سورة الزمر
Suuradda Az-Zumar oo af Soomaali ah
Guutooyinka
- 39
- 75 aayadood
- Makki
- Juz’ 23–24
- Bogagga 458–467
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Az-Zumar (الزمر) waa suuradda 39aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 75 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Guutooyinka”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku fidsan tahay juz’ 23 iyo 24.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Az-Zumar oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Az-Zumar oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
تَنزِيلُ ٱلْكِتَـٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَكِيمِ١
Tanzeelu alkitabi mina Allahi alʿazeezi alhakeemi
Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Alle, Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
-
إِنَّآ أَنزَلْنَآ إِلَيْكَ ٱلْكِتَـٰبَ بِٱلْحَقِّ فَٱعْبُدِ ٱللَّهَ مُخْلِصًا لَّهُ ٱلدِّينَ٢
Inna anzalna ilayka alkitaba bialhaqqi faoʿbudi Allaha mukhlisan lahu alddeena
Waxaan kuugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) si Xaq ah. Ee caabud Alle Keliya, adigoo u daacad ah aan waxba la wadaajin cibaadada.
-
أَلَا لِلَّهِ ٱلدِّينُ ٱلْخَالِصُ ۚ وَٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِهِۦٓ أَوْلِيَآءَ مَا نَعْبُدُهُمْ إِلَّا لِيُقَرِّبُونَآ إِلَى ٱللَّهِ زُلْفَىٰٓ إِنَّ ٱللَّهَ يَحْكُمُ بَيْنَهُمْ فِى مَا هُمْ فِيهِ يَخْتَلِفُونَ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهْدِى مَنْ هُوَ كَـٰذِبٌ كَفَّارٌ٣
Ala lillahi alddeenu alkhalisu waallatheena ittakhathoo min doonihi awliyaa ma naʿbuduhum illa liyuqarriboona ila Allahi zulfa inna Allaha yahkumu baynahum fee ma hum feehi yakhtalifoona inna Allaha la yahdee man huwa kathibun kaffarun
Ogaada, hubaal, cibaado barax tidhan1 aan waxba lala wadaajin cid kale waxaa Xaq u leh Alle (Keliya). Kuwase yeesha awliyo (gargaarayaal, sokeeyayaal, ay la) barbar caabudaan (iyagoo leh): Uma caabudno waxaan ahayn inay noo dhoweeyaan Alle dhowaansho. Alle baa ku kala xukumi dhexdooda waxay isku khilaafsan yihiin. Alle ma hanuuniyo been badne, gaalnimo badan.
Sharaxa hoose
[1] Diinta uu Alle aqbalo waa diinta Islaamka ee daahirka ah, ee aan Alle lala wadaajin cidna cibaadada iyo adeecidda iyo maxabbada. -
لَّوْ أَرَادَ ٱللَّهُ أَن يَتَّخِذَ وَلَدًا لَّٱصْطَفَىٰ مِمَّا يَخْلُقُ مَا يَشَآءُ ۚ سُبْحَـٰنَهُۥ ۖ هُوَ ٱللَّهُ ٱلْوَٰحِدُ ٱلْقَهَّارُ٤
Law arada Allahu an yattakhitha waladan laistafa mimma yakhluqu ma yashao subhanahu huwa Allahu alwahidu alqahharu
Hadduu doono Alle inuu yeesho wiil (siday leeyihiin gaalada) wuxuu ka dooran lahaa wuxuu abuuray wuxuu doono. Xurmo oo dhan Isagaa leh oo ka hufan (xumaan). Waa Allaah, Waaxidka Keliga ah, Sandulleeyaha (daalimiinta iyo isla weynayaasha).
-
خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ بِٱلْحَقِّ ۖ يُكَوِّرُ ٱلَّيْلَ عَلَى ٱلنَّهَارِ وَيُكَوِّرُ ٱلنَّهَارَ عَلَى ٱلَّيْلِ ۖ وَسَخَّرَ ٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ ۖ كُلٌّ يَجْرِى لِأَجَلٍ مُّسَمًّى ۗ أَلَا هُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْغَفَّـٰرُ٥
Khalaqa alssamawati waalarda bialhaqqi yukawwiru allayla ʿala alnnahari wayukawwiru alnnahara ʿala allayli wasakhkhara alshshamsa waalqamara kullun yajree liajalin musamman ala huwa alʿazeezu alghaffaru
Wuxuu ku abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Wuxuu habeenka ku daboolaa maalinta, maalintana ku daboolaa habeenka. Wuxuuna layliyay qorraxda iyo dayaxa. Mid walbaa wuxuu ku socdaa muddo magacaaban. Ogaada Alle waa Adkaadaha Sare, Denbi Dhaafka Badan.
-
خَلَقَكُم مِّن نَّفْسٍ وَٰحِدَةٍ ثُمَّ جَعَلَ مِنْهَا زَوْجَهَا وَأَنزَلَ لَكُم مِّنَ ٱلْأَنْعَـٰمِ ثَمَـٰنِيَةَ أَزْوَٰجٍ ۚ يَخْلُقُكُمْ فِى بُطُونِ أُمَّهَـٰتِكُمْ خَلْقًا مِّنۢ بَعْدِ خَلْقٍ فِى ظُلُمَـٰتٍ ثَلَـٰثٍ ۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمْ لَهُ ٱلْمُلْكُ ۖ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ فَأَنَّىٰ تُصْرَفُونَ٦
Khalaqakum min nafsin wahidatin thumma jaʿala minha zawjaha waanzala lakum mina alanʿami thamaniyata azwajin yakhluqukum fee butooni ommahatikum khalqan min baʿdi khalqin fee thulumatin thalathin thalikumu Allahu rabbukum lahu almulku la ilaha illa huwa faanna tusrafoona
Wuxuu idinka abuuray naf keliya (Aadam) kaddib ka yeelay (abuuray) lammaankiisa (Xawwaa) xaggeeda. Wuxuuna idiin soo dejiyey xoolaha siddeed nooc. Wuxuu idinku abuuraa uurarka hooyooyinkiin abuuris ka dambeysa abuuris saddex mugdi1 dhexdood, kaas waa Allaah - Rabbigiin. Isagaa leh Boqortooyada (runta ah). Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Ee xagee baa la idiinka iilay?
Sharaxa hoose
[1] Seddexdaa mugdi waa mugdiga caloosha, mugdiga riximka, iyo mugdiga xuubka ku dahaaran riximka. -
إِن تَكْفُرُوا۟ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَنِىٌّ عَنكُمْ ۖ وَلَا يَرْضَىٰ لِعِبَادِهِ ٱلْكُفْرَ ۖ وَإِن تَشْكُرُوا۟ يَرْضَهُ لَكُمْ ۗ وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزْرَ أُخْرَىٰ ۗ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُم مَّرْجِعُكُمْ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ ۚ إِنَّهُۥ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ٧
In takfuroo fainna Allaha ghaniyyun ʿankum wala yarda liʿibadihi alkufra wain tashkuroo yardahu lakum wala taziru waziratun wizra okhra thumma ila rabbikum marjiʿukum fayunabbiokum bima kuntum taʿmaloona innahu ʿaleemun bithati alssudoori
Haddaad gaalowdaan (dadow), Allaah waa idinka deeqtoon yahay, ugamana raalli aha addoomahiisa gaalnimo. Haddaad ku mahdisaanna wuu idinka raalli noqon. Nafnana naf kale denbigeeda ma qaaddo. Waana xagga Rabbigiin meel noqodkiinnu, markaasuu idiin sheegi waxaad fali jirteen. (Alle) Wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka).
