سورة الذاريات
Suuradda Adh-Dhaariyaat oo af Soomaali ah
Dabaylaha kala firdhiya
- 51
- 60 aayadood
- Makki
- Juz’ 26–27
- Bogagga 520–523
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Adh-Dhaariyaat (الذاريات) waa suuradda 51aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 60 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Dabaylaha kala firdhiya”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku fidsan tahay juz’ 26 iyo 27.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Adh-Dhaariyaat oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Adh-Dhaariyaat oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
وَٱلذَّٰرِيَـٰتِ ذَرْوًا١
Waalththariyati tharwan
Waxaan ku dhaartay (dabeylaha) boorka kiciya1.
Sharaxa hoose
[1] Ad-Daariyaat: Dabeylaha boorka kiciya. -
فَٱلْحَـٰمِلَـٰتِ وِقْرًا٢
Faalhamilati wiqran
Iyo (duruuraha) xambaarsan culayska (roobka).
-
فَٱلْجَـٰرِيَـٰتِ يُسْرًا٣
Faaljariyati yusran
Iyo doonyaha sida fudud ugu socda (badaha).
-
فَٱلْمُقَسِّمَـٰتِ أَمْرًا٤
Faalmuqassimati amran
Iyo kuwaa (malaa’igta) ku qaybiya (risiqa, roobka, iwm) Amarkeenna.
-
إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَصَادِقٌ٥
Innama tooʿadoona lasadiqun
(Dadow) waxa la idiinku gooddin (Qiyaamada, Xisaabta) xaqiiq waa run.
-
وَإِنَّ ٱلدِّينَ لَوَٰقِعٌ٦
Wainna alddeena lawaqiʿun
Abaalmarintuna (jaazeynta Aakhiro) waa la hubaa inay dhaceyso.
-
وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلْحُبُكِ٧
Waalssamai thati alhubuki
Waxaan kaloo (waa Alle'e) ku dhaartay samada quruxda iyo waddooyinka leh,
-
إِنَّكُمْ لَفِى قَوْلٍ مُّخْتَلِفٍ٨
Innakum lafee qawlin mukhtalifin
Waxaad idinku (dadow) kaga sugan tihiin (Nabiga iyo Qur’aanka) hadal kala duwan .
-
يُؤْفَكُ عَنْهُ مَنْ أُفِكَ٩
Yufaku ʿanhu man ofika
Waxaa laga duwaa (Qur’aanka iyo Nabiga) kan isaga iska duwa.
-
قُتِلَ ٱلْخَرَّٰصُونَ١٠
Qutila alkharrasoona
Nacladi ha ku dhacdo beenalayaasha mala awaalka badan.
-
ٱلَّذِينَ هُمْ فِى غَمْرَةٍ سَاهُونَ١١
Allatheena hum fee ghamratin sahoona
Kuwa ku sugan guluf (colaadeed) ee iyagu maahsan (ka maahsan Aakhirada).
-
يَسْـَٔلُونَ أَيَّانَ يَوْمُ ٱلدِّينِ١٢
Yasaloona ayyana yawmu alddeeni
Waxay weydiin: Waa goorma Maalinta Abaal marintu (Jaazeyntu)?
-
يَوْمَ هُمْ عَلَى ٱلنَّارِ يُفْتَنُونَ١٣
Yawma hum ʿala alnnari yuftanoona
Waa Maalinta Naarta lagu gubi.
-
ذُوقُوا۟ فِتْنَتَكُمْ هَـٰذَا ٱلَّذِى كُنتُم بِهِۦ تَسْتَعْجِلُونَ١٤
Thooqoo fitnatakum hatha allathee kuntum bihi tastaʿjiloona
Dhadhamiya cadaabkiinna. Kanu waa waxaad degdegsanayseen.
-
إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى جَنَّـٰتٍ وَعُيُونٍ١٥
Inna almuttaqeena fee jannatin waʿuyoonin
Hubaal kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan beero iyo ilo (Janno).
-
ءَاخِذِينَ مَآ ءَاتَىٰهُمْ رَبُّهُمْ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ قَبْلَ ذَٰلِكَ مُحْسِنِينَ١٦
Akhitheena ma atahum rabbuhum innahum kanoo qabla thalika muhsineena
Iyagoo qaadan waxa uu Rabbigood siiyey. Waxay ahaayeen horay sama falayaal.
