سورة الفتح

Suuradda Al-Fatx oo af Soomaali ah

Guusha

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Al-Fatx (الفتح) waa suuradda 48aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 29 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Guusha”. Waa suurad Madani ah, oo ku soo degtay Madiina kadib Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 26.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Fatx oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Al-Fatx oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. إِنَّا فَتَحْنَا لَكَ فَتْحًا مُّبِينًا۝١

    Inna fatahna laka fathan mubeenan

    Waxaanu ku siinnay (Nabi Muxammadow) guul cad1.

    Sharaxa hoose
    [1] Al-Fatax: Furashada ama Guusha. Waxaana loola jeedaa heshiiskii Al-Xudaybiyah ee sababta u ahaa furashada Makkah iyo magaalooyin kaleba.
  2. لِّيَغْفِرَ لَكَ ٱللَّهُ مَا تَقَدَّمَ مِن ذَنۢبِكَ وَمَا تَأَخَّرَ وَيُتِمَّ نِعْمَتَهُۥ عَلَيْكَ وَيَهْدِيَكَ صِرَٰطًا مُّسْتَقِيمًا۝٢

    Liyaghfira laka Allahu ma taqaddama min thanbika wama taakhkhara wayutimma niʿmatahu ʿalayka wayahdiyaka siratan mustaqeeman

    Si uu Alle kuugu dhaafo wixii horay kaaga dhacay oo denbi ah, iyo waxa dib kaaga dhici karaba, kuuguna dhammaysti- ro Nicmaddiisa, oo kuugu hanuuniyo Tub Toosan.

  3. وَيَنصُرَكَ ٱللَّهُ نَصْرًا عَزِيزًا۝٣

    Wayansuraka Allahu nasran ʿazeezan

    Oo kuu gargaaro Alle gargaar weyn.

  4. هُوَ ٱلَّذِىٓ أَنزَلَ ٱلسَّكِينَةَ فِى قُلُوبِ ٱلْمُؤْمِنِينَ لِيَزْدَادُوٓا۟ إِيمَـٰنًا مَّعَ إِيمَـٰنِهِمْ ۗ وَلِلَّهِ جُنُودُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمًا۝٤

    Huwa allathee anzala alssakeenata fee quloobi almumineena liyazdadoo eemanan maʿa eemanihim walillahi junoodu alssamawati waalardi wakana Allahu ʿaleeman hakeeman

    Alle waa Kan ku soo dejiyey xasillooni quluubta mu’miniinta, si ay iimaan ugu ziyaadsadaan iimaankoodii; Alle baana iska leh ciidammada samooyinka iyo arlada. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.

  5. لِّيُدْخِلَ ٱلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُؤْمِنَـٰتِ جَنَّـٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ خَـٰلِدِينَ فِيهَا وَيُكَفِّرَ عَنْهُمْ سَيِّـَٔاتِهِمْ ۚ وَكَانَ ذَٰلِكَ عِندَ ٱللَّهِ فَوْزًا عَظِيمًا۝٥

    Liyudkhila almumineena waalmuminati jannatin tajree min tahtiha alanharu khalideena feeha wayukaffira ʿanhum sayyiatihim wakana thalika ʿinda Allahi fawzan ʿatheeman

    Si uu u geliyo mu’miniinta iyo mu’minoo- yinka jannooyin (beero) ay webiyo hoos qul-qulaan iyagoo ku waaraya dhexdeeda weligood, oo uga tirtiro xume falkooda, (arrin)kaasina Alle agtiis waa Liibaan Weyn

  6. وَيُعَذِّبَ ٱلْمُنَـٰفِقِينَ وَٱلْمُنَـٰفِقَـٰتِ وَٱلْمُشْرِكِينَ وَٱلْمُشْرِكَـٰتِ ٱلظَّآنِّينَ بِٱللَّهِ ظَنَّ ٱلسَّوْءِ ۚ عَلَيْهِمْ دَآئِرَةُ ٱلسَّوْءِ ۖ وَغَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيْهِمْ وَلَعَنَهُمْ وَأَعَدَّ لَهُمْ جَهَنَّمَ ۖ وَسَآءَتْ مَصِيرًا۝٦

    Wayuʿaththiba almunafiqeena waalmunafiqati waalmushrikeena waalmushrikati alththanneena biAllahi thanna alssawi ʿalayhim dairatu alssawi waghadiba Allahu ʿalayhim walaʿanahum waaʿadda lahum jahannama wasaat maseeran

    Iyo si uu u cadaabo munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka iyo mushrikiinta iyo mushrikooyinka ee ku maleeya malaha xun Alle, xumaanta korkooda ha ku wareegto, Alle ha u cadhoodo, hana naclado, wuxuuna u diyaariyey Naar - oo u xun meel la ahaado.