-
۞ وَإِذَا مَسَّ ٱلْإِنسَـٰنَ ضُرٌّ دَعَا رَبَّهُۥ مُنِيبًا إِلَيْهِ ثُمَّ إِذَا خَوَّلَهُۥ نِعْمَةً مِّنْهُ نَسِىَ مَا كَانَ يَدْعُوٓا۟ إِلَيْهِ مِن قَبْلُ وَجَعَلَ لِلَّهِ أَندَادًا لِّيُضِلَّ عَن سَبِيلِهِۦ ۚ قُلْ تَمَتَّعْ بِكُفْرِكَ قَلِيلًا ۖ إِنَّكَ مِنْ أَصْحَـٰبِ ٱلنَّارِ٨
Waitha massa alinsana durrun daʿa rabbahu muneeban ilayhi thumma itha khawwalahu niʿmatan minhu nasiya ma kana yadʿoo ilayhi min qablu wajaʿala lillahi andadan liyudilla ʿan sabeelihi qul tamattaʿ bikufrika qaleelan innaka min ashabi alnnari
Markay dhibi taabato aadmiga wuxuu baryaa Rabbigiis (Alle Keliya) isagoo badiya u noqodka Xaggiisa (tawbad keen ah), markase uu siiyo nicmo Xaggiisa ah, waa halmaamaa wuxuu ka baryey kal hore, wuxuuna u yeelaa shariigyo, si uu (u lumo oo aadmigana) uga lumiyo Jidkiisa. Dheh: Ku raaxeyso gaalnimadaada wax yar1, waxaad xaqiiq ka mid tahay ehlu Naarka.
Sharaxa hoose
[1] Arrinkan waa ogeysiin cadhada uu Alle u qabo mushrikiinta inkiraaddooda baaqa Towxiidka darti, waa gooddin adag. -
أَمَّنْ هُوَ قَـٰنِتٌ ءَانَآءَ ٱلَّيْلِ سَاجِدًا وَقَآئِمًا يَحْذَرُ ٱلْـَٔاخِرَةَ وَيَرْجُوا۟ رَحْمَةَ رَبِّهِۦ ۗ قُلْ هَلْ يَسْتَوِى ٱلَّذِينَ يَعْلَمُونَ وَٱلَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ ۗ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُو۟لُوا۟ ٱلْأَلْبَـٰبِ٩
Amman huwa qanitun anaa allayli sajidan waqaiman yahtharu alakhirata wayarjoo rahmata rabbihi qul hal yastawee allatheena yaʿlamoona waallatheena la yaʿlamoona innama yatathakkaru oloo alalbabi
Ma mid daacad ah tukada saacado habeenka ah isagoo sujuudsan oo taagan, ka digtoon Aakhirada oo rajeeya Naxariista Rabbigiis (miyaa la mid ah mid aan sidaasi ahayn)!? Dheh: Miyey kuwa wax og iyo kuwa aan waxba ogeyn siman yihiin? Waxaa sideedaba waantooba keliya kuwa wax garadka ah.
-
قُلْ يَـٰعِبَادِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱتَّقُوا۟ رَبَّكُمْ ۚ لِلَّذِينَ أَحْسَنُوا۟ فِى هَـٰذِهِ ٱلدُّنْيَا حَسَنَةٌ ۗ وَأَرْضُ ٱللَّهِ وَٰسِعَةٌ ۗ إِنَّمَا يُوَفَّى ٱلصَّـٰبِرُونَ أَجْرَهُم بِغَيْرِ حِسَابٍ١٠
Qul ya ʿibadi allatheena amanoo ittaqoo rabbakum lillatheena ahsanoo fee hathihi alddunya hasanatun waardu Allahi wasiʿatun innama yuwaffa alssabiroona ajrahum bighayri hisabin
Dheh: Addoommahayga (Xaqa) rumeeyow, Dhowra (xilkuu idin saaray) Rabbigiin, kuwa sama fala adduunyadan, (abaalkooda) waa samaan, arlada AIlena waa waasic (ee ku caabuda Isagoo Keliya). Waxaa uun loo oofiyaa kuwa samra Abaalkooda si dhan xisaab la’aan.
-
قُلْ إِنِّىٓ أُمِرْتُ أَنْ أَعْبُدَ ٱللَّهَ مُخْلِصًا لَّهُ ٱلدِّينَ١١
Qul innee omirtu an aʿbuda Allaha mukhlisan lahu alddeena
Dheh: Waxaa la i amray inaan caabudo Alle Keliya anigoo u daacad ah aan waxba la wadaajineyn cibaadada.
-
وَأُمِرْتُ لِأَنْ أَكُونَ أَوَّلَ ٱلْمُسْلِمِينَ١٢
Waomirtu lian akoona awwala almuslimeena
Oo waxaa la i amray inaan ahaado kan ugu horreeya Muslimiinta (isu dhiiba Alle).
-
قُلْ إِنِّىٓ أَخَافُ إِنْ عَصَيْتُ رَبِّى عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ١٣
Qul innee akhafu in ʿasaytu rabbee ʿathaba yawmin ʿatheemin
Dheh: Waxaan ka cabsan haddaan ku caasiyo Rabbigey Cadaab Maalin weyn.
-
قُلِ ٱللَّهَ أَعْبُدُ مُخْلِصًا لَّهُۥ دِينِى١٤
Quli Allaha aʿbudu mukhlisan lahu deenee
Dheh: Alle keliyaan caabudi anigoo u daacad ah waxbana la wadaajin cibaadada.
-
فَٱعْبُدُوا۟ مَا شِئْتُم مِّن دُونِهِۦ ۗ قُلْ إِنَّ ٱلْخَـٰسِرِينَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ وَأَهْلِيهِمْ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۗ أَلَا ذَٰلِكَ هُوَ ٱلْخُسْرَانُ ٱلْمُبِينُ١٥
Faoʿbudoo ma shitum min doonihi qul inna alkhasireena allatheena khasiroo anfusahum waahleehim yawma alqiyamati ala thalika huwa alkhusranu almubeenu
Ee caabuda idinku waxaad doontaan Isaga sokadi. Dheh: Khasaare qabaayaasha waa kuwa khaasari nafahooda iyo ehelkoodaba Maalinta Qiyaamaha; ogaada, kaasi weeye khasaaraha cad.
-
لَهُم مِّن فَوْقِهِمْ ظُلَلٌ مِّنَ ٱلنَّارِ وَمِن تَحْتِهِمْ ظُلَلٌ ۚ ذَٰلِكَ يُخَوِّفُ ٱللَّهُ بِهِۦ عِبَادَهُۥ ۚ يَـٰعِبَادِ فَٱتَّقُونِ١٦
Lahum min fawqihim thulalun mina alnnari wamin tahtihim thulalun thalika yukhawwifu Allahu bihi ʿibadahu ya ʿibadi faittaqooni
Waxay mudan daboollo dab Naar ah korkooda, iyo daboollo Naar ah hoostooda. Arrinkaasi waa waxa uu Alle ku cabsi geliyo addoomahiisa ee addoomahaygow iga cabsada (iskana jira xumaha).
