سورة المجادلة

Suuradda Al-Mujaadila oo af Soomaali ah

Haweeneyda doodaysa

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Al-Mujaadila (المجادلة) waa suuradda 58aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 22 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Haweeneyda doodaysa”. Waa suurad Madani ah, oo ku soo degtay Madiina kadib Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 28.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Mujaadila oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Al-Mujaadila oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. قَدْ سَمِعَ ٱللَّهُ قَوْلَ ٱلَّتِى تُجَـٰدِلُكَ فِى زَوْجِهَا وَتَشْتَكِىٓ إِلَى ٱللَّهِ وَٱللَّهُ يَسْمَعُ تَحَاوُرَكُمَآ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌۢ بَصِيرٌ۝١

    Qad samiʿa Allahu qawla allatee tujadiluka fee zawjiha watashtakee ila Allahi waAllahu yasmaʿu tahawurakuma inna Allaha sameeʿun baseerun

    Alle wuu ajiibay baryada haweentii kaagala doodeysay arrinka ninkeeda oo u sheeganaysey (dhibaatadeeda) Alle. Alle waa maqlayey wada hadalkiinna. Hubaal Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.

  2. ٱلَّذِينَ يُظَـٰهِرُونَ مِنكُم مِّن نِّسَآئِهِم مَّا هُنَّ أُمَّهَـٰتِهِمْ ۖ إِنْ أُمَّهَـٰتُهُمْ إِلَّا ٱلَّـٰٓـِٔى وَلَدْنَهُمْ ۚ وَإِنَّهُمْ لَيَقُولُونَ مُنكَرًا مِّنَ ٱلْقَوْلِ وَزُورًا ۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَعَفُوٌّ غَفُورٌ۝٢

    Allatheena yuthahiroona minkum min nisaihim ma hunna ommahatihim in ommahatuhum illa allaee waladnahum wainnahum layaqooloona munkaran mina alqawli wazooran wainna Allaha laʿafuwwun ghafoorun

    Kuwa idinka mid ah ee isaga xaaraantimeeya1 xaasaskooda hab ah dihaar (iyagoo ku odhan, "hooyaday baad iga tahay") - Sidaa kuma noqonayaan hooyooyinkood. hooyooyinkoodna ma aha cid kale aan ahayn kuwii dhalay. Kuwaasuna waxay ku hadlayaan hadal xun iyo been abuur. Allese hubaal waa Cafiye, Denbi Dhaaf badan.

    Sharaxa hoose
    [1] Haweeney la yidhaahdo Khawlah binti Thaclabah a.k.r. baa waxaa habkan isaga xaaraantinimeeyey ninkeeda Aws bin As-Saamit, isagoo ku yidhi xaaskiisa, "hooyaday baad iga tahay". Markaasay waxay u timid Nabiga s.c.w. iyadoo wax ka weydiinaysa mas’aladan, markaasuu Alle soo dejiyey Aayaddan iyo Aayadda xigta.
  3. وَٱلَّذِينَ يُظَـٰهِرُونَ مِن نِّسَآئِهِمْ ثُمَّ يَعُودُونَ لِمَا قَالُوا۟ فَتَحْرِيرُ رَقَبَةٍ مِّن قَبْلِ أَن يَتَمَآسَّا ۚ ذَٰلِكُمْ تُوعَظُونَ بِهِۦ ۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ۝٣

    Waallatheena yuthahiroona min nisaihim thumma yaʿoodoona lima qaloo fatahreeru raqabatin min qabli an yatamassa thalikum tooʿathoona bihi waAllahu bima taʿmaloona khabeerun

    Kuwa isaga xaaraantimeeya xaasas- kooda hab dihaar ah (ku yidhaahda, hooyaday baa iga tahay) - markaas doonaya inay ka noqdaan waxay yidhaahdeen, waa inay xoreeyaan addoon ka hor inta aysan is taaban (galmoon), (arrin)kaasi waa kan la idinku waaninayo. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.

