سورة الجاثية
Suuradda Al-Jaathiya oo af Soomaali ah
Jilba jabsiga
- 45
- 37 aayadood
- Makki
- Juz’ 25
- Bogagga 499–502
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Al-Jaathiya (الجاثية) waa suuradda 45aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 37 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Jilba jabsiga”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 25.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Jaathiya oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Al-Jaathiya oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
حمٓ١
Hameem
Xaa Miim1.
Sharaxa hoose
[1] Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1. -
تَنزِيلُ ٱلْكِتَـٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَكِيمِ٢
Tanzeelu alkitabi mina Allahi alʿazeezi alhakeemi
Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah.
-
إِنَّ فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ لَـَٔايَـٰتٍ لِّلْمُؤْمِنِينَ٣
Inna fee alssamawati waalardi laayatin lilmumineena
Xaqiiq, waxaa samooyinka iyo arlada ugu sugan calaamooyin mu’miniinta.
-
وَفِى خَلْقِكُمْ وَمَا يَبُثُّ مِن دَآبَّةٍ ءَايَـٰتٌ لِّقَوْمٍ يُوقِنُونَ٤
Wafee khalqikum wama yabuththu min dabbatin ayatun liqawmin yooqinoona
Iyo abuuristiinnaba iyo wuxuu (Alle) ku fidiyey (ku abuuray dhulka) oo nafley socota ah, waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii yaqiinsan.
-
وَٱخْتِلَـٰفِ ٱلَّيْلِ وَٱلنَّهَارِ وَمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مِن رِّزْقٍ فَأَحْيَا بِهِ ٱلْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَا وَتَصْرِيفِ ٱلرِّيَـٰحِ ءَايَـٰتٌ لِّقَوْمٍ يَعْقِلُونَ٥
Waikhtilafi allayli waalnnahari wama anzala Allahu mina alssamai min rizqin faahya bihi alarda baʿda mawtiha watasreefi alrriyahi ayatun liqawmin yaʿqiloona
Iyo isdhaafka habeenka iyo maalinta iyo waxa uu Alle ka soo dejiyo daruuraha oo risiq (roob) ah, markaas uu ku nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib, iyo gadgaddoonka dabeylaha waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii fahmi.
-
تِلْكَ ءَايَـٰتُ ٱللَّهِ نَتْلُوهَا عَلَيْكَ بِٱلْحَقِّ ۖ فَبِأَىِّ حَدِيثٍۭ بَعْدَ ٱللَّهِ وَءَايَـٰتِهِۦ يُؤْمِنُونَ٦
Tilka ayatu Allahi natlooha ʿalayka bialhaqqi fabiayyi hadeethin baʿda Allahi waayatihi yuminoona
Kuwakani waa Aayadaha Alle aan kuugu akhrinno (Nabiyow) si xaq ah, ee hadalkee bay Alle iyo Aayadihiisa kaddib rumeyn?
-
وَيْلٌ لِّكُلِّ أَفَّاكٍ أَثِيمٍ٧
Waylun likulli affakin atheemin
Hoog waxaa leh beenaale kastoo denbiile ah.
-
يَسْمَعُ ءَايَـٰتِ ٱللَّهِ تُتْلَىٰ عَلَيْهِ ثُمَّ يُصِرُّ مُسْتَكْبِرًا كَأَن لَّمْ يَسْمَعْهَا ۖ فَبَشِّرْهُ بِعَذَابٍ أَلِيمٍ٨
Yasmaʿu ayati Allahi tutla ʿalayhi thumma yusirru mustakbiran kaan lam yasmaʿha fabashshirhu biʿathabin aleemin
Ee maqla Aayadaha Alle oo loo akhriyo, haddana ka dhega adayga isagoo islaweyn sida inaanu maqalba. Ee ugu bishaaree cadaab xanuun badan.
