سورة ق

Suuradda Qaaf oo af Soomaali ah

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Qaaf (ق) waa suuradda 50aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 45 aayadood. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 26.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Qaaf oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Qaaf oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. قٓ ۚ وَٱلْقُرْءَانِ ٱلْمَجِيدِ۝١

    Qaf waalqurani almajeedi

    Qaaf1; Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qur’aanka Sharafka Badan2.

    Sharaxa hoose
    [1] Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1. [2] Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 38: 1
  2. بَلْ عَجِبُوٓا۟ أَن جَآءَهُم مُّنذِرٌ مِّنْهُمْ فَقَالَ ٱلْكَـٰفِرُونَ هَـٰذَا شَىْءٌ عَجِيبٌ۝٢

    Bal ʿajiboo an jaahum munthirun minhum faqala alkafiroona hatha shayon ʿajeebun

    Waxayse la yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah (Nabi Muxammad). Gaaladu waxay yidhaahdeen: Kanu waa wax la yaab leh.

  3. أَءِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا ۖ ذَٰلِكَ رَجْعٌۢ بَعِيدٌ۝٣

    Aitha mitna wakunna turaban thalika rajʿun baʿeedun

    Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro (miyaa na la soo nooleyn)? (arrin)kaasu waa soo Noqosho Fog.

  4. قَدْ عَلِمْنَا مَا تَنقُصُ ٱلْأَرْضُ مِنْهُمْ ۖ وَعِندَنَا كِتَـٰبٌ حَفِيظٌۢ۝٤

    Qad ʿalimna ma tanqusu alardu minhum waʿindana kitabun hafeethun

    Waxaan ognahay wuxuu dhulku ka dhimo (jidhkooda). Agtannadana waxaa yaal Kitaab wax walba kooba oo xafidan (Looxa Maxfuudka).

  5. بَلْ كَذَّبُوا۟ بِٱلْحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمْ فَهُمْ فِىٓ أَمْرٍ مَّرِيجٍ۝٥

    Bal kaththaboo bialhaqqi lamma jaahum fahum fee amrin mareejin

    Waxayse beeniyeen Xaqa markuu u yimid, waxayna (gaaladu) ku sugan yihiin xaalad murugsan.

  6. أَفَلَمْ يَنظُرُوٓا۟ إِلَى ٱلسَّمَآءِ فَوْقَهُمْ كَيْفَ بَنَيْنَـٰهَا وَزَيَّنَّـٰهَا وَمَا لَهَا مِن فُرُوجٍ۝٦

    Afalam yanthuroo ila alssamai fawqahum kayfa banaynaha wazayyannaha wama laha min furoojin

    Miyeyna fiirin samada korkooda ah, sidaan u dhisnay oo u qurxinnay, ma laha wax duleello ah?

  7. وَٱلْأَرْضَ مَدَدْنَـٰهَا وَأَلْقَيْنَا فِيهَا رَوَٰسِىَ وَأَنۢبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوْجٍۭ بَهِيجٍ۝٧

    Waalarda madadnaha waalqayna feeha rawasiya waanbatna feeha min kulli zawjin baheejin

    Dhulkana waanu fidinnay, oo ku sugnay buuro, waxaana ka soo bixinnay dhexdiisa dhir qurxoon oo cayn walba leh.

  8. تَبْصِرَةً وَذِكْرَىٰ لِكُلِّ عَبْدٍ مُّنِيبٍ۝٨

    Tabsiratan wathikra likulli ʿabdin muneebin

    Tusmo iyo waano u ah addoon kasta u soo noqda (Alle) oo tawbad keen badan.

  9. وَنَزَّلْنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً مُّبَـٰرَكًا فَأَنۢبَتْنَا بِهِۦ جَنَّـٰتٍ وَحَبَّ ٱلْحَصِيدِ۝٩

    Wanazzalna mina alssamai maan mubarakan faanbatna bihi jannatin wahabba alhaseedi

    Waxaanu ka soo dejinnaa daruuraha biyo (roob) barakaysan, oo aan ku soo saarnaa beero iyo baad.

