سورة الأحقاف
Suuradda Al-Axqaaf oo af Soomaali ah
Buuraha ciidda
- 46
- 35 aayadood
- Makki
- Juz’ 26
- Bogagga 502–506
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Al-Axqaaf (الأحقاف) waa suuradda 46aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 35 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Buuraha ciidda”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 26.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Axqaaf oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Al-Axqaaf oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
حمٓ١
Hameem
Xaa Miim1.
Sharaxa hoose
[1] Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1. -
تَنزِيلُ ٱلْكِتَـٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَكِيمِ٢
Tanzeelu alkitabi mina Allahi alʿazeezi alhakeemi
Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah.
-
مَا خَلَقْنَا ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَآ إِلَّا بِٱلْحَقِّ وَأَجَلٍ مُّسَمًّى ۚ وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ عَمَّآ أُنذِرُوا۟ مُعْرِضُونَ٣
Ma khalaqna alssamawati waalarda wama baynahuma illa bialhaqqi waajalin musamman waallatheena kafaroo ʿamma onthiroo muʿridoona
Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan aheyn Xaq iyo Muddo magacaaban. Kuwase gaalooba dhinac bay uga jeestaan waxa looga digo (oo cadaab ah).
-
قُلْ أَرَءَيْتُم مَّا تَدْعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَرُونِى مَاذَا خَلَقُوا۟ مِنَ ٱلْأَرْضِ أَمْ لَهُمْ شِرْكٌ فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ ۖ ٱئْتُونِى بِكِتَـٰبٍ مِّن قَبْلِ هَـٰذَآ أَوْ أَثَـٰرَةٍ مِّنْ عِلْمٍ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ٤
Qul araaytum ma tadʿoona min dooni Allahi aroonee matha khalaqoo mina alardi am lahum shirkun fee alssamawati eetoonee bikitabin min qabli hatha aw atharatin min ʿilmin in kuntum sadiqeena
Dheh: Bal ka warrama waxaad caabudey- saan Alle sokadi? I tusa maxay abuureen oo ka mid ah arlada, mise ma waxay ku leeyihiin qayb samooyinka? Ii keena Kitaab kan (Qur’aanka) horti ah ama wax raad cilmi (hore) ah (oo daliil u ah waxaad leedihiin) haddaad run sheegeysaan.
-
وَمَنْ أَضَلُّ مِمَّن يَدْعُوا۟ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَن لَّا يَسْتَجِيبُ لَهُۥٓ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْقِيَـٰمَةِ وَهُمْ عَن دُعَآئِهِمْ غَـٰفِلُونَ٥
Waman adallu mimman yadʿoo min dooni Allahi man la yastajeebu lahu ila yawmi alqiyamati wahum ʿan duʿaihim ghafiloona
Yaa ka lunsanaan badan mid barya (caabuda) Alle sokadi kuwo aan wax jawaab ah u soo celineyn ilaa Maalinta Qiyaamaha oo ah kuwo moog baryadooda?
-
وَإِذَا حُشِرَ ٱلنَّاسُ كَانُوا۟ لَهُمْ أَعْدَآءً وَكَانُوا۟ بِعِبَادَتِهِمْ كَـٰفِرِينَ٦
Waitha hushira alnnasu kanoo lahum aʿdaan wakanoo biʿibadatihim kafireena
Marka dadka la isu wada keenana ahaan cadowyadooda, oo ahaan kuwo caabudiddooda dafira.
-
وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ ءَايَـٰتُنَا بَيِّنَـٰتٍ قَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِلْحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمْ هَـٰذَا سِحْرٌ مُّبِينٌ٧
Waitha tutla ʿalayhim ayatuna bayyinatin qala allatheena kafaroo lilhaqqi lamma jaahum hatha sihrun mubeenun
Marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, waxay kuwa gaalada ahi ka yidhaahdaan Xaqa markuu u yimaado: Kani waa sixir cad.