-
كَانُوا۟ قَلِيلًا مِّنَ ٱلَّيْلِ مَا يَهْجَعُونَ١٧
Kanoo qaleelan mina allayli ma yahjaʿoona
Waxay seexan jireen habeenkii wax yar ma ahee1.
Sharaxa hoose
[1] Macnaha qayb ka mid ah bay u qoondeyn jireen salaatu leyl, cishaha kaddib ama Aakhiru leylka. -
وَبِٱلْأَسْحَارِ هُمْ يَسْتَغْفِرُونَ١٨
Wabialashari hum yastaghfiroona
Waqtiyada suxuurtana way denbi dhaaf weydiisanayeen,
-
وَفِىٓ أَمْوَٰلِهِمْ حَقٌّ لِّلسَّآئِلِ وَٱلْمَحْرُومِ١٩
Wafee amwalihim haqqun lilssaili waalmahroomi
Maalkooda waxaa ahaa qayb uu ku leeyahay weydiistaha iyo kaan wax heysan.
-
وَفِى ٱلْأَرْضِ ءَايَـٰتٌ لِّلْمُوقِنِينَ٢٠
Wafee alardi ayatun lilmooqineena
Dhulka waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa yaqiinsan.
-
وَفِىٓ أَنفُسِكُمْ ۚ أَفَلَا تُبْصِرُونَ٢١
Wafee anfusikum afala tubsiroona
Iyo nafahiinnaba, ee miyeydaan arkeyn.
-
وَفِى ٱلسَّمَآءِ رِزْقُكُمْ وَمَا تُوعَدُونَ٢٢
Wafee alssamai rizqukum wama tooʿadoona
Samada yuuna jiraa risiqiinna iyo waxa la idiin yaboohay.
-
فَوَرَبِّ ٱلسَّمَآءِ وَٱلْأَرْضِ إِنَّهُۥ لَحَقٌّ مِّثْلَ مَآ أَنَّكُمْ تَنطِقُونَ٢٣
Fawarabbi alssamai waalardi innahu lahaqqun mithla ma annakum tantiqoona
Rabbiga samada iyo arlada yaan ku dhaarane, soo bixinta (Qiyaame iyo in risiqiinnu jiro samada) Xaq weeye, sidaad u hadashaanba.
-
هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ضَيْفِ إِبْرَٰهِيمَ ٱلْمُكْرَمِينَ٢٤
Hal ataka hadeethu dayfi ibraheema almukrameena
Ma ku soo gaaray warka martidii Ibraahiim ee sharafta lahayd?
-
إِذْ دَخَلُوا۟ عَلَيْهِ فَقَالُوا۟ سَلَـٰمًا ۖ قَالَ سَلَـٰمٌ قَوْمٌ مُّنكَرُونَ٢٥
Ith dakhaloo ʿalayhi faqaloo salaman qala salamun qawmun munkaroona
Markay u soo galeen oo yidhaahdeen: nabad ahow, wuxuu yidhi: nabad ahaada. (waxaad tihiin) qolo aan la garaneyn.
-
فَرَاغَ إِلَىٰٓ أَهْلِهِۦ فَجَآءَ بِعِجْلٍ سَمِينٍ٢٦
Faragha ila ahlihi fajaa biʿijlin sameenin
Markaasuu u laabtay dhinac xagga reerkiisii oo keenay dibi buuran oo shiilan.
-
فَقَرَّبَهُۥٓ إِلَيْهِمْ قَالَ أَلَا تَأْكُلُونَ٢٧
Faqarrabahu ilayhim qala ala takuloona
Una soo dhoweeyey (isagoo ku leh): Miyeydaan cunayn?
-
فَأَوْجَسَ مِنْهُمْ خِيفَةً ۖ قَالُوا۟ لَا تَخَفْ ۖ وَبَشَّرُوهُ بِغُلَـٰمٍ عَلِيمٍ٢٨
Faawjasa minhum kheefatan qaloo la takhaf wabashsharoohu bighulamin ʿaleemin
(Waxbase ma ay cunin) markaas baa waxaa ka galay dareen cabsi ah. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Ha cabsan, waxayna ugu bishaareeyeen wiil aqoon leh (isxaaq).
