سورة الممتحنة

Suuradda Al-Mumtaxana oo af Soomaali ah

Tan la imtixaamayo

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Al-Mumtaxana (الممتحنة) waa suuradda 60aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 13 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Tan la imtixaamayo”. Waa suurad Madani ah, oo ku soo degtay Madiina kadib Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 28.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Mumtaxana oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Al-Mumtaxana oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تَتَّخِذُوا۟ عَدُوِّى وَعَدُوَّكُمْ أَوْلِيَآءَ تُلْقُونَ إِلَيْهِم بِٱلْمَوَدَّةِ وَقَدْ كَفَرُوا۟ بِمَا جَآءَكُم مِّنَ ٱلْحَقِّ يُخْرِجُونَ ٱلرَّسُولَ وَإِيَّاكُمْ ۙ أَن تُؤْمِنُوا۟ بِٱللَّهِ رَبِّكُمْ إِن كُنتُمْ خَرَجْتُمْ جِهَـٰدًا فِى سَبِيلِى وَٱبْتِغَآءَ مَرْضَاتِى ۚ تُسِرُّونَ إِلَيْهِم بِٱلْمَوَدَّةِ وَأَنَا۠ أَعْلَمُ بِمَآ أَخْفَيْتُمْ وَمَآ أَعْلَنتُمْ ۚ وَمَن يَفْعَلْهُ مِنكُمْ فَقَدْ ضَلَّ سَوَآءَ ٱلسَّبِيلِ۝١

    Ya ayyuha allatheena amanoo la tattakhithoo ʿaduwwee waʿaduwwakum awliyaa tulqoona ilayhim bialmawaddati waqad kafaroo bima jaakum mina alhaqqi yukhrijoona alrrasoola waiyyakum an tuminoo biAllahi rabbikum in kuntum kharajtum jihadan fee sabeelee waibtighaa mardatee tusirroona ilayhim bialmawaddati waana aʿlamu bima akhfaytum wama aʿlantum waman yafʿalhu minkum faqad dalla sawaa alssabeeli

    Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina cadowgeyga iyo cadowgiinna saaxiibbo1, idinkoo u muujinaya kalgaceyl xaggooda, iyagoo ku gaalooba waxa idiin yimid oo Xaq ah, oo u soo saaray debedda Rasuulka iyo idinkaba inaad rumeyseen Allaah, Rabbigiin darteed? Haddaad u soo haajirteen inaad u jihaaddaan Jidkeyga oo dooneysaan Raallinimadeyda (ha ka dhigannina gaalada sokeeyayaal), kuwaasoo aad qarsoodi ugu muujisaan kalgaceyl xaggooda, Aniguna (Alle ah) waan Ogahay waxaad qarisaan iyo waxaad muujisaanba; qofkii idinka mid ahna oo sidan fala, wuxuu dhab ahaan ka lumay Jidka Toosan (ee Islaamka).

    Sharaxa hoose
    [1] Sokeeyayaal iyo gacallo.
  2. إِن يَثْقَفُوكُمْ يَكُونُوا۟ لَكُمْ أَعْدَآءً وَيَبْسُطُوٓا۟ إِلَيْكُمْ أَيْدِيَهُمْ وَأَلْسِنَتَهُم بِٱلسُّوٓءِ وَوَدُّوا۟ لَوْ تَكْفُرُونَ۝٢

    In yathqafookum yakoonoo lakam aʿdaan wayabsutoo ilaykum aydiyahum waalsinatahum bialssooi wawaddoo law takfuroona

    Hadday gacanta sare idinka yeeshaan (gaaladu) waxay idiin noqon cadow, oo idin kula soo fidin gacmahooda iyo carrabyadooda xumaan, waxayna jecel yihiin inaad gaalowdaan.

  3. لَن تَنفَعَكُمْ أَرْحَامُكُمْ وَلَآ أَوْلَـٰدُكُمْ ۚ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ يَفْصِلُ بَيْنَكُمْ ۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ۝٣

    Lan tanfaʿakum arhamukum wala awladukum yawma alqiyamati yafsilu baynakum waAllahu bima taʿmaloona baseerun

    Qaraabadiinna iyo awlaadiinnu waxba idiinma tarayaan Maalinta Qiyaamaha. Wuu idin kala xukumi (oo idiin kala saari gaalo iyo mu'miniin). Alle wuu Arkaa waxaad fashaan.