-
أَمْ يَقُولُونَ ٱفْتَرَىٰهُ ۖ قُلْ إِنِ ٱفْتَرَيْتُهُۥ فَلَا تَمْلِكُونَ لِى مِنَ ٱللَّهِ شَيْـًٔا ۖ هُوَ أَعْلَمُ بِمَا تُفِيضُونَ فِيهِ ۖ كَفَىٰ بِهِۦ شَهِيدًۢا بَيْنِى وَبَيْنَكُمْ ۖ وَهُوَ ٱلْغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ٨
Am yaqooloona iftarahu qul ini iftaraytuhu fala tamlikoona lee mina Allahi shayan huwa aʿlamu bima tufeedoona feehi kafa bihi shaheedan baynee wabaynakum wahuwa alghafooru alrraheemu
Mise ma waxay leeyihiin: Waa uu been abuurtay (Qur’aanka). Dheh (Nabiyow): Haddaan been abuurtay, waxba iigama tareysaan xagga Alle; Isagaa Ogsoon waxaad dhumbataan 'oo been ah'1. Alle baana marag ugu Filan dhexdeenna aniga iyo idinka. Waana Isaga Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
Sharaxa hoose
[1] Waxa aad ku jirtaan oo male awaal ah iyo fikrado aad qabtaan. -
قُلْ مَا كُنتُ بِدْعًا مِّنَ ٱلرُّسُلِ وَمَآ أَدْرِى مَا يُفْعَلُ بِى وَلَا بِكُمْ ۖ إِنْ أَتَّبِعُ إِلَّا مَا يُوحَىٰٓ إِلَىَّ وَمَآ أَنَا۠ إِلَّا نَذِيرٌ مُّبِينٌ٩
Qul ma kuntu bidʿan mina alrrusuli wama adree ma yufʿalu bee wala bikum in attabiʿu illa ma yooha ilayya wama ana illa natheerun mubeenun
Dheh: ma ahi Rasuul kii ugu horreeyey oo ka mid ah Rususha1 mana ogi (cilmi Ghaybka iyo) waxa laygu fali aniga ama idinka. Anigu ma raaco waxaan ahayn waxa la ii waxyoodo (ee Qur’aanka ah), aniguna ma ahi waxaan ahayn dige cad.
Sharaxa hoose
[1] Lama iman wax ka duwan waxay la yimaadeen Rusushii hore, ama arrin cusub. -
قُلْ أَرَءَيْتُمْ إِن كَانَ مِنْ عِندِ ٱللَّهِ وَكَفَرْتُم بِهِۦ وَشَهِدَ شَاهِدٌ مِّنۢ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ عَلَىٰ مِثْلِهِۦ فَـَٔامَنَ وَٱسْتَكْبَرْتُمْ ۖ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ ٱلظَّـٰلِمِينَ١٠
Qul araaytum in kana min ʿindi Allahi wakafartum bihi washahida shahidun min banee israeela ʿala mithlihi faamana waistakbartum inna Allaha la yahdee alqawma alththalimeena
Dheh: Bal ka warrama hadduu (Qur’aanka) ka yimid xagga Alle, oo aad ku gaalowdeen, uuna ka marag furay marag fure ka mid ah ilmahii Israa’iil1 inuu la mid yahay (Towraadda), markaasuu rumeeyey2 halka aad idinku is kibriseen. Hubaal Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).
Sharaxa hoose
[1] Waxaa loola jeedaa Cabdullaah bin Salaam. [2] Hadalka ka go’an waa: Soo ma ahaaneysaan markaa kuwa ugu gef badan dadka? Ama xaalad noocee baad markaa ku sugnaan doontaan? -
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَوْ كَانَ خَيْرًا مَّا سَبَقُونَآ إِلَيْهِ ۚ وَإِذْ لَمْ يَهْتَدُوا۟ بِهِۦ فَسَيَقُولُونَ هَـٰذَآ إِفْكٌ قَدِيمٌ١١
Waqala allatheena kafaroo lillatheena amanoo law kana khayran ma sabaqoona ilayhi waith lam yahtadoo bihi fasayaqooloona hatha ifkun qadeemun
Waxay kuwii gaaloobay ku yidhaahdeen kuwii (Xaqa) rumeeyey hadduu khayr yahay noogama horreeyeen1 rumeyntiisa, maadaamayna dooneyn inay ku hanuunsamaan, waxay yidhaahdaan: Kanu (Qur’aanka) waa beenihii hore.
