سورة الحشر
Suuradda Al-Xashr oo af Soomaali ah
Masaafurinta
- 59
- 24 aayadood
- Madani
- Juz’ 28
- Bogagga 545–548
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Al-Xashr (الحشر) waa suuradda 59aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 24 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Masaafurinta”. Waa suurad Madani ah, oo ku soo degtay Madiina kadib Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 28.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Xashr oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Al-Xashr oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
سَبَّحَ لِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ ۖ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ١
Sabbaha lillahi ma fee alssamawati wama fee alardi wahuwa alʿazeezu alhakeemu
Waxaa xurma weyneeya oo ka hufa (ceeb iyo nuqsaan) Alle waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waana Adkaadaha, Xakiimka ah.
-
هُوَ ٱلَّذِىٓ أَخْرَجَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِنْ أَهْلِ ٱلْكِتَـٰبِ مِن دِيَـٰرِهِمْ لِأَوَّلِ ٱلْحَشْرِ ۚ مَا ظَنَنتُمْ أَن يَخْرُجُوا۟ ۖ وَظَنُّوٓا۟ أَنَّهُم مَّانِعَتُهُمْ حُصُونُهُم مِّنَ ٱللَّهِ فَأَتَىٰهُمُ ٱللَّهُ مِنْ حَيْثُ لَمْ يَحْتَسِبُوا۟ ۖ وَقَذَفَ فِى قُلُوبِهِمُ ٱلرُّعْبَ ۚ يُخْرِبُونَ بُيُوتَهُم بِأَيْدِيهِمْ وَأَيْدِى ٱلْمُؤْمِنِينَ فَٱعْتَبِرُوا۟ يَـٰٓأُو۟لِى ٱلْأَبْصَـٰرِ٢
Huwa allathee akhraja allatheena kafaroo min ahli alkitabi min diyarihim liawwali alhashri ma thanantum an yakhrujoo wathannoo annahum maniʿatuhum husoonuhum mina Allahi faatahumu Allahu min haythu lam yahtasiboo waqathafa fee quloobihimu alrruʿba yukhriboona buyootahum biaydeehim waaydee almumineena faiʿtabiroo ya olee alabsari
Waa Kan ka saaray kuwaa gaaloobay ee ka mid ahaa Ehlu Kitaabka1 daarahooda kulmintii hore. Ma aydaan maleyneyn inay baxayaan, halka iyagu moodayeen inay dhufaysyadooda ka celinayaan Alle. Wuxuuse Alle uga yimid meel aysan marnaba filayn, kuna tuuray argagax quluubtooda, sidaa awgeed waxay ku baabbi’iyeen guryahooda gacmahooda iyo gacmaha mu'miniinta, ee ku cibrad qaata kuwiinaan Indheer garadka ahow.
Sharaxa hoose
[1] Waxay Aayaddu tilmaameysaa Yuhuuddii Banii Nadiir, ee ka baxay ballankii ay la galeen Nabiga s.c.w. -
وَلَوْلَآ أَن كَتَبَ ٱللَّهُ عَلَيْهِمُ ٱلْجَلَآءَ لَعَذَّبَهُمْ فِى ٱلدُّنْيَا ۖ وَلَهُمْ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ عَذَابُ ٱلنَّارِ٣
Walawla an kataba Allahu ʿalayhimu aljalaa laʿaththabahum fee alddunya walahum fee alakhirati ʿathabu alnnari
Haddaanu Alle u qaddarin guuritaanka, Wuxuu ku cadaabi lahaa adduunkan, Aakhirana waxay leeyihiin cadaab Naar ah.
-
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ شَآقُّوا۟ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ ۖ وَمَن يُشَآقِّ ٱللَّهَ فَإِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ٤
Thalika biannahum shaqqoo Allaha warasoolahu waman yushaqqi Allaha fainna Allaha shadeedu alʿiqabi
Sidaas waxaa u sabab ah waxay colaadiyeen Alle iyo Rasuulkiisa. Qofkii colaadiyana Alle, hubaal Alle wuu daran yahay ciqaabkiisu.