-
وَٱلَّذِينَ ٱجْتَنَبُوا۟ ٱلطَّـٰغُوتَ أَن يَعْبُدُوهَا وَأَنَابُوٓا۟ إِلَى ٱللَّهِ لَهُمُ ٱلْبُشْرَىٰ ۚ فَبَشِّرْ عِبَادِ١٧
Waallatheena ijtanaboo alttaghoota an yaʿbudooha waanaboo ila Allahi lahumu albushra fabashshir ʿibadi
Kuwa ka fogaada inay caabudaan Daaquut 'ilaahyada beenta'1 oo u laabta Allaah (iyagoo tawbad keen ah), waxay leeyihiin bishaaro; ee u bishaaree addoomahayga.
Sharaxa hoose
[1] Daaquut waxaa loola jeedaa shaydaanka, ama wax kastoo la caabudo Alle sokadi iyagoo ku raalli ah caabudiddaas. -
ٱلَّذِينَ يَسْتَمِعُونَ ٱلْقَوْلَ فَيَتَّبِعُونَ أَحْسَنَهُۥٓ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ هَدَىٰهُمُ ٱللَّهُ ۖ وَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمْ أُو۟لُوا۟ ٱلْأَلْبَـٰبِ١٨
Allatheena yastamiʿoona alqawla fayattabiʿoona ahsanahu olaika allatheena hadahumu Allahu waolaika hum oloo alalbabi
Kuwa dhegaysta hadalka waanada ah oo raaca kiisa u fiican1, kuwaa weeye (kuwa) uu Alle hanuunshay, waana kuwaa kuwa wax garadka ah.
Sharaxa hoose
[1] Waa kuwa markay maqlaan samaan iyo xumaan, ka warrama samaanta , kana taga hadalka kiisa xun oo aan ka sheekeynin. Hadal la raacana waxaa u wanaagsan hadalka Alle oo ah Qur’aanka iyo kan Rasuulkiisa (Sunnada Nabiga scw). -
أَفَمَنْ حَقَّ عَلَيْهِ كَلِمَةُ ٱلْعَذَابِ أَفَأَنتَ تُنقِذُ مَن فِى ٱلنَّارِ١٩
Afaman haqqa ʿalayhi kalimatu alʿathabi afaanta tunqithu man fee alnnari
Ma mid ay u waajibtay kelmedda cadaabka. Ma adigaa (Nabiyow) badbaadin kara mid geli Naarta.
-
لَـٰكِنِ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوْا۟ رَبَّهُمْ لَهُمْ غُرَفٌ مِّن فَوْقِهَا غُرَفٌ مَّبْنِيَّةٌ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ ۖ وَعْدَ ٱللَّهِ ۖ لَا يُخْلِفُ ٱللَّهُ ٱلْمِيعَادَ٢٠
Lakini allatheena ittaqaw rabbahum lahum ghurafun min fawqiha ghurafun mabniyyatun tajree min tahtiha alanharu waʿda Allahi la yukhlifu Allahu almeeʿada
Kuwase ka cabsada Rabbigood (oo ka dhowrsada xumaha) waxay leeyihiin dabaqyo sare ay ka korreeyaan dabaqyo kale loo dhisay (iyaga), oo ay webiyadu hoos qulqulaan; (Kani waa) Ballan Alle, Alle marnaba kama baxo Ballankiisa.
-
أَلَمْ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَسَلَكَهُۥ يَنَـٰبِيعَ فِى ٱلْأَرْضِ ثُمَّ يُخْرِجُ بِهِۦ زَرْعًا مُّخْتَلِفًا أَلْوَٰنُهُۥ ثُمَّ يَهِيجُ فَتَرَىٰهُ مُصْفَرًّا ثُمَّ يَجْعَلُهُۥ حُطَـٰمًا ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَذِكْرَىٰ لِأُو۟لِى ٱلْأَلْبَـٰبِ٢١
Alam tara anna Allaha anzala mina alssamai maan fasalakahu yanabeeʿa fee alardi thumma yukhriju bihi zarʿan mukhtalifan alwanuhu thumma yaheeju fatarahu musfarran thumma yajʿaluhu hutaman inna fee thalika lathikra liolee alalbabi
Miyaadan arag inuu Alle ka soo dejiyo biyo (roob) daruuraha, haddana ka yeelo inay ku socdaan dhulka iyagoo ilo ah, markaas uu ku soo bixiyo dhir kala midab ah, haddana qallalaan sidaas darteed waxaad aragtaa isagoo caddaaday oo cawlan, haddana Wuxuu ka dhigaa wax baabba’ay oo u burburay gaballo? Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan waano dadka wax garadka ah.
-
أَفَمَن شَرَحَ ٱللَّهُ صَدْرَهُۥ لِلْإِسْلَـٰمِ فَهُوَ عَلَىٰ نُورٍ مِّن رَّبِّهِۦ ۚ فَوَيْلٌ لِّلْقَـٰسِيَةِ قُلُوبُهُم مِّن ذِكْرِ ٱللَّهِ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ فِى ضَلَـٰلٍ مُّبِينٍ٢٢
Afaman sharaha Allahu sadrahu lilislami fahuwa ʿala noorin min rabbihi fawaylun lilqasiyati quloobuhum min thikri Allahi olaika fee dalalin mubeenin
Ma mid uu qalbigiisa Alle u furay islaamka sidaas darteed ku sugan Nuur xagga Rabbigi ah (baa la mid ah mid qalbi adag)? Waxaa hoog leh kuwa ay qalbiyadoodu ay yihiin adeyg xagga Xusidda Alle. Kuwaasu waxay ku sugan yihiin habow cad.
-
ٱللَّهُ نَزَّلَ أَحْسَنَ ٱلْحَدِيثِ كِتَـٰبًا مُّتَشَـٰبِهًا مَّثَانِىَ تَقْشَعِرُّ مِنْهُ جُلُودُ ٱلَّذِينَ يَخْشَوْنَ رَبَّهُمْ ثُمَّ تَلِينُ جُلُودُهُمْ وَقُلُوبُهُمْ إِلَىٰ ذِكْرِ ٱللَّهِ ۚ ذَٰلِكَ هُدَى ٱللَّهِ يَهْدِى بِهِۦ مَن يَشَآءُ ۚ وَمَن يُضْلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِنْ هَادٍ٢٣
Allahu nazzala ahsana alhadeethi kitaban mutashabihan mathaniya taqshaʿirru minhu juloodu allatheena yakhshawna rabbahum thumma taleenu julooduhum waquloobuhum ila thikri Allahi thalika huda Allahi yahdee bihi man yashao waman yudlili Allahu fama lahu min hadin
Alle wuxuu soo dejiyey hadal kan u fiican, Kitaab qaybahiisu isu eg yihiin oo soo noqnoqda1, ay la jiriiricoodaan dubabka kuwa ka baqa Rabbigood. markaasay dubabkooda iyo qalbiyadoodu u jilcaan Xuska Alle (Qur'aanka iyo Sunnada Rasuulkiisa). Kaasi waa hanuunka Alle. Wuxuu ku hanuuniyaa cidduu doono, qofkuu Alle lumiyaana ma leh cid hanuunin.