Sharaxa hoose
[1] Waxay ula jeedeen Bilaal, Cammaar, Suhayb, Khabaab iyo qeyrkood a.k.r. kuwaasoo laga tol iyo tabar roonaa. -
وَمِن قَبْلِهِۦ كِتَـٰبُ مُوسَىٰٓ إِمَامًا وَرَحْمَةً ۚ وَهَـٰذَا كِتَـٰبٌ مُّصَدِّقٌ لِّسَانًا عَرَبِيًّا لِّيُنذِرَ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ وَبُشْرَىٰ لِلْمُحْسِنِينَ١٢
Wamin qablihi kitabu moosa imaman warahmatan wahatha kitabun musaddiqun lisanan ʿarabiyyan liyunthira allatheena thalamoo wabushra lilmuhsineena
(Qur’aanka) hortina waxaa ahaa Kitaabka Muuse hanuun iyo naxariis, kanina waa Kitaab rumeyn oo af Carabi ah si uu ugu digo kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida), waana u bishaaro kuwo sama falayaasha ah.
-
إِنَّ ٱلَّذِينَ قَالُوا۟ رَبُّنَا ٱللَّهُ ثُمَّ ٱسْتَقَـٰمُوا۟ فَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ١٣
Inna allatheena qaloo rabbuna Allahu thumma istaqamoo fala khawfun ʿalayhim wala hum yahzanoona
Hubaal, kuwa yidhaahda: Rabbigayo waa Allaah, markaas toosnaada1, ma aha cabsi dushooda, mana murugoonayaan.
Sharaxa hoose
[1] Markaas ku toosnaada diinta waa ku hanuunsanaada mabaadiida towxiidka, iimaanka iyo camallada wanaagsan oo ku sugnaada. -
أُو۟لَـٰٓئِكَ أَصْحَـٰبُ ٱلْجَنَّةِ خَـٰلِدِينَ فِيهَا جَزَآءًۢ بِمَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ١٤
Olaika ashabu aljannati khalideena feeha jazaan bima kanoo yaʿmaloona
Kuwaa waa ehlu Jannaha iyagoo ku waaraya dhexdeeda - abaalgud ahaan waxay camalsan faleen darteed.
-
وَوَصَّيْنَا ٱلْإِنسَـٰنَ بِوَٰلِدَيْهِ إِحْسَـٰنًا ۖ حَمَلَتْهُ أُمُّهُۥ كُرْهًا وَوَضَعَتْهُ كُرْهًا ۖ وَحَمْلُهُۥ وَفِصَـٰلُهُۥ ثَلَـٰثُونَ شَهْرًا ۚ حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ أَشُدَّهُۥ وَبَلَغَ أَرْبَعِينَ سَنَةً قَالَ رَبِّ أَوْزِعْنِىٓ أَنْ أَشْكُرَ نِعْمَتَكَ ٱلَّتِىٓ أَنْعَمْتَ عَلَىَّ وَعَلَىٰ وَٰلِدَىَّ وَأَنْ أَعْمَلَ صَـٰلِحًا تَرْضَىٰهُ وَأَصْلِحْ لِى فِى ذُرِّيَّتِىٓ ۖ إِنِّى تُبْتُ إِلَيْكَ وَإِنِّى مِنَ ٱلْمُسْلِمِينَ١٥
Wawassayna alinsana biwalidayhi ihsanan hamalathu ommuhu kurhan wawadaʿathu kurhan wahamluhu wafisaluhu thalathoona shahran hatta itha balagha ashuddahu wabalagha arbaʿeena sanatan qala rabbi awziʿnee an ashkura niʿmataka allatee anʿamta ʿalayya waʿala walidayya waan aʿmala salihan tardahu waaslih lee fee thurriyyatee innee tubtu ilayka wainnee mina almuslimeena
Waxaan ku waajibinnay Aadmiga inuu wanaajiyo oo daryeelo waalidkiis. Hooyadiis waxay ku sidday uurka iyadoo ku dhibtootay oo dhashay iyadoo ku dhibtootay; oo (uur ku) sidkiisu iyo ka goynta (naas nuujintiisu) waa soddon bilood, jeer markuu tabar galo oo afartan jirsado yidhaahdo (kan fiican): Rabbiyow! I solansii inaan ka mahad naqo Nicmaddaada aad iigu nicmeysay aniga iyo labadayda waalid, iyo inaan falo camal san oo aad ka raalli tahay; oo ii hagaaji durriyadayda, Adigaan kuu tawbad keenaye, waxaana anigu ka mid ahay Muslimiinta.