  7. وَلِلَّهِ جُنُودُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمًا۝٧

    Walillahi junoodu alssamawati waalardi wakana Allahu ʿazeezan hakeeman

    Allaah baana leh ciidammada samooyinka iyo arlada. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.

  8. إِنَّآ أَرْسَلْنَـٰكَ شَـٰهِدًا وَمُبَشِّرًا وَنَذِيرًا۝٨

    Inna arsalnaka shahidan wamubashshiran wanatheeran

    Xaqiiq Annagaa (Alle ah) kuu soo dirnay (Nabi Muxammadow) inaad ahaato markhaati, bishaareeye, iyo digeba.

  9. لِّتُؤْمِنُوا۟ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَتُعَزِّرُوهُ وَتُوَقِّرُوهُ وَتُسَبِّحُوهُ بُكْرَةً وَأَصِيلًا۝٩

    Lituminoo biAllahi warasoolihi watuʿazziroohu watuwaqqiroohu watusabbihoohu bukratan waaseelan

    Si aad (dadow) u rumeysaan Alle iyo Rasuulkiisa oo ugu gargaartaan oo aad u qaddarisaan, iyo inaad xurmo weyneysaan oo ugu tasbiixsataan subax iyo galabba.

  10. إِنَّ ٱلَّذِينَ يُبَايِعُونَكَ إِنَّمَا يُبَايِعُونَ ٱللَّهَ يَدُ ٱللَّهِ فَوْقَ أَيْدِيهِمْ ۚ فَمَن نَّكَثَ فَإِنَّمَا يَنكُثُ عَلَىٰ نَفْسِهِۦ ۖ وَمَنْ أَوْفَىٰ بِمَا عَـٰهَدَ عَلَيْهُ ٱللَّهَ فَسَيُؤْتِيهِ أَجْرًا عَظِيمًا۝١٠

    Inna allatheena yubayiʿoonaka innama yubayiʿoona Allaha yadu Allahi fawqa aydeehim faman nakatha fainnama yankuthu ʿala nafsihi waman awfa bima ʿahada ʿalayhu Allaha fasayuteehi ajran ʿatheeman

    Hubaal kuwa kugula gala wacad (u hiillinta diinta) Waxay uun Wacad la gali Alle. Gacanta Alle baa ka kor ah gacmahooda1. Ee qofkii ka baxaa wacadkiisa, wuxuu uun uga baxayaa naftii- sa, qofkii oofiyana wuxuu kula galay Alle ballanka, Wuxuu siin Ajar Weyn (Janno).

    Sharaxa hoose
    [1] Macnaha waa inuu Allaah Subxaanahuu watacaalaa ka aqbalay wacadka ay galeen.
  11. سَيَقُولُ لَكَ ٱلْمُخَلَّفُونَ مِنَ ٱلْأَعْرَابِ شَغَلَتْنَآ أَمْوَٰلُنَا وَأَهْلُونَا فَٱسْتَغْفِرْ لَنَا ۚ يَقُولُونَ بِأَلْسِنَتِهِم مَّا لَيْسَ فِى قُلُوبِهِمْ ۚ قُلْ فَمَن يَمْلِكُ لَكُم مِّنَ ٱللَّهِ شَيْـًٔا إِنْ أَرَادَ بِكُمْ ضَرًّا أَوْ أَرَادَ بِكُمْ نَفْعًۢا ۚ بَلْ كَانَ ٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرًۢا۝١١

    Sayaqoolu laka almukhallafoona mina alaʿrabi shaghalatna amwaluna waahloona faistaghfir lana yaqooloona bialsinatihim ma laysa fee quloobihim qul faman yamliku lakum mina Allahi shayan in arada bikum darran aw arada bikum nafʿan bal kana Allahu bima taʿmaloona khabeeran

    Waxay kugu odhan kuwii ka haray (jihaadka) ee ah reer miyiga (deggan Madiinah hareeraheeda): Waxaa na shuqliyey Maalkayaga iyo ehelkayaga, ee noo denbi dhaaf dalab. Waxay ka yidhaahdaan carrabyadooda waxaan ku jirin quluubtooda. Dheh: Yaa idinka celin Alle hadduu idin la doono dhib ama idin la doono dheef? Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.

