سورة الدخان
Suuradda Ad-Dukhaan oo af Soomaali ah
Qiiqa
- 44
- 59 aayadood
- Makki
- Juz’ 25
- Bogagga 496–498
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Ad-Dukhaan (الدخان) waa suuradda 44aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 59 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Qiiqa”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 25.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Ad-Dukhaan oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Ad-Dukhaan oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
حمٓ١
Hameem
Xaa Mim1.
Sharaxa hoose
[1] Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1. -
وَٱلْكِتَـٰبِ ٱلْمُبِينِ٢
Waalkitabi almubeeni
Waxaan (Aniga Alle ah) ku dhaartay kitaabka (Qur’aanka) ee caddeeya (Xaqa).
-
إِنَّآ أَنزَلْنَـٰهُ فِى لَيْلَةٍ مُّبَـٰرَكَةٍ ۚ إِنَّا كُنَّا مُنذِرِينَ٣
Inna anzalnahu fee laylatin mubarakatin inna kunna munthireena
Xaqiiq, waxaanu soo dejinnay (Qur’aanka) habeen barakaysan1. Waxaanu nahay kuwa diga.
Sharaxa hoose
[1] Waa Laylatul Qaddarka ee loo soo waxyooday Nabiga s.c.w. Qur’aanka. -
فِيهَا يُفْرَقُ كُلُّ أَمْرٍ حَكِيمٍ٤
Feeha yufraqu kullu amrin hakeemin
Habeenkaas (Laylatul Qaddarka) baa la gooyaa arrin kasta oo xigmo leh.
-
أَمْرًا مِّنْ عِندِنَآ ۚ إِنَّا كُنَّا مُرْسِلِينَ٥
Amran min ʿindina inna kunna mursileena
Amar ka yimid Xaggayaga. Hubaal waxaanu nahay kuwa soo dira (Rusul),
-
رَحْمَةً مِّن رَّبِّكَ ۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْعَلِيمُ٦
Rahmatan min rabbika innahu huwa alssameeʿu alʿaleemu
Naxariis ka ahaatay xagga Rabbigaa (Alle). Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
-
رَبِّ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَآ ۖ إِن كُنتُم مُّوقِنِينَ٧
Rabbi alssamawati waalardi wama baynahuma in kuntum mooqineena
Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddaad yaqiinsaneysaan.
-
لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ يُحْىِۦ وَيُمِيتُ ۖ رَبُّكُمْ وَرَبُّ ءَابَآئِكُمُ ٱلْأَوَّلِينَ٨
La ilaha illa huwa yuhyee wayumeetu rabbukum warabbu abaikumu alawwaleena
Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga aheyn, Waa isaga Kan bixiya nolol, oo sababa dhimasho, waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore.
-
بَلْ هُمْ فِى شَكٍّ يَلْعَبُونَ٩
Bal hum fee shakkin yalʿaboona
Waxayse ku sugan yihiin shaki, iyagoo iska cayaari.
-
فَٱرْتَقِبْ يَوْمَ تَأْتِى ٱلسَّمَآءُ بِدُخَانٍ مُّبِينٍ١٠
Fairtaqib yawma tatee alssamao bidukhanin mubeenin
Ee sug Maalinta ay samadu keeni qiiq muuqda.
-
يَغْشَى ٱلنَّاسَ ۖ هَـٰذَا عَذَابٌ أَلِيمٌ١١
Yaghsha alnnasa hatha ʿathabun aleemun
kaasoo dabooli dadka, kani waa cadaab xanuun badan.
-
رَّبَّنَا ٱكْشِفْ عَنَّا ٱلْعَذَابَ إِنَّا مُؤْمِنُونَ١٢
Rabbana ikshif ʿanna alʿathaba inna muminoona
(Waxay odhan), "Rabbigayow! Naga feyd cadaabka1, waan rumeynaye".
