سورة الحجرات

Suuradda Al-Xujuraat oo af Soomaali ah

Qolalka

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Al-Xujuraat (الحجرات) waa suuradda 49aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 18 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Qolalka”. Waa suurad Madani ah, oo ku soo degtay Madiina kadib Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 26.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Xujuraat oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Al-Xujuraat oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تُقَدِّمُوا۟ بَيْنَ يَدَىِ ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ ۖ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٌ۝١

    Ya ayyuha allatheena amanoo la tuqaddimoo bayna yadayi Allahi warasoolihi waittaqoo Allaha inna Allaha sameeʿun ʿaleemun

    Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka hor marinnina (qowlkiinna) (qowlka) Alle iyo Rasuulkiisa1. Alle ka cabsada. Hubaal Alle waa wax kasta Maqle, Wax kasta Og.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa loola jeedaa uma bannaana mu’miniinta inay ka bixiyaan wax xukun ah arrin ay ahaataba haddii aanay oggolaansho iyo daliil ka heysan Alle iyo Rasuulkiisa.
  2. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تَرْفَعُوٓا۟ أَصْوَٰتَكُمْ فَوْقَ صَوْتِ ٱلنَّبِىِّ وَلَا تَجْهَرُوا۟ لَهُۥ بِٱلْقَوْلِ كَجَهْرِ بَعْضِكُمْ لِبَعْضٍ أَن تَحْبَطَ أَعْمَـٰلُكُمْ وَأَنتُمْ لَا تَشْعُرُونَ۝٢

    Ya ayyuha allatheena amanoo la tarfaʿoo aswatakum fawqa sawti alnnabiyyi wala tajharoo lahu bialqawli kajahri baʿdikum libaʿdin an tahbata aʿmalukum waantum la tashʿuroona

    Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha u qaadina kor codadkiinna si ka sarreysa codka Nabiga, hana kula tannaagoogina hadalka sida aad isugula tannaagootaan qaarkiinba qaarka kale, si aan camalkiinna u burin idinkoo aan dreemeyn.

  3. إِنَّ ٱلَّذِينَ يَغُضُّونَ أَصْوَٰتَهُمْ عِندَ رَسُولِ ٱللَّهِ أُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ ٱمْتَحَنَ ٱللَّهُ قُلُوبَهُمْ لِلتَّقْوَىٰ ۚ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَأَجْرٌ عَظِيمٌ۝٣

    Inna allatheena yaghuddoona aswatahum ʿinda rasooli Allahi olaika allatheena imtahana Allahu quloobahum lilttaqwa lahum maghfiratun waajrun ʿatheemun

    Hubaal kuwa hoos u dhiga cododkooda marka ay hor joogaan Rasuulka Alle, waa kuwaas kuwa uu Quluubtooda Alle imtixaanay xagga dhowrsashadooda, waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo abaalgud weyn (Janno).

  4. إِنَّ ٱلَّذِينَ يُنَادُونَكَ مِن وَرَآءِ ٱلْحُجُرَٰتِ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْقِلُونَ۝٤

    Inna allatheena yunadoonaka min warai alhujurati aktharuhum la yaʿqiloona

    Kuwase kaaga dhawaaqa qololka gadaashood, badankoodu ma aha wax garad.

  5. وَلَوْ أَنَّهُمْ صَبَرُوا۟ حَتَّىٰ تَخْرُجَ إِلَيْهِمْ لَكَانَ خَيْرًا لَّهُمْ ۚ وَٱللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ۝٥

    Walaw annahum sabaroo hatta takhruja ilayhim lakana khayran lahum waAllahu ghafoorun raheemun

    Hadday samri lahaayeenna intaad uga soo bixi,baa u khayr badnaan laheyd. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

  6. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِن جَآءَكُمْ فَاسِقٌۢ بِنَبَإٍ فَتَبَيَّنُوٓا۟ أَن تُصِيبُوا۟ قَوْمًۢا بِجَهَـٰلَةٍ فَتُصْبِحُوا۟ عَلَىٰ مَا فَعَلْتُمْ نَـٰدِمِينَ۝٦

    Ya ayyuha allatheena amanoo in jaakum fasiqun binabain fatabayyanoo an tuseeboo qawman bijahalatin fatusbihoo ʿala ma faʿaltum nadimeena

    Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Hadduu mid caasi ah idiinla yimaado war, iska hubiya, si aydaan wax ugu yeelin dad ogaansho la’aan, markaasna aad ka shallaydaan waxaad fasheen.