-
فَأَقْبَلَتِ ٱمْرَأَتُهُۥ فِى صَرَّةٍ فَصَكَّتْ وَجْهَهَا وَقَالَتْ عَجُوزٌ عَقِيمٌ٢٩
Faaqbalati imraatuhu fee sarratin fasakkat wajhaha waqalat ʿajoozun ʿaqeemun
Markaasay soo qaabishay marwadiisii iyadoo qaylyi, oo iska dharbaaxday wejiga iyadoo yaabban, oo tidhi: Ma habar ma dhasho ah oo duqowday (yaa wax dhali)!.
-
قَالُوا۟ كَذَٰلِكِ قَالَ رَبُّكِ ۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلْحَكِيمُ ٱلْعَلِيمُ٣٠
Qaloo kathaliki qala rabbuki innahu huwa alhakeemu alʿaleemu
Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Sidaasuu yidhi Rabbigaa. Waa Isaga Xakiimka, Wax kasta Ogsoon.
-
۞ قَالَ فَمَا خَطْبُكُمْ أَيُّهَا ٱلْمُرْسَلُونَ٣١
Qala fama khatbukum ayyuha almursaloona
(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Muxuu xaalkiin- nu yahay kuwayahow la soo diray?
-
قَالُوٓا۟ إِنَّآ أُرْسِلْنَآ إِلَىٰ قَوْمٍ مُّجْرِمِينَ٣٢
Qaloo inna orsilna ila qawmin mujrimeena
Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Waxaa naloo soo diray qolo denbiilayaal ah1.
Sharaxa hoose
[1] Waa kuwaasi beeniyey Luud. -
لِنُرْسِلَ عَلَيْهِمْ حِجَارَةً مِّن طِينٍ٣٣
Linursila ʿalayhim hijaratan min teenin
Si aan ugu soo dirno korkooda dhagaxyo dhoobo kulul ah.
-
مُّسَوَّمَةً عِندَ رَبِّكَ لِلْمُسْرِفِينَ٣٤
Musawwamatan ʿinda rabbika lilmusrifeena
Looga soo calaameeyey xagga Rabbigaa xadgudbayaasha1.
Sharaxa hoose
[1] Iyadoo dhagax walba lagu qoray magaca qofka lagu halaagayo oo ku dhiman. -
فَأَخْرَجْنَا مَن كَانَ فِيهَا مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ٣٥
Faakhrajna man kana feeha mina almumineena
Markaasaan ka soo bixinnay halkaa wixii ku jiray ee mu’miniin ah.
-
فَمَا وَجَدْنَا فِيهَا غَيْرَ بَيْتٍ مِّنَ ٱلْمُسْلِمِينَ٣٦
Fama wajadna feeha ghayra baytin mina almuslimeena
Kamase aanu helin gudaheeda (magaaladaa) wax aan aheyn hal guri oo muslimiin ah1.
Sharaxa hoose
[1] Luud iyo reerkiisa marka laga reebo xaaskiisa. -
وَتَرَكْنَا فِيهَآ ءَايَةً لِّلَّذِينَ يَخَافُونَ ٱلْعَذَابَ ٱلْأَلِيمَ٣٧
Watarakna feeha ayatan lillatheena yakhafoona alʿathaba alaleema
Waxaan uga tagnay halkaa (magaalooyinkii Sodom iyo Gammurah ee dadkii Luud) Calaamo1 kuwa 'mu'miniinta' ka cabsada cadaabka xanuunka badan.
Sharaxa hoose
[1] Raad muujinaya halaaggii ku dhacay qolodii Luud. -
وَفِى مُوسَىٰٓ إِذْ أَرْسَلْنَـٰهُ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ بِسُلْطَـٰنٍ مُّبِينٍ٣٨
Wafee moosa ith arsalnahu ila firʿawna bisultanin mubeenin
Muuse (calaamad baa ku sugan), markaan u dirnay Fircoon isagoo wata Xujo Cad.
-
فَتَوَلَّىٰ بِرُكْنِهِۦ وَقَالَ سَـٰحِرٌ أَوْ مَجْنُونٌ٣٩
Fatawalla biruknihi waqala sahirun aw majnoonun
Wuuse jeestay (Fircoon) isagoo ay la jiraan ciidammadiisii oo yidhi: 'Kani Muuse' waa saaxir ama jinnoole.