Sharaxa hoose
[1] Waxaa loola jeedaa abaartii iyo habaaskii iyo gaajadii lagu salladay kufaaru Quraysh beenintooda Nabiga s.c.w. awgeed. -
أَنَّىٰ لَهُمُ ٱلذِّكْرَىٰ وَقَدْ جَآءَهُمْ رَسُولٌ مُّبِينٌ١٣
Anna lahumu alththikra waqad jaahum rasoolun mubeenun
Goormay waantoobi, waxaana u yimid Rasuul iska cad (Nabi Muxammad).
-
ثُمَّ تَوَلَّوْا۟ عَنْهُ وَقَالُوا۟ مُعَلَّمٌ مَّجْنُونٌ١٤
Thumma tawallaw ʿanhu waqaloo muʿallamun majnoonun
Markaasay ka jeesteen oo yidhaahdeen: waa mid si fiican wax la soo baray, Jinnoole ah.
-
إِنَّا كَاشِفُوا۟ ٱلْعَذَابِ قَلِيلًا ۚ إِنَّكُمْ عَآئِدُونَ١٥
Inna kashifoo alʿathabi qaleelan innakum ʿaidoona
Waxaan idinka feydi cadaabka wax yar. Waxaadse ku noqoneysaan (gaalnimo).
-
يَوْمَ نَبْطِشُ ٱلْبَطْشَةَ ٱلْكُبْرَىٰٓ إِنَّا مُنتَقِمُونَ١٦
Yawma nabtishu albatshata alkubra inna muntaqimoona
Maalintaan qabaneyno qabashada weyn1. Hubaal waanu aarsan.
Sharaxa hoose
[1] Qabashadii weyneyd waxay dhacday dagaalkii Badar markii la jabiyey gaaladii oo badi madaxdoodii lagu dilay dagaalkaasi, qaar kalena la soo qafaashay. -
۞ وَلَقَدْ فَتَنَّا قَبْلَهُمْ قَوْمَ فِرْعَوْنَ وَجَآءَهُمْ رَسُولٌ كَرِيمٌ١٧
Walaqad fatanna qablahum qawma firʿawna wajaahum rasoolun kareemun
Waxaanu dhab ahaan imtixaannay hortood qolodii Fircoon, waxaana u yimid Rasuul sharaf leh (Nabi Muuse).
-
أَنْ أَدُّوٓا۟ إِلَىَّ عِبَادَ ٱللَّهِ ۖ إِنِّى لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ١٨
An addoo ilayya ʿibada Allahi innee lakum rasoolun ameenun
'Isagoo leh': Ii dhiiba adoommaha Alle1. Waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.
Sharaxa hoose
[1] Reer Israa’iil. -
وَأَن لَّا تَعْلُوا۟ عَلَى ٱللَّهِ ۖ إِنِّىٓ ءَاتِيكُم بِسُلْطَـٰنٍ مُّبِينٍ١٩
Waan la taʿloo ʿala Allahi innee ateekum bisultanin mubeenin
Ha iska sare yeelina Alle. Waxaan idiinla imid xujo cade.
-
وَإِنِّى عُذْتُ بِرَبِّى وَرَبِّكُمْ أَن تَرْجُمُونِ٢٠
Wainnee ʿuthtu birabbee warabbikum an tarjumooni
Waxaana ka magan galay Rabbigay iyo Rabbigiin inaad i dhagaxyeysaan1.
Sharaxa hoose
[1] Si aydaan dhagax iigu shiidin ilaa geeri. Ama si aydaan iigu dhaleeceyn carrabyadiinna ama si aydaan iigu dhibaateyn si kale. -
وَإِن لَّمْ تُؤْمِنُوا۟ لِى فَٱعْتَزِلُونِ٢١
Wain lam tuminoo lee faiʿtazilooni
Ee hadddaydaan i rumeyn, iga fogaada (I daaya).
-
فَدَعَا رَبَّهُۥٓ أَنَّ هَـٰٓؤُلَآءِ قَوْمٌ مُّجْرِمُونَ٢٢
Fadaʿa rabbahu anna haolai qawmun mujrimoona
Markaasuu (markay beeniyeen) u dhawaaqay Rabbigi (isagoo leh): Kuwakanu waa qolo denbiilayaal ah.