Sharaxa hoose
[1] Axkaanta, cilmiga, qisooyinka, iwm waa lagu soo celceliyaa Qur’aanka gudahi si loogu cibrad iyo waano qaato oo dadka u saameyso. -
أَفَمَن يَتَّقِى بِوَجْهِهِۦ سُوٓءَ ٱلْعَذَابِ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۚ وَقِيلَ لِلظَّـٰلِمِينَ ذُوقُوا۟ مَا كُنتُمْ تَكْسِبُونَ٢٤
Afaman yattaqee biwajhihi sooa alʿathabi yawma alqiyamati waqeela lilththalimeena thooqoo ma kuntum taksiboona
Ma mid kaga gabbada wejigiisa1 cadaabka xun Maalinta Qiyaamaha (baa la mid ah mid aan sidaas ahayn) waxaana lagu odhan daalimiinta: Dhadhamiya waxa aad kasbateen (oo denbiyo ah).
Sharaxa hoose
[1] Halkii gacmahiisa, oo markaasi ku xirnaan doono luquntiisa. -
كَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ فَأَتَىٰهُمُ ٱلْعَذَابُ مِنْ حَيْثُ لَا يَشْعُرُونَ٢٥
Kaththaba allatheena min qablihim faatahumu alʿathabu min haythu la yashʿuroona
Waxaa beeniyey (Xaqa) kuwii ka horreeyey (gaaladan), wuxuuna uga yimid cadaabku meelo aysan dreemeyn.
-
فَأَذَاقَهُمُ ٱللَّهُ ٱلْخِزْىَ فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا ۖ وَلَعَذَابُ ٱلْـَٔاخِرَةِ أَكْبَرُ ۚ لَوْ كَانُوا۟ يَعْلَمُونَ٢٦
Faathaqahumu Allahu alkhizya fee alhayati alddunya walaʿathabu alakhirati akbaru law kanoo yaʿlamoona
Markaasuu Alle ku dhadhansiiyey dulli noloshan adduunka, cadaabka Aakhiraana ka sii weyn; hadday ogaan lahaayen.
-
وَلَقَدْ ضَرَبْنَا لِلنَّاسِ فِى هَـٰذَا ٱلْقُرْءَانِ مِن كُلِّ مَثَلٍ لَّعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ٢٧
Walaqad darabna lilnnasi fee hatha alqurani min kulli mathalin laʿallahum yatathakkaroona
Waxaan dhab ahaan ugu soo qaadannay dadka Qur'aankan dhexdi tusaale nooc kasta leh inay waantoobaan.
-
قُرْءَانًا عَرَبِيًّا غَيْرَ ذِى عِوَجٍ لَّعَلَّهُمْ يَتَّقُونَ٢٨
Quranan ʿarabiyyan ghayra thee ʿiwajin laʿallahum yattaqoona
Qur’aan af Carabi ah, aan wax qallooc ahi lahayn1, si ay (xumaha uga) dhowrsadaan (oo Alle u hoggaansamaan).
Sharaxa hoose
[1] Aan lahayn wax ka weecasho ah xaqa. -
ضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلًا رَّجُلًا فِيهِ شُرَكَآءُ مُتَشَـٰكِسُونَ وَرَجُلًا سَلَمًا لِّرَجُلٍ هَلْ يَسْتَوِيَانِ مَثَلًا ۚ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ۚ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْلَمُونَ٢٩
Daraba Allahu mathalan rajulan feehi shurakao mutashakisoona warajulan salaman lirajulin hal yastawiyani mathalan alhamdu lillahi bal aktharuhum la yaʿlamoona
Allaah wuxuu soo qaataa tusaale: addoon ay wadaagaan niman badan oo is khilaaafsan, iyo addoon kale oo gebigiba uu wada leeyahay hal nin. Miyey labadaasu isku mid yihiin xaal ahaan? Ammaan oo dhan iyo mahad waxaa leh Allaah, badankooduse ma oga.
-
إِنَّكَ مَيِّتٌ وَإِنَّهُم مَّيِّتُونَ٣٠
Innaka mayyitun wainnahum mayyitoona
Hubaal waad dhiman, iyaguna (sidoo kale) way dhiman.
-
ثُمَّ إِنَّكُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ عِندَ رَبِّكُمْ تَخْتَصِمُونَ٣١
Thumma innakum yawma alqiyamati ʿinda rabbikum takhtasimoona
Maalinta Qiyaamahana waxaad hubaal ku doodeysaan Rabbigiin horti.
-
۞ فَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّن كَذَبَ عَلَى ٱللَّهِ وَكَذَّبَ بِٱلصِّدْقِ إِذْ جَآءَهُۥٓ ۚ أَلَيْسَ فِى جَهَنَّمَ مَثْوًى لِّلْكَـٰفِرِينَ٣٢
Faman athlamu mimman kathaba ʿala Allahi wakaththaba bialssidqi ith jaahu alaysa fee jahannama mathwan lilkafireena
Yaa ka dulmi badan kan ka been sheega Alle (oo yidhaahda wuxuu leeyahay shuruko ama ilmo), oo beeniya Xaqa (Qur’aanka) markuu u yimid, miyaanay ugu sugneyn Naarta hoy gaalada?
-
وَٱلَّذِى جَآءَ بِٱلصِّدْقِ وَصَدَّقَ بِهِۦٓ ۙ أُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُتَّقُونَ٣٣
Waallathee jaa bialssidqi wasaddaqa bihi olaika humu almuttaqoona
Kan se la yimid Runta (Nabi Muxammad) iyo (kan) rumeeyey, kuwaa weeye kuwa (xumaha ka) dhowrsada (ee Alle u hoggaansan).
-
لَهُم مَّا يَشَآءُونَ عِندَ رَبِّهِمْ ۚ ذَٰلِكَ جَزَآءُ ٱلْمُحْسِنِينَ٣٤
Lahum ma yashaoona ʿinda rabbihim thalika jazao almuhsineena
Waxay leeyihiin waxay doonaan Rabbigood agtiisa; kaasi waa abaalgudka sama falayaasha.
-
لِيُكَفِّرَ ٱللَّهُ عَنْهُمْ أَسْوَأَ ٱلَّذِى عَمِلُوا۟ وَيَجْزِيَهُمْ أَجْرَهُم بِأَحْسَنِ ٱلَّذِى كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ٣٥
Liyukaffira Allahu ʿanhum aswaa allathee ʿamiloo wayajziyahum ajrahum biahsani allathee kanoo yaʿmaloona
Si uu Alle ugu asturo wixii xumaa ay faleen, oo u siiyo ajarkooda si waafaqsan waxa u wanaagsan ay falaan.
-
أَلَيْسَ ٱللَّهُ بِكَافٍ عَبْدَهُۥ ۖ وَيُخَوِّفُونَكَ بِٱلَّذِينَ مِن دُونِهِۦ ۚ وَمَن يُضْلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِنْ هَادٍ٣٦
Alaysa Allahu bikafin ʿabdahu wayukhawwifoonaka biallatheena min doonihi waman yudlili Allahu fama lahu min hadin
Miyuusan Alle ahayn mid ku Filan addoonkiisa? Waxayna kugu cabsi geliyaan kuwa ay sokadi (caabudaan). Qofkuu Alle lumiyo, ma leh wax hanuunin.