-
فَأَخَذْنَـٰهُ وَجُنُودَهُۥ فَنَبَذْنَـٰهُمْ فِى ٱلْيَمِّ وَهُوَ مُلِيمٌ٤٠
Faakhathnahu wajunoodahu fanabathnahum fee alyammi wahuwa muleemun
Markaasaan qabannay isaga (Fircoon) iyo askartiisiiba oo xoog ugu tuurnay badda isagoo eedeysan.
-
وَفِى عَادٍ إِذْ أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمُ ٱلرِّيحَ ٱلْعَقِيمَ٤١
Wafee ʿadin ith arsalna ʿalayhimu alrreeha alʿaqeema
Reer Caadna (waxaa ku sugan calaamo lagu waano qaato) markaan ku dirnay dabeyl ma dhaleys ah1.
Sharaxa hoose
[1] Aan dhalin wax faa’ido ah, khayr daran, macnaha waa shar xambaarsan. -
مَا تَذَرُ مِن شَىْءٍ أَتَتْ عَلَيْهِ إِلَّا جَعَلَتْهُ كَٱلرَّمِيمِ٤٢
Ma tatharu min shayin atat ʿalayhi illa jaʿalathu kaalrrameemi
Wax kama tegin ay ku timid inay ka dhigtay maahee digada oo kale.
-
وَفِى ثَمُودَ إِذْ قِيلَ لَهُمْ تَمَتَّعُوا۟ حَتَّىٰ حِينٍ٤٣
Wafee thamooda ith qeela lahum tamattaʿoo hatta heenin
Reer Thamuudna (calaamo baa ku sugan lagu waano qaato), markii lagu yidhi: Raaxeysta in muddo yar ah.
-
فَعَتَوْا۟ عَنْ أَمْرِ رَبِّهِمْ فَأَخَذَتْهُمُ ٱلصَّـٰعِقَةُ وَهُمْ يَنظُرُونَ٤٤
Faʿataw ʿan amri rabbihim faakhathathumu alssaʿiqatu wahum yanthuroona
Waxayse ka madax adeygeen Amarka Rabbigood, markaasaa waxaa qabtay danab xoog leh iyagoo arkayey.
-
فَمَا ٱسْتَطَـٰعُوا۟ مِن قِيَامٍ وَمَا كَانُوا۟ مُنتَصِرِينَ٤٥
Fama istataʿoo min qiyamin wama kanoo muntasireena
Sidaa darteed waa awoodi waayeen inay soo kacaan, isumana gargaari karin.
-
وَقَوْمَ نُوحٍ مِّن قَبْلُ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ قَوْمًا فَـٰسِقِينَ٤٦
Waqawma noohin min qablu innahum kanoo qawman fasiqeena
Qolodii Nuuxna iyaga hortood (waxaa ku sugan calaamo lagu waano qaato), waxay ahaayeen qolo fallaago ah.
-
وَٱلسَّمَآءَ بَنَيْنَـٰهَا بِأَيْي۟دٍ وَإِنَّا لَمُوسِعُونَ٤٧
Waalssamaa banaynaha biaydin wainna lamoosiʿoona
Samada waxaan ku dhisnay awood Oo waa Annaga (Alle ah) kuwa waasiciya.
-
وَٱلْأَرْضَ فَرَشْنَـٰهَا فَنِعْمَ ٱلْمَـٰهِدُونَ٤٨
Waalarda farashnaha faniʿma almahidoona
Oo dhulka Waanu gogolnay, Ee fiicanaa diyaariyuhu.
-
وَمِن كُلِّ شَىْءٍ خَلَقْنَا زَوْجَيْنِ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ٤٩
Wamin kulli shayin khalaqna zawjayni laʿallakum tathakkaroona
Wax walbana Waxaan ka abuurnay labo nooc, si aad ugu waano qaadataan.
-
فَفِرُّوٓا۟ إِلَى ٱللَّهِ ۖ إِنِّى لَكُم مِّنْهُ نَذِيرٌ مُّبِينٌ٥٠
Fafirroo ila Allahi innee lakum minhu natheerun mubeenun
Ee u carara xagga Alle1, waxaan idiin ahay dige cad ka yimid Xaggiisa.