  7. وَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّ فِيكُمْ رَسُولَ ٱللَّهِ ۚ لَوْ يُطِيعُكُمْ فِى كَثِيرٍ مِّنَ ٱلْأَمْرِ لَعَنِتُّمْ وَلَـٰكِنَّ ٱللَّهَ حَبَّبَ إِلَيْكُمُ ٱلْإِيمَـٰنَ وَزَيَّنَهُۥ فِى قُلُوبِكُمْ وَكَرَّهَ إِلَيْكُمُ ٱلْكُفْرَ وَٱلْفُسُوقَ وَٱلْعِصْيَانَ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلرَّٰشِدُونَ۝٧

    Waiʿlamoo anna feekum rasoola Allahi law yuteeʿukum fee katheerin mina alamri laʿanittum walakinna Allaha habbaba ilaykumu aleemana wazayyanahu fee quloobikum wakarraha ilaykumu alkufra waalfusooqa waalʿisyana olaika humu alrrashidoona

    Ogaadana inuu idinku dhex jiro Rasuulkii Alle, hadduu idinka yeeli lahaa in badan oo arrimo ah, waa dhibtoon laheydeen, Alle baase idin jeclaysiiyey Iimaanka kuna qurxiyey quluubtiinna, oo ka yeelay wax aad neceb tihiin gaalnimo, faasiqnimo iyo caasinnimo. Kuwaasi waa kuwa hanuunsan.

  8. فَضْلًا مِّنَ ٱللَّهِ وَنِعْمَةً ۚ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ۝٨

    Fadlan mina Allahi waniʿmatan waAllahu ʿaleemun hakeemun

    Waa Deeq xag Alle ah iyo Nicmad. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.

  9. وَإِن طَآئِفَتَانِ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ ٱقْتَتَلُوا۟ فَأَصْلِحُوا۟ بَيْنَهُمَا ۖ فَإِنۢ بَغَتْ إِحْدَىٰهُمَا عَلَى ٱلْأُخْرَىٰ فَقَـٰتِلُوا۟ ٱلَّتِى تَبْغِى حَتَّىٰ تَفِىٓءَ إِلَىٰٓ أَمْرِ ٱللَّهِ ۚ فَإِن فَآءَتْ فَأَصْلِحُوا۟ بَيْنَهُمَا بِٱلْعَدْلِ وَأَقْسِطُوٓا۟ ۖ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلْمُقْسِطِينَ۝٩

    Wain taifatani mina almumineena iqtataloo faaslihoo baynahuma fain baghat ihdahuma ʿala alokhra faqatiloo allatee tabghee hatta tafeea ila amri Allahi fain faat faaslihoo baynahuma bialʿadli waaqsitoo inna Allaha yuhibbu almuqsiteena

    Hadday labo kooxood oo mu’miniinta ka mid ahi daggaalamaan, ka sameeya heshiis dhexdooda, haddiise middood ku xadgudubto tan kale markaa la dirira tan xadgudubtay jeer ay u soo noqoto Amarka Alle, hadday u soo noqoto, heshiisiiya dhexdooda si caddaalad ah, oo caadil ahaada. Alle wuu jecel yahay kuwa caadilka ah.

  10. إِنَّمَا ٱلْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا۟ بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ ۚ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ۝١٠

    Innama almuminoona ikhwatun faaslihoo bayna akhawaykum waittaqoo Allaha laʿallakum turhamoona

    Mu’miniintu waa uun walaalo1. ee heshiisiiya walaalihiin. Alle ka cabsada, si uu idiinku naxariisto.