  10. وَٱلنَّخْلَ بَاسِقَـٰتٍ لَّهَا طَلْعٌ نَّضِيدٌ۝١٠

    Waalnnakhla basiqatin laha talʿun nadeedun

    Iyo geedo timireed dhaadheer leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran.

  11. رِّزْقًا لِّلْعِبَادِ ۖ وَأَحْيَيْنَا بِهِۦ بَلْدَةً مَّيْتًا ۚ كَذَٰلِكَ ٱلْخُرُوجُ۝١١

    Rizqan lilʿibadi waahyayna bihi baldatan maytan kathalika alkhurooju

    Risiq ay leeyihiin addoomaha (Alle). Waxaana ku nooleynaa (biyahaa) dhul dhintay. Sidaasoo kale bay ahaan soo bixinta (Qiyaamada).

  12. كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ وَأَصْحَـٰبُ ٱلرَّسِّ وَثَمُودُ۝١٢

    Kaththabat qablahum qawmu noohin waashabu alrrassi wathamoodu

    Qolodii Nuux baa beeniyey hortood1, iyo qoladii ceelkii (Azerbaijan) iyo Thamuud.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa ka hor gaalada reer Makkah.
  13. وَعَادٌ وَفِرْعَوْنُ وَإِخْوَٰنُ لُوطٍ۝١٣

    Waʿadun wafirʿawnu waikhwanu lootin

    Iyo Caad iyo Fircoon iyo Luud walaalihi.

  14. وَأَصْحَـٰبُ ٱلْأَيْكَةِ وَقَوْمُ تُبَّعٍ ۚ كُلٌّ كَذَّبَ ٱلرُّسُلَ فَحَقَّ وَعِيدِ۝١٤

    Waashabu alaykati waqawmu tubbaʿin kullun kaththaba alrrusula fahaqqa waʿeedi

    Iyo reer hawdkii (loo diray Nabi Shucayb) iyo qolodii Tubbac (ee Yaman); dhammaan waxay beeniyeen Rususha, waxaana ku dhacay gooddigeyga.

  15. أَفَعَيِينَا بِٱلْخَلْقِ ٱلْأَوَّلِ ۚ بَلْ هُمْ فِى لَبْسٍ مِّنْ خَلْقٍ جَدِيدٍ۝١٥

    Afaʿayeena bialkhalqi alawwali bal hum fee labsin min khalqin jadeedin

    Ma Waxaan ku daalnay abuuristii hore? Mayee, waxay ka shakisan yihiin abuuris cusub (Aakhirada).

  16. وَلَقَدْ خَلَقْنَا ٱلْإِنسَـٰنَ وَنَعْلَمُ مَا تُوَسْوِسُ بِهِۦ نَفْسُهُۥ ۖ وَنَحْنُ أَقْرَبُ إِلَيْهِ مِنْ حَبْلِ ٱلْوَرِيدِ۝١٦

    Walaqad khalaqna alinsana wanaʿlamu ma tuwaswisu bihi nafsuhu wanahnu aqrabu ilayhi min habli alwareedi

    Waxaan dhab ahaan abuurnay aadmiga, waana ognahay waxay naftiisu kula hadasho. Waxaana (waa Alle'e oo ku kooba Ogaal iyo Awood ahaan ama malaa’igtiisa) uga dhownahay xididka dhuunta.

  17. إِذْ يَتَلَقَّى ٱلْمُتَلَقِّيَانِ عَنِ ٱلْيَمِينِ وَعَنِ ٱلشِّمَالِ قَعِيدٌ۝١٧

    Ith yatalaqqa almutalaqqiyani ʿani alyameeni waʿani alshshimali qaʿeedun

    Markay labada qorayaal (malaa’igta wax qoreysa) ku kulmi, iyagoo ka kala fadhiya dhinaca midig, iyo dhinaca bidix (ee qofka).