-
أُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ نَتَقَبَّلُ عَنْهُمْ أَحْسَنَ مَا عَمِلُوا۟ وَنَتَجَاوَزُ عَن سَيِّـَٔاتِهِمْ فِىٓ أَصْحَـٰبِ ٱلْجَنَّةِ ۖ وَعْدَ ٱلصِّدْقِ ٱلَّذِى كَانُوا۟ يُوعَدُونَ١٦
Olaika allatheena nataqabbalu ʿanhum ahsana ma ʿamiloo wanatajawazu ʿan sayyiatihim fee ashabi aljannati waʿda alssidqi allathee kanoo yooʿadoona
Kuwaa weeye kuwa aanu ka aqbalno camalkooda fiican oo aan iska dhaafno camalladooda xun, ka mid ah ehlu Jannaha - ballan qaad run ah oo loo ballan qaaday.
-
وَٱلَّذِى قَالَ لِوَٰلِدَيْهِ أُفٍّ لَّكُمَآ أَتَعِدَانِنِىٓ أَنْ أُخْرَجَ وَقَدْ خَلَتِ ٱلْقُرُونُ مِن قَبْلِى وَهُمَا يَسْتَغِيثَانِ ٱللَّهَ وَيْلَكَ ءَامِنْ إِنَّ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقٌّ فَيَقُولُ مَا هَـٰذَآ إِلَّآ أَسَـٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ١٧
Waallathee qala liwalidayhi offin lakuma ataʿidaninee an okhraja waqad khalati alquroonu min qablee wahuma yastagheethani Allaha waylaka amin inna waʿda Allahi haqqun fayaqoolu ma hatha illa asateeru alawwaleena
Kan se ku yidhaahda waalidkiis: Uf baad tihiin. Ma waxaad iigu gooddisaan in la i soo saarayo iyagoo dhab ahaan ay facyo tageen hortay? Waxayna labadiisa waalid gargaar weydiistaan Allaah (iyagoo ku leh wiilkooda): Magacaa bi'i waaye! Rumee! Ballan qaadka Alle waa Xaqe. wuxuuse yidhaahdaa: Kanu ma aha waxaan aheyn sheekooyinkii kuwii hore.
-
أُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ حَقَّ عَلَيْهِمُ ٱلْقَوْلُ فِىٓ أُمَمٍ قَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِهِم مِّنَ ٱلْجِنِّ وَٱلْإِنسِ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ خَـٰسِرِينَ١٨
Olaika allatheena haqqa ʿalayhimu alqawlu fee umamin qad khalat min qablihim mina aljinni waalinsi innahum kanoo khasireena
Kuwanu waa kuwa uu kula waajibay Qawlka (Cadaabka) ummado tegay hortood oo jin iyo inisiba leh. Waa kuwo xaqiiq khasaaray.