  4. قَدْ كَانَتْ لَكُمْ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ فِىٓ إِبْرَٰهِيمَ وَٱلَّذِينَ مَعَهُۥٓ إِذْ قَالُوا۟ لِقَوْمِهِمْ إِنَّا بُرَءَٰٓؤُا۟ مِنكُمْ وَمِمَّا تَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ كَفَرْنَا بِكُمْ وَبَدَا بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمُ ٱلْعَدَٰوَةُ وَٱلْبَغْضَآءُ أَبَدًا حَتَّىٰ تُؤْمِنُوا۟ بِٱللَّهِ وَحْدَهُۥٓ إِلَّا قَوْلَ إِبْرَٰهِيمَ لِأَبِيهِ لَأَسْتَغْفِرَنَّ لَكَ وَمَآ أَمْلِكُ لَكَ مِنَ ٱللَّهِ مِن شَىْءٍ ۖ رَّبَّنَا عَلَيْكَ تَوَكَّلْنَا وَإِلَيْكَ أَنَبْنَا وَإِلَيْكَ ٱلْمَصِيرُ۝٤

    Qad kanat lakum oswatun hasanatun fee ibraheema waallatheena maʿahu ith qaloo liqawmihim inna buraao minkum wamimma taʿbudoona min dooni Allahi kafarna bikum wabada baynana wabaynakumu alʿadawatu waalbaghdao abadan hatta tuminoo biAllahi wahdahu illa qawla ibraheema liabeehi laastaghfiranna laka wama amliku laka mina Allahi min shayin rabbana ʿalayka tawakkalna wailayka anabna wailayka almaseeru

    Waxaa idiinku sugan ku dayasho wanaagsan Ibraahiim iyo kuwii la jiray1, markay ku yidhaahdeen dadkoodii: Innagu barii baan idinka nahay idinka iyo waxaad caabuddaan Alle sokadi, idin diidnay, oo cadaawad iyo naceyb baa ahaaday dhexdeenna innaga iyo idinka abad ah jeer aad rumaysaan Alle keliya - marka laga reebo qowlkii Ibraahiim ku yidhi aabbihi: Waxaan kuu baryayaa denbi dhaaf Alle2, umase lihi wax awood ah aan wax uun kaaga qabto Alle horti. Rabbigayow! Adigaynu ku tala saarannaa, oo Xaggaaga u soo laabannaa, waana Xaggaaga noqodka dambe.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa idiinku sugan tusaale fiican ee lagu daydo oo la raaco. [2] Ma bannaana mu’miniinta inay u denbi dhaaf dalbaan gaalada hadday gaalnimo ku dhintaan. Eeg suuradda An-Nisaa Aayadda 48, iyo Suuradda At-Tawba Aayadaha 113-114.
  5. رَبَّنَا لَا تَجْعَلْنَا فِتْنَةً لِّلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَٱغْفِرْ لَنَا رَبَّنَآ ۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ۝٥

    Rabbana la tajʿalna fitnatan lillatheena kafaroo waighfir lana rabbana innaka anta alʿazeezu alhakeemu

    Rabbigayow! Ha nagu salladin gaalada, oo noo denbi dhaaf, Rabbigayow! Waa Adiga Adkaadaha, Xakiimka ah.

  6. لَقَدْ كَانَ لَكُمْ فِيهِمْ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ لِّمَن كَانَ يَرْجُوا۟ ٱللَّهَ وَٱلْيَوْمَ ٱلْـَٔاخِرَ ۚ وَمَن يَتَوَلَّ فَإِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلْغَنِىُّ ٱلْحَمِيدُ۝٦

    Laqad kana lakum feehim oswatun hasanatun liman kana yarjoo Allaha waalyawma alakhira waman yatawalla fainna Allaha huwa alghanniyyu alhameedu

    Waxaa dhab ahaan idiinku sugan ku dayasho wanaagsan uu raaco qofkii rajeeya Allaah oo (ku haya maanka) Maalinta Aakhiro. Kiise ka jeesta (Xaqa), hubaal Alle waa Hodanka, Ammaanan.

  7. ۞ عَسَى ٱللَّهُ أَن يَجْعَلَ بَيْنَكُمْ وَبَيْنَ ٱلَّذِينَ عَادَيْتُم مِّنْهُم مَّوَدَّةً ۚ وَٱللَّهُ قَدِيرٌ ۚ وَٱللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ۝٧

    ʿAsa Allahu an yajʿala baynakum wabayna allatheena ʿadaytum minhum mawaddatan waAllahu qadeerun waAllahu ghafoorun raheemun

    Waa intaasoo Alle yeelo kalgaceyl dhexdiinna idinka iyo kuwaad collaytanteen ee ka midka ah (gaalada oo soo islaamaan). Alle wax walba wuu Karaa1. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

    Sharaxa hoose
    [1] Inuu hirgeliyo tani ama waxa uu doonoba.
  8. لَّا يَنْهَىٰكُمُ ٱللَّهُ عَنِ ٱلَّذِينَ لَمْ يُقَـٰتِلُوكُمْ فِى ٱلدِّينِ وَلَمْ يُخْرِجُوكُم مِّن دِيَـٰرِكُمْ أَن تَبَرُّوهُمْ وَتُقْسِطُوٓا۟ إِلَيْهِمْ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلْمُقْسِطِينَ۝٨

