سورة آل عمران

Suuradda Aal-Cimraan oo af Soomaali ah

Reer Cimraan

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Aal-Cimraan (آل عمران) waa suuradda 3aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 200 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Reer Cimraan”. Waa suurad Madani ah, oo ku soo degtay Madiina kadib Hijrada, waxayna ku fidsan tahay juz’ 3 iyo 4.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Aal-Cimraan oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Aal-Cimraan oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. الٓمٓ۝١

    Aliflammeem

    Alif – Laam - Miim1.

    Sharaxa hoose
    [1] Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1. Aal Cimraan waa Suuradda seddexaad ee Musxafka, macnaha Aal Cimraan waa reer Cimraan. Cimraan waa qoyska Cimraan oo ah Maryam aabbaheed, Nabi Ciise hooyadi, nabadgalyo korkiisa ha ahaatee. Waxaa jiray nin kale oo la odhan jiray Cimraan oo reer binu Israa'iil ka mid ahaa, oo ahaa Muuse iyo Haaruun C.S. aabbahood, laakiin qoyska Cimraan ee lagu xusay suuradda Al Cimraan waa qoyska Cimraan, Maryam aabbaheed iyo Ciise awoowgi.
  2. ٱللَّهُ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلْحَىُّ ٱلْقَيُّومُ۝٢

    Allahu la ilaha illa huwa alhayyu alqayyoomu

    Allaah, Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, Noolaha Daa'inka ah, Daryeelaha waxa uunka jira oo dhan,

  3. نَزَّلَ عَلَيْكَ ٱلْكِتَـٰبَ بِٱلْحَقِّ مُصَدِّقًا لِّمَا بَيْنَ يَدَيْهِ وَأَنزَلَ ٱلتَّوْرَىٰةَ وَٱلْإِنجِيلَ۝٣

    Nazzala ʿalayka alkitaba bialhaqqi musaddiqan lima bayna yadayhi waanzala alttawrata waalinjeela

    Wuxuu kuugu soo dejiyey (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) si xaq ah, isagoo rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah), Wuxuuna soo dejiyey Towraadda iyo Injiilka,

  4. مِن قَبْلُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَأَنزَلَ ٱلْفُرْقَانَ ۗ إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِـَٔايَـٰتِ ٱللَّهِ لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ ۗ وَٱللَّهُ عَزِيزٌ ذُو ٱنتِقَامٍ۝٤

    Min qablu hudan lilnnasi waanzala alfurqana inna allatheena kafaroo biayati Allahi lahum ʿathabun shadeedun waAllahu ʿazeezun thoo intiqamin

    Kal hore, hanuunin dadka, oo wuxuu soo dejiyey Al-Furqaan (Qur’aanka). Hubaal kuwa aan rumeynin Aayaadaha Alle, waxay leeyihiin cadaab daran. Alle waa Adkaade, Aargoosi leh.

  5. إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَخْفَىٰ عَلَيْهِ شَىْءٌ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَا فِى ٱلسَّمَآءِ۝٥

    Inna Allaha la yakhfa ʿalayhi shayon fee alardi wala fee alssamai

    Hubaal, Alle waxba kama qarsoona ku sugan arlada ama samada.

  6. هُوَ ٱلَّذِى يُصَوِّرُكُمْ فِى ٱلْأَرْحَامِ كَيْفَ يَشَآءُ ۚ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ۝٦

    Huwa allathee yusawwirukum fee alarhami kayfa yashao la ilaha illa huwa alʿazeezu alhakeemu

    Waa Kan idiinku sawira (qaab siiya) ilma galeennada siduu doono. Ma jiro ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Adkaadaha, Xakiimka ah.

  7. هُوَ ٱلَّذِىٓ أَنزَلَ عَلَيْكَ ٱلْكِتَـٰبَ مِنْهُ ءَايَـٰتٌ مُّحْكَمَـٰتٌ هُنَّ أُمُّ ٱلْكِتَـٰبِ وَأُخَرُ مُتَشَـٰبِهَـٰتٌ ۖ فَأَمَّا ٱلَّذِينَ فِى قُلُوبِهِمْ زَيْغٌ فَيَتَّبِعُونَ مَا تَشَـٰبَهَ مِنْهُ ٱبْتِغَآءَ ٱلْفِتْنَةِ وَٱبْتِغَآءَ تَأْوِيلِهِۦ ۗ وَمَا يَعْلَمُ تَأْوِيلَهُۥٓ إِلَّا ٱللَّهُ ۗ وَٱلرَّٰسِخُونَ فِى ٱلْعِلْمِ يَقُولُونَ ءَامَنَّا بِهِۦ كُلٌّ مِّنْ عِندِ رَبِّنَا ۗ وَمَا يَذَّكَّرُ إِلَّآ أُو۟لُوا۟ ٱلْأَلْبَـٰبِ۝٧

    Huwa allathee anzala ʿalayka alkitaba minhu ayatun muhkamatun hunna ommu alkitabi waokharu mutashabihatun faamma allatheena fee quloobihim zayghun fayattabiʿoona ma tashabaha minhu ibtighaa alfitnati waibtighaa taweelihi wama yaʿlamu taweelahu illa Allahu waalrrasikhoona fee alʿilmi yaqooloona amanna bihi kullun min ʿindi rabbina wama yaththakkaru illa oloo alalbabi

    Waa Isaga Kan kugu soo dejiyey (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka), qaar ka mid ah Aayadahiisa xukunkoodu cad yihiin, waa iyaga aasaaska Kitaabka, qaar kalena waa kuwo isu eg (oo macno kala duwan leh). Marka ma kuwa ay quluubtoodu ku jirto weecashada, waxay raacraacaan kuwa isu eg iyagoo doonaya inay wax ku habaabiyaan oo doonaya inay ka bixiyaan fasir iskood ah1, umase cilmi laha fasirkiisa waxaan aheyn Alle. Kuwana ku xeel dheer cilmiga waxay yidhaahdaan: Waanu rumeysannahay; dhammaantood iyagu waa xagga Rabbigayo. Mana xusuusataan oo waantoobaan wax garadka mooyee.

    Sharaxa hoose
    [1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: "Haddaad aragtaan dad ku murmaya Qur’aanka, ka digtoonaada waa kuwa uu Alle magacaabaye".
  8. رَبَّنَا لَا تُزِغْ قُلُوبَنَا بَعْدَ إِذْ هَدَيْتَنَا وَهَبْ لَنَا مِن لَّدُنكَ رَحْمَةً ۚ إِنَّكَ أَنتَ ٱلْوَهَّابُ۝٨

    Rabbana la tuzigh quloobana baʿda ith hadaytana wahab lana min ladunka rahmatan innaka anta alwahhabu

    Rabbigayow! Ha weecin quluubtayada kaddib markaad na hanuunisay1, noogana hibee xaggaaga Naxariis. Waxaad Adigu tahay Kan Deeq Bixinta Badane.

    Sharaxa hoose
    [1] Nabigu s.c.w. wuxuu wax badan ku duceysan jirey: 'Allow gedgeddiyaha quluubtow, ku sug qalbigeyga diintaada'.
  9. رَبَّنَآ إِنَّكَ جَامِعُ ٱلنَّاسِ لِيَوْمٍ لَّا رَيْبَ فِيهِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُخْلِفُ ٱلْمِيعَادَ۝٩

    Rabbana innaka jamiʿu alnnasi liyawmin la rayba feehi inna Allaha la yukhlifu almeeʿada

    Rabbigayow! Adigaa isu soo kulmin dadka Maalin aan shaki lahayn (waa Qiyaamada); Alle ma ka baxo Ballankiisa.

  10. إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَن تُغْنِىَ عَنْهُمْ أَمْوَٰلُهُمْ وَلَآ أَوْلَـٰدُهُم مِّنَ ٱللَّهِ شَيْـًٔا ۖ وَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمْ وَقُودُ ٱلنَّارِ۝١٠

    Inna allatheena kafaroo lan tughniya ʿanhum amwaluhum wala awladuhum mina Allahi shayan waolaika hum waqoodu alnnari

    Kuwa gaalooba waxba ugama taraan maalkoodu iyo ilmahooda Alle agtiisa; kuwaana weeyaan kuwa ah shidaalka Naarta.

  11. كَدَأْبِ ءَالِ فِرْعَوْنَ وَٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۚ كَذَّبُوا۟ بِـَٔايَـٰتِنَا فَأَخَذَهُمُ ٱللَّهُ بِذُنُوبِهِمْ ۗ وَٱللَّهُ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ۝١١

    Kadabi ali firʿawna waallatheena min qablihim kaththaboo biayatina faakhathahumu Allahu bithunoobihim waAllahu shadeedu alʿiqabi

    Waa sida caadadii reer Fircoon oo kale iyo kuwii ka horreeyay; waxay beeniyeen Aayadahayagii, markaasuu qabtay Alle duntuubtoodii darteed. Alle Ciqaabkiisu wuu daran yahay.

  12. قُل لِّلَّذِينَ كَفَرُوا۟ سَتُغْلَبُونَ وَتُحْشَرُونَ إِلَىٰ جَهَنَّمَ ۚ وَبِئْسَ ٱلْمِهَادُ۝١٢

    Qul lillatheena kafaroo satughlaboona watuhsharoona ila jahannama wabisa almihadu

    Ku dheh kuwa gaalooba: Waa la idinka adkaan, waxaana la idinku soo kulmin wada jir Jahannama, oo ugu xun gogol la dhinac dhigo.

  13. قَدْ كَانَ لَكُمْ ءَايَةٌ فِى فِئَتَيْنِ ٱلْتَقَتَا ۖ فِئَةٌ تُقَـٰتِلُ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ وَأُخْرَىٰ كَافِرَةٌ يَرَوْنَهُم مِّثْلَيْهِمْ رَأْىَ ٱلْعَيْنِ ۚ وَٱللَّهُ يُؤَيِّدُ بِنَصْرِهِۦ مَن يَشَآءُ ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَعِبْرَةً لِّأُو۟لِى ٱلْأَبْصَـٰرِ۝١٣

    Qad kana lakum ayatun fee fiatayni iltaqata fiatun tuqatilu fee sabeeli Allahi waokhra kafiratun yarawnahum mithlayhim raya alʿayni waAllahu yuayyidu binasrihi man yashao inna fee thalika laʿibratan liolee alabsari

    Waxaa idiinku sugan calaamo labadii ciidammood ee ku kulantay (dagaalkii Badar): Koox u dagaallameysay Jidka Alle darti, iyo tan kaloo gaal ahayd, waxay u arkeen labo jibbaarkood tiro ahaan xagga aragtida isha (inkastoo ay ahaayeen seddex jibbaarkood). Allena wuxuu ku xoojiyaa Gargaarkiisa qofkuu doono. hubaal arrinkani waxaa ugu sugan cibrad kuwa aragtida dheer leh.

  14. زُيِّنَ لِلنَّاسِ حُبُّ ٱلشَّهَوَٰتِ مِنَ ٱلنِّسَآءِ وَٱلْبَنِينَ وَٱلْقَنَـٰطِيرِ ٱلْمُقَنطَرَةِ مِنَ ٱلذَّهَبِ وَٱلْفِضَّةِ وَٱلْخَيْلِ ٱلْمُسَوَّمَةِ وَٱلْأَنْعَـٰمِ وَٱلْحَرْثِ ۗ ذَٰلِكَ مَتَـٰعُ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا ۖ وَٱللَّهُ عِندَهُۥ حُسْنُ ٱلْمَـَٔابِ۝١٤

    Zuyyina lilnnasi hubbu alshshahawati mina alnnisai waalbaneena waalqanateeri almuqantarati mina alththahabi waalfiddati waalkhayli almusawwamati waalanʿami waalharthi thalika mataʿu alhayati alddunya waAllahu ʿindahu husnu almaabi

    Waxaa loo qurxiyey dadka Jaceylka waxyaalaha naftu rabto, oo leh haween, ilmo, iyo kayd badan oo dahab iyo qalin ah (maal) iyo fardo laylan oo qurxoon (gaadiid fiican) iyo xoolo iyo dhul si fiican u beeran (iyo guryo waasic ah oo wanaagsan). Kaasi waa raaxada nolosha adduunkan; Allena waxaa agtiisa ah meel noqodka wanaagsan (Janno).