-
وَلِكُلٍّ دَرَجَـٰتٌ مِّمَّا عَمِلُوا۟ ۖ وَلِيُوَفِّيَهُمْ أَعْمَـٰلَهُمْ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ١٩
Walikullin darajatun mimma ʿamiloo waliyuwaffiyahum aʿmalahum wahum la yuthlamoona
Dhammaan waxay leeyihiin derejooyin waafaqsan waxay faleen, iyo si uu ugu oofiyo si dhan camalladooda iyagoon la dulmineyn.
-
وَيَوْمَ يُعْرَضُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ عَلَى ٱلنَّارِ أَذْهَبْتُمْ طَيِّبَـٰتِكُمْ فِى حَيَاتِكُمُ ٱلدُّنْيَا وَٱسْتَمْتَعْتُم بِهَا فَٱلْيَوْمَ تُجْزَوْنَ عَذَابَ ٱلْهُونِ بِمَا كُنتُمْ تَسْتَكْبِرُونَ فِى ٱلْأَرْضِ بِغَيْرِ ٱلْحَقِّ وَبِمَا كُنتُمْ تَفْسُقُونَ٢٠
Wayawma yuʿradu allatheena kafaroo ʿala alnnari athhabtum tayyibatikum fee hayatikumu alddunya waistamtaʿtum biha faalyawma tujzawna ʿathaba alhooni bima kuntum tastakbiroona fee alardi bighayri alhaqqi wabima kuntum tafsuqoona
Maalinta marka kuwa gaalooba loo soo bandhigi Naarta (waxaa lagu odhan): Waxaad wanaaggiinnii ku soo dhammeysateen noloshii adduunka oo ku raaxaysateen in muddo ah, maantase waxaa la idinku abaal marin cadaab silic badan, waxaad isku weyneyn jirteen arlada gudaheeda xaq darro, iyo caasiyoobiddiin- nii darteed.
-
۞ وَٱذْكُرْ أَخَا عَادٍ إِذْ أَنذَرَ قَوْمَهُۥ بِٱلْأَحْقَافِ وَقَدْ خَلَتِ ٱلنُّذُرُ مِنۢ بَيْنِ يَدَيْهِ وَمِنْ خَلْفِهِۦٓ أَلَّا تَعْبُدُوٓا۟ إِلَّا ٱللَّهَ إِنِّىٓ أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ٢١
Waothkur akha ʿadin ith anthara qawmahu bialahqafi waqad khalati alnnuthuru min bayni yadayhi wamin khalfihi alla taʿbudoo illa Allaha innee akhafu ʿalaykum ʿathaba yawmin ʿatheemin
Xus (reer) Caad walaalkood1, markuu ugu digey qolodiisii Al-Axqaaf (Buur ciideedda) dhab ahaanna digayaal baa la soo diray hortiis isaga iyo gadaashiiba (isagoo leh): Ha caabudina waxaan ahayn Allaah; waxaan anigu idiinka cabsan Cadaab Maalin Daran.
Sharaxa hoose
[1] Nabi Huud c.s. -
قَالُوٓا۟ أَجِئْتَنَا لِتَأْفِكَنَا عَنْ ءَالِهَتِنَا فَأْتِنَا بِمَا تَعِدُنَآ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ٢٢
Qaloo ajitana litafikana ʿan alihatina fatina bima taʿiduna in kunta mina alssadiqeena
Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noogu timid inaad naga jeediso ilaahyadayada? Ee bal soo daa waxaad noogu gooddiso, haddaad run sheegeyso.
-
قَالَ إِنَّمَا ٱلْعِلْمُ عِندَ ٱللَّهِ وَأُبَلِّغُكُم مَّآ أُرْسِلْتُ بِهِۦ وَلَـٰكِنِّىٓ أَرَىٰكُمْ قَوْمًا تَجْهَلُونَ٢٣
Qala innama alʿilmu ʿinda Allahi waoballighukum ma orsiltu bihi walakinnee arakum qawman tajhaloona
Wuxuu yidhi: Alle baa ku Cilmi leh (goorta caddibaaddiinna), waxaana idin soo gaarsiin Fartiinta la ila soo diray, waxaanse arkaa inaad tihiin qolo jaahiliin ah moog (Weynida Alle iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada).