  4. فَمَن لَّمْ يَجِدْ فَصِيَامُ شَهْرَيْنِ مُتَتَابِعَيْنِ مِن قَبْلِ أَن يَتَمَآسَّا ۖ فَمَن لَّمْ يَسْتَطِعْ فَإِطْعَامُ سِتِّينَ مِسْكِينًا ۚ ذَٰلِكَ لِتُؤْمِنُوا۟ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ ۚ وَتِلْكَ حُدُودُ ٱللَّهِ ۗ وَلِلْكَـٰفِرِينَ عَذَابٌ أَلِيمٌ۝٤

    Faman lam yajid fasiyamu shahrayni mutatabiʿayni min qabli an yatamassa faman lam yastatiʿ faitʿamu sitteena miskeenan thalika lituminoo biAllahi warasoolihi watilka hudoodu Allahi walilkafireena ʿathabun aleemun

    Kii aan helin (addoon uu xoreeyo), waa inuu soomo labo bilood oo xidhiidh ah ka hor inta aysan istaaban 'galmoon'1; kiise aan awoodin (soonka) waa inuu quudiyo lixdan miskiin. Sidaasi waa si aad Iimaan dhan ugu qabtaan Alle iyo Rasuulkiisa. Kuwaasi waa soohdimaha Alle (ee ha dhaafina). Gaaladu waxay leeyihiin Cadaab xanuun Badan.

    Sharaxa hoose
    [1] Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 4: Aayadda 92.
  5. إِنَّ ٱلَّذِينَ يُحَآدُّونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ كُبِتُوا۟ كَمَا كُبِتَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۚ وَقَدْ أَنزَلْنَآ ءَايَـٰتٍۭ بَيِّنَـٰتٍ ۚ وَلِلْكَـٰفِرِينَ عَذَابٌ مُّهِينٌ۝٥

    Inna allatheena yuhaddoona Allaha warasoolahu kubitoo kama kubita allatheena min qablihim waqad anzalna ayatin bayyinatin walilkafireena ʿathabun muheenun

    Xaqiiq kuwa khilaafa Alle iyo Rasuulkiisa waa la dulleyn, sidii kuwii ka horreeyey loo dulleeyey. Waxaana dhab ahaan soo dejinnay Aayado cad cad. Gaaladu waxay leeyihiin Cadaab Dulleysa.

  6. يَوْمَ يَبْعَثُهُمُ ٱللَّهُ جَمِيعًا فَيُنَبِّئُهُم بِمَا عَمِلُوٓا۟ ۚ أَحْصَىٰهُ ٱللَّهُ وَنَسُوهُ ۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ شَهِيدٌ۝٦

    Yawma yabʿathuhumu Allahu jameeʿan fayunabbiohum bima ʿamiloo ahsahu Allahu wanasoohu waAllahu ʿala kulli shayin shaheedun

    Maalinta (Qiyaamaha) uu Alle soo bixin iyagoo dhan, una sheegi waxay faleen. Alle wuu tiro koobay, halka ay iyagu iska halmaameen. Alle wax walba wuu Arkaa.

  7. أَلَمْ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ يَعْلَمُ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ ۖ مَا يَكُونُ مِن نَّجْوَىٰ ثَلَـٰثَةٍ إِلَّا هُوَ رَابِعُهُمْ وَلَا خَمْسَةٍ إِلَّا هُوَ سَادِسُهُمْ وَلَآ أَدْنَىٰ مِن ذَٰلِكَ وَلَآ أَكْثَرَ إِلَّا هُوَ مَعَهُمْ أَيْنَ مَا كَانُوا۟ ۖ ثُمَّ يُنَبِّئُهُم بِمَا عَمِلُوا۟ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمٌ۝٧

    Alam tara anna Allaha yaʿlamu ma fee alssamawati wama fee alardi ma yakoonu min najwa thalathatin illa huwa rabiʿuhum wala khamsatin illa huwa sadisuhum wala adna min thalika wala akthara illa huwa maʿahum ayna ma kanoo thumma yunabbiohum bima ʿamiloo yawma alqiyamati inna Allaha bikulli shayin ʿaleemun