  15. ۞ قُلْ أَؤُنَبِّئُكُم بِخَيْرٍ مِّن ذَٰلِكُمْ ۚ لِلَّذِينَ ٱتَّقَوْا۟ عِندَ رَبِّهِمْ جَنَّـٰتٌ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ خَـٰلِدِينَ فِيهَا وَأَزْوَٰجٌ مُّطَهَّرَةٌ وَرِضْوَٰنٌ مِّنَ ٱللَّهِ ۗ وَٱللَّهُ بَصِيرٌۢ بِٱلْعِبَادِ۝١٥

    Qul aonabbiokum bikhayrin min thalikum lillatheena ittaqaw ʿinda rabbihim jannatun tajree min tahtiha alanharu khalideena feeha waazwajun mutahharatun waridwanun mina Allahi waAllahu baseerun bialʿibadi

    Dheh: Ma idiin sheegaa waxa ka fiican waxyaalahani? Waxay leeyhiin kuwa Alle ka cabsada ee iska jira (xumaha) - beero Rabbigood agtiis ah ay hoostoodu qulqulaan webiyo, iyagoo ku dhex waaraya weligood, iyo xaasas daahir ah iyo raalli ahaansho xag Alle ah. Alle wuu Arkaa Addoomihiisa.

  16. ٱلَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَآ إِنَّنَآ ءَامَنَّا فَٱغْفِرْ لَنَا ذُنُوبَنَا وَقِنَا عَذَابَ ٱلنَّارِ۝١٦

    Allatheena yaqooloona rabbana innana amanna faighfir lana thunoobana waqina ʿathaba alnnari

    Kuwa yidhaahda: Rabbigayow! Waanu rumeynay (Xaqa), ee noo dhaaf dunuubtayada, nagana dhowr cadaabka Naarta.

  17. ٱلصَّـٰبِرِينَ وَٱلصَّـٰدِقِينَ وَٱلْقَـٰنِتِينَ وَٱلْمُنفِقِينَ وَٱلْمُسْتَغْفِرِينَ بِٱلْأَسْحَارِ۝١٧

    Alssabireena waalssadiqeena waalqaniteena waalmunfiqeena waalmustaghfireena bialashari

    Ee ah kuwa samra, runlowyada ah, adeeca Alle, oo wax sadaqaysta, oo (Alle) weydiista denbi dhaaf waqtiyada suxuurta.

  18. شَهِدَ ٱللَّهُ أَنَّهُۥ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ وَٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ وَأُو۟لُوا۟ ٱلْعِلْمِ قَآئِمًۢا بِٱلْقِسْطِ ۚ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ۝١٨

    Shahida Allahu annahu la ilaha illa huwa waalmalaikatu waoloo alʿilmi qaiman bialqisti la ilaha illa huwa alʿazeezu alhakeemu

    Alle wuxuu marag ka yahay inuusan jirin ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, malaa’igtuna (sidoo kale bay ka marag kacaan) iyo kuwa cilmiga leh; Wuxuu (Alle) ku maamulaa uunkiisa si caddaalad ah. Ma jiro Ilaah xaq ah aan Isaga ahayn, waa Adkaadaha, Xakiimka ah.

  19. إِنَّ ٱلدِّينَ عِندَ ٱللَّهِ ٱلْإِسْلَـٰمُ ۗ وَمَا ٱخْتَلَفَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَـٰبَ إِلَّا مِنۢ بَعْدِ مَا جَآءَهُمُ ٱلْعِلْمُ بَغْيًۢا بَيْنَهُمْ ۗ وَمَن يَكْفُرْ بِـَٔايَـٰتِ ٱللَّهِ فَإِنَّ ٱللَّهَ سَرِيعُ ٱلْحِسَابِ۝١٩

    Inna alddeena ʿinda Allahi alislamu wama ikhtalafa allatheena ootoo alkitaba illa min baʿdi ma jaahumu alʿilmu baghyan baynahum waman yakfur biayati Allahi fainna Allaha sareeʿu alhisabi

    Hubaal diinta Xaqa ahi Alle agtiisa waa Islaamka. Ismana khilaafin kuwii la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) markuu u yimid cilmiga mooyee, xasad dhexdooda ah darti. Qofkii ku gaalooba Aayadaha Alle, hubaal Alle waa degdeg xisaabtiisu dhaqso ah.

  20. فَإِنْ حَآجُّوكَ فَقُلْ أَسْلَمْتُ وَجْهِىَ لِلَّهِ وَمَنِ ٱتَّبَعَنِ ۗ وَقُل لِّلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَـٰبَ وَٱلْأُمِّيِّـۧنَ ءَأَسْلَمْتُمْ ۚ فَإِنْ أَسْلَمُوا۟ فَقَدِ ٱهْتَدَوا۟ ۖ وَّإِن تَوَلَّوْا۟ فَإِنَّمَا عَلَيْكَ ٱلْبَلَـٰغُ ۗ وَٱللَّهُ بَصِيرٌۢ بِٱلْعِبَادِ۝٢٠

    Fain hajjooka faqul aslamtu wajhiya lillahi wamani ittabaʿani waqul lillatheena ootoo alkitaba waalommiyyeena aaslamtum fain aslamoo faqadi ihtadaw wain tawallaw fainnama ʿalayka albalaghu waAllahu baseerun bialʿibadi

    Hadday kula doodaan dheh: Waxaan anigu isugu dhiibay si dhan oo u hoggaansanahay Alle, waana sidaas qofkii I raaca. Ku dheh kuwa la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) iyo kuwa ah mushrikiinta:Miyaad hoggaansameysaan?1. Hadday hoggaansamaan, markaa waa hanuunsan yihiin; haddayse (ka) jeesadaan (Iimaanka), waxaa uun ku saaran Gaarsiin cad (ee Xaqa) lagula soo diray. Alle wuu arkaa addoomahiisa.

    Sharaxa hoose
    [1] Marba hadday hoggaansamaan dadka ehlu kitaabka waxaa loo dhowraa xuquuqdooda iyo sharaftooda inkastoo ay jirto diiddadooda Xaqa, waase inay bixiyaan jizyo halkii sakada iyo difaaca laga rabo muslimiinta. Kaddib waxaa mas’uul ka ah ilaalintooda dawladda Islaamka.
  21. إِنَّ ٱلَّذِينَ يَكْفُرُونَ بِـَٔايَـٰتِ ٱللَّهِ وَيَقْتُلُونَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ بِغَيْرِ حَقٍّ وَيَقْتُلُونَ ٱلَّذِينَ يَأْمُرُونَ بِٱلْقِسْطِ مِنَ ٱلنَّاسِ فَبَشِّرْهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ۝٢١

    Inna allatheena yakfuroona biayati Allahi wayaqtuloona alnnabiyyeena bighayri haqqin wayaqtuloona allatheena yamuroona bialqisti mina alnnasi fabashshirhum biʿathabin aleemin

    Hubaal kuwa ku gaalooba Aayadaha Alle, oo u dila Nabiyada xaq darro, oo dila kuwa amra caddaaladda ee dadka ka mid ah1. Ugu bishaaree cadaab xanuun badan.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa la weydiiyey Nabiga s.c.w. yaa dadka ugu cadaab daran Maalinta Qiyaamaha. Wuxuu yidhi: Qof dilay Nabi ama dilay qof faraya wanaag oo ka reebaya xumaan. W.w. Ibnu Abii Xaatim.
  22. أُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ حَبِطَتْ أَعْمَـٰلُهُمْ فِى ٱلدُّنْيَا وَٱلْـَٔاخِرَةِ وَمَا لَهُم مِّن نَّـٰصِرِينَ۝٢٢

    Olaika allatheena habitat aʿmaluhum fee alddunya waalakhirati wama lahum min nasireena

    Kuwaas waa kuwa ay burtay acmaashooda adduun iyo Aakhiraba, mana laha wax u soo gargaari (Aakhirada).

  23. أَلَمْ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ نَصِيبًا مِّنَ ٱلْكِتَـٰبِ يُدْعَوْنَ إِلَىٰ كِتَـٰبِ ٱللَّهِ لِيَحْكُمَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ يَتَوَلَّىٰ فَرِيقٌ مِّنْهُمْ وَهُم مُّعْرِضُونَ۝٢٣

    Alam tara ila allatheena ootoo naseeban mina alkitabi yudʿawna ila kitabi Allahi liyahkuma baynahum thumma yatawalla fareequn minhum wahum muʿridoona

    Miyaadan arag (xaalka) kuwaa (Yuhuudda ah) ee la siiyey qayb ka mid ah Kitaabka (Towraadda)? waxaa loogu yeedhaa Kitaabka Alle si uu u kala xukumo dhexdooda, markaasay qaar ka mid ah jeesadaan iyagoo (Xaqa) diiddan.

  24. ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ قَالُوا۟ لَن تَمَسَّنَا ٱلنَّارُ إِلَّآ أَيَّامًا مَّعْدُودَٰتٍ ۖ وَغَرَّهُمْ فِى دِينِهِم مَّا كَانُوا۟ يَفْتَرُونَ۝٢٤

    Thalika biannahum qaloo lan tamassana alnnaru illa ayyaman maʿdoodatin wagharrahum fee deenihim ma kanoo yaftaroona

    Waxaa arrinkani ugu wacan inay yidhaahdaan: Naar nama taabaneyso waxaan aheyn maalmo tirsan. Waxaana ku hoday diintooda waxay been abuuran jireen.

  25. فَكَيْفَ إِذَا جَمَعْنَـٰهُمْ لِيَوْمٍ لَّا رَيْبَ فِيهِ وَوُفِّيَتْ كُلُّ نَفْسٍ مَّا كَسَبَتْ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ۝٢٥

    Fakayfa itha jamaʿnahum liyawmin la rayba feehi wawuffiyat kullu nafsin ma kasabat wahum la yuthlamoona

    Ee sidee bay ahaan markaan isugu soo kulminno dhammaantood Maalin aan shaki ku jirin (Qiyaamada), naf walbana loogu oofiyo si dhan waxay kasbatay iyagoon la dulmayn?

  26. قُلِ ٱللَّهُمَّ مَـٰلِكَ ٱلْمُلْكِ تُؤْتِى ٱلْمُلْكَ مَن تَشَآءُ وَتَنزِعُ ٱلْمُلْكَ مِمَّن تَشَآءُ وَتُعِزُّ مَن تَشَآءُ وَتُذِلُّ مَن تَشَآءُ ۖ بِيَدِكَ ٱلْخَيْرُ ۖ إِنَّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ۝٢٦

    Quli allahumma malika almulki tutee almulka man tashao watanziʿu almulka mimman tashao watuʿizzu man tashao watuthillu man tashao biyadika alkhayru innaka ʿala kulli shayin qadeerun

    Dheh: Allahayow! Kan Boqortooyada (runta ah) iska lahow, Waxaad siisaa boqortooyada midkaad doonto, oo ka qaaddaa boqortooyada midkaad doonto, waxaadna ciseysaa midkaad doonto, oo dulleysaa midkaad doonto. Gacantaada buu ku jiraa khayroo dhan. Hubaal Adigaa wax kasta Kara.

  27. تُولِجُ ٱلَّيْلَ فِى ٱلنَّهَارِ وَتُولِجُ ٱلنَّهَارَ فِى ٱلَّيْلِ ۖ وَتُخْرِجُ ٱلْحَىَّ مِنَ ٱلْمَيِّتِ وَتُخْرِجُ ٱلْمَيِّتَ مِنَ ٱلْحَىِّ ۖ وَتَرْزُقُ مَن تَشَآءُ بِغَيْرِ حِسَابٍ۝٢٧

    Tooliju allayla fee alnnahari watooliju alnnahara fee allayli watukhriju alhayya mina almayyiti watukhriju almayyita mina alhayyi watarzuqu man tashao bighayri hisabin

    Waxaad habeenka dhex gelisaa maalinta, maalintana dhex gelisaa habeenka, kana soo saartaa wax nool wax dhintay, oo ka soo saartaa wax dhintay wax nool1. Waxaadna arzaaqdaa midkaad doonto xisaab la’aan.