-
وَإِذَا عَلِمَ مِنْ ءَايَـٰتِنَا شَيْـًٔا ٱتَّخَذَهَا هُزُوًا ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ مُّهِينٌ٩
Waitha ʿalima min ayatina shayan ittakhathaha huzuwan olaika lahum ʿathabun muheenun
Markuu wax ka ogaadana Aayadahayaga, wuxuu ka dhigtaa jees-jees. Kuwaa weeye kuwa mudan cadaab dulleysa.
-
مِّن وَرَآئِهِمْ جَهَنَّمُ ۖ وَلَا يُغْنِى عَنْهُم مَّا كَسَبُوا۟ شَيْـًٔا وَلَا مَا ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَوْلِيَآءَ ۖ وَلَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ١٠
Min waraihim jahannamu wala yughnee ʿanhum ma kasaboo shayan wala ma ittakhathoo min dooni Allahi awliyaa walahum ʿathabun ʿatheemun
Waxaa ka dambeysa Naar, waxna uma taraan waxay kasbadeen, iyo midna kuwaa ay ka dhigteen awliyo (gargaarayaal ama difaacayaal) Alle ka sokow, waxayna leeyihiin cadaab Daran.
-
هَـٰذَا هُدًى ۖ وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِـَٔايَـٰتِ رَبِّهِمْ لَهُمْ عَذَابٌ مِّن رِّجْزٍ أَلِيمٌ١١
Hatha hudan waallatheena kafaroo biayati rabbihim lahum ʿathabun min rijzin aleemin
Kani (Qur'aanku) waa hanuun. Kuwase ku gaalooba Aayadaha Rabbigood, waxay leeyihiin cadaab daran oo xanuun badan.
-
۞ ٱللَّهُ ٱلَّذِى سَخَّرَ لَكُمُ ٱلْبَحْرَ لِتَجْرِىَ ٱلْفُلْكُ فِيهِ بِأَمْرِهِۦ وَلِتَبْتَغُوا۟ مِن فَضْلِهِۦ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ١٢
Allahu allathee sakhkhara lakumu albahra litajriya alfulku feehi biamrihi walitabtaghoo min fadlihi walaʿallakum tashkuroona
Alle waa Kan idiin sakhiray badda, si ay ugu socdaan Doonyuhu dhexdeeda Amarkiisa, iyo si aad u raadsataan Deeqdiisa, iyo inaad ku mahdisaan.
-
وَسَخَّرَ لَكُم مَّا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًا مِّنْهُ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ١٣
Wasakhkhara lakum ma fee alssamawati wama fee alardi jameeʿan minhu inna fee thalika laayatin liqawmin yatafakkaroona
Wuxuu kaloo idiin sakhiray waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, dhammaan waa Gallad iyo Naxariis Xaggiisa ah. Hubaal, waxaa (arrin) kani ugu sugan calaamooyin ciddii fikiri.
-
قُل لِّلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ يَغْفِرُوا۟ لِلَّذِينَ لَا يَرْجُونَ أَيَّامَ ٱللَّهِ لِيَجْزِىَ قَوْمًۢا بِمَا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ١٤
Qul lillatheena amanoo yaghfiroo lillatheena la yarjoona ayyama Allahi liyajziya qawman bima kanoo yaksiboona
Waxaad ku dhahdaa kuwa (Xaqa) rumeeyey inay iska dhaafaan1 kuwa aan ka rajo qabin Ayaamaha Alle2, si uu ugu abaal mariyo qolo waxay kasbadeen.
Sharaxa hoose
[1] Waa billowgii baaqa Islaamka ka hor inta aan la idmin jihaadka. [2] Ayaamaha Alle waxaa loola jeedaa maalmihii uu Alle ku soo dejiyey gaalada cadaabka, oo badbaadiyey kuwa xaqa rumeeyey. -
مَنْ عَمِلَ صَـٰلِحًا فَلِنَفْسِهِۦ ۖ وَمَنْ أَسَآءَ فَعَلَيْهَا ۖ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُمْ تُرْجَعُونَ١٥
Man ʿamila salihan falinafsihi waman asaa faʿalayha thumma ila rabbikum turjaʿoona
Qofkii sama fala naftiisay dan u tahay, kiina xumaan fala waa dushiisa. Waxaana dib la idiinku soo celin xagga Rabbigiin.