  18. مَّا يَلْفِظُ مِن قَوْلٍ إِلَّا لَدَيْهِ رَقِيبٌ عَتِيدٌ۝١٨

    Ma yalfithu min qawlin illa ladayhi raqeebun ʿateedun

    Ma jiro eray (aadmiga) ka soo baxa, oo uusan ag joogin ilaaliye (malag) u diyaar ah (inuu qoro).

  19. وَجَآءَتْ سَكْرَةُ ٱلْمَوْتِ بِٱلْحَقِّ ۖ ذَٰلِكَ مَا كُنتَ مِنْهُ تَحِيدُ۝١٩

    Wajaat sakratu almawti bialhaqqi thalika ma kunta minhu taheedu

    Waxaa u iman sakaraadka mowdka oo xaq ah: kaasi waa waxaad ka carareysay.

  20. وَنُفِخَ فِى ٱلصُّورِ ۚ ذَٰلِكَ يَوْمُ ٱلْوَعِيدِ۝٢٠

    Wanufikha fee alssoori thalika yawmu alwaʿeedi

    Buunkii (Qiyaamana) waa la afuufi - kaasu waa Maalinkii laysu yaboohay.

  21. وَجَآءَتْ كُلُّ نَفْسٍ مَّعَهَا سَآئِقٌ وَشَهِيدٌ۝٢١

    Wajaat kullu nafsin maʿaha saiqun washaheedun

    Naf walbana waxay iman iyadoo uu la socdo (labo malag) mid hoggaaminaya iyo mid ku markhaati furaya.

  22. لَّقَدْ كُنتَ فِى غَفْلَةٍ مِّنْ هَـٰذَا فَكَشَفْنَا عَنكَ غِطَآءَكَ فَبَصَرُكَ ٱلْيَوْمَ حَدِيدٌ۝٢٢

    Laqad kunta fee ghaflatin min hatha fakashafna ʿanka ghitaaka fabasaruka alyawma hadeedun

    (Waxaa la odhan): Waad ka dhoohnayd arrinkan, haatanse kaa qaadnay daboolkaagii, marka araggaagu maanta waa xoog badan yahay.

  23. وَقَالَ قَرِينُهُۥ هَـٰذَا مَا لَدَىَّ عَتِيدٌ۝٢٣

    Waqala qareenuhu hatha ma ladayya ʿateedun

    (Malaggii) la xidhiidhayna wuxuu odhan: Kani waa waxa agteyda ku diyaarka ah.

  24. أَلْقِيَا فِى جَهَنَّمَ كُلَّ كَفَّارٍ عَنِيدٍ۝٢٤

    Alqiya fee jahannama kulla kaffarin ʿaneedin

    (Alle wuxuu odhan) Ku tuura Naar mid kastoo abaal dhac badan, madax adag.

  25. مَّنَّاعٍ لِّلْخَيْرِ مُعْتَدٍ مُّرِيبٍ۝٢٥

    Mannaʿin lilkhayri muʿtadin mureebin

    Khayr diide ah, xadgudbe, shaki qabeen.

  26. ٱلَّذِى جَعَلَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَـٰهًا ءَاخَرَ فَأَلْقِيَاهُ فِى ٱلْعَذَابِ ٱلشَّدِيدِ۝٢٦

    Allathee jaʿala maʿa Allahi ilahan akhara faalqiyahu fee alʿathabi alshshadeedi

    Ee yeelay la jirka Alle, ilaah kale, oo ku tuura cadaab daran.

  27. ۞ قَالَ قَرِينُهُۥ رَبَّنَا مَآ أَطْغَيْتُهُۥ وَلَـٰكِن كَانَ فِى ضَلَـٰلٍۭ بَعِيدٍ۝٢٧

    Qala qareenuhu rabbana ma atghaytuhu walakin kana fee dalalin baʿeedin

    (sheydaankii) la xidhiidhay wuxuu odhan: Rabbigayow! Anigu ma aanan u horseedin xadgudub, isagaase naf ahaantiisa ku sugnaa habow fog.