    Sharaxa hoose
    [1] Mufasiriinta qaarkood waxay tusaale ugu soo qaateen wax nool wax dhintay ka soo bixidda shimbirka yar ukunta, iyo ukunta oo ka soo baxdo digaagadda.
  28. لَّا يَتَّخِذِ ٱلْمُؤْمِنُونَ ٱلْكَـٰفِرِينَ أَوْلِيَآءَ مِن دُونِ ٱلْمُؤْمِنِينَ ۖ وَمَن يَفْعَلْ ذَٰلِكَ فَلَيْسَ مِنَ ٱللَّهِ فِى شَىْءٍ إِلَّآ أَن تَتَّقُوا۟ مِنْهُمْ تُقَىٰةً ۗ وَيُحَذِّرُكُمُ ٱللَّهُ نَفْسَهُۥ ۗ وَإِلَى ٱللَّهِ ٱلْمَصِيرُ۝٢٨

    La yattakhithi almuminoona alkafireena awliyaa min dooni almumineena waman yafʿal thalika falaysa mina Allahi fee shayin illa an tattaqoo minhum tuqatan wayuhaththirukumu Allahu nafsahu waila Allahi almaseeru

    Yeysan mu’miniintu ka dhigan gaalada sokeeye halkii mu’miniinta, qofkii sidaa fala, kama heli doono wax (gargaar ah) xagga Alle, inaad sidaa isaga ilaalineysaan mooyaane dhib xaggooda idiinka yimaada1. Alle wuxuu idiinka digi Naftiisa2, xagga Alle baana lagu dambeyn.

    Sharaxa hoose
    [1] Hadduu mu’minku ka baqo dhibaato ka soo gaarta cadow, waxaa u bannaan inuu iska yeelo inuu ku waafaqsan yahay cadowga waxay ku qasbayaan maadaama qalbigiisa iyo niyaddiisa ku lahayn wax saameyn ah, iimaankana ku xasilan yahay. [2] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ma jiro axad ka qiiro badan Alle, sidaas daraadeed buu u xaaraanshay zinada, mana jiro axad ka jecel Alle in la ammaano oo loo xamdi iyo mahad naqo”.
  29. قُلْ إِن تُخْفُوا۟ مَا فِى صُدُورِكُمْ أَوْ تُبْدُوهُ يَعْلَمْهُ ٱللَّهُ ۗ وَيَعْلَمُ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ ۗ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ۝٢٩

    Qul in tukhfoo ma fee sudoorikum aw tubdoohu yaʿlamhu Allahu wayaʿlamu ma fee alssamawati wama fee alardi waAllahu ʿala kulli shayin qadeerun

    Dheh: Haddaad qarisaan waxa ku jira laabahiinna ama muujisaan, Alle wuu ogsoon yahay, wuxuuna ogsoon yahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Alle wax walba wuu Karaa.

  30. يَوْمَ تَجِدُ كُلُّ نَفْسٍ مَّا عَمِلَتْ مِنْ خَيْرٍ مُّحْضَرًا وَمَا عَمِلَتْ مِن سُوٓءٍ تَوَدُّ لَوْ أَنَّ بَيْنَهَا وَبَيْنَهُۥٓ أَمَدًۢا بَعِيدًا ۗ وَيُحَذِّرُكُمُ ٱللَّهُ نَفْسَهُۥ ۗ وَٱللَّهُ رَءُوفٌۢ بِٱلْعِبَادِ۝٣٠

    Yawma tajidu kullu nafsin ma ʿamilat min khayrin muhdaran wama ʿamilat min sooin tawaddu law anna baynaha wabaynahu amadan baʿeedan wayuhaththirukumu Allahu nafsahu waAllahu raoofun bialʿibadi

    Maalinta naf waliba heli waxay khayr fashay oo la hor keeno iyo waxay xume fashay, waxay jeclaan in dhexdooda iyada iyo xumahaa ay ahaan lahayd muddo dheer. Alle wuxuu idiinka digi Naftiisa. Alle waa u Turid iyo Naxariis Badan yahay addoomahiisa.

  31. قُلْ إِن كُنتُمْ تُحِبُّونَ ٱللَّهَ فَٱتَّبِعُونِى يُحْبِبْكُمُ ٱللَّهُ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ ۗ وَٱللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ۝٣١

    Qul in kuntum tuhibboona Allaha faittabiʿoonee yuhbibkumu Allahu wayaghfir lakum thunoobakum waAllahu ghafoorun raheemun

    (Nabi Muxammadow) dheh: Haddaad Alle jeceshihiin, i soo raaca, Alle baa idin jeclaan oo idiin dhaafi dunuubtiinna. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

  32. قُلْ أَطِيعُوا۟ ٱللَّهَ وَٱلرَّسُولَ ۖ فَإِن تَوَلَّوْا۟ فَإِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ ٱلْكَـٰفِرِينَ۝٣٢

    Qul ateeʿoo Allaha waalrrasoola fain tawallaw fainna Allaha la yuhibbu alkafireena

    Dheh: Adeeca Alle iyo Rasuulka (Muxammad). Haddayse jeesadaan, hubaal Alle ma jecla gaalada.

  33. ۞ إِنَّ ٱللَّهَ ٱصْطَفَىٰٓ ءَادَمَ وَنُوحًا وَءَالَ إِبْرَٰهِيمَ وَءَالَ عِمْرَٰنَ عَلَى ٱلْعَـٰلَمِينَ۝٣٣

    Inna Allaha istafa adama wanoohan waala ibraheema waala ʿimrana ʿala alʿalameena

    Alle wuxuu hubaal ka doortay Aadam, Nuux, reer Ibraahiim iyo reer Cimraan ummadaha dhan dushood.

  34. ذُرِّيَّةًۢ بَعْضُهَا مِنۢ بَعْضٍ ۗ وَٱللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ۝٣٤

    Thurriyyatan baʿduha min baʿdin waAllahu sameeʿun ʿaleemun

    Durriyad qaarkoodba ka yimid qaar, Alle waa wax kasta Maqle,wax kasta Og.

  35. إِذْ قَالَتِ ٱمْرَأَتُ عِمْرَٰنَ رَبِّ إِنِّى نَذَرْتُ لَكَ مَا فِى بَطْنِى مُحَرَّرًا فَتَقَبَّلْ مِنِّىٓ ۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْعَلِيمُ۝٣٥

    Ith qalati imraatu ʿimrana rabbi innee nathartu laka ma fee batnee muharraran fataqabbal minnee innaka anta alssameeʿu alʿaleemu

    (Xus, Nabiyow) markay marwadii Cimraan tidhi: Rabbiyow! Waxaan anigu kuu nadar galay in waxa ku jira uurkayga uu u madax bannaanaado (cibaadadaada) ee iga aqbal. Waxaad Adigu tahay wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.

  36. فَلَمَّا وَضَعَتْهَا قَالَتْ رَبِّ إِنِّى وَضَعْتُهَآ أُنثَىٰ وَٱللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا وَضَعَتْ وَلَيْسَ ٱلذَّكَرُ كَٱلْأُنثَىٰ ۖ وَإِنِّى سَمَّيْتُهَا مَرْيَمَ وَإِنِّىٓ أُعِيذُهَا بِكَ وَذُرِّيَّتَهَا مِنَ ٱلشَّيْطَـٰنِ ٱلرَّجِيمِ۝٣٦

    Falamma wadaʿatha qalat rabbi innee wadaʿtuha ontha waAllahu aʿlamu bima wadaʿat walaysa alththakaru kaalontha wainnee sammaytuha maryama wainnee oʿeethuha bika wathurriyyataha mina alshshaytani alrrajeemi

    Markiise ay dhashay waxay tidhi: Rabbiyow! Waxaan dhalay ilmo dheddig ah, Alle wuu ka ogaa (cid kale oo dhan) waxay dhashay – labkuna ma aha la mid dheddiga, waxaana u bixiyey Maryam1, waxaana kaa magan gelinayaa iyada iyo durriyaddeedaba Shaydaanka la fogeeyay.

    Sharaxa hoose
    [1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaa u khayr badan haweenka caalamka afar: Maryama binti Cimraan, Aasiya marwadii Fircoon, Khadiija binti Khuwaylid, iyo Faadimah binti Rasuulilaah.
  37. فَتَقَبَّلَهَا رَبُّهَا بِقَبُولٍ حَسَنٍ وَأَنۢبَتَهَا نَبَاتًا حَسَنًا وَكَفَّلَهَا زَكَرِيَّا ۖ كُلَّمَا دَخَلَ عَلَيْهَا زَكَرِيَّا ٱلْمِحْرَابَ وَجَدَ عِندَهَا رِزْقًا ۖ قَالَ يَـٰمَرْيَمُ أَنَّىٰ لَكِ هَـٰذَا ۖ قَالَتْ هُوَ مِنْ عِندِ ٱللَّهِ ۖ إِنَّ ٱللَّهَ يَرْزُقُ مَن يَشَآءُ بِغَيْرِ حِسَابٍ۝٣٧

    Fataqabbalaha rabbuha biqaboolin hasanin waanbataha nabatan hasanan wakaffalaha zakariyya kullama dakhala ʿalayha zakariyya almihraba wajada ʿindaha rizqan qala ya maryamu anna laki hatha qalat huwa min ʿindi Allahi inna Allaha yarzuqu man yashao bighayri hisabin

    Markaasuu Rabbigeed ka aqbalay aqbal fiican, kana yeelay inay korto koritaan wanaagsan, una dhiibay xilka daryeelkeeda Zakariya. Mar kastuu Zakariya ugu soo galo Mixraabka (si uu u arko) wuxuu ka helaa agteeda riziq. Wuxuu yidhi: Maryameey: Xaggee bay waxakani kaaga yimaadaan? Waxay tidhi: Waa xagga Alle. Hubaal Alle wuxuu u arsaaqaa qofkuu doono xisaab la’aan.

  38. هُنَالِكَ دَعَا زَكَرِيَّا رَبَّهُۥ ۖ قَالَ رَبِّ هَبْ لِى مِن لَّدُنكَ ذُرِّيَّةً طَيِّبَةً ۖ إِنَّكَ سَمِيعُ ٱلدُّعَآءِ۝٣٨

    Hunalika daʿa zakariyya rabbahu qala rabbi hab lee min ladunka thurriyyatan tayyibatan innaka sameeʿu aldduʿai

    Halkaas buu Zakariya ku baryey Rabbigii, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Iga sii Xaggaaga ubad wanaagsan. Hubaal Waxaad tahay Maqlaha baryada.

  39. فَنَادَتْهُ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ وَهُوَ قَآئِمٌ يُصَلِّى فِى ٱلْمِحْرَابِ أَنَّ ٱللَّهَ يُبَشِّرُكَ بِيَحْيَىٰ مُصَدِّقًۢا بِكَلِمَةٍ مِّنَ ٱللَّهِ وَسَيِّدًا وَحَصُورًا وَنَبِيًّا مِّنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ۝٣٩

    Fanadathu almalaikatu wahuwa qaimun yusallee fee almihrabi anna Allaha yubashshiruka biyahya musaddiqan bikalimatin mina Allahi wasayyidan wahasooran wanabiyyan mina alssaliheena

    Waxaa u dhawaaqay malaa’igta isagoo taagan oo ku tukanaya Mixraabka: in Alle uu kuugu bishaaraynayo Yaxyaa, rumeynaya Eray xagga Alle ah (waa rumeyn Nabi Ciise), oo sharaf leh oo dhowrsoon oo Nabi ah ka mid ah kuwa wanaagsan.

  40. قَالَ رَبِّ أَنَّىٰ يَكُونُ لِى غُلَـٰمٌ وَقَدْ بَلَغَنِىَ ٱلْكِبَرُ وَٱمْرَأَتِى عَاقِرٌ ۖ قَالَ كَذَٰلِكَ ٱللَّهُ يَفْعَلُ مَا يَشَآءُ۝٤٠

    Qala rabbi anna yakoonu lee ghulamun waqad balaghaniya alkibaru waimraatee ʿaqirun qala kathalika Allahu yafʿalu ma yashao

    (Zakariya) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Sidee baan u lahaan wiil (ii dhasha) , anigoo da' noqday, haweentayduna ma dhaleys tahay? Wuxuu yidhi: Sidaasuu Alle u falaa wuxuu doono.

  41. قَالَ رَبِّ ٱجْعَل لِّىٓ ءَايَةً ۖ قَالَ ءَايَتُكَ أَلَّا تُكَلِّمَ ٱلنَّاسَ ثَلَـٰثَةَ أَيَّامٍ إِلَّا رَمْزًا ۗ وَٱذْكُر رَّبَّكَ كَثِيرًا وَسَبِّحْ بِٱلْعَشِىِّ وَٱلْإِبْكَـٰرِ۝٤١

    Qala rabbi ijʿal lee ayatan qala ayatuka alla tukallima alnnasa thalathata ayyamin illa ramzan waothkur rabbaka katheeran wasabbih bialʿashiyyi waalibkari

    Wuxuu yidhi: Rabbbiyow! Ii yeel calaamo. Wuxuu yidhi: Calaamaddaadu waa inaadan la hadlin dadka saddex maalmood tilmaamo ma’ahee. Oo xus Rabbigaa wax badan oo xurmo weynee oo tasbiixso galab iyo subaxba.