-
وَمَن يَهْدِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِن مُّضِلٍّ ۗ أَلَيْسَ ٱللَّهُ بِعَزِيزٍ ذِى ٱنتِقَامٍ٣٧
Waman yahdi Allahu fama lahu min mudillin alaysa Allahu biʿazeezin thee intiqamin
Qofkuu hanuuniyona ma jiro wax lumin kara. Miyuusan Alle ahayn Adkaade, Aargudasho leh?
-
وَلَئِن سَأَلْتَهُم مَّنْ خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُ ۚ قُلْ أَفَرَءَيْتُم مَّا تَدْعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ إِنْ أَرَادَنِىَ ٱللَّهُ بِضُرٍّ هَلْ هُنَّ كَـٰشِفَـٰتُ ضُرِّهِۦٓ أَوْ أَرَادَنِى بِرَحْمَةٍ هَلْ هُنَّ مُمْسِكَـٰتُ رَحْمَتِهِۦ ۚ قُلْ حَسْبِىَ ٱللَّهُ ۖ عَلَيْهِ يَتَوَكَّلُ ٱلْمُتَوَكِّلُونَ٣٨
Walain saaltahum man khalaqa alssamawati waalarda layaqoolunna Allahu qul afaraaytum ma tadʿoona min dooni Allahi in aradaniya Allahu bidurrin hal hunna kashifatu durrihi aw aradanee birahmatin hal hunna mumsikatu rahmatihi qul hasbiya Allahu ʿalayhi yatawakkalu almutawakkiloona
Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay odhan: Alle. Dheh: Bal ka warrama waxa aad caabuddaan Alle sokadi - hadduu Alle ila maago dhib, miyey yihiin kuwa faydi kara dhibkiisa? ama hadduu ila maago Naxariis, miyey yihiin kuwa celin kara Naxariistiisa? Dheh: Alle baa igu Filan, Isagay tala saartaan kuwa tala saarta ee ku kalsoon.
-
قُلْ يَـٰقَوْمِ ٱعْمَلُوا۟ عَلَىٰ مَكَانَتِكُمْ إِنِّى عَـٰمِلٌ ۖ فَسَوْفَ تَعْلَمُونَ٣٩
Qul ya qawmi iʿmaloo ʿala makanatikum innee ʿamilun fasawfa taʿlamoona
Dheh: Dadkaygiiyow! U camal fasha sidiinnaas, anna waan camal fali, waadse ogaan doontaan.
-
مَن يَأْتِيهِ عَذَابٌ يُخْزِيهِ وَيَحِلُّ عَلَيْهِ عَذَابٌ مُّقِيمٌ٤٠
Man yateehi ʿathabun yukhzeehi wayahillu ʿalayhi ʿathabun muqeemun
Waa kee kan ay u iman cadaab dulleysa iyo kan ay ku dhici cadaab ma guuraan ah.
-
إِنَّآ أَنزَلْنَا عَلَيْكَ ٱلْكِتَـٰبَ لِلنَّاسِ بِٱلْحَقِّ ۖ فَمَنِ ٱهْتَدَىٰ فَلِنَفْسِهِۦ ۖ وَمَن ضَلَّ فَإِنَّمَا يَضِلُّ عَلَيْهَا ۖ وَمَآ أَنتَ عَلَيْهِم بِوَكِيلٍ٤١
Inna anzalna ʿalayka alkitaba lilnnasi bialhaqqi famani ihtada falinafsihi waman dalla fainnama yadillu ʿalayha wama anta ʿalayhim biwakeelin
Xaqiiq, waxaan kuugu soo dejinnay Kitaabka (Qur’aanka) dadka darti si Xaq ah. Qofkii hanuuna waxay dan u tahay naftiisa, qofkii lumaana isaga uun bay ka go’an tahay lumitaankiisa, adiguna ma tihid mid xil kaa saaran yahay oo wakiil ka ah.
-
ٱللَّهُ يَتَوَفَّى ٱلْأَنفُسَ حِينَ مَوْتِهَا وَٱلَّتِى لَمْ تَمُتْ فِى مَنَامِهَا ۖ فَيُمْسِكُ ٱلَّتِى قَضَىٰ عَلَيْهَا ٱلْمَوْتَ وَيُرْسِلُ ٱلْأُخْرَىٰٓ إِلَىٰٓ أَجَلٍ مُّسَمًّى ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ٤٢
Allahu yatawaffa alanfusa heena mawtiha waallatee lam tamut fee manamiha fayumsiku allatee qada ʿalayha almawta wayursilu alokhra ila ajalin musamman inna fee thalika laayatin liqawmin yatafakkaroona
Alle baa oofsada nafaha waqtiga dhimashadooda, iyo kuwaas aan dhiman intay ku jiraan hurdadooda. Wuxuu hayn tii uu ku xukumay dhimashada, wuxuuna soo diri tii kale ilaa iyo muddo magacaaban. Waxaa arrinkaasi ugu sugan calaamooyin ciddii fikireysa.
-
أَمِ ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِ ٱللَّهِ شُفَعَآءَ ۚ قُلْ أَوَلَوْ كَانُوا۟ لَا يَمْلِكُونَ شَيْـًٔا وَلَا يَعْقِلُونَ٤٣
Ami ittakhathoo min dooni Allahi shufaʿaa qul awalaw kanoo la yamlikoona shayan wala yaʿqiloona
Mise ma waxay yeesheen shafeecayaal Alle sokadi? Dheh: Ma xitaa haddayna wax hananeyn, waxnana garaneyn?
-
قُل لِّلَّهِ ٱلشَّفَـٰعَةُ جَمِيعًا ۖ لَّهُۥ مُلْكُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۖ ثُمَّ إِلَيْهِ تُرْجَعُونَ٤٤
Qul lillahi alshshafaʿatu jameeʿan lahu mulku alssamawati waalardi thumma ilayhi turjaʿoona
Dheh: Allaah baa iska leh shafeeco oo dhan; Isagaa leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, Xaggiisaana la idiin soo celin.
-
وَإِذَا ذُكِرَ ٱللَّهُ وَحْدَهُ ٱشْمَأَزَّتْ قُلُوبُ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱلْـَٔاخِرَةِ ۖ وَإِذَا ذُكِرَ ٱلَّذِينَ مِن دُونِهِۦٓ إِذَا هُمْ يَسْتَبْشِرُونَ٤٥
Waitha thukira Allahu wahdahu ishmaazzat quloobu allatheena la yuminoona bialakhirati waitha thukira allatheena min doonihi itha hum yastabshiroona
Marka Alle Keliya la xuso, quluubta kuwa aan rumeysneyn Aakhirada way qaloodaan, markase la xuso kuwa ay sokadi (caabudaan), markaasay farxaan.
-
قُلِ ٱللَّهُمَّ فَاطِرَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ عَـٰلِمَ ٱلْغَيْبِ وَٱلشَّهَـٰدَةِ أَنتَ تَحْكُمُ بَيْنَ عِبَادِكَ فِى مَا كَانُوا۟ فِيهِ يَخْتَلِفُونَ٤٦
Quli allahumma fatira alssamawati waalardi ʿalima alghaybi waalshshahadati anta tahkumu bayna ʿibadika fee ma kanoo feehi yakhtalifoona
Dheh: Allahayow, uumaha cirarka iyo dhulkow, Ogsoonaha waxa qarsoon iyo waxa muuqdow. Adiga (Keliyaa) u kala garsoori addoomahaaga waxay isku khilaafaan.