    La yanhakumu Allahu ʿani allatheena lam yuqatilookum fee alddeeni walam yukhrijookum min diyarikum an tabarroohum watuqsitoo ilayhim inna Allaha yuhibbu almuqsiteena

    Alle idinkama reebayo kuwaan idinkula diririn arrinka diinta oo aan idiinka soo saarin debedda guryihiinna inaad u samo iyo caddaalad fashaan. Hubaal Alle waa jecel yahay kuwa caadiliinta ah.

  9. إِنَّمَا يَنْهَىٰكُمُ ٱللَّهُ عَنِ ٱلَّذِينَ قَـٰتَلُوكُمْ فِى ٱلدِّينِ وَأَخْرَجُوكُم مِّن دِيَـٰرِكُمْ وَظَـٰهَرُوا۟ عَلَىٰٓ إِخْرَاجِكُمْ أَن تَوَلَّوْهُمْ ۚ وَمَن يَتَوَلَّهُمْ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلظَّـٰلِمُونَ۝٩

    Innama yanhakumu Allahu ʿani allatheena qatalookum fee alddeeni waakhrajookum min diyarikum wathaharoo ʿala ikhrajikum an tawallawhum waman yatawallahum faolaika humu alththalimoona

    Wuxuu Alle idinka reebayaa uun kuwa idinkula diriray diinta darteed oo idinka soo saaray guryihiinna, ama ku taageeray (kuwo kale) qixintiinna inaad ka dhigataan xulufo. Qofkii ka dhigta kuwaasi xulufo, waa kuwaas kuwa ah daalimiinta.

  10. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِذَا جَآءَكُمُ ٱلْمُؤْمِنَـٰتُ مُهَـٰجِرَٰتٍ فَٱمْتَحِنُوهُنَّ ۖ ٱللَّهُ أَعْلَمُ بِإِيمَـٰنِهِنَّ ۖ فَإِنْ عَلِمْتُمُوهُنَّ مُؤْمِنَـٰتٍ فَلَا تَرْجِعُوهُنَّ إِلَى ٱلْكُفَّارِ ۖ لَا هُنَّ حِلٌّ لَّهُمْ وَلَا هُمْ يَحِلُّونَ لَهُنَّ ۖ وَءَاتُوهُم مَّآ أَنفَقُوا۟ ۚ وَلَا جُنَاحَ عَلَيْكُمْ أَن تَنكِحُوهُنَّ إِذَآ ءَاتَيْتُمُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ ۚ وَلَا تُمْسِكُوا۟ بِعِصَمِ ٱلْكَوَافِرِ وَسْـَٔلُوا۟ مَآ أَنفَقْتُمْ وَلْيَسْـَٔلُوا۟ مَآ أَنفَقُوا۟ ۚ ذَٰلِكُمْ حُكْمُ ٱللَّهِ ۖ يَحْكُمُ بَيْنَكُمْ ۚ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ۝١٠

    Ya ayyuha allatheena amanoo itha jaakumu almuminatu muhajiratin faimtahinoohunna Allahu aʿlamu bieemanihinna fain ʿalimtumoohunna muminatin fala tarjiʿoohunna ila alkuffari la hunna hillun lahum wala hum yahilloona lahunna waatoohum ma anfaqoo wala junaha ʿalaykum an tankihoohunna itha ataytumoohunna ojoorahunna wala tumsikoo biʿisami alkawafiri waisaloo ma anfaqtum walyasaloo ma anfaqoo thalikum hukmu Allahi yahkumu baynakum waAllahu ʿaleemun hakeemun

    Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Hadday idiin yimaadaan haween mu’minooyin ah iyagoo ka soo haajiray (gaalada), imtixaama (inuu dhab ka yahay Iimaanka iyo in kale); Alle baa aad u ogsoon iimaankooda, haddaad ogaataan inay yihiin mu’minooyin dhab ah, ha u celinnana gaalada, uma aha (dumarkani) xalaal iyaga, umana aha (nimanka gaalada ah) xalaal iyaga oo siiya (nimakoodii hore ee gaalada ah waxay bixiyeen) meher ahaan. Ma jiro wax denbi ah oo korkiinna ah inaad guursataan markaad siisaan meherradooda, hase u haysannina haweenka gaalada (mushrikiinta) ah xaasas ahaan, oo weydiista (in la idiin soo celiyo) waxaad bixiseen (meher ahaan) iyaguna (gaalada) ha weydiistaan in dib loogu soo celiyo waxay bixiyeen (meher ahaan). Kaasu waa xukunka Alle, Isaga baa idin kala xukumi. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.