  28. قَالَ لَا تَخْتَصِمُوا۟ لَدَىَّ وَقَدْ قَدَّمْتُ إِلَيْكُم بِٱلْوَعِيدِ۝٢٨

    Qala la takhtasimoo ladayya waqad qaddamtu ilaykum bialwaʿeedi

    (Alle) wuxuu odhan: Ha ku doodina Hortayda, waxaana horay idiinku soo diray gooddiga.

  29. مَا يُبَدَّلُ ٱلْقَوْلُ لَدَىَّ وَمَآ أَنَا۠ بِظَلَّـٰمٍ لِّلْعَبِيدِ۝٢٩

    Ma yubaddalu alqawlu ladayya wama ana bithallamin lilʿabeedi

    Qowlka iga soo fulaa lama beddelo, mana dulmiyo Addoomaha.

  30. يَوْمَ نَقُولُ لِجَهَنَّمَ هَلِ ٱمْتَلَأْتِ وَتَقُولُ هَلْ مِن مَّزِيدٍ۝٣٠

    Yawma naqoolu lijahannama hali imtalati wataqoolu hal min mazeedin

    Maalinta aan ku odhan Jahannama: Ma buuxsantay? Oo markaa ay dhihi: Ma jiraan wax dheeraad ah oo la soo wado?

  31. وَأُزْلِفَتِ ٱلْجَنَّةُ لِلْمُتَّقِينَ غَيْرَ بَعِيدٍ۝٣١

    Waozlifati aljannatu lilmuttaqeena ghayra baʿeedin

    Oo Jannada loo soo dhoweyn kuwa ka dhowrsada xumaha, iyadoo aan fogeynba.

  32. هَـٰذَا مَا تُوعَدُونَ لِكُلِّ أَوَّابٍ حَفِيظٍ۝٣٢

    Hatha ma tooʿadoona likulli awwabin hafeethin

    Kani waa waxa loo yaboohay qof walboo tawbad keen badan, dhowra (ballanka iyo wax kastoo Alle u dhoweyn).

  33. مَّنْ خَشِىَ ٱلرَّحْمَـٰنَ بِٱلْغَيْبِ وَجَآءَ بِقَلْبٍ مُّنِيبٍ۝٣٣

    Man khashiya alrrahmana bialghaybi wajaa biqalbin muneebin

    Kan ka baqa Raxmaanka sir 'iyo caadba' oo la yimaada qalbi tawbad keen badan.

  34. ٱدْخُلُوهَا بِسَلَـٰمٍ ۖ ذَٰلِكَ يَوْمُ ٱلْخُلُودِ۝٣٤

    Odkhulooha bisalamin thalika yawmu alkhuloodi

    (Waxaa lagu odhan), "Ku gala nabad (Jannada); kaasi waa Maalinka waaridda".

  35. لَهُم مَّا يَشَآءُونَ فِيهَا وَلَدَيْنَا مَزِيدٌ۝٣٥

    Lahum ma yashaoona feeha waladayna mazeedun

    Waxay ku leeyihiin 'Jannada' gudaheeda waxay doonaan - waxaana u heynaa weliba wax intaa ka badan1.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa raalli ahaansho dhan ee xagga Alle ah iyo eegidda Wejigiisa Sharafta Badan.
  36. وَكَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُم مِّن قَرْنٍ هُمْ أَشَدُّ مِنْهُم بَطْشًا فَنَقَّبُوا۟ فِى ٱلْبِلَـٰدِ هَلْ مِن مَّحِيصٍ۝٣٦

    Wakam ahlakna qablahum min qarnin hum ashaddu minhum batshan fanaqqaboo fee albiladi hal min maheesin

    Badanaa inta fac aan halaagnay iyaga hortood, kuwaasoo ahaa kuwo ka xoog badan oo dhulalka xulay. Ma jirto meel (Alle) laga magan galo oo looga cararo.

  37. إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَذِكْرَىٰ لِمَن كَانَ لَهُۥ قَلْبٌ أَوْ أَلْقَى ٱلسَّمْعَ وَهُوَ شَهِيدٌ۝٣٧

    Inna fee thalika lathikra liman kana lahu qalbun aw alqa alssamʿa wahuwa shaheedun

    Arrinkani waxaa hubaal ugu sugan waano kan qalbi leh ama maqalka raariciya isagoo baraarugsan.