-
فَلَمَّا رَأَوْهُ عَارِضًا مُّسْتَقْبِلَ أَوْدِيَتِهِمْ قَالُوا۟ هَـٰذَا عَارِضٌ مُّمْطِرُنَا ۚ بَلْ هُوَ مَا ٱسْتَعْجَلْتُم بِهِۦ ۖ رِيحٌ فِيهَا عَذَابٌ أَلِيمٌ٢٤
Falamma raawhu ʿaridan mustaqbila awdiyatihim qaloo hatha ʿaridun mumtiruna bal huwa ma istaʿjaltum bihi reehun feeha ʿathabun aleemun
Markay arkeen isagoo sidii daruur hogal ah ka muuqda samada ku soo aaddan togaggooda, waxay yidhaahdeen: waa daruur roob noo keeni.Ma jirto’ ee waa waxaad dalabteen in la soo dedejiyo1. Waa dabeyl wadata cadaab xanuun badan.
Sharaxa hoose
[1] Markaad ka hortimaaddeen Nabigiinna oo aad tidhaahdeen noo keen waxa aad noogu gooddisey. Eeg Aayadda 22 ee Suuraddan. -
تُدَمِّرُ كُلَّ شَىْءٍۭ بِأَمْرِ رَبِّهَا فَأَصْبَحُوا۟ لَا يُرَىٰٓ إِلَّا مَسَـٰكِنُهُمْ ۚ كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْقَوْمَ ٱلْمُجْرِمِينَ٢٥
Tudammiru kulla shayin biamri rabbiha faasbahoo la yura illa masakinuhum kathalika najzee alqawma almujrimeena
Ku baabbi’ineysa wax walba Amarka Rabbigeed; markaasay waxay noqdeen kuwo aan la arkeyn guryahoodii ma’ahee. Sidaas oo kale baan u jaazeynaa qoloda denbiilayaasha ah.
-
وَلَقَدْ مَكَّنَّـٰهُمْ فِيمَآ إِن مَّكَّنَّـٰكُمْ فِيهِ وَجَعَلْنَا لَهُمْ سَمْعًا وَأَبْصَـٰرًا وَأَفْـِٔدَةً فَمَآ أَغْنَىٰ عَنْهُمْ سَمْعُهُمْ وَلَآ أَبْصَـٰرُهُمْ وَلَآ أَفْـِٔدَتُهُم مِّن شَىْءٍ إِذْ كَانُوا۟ يَجْحَدُونَ بِـَٔايَـٰتِ ٱللَّهِ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ٢٦
Walaqad makkannahum feema in makkannakum feehi wajaʿalna lahum samʿan waabsaran waafidatan fama aghna ʿanhum samʿuhum wala absaruhum wala afidatuhum min shayin ith kanoo yajhadoona biayati Allahi wahaqa bihim ma kanoo bihi yastahzioona
Waxaanu u suurta gelinnay wax aanaan idiin suurta galin, waxaana u yeellay maqal, arag iyo laabo, waxbase uma tarin maqalkoodii, araggoodii iyo laabahoodii, waayo waxay dafireen Aayadaha Alle, waxaana ku dhacay oo koobay waxay ku jees-jeesayeen.
-
وَلَقَدْ أَهْلَكْنَا مَا حَوْلَكُم مِّنَ ٱلْقُرَىٰ وَصَرَّفْنَا ٱلْـَٔايَـٰتِ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ٢٧
Walaqad ahlakna ma hawlakum mina alqura wasarrafna alayati laʿallahum yarjiʿoona
Waxaan horay u hallignay wixii hareerihiinna ahaa ee magaalooyin, waxaana ugu celcelinnay Aayadaha (digniinaha) bal inay (ka) soo noqdaan (gaalnimada iyo denbiyada).