  42. وَإِذْ قَالَتِ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ يَـٰمَرْيَمُ إِنَّ ٱللَّهَ ٱصْطَفَىٰكِ وَطَهَّرَكِ وَٱصْطَفَىٰكِ عَلَىٰ نِسَآءِ ٱلْعَـٰلَمِينَ۝٤٢

    Waith qalati almalaikatu ya maryamu inna Allaha istafaki watahharaki waistafaki ʿala nisai alʿalameena

    (Xus) markay malaa’igtu tidhi: Maryameey! Alle wuu ku doortay oo ku daahiriyey, kaana doortay dumarka caalamka.

  43. يَـٰمَرْيَمُ ٱقْنُتِى لِرَبِّكِ وَٱسْجُدِى وَٱرْكَعِى مَعَ ٱلرَّٰكِعِينَ۝٤٣

    Ya maryamu oqnutee lirabbiki waosjudee wairkaʿee maʿa alrrakiʿeena

    Maryameey! Adeec Rabbigaa una sujuud, oo la rukuuc kuwa (Alle) u rakuuca.

  44. ذَٰلِكَ مِنْ أَنۢبَآءِ ٱلْغَيْبِ نُوحِيهِ إِلَيْكَ ۚ وَمَا كُنتَ لَدَيْهِمْ إِذْ يُلْقُونَ أَقْلَـٰمَهُمْ أَيُّهُمْ يَكْفُلُ مَرْيَمَ وَمَا كُنتَ لَدَيْهِمْ إِذْ يَخْتَصِمُونَ۝٤٤

    Thalika min anbai alghaybi nooheehi ilayka wama kunta ladayhim ith yulqoona aqlamahum ayyuhum yakfulu maryama wama kunta ladayhim ith yakhtasimoona

    Kani waa wax ka mid ah wararka waxa aan muuqan ee Ghaybka ah ee aanu kuu waxyoonno (Nabiyow), lamana aad joogin markay qallamadooda tuuranayeen (si ay go’aan uga gaaraan) kooda kafaala qaadaya Maryam; lamana aad joogin markay isla doodayeen.

  45. إِذْ قَالَتِ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ يَـٰمَرْيَمُ إِنَّ ٱللَّهَ يُبَشِّرُكِ بِكَلِمَةٍ مِّنْهُ ٱسْمُهُ ٱلْمَسِيحُ عِيسَى ٱبْنُ مَرْيَمَ وَجِيهًا فِى ٱلدُّنْيَا وَٱلْـَٔاخِرَةِ وَمِنَ ٱلْمُقَرَّبِينَ۝٤٥

    Ith qalati almalaikatu ya maryamu inna Allaha yubashshiruki bikalimatin minhu ismuhu almaseehu ʿeesa ibnu maryama wajeehan fee alddunya waalakhirati wamina almuqarrabeena

    (Xus) markay malaa’igtu tidhi: Maryameey! Alle wuxuu kuugu bishaaraynayaa Erey ka yimid Xaggiisa, magaciisuna yahay Al-Masiix, Ciisaa, ibnu Maryam, oo ku leh sharaf adduunkan iyo aakhiradaba, kana mid ah kuwaa ka ag dhow (Alle, Maalinta Qiyaamaha).

  46. وَيُكَلِّمُ ٱلنَّاسَ فِى ٱلْمَهْدِ وَكَهْلًا وَمِنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ۝٤٦

    Wayukallimu alnnasa fee almahdi wakahlan wamina alssaliheena

    Wuxuu la hadli dadka isagoo ilmo dhashay ah oo dhabta saaran iyo isagoo gar madoobe ah, oo (ahaan) mid ka mid ah kuwa wanaagsan.

  47. قَالَتْ رَبِّ أَنَّىٰ يَكُونُ لِى وَلَدٌ وَلَمْ يَمْسَسْنِى بَشَرٌ ۖ قَالَ كَذَٰلِكِ ٱللَّهُ يَخْلُقُ مَا يَشَآءُ ۚ إِذَا قَضَىٰٓ أَمْرًا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ۝٤٧

    Qalat rabbi anna yakoonu lee waladun walam yamsasnee basharun qala kathaliki Allahu yakhluqu ma yashao itha qada amran fainnama yaqoolu lahu kun fayakoonu

    Waxay tidhi: Rabbiyow! Sidee baan u lahaan wiil (ii dhasha) isagoo aanu nin i taaban? (Malaggii) wuxuu yidhi: Sidaasuu Alle u abuuraa wuxuu doono. Markuu arrin gooyo wuxuu uun ku yidhaahdaa Ahow, waana yahay.

  48. وَيُعَلِّمُهُ ٱلْكِتَـٰبَ وَٱلْحِكْمَةَ وَٱلتَّوْرَىٰةَ وَٱلْإِنجِيلَ۝٤٨

    Wayuʿallimuhu alkitaba waalhikmata waalttawrata waalinjeela

    Wuxuuna bari (Ciise) qoraalka, Xikmadda, Towraadda iyo Injiilka.

  49. وَرَسُولًا إِلَىٰ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ أَنِّى قَدْ جِئْتُكُم بِـَٔايَةٍ مِّن رَّبِّكُمْ ۖ أَنِّىٓ أَخْلُقُ لَكُم مِّنَ ٱلطِّينِ كَهَيْـَٔةِ ٱلطَّيْرِ فَأَنفُخُ فِيهِ فَيَكُونُ طَيْرًۢا بِإِذْنِ ٱللَّهِ ۖ وَأُبْرِئُ ٱلْأَكْمَهَ وَٱلْأَبْرَصَ وَأُحْىِ ٱلْمَوْتَىٰ بِإِذْنِ ٱللَّهِ ۖ وَأُنَبِّئُكُم بِمَا تَأْكُلُونَ وَمَا تَدَّخِرُونَ فِى بُيُوتِكُمْ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً لَّكُمْ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ۝٤٩

    Warasoolan ila banee israeela annee qad jitukum biayatin min rabbikum annee akhluqu lakum mina altteeni kahayati alttayri faanfukhu feehi fayakoonu tayran biithni Allahi waobrio alakmaha waalabrasa waohyee almawta biithni Allahi waonabbiokum bima takuloona wama taddakhiroona fee buyootikum inna fee thalika laayatan lakum in kuntum mumineena

    Waana Rasuulka ilmaha Israa’iil (isagoo ku dhihi): Waxaan idiin la imid Calaamo xagga Rabbigiin ah, waxaan idiinka sameyn dhoobo wax sida muuqaal shimbir leh, markaasaan afuufi oo ay noqon shimibir Idanka Alle. Waxaan bogsiin indhoolaha iyo baraslaha, oo soo nooleyn meytida Idanka Alle, waxaan idiinka warrami waxaad cunaysaan iyo waxaad ku kaydsataan guryihiinna. Arrinkani waxaa idiinku sugan calaamo, haddaad tihiin mu'miniin.

  50. وَمُصَدِّقًا لِّمَا بَيْنَ يَدَىَّ مِنَ ٱلتَّوْرَىٰةِ وَلِأُحِلَّ لَكُم بَعْضَ ٱلَّذِى حُرِّمَ عَلَيْكُمْ ۚ وَجِئْتُكُم بِـَٔايَةٍ مِّن رَّبِّكُمْ فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ۝٥٠

    Wamusaddiqan lima bayna yadayya mina alttawrati waliohilla lakum baʿda allathee hurrima ʿalaykum wajitukum biayatin min rabbikum faittaqoo Allaha waateeʿooni

    Waxaana rumeyn wixii iga horreeyey ee Towraadda ah, iyo inaan idiin xalaaleeyo qaar ka mid ah waxa la idinka xaaraameeyey. Waxaan idiin la imid calaamo xagga Rabbigiin ah. Ee Alle ka cabsada oo i Adeeca.

  51. إِنَّ ٱللَّهَ رَبِّى وَرَبُّكُمْ فَٱعْبُدُوهُ ۗ هَـٰذَا صِرَٰطٌ مُّسْتَقِيمٌ۝٥١

    Inna Allaha rabbee warabbukum faoʿbudoohu hatha siratun mustaqeemun

    Hubaal Alle waa Rabbigay iyo Rabbigiin, ee caabuda Isagoo Keliya, waa kane Jidka Toosan.

  52. ۞ فَلَمَّآ أَحَسَّ عِيسَىٰ مِنْهُمُ ٱلْكُفْرَ قَالَ مَنْ أَنصَارِىٓ إِلَى ٱللَّهِ ۖ قَالَ ٱلْحَوَارِيُّونَ نَحْنُ أَنصَارُ ٱللَّهِ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَٱشْهَدْ بِأَنَّا مُسْلِمُونَ۝٥٢

    Falamma ahassa ʿeesa minhumu alkufra qala man ansaree ila Allahi qala alhawariyyoona nahnu ansaru Allahi amanna biAllahi waishhad bianna muslimoona

    Markiise uu Ciise ka dareemay gaalnimo xaggooda, wuxuu yidhi: Yaa iigu gargaari xagga (diinta) Alle? Xawaariyiintii waxay yidhaahdeen: Annagaa ah gargaarayaasha (diinta) Alle; waxaanu rumeynay Alle, maragna ka ahow inaanu nahay Muslimiin.

  53. رَبَّنَآ ءَامَنَّا بِمَآ أَنزَلْتَ وَٱتَّبَعْنَا ٱلرَّسُولَ فَٱكْتُبْنَا مَعَ ٱلشَّـٰهِدِينَ۝٥٣

    Rabbana amanna bima anzalta waittabaʿna alrrasoola faoktubna maʿa alshshahideena

    Rabbigayow! Waxaanu rumeynay waxa aad soo dejisey oo Waxyi ah, oo raacnay Rasuulka, ee nagu qor (naga dhig) la jirka markhaatiyada (Alle ee kuu hoggaansan).

  54. وَمَكَرُوا۟ وَمَكَرَ ٱللَّهُ ۖ وَٱللَّهُ خَيْرُ ٱلْمَـٰكِرِينَ۝٥٤

    Wamakaroo wamakara Allahu waAllahu khayru almakireena

    Oo tab ayey dhigeen, Allena (sidoo kale) tab ayuu dhigay. Allaana ah Kan ugu wanaagsan inta wax tabeysa.

  55. إِذْ قَالَ ٱللَّهُ يَـٰعِيسَىٰٓ إِنِّى مُتَوَفِّيكَ وَرَافِعُكَ إِلَىَّ وَمُطَهِّرُكَ مِنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَجَاعِلُ ٱلَّذِينَ ٱتَّبَعُوكَ فَوْقَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۖ ثُمَّ إِلَىَّ مَرْجِعُكُمْ فَأَحْكُمُ بَيْنَكُمْ فِيمَا كُنتُمْ فِيهِ تَخْتَلِفُونَ۝٥٥

    Ith qala Allahu ya ʿeesa innee mutawaffeeka warafiʿuka ilayya wamutahhiruka mina allatheena kafaroo wajaʿilu allatheena ittabaʿooka fawqa allatheena kafaroo ila yawmi alqiyamati thumma ilayya marjiʿukum faahkumu baynakum feema kuntum feehi takhtalifoona

    (Xus) markuu Alle yidhi: Ciisow! Waan ku oofsanayaa (seexin dhimasho la'aan) oo kuu soo kor yeelayaa Xaggeyga (jidh iyo ruuxba), oo kaa daahirin gaalada, oo ka yeeli kuwa kugu raaca (Towxiidka) kuwa ka sarreeya (Xujo ahaan) kuwa gaalooba tan iyo Maalinta Qiyaamaha. Markaas waa Xaggeyga meel noqodkiinna, waana idiin kala garsoori dhexdiinna waxaad isku khilaafsaneydeen.

  56. فَأَمَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ فَأُعَذِّبُهُمْ عَذَابًا شَدِيدًا فِى ٱلدُّنْيَا وَٱلْـَٔاخِرَةِ وَمَا لَهُم مِّن نَّـٰصِرِينَ۝٥٦

    Faamma allatheena kafaroo faoʿaththibuhum ʿathaban shadeedan fee alddunya waalakhirati wama lahum min nasireena

    Ee ma kuwa gaalooba, waxaan cadaabi cadaab daran adduun iyo Aakhiraba, mana leh wax u soo gargaari (Aakhirada oo u shafeeci).