-
وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ ٱلْكِتَـٰبَ وَٱلْحُكْمَ وَٱلنُّبُوَّةَ وَرَزَقْنَـٰهُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَـٰتِ وَفَضَّلْنَـٰهُمْ عَلَى ٱلْعَـٰلَمِينَ١٦
Walaqad atayna banee israeela alkitaba waalhukma waalnnubuwwata warazaqnahum mina alttayyibati wafaddalnahum ʿala alʿalameena
Waxaan dhab ahaan siinnay reer Israa’iil Kitaabka (Towraadda) iyo xukun1 iyo Nabinnimo, waxaana ku arsaaqnay waxyaalaha wanaagsan, oo ka faddilnay dadkii (waqtigoodii).
Sharaxa hoose
[1] Al-Xukma waxaa loola jeedaa fahanka caqiidada iyo xeerarka islaamka iyo ku dhaqankooda iyo garsoor wanaagsan. -
وَءَاتَيْنَـٰهُم بَيِّنَـٰتٍ مِّنَ ٱلْأَمْرِ ۖ فَمَا ٱخْتَلَفُوٓا۟ إِلَّا مِنۢ بَعْدِ مَا جَآءَهُمُ ٱلْعِلْمُ بَغْيًۢا بَيْنَهُمْ ۚ إِنَّ رَبَّكَ يَقْضِى بَيْنَهُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ فِيمَا كَانُوا۟ فِيهِ يَخْتَلِفُونَ١٧
Waataynahum bayyinatin mina alamri fama ikhtalafoo illa min baʿdi ma jaahumu alʿilmu baghyan baynahum inna rabbaka yaqdee baynahum yawma alqiyamati feema kanoo feehi yakhtalifoona
Waxaanu siinnay xujooyin cad oo arrimaha nolosha la xiriira, ismana khilaafin kaddib intuu u yimid cilmiga maahee, xasad dhexdooda ah awgi. Rabbigaa waa u kala garsoori dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafsanaayeen.
-
ثُمَّ جَعَلْنَـٰكَ عَلَىٰ شَرِيعَةٍ مِّنَ ٱلْأَمْرِ فَٱتَّبِعْهَا وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَآءَ ٱلَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ١٨
Thumma jaʿalnaka ʿala shareeʿatin mina alamri faittabiʿha wala tattabiʿ ahwaa allatheena la yaʿlamoona
Markaas waxaanu kuu yeelnay waddo cad oo amar (keenna) ah ee raac, hana raacin hawada kuwa aan wax ogeyn.
-
إِنَّهُمْ لَن يُغْنُوا۟ عَنكَ مِنَ ٱللَّهِ شَيْـًٔا ۚ وَإِنَّ ٱلظَّـٰلِمِينَ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَآءُ بَعْضٍ ۖ وَٱللَّهُ وَلِىُّ ٱلْمُتَّقِينَ١٩
Innahum lan yughnoo ʿanka mina Allahi shayan wainna alththalimeena baʿduhum awliyao baʿdin waAllahu waliyyu almuttaqeena
Iyagu kaagama taraan xagga Alle waxba; daalimiintana waa isu sokeeye qaarba qaarka kale. Alle waa Gargaaraha kuwa ka dhowrsada (xumaha).
-
هَـٰذَا بَصَـٰٓئِرُ لِلنَّاسِ وَهُدًى وَرَحْمَةٌ لِّقَوْمٍ يُوقِنُونَ٢٠
Hatha basairu lilnnasi wahudan warahmatun liqawmin yooqinoona
Kuwakani waa u tusmooyin cad dadka, iyo hanuun iyo naxariis ciddii wax yaqiinsan.