  12. بَلْ ظَنَنتُمْ أَن لَّن يَنقَلِبَ ٱلرَّسُولُ وَٱلْمُؤْمِنُونَ إِلَىٰٓ أَهْلِيهِمْ أَبَدًا وَزُيِّنَ ذَٰلِكَ فِى قُلُوبِكُمْ وَظَنَنتُمْ ظَنَّ ٱلسَّوْءِ وَكُنتُمْ قَوْمًۢا بُورًا۝١٢

    Bal thanantum an lan yanqaliba alrrasoolu waalmuminoona ila ahleehim abadan wazuyyina thalika fee quloobikum wathanantum thanna alssawi wakuntum qawman booran

    Waxaadse u maleyseen in Rasuulka iyo mu’miniintu aysan u soo noqoneyn ehelkooda weligood, sidaasaana loo qurxiyey quluubtiinna, oo maleyseen malooyin xun, waayo waxaad tihin qoon belo ah (aan khayr lahayn).

  13. وَمَن لَّمْ يُؤْمِنۢ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ فَإِنَّآ أَعْتَدْنَا لِلْكَـٰفِرِينَ سَعِيرًا۝١٣

    Waman lam yumin biAllahi warasoolihi fainna aʿtadna lilkafireena saʿeeran

    Qofkaan rumeyn Alle iyo Rasuulkiisa, hubaal Waxaanu u diyaarinnay gaalada dab huraya.

  14. وَلِلَّهِ مُلْكُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ يَغْفِرُ لِمَن يَشَآءُ وَيُعَذِّبُ مَن يَشَآءُ ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا۝١٤

    Walillahi mulku alssamawati waalardi yaghfiru liman yashao wayuʿaththibu man yashao wakana Allahu ghafooran raheeman

    Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, wuxuu u denbi dhaafaa qofkuu doono, oo cadaabaa qofkuu doono. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

  15. سَيَقُولُ ٱلْمُخَلَّفُونَ إِذَا ٱنطَلَقْتُمْ إِلَىٰ مَغَانِمَ لِتَأْخُذُوهَا ذَرُونَا نَتَّبِعْكُمْ ۖ يُرِيدُونَ أَن يُبَدِّلُوا۟ كَلَـٰمَ ٱللَّهِ ۚ قُل لَّن تَتَّبِعُونَا كَذَٰلِكُمْ قَالَ ٱللَّهُ مِن قَبْلُ ۖ فَسَيَقُولُونَ بَلْ تَحْسُدُونَنَا ۚ بَلْ كَانُوا۟ لَا يَفْقَهُونَ إِلَّا قَلِيلًا۝١٥

    Sayaqoolu almukhallafoona itha intalaqtum ila maghanima litakhuthooha tharoona nattabiʿkum yureedoona an yubaddiloo kalama Allahi qul lan tattabiʿoona kathalikum qala Allahu min qablu fasayaqooloona bal tahsudoonana bal kanoo la yafqahoona illa qaleelan

    Waxay kuwaasi ka haray (jihaadka) odhan: Markaad u baxeysaan si aad u soo qaadataan qaniimooyinka (Khaybar): Noo oggolaada inaan idin raacno. Waxay doonayaan inay beddelaan Hadalka Alle. Dheh: Marnaba nama raaceysaan. Sidaasuu Alle horay u yidhi. Markaa waxay odhan: Mayee’ waad na xasdeysaan.Waase kuwo aan wax fahmeyn in yar mooyee1.