-
مَا قَطَعْتُم مِّن لِّينَةٍ أَوْ تَرَكْتُمُوهَا قَآئِمَةً عَلَىٰٓ أُصُولِهَا فَبِإِذْنِ ٱللَّهِ وَلِيُخْزِىَ ٱلْفَـٰسِقِينَ٥
Ma qataʿtum min leenatin aw taraktumooha qaimatan ʿala osooliha fabiithni Allahi waliyukhziya alfasiqeena
Geed timreed kastoo aad goyseen ama aad ka tagteen iyadoo ku taagan jirriddeeda, waa Idanka Alle, iyo si uu u dufeeyo caasiyaasha.
-
وَمَآ أَفَآءَ ٱللَّهُ عَلَىٰ رَسُولِهِۦ مِنْهُمْ فَمَآ أَوْجَفْتُمْ عَلَيْهِ مِنْ خَيْلٍ وَلَا رِكَابٍ وَلَـٰكِنَّ ٱللَّهَ يُسَلِّطُ رُسُلَهُۥ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ ۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ٦
Wama afaa Allahu ʿala rasoolihi minhum fama awjaftum ʿalayhi min khaylin wala rikabin walakinna Allaha yusallitu rusulahu ʿala man yashao waAllahu ʿala kulli shayin qadeerun
Wixii (maal ah) Alle uga soo ceshay Rasuulkiiisa xaggooda (Yuhuuddii reer Nadheer) - uma aydaan qaadin duullaan aad ku dagaal gasheen fardo ama rakuub midna1, wuxuuse Alle ku sallidaa Rusushiisa cidduu doono. Alle wax walba wuu Karaa oo awood u leeyahay.
Sharaxa hoose
[1] Macnaha waa kama aydaan marin wax dhib ah (dagaal ah) helitaanka qaniimadaa. -
مَّآ أَفَآءَ ٱللَّهُ عَلَىٰ رَسُولِهِۦ مِنْ أَهْلِ ٱلْقُرَىٰ فَلِلَّهِ وَلِلرَّسُولِ وَلِذِى ٱلْقُرْبَىٰ وَٱلْيَتَـٰمَىٰ وَٱلْمَسَـٰكِينِ وَٱبْنِ ٱلسَّبِيلِ كَىْ لَا يَكُونَ دُولَةًۢ بَيْنَ ٱلْأَغْنِيَآءِ مِنكُمْ ۚ وَمَآ ءَاتَىٰكُمُ ٱلرَّسُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَىٰكُمْ عَنْهُ فَٱنتَهُوا۟ ۚ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ ۖ إِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ٧
Ma afaa Allahu ʿala rasoolihi min ahli alqura falillahi walilrrasooli walithee alqurba waalyatama waalmasakeeni waibni alssabeeli kay la yakoona doolatan bayna alaghniyai minkum wama atakumu alrrasoolu fakhuthoohu wama nahakum ʿanhu faintahoo waittaqoo Allaha inna Allaha shadeedu alʿiqabi
Wuxuu Alle uga soo celiyo Rasuulkiisa dadka magaalooyinka 'dagaal la'aan'1, waxaa leh Allaah, Rasuulka, qaraabada dhow 'ee Rasuulka'2, agoomaha, masaakiinta iyo socotada 'go'doonsan'3, si uusan (maalku) u ahaan wax ku wareegeysta oo keliya kuwiinna hodanka ah dhexdood. Wuxuu Rasuulku (amar) idin (ku) siiyo qaata, wuxuu idinka reebona ka jooga, oo dhowra (amarrada) Alle. Hubaal, Alle wuu Daran yahay Ciqaabkiisu.