-
أَمْ حَسِبَ ٱلَّذِينَ ٱجْتَرَحُوا۟ ٱلسَّيِّـَٔاتِ أَن نَّجْعَلَهُمْ كَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ سَوَآءً مَّحْيَاهُمْ وَمَمَاتُهُمْ ۚ سَآءَ مَا يَحْكُمُونَ٢١
Am hasiba allatheena ijtarahoo alssayyiati an najʿalahum kaallatheena amanoo waʿamiloo alssalihati sawaan mahyahum wamamatuhum saa ma yahkumoona
Mise ma waxay moodaan kuwa kasbada xumaha inaan la mid dhigeyno kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, oo noloshooda1 iyo geeridooda sinnaan? Xumaa siday wax u xukumaan.
Sharaxa hoose
[1] Tafsiir kale waa: Xumaan falayaasha waa isku mid noloshooda iyo geeridooda. Macnaha waa ma aqbalaan hanuunka. -
وَخَلَقَ ٱللَّهُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ بِٱلْحَقِّ وَلِتُجْزَىٰ كُلُّ نَفْسٍۭ بِمَا كَسَبَتْ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ٢٢
Wakhalaqa Allahu alssamawati waalarda bialhaqqi walitujza kullu nafsin bima kasabat wahum la yuthlamoona
Allaah wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada xaq iyo in naf waliba laga abaal mariyo waxay kasbatay iyagoon la dulmineyn.
-
أَفَرَءَيْتَ مَنِ ٱتَّخَذَ إِلَـٰهَهُۥ هَوَىٰهُ وَأَضَلَّهُ ٱللَّهُ عَلَىٰ عِلْمٍ وَخَتَمَ عَلَىٰ سَمْعِهِۦ وَقَلْبِهِۦ وَجَعَلَ عَلَىٰ بَصَرِهِۦ غِشَـٰوَةً فَمَن يَهْدِيهِ مِنۢ بَعْدِ ٱللَّهِ ۚ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ٢٣
Afaraayta mani ittakhatha ilahahu hawahu waadallahu Allahu ʿala ʿilmin wakhatama ʿala samʿihi waqalbihi wajaʿala ʿala basarihi ghishawatan faman yahdeehi min baʿdi Allahi afala tathakkaroona
Ka warran mid ka yeesha hawadiisa ilaahiisa, oo Alle u lumiyey ogaal oo daboolay maqalkiisa iyo qalbigiisa, yeelayna caad araggiisa. Yaa hanuunin Alle kaddib? Miyeydaan waansameyn?
-
وَقَالُوا۟ مَا هِىَ إِلَّا حَيَاتُنَا ٱلدُّنْيَا نَمُوتُ وَنَحْيَا وَمَا يُهْلِكُنَآ إِلَّا ٱلدَّهْرُ ۚ وَمَا لَهُم بِذَٰلِكَ مِنْ عِلْمٍ ۖ إِنْ هُمْ إِلَّا يَظُنُّونَ٢٤
Waqaloo ma hiya illa hayatuna alddunya namootu wanahya wama yuhlikuna illa alddahru wama lahum bithalika min ʿilmin in hum illa yathunnoona
Waxay yidhaahdeen: Ma jirto waxaan ahayn noloshayada adduunkan, waa iska noolaannaa1 oo dhimannaa namana halaagaan waxaan aheyn waayaha. Uma laha (arrin)kaasi wax cilmi ah, way uun iska malo awaali.
Sharaxa hoose
[1] Macnaha waa dad baa dhinta qaar kale dhashaan, oo lagu beddelaa. -
وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ ءَايَـٰتُنَا بَيِّنَـٰتٍ مَّا كَانَ حُجَّتَهُمْ إِلَّآ أَن قَالُوا۟ ٱئْتُوا۟ بِـَٔابَآئِنَآ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ٢٥
Waitha tutla ʿalayhim ayatuna bayyinatin ma kana hujjatahum illa an qaloo itoo biabaina in kuntum sadiqeena
Marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, dooddoodu ma aha wax kale aan aheyn inay yidhaahdaan: (Dib) Noogu keena aabbayaashayo (meytan) haddaad run sheegaysaan.