    Sharaxa hoose
    [1] Ee diinta.Waa caado qaatayaal aan aqoon waxaan ahayn dheef adduunyo oo soori qaadday.
  16. قُل لِّلْمُخَلَّفِينَ مِنَ ٱلْأَعْرَابِ سَتُدْعَوْنَ إِلَىٰ قَوْمٍ أُو۟لِى بَأْسٍ شَدِيدٍ تُقَـٰتِلُونَهُمْ أَوْ يُسْلِمُونَ ۖ فَإِن تُطِيعُوا۟ يُؤْتِكُمُ ٱللَّهُ أَجْرًا حَسَنًا ۖ وَإِن تَتَوَلَّوْا۟ كَمَا تَوَلَّيْتُم مِّن قَبْلُ يُعَذِّبْكُمْ عَذَابًا أَلِيمًا۝١٦

    Qul lilmukhallafeena mina alaʿrabi satudʿawna ila qawmin olee basin shadeedin tuqatiloonahum aw yuslimoona fain tuteeʿoo yutikumu Allahu ajran hasanan wain tatawallaw kama tawallaytum min qablu yuʿaththibkum ʿathaban aleeman

    Ku dheh kuwaa reer miyiga ah ee 'ka' hadhay (jihaadka): Waxaa la idiinku yeedhi qolo dagaal aqoon daran leh, waa inaad la dirirtaan intay iska dhiibaan1, ee haddaad adeecdaan Alle Wuxuu idin siin abaalgud fiican, haddiise aad dhabarka jeedisaan sidaad horeyba ugu jeediseen dhabarka, Wuxuu idinku cadaabi cadaab xanuun badan.

    Sharaxa hoose
    [1] Intay isu dhiibaan Alle Muslimiin ahaan.
  17. لَّيْسَ عَلَى ٱلْأَعْمَىٰ حَرَجٌ وَلَا عَلَى ٱلْأَعْرَجِ حَرَجٌ وَلَا عَلَى ٱلْمَرِيضِ حَرَجٌ ۗ وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ يُدْخِلْهُ جَنَّـٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ ۖ وَمَن يَتَوَلَّ يُعَذِّبْهُ عَذَابًا أَلِيمًا۝١٧

    Laysa ʿala alaʿma harajun wala ʿala alaʿraji harajun wala ʿala almareedi harajun waman yutiʿi Allaha warasoolahu yudkhilhu jannatin tajree min tahtiha alanharu waman yatawalla yuʿaththibhu ʿathaban aleeman

    Ma saarna eed indhoolaha, mana saarna wax eed ahi naafada, oo ma saarna eed bukaanka (haddayan u bixin Jihaadka Jidka Alle). Qofkiise adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa Wuxuu gelin Jannooyin (beero) ay webiyo hoos qul-qulaan, qofkiina dhabarka jeediya wuxuu cadaabi cadaab xanuun badan.

  18. ۞ لَّقَدْ رَضِىَ ٱللَّهُ عَنِ ٱلْمُؤْمِنِينَ إِذْ يُبَايِعُونَكَ تَحْتَ ٱلشَّجَرَةِ فَعَلِمَ مَا فِى قُلُوبِهِمْ فَأَنزَلَ ٱلسَّكِينَةَ عَلَيْهِمْ وَأَثَـٰبَهُمْ فَتْحًا قَرِيبًا۝١٨

    Laqad radiya Allahu ʿani almumineena ith yubayiʿoonaka tahta alshshajarati faʿalima ma fee quloobihim faanzala alsakeenata ʿalayhim waathabahum fathan qareeban

    Alle wuxuu ka raalli noqday mu’miniinta markay wacad u hiillin (diinta ah) ay kugula galeen geedka hoostiisa, Alle wuxuu ogaa waxa ku jiray quluubtooda (oo iimaan iyo daacadnimo ah), markaasuu ku soo dejiyey xasilloooni korkooda, kuna abaal mariyey guul dhow1.

    Sharaxa hoose
    [1] Kaasoo ahaa furashadii Khaybar, ee ka horreeyey furashadii Makkah.
  19. وَمَغَانِمَ كَثِيرَةً يَأْخُذُونَهَا ۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمًا۝١٩

    Wamaghanima katheeratan yakhuthoonaha wakana Allahu ʿazeezan hakeeman

    Iyo qaniimooyin badan oo ay qaadan. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.