    Sharaxa hoose
    [1] Nabigu s.c w wuxuu yidhi: Muslimka waa walaalka Muslimka, waa inuusan ku gardarroon, hagran, u gacan gelin cadow, wax ka beensan, qofka muslimka ah waa ka xaaraan muslimka kale: maalkiisa, sharafkiisa, xoolahiisa, xilahiisa, iyo dhiiggiisuba, waxaana shar ugu filan qof inuu quursado walaalki Muslimka ah”.
  11. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا يَسْخَرْ قَوْمٌ مِّن قَوْمٍ عَسَىٰٓ أَن يَكُونُوا۟ خَيْرًا مِّنْهُمْ وَلَا نِسَآءٌ مِّن نِّسَآءٍ عَسَىٰٓ أَن يَكُنَّ خَيْرًا مِّنْهُنَّ ۖ وَلَا تَلْمِزُوٓا۟ أَنفُسَكُمْ وَلَا تَنَابَزُوا۟ بِٱلْأَلْقَـٰبِ ۖ بِئْسَ ٱلِٱسْمُ ٱلْفُسُوقُ بَعْدَ ٱلْإِيمَـٰنِ ۚ وَمَن لَّمْ يَتُبْ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلظَّـٰلِمُونَ۝١١

    Ya ayyuha allatheena amanoo la yaskhar qawmun min qawmin ʿasa an yakoonoo khayran minhum wala nisaon min nisain ʿasa an yakunna khayran minhunna wala talmizoo anfusakum wala tanabazoo bialalqabi bisa alismu alfusooqu baʿda aleemani waman lam yatub faolaika humu alththalimoona

    Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Qolona yey yasin qolo kale, waxaa laga yaabaa inay ka khayr badan yihiin, oo yey dumarna yasin dumar kale, waxaa laga yaabaa inay ka khayr badan yihiin; hana is ceebeynina, waxna ha iska sheegina, oo ha isugu yeedhina naaneysyo xun. Xumaa inaad magacyo iyo tilmaamo xun isugu yeedhaan kaddib Iimaanka. Qofkaan tawbad keenin1 waa kuwaas kuwa ah daalimiinta.

    Sharaxa hoose
    [1] Oo Xaqa u soo laaban oo aan u muujin walaalladi maxabbad, maamuus iyo qalbi san.
  12. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱجْتَنِبُوا۟ كَثِيرًا مِّنَ ٱلظَّنِّ إِنَّ بَعْضَ ٱلظَّنِّ إِثْمٌ ۖ وَلَا تَجَسَّسُوا۟ وَلَا يَغْتَب بَّعْضُكُم بَعْضًا ۚ أَيُحِبُّ أَحَدُكُمْ أَن يَأْكُلَ لَحْمَ أَخِيهِ مَيْتًا فَكَرِهْتُمُوهُ ۚ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ تَوَّابٌ رَّحِيمٌ۝١٢

    Ya ayyuha allatheena amanoo ijtaniboo katheeran mina alththanni inna baʿda alththanni ithmun wala tajassasoo wala yaghtab baʿdukum baʿdan ayuhibbu ahadukum an yakula lahma akheehi maytan fakarihtumoohu waittaqoo Allaha inna Allaha tawwabun raheemun

    Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ka dheeraada malaha badanki, malaha qaarki waa denbi. Ha is jaasuusina, qaarkiinna yaanay xaman qaar kale; miyuu jecel yahay midkiin inuu cuno hilibka walaalkiis oo mayd ah? Waad naceysaane (naca xanta). Alle ka cabsada (iskana jira xumaha). Hubaal Alle waa Tawbad Aqbal Badane, Naxariis Badan.

  13. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَـٰكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَىٰ وَجَعَلْنَـٰكُمْ شُعُوبًا وَقَبَآئِلَ لِتَعَارَفُوٓا۟ ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ ٱللَّهِ أَتْقَىٰكُمْ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ۝١٣

    Ya ayyuha alnnasu inna khalaqnakum min thakarin waontha wajaʿalnakum shuʿooban waqabaila litaʿarafoo inna akramakum ʿinda Allahi atqakum inna Allaha ʿaleemun khabeerun

    Dadow! Waxaanu idinka abuurnay lab (Aadam) iyo dhedddig (Xawwaa), idinkana dhignay shucuub iyo qabaa’il si aad isu aqoonsataan. Hubaal, kan idiinku sharaf badan Alle agti waa kan idiinku dhowris badan (amarrada Alle ee ka jooga xumaha). Hubaal Alle waa wax kasta Oge, Xog Ogaal ah, Xeel Dheer.