  11. وَإِن فَاتَكُمْ شَىْءٌ مِّنْ أَزْوَٰجِكُمْ إِلَى ٱلْكُفَّارِ فَعَاقَبْتُمْ فَـَٔاتُوا۟ ٱلَّذِينَ ذَهَبَتْ أَزْوَٰجُهُم مِّثْلَ مَآ أَنفَقُوا۟ ۚ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ ٱلَّذِىٓ أَنتُم بِهِۦ مُؤْمِنُونَ۝١١

    Wain fatakum shayon min azwajikum ila alkuffari faʿaqabtum faatoo allatheena thahabat azwajuhum mithla ma anfaqoo waittaqoo Allaha allathee antum bihi muminoona

    Hadday wax ka mid ahi xaasaskiinna idinka aadaan xagga gaalada, markaas guul heshaan iyo qaniimo, siiya kuway xaasaskoodu tageen (oo gaalada ku biireen) wax u dhigma waxay bixiyeen 'oo meher ah'1. Alle ka cabsada ee ah Kan aad rumaysan tihiin.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa loola jeedaa intaan loo qaybinin qaniimada shan meel, waxaa la siin meherkii ay bixiyeen raggaa dumarkooda riddoobeen oo ka aadeen xagga gaalada.
  12. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ إِذَا جَآءَكَ ٱلْمُؤْمِنَـٰتُ يُبَايِعْنَكَ عَلَىٰٓ أَن لَّا يُشْرِكْنَ بِٱللَّهِ شَيْـًٔا وَلَا يَسْرِقْنَ وَلَا يَزْنِينَ وَلَا يَقْتُلْنَ أَوْلَـٰدَهُنَّ وَلَا يَأْتِينَ بِبُهْتَـٰنٍ يَفْتَرِينَهُۥ بَيْنَ أَيْدِيهِنَّ وَأَرْجُلِهِنَّ وَلَا يَعْصِينَكَ فِى مَعْرُوفٍ ۙ فَبَايِعْهُنَّ وَٱسْتَغْفِرْ لَهُنَّ ٱللَّهَ ۖ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ۝١٢

    Ya ayyuha alnnabiyyu itha jaaka almuminatu yubayiʿnaka ʿala an la yushrikna biAllahi shayan wala yasriqna wala yazneena wala yaqtulna awladahunna wala yateena bibuhtanin yaftareenahu bayna aydeehinna waarjulihinna wala yaʿseenaka fee maʿroofin fabayiʿhunna waistaghfir lahunna Allaha inna Allaha ghafoorun raheemun

    Nabiyow! Markay kuu yimaadaan dumar mu’minooyin ah si ay kuugula ballantamaan inaysan u shariiik yeeleyn waxba la jirka Alle, inaysan wax xadeyn, oo zineysaneyn, oo aysan dileyn carruurtoo- da, oo la imaneyn masabbid ay iyagu naf ahaantoodu ku been abuuran gacmahooda iyo addimadooda1, kuguna diideyn wixii wanaag ah aad amarto, markaa aqbal ballankooda, ugana bari Allaah inuu u denbi dhaafo. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis badan.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa loola jeedaa waxay ku falaan gacmahooda iyo lugahooda oo been abuur iyo massabidasho ah (inay wiil la korsaday aanay dhalin ama zino ku dhashay loogu abtiriyo) haweenta ninkeeda.
  13. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تَتَوَلَّوْا۟ قَوْمًا غَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيْهِمْ قَدْ يَئِسُوا۟ مِنَ ٱلْـَٔاخِرَةِ كَمَا يَئِسَ ٱلْكُفَّارُ مِنْ أَصْحَـٰبِ ٱلْقُبُورِ۝١٣

    Ya ayyuha allatheena amanoo la tatawallaw qawman ghadiba Allahu ʿalayhim qad yaisoo mina alakhirati kama yaisa alkuffaru min ashabi alquboori

    Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina sokeeye (ama saaxiibbo dhow) qolo Cadho Alle qaba (Yuhuudda), Aakhirana ka quustay, sidayba gaaladu (mushrikiinta) uga quusteen ehlu qubuurka.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Mumtaxana?

Macnaha Al-Mumtaxana waa “Tan la imtixaamayo”.

Suuradda Al-Mumtaxana juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Mumtaxana waxay ku jirtaa juz’ 28.

Suuradda Al-Mumtaxana immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Al-Mumtaxana waxay leedahay 13 aayadood.

Suuradda Al-Mumtaxana ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Al-Mumtaxana waa suurad Madani ah.

Suuradda Al-Mumtaxana waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 60aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.