Sharaxa hoose
[1] Xukunka la xiriira maalka ay ka tagaan cadowga oo la helo dagaal la’aan waa ka duwan yahay kaa lagu xusay Suuradda Al-Anfaal, Aayadda 41aad. [2] Qaraabdada Rasuulka waa kuwaa ka midka ah Banuu Haashim iyo Banuu Muddalib uu Nabigu s.c.w. ka xaaraanshay qaadashada sadaqada. [3] Waxaa soo galaya socotada go'doonsan, qaxootiga, dadka qalaad aan degaanka u dhalan ee dhoofka ku yimid ee la nool, ajaanibta, iwm. -
لِلْفُقَرَآءِ ٱلْمُهَـٰجِرِينَ ٱلَّذِينَ أُخْرِجُوا۟ مِن دِيَـٰرِهِمْ وَأَمْوَٰلِهِمْ يَبْتَغُونَ فَضْلًا مِّنَ ٱللَّهِ وَرِضْوَٰنًا وَيَنصُرُونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلصَّـٰدِقُونَ٨
Lilfuqarai almuhajireena allatheena okhrijoo min diyarihim waamwalihim yabtaghoona fadlan mina Allahi waridwanan wayansuroona Allaha warasoolahu olaika humu alssadiqoona
(Waxaa wax ku leh maalkaa) saboolka ka soo haajiray guryahooda iyo maalkooda iyagoo raadinaya Fadli xag Alle ah iyo raallinimodiisa1, una gargaaraya Alle iyo Rasuulkiisa: kuwan weeye kuwa ah run badnayaasha.
Sharaxa hoose
[1] Ka hor inta ay muhaajiriintu dhex degin Ansaarta. Kuwaasoo saami laga siiyey qaniimadaa. -
وَٱلَّذِينَ تَبَوَّءُو ٱلدَّارَ وَٱلْإِيمَـٰنَ مِن قَبْلِهِمْ يُحِبُّونَ مَنْ هَاجَرَ إِلَيْهِمْ وَلَا يَجِدُونَ فِى صُدُورِهِمْ حَاجَةً مِّمَّآ أُوتُوا۟ وَيُؤْثِرُونَ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِمْ وَلَوْ كَانَ بِهِمْ خَصَاصَةٌ ۚ وَمَن يُوقَ شُحَّ نَفْسِهِۦ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُفْلِحُونَ٩
Waallatheena tabawwaoo alddara waaleemana min qablihim yuhibboona man hajara ilayhim wala yajidoona fee sudoorihim hajatan mimma ootoo wayuthiroona ʿala anfusihim walaw kana bihim khasasatun waman yooqa shuhha nafsihi faolaika humu almuflihoona
Kuwii (Ansaarta) degganaa Daarta (Madiina) ee (qaatay) Iimaanka ka hor (intaysan u soo hijroon walaalahood muhaajiriinta). Waxay jecel yihiin kuwaa u soo haajiray xaggooda, kamana helaan laabahooda wax u hanqal taag ah wax ka mid ah waxa (muhaajiriinta) la siiyey, waxayse ka hormariyaan (oo uga dooraan) nafahooda, inkastaba iyagu faqri ha hayee. Qofkii laga dhowro bakhaylnimada naftiisa, kuwaa weeye kuwa ah liibaanayaasha.
-
وَٱلَّذِينَ جَآءُو مِنۢ بَعْدِهِمْ يَقُولُونَ رَبَّنَا ٱغْفِرْ لَنَا وَلِإِخْوَٰنِنَا ٱلَّذِينَ سَبَقُونَا بِٱلْإِيمَـٰنِ وَلَا تَجْعَلْ فِى قُلُوبِنَا غِلًّا لِّلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ رَبَّنَآ إِنَّكَ رَءُوفٌ رَّحِيمٌ١٠
Waallatheena jaoo min baʿdihim yaqooloona rabbana ighfir lana waliikhwanina allatheena sabaqoona bialeemani wala tajʿal fee quloobina ghillan lillatheena amanoo rabbana innaka raoofun raheemun
Kuwa yimaada (asxaabta Nabiga) kaddib waxay dhihi : Rabbigayow, Noo denbi dhaaf innaga iyo kuwaa walaalahayaga ah ee nooga horreeyey Iimaanka, hana u gelin quluubtayada wax naceyb ah kuwa (xaqa) rumeeyey. Rabbigayow! Waxaad tahay Turid Badane, Naxariis Badan.