  57. وَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ فَيُوَفِّيهِمْ أُجُورَهُمْ ۗ وَٱللَّهُ لَا يُحِبُّ ٱلظَّـٰلِمِينَ۝٥٧

    Waamma allatheena amanoo waʿamiloo alssalihati fayuwaffeehim ojoorahum waAllahu la yuhibbu alththalimeena

    Kuwase (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala, wuxuu u oofin abaalgudyadooda oo dhan. Alle ma jecla daalimiinta (gar diidka).

  58. ذَٰلِكَ نَتْلُوهُ عَلَيْكَ مِنَ ٱلْـَٔايَـٰتِ وَٱلذِّكْرِ ٱلْحَكِيمِ۝٥٨

    Thalika natloohu ʿalayka mina alayati waalththikri alhakeemi

    Kaa baan ku akhriyeynaa (Qur’aanka) oo Aayado ah iyo waano xikmad leh.

  59. إِنَّ مَثَلَ عِيسَىٰ عِندَ ٱللَّهِ كَمَثَلِ ءَادَمَ ۖ خَلَقَهُۥ مِن تُرَابٍ ثُمَّ قَالَ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ۝٥٩

    Inna mathala ʿeesa ʿinda Allahi kamathali adama khalaqahu min turabin thumma qala lahu kun fayakoonu

    Mataalka Ciise xagga Alle waa sida mataalka Aadam. Wuxuu ka abuuray carro, markaasuu ku yidhi: Ahow, wuuna ahaaday.

  60. ٱلْحَقُّ مِن رَّبِّكَ فَلَا تَكُن مِّنَ ٱلْمُمْتَرِينَ۝٦٠

    Alhaqqu min rabbika fala takun mina almumtareena

    (Kani) waa Xaq ka yimid Rabbigaa, ee ha ka mid noqon shaki qabeenka.

  61. فَمَنْ حَآجَّكَ فِيهِ مِنۢ بَعْدِ مَا جَآءَكَ مِنَ ٱلْعِلْمِ فَقُلْ تَعَالَوْا۟ نَدْعُ أَبْنَآءَنَا وَأَبْنَآءَكُمْ وَنِسَآءَنَا وَنِسَآءَكُمْ وَأَنفُسَنَا وَأَنفُسَكُمْ ثُمَّ نَبْتَهِلْ فَنَجْعَل لَّعْنَتَ ٱللَّهِ عَلَى ٱلْكَـٰذِبِينَ۝٦١

    Faman hajjaka feehi min baʿdi ma jaaka mina alʿilmi faqul taʿalaw nadʿu abnaana waabnaakum wanisaana wanisaakum waanfusana waanfusakum thumma nabtahil fanajʿal laʿnata Allahi ʿala alkathibeena

    Qofkii se kaala dooda arrinkan, kaddib waxa kuu yimid oo cilmi ah, kolkaa dheh: Kaalaya, aan u yeerno wiilasheenna iyo wiilashiinna, iyo dumarkayaga iyo dumarkiinna iyo kuwa dad noo xiga iyo kuwa dad idiin xiga, markaas aan baryootanno, inay Nacaladda Alle ku dhacdo kuwa ah beenalayaasha.

  62. إِنَّ هَـٰذَا لَهُوَ ٱلْقَصَصُ ٱلْحَقُّ ۚ وَمَا مِنْ إِلَـٰهٍ إِلَّا ٱللَّهُ ۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ۝٦٢

    Inna hatha lahuwa alqasasu alhaqqu wama min ilahin illa Allahu wainna Allaha lahuwa alʿazeezu alhakeemu

    Kuwani waa qisooyinka runta ah, oo ma jiro ilaah (xaq ah) aan ahayn Allaah. Alle waa Adkaadaha, Xakiimka ah.

  63. فَإِن تَوَلَّوْا۟ فَإِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌۢ بِٱلْمُفْسِدِينَ۝٦٣

    Fain tawallaw fainna Allaha ʿaleemun bialmufsideena

    Hadday (Xaqa ka) jeesadaan, Alle wuu ogsoon yahay kuwa wax fasaadiya.

  64. قُلْ يَـٰٓأَهْلَ ٱلْكِتَـٰبِ تَعَالَوْا۟ إِلَىٰ كَلِمَةٍ سَوَآءٍۭ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ أَلَّا نَعْبُدَ إِلَّا ٱللَّهَ وَلَا نُشْرِكَ بِهِۦ شَيْـًٔا وَلَا يَتَّخِذَ بَعْضُنَا بَعْضًا أَرْبَابًا مِّن دُونِ ٱللَّهِ ۚ فَإِن تَوَلَّوْا۟ فَقُولُوا۟ ٱشْهَدُوا۟ بِأَنَّا مُسْلِمُونَ۝٦٤

    Qul ya ahla alkitabi taʿalaw ila kalimatin sawain baynana wabaynakum alla naʿbuda illa Allaha wala nushrika bihi shayan wala yattakhitha baʿduna baʿdan arbaban min dooni Allahi fain tawallaw faqooloo ishhadoo bianna muslimoona

    Dheh: ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! U kaalaya Kelmed aan u simannahay ee noo dhaxeysa innaga iyo idinkaba, inaynaan caabudin cidna Alle maahee, iyo inaynaan la wadaajin (cibaadada) waxba, iyo (inaan) qaarkeen ka dhigan qaar kale rabbiyo ay la barbar caabudaan Alle. Hadday (Xaqa ka) jeesadaan, markaa dhaha: Ka markhaati ahaada inaan innagu nahay Muslimiin.

  65. يَـٰٓأَهْلَ ٱلْكِتَـٰبِ لِمَ تُحَآجُّونَ فِىٓ إِبْرَٰهِيمَ وَمَآ أُنزِلَتِ ٱلتَّوْرَىٰةُ وَٱلْإِنجِيلُ إِلَّا مِنۢ بَعْدِهِۦٓ ۚ أَفَلَا تَعْقِلُونَ۝٦٥

    Ya ahla alkitabi lima tuhajjoona fee ibraheema wama onzilati alttawratu waalinjeelu illa min baʿdihi afala taʿqiloona

    Ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad uga doodeysaan arrinka Ibraahiim, lamana soo dejin Towraadda iyo Injiilka isaga kaddib maahee? Ee miyeydaan wax fahmeyn?

  66. هَـٰٓأَنتُمْ هَـٰٓؤُلَآءِ حَـٰجَجْتُمْ فِيمَا لَكُم بِهِۦ عِلْمٌ فَلِمَ تُحَآجُّونَ فِيمَا لَيْسَ لَكُم بِهِۦ عِلْمٌ ۚ وَٱللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ۝٦٦

    Haantum haolai hajajtum feema lakum bihi ʿilmun falima tuhajjoona feema laysa lakum bihi ʿilmun waAllahu yaʿlamu waantum la taʿlamoona

    Bal eega! Idinka weeye kuwa ku dooday waxaad aqoon u lahaydeen, Ee maxaad uga doodaysaan wax aydaan aqoon u lahayn? Alle baana ogsoon, idinkuse ma ogidin.

  67. مَا كَانَ إِبْرَٰهِيمُ يَهُودِيًّا وَلَا نَصْرَانِيًّا وَلَـٰكِن كَانَ حَنِيفًا مُّسْلِمًا وَمَا كَانَ مِنَ ٱلْمُشْرِكِينَ۝٦٧

    Ma kana ibraheemu yahoodiyyan wala nasraniyyan walakin kana haneefan musliman wama kana mina almushrikeena

    Ma uusan ahayn Ibraahiim Yuhuudi ama Nasraani midkoodna1, wuxuuse ahaa toosane, Muslim ah, kamana uu mid aheyn mushrikiinta.

    Sharaxa hoose
    [1] Labada qoloba ee Yuhuudda iyo Nassarada (Kirishtaanka) waxay sheegteen in Ibraahiim uu ka mid yahay xisbigooda, markaasuu Alle ugu jawaab celiyey in Ibraahiim uu ahaa iyaga hortood.
  68. إِنَّ أَوْلَى ٱلنَّاسِ بِإِبْرَٰهِيمَ لَلَّذِينَ ٱتَّبَعُوهُ وَهَـٰذَا ٱلنَّبِىُّ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ۗ وَٱللَّهُ وَلِىُّ ٱلْمُؤْمِنِينَ۝٦٨

    Inna awla alnnasi biibraheema lallatheena ittabaʿoohu wahatha alnnabiyyu waallatheena amanoo waAllahu waliyyu almumineena

    Kuwa u xiga Ibraahiim dadka waa kuwaa raacay, iyo Nabigaan (Nabi Muxammad) iyo kuwa rumeeyey (Muslimiinta). Alle waa Gargaaraha mu’miniinta.

  69. وَدَّت طَّآئِفَةٌ مِّنْ أَهْلِ ٱلْكِتَـٰبِ لَوْ يُضِلُّونَكُمْ وَمَا يُضِلُّونَ إِلَّآ أَنفُسَهُمْ وَمَا يَشْعُرُونَ۝٦٩

    Waddat taifatun min ahli alkitabi law yudilloonakum wama yudilloona illa anfusahum wama yashʿuroona

    Qayb ka mid ah Ehlul Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay jecel yihiin inay idin lumiyaan. Mase lumiyaan waxaan aheyn nafahooda, mase dareensana.

  70. يَـٰٓأَهْلَ ٱلْكِتَـٰبِ لِمَ تَكْفُرُونَ بِـَٔايَـٰتِ ٱللَّهِ وَأَنتُمْ تَشْهَدُونَ۝٧٠

    Ya ahla alkitabi lima takfuroona biayati Allahi waantum tashhadoona

    Ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad ugu gaaloobeysaan Aayadaha Alle idinkoo marag ah (og Xaqnimadooda)?

  71. يَـٰٓأَهْلَ ٱلْكِتَـٰبِ لِمَ تَلْبِسُونَ ٱلْحَقَّ بِٱلْبَـٰطِلِ وَتَكْتُمُونَ ٱلْحَقَّ وَأَنتُمْ تَعْلَمُونَ۝٧١

    Ya ahla alkitabi lima talbisoona alhaqqa bialbatili wataktumoona alhaqqa waantum taʿlamoona

    Ehlul-Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad ugu dheeheysaan xaqa baadilka, oo u qarisaan xaqa idinkoo ogsoon?

  72. وَقَالَت طَّآئِفَةٌ مِّنْ أَهْلِ ٱلْكِتَـٰبِ ءَامِنُوا۟ بِٱلَّذِىٓ أُنزِلَ عَلَى ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَجْهَ ٱلنَّهَارِ وَٱكْفُرُوٓا۟ ءَاخِرَهُۥ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ۝٧٢

    Waqalat taifatun min ahli alkitabi aminoo biallathee onzila ʿala allatheena amanoo wajha alnnahari waokfuroo akhirahu laʿallahum yarjiʿoona

    Koox ka mid ah ehlul- Kitaabka (Yuhuudda) waxay yidhaahdeen: Rumeeya waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah kuwa rumeeyey (Muslimiinta) gelinka hore ee maalinta, kuna gaalooba aakhirkeeda, bal inay ka soo noqdaan 'diintooda'1.

    Sharaxa hoose
    [1] Xagga kuwa idin la diinta ah (Yuhuudda iyo Nasaarada) si ayan u gelin diinta islaamka, xagga muslmiintana horay idinla diinta ahaa si uu u daciifo iimaankooda oo ugu soo laabtaan gaalnimada.
  73. وَلَا تُؤْمِنُوٓا۟ إِلَّا لِمَن تَبِعَ دِينَكُمْ قُلْ إِنَّ ٱلْهُدَىٰ هُدَى ٱللَّهِ أَن يُؤْتَىٰٓ أَحَدٌ مِّثْلَ مَآ أُوتِيتُمْ أَوْ يُحَآجُّوكُمْ عِندَ رَبِّكُمْ ۗ قُلْ إِنَّ ٱلْفَضْلَ بِيَدِ ٱللَّهِ يُؤْتِيهِ مَن يَشَآءُ ۗ وَٱللَّهُ وَٰسِعٌ عَلِيمٌ۝٧٣

    Wala tuminoo illa liman tabiʿa deenakum qul inna alhuda huda Allahi an yuta ahadun mithla ma ooteetum aw yuhajjookum ʿinda rabbikum qul inna alfadla biyadi Allahi yuteehi man yashao waAllahu wasiʿun ʿaleemun

    Hana aaminina cid aan aheyn kan isagu raaca diintiinna (iyo dhaqankiinna). Dheh: Hanuunka (xaqa ah) waa hanuunka Alle (Islaamka), (oo ma xasdeysaan) si aan cidna loo siin (cilmi) la mid ah kan la idin siiyey, ama si ayan idinkula doodin Rabbigiin horti. Dheh: Fadli oo dhan wuxuu ku jiraa Gacanta Alle; Wuxuu siiyaa kuu doono. Alle waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon.

