْ وَقُلْ سَلَـٰمٌ ۚ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ۝٨٩

    Faisfah ʿanhum waqul salamun fasawfa yaʿlamoona

    Ee iska saamax oo dheh: Nabadgelyo, wayse ogaan (waxa ku dhaca).

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Az-Zukhruf?

Macnaha Az-Zukhruf waa “Qurxinta dahabka”.

Suuradda Az-Zukhruf juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Az-Zukhruf waxay ku jirtaa juz’ 25.

Suuradda Az-Zukhruf immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Az-Zukhruf waxay leedahay 89 aayadood.

Suuradda Az-Zukhruf ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Az-Zukhruf waa suurad Makki ah.

Suuradda Az-Zukhruf waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 43aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.