  20. وَعَدَكُمُ ٱللَّهُ مَغَانِمَ كَثِيرَةً تَأْخُذُونَهَا فَعَجَّلَ لَكُمْ هَـٰذِهِۦ وَكَفَّ أَيْدِىَ ٱلنَّاسِ عَنكُمْ وَلِتَكُونَ ءَايَةً لِّلْمُؤْمِنِينَ وَيَهْدِيَكُمْ صِرَٰطًا مُّسْتَقِيمًا۝٢٠

    Waʿadakumu Allahu maghanima katheeratan takhuthoonaha faʿajjala lakum hathihi wakaffa aydiya alnnasi ʿankum walitakoona ayatan lilmumineena wayahdiyakum siratan mustaqeeman

    Allaah wuxuu idiin ballan qaaday qaniimooyin badan aad qaadaneysaan, markaasuu idiin soo dedejiyey middatan (qaniimada Khaybar), idinkana celiyey gacmihii dadka, si ay ugu ahaato calaamo mu’miniinta, idinkuna hanuuniyo Jid Toosan.

  21. وَأُخْرَىٰ لَمْ تَقْدِرُوا۟ عَلَيْهَا قَدْ أَحَاطَ ٱللَّهُ بِهَا ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرًا۝٢١

    Waokhra lam taqdiroo ʿalayha qad ahata Allahu biha wakana Allahu ʿala kulli shayin qadeeran

    Iyo (qaniimooyin) kale oo aydaan awooddeen1, Alle baa dhab ahaan koobay. Alle wax walba wuu Karaa.

    Sharaxa hoose
    [1] Alle Idiin diyaariyey ama qaddaray.
  22. وَلَوْ قَـٰتَلَكُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَوَلَّوُا۟ ٱلْأَدْبَـٰرَ ثُمَّ لَا يَجِدُونَ وَلِيًّا وَلَا نَصِيرًا۝٢٢

    Walaw qatalakumu allatheena kafaroo lawallawoo aladbara thumma la yajidoona waliyyan wala naseeran

    Hadday kuwa gaalooba idinla daggaalamaan, waxay jeedin dhabarra(dooda) mana helayaan ilaaliye iyo gargaare midna.

  23. سُنَّةَ ٱللَّهِ ٱلَّتِى قَدْ خَلَتْ مِن قَبْلُ ۖ وَلَن تَجِدَ لِسُنَّةِ ٱللَّهِ تَبْدِيلًا۝٢٣

    Sunnata Allahi allatee qad khalat min qablu walan tajida lisunnati Allahi tabdeelan

    Waa Hannaanka Alle ee dhab ahaan uga dhex jirey ummadahii hore ee tegay. Kama heleysid wax isbeddel ah Hannaanka iyo Hab raaca Alle.

  24. وَهُوَ ٱلَّذِى كَفَّ أَيْدِيَهُمْ عَنكُمْ وَأَيْدِيَكُمْ عَنْهُم بِبَطْنِ مَكَّةَ مِنۢ بَعْدِ أَنْ أَظْفَرَكُمْ عَلَيْهِمْ ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرًا۝٢٤

    Wahuwa allathee kaffa aydiyahum ʿankum waaydiyakum ʿanhum bibatni makkata min baʿdi an athfarakum ʿalayhim wakana Allahu bima taʿmaloona baseeran

    Alle waa Kan idinka celiyey gac- mahooda iyo gacmahiinna togga Makkah agti, kaddib markuu idin siiyey guusha oo aad ka adkaateen (kuwii idiin galay cimilka markaad u socoteen Makkah). Alle waa Arkaha waxaad fashaan.

  25. هُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَصَدُّوكُمْ عَنِ ٱلْمَسْجِدِ ٱلْحَرَامِ وَٱلْهَدْىَ مَعْكُوفًا أَن يَبْلُغَ مَحِلَّهُۥ ۚ وَلَوْلَا رِجَالٌ مُّؤْمِنُونَ وَنِسَآءٌ مُّؤْمِنَـٰتٌ لَّمْ تَعْلَمُوهُمْ أَن تَطَـُٔوهُمْ فَتُصِيبَكُم مِّنْهُم مَّعَرَّةٌۢ بِغَيْرِ عِلْمٍ ۖ لِّيُدْخِلَ ٱللَّهُ فِى رَحْمَتِهِۦ مَن يَشَآءُ ۚ لَوْ تَزَيَّلُوا۟ لَعَذَّبْنَا ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِنْهُمْ عَذَابًا أَلِيمًا۝٢٥