  74. يَخْتَصُّ بِرَحْمَتِهِۦ مَن يَشَآءُ ۗ وَٱللَّهُ ذُو ٱلْفَضْلِ ٱلْعَظِيمِ۝٧٤

    Yakhtassu birahmatihi man yashao waAllahu thoo alfadli alʿatheemi

    Wuxuu u doortaa Naxariistiisa kuu doono. Alle waa Kan iska leh Fadliga Weyn.

  75. ۞ وَمِنْ أَهْلِ ٱلْكِتَـٰبِ مَنْ إِن تَأْمَنْهُ بِقِنطَارٍ يُؤَدِّهِۦٓ إِلَيْكَ وَمِنْهُم مَّنْ إِن تَأْمَنْهُ بِدِينَارٍ لَّا يُؤَدِّهِۦٓ إِلَيْكَ إِلَّا مَا دُمْتَ عَلَيْهِ قَآئِمًا ۗ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ قَالُوا۟ لَيْسَ عَلَيْنَا فِى ٱلْأُمِّيِّـۧنَ سَبِيلٌ وَيَقُولُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلْكَذِبَ وَهُمْ يَعْلَمُونَ۝٧٥

    Wamin ahli alkitabi man in tamanhu biqintarin yuaddihi ilayka waminhum man in tamanhu bideenarin la yuaddihi ilayka illa ma dumta ʿalayhi qaiman thalika biannahum qaloo laysa ʿalayna fee alommiyyeena sabeelun wayaqooloona ʿala Allahi alkathiba wahum yaʿlamoona

    Waxaa ka mid ah Ehlul-Kitaabka (Yuhuudda) mid haddaad ku aaminto maal tuuran kuu oofin; waxaana ka mid ah mid haddaad ku aaminto hal Diinnaar aan dib kuugu gudeyn inaad kor joogto ma’ahee adigoo dalbaya, waxaa arrinkani ugu wacan inay yidhaahdaan: Ma jirto korkeenna xagga kuwa aan aqoonta lahayn wax jid ah 'nalagu eedeeyo'1; waxayna Alle ka sheegaan been iyagoo ogsoon.

    Sharaxa hoose
    [1] Yuhuudda uma arkaan denbi inay khiyaameeyaan ama been u sheegaan dadka aan iyaga ahayn.
  76. بَلَىٰ مَنْ أَوْفَىٰ بِعَهْدِهِۦ وَٱتَّقَىٰ فَإِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلْمُتَّقِينَ۝٧٦

    Bala man awfa biʿahdihi waittaqa fainna Allaha yuhibbu almuttaqeena

    Haayoo, qofkii oofiya ballankiisa ee ka cabsada Ilaahay, hubaal Alle wuu jecel yahay kuwa iska jira (shirkiga iyo xumaha kale).

  77. إِنَّ ٱلَّذِينَ يَشْتَرُونَ بِعَهْدِ ٱللَّهِ وَأَيْمَـٰنِهِمْ ثَمَنًا قَلِيلًا أُو۟لَـٰٓئِكَ لَا خَلَـٰقَ لَهُمْ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ وَلَا يُكَلِّمُهُمُ ٱللَّهُ وَلَا يَنظُرُ إِلَيْهِمْ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ وَلَا يُزَكِّيهِمْ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ۝٧٧

    Inna allatheena yashtaroona biʿahdi Allahi waaymanihim thamanan qaleelan olaika la khalaqa lahum fee alakhirati wala yukallimuhumu Allahu wala yanthuru ilayhim yawma alqiyamati wala yuzakkeehim walahum ʿathabun aleemun

    Kuwa ku iibsada Axdiga Alle1 iyo dhaarahooda qiimo yar, kuwaas kuma laha wax saami ah Aakhirada. Alle lama hadlayo, mana eegayo Maalinta Qiyaamaha, mana daahirinayo, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.

    Sharaxa hoose
    [1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofkii ku goosta maal qof Muslim ah xaq darro isagoo dhaar ku mari, wuxuu la kulmi Alle oo u cadheysan”w.w. Axmad.
  78. وَإِنَّ مِنْهُمْ لَفَرِيقًا يَلْوُۥنَ أَلْسِنَتَهُم بِٱلْكِتَـٰبِ لِتَحْسَبُوهُ مِنَ ٱلْكِتَـٰبِ وَمَا هُوَ مِنَ ٱلْكِتَـٰبِ وَيَقُولُونَ هُوَ مِنْ عِندِ ٱللَّهِ وَمَا هُوَ مِنْ عِندِ ٱللَّهِ وَيَقُولُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلْكَذِبَ وَهُمْ يَعْلَمُونَ۝٧٨

    Wainna minhum lafareeqan yalwoona alsinatahum bialkitabi litahsaboohu mina alkitabi wama huwa mina alkitabi wayaqooloona huwa min ʿindi Allahi wama huwa min ʿindi Allahi wayaqooloona ʿala Allahi alkathiba wahum yaʿlamoona

    Waxaa ka mid ah (Yuhuudda) koox ku leexisa carrabyadooda Kitaabka (Towraadda) si aad u mooddaan inuu ka mid yahay Kitaabka, isagoon ka mid ahayn Kitaabka, waxayna yidhaahdaan: wuxuu ka yimid Xagga Alle isagoo aan ka iman xagga Alle, waxayna ka sheegaan Alle been iyagoo ogsoon.

  79. مَا كَانَ لِبَشَرٍ أَن يُؤْتِيَهُ ٱللَّهُ ٱلْكِتَـٰبَ وَٱلْحُكْمَ وَٱلنُّبُوَّةَ ثُمَّ يَقُولَ لِلنَّاسِ كُونُوا۟ عِبَادًا لِّى مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلَـٰكِن كُونُوا۟ رَبَّـٰنِيِّـۧنَ بِمَا كُنتُمْ تُعَلِّمُونَ ٱلْكِتَـٰبَ وَبِمَا كُنتُمْ تَدْرُسُونَ۝٧٩

    Ma kana libasharin an yutiyahu Allahu alkitaba waalhukma waalnnubuwwata thumma yaqoola lilnnasi koonoo ʿibadan lee min dooni Allahi walakin koonoo rabbaniyyeena bima kuntum tuʿallimoona alkitaba wabima kuntum tadrusoona

    Kuma habboona qof inuu Alle siiyo Kitaab iyo Xukun iyo Nabinnimo, markaas uu ku yidhaahda dadka: Ii noqda addoomo halkii Alle; (wuxuuse halkii taa yidhaahdaa): Ahaada caabudayaal Rabbi, Kitaabka aad bareysaan dartiis, iyo waxaad akhrinaysaan.

  80. وَلَا يَأْمُرَكُمْ أَن تَتَّخِذُوا۟ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةَ وَٱلنَّبِيِّـۧنَ أَرْبَابًا ۗ أَيَأْمُرُكُم بِٱلْكُفْرِ بَعْدَ إِذْ أَنتُم مُّسْلِمُونَ۝٨٠

    Wala yamurakum an tattakhithoo almalaikata waalnnabiyyeena arbaban ayamurukum bialkufri baʿda ith antum muslimoona

    Idinmana amrayo inaad ka dhigataan malaa’igta iyo Nabiyada rabbiyo, ma wuxuu idin amrayaa gaalnimo intaad Muslimiin noqoteen kaddib?

  81. وَإِذْ أَخَذَ ٱللَّهُ مِيثَـٰقَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ لَمَآ ءَاتَيْتُكُم مِّن كِتَـٰبٍ وَحِكْمَةٍ ثُمَّ جَآءَكُمْ رَسُولٌ مُّصَدِّقٌ لِّمَا مَعَكُمْ لَتُؤْمِنُنَّ بِهِۦ وَلَتَنصُرُنَّهُۥ ۚ قَالَ ءَأَقْرَرْتُمْ وَأَخَذْتُمْ عَلَىٰ ذَٰلِكُمْ إِصْرِى ۖ قَالُوٓا۟ أَقْرَرْنَا ۚ قَالَ فَٱشْهَدُوا۟ وَأَنَا۠ مَعَكُم مِّنَ ٱلشَّـٰهِدِينَ۝٨١

    Waith akhatha Allahu meethaqa alnnabiyyeena lama ataytukum min kitabin wahikmatin thumma jaakum rasoolun musaddiqun lima maʿakum latuminunna bihi walatansurunnahu qala aaqrartum waakhathtum ʿala thalikum isree qaloo aqrarna qala faishhadoo waana maʿakum mina alshshahideena

    (Xus) markuu Alle ka qaaday Nabiyada ballan adag1: waxaan idin siiyoba ee Kitaab iyo Xikmad ah, markaas idiin yimaado Rasuul xaqiijin waxaad haysataan, waa inaad rumeysaan oo u gargaartaan; Wuxuu yidhi: Ma qireysaan oo ma qaadeysaan wacadkay (arrinkan)? Waxay yidhaahdeen: Waanu qirnay. Wuxuu yidhi: Markhaati ka ahaada; Aniguna (sidoo kale) waxaan ahay la jirkiin mid ka mid ah markhaatiyada.

    Sharaxa hoose
    [1] Anbiyadu waxay ballan kula galeen Alle in hadduu yimaado Rasuul magaciisu yahay Muxammad ay rumeyn oo u gargaari, ballantoodaasina waxay sidoo kale saaran tahay ummadahooda.
  82. فَمَن تَوَلَّىٰ بَعْدَ ذَٰلِكَ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْفَـٰسِقُونَ۝٨٢

    Faman tawalla baʿda thalika faolaika humu alfasiqoona

    Qofkii jeesada intaas kaddib, kuwaa weeye kuwa ah caasiyaasha.

  83. أَفَغَيْرَ دِينِ ٱللَّهِ يَبْغُونَ وَلَهُۥٓ أَسْلَمَ مَن فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ طَوْعًا وَكَرْهًا وَإِلَيْهِ يُرْجَعُونَ۝٨٣

    Afaghayra deeni Allahi yabghoona walahu aslama man fee alssamawati waalardi tawʿan wakarhan wailayhi yurjaʿoona

    Ma waxaan ahayn diinta Alle (Islaamka) bay rabaan (inay raacaan), Isagoo ay (Alle) u hoggaansan yihiin waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, oggolaan ama sandulleba, Xaggiisaana loo celin.

  84. قُلْ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَمَآ أُنزِلَ عَلَيْنَا وَمَآ أُنزِلَ عَلَىٰٓ إِبْرَٰهِيمَ وَإِسْمَـٰعِيلَ وَإِسْحَـٰقَ وَيَعْقُوبَ وَٱلْأَسْبَاطِ وَمَآ أُوتِىَ مُوسَىٰ وَعِيسَىٰ وَٱلنَّبِيُّونَ مِن رَّبِّهِمْ لَا نُفَرِّقُ بَيْنَ أَحَدٍ مِّنْهُمْ وَنَحْنُ لَهُۥ مُسْلِمُونَ۝٨٤

    Qul amanna biAllahi wama onzila ʿalayna wama onzila ʿala ibraheema waismaʿeela waishaqa wayaʿqooba waalasbati wama ootiya moosa waʿeesa waalnnabiyyoona min rabbihim la nufarriqu bayna ahadin minhum wanahnu lahu muslimoona

    Dheh: Waxaanu rumeynay Alle, iyo waxa nalagu soo dejiyey (ee Waxyi ah), iyo waxa lagu soo dejiyey Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo (Nabiyadii ahaa) firkiisa iyo waxa laga siiyey Muuse iyo Ciise iyo Nabiyada xagga Rabbigood. Ma kala soocno midkoodna. Innaguna Alleynu u hoggaansannahay.

  85. وَمَن يَبْتَغِ غَيْرَ ٱلْإِسْلَـٰمِ دِينًا فَلَن يُقْبَلَ مِنْهُ وَهُوَ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ مِنَ ٱلْخَـٰسِرِينَ۝٨٥

    Waman yabtaghi ghayra alislami deenan falan yuqbala minhu wahuwa fee alakhirati mina alkhasireena

    Qofkii doonana waxaan aheyn Islaamka diin (iyo dhaqan) ahaan, marnaba lagama aqbalayo, wuxuuna Aakhirada ka mid ahaan kuwa ku sugan khasaaraha.