-
وَلَوْ أَنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ مَا فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًا وَمِثْلَهُۥ مَعَهُۥ لَٱفْتَدَوْا۟ بِهِۦ مِن سُوٓءِ ٱلْعَذَابِ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۚ وَبَدَا لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ مَا لَمْ يَكُونُوا۟ يَحْتَسِبُونَ٤٧
Walaw anna lillatheena thalamoo ma fee alardi jameeʿan wamithlahu maʿahu laiftadaw bihi min sooi alʿathabi yawma alqiyamati wabada lahum mina Allahi ma lam yakoonoo yahtasiboona
Haddii kuwa dulmiga (shirkiga iyo macaasida) fala ay lahaan lahaayeen waxa yaal dhulka oo dhan iyo wax le’eg oo wehliya way iskaga furan lahaayeen xumaanta cadaabka Maalinta Qiyaamaha; waxaana uga muuqan xagga Alle wax aysan marnaba maleysanaynin1.
Sharaxa hoose
[1] Aanay fileyn oo ah Cadhadiisa iyo Ciqaabkiisa. -
وَبَدَا لَهُمْ سَيِّـَٔاتُ مَا كَسَبُوا۟ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ٤٨
Wabada lahum sayyiatu ma kasaboo wahaqa bihim ma kanoo bihi yastahzioona
Waxaana u muuqan (ciqaabka) xumaantay kasbadeen, oo waxaa ku dhici waxay ku jees-jeesi jireen (oo cadaab ah).
-
فَإِذَا مَسَّ ٱلْإِنسَـٰنَ ضُرٌّ دَعَانَا ثُمَّ إِذَا خَوَّلْنَـٰهُ نِعْمَةً مِّنَّا قَالَ إِنَّمَآ أُوتِيتُهُۥ عَلَىٰ عِلْمٍۭ ۚ بَلْ هِىَ فِتْنَةٌ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ٤٩
Faitha massa alinsana durrun daʿana thumma itha khawwalnahu niʿmatan minna qala innama ooteetuhu ʿala ʿilmin bal hiya fitnatun walakinna aktharahum la yaʿlamoona
Markuu dhib taabato Aadmiga, wuu na baryaa, markaanse siinno nicmo Xaggayaga ah wuxuu yidhaahdaa: Wax kale ma’ahee’ waxaa uun laygu siiyey aqoonta (aan u leeyahay jidadka lagu helo), mayee’ waa imtixaan, badankooduse ma oga.
-
قَدْ قَالَهَا ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ فَمَآ أَغْنَىٰ عَنْهُم مَّا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ٥٠
Qad qalaha allatheena min qablihim fama aghna ʿanhum ma kanoo yaksiboona
Kuwii ka horreeyey baa sidaas yidhi, waxbase uma tarin waxay kasbadeen.
-
فَأَصَابَهُمْ سَيِّـَٔاتُ مَا كَسَبُوا۟ ۚ وَٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ مِنْ هَـٰٓؤُلَآءِ سَيُصِيبُهُمْ سَيِّـَٔاتُ مَا كَسَبُوا۟ وَمَا هُم بِمُعْجِزِينَ٥١
Faasabahum sayyiatu ma kasaboo waallatheena thalamoo min haolai sayuseebuhum sayyiatu ma kasaboo wama hum bimuʿjizeena
Markaasaa waxaa ku dhacay xumaanta waxay kasbadeen; oo kuwaa fala dulmiga ee ka mid ah kuwani waxaa iyagana ku dhici doona xumaanta waxay kasbadaan, mana baxsan karaan1.
Sharaxa hoose
[1] Macnaha waa ma karaan inay ka joojiyaan Allaah inuu falo waxa uu doono ama inay ka fakadaan Ciqaabkiisa. -
أَوَلَمْ يَعْلَمُوٓا۟ أَنَّ ٱللَّهَ يَبْسُطُ ٱلرِّزْقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقْدِرُ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ٥٢
Awalam yaʿlamoo anna Allaha yabsutu alrrizqa liman yashao wayaqdiru inna fee thalika laayatin liqawmin yuminoona
Miyeyna ogeyn inuu Alle u fidiyo risiqa cidduu doono, oo ku cidhiidhiyo (cidduu doono). Arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumeyn.
-
۞ قُلْ يَـٰعِبَادِىَ ٱلَّذِينَ أَسْرَفُوا۟ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِمْ لَا تَقْنَطُوا۟ مِن رَّحْمَةِ ٱللَّهِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ يَغْفِرُ ٱلذُّنُوبَ جَمِيعًا ۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلْغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ٥٣
Qul ya ʿibadiya allatheena asrafoo ʿala anfusihim la taqnatoo min rahmati Allahi inna Allaha yaghfiru alththunooba jameeʿan innahu huwa alghafooru alrraheemu
Dheh: Addoomahaygow ku xad-gudbay nafahooda, ha ka quusannina Naxariista Alle. Alle wuu dhaafaa denbiyada oo dhan1. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
Sharaxa hoose
[1] Waa waxaan ahayn qofkii ku dhinta shirki ama gaalnimo. -
وَأَنِيبُوٓا۟ إِلَىٰ رَبِّكُمْ وَأَسْلِمُوا۟ لَهُۥ مِن قَبْلِ أَن يَأْتِيَكُمُ ٱلْعَذَابُ ثُمَّ لَا تُنصَرُونَ٥٤
Waaneeboo ila rabbikum waaslimoo lahu min qabli an yatiyakumu alʿathabu thumma la tunsaroona
Oo u noqda xagga Rabbigiin idinkoo tawbad keen ah, una hoggaansama ka hor intaanu idiin imaan cadaabku, markaasoo aan la idiin gargaareyn.
-
وَٱتَّبِعُوٓا۟ أَحْسَنَ مَآ أُنزِلَ إِلَيْكُم مِّن رَّبِّكُم مِّن قَبْلِ أَن يَأْتِيَكُمُ ٱلْعَذَابُ بَغْتَةً وَأَنتُمْ لَا تَشْعُرُونَ٥٥
Waittabiʿoo ahsana ma onzila ilaykum min rabbikum min qabli an yatiyakumu alʿathabu baghtatan waantum la tashʿuroona
Raaca kan wanaagga badan ee la idiinka soo dejiyey xagga Rabbigiin (Qur’aanka), ka hor intaanu kedis idiinku imaan cadaabku, idinkoon dareemeyn.
-
أَن تَقُولَ نَفْسٌ يَـٰحَسْرَتَىٰ عَلَىٰ مَا فَرَّطتُ فِى جَنۢبِ ٱللَّهِ وَإِن كُنتُ لَمِنَ ٱلسَّـٰخِرِينَ٥٦
An taqoola nafsun ya hasrata ʿala ma farrattu fee janbi Allahi wain kuntu lamina alssakhireena
Si ayan nafi u odhan1: Alla waxaan ku gabood falay oo ka gaabiyey caabudidda Alle, waxaana ka mid ahaa kuwa ku jees-jeesa (Xaqa).