Sharaxa hoose
[1] Waxaa loola jeedaa u laabta oo ka magan gala gaalnimo iyo denbi falid si aad uga badbaaddaan ciqaabkiisa. -
وَلَا تَجْعَلُوا۟ مَعَ ٱللَّهِ إِلَـٰهًا ءَاخَرَ ۖ إِنِّى لَكُم مِّنْهُ نَذِيرٌ مُّبِينٌ٥١
Wala tajʿaloo maʿa Allahi ilahan akhara innee lakum minhu natheerun mubeenun
Ha u yeelina la jirka Alle Ilaah kale. Waxaan idiin ahay dige cad ka yimid Xaggiisa.
-
كَذَٰلِكَ مَآ أَتَى ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا قَالُوا۟ سَاحِرٌ أَوْ مَجْنُونٌ٥٢
Kathalika ma ata allatheena min qablihim min rasoolin illa qaloo sahirun aw majnoonun
Waa sidaase, ma jiro Rasuul u yimid kuwii iyaga ka horreeyey oo aysan odhan: waa saaxir, ama jinnoole.
-
أَتَوَاصَوْا۟ بِهِۦ ۚ بَلْ هُمْ قَوْمٌ طَاغُونَ٥٣
Atawasaw bihi bal hum qawmun taghoona
Miyey iskula dardaarmeen arrinkani1? Mayee’ waa qolo xadgudub badan.
Sharaxa hoose
[1] Miyey gaaladii beri hore u soo gudbiyeen hadalladan kuwaan hadda jira, sidaa darteed ay u yidhaahdeen isla hadalkoodii oo kale?. -
فَتَوَلَّ عَنْهُمْ فَمَآ أَنتَ بِمَلُومٍ٥٤
Fatawalla ʿanhum fama anta bimaloomin
Ee iskaga jeeso, kaama saarna eede.
-
وَذَكِّرْ فَإِنَّ ٱلذِّكْرَىٰ تَنفَعُ ٱلْمُؤْمِنِينَ٥٥
Wathakkir fainna alththikra tanfaʿu almumineena
Waani, waanadu waxay anfici mu’miniinta.
-
وَمَا خَلَقْتُ ٱلْجِنَّ وَٱلْإِنسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ٥٦
Wama khalaqtu aljinna waalinsa illa liyaʿbudooni
Uma aan abuurin jinka iyo insiga waxaan ahayn inay i caabudaan1.
Sharaxa hoose
[1] Macnaha Alle Keliya caabudaan iyagoon cidna wax la wadaajin. -
مَآ أُرِيدُ مِنْهُم مِّن رِّزْقٍ وَمَآ أُرِيدُ أَن يُطْعِمُونِ٥٧
Ma oreedu minhum min rizqin wama oreedu an yutʿimooni
Kama doonayo wax risiq ah, kamana doonayo inay quudiyaan (uunkayga).
-
إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلرَّزَّاقُ ذُو ٱلْقُوَّةِ ٱلْمَتِينُ٥٨
Inna Allaha huwa alrrazzaqu thoo alquwwati almateenu
Hubaal waa Allaah Irsaaqaha, Rabbiga iska leh Awoodda sare, Xoogga Badan.
-
فَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ ذَنُوبًا مِّثْلَ ذَنُوبِ أَصْحَـٰبِهِمْ فَلَا يَسْتَعْجِلُونِ٥٩
Fainna lillatheena thalamoo thanooban mithla thanoobi ashabihim fala yastaʿjiloona
Xaqiiq kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) waxaa u sugnaaday saami 'Cadaab ah' la mid ah saamigii asxaabtood, ee waxba yey dalbin in aan u soo dedejiyo (cadaabka).
-
فَوَيْلٌ لِّلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِن يَوْمِهِمُ ٱلَّذِى يُوعَدُونَ٦٠
Fawaylun lillatheena kafaroo min yawmihimu allathee yooʿadoona
Hoog waxaa leh kuwa gaalooba, kaasoo ku iman Maalinkoodaasi loogu gooddiyey (Maalinta Qiyaamaha).
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Adh-Dhaariyaat?
Macnaha Adh-Dhaariyaat waa “Dabaylaha kala firdhiya”.
Suuradda Adh-Dhaariyaat juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Adh-Dhaariyaat waxay ku fidsan tahay juz’ 26 iyo 27.
Suuradda Adh-Dhaariyaat immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Adh-Dhaariyaat waxay leedahay 60 aayadood.
Suuradda Adh-Dhaariyaat ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Adh-Dhaariyaat waa suurad Makki ah.
Suuradda Adh-Dhaariyaat waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 51aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.