-
فَأَسْرِ بِعِبَادِى لَيْلًا إِنَّكُم مُّتَّبَعُونَ٢٣
Faasri biʿibadee laylan innakum muttabaʿoona
(Alle wuxuu yidhi), "La Guuree (Muusow) addoomahayga habeennimo. Waa la idin soo daba galiye.
-
وَٱتْرُكِ ٱلْبَحْرَ رَهْوًا ۖ إِنَّهُمْ جُندٌ مُّغْرَقُونَ٢٤
Waotruki albahra rahwan innahum jundun mughraqoona
Oo dhaaf baddoo deggan1 oo qaybsan: waa ciidan la qarqine".
Sharaxa hoose
[1] Kaddib markay labo u kala dhanbalantay, si ay askarta Fircoon u soo raacaan ilmahii Israa’iil oo markaa Fircoon iyo dadkiisa loo qarqiyo. -
كَمْ تَرَكُوا۟ مِن جَنَّـٰتٍ وَعُيُونٍ٢٥
Kam tarakoo min jannatin waʿuyoonin
Intee bay ka tageen beero iyo ilo.
-
وَزُرُوعٍ وَمَقَامٍ كَرِيمٍ٢٦
Wazurooʿin wamaqamin kareemin
Iyo dalagyo iyo degaan wanaagsan.
-
وَنَعْمَةٍ كَانُوا۟ فِيهَا فَـٰكِهِينَ٢٧
Wanaʿmatin kanoo feeha fakiheena
Iyo nicmooyin ay ku raaxaysanayeen.
-
كَذَٰلِكَ ۖ وَأَوْرَثْنَـٰهَا قَوْمًا ءَاخَرِينَ٢٨
Kathalika waawrathnaha qawman akhareena
Waa sidaase! Waxaanu dhaxalsiinnay qolo kale (reer Israa’iil).
-
فَمَا بَكَتْ عَلَيْهِمُ ٱلسَّمَآءُ وَٱلْأَرْضُ وَمَا كَانُوا۟ مُنظَرِينَ٢٩
Fama bakat ʿalayhimu alssamao waalardu wama kanoo munthareena
Uma ay ooyin samada iyo arladu, lamana siin wax fursad (kansho) ah.
-
وَلَقَدْ نَجَّيْنَا بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ مِنَ ٱلْعَذَابِ ٱلْمُهِينِ٣٠
Walaqad najjayna banee israeela mina alʿathabi almuheeni
Waxaana dhab ahaan ka badbaadinnay ilmihii Israa’iil cadaab wax dulleeya.
-
مِن فِرْعَوْنَ ۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَالِيًا مِّنَ ٱلْمُسْرِفِينَ٣١
Min firʿawna innahu kana ʿaliyan mina almusrifeena
Xagga Fircoon ah; wuxuu ahaa islaweyne, ka mid ahaa xadgudbayaasha.
-
وَلَقَدِ ٱخْتَرْنَـٰهُمْ عَلَىٰ عِلْمٍ عَلَى ٱلْعَـٰلَمِينَ٣٢
Walaqadi ikhtarnahum ʿala ʿilmin ʿala alʿalameena
Waxaana ka doorannay (dadkii waqtigoodii), Annagoo ogsoon.
-
وَءَاتَيْنَـٰهُم مِّنَ ٱلْـَٔايَـٰتِ مَا فِيهِ بَلَـٰٓؤٌا۟ مُّبِينٌ٣٣
Waataynahum mina alayati ma feehi balaon mubeenun
Waxaana siinnay calaamado1 ay ku sugnaayeen imtixaan cad.
Sharaxa hoose
[1] Sida in lagu hareeyey daruuraha, loo soo dejiyey Manni iyo Salwaa, biyo looga burqiyey dhagax, badda cas oo loo kala dhanbalay, iwm. -
إِنَّ هَـٰٓؤُلَآءِ لَيَقُولُونَ٣٤
Inna haolai layaqooloona
Kuwaasi (gaaladu) waxay yidhaahdaan:
-
إِنْ هِىَ إِلَّا مَوْتَتُنَا ٱلْأُولَىٰ وَمَا نَحْنُ بِمُنشَرِينَ٣٥
In hiya illa mawtatuna aloola wama nahnu bimunshareena
Ma jirto waxaa aheyn dhimashadayada hore mana nihin kuwo dib loo soo nooleyn.