    Miyaadan ogaan inuu Alle Og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada? Ma jiro meel seddex ku faqda, uusan isagu aheyn kooda afraad1, mana jiro (faq ka dhex dhaca) shan uusan aheyn kooda lixaad, mana jiraan wax intaas ka yar ama ka badan, uusan isagu la jirin meel ay joogaanba; kaddib wuxuu u sheegi waxay camal faleen Maalinta Qiyaamaha. hubaal, Alle wax walba wuu Og yahay.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa inuu og yahay oo ka war qabo xaalkooda iyo sirahooda oo maqlo oo arko oo awood ku dul leeyahay, laakiinse Alle cirkuu jiraa Carshigiisuu dul ahaaday si u qalanta Weynidiisa.
  8. أَلَمْ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ نُهُوا۟ عَنِ ٱلنَّجْوَىٰ ثُمَّ يَعُودُونَ لِمَا نُهُوا۟ عَنْهُ وَيَتَنَـٰجَوْنَ بِٱلْإِثْمِ وَٱلْعُدْوَٰنِ وَمَعْصِيَتِ ٱلرَّسُولِ وَإِذَا جَآءُوكَ حَيَّوْكَ بِمَا لَمْ يُحَيِّكَ بِهِ ٱللَّهُ وَيَقُولُونَ فِىٓ أَنفُسِهِمْ لَوْلَا يُعَذِّبُنَا ٱللَّهُ بِمَا نَقُولُ ۚ حَسْبُهُمْ جَهَنَّمُ يَصْلَوْنَهَا ۖ فَبِئْسَ ٱلْمَصِيرُ۝٨

    Alam tara ila allatheena nuhoo ʿani alnnajwa thumma yaʿoodoona lima nuhoo ʿanhu wayatanajawna bialithmi waalʿudwani wamaʿsiyati alrrasooli waitha jaooka hayyawka bima lam yuhayyika bihi Allahu wayaqooloona fee anfusihim lawla yuʿaththibuna Allahu bima naqoolu hasbuhum jahannamu yaslawnaha fabisa almaseeru

    Miyaadan ogaan kuwaa (Yuhuudda ah) ee laga reebay faqa xun, markaas ku noqda waxa laga reebay, oo yeesha kulanno qarsoodi ah ay ku faqaan denbi iyo colaad iyo ku caasinta Rasuulka, markay kuu yimaadaanna waxay kugu salaamaan wax uusan Allaah kugu salaamin1, iyagoo si hoose u leh: Muxuu Alle noogu cadaabi waayey waxaan leennahay? Naar baa ku filan; oo ay gali. Oo u xun meel la ahaado.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa tilmaan xaalkii Yuhuudda wax ka degganeyd Madiina ee ku salaamay muslimiinta As-Saamu Calaykum oo macnaheedu yahay dhinta halkii ay odhan lahaayeen As-salaamu caleykum.
  9. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِذَا تَنَـٰجَيْتُمْ فَلَا تَتَنَـٰجَوْا۟ بِٱلْإِثْمِ وَٱلْعُدْوَٰنِ وَمَعْصِيَتِ ٱلرَّسُولِ وَتَنَـٰجَوْا۟ بِٱلْبِرِّ وَٱلتَّقْوَىٰ ۖ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ ٱلَّذِىٓ إِلَيْهِ تُحْشَرُونَ۝٩

    Ya ayyuha allatheena amanoo itha tanajaytum fala tatanajaw bialithmi waalʿudwani wamaʿsiyati alrrasooli watanajaw bialbirri waalttaqwa waittaqoo Allaha allathee ilayhi tuhsharoona

    Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad faqeysaan, ha ku faqina denbi iyo colaad iyo ku caasinta Rasuulka ee ku faqa samaan iyo ka joogid (denbiyada) dhowrana (amarrada) Alle, kaasoo Xaggiisa la idiin soo wada kulmin.