  38. وَلَقَدْ خَلَقْنَا ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا فِى سِتَّةِ أَيَّامٍ وَمَا مَسَّنَا مِن لُّغُوبٍ۝٣٨

    Walaqad khalaqna alssamawati waalarda wama baynahuma fee sittati ayyamin wama massana min lughoobin

    Waxaanu dhab ahaan ku abuurnay samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix maalmood namana soo gaarin wax daal ah.

  39. فَٱصْبِرْ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ قَبْلَ طُلُوعِ ٱلشَّمْسِ وَقَبْلَ ٱلْغُرُوبِ۝٣٩

    Faisbir ʿala ma yaqooloona wasabbih bihamdi rabbika qabla tulooʿi alshshamsi waqabla alghuroobi

    Ee u samir waxay leeyihiin, kuna tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa ka hor qorrax soo baxa iyo ka hor intaanay dhicin.

  40. وَمِنَ ٱلَّيْلِ فَسَبِّحْهُ وَأَدْبَـٰرَ ٱلسُّجُودِ۝٤٠

    Wamina allayli fasabbihhu waadbara alssujoodi

    Habeenka in ka mid ahna ku tasbiixso Ammaanahiisa iyo salaadaha ka dambow.

  41. وَٱسْتَمِعْ يَوْمَ يُنَادِ ٱلْمُنَادِ مِن مَّكَانٍ قَرِيبٍ۝٤١

    Waistamiʿ yawma yunadi almunadi min makanin qareebin

    Dhageyso Maalinka markuu dhawaaquhu ka dhawaaqi meel dhow.

  42. يَوْمَ يَسْمَعُونَ ٱلصَّيْحَةَ بِٱلْحَقِّ ۚ ذَٰلِكَ يَوْمُ ٱلْخُرُوجِ۝٤٢

    Yawma yasmaʿoona alssayhata bialhaqqi thalika yawmu alkhurooji

    Maalinka ay maqli qaylo Xaq ah, kaasu waa Maalinka soo bixinta (Qiyaame).

  43. إِنَّا نَحْنُ نُحْىِۦ وَنُمِيتُ وَإِلَيْنَا ٱلْمَصِيرُ۝٤٣

    Inna nahnu nuhyee wanumeetu wailayna almaseeru

    Annagaa (Alle ah) xaqiiq wax nooleyna waxna dhinsiinna; waana Xaggayaga meel noqodka dambe (Aakhirada).

  44. يَوْمَ تَشَقَّقُ ٱلْأَرْضُ عَنْهُمْ سِرَاعًا ۚ ذَٰلِكَ حَشْرٌ عَلَيْنَا يَسِيرٌ۝٤٤

    Yawma tashaqqaqu alardu ʿanhum siraʿan thalika hashrun ʿalayna yaseerun

    Maalinta uu dhulku ka dillaaci gaballo hoostooda, markaasay dhaqso ku soo bixi, kaasu waa soo kulmin noo fudud.

  45. نَّحْنُ أَعْلَمُ بِمَا يَقُولُونَ ۖ وَمَآ أَنتَ عَلَيْهِم بِجَبَّارٍ ۖ فَذَكِّرْ بِٱلْقُرْءَانِ مَن يَخَافُ وَعِيدِ۝٤٥

    Nahnu aʿlamu bima yaqooloona wama anta ʿalayhim bijabbarin fathakkir bialqurani man yakhafu waʿeedi

    Annagaa ogsoon waxay (gaaladu) leeyihiin; adiguna ma ahid mid qasab ku leh. Ee ku waani Qur’aanka kan ka cabsada Gooddigayga.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Suuradda Qaaf juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Qaaf waxay ku jirtaa juz’ 26.

Suuradda Qaaf immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Qaaf waxay leedahay 45 aayadood.

Suuradda Qaaf ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Qaaf waa suurad Makki ah.

Suuradda Qaaf waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 50aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.