-
فَأْتُوا۟ بِـَٔابَآئِنَآ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ٣٦
Fatoo biabaina in kuntum sadiqeena
Ee (dib) u soo cesha aabbayaashayadii hore, haddaad run sheegaysaan.
-
أَهُمْ خَيْرٌ أَمْ قَوْمُ تُبَّعٍ وَٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۚ أَهْلَكْنَـٰهُمْ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ مُجْرِمِينَ٣٧
Ahum khayrun am qawmu tubbaʿin waallatheena min qablihim ahlaknahum innahum kanoo mujrimeena
Ma iyagaa khayr badan mise qolodii Tubbac1 iyo kuwii ka horreeyey? Waanu hallignay, waxay ahaayeen denbiilayaal.
Sharaxa hoose
[1] Waxaa loolaa jeedaa reer Ximyar ee degganaa Yaman, Tubbacna waa naynaasta boqorkooda. -
وَمَا خَلَقْنَا ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا لَـٰعِبِينَ٣٨
Wama khalaqna alssamawati waalarda wama baynahuma laʿibeena
Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya ciyaar.
-
مَا خَلَقْنَـٰهُمَآ إِلَّا بِٱلْحَقِّ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ٣٩
Ma khalaqnahuma illa bialhaqqi walakinna aktharahum la yaʿlamoona
Uma aanu abuurin waxaan Xaq aheyn, badankooduse ma oga.
-
إِنَّ يَوْمَ ٱلْفَصْلِ مِيقَـٰتُهُمْ أَجْمَعِينَ٤٠
Inna yawma alfasli meeqatuhum ajmaʿeena
Maalinta kala Baxa yaa u ballan ah dhammaan.
-
يَوْمَ لَا يُغْنِى مَوْلًى عَن مَّوْلًى شَيْـًٔا وَلَا هُمْ يُنصَرُونَ٤١
Yawma la yughnee mawlan ʿan mawlan shayan wala hum yunsaroona
Maalintaan qaraabannimo waxba laysugu tareyn laysuna gargaareyn.
-
إِلَّا مَن رَّحِمَ ٱللَّهُ ۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ٤٢
Illa man rahima Allahu innahu huwa alʿazeezu alrraheemu
Mid uu Alle u Naxariisto ma’ahee: hubaal waa Adkaadaha, Naxariista Badan.
-
إِنَّ شَجَرَتَ ٱلزَّقُّومِ٤٣
Inna shajarata alzzaqqoomi
Hubaal geedka Zaquumka,
-
طَعَامُ ٱلْأَثِيمِ٤٤
Taʿamu alatheemi
Waa cunnada denbiilaha,
-
كَٱلْمُهْلِ يَغْلِى فِى ٱلْبُطُونِ٤٥
Kaalmuhli yaghlee fee albutooni
Sida laami buu ugu kar-kari caloolaha (gaalada).
-
كَغَلْىِ ٱلْحَمِيمِ٤٦
Kaghalyi alhameemi
Sida kar-karka biyo aad u kulul.
-
خُذُوهُ فَٱعْتِلُوهُ إِلَىٰ سَوَآءِ ٱلْجَحِيمِ٤٧
Khuthoohu faiʿtiloohu ila sawai aljaheemi
(Waxaa la dhihi): Qabta (gaalka), oo u jiida Naarta bartankeeda.
-
ثُمَّ صُبُّوا۟ فَوْقَ رَأْسِهِۦ مِنْ عَذَابِ ٱلْحَمِيمِ٤٨
Thumma subboo fawqa rasihi min ʿathabi alhameemi
Markaas ku shuba madaxiisa korkiisa cadaabka biyo kar-karaya.
-
ذُقْ إِنَّكَ أَنتَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْكَرِيمُ٤٩
Thuq innaka anta alʿazeezu alkareemu
(Waxaa lagu dhihi): Dhadhami (Cadaabka), Waxaad (iska yeeleysay) inaad tahay adkaadaha, sharafta leh1.