    Humu allatheena kafaroo wasaddookum ʿani almasjidi alharami waalhadya maʿkoofan an yablugha mahillahu walawla rijalun muminoona wanisaon muminatun lam taʿlamoohum an tataoohum fatuseebakum minhum maʿarratun bighayri ʿilmin liyudkhila Allahu fee rahmatihi man yashao law tazayyaloo laʿaththabna allatheena kafaroo minhum ʿathaban aleeman

    Waa iyaga kuwa gaaloobay oo idinka celiyey Al-Masjid Al-Xaraam oo (ka xayiray) hadyiga inuu gaaro meeshiisa gawraca1. Haddii aysan jireen rag mu’miniin ah iyo haween mu’minooyin ah oo aydaan ogeyn, oo laga yaabo inaad wax yeeshaan, taasoo denbi idinka soo gaarayo iyo mashaqo ogaal la’aan darteed (Alle wuu idiin fasaxi lahaa); waa si uu Alle u geliyo Naxariistiisa cidduu doono. Haddii iyagu (mu’miniinta iyo gaalada) kala soocmi lahaayeen, waxaan cadaabi laheyn kuwooda gaaloobay cadaab xanuun badan.

    Sharaxa hoose
    [1] Toddobaatan neef oo geel ah oo loo keenay hadyi ahaan iyo in laga quudiyo fuqarada iyo masaakiinta Xaramka.
  26. إِذْ جَعَلَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ فِى قُلُوبِهِمُ ٱلْحَمِيَّةَ حَمِيَّةَ ٱلْجَـٰهِلِيَّةِ فَأَنزَلَ ٱللَّهُ سَكِينَتَهُۥ عَلَىٰ رَسُولِهِۦ وَعَلَى ٱلْمُؤْمِنِينَ وَأَلْزَمَهُمْ كَلِمَةَ ٱلتَّقْوَىٰ وَكَانُوٓا۟ أَحَقَّ بِهَا وَأَهْلَهَا ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمًا۝٢٦

    Ith jaʿala allatheena kafaroo fee quloobihimu alhamiyyata hamiyyata aljahiliyyati faanzala Allahu sakeenatahu ʿala rasoolihi waʿala almumineena waalzamahum kalimata alttaqwa wakanoo ahaqqa biha waahlaha wakana Allahu bikulli shayin ʿaleeman

    Markuu Alle yeelay kuwa gaaloobay quluubtooda ficilo - ficiladii waqtigii jaahiliyada - Wuxuuse Alle ku soo dejiyey xasilloonidiisa Rasuulkiisa iyo mu’miniinta, waafajiyeyna ku sugnaanta Ereyga dhowrsashada1, waxayna ahaayeen kuwo mudan oo ehelkeed ah. Alle wax walba waa Og yahay.

    Sharaxa hoose
    [1] Kelmedda taqwada, waxaa loola jeedaa kelmedda Towxiidka, oo ah in Alle loo gaar iyo gooni yeelo cibaadada.
  27. لَّقَدْ صَدَقَ ٱللَّهُ رَسُولَهُ ٱلرُّءْيَا بِٱلْحَقِّ ۖ لَتَدْخُلُنَّ ٱلْمَسْجِدَ ٱلْحَرَامَ إِن شَآءَ ٱللَّهُ ءَامِنِينَ مُحَلِّقِينَ رُءُوسَكُمْ وَمُقَصِّرِينَ لَا تَخَافُونَ ۖ فَعَلِمَ مَا لَمْ تَعْلَمُوا۟ فَجَعَلَ مِن دُونِ ذَٰلِكَ فَتْحًا قَرِيبًا۝٢٧

    Laqad sadaqa Allahu rasoolahu alrruya bialhaqqi latadkhulunna almasjida alharama in shaa Allahu amineena muhalliqeena ruoosakum wamuqassireena la takhafoona faʿalima ma lam taʿlamoo fajaʿala min dooni thalika fathan qareeban

    Alle wuu u rumeeyey Rasuulkiisa riyada si dhab ah: waxaad gali Masjidka Xaramka hadduu Alle idmo idinkoo aamin ah, (qaar) timaha ay xiidhan, (qaar kalena) ay gaabsan idinkoo aan cabsi qabin1, Wuxuu Og yahay wax aydaan idinku ogeyn, markaasuu (gelitaanka Makka) ka sokow keenay furasho dhow 'Heshiikii Xudaybyah'.