  86. كَيْفَ يَهْدِى ٱللَّهُ قَوْمًا كَفَرُوا۟ بَعْدَ إِيمَـٰنِهِمْ وَشَهِدُوٓا۟ أَنَّ ٱلرَّسُولَ حَقٌّ وَجَآءَهُمُ ٱلْبَيِّنَـٰتُ ۚ وَٱللَّهُ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ ٱلظَّـٰلِمِينَ۝٨٦

    Kayfa yahdee Allahu qawman kafaroo baʿda eemanihim washahidoo anna alrrasoola haqqun wajaahumu albayyinatu waAllahu la yahdee alqawma alththalimeena

    Sidee Alle u hanuunin qolo gaaloobay rumayntooda kaddib, iyo (kaddib) markay qireen in Rasuulku xaq yahay oo xujooyin cad ay u yimaadeen? Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar diidka).

  87. أُو۟لَـٰٓئِكَ جَزَآؤُهُمْ أَنَّ عَلَيْهِمْ لَعْنَةَ ٱللَّهِ وَٱلْمَلَـٰٓئِكَةِ وَٱلنَّاسِ أَجْمَعِينَ۝٨٧

    Olaika jazaohum anna ʿalayhim laʿnata Allahi waalmalaikati waalnnasi ajmaʿeena

    Kuwaasi abaalkoodu waa inay korkooda ahaato Nacladda Alle , iyo malaa`igta iyo dadkoo dhan.

  88. خَـٰلِدِينَ فِيهَا لَا يُخَفَّفُ عَنْهُمُ ٱلْعَذَابُ وَلَا هُمْ يُنظَرُونَ۝٨٨

    Khalideena feeha la yukhaffafu ʿanhumu alʿathabu wala hum yuntharoona

    Iyagoo ku dhex waaraya, cadaabka lagama khafiifinayo, lamana siinayo nafis.

  89. إِلَّا ٱلَّذِينَ تَابُوا۟ مِنۢ بَعْدِ ذَٰلِكَ وَأَصْلَحُوا۟ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ۝٨٩

    Illa allatheena taboo min baʿdi thalika waaslahoo fainna Allaha ghafoorun raheemun

    Kuwa tawbad keena (xumo falkooda) kaddib oo wanaagsanaada mooyee. Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

  90. إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بَعْدَ إِيمَـٰنِهِمْ ثُمَّ ٱزْدَادُوا۟ كُفْرًا لَّن تُقْبَلَ تَوْبَتُهُمْ وَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلضَّآلُّونَ۝٩٠

    Inna allatheena kafaroo baʿda eemanihim thumma izdadoo kufran lan tuqbala tawbatuhum waolaika humu alddalloona

    Hubaal, kuwa gaalooba rumayntoodii kaddib, haddana kororsada gaalnimo, lagama aqbalo tawbadooda (ay sheegtaan), waana kuwaa kuwa lunsan.

  91. إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَمَاتُوا۟ وَهُمْ كُفَّارٌ فَلَن يُقْبَلَ مِنْ أَحَدِهِم مِّلْءُ ٱلْأَرْضِ ذَهَبًا وَلَوِ ٱفْتَدَىٰ بِهِۦٓ ۗ أُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ وَمَا لَهُم مِّن نَّـٰصِرِينَ۝٩١

    Inna allatheena kafaroo wamatoo wahum kuffarun falan yuqbala min ahadihim milo alardi thahaban walawi iftada bihi olaika lahum ʿathabun aleemun wama lahum min nasireena

    Hubaal, kuwa gaalooba oo dhinta iyagoo gaalo ah, lagama aqbalo midkoodna dhulka muggi oo dahab ah walow uu u isku furto. Kuwaa weeye kuwa leh cadaab xanuun badan, mana leh wax u soo gargaari (oo u shafeeci Aakhirada).

  92. لَن تَنَالُوا۟ ٱلْبِرَّ حَتَّىٰ تُنفِقُوا۟ مِمَّا تُحِبُّونَ ۚ وَمَا تُنفِقُوا۟ مِن شَىْءٍ فَإِنَّ ٱللَّهَ بِهِۦ عَلِيمٌ۝٩٢

    Lan tanaloo albirra hatta tunfiqoo mimma tuhibboona wama tunfiqoo min shayin fainna Allaha bihi ʿaleemun

    Marnaba ma haleeleysaan ajarka wanaagsan (ee lagu muto Jannada) jeer aad bixisaan wax ka mid ah waxaad jeceshihiin; waxaad bixisaanna oo wuxuun ah, hubaal Alle wuu Ogsoon yahay.

  93. ۞ كُلُّ ٱلطَّعَامِ كَانَ حِلًّا لِّبَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ إِلَّا مَا حَرَّمَ إِسْرَٰٓءِيلُ عَلَىٰ نَفْسِهِۦ مِن قَبْلِ أَن تُنَزَّلَ ٱلتَّوْرَىٰةُ ۗ قُلْ فَأْتُوا۟ بِٱلتَّوْرَىٰةِ فَٱتْلُوهَآ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ۝٩٣

    Kullu alttaʿami kana hillan libanee israeela illa ma harrama israeelu ʿala nafsihi min qabli an tunazzala alttawratu qul fatoo bialttawrati faotlooha in kuntum sadiqeena

    Cunto oo dhan xalaal bay u ahayd Ilmahii Israa`iil, wixii uu Israa`iil (Nabi Yacquub) ka xaaraameeyay naftiisa maahee intaan la soo dejin Towraadda1. Dheh: Keena Tawraadda oo Akhriya, haddaad run sheegaysaan.

    Sharaxa hoose
    [1] Kaddib soo degitaanka Towraadda waxaa Yuhuudda laga xaaraanshay cunitaanka qaar ka mid ah noocyada cuntada, ciqaab ahaan denbiyadoodii, magacyada waxaasi laga xaaraanshayna waxay ku qoran yihiin Towraadda, eeg suuradda An-Nisaa Aayadda 160 iyo Suuradda Al-Ancaam Aayadda 146.
  94. فَمَنِ ٱفْتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ ٱلْكَذِبَ مِنۢ بَعْدِ ذَٰلِكَ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلظَّـٰلِمُونَ۝٩٤

    Famani iftara ʿala Allahi alkathiba min baʿdi thalika faolaika humu althalimoona

    Qofkii ka been sheega Alle intaas kaddib, kuwaa weeye kuwa ah daalimiinta.

  95. قُلْ صَدَقَ ٱللَّهُ ۗ فَٱتَّبِعُوا۟ مِلَّةَ إِبْرَٰهِيمَ حَنِيفًا وَمَا كَانَ مِنَ ٱلْمُشْرِكِينَ۝٩٥

    Qul sadaqa Allahu faittabiʿoo millata ibraheema haneefan wama kana mina almushrikeena

    Dheh: Run buu sheegay Alle; ee raaca diinta Ibraahiim, toosnihii, kamana mid aheyn mushrikiinta.

  96. إِنَّ أَوَّلَ بَيْتٍ وُضِعَ لِلنَّاسِ لَلَّذِى بِبَكَّةَ مُبَارَكًا وَهُدًى لِّلْعَـٰلَمِينَ۝٩٦

    Inna awwala baytin wudiʿa lilnnasi lallathee bibakkata mubarakan wahudan lilʿalameena

    Xaqiiq, Gurigii ugu horreeyay ee loogu cayyimay dadka (cibaado) waa midka ku yaal Bakkah1, barakaysan, ee u ah hanuun ummadaha2.

    Sharaxa hoose
    [1] Ehlu kitaabka waxay yidhaahdeen Beytkii ugu horreeyey ee loo cayimay cibaadada waa kan ku yaal Baytul Maqdas, markaasuu Alle u jawaabay. Abuu Dar a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Waxaan idhi: Rasuul Allow, Masjidkee u horreeyey masaajidda? Wuxuu yidhi: Masjidka xurmadda badan ee Makkah, waxaan idhi: Yaa ku xiga? Wuxuu yidhi: Masjidka Al-Aqsaa ee Qudus. Waxaan idhi: Yaa ku xiga? Wuxuu yidhi: Meeshii salaad kugu haleeshaba ku tuko dhammaan dhulka waa masaajide. W.w. Axmad. [2] Eeg suuradda Al-Baqara Aayadda 125.
  97. فِيهِ ءَايَـٰتٌۢ بَيِّنَـٰتٌ مَّقَامُ إِبْرَٰهِيمَ ۖ وَمَن دَخَلَهُۥ كَانَ ءَامِنًا ۗ وَلِلَّهِ عَلَى ٱلنَّاسِ حِجُّ ٱلْبَيْتِ مَنِ ٱسْتَطَاعَ إِلَيْهِ سَبِيلًا ۚ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَنِىٌّ عَنِ ٱلْعَـٰلَمِينَ۝٩٧

    Feehi ayatun bayyinatun maqamu ibraheema waman dakhalahu kana aminan walillahi ʿala alnnasi hijju albayti mani istataʿa ilayhi sabeelan waman kafara fainna Allaha ghaniyyun ʿani alʿalameena

    Waxaa ku dhex yaal (Kacbada) calaamooyin cad, (sida) Maqaamkii Ibraahiim; qofkii soo gala wuxuu ahaan aamin. U xajinta beytkana (Kacbada) waa xil saaran dadka dar Alle, qof kasta oo kara inuu u socdaalo xaggiisa1. Qofkii beeniya (faral ahaanta Xajka), hubaal Alle wuu ka kaaftoon yahay uumanka.

    Sharaxa hoose
    [1] Qofkii awooda ee haysta sahay iyo gaadiid uu ku tago Xajka, ee isagu caafimaad qaba oo safarku aamin yahay ugana soo tagay masaariif ku filan reerkiisa.
  98. قُلْ يَـٰٓأَهْلَ ٱلْكِتَـٰبِ لِمَ تَكْفُرُونَ بِـَٔايَـٰتِ ٱللَّهِ وَٱللَّهُ شَهِيدٌ عَلَىٰ مَا تَعْمَلُونَ۝٩٨

    Qul ya ahla alkitabi lima takfuroona biayati Allahi waAllahu shaheedun ʿala ma taʿmaloona

    Dheh: ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad ugu gaaloobeysaan Aayadaha Alle, Allena wuu u jeedaa waxaad fashaan?

  99. قُلْ يَـٰٓأَهْلَ ٱلْكِتَـٰبِ لِمَ تَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ مَنْ ءَامَنَ تَبْغُونَهَا عِوَجًا وَأَنتُمْ شُهَدَآءُ ۗ وَمَا ٱللَّهُ بِغَـٰفِلٍ عَمَّا تَعْمَلُونَ۝٩٩

    Qul ya ahla alkitabi lima tasuddoona ʿan sabeeli Allahi man amana tabghoonaha ʿiwajan waantum shuhadao wama Allahu bighafilin ʿamma taʿmaloona

    Dheh: Ehlul-Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad uga hor istaagtaan Jidka Alle kan rumeysan, waxaad rabtaan (inaad ka dhigtaan) mid qalloocan, idinkoo marag ka ah? Alle ma mooga waxaad fashaan.

  100. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِن تُطِيعُوا۟ فَرِيقًا مِّنَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَـٰبَ يَرُدُّوكُم بَعْدَ إِيمَـٰنِكُمْ كَـٰفِرِينَ۝١٠٠

    Ya ayyuha allatheena amanoo in tuteeʿoo fareeqan mina allatheena ootoo alkitaba yaruddookum baʿda eemanikum kafireena

    Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad adeecdaan qaar ka mid ah kuwa la siiyay (hortiin) Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada), Waxay dib idiinku celin gaalo ahaan iimankiinna kaddib.

  101. وَكَيْفَ تَكْفُرُونَ وَأَنتُمْ تُتْلَىٰ عَلَيْكُمْ ءَايَـٰتُ ٱللَّهِ وَفِيكُمْ رَسُولُهُۥ ۗ وَمَن يَعْتَصِم بِٱللَّهِ فَقَدْ هُدِىَ إِلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسْتَقِيمٍ۝١٠١

    Wakayfa takfuroona waantum tutla ʿalaykum ayatu Allahi wafeekum rasooluhu waman yaʿtasim biAllahi faqad hudiya ila siratin mustaqeemin

    Sidee baa se u gaaloobeysaan idinkoo ah kuwa loo akhriyo Aayadaha Alle, oo uu idinku jiro Rasuulkiisa? Qofkii si sugan u qabsada (Kitaabka) Alle (iyo Sunnada Rasuulkiisa), waxaa run ahaan lagu hanuuniyey Jid Toosan (Islaamka).