  10. إِنَّمَا ٱلنَّجْوَىٰ مِنَ ٱلشَّيْطَـٰنِ لِيَحْزُنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَلَيْسَ بِضَآرِّهِمْ شَيْـًٔا إِلَّا بِإِذْنِ ٱللَّهِ ۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ ٱلْمُؤْمِنُونَ۝١٠

    Innama alnnajwa mina alshshaytani liyahzuna allatheena amanoo walaysa bidarrihim shayan illa biithni Allahi waʿala Allahi falyatawakkali almuminoona

    Sideedaba faqa (xun) waa uun (camal) Shaydaan1, si uu u murug geliyo kuwa (Xaqa) rumeeyey, waxbase ma uu yeeli karo haba yaraatee wuxuu Alle idmo maahee. Alle uun ha tala saarteen mu’miniinta.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa loola jeedaa sida muuqata hadalka xanta ah iyo xumaan ku tashiga.
  11. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِذَا قِيلَ لَكُمْ تَفَسَّحُوا۟ فِى ٱلْمَجَـٰلِسِ فَٱفْسَحُوا۟ يَفْسَحِ ٱللَّهُ لَكُمْ ۖ وَإِذَا قِيلَ ٱنشُزُوا۟ فَٱنشُزُوا۟ يَرْفَعِ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مِنكُمْ وَٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْعِلْمَ دَرَجَـٰتٍ ۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ۝١١

    Ya ayyuha allatheena amanoo itha qeela lakum tafassahoo fee almajalisi faifsahoo yafsahi Allahu lakum waitha qeela onshuzoo faonshuzoo yarfaʿi Allahu allatheena amanoo minkum waallatheena ootoo alʿilma darajatin waAllahu bima taʿmaloona khabeerun

    Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Marka la idinku yidhaahdo isu waasiciya fadhiga, isu waasiciya. Alle ha idiin waasiciyee 'Naxariistiisa'1. Marka la idinku yidhaahdo u kaca 'khayr'2 u kaca. Allaah wuxuu kor u qaadi kuwiinna idin ka mid ah ee (Xaqa) rumeeyey, iyo kuwaa cilmiga la siiyey darajooyin aad u sarreeya. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.

    Sharaxa hoose
    [1] Alle ha idiin waasiciyee Naxariistiisa ama Jannadiisa gudaheed, ama wax kasta oo wanaagsan. [2] U kaca salaad ama jihaad ama camal kasta oo wanaagsan.
  12. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِذَا نَـٰجَيْتُمُ ٱلرَّسُولَ فَقَدِّمُوا۟ بَيْنَ يَدَىْ نَجْوَىٰكُمْ صَدَقَةً ۚ ذَٰلِكَ خَيْرٌ لَّكُمْ وَأَطْهَرُ ۚ فَإِن لَّمْ تَجِدُوا۟ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ۝١٢

    Ya ayyuha allatheena amanoo itha najaytumu alrrasoola faqaddimoo bayna yaday najwakum sadaqatan thalika khayrun lakum waatharu fain lam tajidoo fainna Allaha ghafoorun raheemun

    Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Marka (aad dooneysaan) inaad la faqdaan Rasuulka, u bixiya wuxuun sadaqo ahaan faqiinna ka hor. Sidaas baa idiin khayr badan oo daahirsan. Haddiise aydaan helin (wax aad bixisaan) hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

  13. ءَأَشْفَقْتُمْ أَن تُقَدِّمُوا۟ بَيْنَ يَدَىْ نَجْوَىٰكُمْ صَدَقَـٰتٍ ۚ فَإِذْ لَمْ تَفْعَلُوا۟ وَتَابَ ٱللَّهُ عَلَيْكُمْ فَأَقِيمُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُوا۟ ٱلزَّكَوٰةَ وَأَطِيعُوا۟ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ ۚ وَٱللَّهُ خَبِيرٌۢ بِمَا تَعْمَلُونَ۝١٣

    Aashfaqtum an tuqaddimoo bayna yaday najwakum sadaqatin faith lam tafʿaloo wataba Allahu ʿalaykum faaqeemoo alssalata waatoo alzzakata waateeʿoo Allaha warasoolahu waAllahu khabeerun bima taʿmaloona

    Ma waxaad ka walaacdeen inaad (kari weydaan) inaad la baxdaan sadaqooyin ka hor la faqiinna (Nabiga)? Haddii aydaan sidaas falin, Alle wuu idinka tawbad aqbalaye ooga salaadda oo bixiya sakada, adeecana Alle iyo Rasuulkiisa. Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.