Sharaxa hoose
[1] Waa sida uu sheeganayey intii uu joogay arlada. Waxaa lagu odhanayaa ereyadan digasho ahaan si loo xusuusiyo oo loo liido iyo cadaab dheeri ah ahaan. -
إِنَّ هَـٰذَا مَا كُنتُم بِهِۦ تَمْتَرُونَ٥٠
Inna hatha ma kuntum bihi tamtaroona
Hubaal kanu (Cadaabka) waa waxaad ka shaki qabteen oo ka doodeyseen.
-
إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى مَقَامٍ أَمِينٍ٥١
Inna almuttaqeena fee maqamin ameenin
Hubaap kuwa (u) hoggaansan (Amarrada Alle) ee iska jira (xumaha) waxay ku sugnaan meel aamin ah (Janno).
-
فِى جَنَّـٰتٍ وَعُيُونٍ٥٢
Fee jannatin waʿuyoonin
Beero dhexdood iyo ilo.
-
يَلْبَسُونَ مِن سُندُسٍ وَإِسْتَبْرَقٍ مُّتَقَـٰبِلِينَ٥٣
Yalbasoona min sundusin waistabraqin mutaqabileena
Waxay xidhan xariir jilicsan iyo mid adagba, iyagoo u fadhiya fool ka fool (si farxad iyo reyn reyn leh).
-
كَذَٰلِكَ وَزَوَّجْنَـٰهُم بِحُورٍ عِينٍ٥٤
Kathalika wazawwajnahum bihoorin ʿeenin
Waa sidaase, Waxaanu u guurin xuurul ceyn.
-
يَدْعُونَ فِيهَا بِكُلِّ فَـٰكِهَةٍ ءَامِنِينَ٥٥
Yadʿoona feeha bikulli fakihatin amineena
Waxay u yeedhan midho nooc kasta ah, iyagoo nabdoon1.
Sharaxa hoose
[1] Aan ka cabsaneyn inay ka dhammaadaan, oo ka cabsaneyn jirro. -
لَا يَذُوقُونَ فِيهَا ٱلْمَوْتَ إِلَّا ٱلْمَوْتَةَ ٱلْأُولَىٰ ۖ وَوَقَىٰهُمْ عَذَابَ ٱلْجَحِيمِ٥٦
La yathooqoona feeha almawta illa almawtata aloola wawaqahum ʿathaba aljaheemi
Ma ku dhadhaminayaan (jannada) dhexdeeda dhimasho aan aheyn dhimashadii hore, wuxuuna (Alle) ka dhowray cadaabka Naarta Ololka badan.
-
فَضْلًا مِّن رَّبِّكَ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلْفَوْزُ ٱلْعَظِيمُ٥٧
Fadlan min rabbika thalika huwa alfawzu alʿatheemu
Waa fadli xagga Rabbigaa ah. (Arrin)kani weeye Liibaanta Weyni.
-
فَإِنَّمَا يَسَّرْنَـٰهُ بِلِسَانِكَ لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ٥٨
Fainnama yassarnahu bilisanika laʿallahum yatathakkaroona
Waxaan uun ugu fududaynay Qur’aanka carrabkaaga inay ku waantoobaan.
-
فَٱرْتَقِبْ إِنَّهُم مُّرْتَقِبُونَ٥٩
Fairtaqib innahum murtaqiboona
Ee dhowr (oo eeg xaalkooda); iyaguna waxay dhowrayaan (waxaad ku dambeysaan).
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Ad-Dukhaan?
Macnaha Ad-Dukhaan waa “Qiiqa”.
Suuradda Ad-Dukhaan juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Ad-Dukhaan waxay ku jirtaa juz’ 25.
Suuradda Ad-Dukhaan immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Ad-Dukhaan waxay leedahay 59 aayadood.
Suuradda Ad-Dukhaan ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Ad-Dukhaan waa suurad Makki ah.
Suuradda Ad-Dukhaan waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 44aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.