Sharaxa hoose
[1] Maalinta Qiyaamaha -
أَوْ تَقُولَ لَوْ أَنَّ ٱللَّهَ هَدَىٰنِى لَكُنتُ مِنَ ٱلْمُتَّقِينَ٥٧
Aw taqoola law anna Allaha hadanee lakuntu mina almuttaqeena
Ama aysan odhan: Haddii Alle i hanuunin lahaa, waxaan ka mid ahaan lahaa kuwa ka dhowrsada (shirkiga iyo macaasida).
-
أَوْ تَقُولَ حِينَ تَرَى ٱلْعَذَابَ لَوْ أَنَّ لِى كَرَّةً فَأَكُونَ مِنَ ٱلْمُحْسِنِينَ٥٨
Aw taqoola heena tara alʿathaba law anna lee karratan faakoona mina almuhsineena
Ama aysan odhan markay aragto cadaabka: Haddaan heli lahaa hal noqosho oo keliya1 waxaan ka mid ahaan lahaa sama falayaasha.
Sharaxa hoose
[1] La i siiyo fursad aan dib ugu laabto adduunka waxaan fali lahaa camallo san. -
بَلَىٰ قَدْ جَآءَتْكَ ءَايَـٰتِى فَكَذَّبْتَ بِهَا وَٱسْتَكْبَرْتَ وَكُنتَ مِنَ ٱلْكَـٰفِرِينَ٥٩
Bala qad jaatka ayatee fakaththabta biha waistakbarta wakunta mina alkafireena
Haayoo, waxaa kuu yimid Aayadahayga waadse beenisay, oo is kibrisay, waxaadna ka mid ahayd gaalada.
-
وَيَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ تَرَى ٱلَّذِينَ كَذَبُوا۟ عَلَى ٱللَّهِ وُجُوهُهُم مُّسْوَدَّةٌ ۚ أَلَيْسَ فِى جَهَنَّمَ مَثْوًى لِّلْمُتَكَبِّرِينَ٦٠
Wayawma alqiyamati tara allatheena kathaboo ʿala Allahi wujoohuhum muswaddatun alaysa fee jahannama mathwan lilmutakabbireena
Maalinta Qiyaamana waxaad arki kuwii ka been sheegay Alle1 oo wejiyadoodu madow yihiin. Miyaanay ugu sugnaan Naarta hoy islaweynayaasha?
Sharaxa hoose
[1] Ee yidhi wuxuu leeyahay xaas ama ilmo ama shuruko. -
وَيُنَجِّى ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوْا۟ بِمَفَازَتِهِمْ لَا يَمَسُّهُمُ ٱلسُّوٓءُ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ٦١
Wayunajjee Allahu allatheena ittaqaw bimafazatihim la yamassuhumu alssooo wala hum yahzanoona
Wuxuuna Alle (ka) badbaadin (Naar) Kuwa (xumaha) iska jira liibaantooda darteed1, ma taabato xumaan, mana murugoodaan.
Sharaxa hoose
[1] Ay ku muteysteen Jannada. -
ٱللَّهُ خَـٰلِقُ كُلِّ شَىْءٍ ۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ وَكِيلٌ٦٢
Allahu khaliqu kulli shayin wahuwa ʿala kulli shayin wakeelun
Alle waa abuuraha wax walba, wax walbana Isagaa talada u haya oo maamula.
-
لَّهُۥ مَقَالِيدُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۗ وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِـَٔايَـٰتِ ٱللَّهِ أُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْخَـٰسِرُونَ٦٣
Lahu maqaleedu alssamawati waalardi waallatheena kafaroo biayati Allahi olaika humu alkhasiroona
Isagaa iska leh khaznadaha samooyinka iyo arlada. Kuwana ku gaalooba Aayadaha Alle, kuwaa weeye kuwa khasaaray.
-
قُلْ أَفَغَيْرَ ٱللَّهِ تَأْمُرُوٓنِّىٓ أَعْبُدُ أَيُّهَا ٱلْجَـٰهِلُونَ٦٤
Qul afaghayra Allahi tamuroonnee aʿbudu ayyuha aljahiloona
Dheh: Ma waxaan ahayn Alle baad i amreysaan inaan caabudo kuwiinaan jaahilka ahow?
-
وَلَقَدْ أُوحِىَ إِلَيْكَ وَإِلَى ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِكَ لَئِنْ أَشْرَكْتَ لَيَحْبَطَنَّ عَمَلُكَ وَلَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلْخَـٰسِرِينَ٦٥
Walaqad oohiya ilayka waila allatheena min qablika lain ashrakta layahbatanna ʿamaluka walatakoonanna mina alkhasireena
Waxaa dhab ahaan laguu waxyooday adiga (Nabiyow) iyo kuwii (anbiyadii) kaa horreeyey: Haddaad wax la wadaajiso Alle cibaadada, waxaa xaqiiq buraya camalkaaga, waxaadna xaqiiq ka mid noqon kuwa khasaaray.
-
بَلِ ٱللَّهَ فَٱعْبُدْ وَكُن مِّنَ ٱلشَّـٰكِرِينَ٦٦
Bali Allaha faoʿbud wakun mina alshshakireena
Ee Allaah Keliya uun caabud, kana mid ahow kuwa ku mahdiya.
-
وَمَا قَدَرُوا۟ ٱللَّهَ حَقَّ قَدْرِهِۦ وَٱلْأَرْضُ جَمِيعًا قَبْضَتُهُۥ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ وَٱلسَّمَـٰوَٰتُ مَطْوِيَّـٰتٌۢ بِيَمِينِهِۦ ۚ سُبْحَـٰنَهُۥ وَتَعَـٰلَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ٦٧
Wama qadaroo Allaha haqqa qadrihi waalardu jameeʿan qabdatuhu yawma alqiyamati waalssamawatu matwiyyatun biyameenihi subhanahu wataʿala ʿamma yushrikoona
Ma ayan qaddarin Alle qaddarinta uu mudan yahay1, isagoo dhulka oo dhammi ahaan Qabashadiisa Maalinta Qiyaamaha, samooyinkana ku duuban yihiin Gacantiisa Midig2. Xurmoo dhan Isagaa iska leh oo ka hufan (xumaan) waana ka sarreeyaa waxay la wadaajiyaan cibaadada.
Sharaxa hoose
[1] Waa ma ay tixgelin tilmaamahiisa wanaagga iyo quruxda badan. [2] Macnaha waa ma aha wax ka badan Sacabkiisa muggiis, oo sidaas bay u yar yihiin xagga Alle. -
وَنُفِخَ فِى ٱلصُّورِ فَصَعِقَ مَن فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَن فِى ٱلْأَرْضِ إِلَّا مَن شَآءَ ٱللَّهُ ۖ ثُمَّ نُفِخَ فِيهِ أُخْرَىٰ فَإِذَا هُمْ قِيَامٌ يَنظُرُونَ٦٨
Wanufikha fee alssoori fasaʿiqa man fee alssamawati waman fee alardi illa man shaa Allahu thumma nufikha feehi okhra faitha hum qiyamun yanthuroona
Waxaa la afuufi Buunka (Qiyaame), markaasay suuxi (dhiman) dhammaan waxa jooga samooyinka iyo dhammaan waxa jooga arlada kuu doono Alle maahee. Misna la afuufi mar kale, mise dadkii wayba taagan yihiin oo sugayaan (Xukunka Alle).