    Sharaxa hoose
    [1] Markaad dhammeysaan howlaha cumrada.
  28. هُوَ ٱلَّذِىٓ أَرْسَلَ رَسُولَهُۥ بِٱلْهُدَىٰ وَدِينِ ٱلْحَقِّ لِيُظْهِرَهُۥ عَلَى ٱلدِّينِ كُلِّهِۦ ۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ شَهِيدًا۝٢٨

    Huwa allathee arsala rasoolahu bialhuda wadeeni alhaqqi liyuthhirahu ʿala alddeeni kullihi wakafa biAllahi shaheedan

    Alle waa Kan la soo diray Rasuulkiisa Hanuun iyo Diin Xaq ah si uu uga sare mariyo diimaha kaloo dhan. Alle ku filan Marag uu ahaado.

  29. مُّحَمَّدٌ رَّسُولُ ٱللَّهِ ۚ وَٱلَّذِينَ مَعَهُۥٓ أَشِدَّآءُ عَلَى ٱلْكُفَّارِ رُحَمَآءُ بَيْنَهُمْ ۖ تَرَىٰهُمْ رُكَّعًا سُجَّدًا يَبْتَغُونَ فَضْلًا مِّنَ ٱللَّهِ وَرِضْوَٰنًا ۖ سِيمَاهُمْ فِى وُجُوهِهِم مِّنْ أَثَرِ ٱلسُّجُودِ ۚ ذَٰلِكَ مَثَلُهُمْ فِى ٱلتَّوْرَىٰةِ ۚ وَمَثَلُهُمْ فِى ٱلْإِنجِيلِ كَزَرْعٍ أَخْرَجَ شَطْـَٔهُۥ فَـَٔازَرَهُۥ فَٱسْتَغْلَظَ فَٱسْتَوَىٰ عَلَىٰ سُوقِهِۦ يُعْجِبُ ٱلزُّرَّاعَ لِيَغِيظَ بِهِمُ ٱلْكُفَّارَ ۗ وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ مِنْهُم مَّغْفِرَةً وَأَجْرًا عَظِيمًۢا۝٢٩

    Muhammadun rasoolu Allahi waallatheena maʿahu ashiddao ʿala alkuffari ruhamao baynahum tarahum rukkaʿan sujjadan yabtaghoona fadlan mina Allahi waridwanan seemahum fee wujoohihim min athari alssujoodi thalika mathaluhum fee alttawrati wamathaluhum fee alinjeeli kazarʿin akhraja shatahu faazarahu faistaghlatha faistawa ʿala sooqihi yuʿjibu alzzurraʿa liyagheetha bihimu alkuffara waʿada Allahu allatheena amanoo waʿamiloo alssalihati minhum maghfiratan waajran ʿatheeman

    Muxammad waa Rasuulka Alle, kuwa la jirana waa qalbi sugan yihiin lidka gaalada, isu naxariis badan yihiin dhexdooda, waxaad arki iyagoo Rukuucsan, sujuudsan, dalbaya deeqda Alle (iyo) Raallinimodiisa. Astaamahooda waxay ka muuqdaan wejiyadooda raadka sujuuddooda darteed; Taasi waa tilmaantooda ku taal Towraadda. Tilmaantooda ku taalna Injiilka waa sida (abuur) la beeray, soo bixisay fiidda, markaas xoogeysatay oo noqotay gahayr, oo ku istaagtay iyadoo toosan salkeeda, farax geliseyna beeroleyda - si uu Alle ugu ciilo (tilmaamahooda) gaalada. Alle wuxuu u ballan qaaday kuwaa iyaga ah ee xaqa rumeeyey oo samaha falay denbi dhaaf iyo abaal gud weyn 'Janno'1.

    Sharaxa hoose
    [1] Tusaalahaa la bixiyey waxaa ku sifoobay Nabiga s.c.w. iyo asxaabtiisa.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Fatx?

Macnaha Al-Fatx waa “Guusha”.

Suuradda Al-Fatx juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Fatx waxay ku jirtaa juz’ 26.

Suuradda Al-Fatx immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Al-Fatx waxay leedahay 29 aayadood.

Suuradda Al-Fatx ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Al-Fatx waa suurad Madani ah.

Suuradda Al-Fatx waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 48aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.