-
قُلِ ٱللَّهُ يُحْيِيكُمْ ثُمَّ يُمِيتُكُمْ ثُمَّ يَجْمَعُكُمْ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْقِيَـٰمَةِ لَا رَيْبَ فِيهِ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ٢٦
Quli Allahu yuhyeekum thumma yumeetukum thumma yajmaʿukum ila yawmi alqiyamati la rayba feehi walakinna akthara alnnasi la yaʿlamoona
Dheh: Alle baa idin nooleyn, haddana idin dhinsiin, haddana idiin soo kulmin Maalinta Qiyaamaha aan shaki ku jirin, dadka badankiisuse ma oga.
-
وَلِلَّهِ مُلْكُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ وَيَوْمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يَوْمَئِذٍ يَخْسَرُ ٱلْمُبْطِلُونَ٢٧
Walillahi mulku alssamawati waalardi wayawma taqoomu alssaʿatu yawmaithin yakhsaru almubtiloona
Allaah ba iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Maalintay Saacadda (Qiyaame) dhacdo, Maalintaasay khasaari ehlu baadilka.
-
وَتَرَىٰ كُلَّ أُمَّةٍ جَاثِيَةً ۚ كُلُّ أُمَّةٍ تُدْعَىٰٓ إِلَىٰ كِتَـٰبِهَا ٱلْيَوْمَ تُجْزَوْنَ مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ٢٨
Watara kulla ommatin jathiyatan kullu ommatin tudʿa ila kitabiha alyawma tujzawna ma kuntum taʿmaloona
Waxaad arki ummad waliba iyagoo jilbo jabsan, ummad kasta waxaa loogu yeedhi Kitaabkii (camalkeeda); Maanta waxaa la idinku abaal marin waxaad fasheen.
-
هَـٰذَا كِتَـٰبُنَا يَنطِقُ عَلَيْكُم بِٱلْحَقِّ ۚ إِنَّا كُنَّا نَسْتَنسِخُ مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ٢٩
Hatha kitabuna yantiqu ʿalaykum bialhaqqi inna kunna nastansikhu ma kuntum taʿmaloona
Kani waa Kitaabkayaga oo idiinka hadlaya si xaq ah, Waanu qoraynay waxaad camal faleyseen1.
Sharaxa hoose
[1] Malaa’igta wax qorta baa qoreysey acmaashooda oo dhan. -
فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ فَيُدْخِلُهُمْ رَبُّهُمْ فِى رَحْمَتِهِۦ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلْفَوْزُ ٱلْمُبِينُ٣٠
Faamma allatheena amanoo waʿamiloo alssalihati fayudkhiluhum rabbuhum fee rahmatihi thalika huwa alfawzu almubeenu
Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo sama falay, Rabbigood wuxuu galin Naxariistiisa (Jannada), taasina waa Liibaanta Cad.
-
وَأَمَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَفَلَمْ تَكُنْ ءَايَـٰتِى تُتْلَىٰ عَلَيْكُمْ فَٱسْتَكْبَرْتُمْ وَكُنتُمْ قَوْمًا مُّجْرِمِينَ٣١
Waamma allatheena kafaroo afalam takun ayatee tutla ʿalaykum faistakbartum wakuntum qawman mujrimeena
Kuwase gaaloobay (waxaa lagu dhihi): Sow ma ahayn Aayadahayga kuwo la idiin akhriyo? Waxaadse aheydeen kuwo isla weyn oo aheydeen qolo denbiilayaal ah.