-
فَلَوْلَا نَصَرَهُمُ ٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِ ٱللَّهِ قُرْبَانًا ءَالِهَةًۢ ۖ بَلْ ضَلُّوا۟ عَنْهُمْ ۚ وَذَٰلِكَ إِفْكُهُمْ وَمَا كَانُوا۟ يَفْتَرُونَ٢٨
Falawla nasarahumu allatheena ittakhathoo min dooni Allahi qurbanan alihatan bal dalloo ʿanhum wathalika ifkuhum wama kanoo yaftaroona
Maxay ugu soo gargaari waayeen kuway ka dhigteen Alle ka sokow ilaahyo1 si ay ugu dhoweeyaan Alle? Mayee’ way ka dhumeen, kaasina waa baadilkoodii iyo waxay been abuuran jireen.
Sharaxa hoose
[1] Sidaad ku andacootaan. -
وَإِذْ صَرَفْنَآ إِلَيْكَ نَفَرًا مِّنَ ٱلْجِنِّ يَسْتَمِعُونَ ٱلْقُرْءَانَ فَلَمَّا حَضَرُوهُ قَالُوٓا۟ أَنصِتُوا۟ ۖ فَلَمَّا قُضِىَ وَلَّوْا۟ إِلَىٰ قَوْمِهِم مُّنذِرِينَ٢٩
Waith sarafna ilayka nafaran mina aljinni yastamiʿoona alqurana falamma hadaroohu qaloo ansitoo falamma qudiya wallaw ila qawmihim munthireena
(Xus) markaan u soo weecinnay xaggaaga koox jin ah oo dhegaysan Qur’aanka, markay yimaadeen halkaasi, waxay yidhaahdeen: Aamusa. Markii la dhammeeyey waxay dib ugu laabteen tolkoodii iyagoo u digaya.
-
قَالُوا۟ يَـٰقَوْمَنَآ إِنَّا سَمِعْنَا كِتَـٰبًا أُنزِلَ مِنۢ بَعْدِ مُوسَىٰ مُصَدِّقًا لِّمَا بَيْنَ يَدَيْهِ يَهْدِىٓ إِلَى ٱلْحَقِّ وَإِلَىٰ طَرِيقٍ مُّسْتَقِيمٍ٣٠
Qaloo ya qawmana inna samiʿna kitaban onzila min baʿdi moosa musaddiqan lima bayna yadayhi yahdee ila alhaqqi waila tareeqin mustaqeemin
Waxay yidhaahdeen: Tolkayagow! Waxaan maqallay Kitaab (waa Qur'aanka) la soo dejiyey Muuse kaddib, oo rumeynaya wixii ka horreeyey (oo Kutub Allle ah), oo wax ku hanuuninaya Xaqa iyo Jid Toosan .
-
يَـٰقَوْمَنَآ أَجِيبُوا۟ دَاعِىَ ٱللَّهِ وَءَامِنُوا۟ بِهِۦ يَغْفِرْ لَكُم مِّن ذُنُوبِكُمْ وَيُجِرْكُم مِّنْ عَذَابٍ أَلِيمٍ٣١
Ya qawmana ajeeboo daʿiya Allahi waaminoo bihi yaghfir lakum min thunoobikum wayujirkum min ʿathabin aleemin
Tolkanagow! Raaca daaciga Alle1 oo rumeeya, Wuxuu (Alle) idiin dhaafi denbiyadiinna, idinkana badbaadin cadaab xanuun badan.
Sharaxa hoose
[1] Ugu yeerahaa dadka xagga Alle waa Nabi Muxammad s.c.w. -
وَمَن لَّا يُجِبْ دَاعِىَ ٱللَّهِ فَلَيْسَ بِمُعْجِزٍ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَيْسَ لَهُۥ مِن دُونِهِۦٓ أَوْلِيَآءُ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ فِى ضَلَـٰلٍ مُّبِينٍ٣٢
Waman la yujib daʿiya Allahi falaysa bimuʿjizin fee alardi walaysa lahu min doonihi awliyaa olaika fee dalalin mubeenin
Qofkaan raacin daaciga Alle, kuma baxsanayo dhulka, mana jiro wax u gargaari (Alle) sokadi. Kuwaa waxay ku sugan yihiin habow cad.