  14. ۞ أَلَمْ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ تَوَلَّوْا۟ قَوْمًا غَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيْهِم مَّا هُم مِّنكُمْ وَلَا مِنْهُمْ وَيَحْلِفُونَ عَلَى ٱلْكَذِبِ وَهُمْ يَعْلَمُونَ۝١٤

    Alam tara ila allatheena tawallaw qawman ghadiba Allahu ʿalayhim ma hum minkum wala minhum wayahlifoona ʿala alkathibi wahum yaʿlamoona

    Mawaadan arag kuwaa (munaafiqiinta ah ee) iyagu ka yeesha saaxiibbo qolo cadho Alle qaba (Yuhuudda)? Ma aha (munaafiqiinta) kuwo idinka tirsan idinka (Muslimiinta) kamana tirsana (gaalada), waxayna ku dhaartaan been iyagoo og.

  15. أَعَدَّ ٱللَّهُ لَهُمْ عَذَابًا شَدِيدًا ۖ إِنَّهُمْ سَآءَ مَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ۝١٥

    aʿadda Allahu lahum ʿathaban shadeedan innahum saa ma kanoo yaʿmaloona

    Alle wuxuu u diyaariyey cadaab daran. Xumaa waxay falaan.

  16. ٱتَّخَذُوٓا۟ أَيْمَـٰنَهُمْ جُنَّةً فَصَدُّوا۟ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ فَلَهُمْ عَذَابٌ مُّهِينٌ۝١٦

    Ittakhathoo aymanahum junnatan fasaddoo ʿan sabeeli Allahi falahum ʿathabun muheenun

    Waxay (munaafiqiintu) ka dhigteen dhaarahooda gaashaan (ay isku qariyaan) markaasay ka weeciyeen (dadka) jidka Alle, sidaas awgeed waxay leeyihiin cadaab dufeysa.

  17. لَّن تُغْنِىَ عَنْهُمْ أَمْوَٰلُهُمْ وَلَآ أَوْلَـٰدُهُم مِّنَ ٱللَّهِ شَيْـًٔا ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ أَصْحَـٰبُ ٱلنَّارِ ۖ هُمْ فِيهَا خَـٰلِدُونَ۝١٧

    Lan tughniya ʿanhum amwaluhum wala awladuhum mina Allahi shayan olaika ashabu alnnari hum feeha khalidoona

    Maalkooda ama awlaaddoodu waxna ugama taraan Alle Xaggiisa. Kuwaasi waa ehlu Naar, way ku dhex waari weligood.

  18. يَوْمَ يَبْعَثُهُمُ ٱللَّهُ جَمِيعًا فَيَحْلِفُونَ لَهُۥ كَمَا يَحْلِفُونَ لَكُمْ ۖ وَيَحْسَبُونَ أَنَّهُمْ عَلَىٰ شَىْءٍ ۚ أَلَآ إِنَّهُمْ هُمُ ٱلْكَـٰذِبُونَ۝١٨

    Yawma yabʿathuhumu Allahu jameeʿan fayahlifoona lahu kama yahlifoona lakum wayahsaboona annahum ʿala shayin ala innahum humu alkathiboona

    Maalinta (Qiyaamaha) uu Alle soo bixin iyagoo dhan, way u dhaaraan siday idiinku dhaartaan1 iyagoo mooda inay wax (xujo ah) heystaan. Hubaal waa iyaga beenaalayaasha.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxay moodayaan in beenahooda la rumeysan, oo aan la garan doonin sida waagii nolosha adduunka.
  19. ٱسْتَحْوَذَ عَلَيْهِمُ ٱلشَّيْطَـٰنُ فَأَنسَىٰهُمْ ذِكْرَ ٱللَّهِ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ حِزْبُ ٱلشَّيْطَـٰنِ ۚ أَلَآ إِنَّ حِزْبَ ٱلشَّيْطَـٰنِ هُمُ ٱلْخَـٰسِرُونَ۝١٩

    Istahwatha ʿalayhimu alshshaytanu faansahum thikra Allahi olaika hizbu alshshaytani ala inna hizba alshshaytani humu alkhasiroona

    Shaydaan baa duufsaday oo hilmaan- siiyey xusidda Alle. Kuwaasi waa xisbiga Shaydaanka. Ogaada hubaal waa xisbiga shaydaanka kuwa khasaaray.