-
وَإِذَا قِيلَ إِنَّ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقٌّ وَٱلسَّاعَةُ لَا رَيْبَ فِيهَا قُلْتُم مَّا نَدْرِى مَا ٱلسَّاعَةُ إِن نَّظُنُّ إِلَّا ظَنًّا وَمَا نَحْنُ بِمُسْتَيْقِنِينَ٣٢
Waitha qeela inna waʿda Allahi haqqun waalssaʿatu la rayba feeha qultum ma nadree ma alssaʿatu in nathunnu illa thannan wama nahnu bimustayqineena
Marka la yidhaahdo: Ballan qaadka Alle waa Xaq, Saacadda (Qiyaamana) shaki kuma jiro, waxaad tidhaahdeen: Ma naqaan waxay Saacaddu tahay, waan maleyn uun malo (aan xag jirin), mana nihin kuwo huba (arrinkaasi).
-
وَبَدَا لَهُمْ سَيِّـَٔاتُ مَا عَمِلُوا۟ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ٣٣
Wabada lahum sayyiatu ma ʿamiloo wahaqa bihim ma kanoo bihi yastahzioona
Waxaa u muuqan (gaalada) xume waxay faleen (ciqaabteedii), waxaana koobi waxay ku jees-jeesi jireen (oo cadaab ah).
-
وَقِيلَ ٱلْيَوْمَ نَنسَىٰكُمْ كَمَا نَسِيتُمْ لِقَآءَ يَوْمِكُمْ هَـٰذَا وَمَأْوَىٰكُمُ ٱلنَّارُ وَمَا لَكُم مِّن نَّـٰصِرِينَ٣٤
Waqeela alyawma nansakum kama naseetum liqaa yawmikum hatha wamawakumu alnnaru wama lakum min nasireena
Waxaana la odhan: Maanta waan idin halmaameynaa (idiinka tegi Naarta) sida aad u halmaanteen la Kulanka Maalintiinnaan (aydaan ugu diyaar garoobin Towxiid iyo camallo san), hoygiinnuna waa Naarta, mana jiro cid idiin soo gargaari.
-
ذَٰلِكُم بِأَنَّكُمُ ٱتَّخَذْتُمْ ءَايَـٰتِ ٱللَّهِ هُزُوًا وَغَرَّتْكُمُ ٱلْحَيَوٰةُ ٱلدُّنْيَا ۚ فَٱلْيَوْمَ لَا يُخْرَجُونَ مِنْهَا وَلَا هُمْ يُسْتَعْتَبُونَ٣٥
Thalikum biannakumu ittakhathtum ayati Allahi huzuwan wagharratkumu alhayatu alddunya faalyawma la yukhrajoona minha wala hum yustaʿtaboona
(Cadaab)kaasi waxaad ku mudateen inaad ka dhigateen Aayadahii Ilaahay jees-jees, noloshii adduunka baana idin hodday. Marka Maanta lagama soo saarayo halkaa, lagamana yeelayo cudur daarasho.
-
فَلِلَّهِ ٱلْحَمْدُ رَبِّ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَرَبِّ ٱلْأَرْضِ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ٣٦
Falillahi alhamdu rabbi alssamawati warabbi alardi rabbi alʿalameena
Ee Ammaan idilkeed iyo Mahadba Alle baa u mudan, Rabbiga samooyinka iyo Rabbiga arlada, Rabbiga uumanka oo dhan.
-
وَلَهُ ٱلْكِبْرِيَآءُ فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۖ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ٣٧
Walahu alkibriyao fee alssamawati waalardi wahuwa alʿazeezu alhakeemu
Isagaa (Alle) iska leh Weynaan (oo dhan) samooyinka iyo arlada gudahooda, waana Adkaadaha, Xakiimka ah.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Jaathiya?
Macnaha Al-Jaathiya waa “Jilba jabsiga”.
Suuradda Al-Jaathiya juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Al-Jaathiya waxay ku jirtaa juz’ 25.
Suuradda Al-Jaathiya immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Al-Jaathiya waxay leedahay 37 aayadood.
Suuradda Al-Jaathiya ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Al-Jaathiya waa suurad Makki ah.
Suuradda Al-Jaathiya waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 45aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.