-
وَأَشْرَقَتِ ٱلْأَرْضُ بِنُورِ رَبِّهَا وَوُضِعَ ٱلْكِتَـٰبُ وَجِا۟ىٓءَ بِٱلنَّبِيِّـۧنَ وَٱلشُّهَدَآءِ وَقُضِىَ بَيْنَهُم بِٱلْحَقِّ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ٦٩
Waashraqati alardu binoori rabbiha wawudiʿa alkitabu wajeea bialnnabiyyeena waalshshuhadai waqudiya baynahum bialhaqqi wahum la yuthlamoona
Waxayna la ifi arlada Nuurka Rabbigeed, Kitaabka (camallada) baana la soo dhigi, waxaana la keeni Nabiyada iyo markhaatiyada, looguna kala garsoori (addoomaha Alle) dhexdooda si Xaq ah, iyagoon la dulmineyn.
-
وَوُفِّيَتْ كُلُّ نَفْسٍ مَّا عَمِلَتْ وَهُوَ أَعْلَمُ بِمَا يَفْعَلُونَ٧٠
Wawuffiyat kullu nafsin ma ʿamilat wahuwa aʿlamu bima yafʿaloona
Naf walbana waxaa loogu oofin si dhan waxay fashay; Isagaana (Alle) dhab u Ogsoon waxay camal falaan1.
Sharaxa hoose
[1] Waa wax uu aad u Ogsoon yahay, mana u baahna qoritaan iyo markhaati. -
وَسِيقَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ إِلَىٰ جَهَنَّمَ زُمَرًا ۖ حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءُوهَا فُتِحَتْ أَبْوَٰبُهَا وَقَالَ لَهُمْ خَزَنَتُهَآ أَلَمْ يَأْتِكُمْ رُسُلٌ مِّنكُمْ يَتْلُونَ عَلَيْكُمْ ءَايَـٰتِ رَبِّكُمْ وَيُنذِرُونَكُمْ لِقَآءَ يَوْمِكُمْ هَـٰذَا ۚ قَالُوا۟ بَلَىٰ وَلَـٰكِنْ حَقَّتْ كَلِمَةُ ٱلْعَذَابِ عَلَى ٱلْكَـٰفِرِينَ٧١
Waseeqa allatheena kafaroo ila jahannama zumaran hatta itha jaooha futihat abwabuha waqala lahum khazanatuha alam yatikum rusulun minkum yatloona ʿalaykum ayati rabbikum wayunthiroonakum liqaa yawmikum hatha qaloo bala walakin haqqat kalimatu alʿathabi ʿala alkafireena
Waxaana loo kaxeyn kuwii gaaloobay xagga Jahannama iyagoo rac-rac (wada jira) ah, markay yimaadaan (Naartana) waxaa la furaa Albaabbadeeda. Furahayeennadeeduna waxay ku odhan: Miyeyna idiin iman Rusul idinka mid ah oo idiin akhirayaya Aayaadka Rabbigiin, idiinkana digaya la kulanka Maalintiinnaan? Waxay odhan:Haah, waxaase ku rumowday Kelmedda cadaabka gaalada dushooda.
-
قِيلَ ٱدْخُلُوٓا۟ أَبْوَٰبَ جَهَنَّمَ خَـٰلِدِينَ فِيهَا ۖ فَبِئْسَ مَثْوَى ٱلْمُتَكَبِّرِينَ٧٢
Qeela odkhuloo abwaba jahannama khalideena feeha fabisa mathwa almutakabbireena
Waxaa la odhan: Gala albaabbada Jahannama idinkoo ku waaraya, maxay ahaatay meel xun oo baas hoyga islaweynayaasha.
-
وَسِيقَ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوْا۟ رَبَّهُمْ إِلَى ٱلْجَنَّةِ زُمَرًا ۖ حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءُوهَا وَفُتِحَتْ أَبْوَٰبُهَا وَقَالَ لَهُمْ خَزَنَتُهَا سَلَـٰمٌ عَلَيْكُمْ طِبْتُمْ فَٱدْخُلُوهَا خَـٰلِدِينَ٧٣
Waseeqa allatheena ittaqaw rabbahum ila aljannati zumaran hatta itha jaooha wafutihat abwabuha waqala lahum khazanatuha salamun ʿalaykum tibtum faodkhulooha khalideena
Waxaa loo kaxeyn kuwii dhowray (amarrada) Rabbigood (oo iska jiray xumaha) xagga Jannada, iyagoo rac-rac (wada jira) ah, markay ku yimaadaan waxay la kulmi iyadoo la furay albaabbadeeda1 (mar hore soo dhoweyn ahaan), furahayeennadeeduna waxay ku odhan: Nabadi korkiinna ha ahaato, waad wanaagsan tihiine, gala Jannada idinkoo ku waari dhexdeeda2.
Sharaxa hoose
[1] Furaha jannada waa ashahaadada (Laa ilaaha illal laah). [2] Iyagoo heli soo dhoweyn sare, sharfid, iyo maamusid aan la tilmaami karin. -
وَقَالُوا۟ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ٱلَّذِى صَدَقَنَا وَعْدَهُۥ وَأَوْرَثَنَا ٱلْأَرْضَ نَتَبَوَّأُ مِنَ ٱلْجَنَّةِ حَيْثُ نَشَآءُ ۖ فَنِعْمَ أَجْرُ ٱلْعَـٰمِلِينَ٧٤
Waqaloo alhamdu lillahi allathee sadaqana waʿdahu waawrathana alarda natabawwao mina aljannati haythu nashao faniʿma ajru alʿamileena
Waxayna odhan: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, ee nooga dhabeeyey Ballan qaadkiisa, oo na dhaxal siiyey dhulka (Jannada). Waxaan ka degnaa Jannada meeshaan doonno, ee fiicanaa abaalgudka kuwa camal san fashay.
-
وَتَرَى ٱلْمَلَـٰٓئِكَةَ حَآفِّينَ مِنْ حَوْلِ ٱلْعَرْشِ يُسَبِّحُونَ بِحَمْدِ رَبِّهِمْ ۖ وَقُضِىَ بَيْنَهُم بِٱلْحَقِّ وَقِيلَ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ٧٥
Watara almalaikata haffeena min hawli alʿarshi yusabbihoona bihamdi rabbihim waqudiya baynahum bialhaqqi waqeela alhamdu lillahi rabbi alʿalameena
Waxaad arkaysaa malaa’igtoo ku wareegsan Carshiga hareerihiisa iyagoo ku tasbiixsanaya ammaanaha Rabbigood; waana loo kala garsoori (addoomaha) dhexdooda si xaq ah, waxaana la odhan: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Az-Zumar?
Macnaha Az-Zumar waa “Guutooyinka”.
Suuradda Az-Zumar juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Az-Zumar waxay ku fidsan tahay juz’ 23 iyo 24.
Suuradda Az-Zumar immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Az-Zumar waxay leedahay 75 aayadood.
Suuradda Az-Zumar ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Az-Zumar waa suurad Makki ah.
Suuradda Az-Zumar waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 39aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.