-
۞ أَلَمْ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ نَافَقُوا۟ يَقُولُونَ لِإِخْوَٰنِهِمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِنْ أَهْلِ ٱلْكِتَـٰبِ لَئِنْ أُخْرِجْتُمْ لَنَخْرُجَنَّ مَعَكُمْ وَلَا نُطِيعُ فِيكُمْ أَحَدًا أَبَدًا وَإِن قُوتِلْتُمْ لَنَنصُرَنَّكُمْ وَٱللَّهُ يَشْهَدُ إِنَّهُمْ لَكَـٰذِبُونَ١١
Alam tara ila allatheena nafaqoo yaqooloona liikhwanihimu allatheena kafaroo min ahli alkitabi lain okhrijtum lanakhrujanna maʿakum wala nuteeʿu feekum ahadan abadan wain qootiltum lanansurannakum waAllahu yashhadu innahum lakathiboona
Ma waadan arag kuwaa munaafiqiinta ah ee ku leh kuwaa walaalahood ah ee gaaloobay oo ka mid ah ehlu-Kitaabka: Haddii la idin saaro, waa idin la baxeynaa, mana jiro cid aan idiin maqleyno weligeed, haddii la idinla dagaallamana waan idiin soo hiillin. Alle baana ka Marag ah inay yihiin beenalayaal.
-
لَئِنْ أُخْرِجُوا۟ لَا يَخْرُجُونَ مَعَهُمْ وَلَئِن قُوتِلُوا۟ لَا يَنصُرُونَهُمْ وَلَئِن نَّصَرُوهُمْ لَيُوَلُّنَّ ٱلْأَدْبَـٰرَ ثُمَّ لَا يُنصَرُونَ١٢
Lain okhrijoo la yakhrujoona maʿahum walain qootiloo la yansuroonahum walain nasaroohum layuwallunna aladbara thumma la yunsaroona
Haddii la saaro (Yuhuuddaa), marnaba (munaafiqiinta) lama baxayaan, haddii lala daggaalamana, marnaba uma soo hiillinayaan, hadday u soo hiilliyaanna dhabarkay jeedin, loomana gargaarayo.
-
لَأَنتُمْ أَشَدُّ رَهْبَةً فِى صُدُورِهِم مِّنَ ٱللَّهِ ۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ قَوْمٌ لَّا يَفْقَهُونَ١٣
Laantum ashaddu rahbatan fee sudoorihim mina Allahi thalika biannahum qawmun la yafqahoona
Idinka (Mu'miniinta ah) cabsida ay idiinku hayaan (Yuhuuddaa iyo munaafiqiintaa) laabahooda baa ka daran tay ugu hayaan Alle. Sidaas waxaa ugu wacan waa qolo aan wax fahmin.
-
لَا يُقَـٰتِلُونَكُمْ جَمِيعًا إِلَّا فِى قُرًى مُّحَصَّنَةٍ أَوْ مِن وَرَآءِ جُدُرٍۭ ۚ بَأْسُهُم بَيْنَهُمْ شَدِيدٌ ۚ تَحْسَبُهُمْ جَمِيعًا وَقُلُوبُهُمْ شَتَّىٰ ۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ قَوْمٌ لَّا يَعْقِلُونَ١٤
La yuqatiloonakum jameeʿan illa fee quran muhassanatin aw min warai judurin basuhum baynahum shadeedun tahsabuhum jameeʿan waquloobuhum shatta thalika biannahum qawmun la yaʿqiloona
Idiinlama dirirayaan (Yuhuudda) qof ahaan inay ku jiraan maahee meelo dhufeysyo adag leh gudahood ama gidaarro gadaashood1. Cadaawadda dhexdooda ah baa daran. Waxaad moodeysaa inay yihiin kuwo wada jira, quluubtoodu se waa qaybsan yihiin, arrinkaasi waxaa ugu wacan waa qolo aan garasho lahayn.