  20. إِنَّ ٱلَّذِينَ يُحَآدُّونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓ أُو۟لَـٰٓئِكَ فِى ٱلْأَذَلِّينَ۝٢٠

    Inna allatheena yuhaddoona Allaha warasoolahu olaika fee alathalleena

    Hubaal kuwa khilaafa Alle iyo Rasuulkiisa; kuwaasi waxay ka mid ahaan kuwa dulleysan.

  21. كَتَبَ ٱللَّهُ لَأَغْلِبَنَّ أَنَا۠ وَرُسُلِىٓ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ قَوِىٌّ عَزِيزٌ۝٢١

    Kataba Allahu laaghlibanna ana warusulee inna Allaha qawiyyun ʿazeezun

    Alle wuxuu qoray - hubaal waan adkaan, aniga iyo Rusushaydaba. Hubaal, Alle waa Xoog Badane, Adkaade ah.

  22. لَّا تَجِدُ قَوْمًا يُؤْمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلْيَوْمِ ٱلْـَٔاخِرِ يُوَآدُّونَ مَنْ حَآدَّ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَلَوْ كَانُوٓا۟ ءَابَآءَهُمْ أَوْ أَبْنَآءَهُمْ أَوْ إِخْوَٰنَهُمْ أَوْ عَشِيرَتَهُمْ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ كَتَبَ فِى قُلُوبِهِمُ ٱلْإِيمَـٰنَ وَأَيَّدَهُم بِرُوحٍ مِّنْهُ ۖ وَيُدْخِلُهُمْ جَنَّـٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ خَـٰلِدِينَ فِيهَا ۚ رَضِىَ ٱللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا۟ عَنْهُ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ حِزْبُ ٱللَّهِ ۚ أَلَآ إِنَّ حِزْبَ ٱللَّهِ هُمُ ٱلْمُفْلِحُونَ۝٢٢

    La tajidu qawman yuminoona biAllahi waalyawmi alakhiri yuwaddoona man hadda Allaha warasoolahu walaw kanoo abaahum aw abnaahum aw ikhwanahum aw ʿasheeratahum olaika kataba fee quloobihimu aleemana waayyadahum biroohin minhu wayudkhiluhum jannatin tajree min tahtiha alanharu khalideena feeha radiya Allahu ʿanhum waradoo ʿanhu olaika hizbu Allahi ala inna hizba Allahi humu almuflihoona

    Heli meysid qolo rumeysan Allaah iyo Maalinta Aakhiro haddana jecel kuwa colaadiya Alle iyo Rasuulkiisa, haba ahaadaane aabbayaashood ama wiilashooda ama walaalahood ama qaraabadooda. Kuwaa weeye kuwa uu (Alle) quluubtooda ku qoray Iimaan, uuna ku xoojiyey Ruux1 Xaggiisa ah, wuxuu galin Jannooyin (Beero) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waari weligood. Alle raalli buu ka yahay, iyaguna raalli bay ka yihiin. Kuwaasu waa Xisbiga Alle. Ogaada, hubaal, Xisbiga Alle waa iyaga liibaanayaasha.

    Sharaxa hoose
    [1] Ruux ay ku helayaan nolol, waxaana loola jeedaa go’aan adeygga, quwadda gudaha, daahirsanaanta qalbiga, hanuunka, guul, iwm.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Mujaadila?

Macnaha Al-Mujaadila waa “Haweeneyda doodaysa”.

Suuradda Al-Mujaadila juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Mujaadila waxay ku jirtaa juz’ 28.

Suuradda Al-Mujaadila immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Al-Mujaadila waxay leedahay 22 aayadood.

Suuradda Al-Mujaadila ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Al-Mujaadila waa suurad Madani ah.

Suuradda Al-Mujaadila waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 58aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.