-
أَوَلَمْ يَرَوْا۟ أَنَّ ٱللَّهَ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَلَمْ يَعْىَ بِخَلْقِهِنَّ بِقَـٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يُحْـِۧىَ ٱلْمَوْتَىٰ ۚ بَلَىٰٓ إِنَّهُۥ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ٣٣
Awalam yaraw anna Allaha allathee khalaqa alssamawati waalarda walam yaʿya bikhalqihinna biqadirin ʿala an yuhyiya almawta bala innahu ʿala kulli shayin qadeerun
Miyeyna ogayn in Alle ee abuuray samooyinka iyo arlada, oo aan ku daalin abuuristooda uu awoodo inuu nooleeyo meytida? Haayoo, hubaal waa Kan wax walba Kara.
-
وَيَوْمَ يُعْرَضُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ عَلَى ٱلنَّارِ أَلَيْسَ هَـٰذَا بِٱلْحَقِّ ۖ قَالُوا۟ بَلَىٰ وَرَبِّنَا ۚ قَالَ فَذُوقُوا۟ ٱلْعَذَابَ بِمَا كُنتُمْ تَكْفُرُونَ٣٤
Wayawma yuʿradu allatheena kafaroo ʿala alnnari alaysa hatha bialhaqqi qaloo bala warabbina qala fathooqoo alʿathaba bima kuntum takfuroona
Maalinta loo soo bandhigi kuwa gaalooba Naarta (waxaa lagu odhan): Waxakani sow ma aha Xaq? Waxay odhan: Haah Waa nagu Rabbigeene. Wuxuu odhan: Dhadhamiya Cadaabka, gaalnimadiinnii darteed.
-
فَٱصْبِرْ كَمَا صَبَرَ أُو۟لُوا۟ ٱلْعَزْمِ مِنَ ٱلرُّسُلِ وَلَا تَسْتَعْجِل لَّهُمْ ۚ كَأَنَّهُمْ يَوْمَ يَرَوْنَ مَا يُوعَدُونَ لَمْ يَلْبَثُوٓا۟ إِلَّا سَاعَةً مِّن نَّهَارٍۭ ۚ بَلَـٰغٌ ۚ فَهَلْ يُهْلَكُ إِلَّا ٱلْقَوْمُ ٱلْفَـٰسِقُونَ٣٥
Faisbir kama sabara oloo alʿazmi mina alrrusuli wala tastaʿjil lahum kaannahum yawma yarawna ma yooʿadoona lam yalbathoo illa saʿatan min naharin balaghun fahal yuhlaku illa alqawmu alfasiqoona
Ee samir siday Rushushii sugnaanta iyo go’aanka adag lahaa u samreen1, hana doondoonin in loo soo dedejiyo (cadaabka). Maalintay arki waxa loo yaboohay waxay ahaan sida inayan (ku) negaan (adduunka) waxaan ahayn saacad ka mid ah maalin; waa gaarsiin cad ee ma waxaa la rogaa waxaan aheyn fallaagada.
Sharaxa hoose
[1] Rusushaas go’aanka adag waa Nuux, Ibraahiim, Muuse, Ciise, iyo Muxammad.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Axqaaf?
Macnaha Al-Axqaaf waa “Buuraha ciidda”.
Suuradda Al-Axqaaf juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Al-Axqaaf waxay ku jirtaa juz’ 26.
Suuradda Al-Axqaaf immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Al-Axqaaf waxay leedahay 35 aayadood.
Suuradda Al-Axqaaf ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Al-Axqaaf waa suurad Makki ah.
Suuradda Al-Axqaaf waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 46aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.