Sharaxa hoose
[1] Iyo gawaari gaashaaman. -
كَمَثَلِ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ قَرِيبًا ۖ ذَاقُوا۟ وَبَالَ أَمْرِهِمْ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ١٥
Kamathali allatheena min qablihim qareeban thaqoo wabala amrihim walahum ʿathabun aleemun
Waa sida kuwii iyaga wax yar ka horreeyey1. Waxay dhadhamiyeen cidhib xumadii arrinkooda, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
Sharaxa hoose
[1] Waa Yahuuddii reer Banuu Qaynuqaac ee horay iyaguna looga raray Madiina. -
كَمَثَلِ ٱلشَّيْطَـٰنِ إِذْ قَالَ لِلْإِنسَـٰنِ ٱكْفُرْ فَلَمَّا كَفَرَ قَالَ إِنِّى بَرِىٓءٌ مِّنكَ إِنِّىٓ أَخَافُ ٱللَّهَ رَبَّ ٱلْعَـٰلَمِينَ١٦
Kamathali alshshaytani ith qala lilinsani okfur falamma kafara qala innee bareeon minka innee akhafu Allaha rabba alʿalameena
(Munaafiqiinta iyo gaaladaa xaalkoodu) waa sida Shaydaanka ku yidhaahda aadmiga: Gaalow. Markase uu gaaloobo, yidhaahda: Anigu barii baan kaa ahay, anigu waxaan ka cabsan Alle, Rabbiga uumanka.
-
فَكَانَ عَـٰقِبَتَهُمَآ أَنَّهُمَا فِى ٱلنَّارِ خَـٰلِدَيْنِ فِيهَا ۚ وَذَٰلِكَ جَزَٰٓؤُا۟ ٱلظَّـٰلِمِينَ١٧
Fakana ʿaqibatahuma annahuma fee alnnari khalidayni feeha wathalika jazao alththalimeena
Sidaa awgeed cidhibtooda waa inay ahaan Naarta gudaheed, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Waana sidaas abaal marinta daalimiinta (gar ma qaatayaasha).
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَلْتَنظُرْ نَفْسٌ مَّا قَدَّمَتْ لِغَدٍ ۖ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ خَبِيرٌۢ بِمَا تَعْمَلُونَ١٨
Ya ayyuha allatheena amanoo ittaqoo Allaha waltanthur nafsun ma qaddamat lighadin waittaqoo Allaha inna Allaha khabeerun bima taʿmaloona
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Dhowra (amarrada) Alle, naf walbana ha eegto waxay u hormarsatay berritoole (Qiyaamaha), kana dhowrsada xumaha. Hubaal Alle waa u xog ogaal waxaad fashaan.
-
وَلَا تَكُونُوا۟ كَٱلَّذِينَ نَسُوا۟ ٱللَّهَ فَأَنسَىٰهُمْ أَنفُسَهُمْ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْفَـٰسِقُونَ١٩
Wala takoonoo kaallatheena nasoo Allaha faansahum anfusahum olaika humu alfasiqoona
Ha ahaannina sida kuwa hilmaamay Alle, Isna markaas uu hilmaansiiyey nafahooda (inay camal san u fashaan): kuwan weeye kuwa ah fallaagada.
-
لَا يَسْتَوِىٓ أَصْحَـٰبُ ٱلنَّارِ وَأَصْحَـٰبُ ٱلْجَنَّةِ ۚ أَصْحَـٰبُ ٱلْجَنَّةِ هُمُ ٱلْفَآئِزُونَ٢٠
La yastawee ashabu alnnari waashabu aljannati ashabu aljannati humu alfaizoona
Ma sinna Ehlu-Naarka iyo Ehlu- Jannaha. Ehlu-Jannaha iyaga weeye kuwa ah liibaanayaasha.