  14. ۞ قَالَتِ ٱلْأَعْرَابُ ءَامَنَّا ۖ قُل لَّمْ تُؤْمِنُوا۟ وَلَـٰكِن قُولُوٓا۟ أَسْلَمْنَا وَلَمَّا يَدْخُلِ ٱلْإِيمَـٰنُ فِى قُلُوبِكُمْ ۖ وَإِن تُطِيعُوا۟ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ لَا يَلِتْكُم مِّنْ أَعْمَـٰلِكُمْ شَيْـًٔا ۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ۝١٤

    Qalati alaʿrabu amanna qul lam tuminoo walakin qooloo aslamna walamma yadkhuli aleemanu fee quloobikum wain tuteeʿoo Allaha warasoolahu la yalitkum min aʿmalikum shayan inna Allaha ghafoorun raheemun

    Reer miyigii (degganaa Madiinah hareeraheeda) waxay yidhaahdeen: Waanu rumeynay (Xaqa). Dheh: Ma aydaan rumeynin (weli) dhahase, waanu islaamnay (hoggaansannay); waayo Iimaanku weli ma gelin quluubtiinna. Haddaadse adeecdaan Alle iyo Rasuulkiisa, waxba idinkama uu dhimayo ka mid ah acmaashiinna. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

  15. إِنَّمَا ٱلْمُؤْمِنُونَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ ثُمَّ لَمْ يَرْتَابُوا۟ وَجَـٰهَدُوا۟ بِأَمْوَٰلِهِمْ وَأَنفُسِهِمْ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلصَّـٰدِقُونَ۝١٥

    Innama almuminoona allatheena amanoo biAllahi warasoolihi thumma lam yartaboo wajahadoo biamwalihim waanfusihim fee sabeeli Allahi olaika humu alssadiqoona

    Mu’miniintu waa uun kuwa rumeysan Alle iyo Rasuulkiisa, markaas aan shakiyin, una hura maalkooda iyo nafahooda Jidka Alle. Kuwaasi waa kuwa runlowyda ah.

  16. قُلْ أَتُعَلِّمُونَ ٱللَّهَ بِدِينِكُمْ وَٱللَّهُ يَعْلَمُ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ ۚ وَٱللَّهُ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمٌ۝١٦

    Qul atuʿallimoona Allaha bideenikum waAllahu yaʿlamu ma fee alssamawati wama fee alardi waAllahu bikulli shayin ʿaleemun

    Dheh: Ma waxaad u sheegeysaan Alle (xaalka) diintiinna (iyo camalladiinna) Isagoo Alle og yahay waxaa ku sugan samooyinka iyo waxaa ku sugan arlada. Alle wax walba wuu Og yahay.

  17. يَمُنُّونَ عَلَيْكَ أَنْ أَسْلَمُوا۟ ۖ قُل لَّا تَمُنُّوا۟ عَلَىَّ إِسْلَـٰمَكُم ۖ بَلِ ٱللَّهُ يَمُنُّ عَلَيْكُمْ أَنْ هَدَىٰكُمْ لِلْإِيمَـٰنِ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ۝١٧

    Yamunnoona ʿalayka an aslamoo qul la tamunnoo ʿalayya islamakum bali Allahu yamunnu ʿalaykum an hadakum lileemani in kuntum sadiqeena

    Waxay kuugu abaal sheegan inay islaameen darteed. Dheh: Ha iigu abaal sheegannina islaamiddiinna. Bal Alle baa idiinku abaal sheeganaya idinku hanuunintiinna Iimaanka darteed, haddaad run sheegeysaan.

  18. إِنَّ ٱللَّهَ يَعْلَمُ غَيْبَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ وَٱللَّهُ بَصِيرٌۢ بِمَا تَعْمَلُونَ۝١٨

    Inna Allaha yaʿlamu ghayba alssamawati waalardi waAllahu baseerun bima taʿmaloona

    Hubaal Alle baa ogsoon waxa aan muuqan ee ah samooyinka iyo arlada. Alle wuu Arkaa waxaad fashaan.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Xujuraat?

Macnaha Al-Xujuraat waa “Qolalka”.

Suuradda Al-Xujuraat juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Xujuraat waxay ku jirtaa juz’ 26.

Suuradda Al-Xujuraat immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Al-Xujuraat waxay leedahay 18 aayadood.

Suuradda Al-Xujuraat ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Al-Xujuraat waa suurad Madani ah.

Suuradda Al-Xujuraat waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 49aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.