-
لَوْ أَنزَلْنَا هَـٰذَا ٱلْقُرْءَانَ عَلَىٰ جَبَلٍ لَّرَأَيْتَهُۥ خَـٰشِعًا مُّتَصَدِّعًا مِّنْ خَشْيَةِ ٱللَّهِ ۚ وَتِلْكَ ٱلْأَمْثَـٰلُ نَضْرِبُهَا لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ٢١
Law anzalna hatha alqurana ʿala jabalin laraaytahu khashiʿan mutasaddiʿan min khashyati Allahi watilka alamthalu nadribuha lilnnasi laʿallahum yatafakkaroona
Haddaan ku soo dejin laheyn Qur’aankan buur, waxaad arki lahayd buurtiyoo soo dhacaysa, la dillaacaysa cabsida iyo ka heybeysiga Alle darti. Waxaana u soo qaadannaa tusaalooyinkan dadka bal inay fekeraan.
-
هُوَ ٱللَّهُ ٱلَّذِى لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ عَـٰلِمُ ٱلْغَيْبِ وَٱلشَّهَـٰدَةِ ۖ هُوَ ٱلرَّحْمَـٰنُ ٱلرَّحِيمُ٢٢
Huwa Allahu allathee la ilaha illa huwa ʿalimu alghaybi waalshshahadati huwa alrrahmanu alrraheemu
Waa Allaah, uusan jirin ilaah kale (oo xaq lagu caabudo) Isaga maahee, Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda. Waa Naxariistaha, Naxariista Badan.
-
هُوَ ٱللَّهُ ٱلَّذِى لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلْمَلِكُ ٱلْقُدُّوسُ ٱلسَّلَـٰمُ ٱلْمُؤْمِنُ ٱلْمُهَيْمِنُ ٱلْعَزِيزُ ٱلْجَبَّارُ ٱلْمُتَكَبِّرُ ۚ سُبْحَـٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يُشْرِكُونَ٢٣
Huwa Allahu allathee la ilaha illa huwa almaliku alquddoosu alssalamu almuminu almuhayminu alʿazeezu aljabbaru almutakabbiru subhana Allahi ʿamma yushrikoona
Waa Allaah, uusan jirin Ilaah kale (oo Xaq ah) Isaga maahee, waa Boqorka, Daahirka1; Nabadgeliyaha, Ammaan bixiyaha2, Kor ka Ilaashaha, Adkaadaha, Kabaha, (Sandulleeyaha islaweynayaasha), ee iska leh Weynaan oo dhan, Xurmo oo idil waxaa iska leh oo Hufan Alle wuu ka Sarreeya waxay shariig u yeelaan oo ay wax la wadaajiyaan.
Sharaxa hoose
[1] Ceeb aan lahayn iyo wax nuqsaan ah ee Kaamilka ah ama Ammaanlaha. [2] Ama Bixiyaha Iimaanka ama Nabdoonida. -
هُوَ ٱللَّهُ ٱلْخَـٰلِقُ ٱلْبَارِئُ ٱلْمُصَوِّرُ ۖ لَهُ ٱلْأَسْمَآءُ ٱلْحُسْنَىٰ ۚ يُسَبِّحُ لَهُۥ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۖ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ٢٤
Huwa Allahu alkhaliqu albario almusawwiru lahu alasmao alhusna yusabbihu lahu ma fee alssamawati waalardi wahuwa alʿazeezu alhakeemu
Alle waa Abuuraha, uumaha wax waliba, sawiraha qaabsiiyaha ah. Isagaa leh Magacyada wanaagsan ee quruxda badan. Waxaa (Alle) Xurmo weyneeya oo ka hufa (xumaan) waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, Waana Adkaadaha, Xakiimka ah.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Xashr?
Macnaha Al-Xashr waa “Masaafurinta”.
Suuradda Al-Xashr juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Al-Xashr waxay ku jirtaa juz’ 28.
Suuradda Al-Xashr immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Al-Xashr waxay leedahay 24 aayadood.
Suuradda Al-Xashr ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Al-Xashr waa suurad Madani ah.
Suuradda Al-Xashr waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 59aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.