  102. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ حَقَّ تُقَاتِهِۦ وَلَا تَمُوتُنَّ إِلَّا وَأَنتُم مُّسْلِمُونَ۝١٠٢

    Ya ayyuha allatheena amanoo ittaqoo Allaha haqqa tuqatihi wala tamootunna illa waantum muslimoona

    Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ka cabsada Alle ka cabsashada xaqa ah uu mudan yahay (oo u dhowra si dhan Amarradiisa), hana dhimannina idinkoo aan aheyn Muslimiin (kuwo u hoggaansan Alle).

  103. وَٱعْتَصِمُوا۟ بِحَبْلِ ٱللَّهِ جَمِيعًا وَلَا تَفَرَّقُوا۟ ۚ وَٱذْكُرُوا۟ نِعْمَتَ ٱللَّهِ عَلَيْكُمْ إِذْ كُنتُمْ أَعْدَآءً فَأَلَّفَ بَيْنَ قُلُوبِكُمْ فَأَصْبَحْتُم بِنِعْمَتِهِۦٓ إِخْوَٰنًا وَكُنتُمْ عَلَىٰ شَفَا حُفْرَةٍ مِّنَ ٱلنَّارِ فَأَنقَذَكُم مِّنْهَا ۗ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمْ ءَايَـٰتِهِۦ لَعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ۝١٠٣

    Waiʿtasimoo bihabli Allahi jameeʿan wala tafarraqoo waothkuroo niʿmata Allahi ʿalaykum ith kuntum aʿdaan faallafa bayna quloobikum faasbahtum biniʿmatihi ikhwanan wakuntum ʿala shafa hufratin mina alnnari faanqathakum minha kathalika yubayyinu Allahu lakum ayatihi laʿallakum tahtadoona

    Oo si sugan u qabsada (Xadhiga) Axdiga Alle (Islaamka) dhammaantiin, hana qaybsamina, xusuustana Nicmadda Alle dushiinna, waa tii idinkoo col isu ah, markaa isu furay quluubtiinna, ee aad Nicamaddiisa darteed ku noqoteen walaalo (is jecel); waxaadna qarka u saarnaydeen bohol Naar ah (khilaaf iyo dagaallo sokeeye), markaasuu idinka badbaadshay. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayadihiisa, inaad hanuuntaan.

  104. وَلْتَكُن مِّنكُمْ أُمَّةٌ يَدْعُونَ إِلَى ٱلْخَيْرِ وَيَأْمُرُونَ بِٱلْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ ٱلْمُنكَرِ ۚ وَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُفْلِحُونَ۝١٠٤

    Waltakun minkum ommatun yadʿoona ila alkhayri wayamuroona bialmaʿroofi wayanhawna ʿani almunkari waolaika humu almuflihoona

    Ha idinka mid ahaato koox ku baaqda khayrka, amartana samaha oo reebta xumaha. Kuwaana weeye kuwa liibaani.

  105. وَلَا تَكُونُوا۟ كَٱلَّذِينَ تَفَرَّقُوا۟ وَٱخْتَلَفُوا۟ مِنۢ بَعْدِ مَا جَآءَهُمُ ٱلْبَيِّنَـٰتُ ۚ وَأُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ۝١٠٥

    Wala takoonoo kaallatheena tafarraqoo waikhtalafoo min baʿdi ma jaahumu albayyinatu waolaika lahum ʿathabun ʿatheemun

    Ha noqonnina sida kuwa kala qaybsamay oo iskhilaafay kaddib marka xujooyinka cad ay u yimaadeen. Kuwaana weeye kuwa leh cadaab daran.

  106. يَوْمَ تَبْيَضُّ وُجُوهٌ وَتَسْوَدُّ وُجُوهٌ ۚ فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ٱسْوَدَّتْ وُجُوهُهُمْ أَكَفَرْتُم بَعْدَ إِيمَـٰنِكُمْ فَذُوقُوا۟ ٱلْعَذَابَ بِمَا كُنتُمْ تَكْفُرُونَ۝١٠٦

    Yawma tabyaddu wujoohun wataswaddu wujoohun faamma allatheena iswaddat wujoohuhum akafartum baʿda eemanikum fathooqoo alʿathaba bima kuntum takfuroona

    Maalinta wajiyo (qaar) ay nuurayaan, wejiyona ay madoobaan; kuwa ay wajiyadoodu madoobaadaan (waxaa lagu odhan): Ma waxaad gaalowdeen Iimaankiinnii kaddib? Ee dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinnii darteed.

  107. وَأَمَّا ٱلَّذِينَ ٱبْيَضَّتْ وُجُوهُهُمْ فَفِى رَحْمَةِ ٱللَّهِ هُمْ فِيهَا خَـٰلِدُونَ۝١٠٧

    Waamma allatheena ibyaddat wujoohuhum fafee rahmati Allahi hum feeha khalidoona

    Kuwase ay wajiyadoodu nuurayaan, waxay dhex ahaan Naxariista Alle (Jannada) iyagoo ku dhex waari weligood.

  108. تِلْكَ ءَايَـٰتُ ٱللَّهِ نَتْلُوهَا عَلَيْكَ بِٱلْحَقِّ ۗ وَمَا ٱللَّهُ يُرِيدُ ظُلْمًا لِّلْعَـٰلَمِينَ۝١٠٨

    Tilka ayatu Allahi natlooha ʿalayka bialhaqqi wama Allahu yureedu thulman lilʿalameena

    Kuwani waa Aayadaha Alle ee aan kuugu akhrinno (Nabi Muxammadow) xaq, Allena lama doono wax dulmi ah uumanka.

  109. وَلِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ ۚ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرْجَعُ ٱلْأُمُورُ۝١٠٩

    Walillahi ma fee alssamawati wama fee alardi waila Allahi turjaʿu alomooru

    Alle baana leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. xagga Allayna umuurahoo dhan u noqdaan.

  110. كُنتُمْ خَيْرَ أُمَّةٍ أُخْرِجَتْ لِلنَّاسِ تَأْمُرُونَ بِٱلْمَعْرُوفِ وَتَنْهَوْنَ عَنِ ٱلْمُنكَرِ وَتُؤْمِنُونَ بِٱللَّهِ ۗ وَلَوْ ءَامَنَ أَهْلُ ٱلْكِتَـٰبِ لَكَانَ خَيْرًا لَّهُم ۚ مِّنْهُمُ ٱلْمُؤْمِنُونَ وَأَكْثَرُهُمُ ٱلْفَـٰسِقُونَ۝١١٠

    Kuntum khayra ommatin okhrijat lilnnasi tamuroona bialmaʿroofi watanhawna ʿani almunkari watuminoona biAllahi walaw amana ahlu alkitabi lakana khayran lahum minhumu almuminoona waaktharuhumu alfasiqoona

    Waxaad tihiin (Muslimiintoy) tan u khayr badan ummadaha ee loo soo saaray dadka; Waxaad amartaan samaha, reebtaanna xumaha, oo rumeysan tihiin Alle. Haddayna ehlul Kitaabku rumeyn lahaayeen (Islaamka), waxay u ahaan laheyd wax u khayr badan iyaga; waxaa ka mid ah qaar mu'miniin ah (oo islaamay), badankooduse waa caasiyaal.

  111. لَن يَضُرُّوكُمْ إِلَّآ أَذًى ۖ وَإِن يُقَـٰتِلُوكُمْ يُوَلُّوكُمُ ٱلْأَدْبَارَ ثُمَّ لَا يُنصَرُونَ۝١١١

    Lan yadurrookum illa athan wain yuqatilookum yuwallookumu aladbara thumma la yunsaroona

    Idiinma geysan karaan waxyeello, dhib yar maahee; oo hadday idin la dagaalla- maan dhabarkay idiin jeedin, loona gargaari maayo.

  112. ضُرِبَتْ عَلَيْهِمُ ٱلذِّلَّةُ أَيْنَ مَا ثُقِفُوٓا۟ إِلَّا بِحَبْلٍ مِّنَ ٱللَّهِ وَحَبْلٍ مِّنَ ٱلنَّاسِ وَبَآءُو بِغَضَبٍ مِّنَ ٱللَّهِ وَضُرِبَتْ عَلَيْهِمُ ٱلْمَسْكَنَةُ ۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ كَانُوا۟ يَكْفُرُونَ بِـَٔايَـٰتِ ٱللَّهِ وَيَقْتُلُونَ ٱلْأَنۢبِيَآءَ بِغَيْرِ حَقٍّ ۚ ذَٰلِكَ بِمَا عَصَوا۟ وَّكَانُوا۟ يَعْتَدُونَ۝١١٢

    Duribat ʿalayhimu alththillatu ayna ma thuqifoo illa bihablin mina Allahi wahablin mina alnnasi wabaoo bighadabin mina Allahi waduribat ʿalayhimu almaskanatu thalika biannahum kanoo yakfuroona biayati Allahi wayaqtuloona alanbiyaa bighayri haqqin thalika bima ʿasaw wakanoo yaʿtadoona

    Dulli baa la raacshay dushooda meel kastoo laga helo (marka ma leh awood iyo magan gelyo), waxaan aheyn markay ku hoos jiraan axdi (magan) xagga Alle ah (iyagoo bixin jizyo), ama axdi (magan) xagga dadka ah, waxayna la noqdaan Cadho xag Alle ah, oo dar xumo baa la saaraay korkooda. Arrinkani waxaa ugu wacan inay diidaan Aayadaha Alle oo ku dilayeen Nabiyadii xaq darro. Arrinkani waxaa ugu wacan inay (Alle ku) caasiyaan oo xadgudbaan.

  113. ۞ لَيْسُوا۟ سَوَآءً ۗ مِّنْ أَهْلِ ٱلْكِتَـٰبِ أُمَّةٌ قَآئِمَةٌ يَتْلُونَ ءَايَـٰتِ ٱللَّهِ ءَانَآءَ ٱلَّيْلِ وَهُمْ يَسْجُدُونَ۝١١٣

    Laysoo sawaan min ahli alkitabi ommatun qaimatun yatloona ayati Allahi anaa allayli wahum yasjudoona

    Ma aha isku wada mid; waxaa ka mid ah ehlul Kitaabka koox toosan1; waxay akhriyaan Aayadaha Alle waqtiyada habeenka oo sujuudaan.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa ehlu kitaabkii islaamay.
  114. يُؤْمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلْيَوْمِ ٱلْـَٔاخِرِ وَيَأْمُرُونَ بِٱلْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ ٱلْمُنكَرِ وَيُسَـٰرِعُونَ فِى ٱلْخَيْرَٰتِ وَأُو۟لَـٰٓئِكَ مِنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ۝١١٤

    Yuminoona biAllahi waalyawmi alakhiri wayamuroona bialmaʿroofi wayanhawna ʿani almunkari wayusariʿoona fee alkhayrati waolaika mina alssaliheena

    Waxay rumeysan yihiin Alle iyo Maalinta Aakhiro; waxayna amraan samaha oo reebaan xumaha1; oo iskula tartamaan u degdegidda camallada khayrka, kuwaa waxay ka mid yihiin kuwa wanaagsan.

    Sharaxa hoose
    [1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle baan ku dhaartee wanaaggaad amreysaan oo xumaantaad reebeysaan, ama wuxuu Alle idiin soo diri ciqaab Xaggiisa ah, markaasaad baryeysaan mase idinka aqbalayo baryada.”
  115. وَمَا يَفْعَلُوا۟ مِنْ خَيْرٍ فَلَن يُكْفَرُوهُ ۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌۢ بِٱلْمُتَّقِينَ۝١١٥

    Wama yafʿaloo min khayrin falan yukfaroohu waAllahu ʿaleemun bialmuttaqeena

    Waxay falaan oo khayr ahna lagama dayrin doono abaalkooda; Alle wuu Og yahay kuwa ka cabsada ee iska jira (xumaha).

  116. إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَن تُغْنِىَ عَنْهُمْ أَمْوَٰلُهُمْ وَلَآ أَوْلَـٰدُهُم مِّنَ ٱللَّهِ شَيْـًٔا ۖ وَأُو۟لَـٰٓئِكَ أَصْحَـٰبُ ٱلنَّارِ ۚ هُمْ فِيهَا خَـٰلِدُونَ۝١١٦

    Inna allatheena kafaroo lan tughniya ʿanhum amwaluhum wala awladuhum mina Allahi shayan waolaika ashabu alnnari hum feeha khalidoona

    Hubaal, kuwa gaalooba wax ugama taraan maalkooda iyo awlaaddoodu midna xagga Alle. Waana kuwaa ehlu Naarka, iyagoo ku dhex waari weligood.

  117. مَثَلُ مَا يُنفِقُونَ فِى هَـٰذِهِ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا كَمَثَلِ رِيحٍ فِيهَا صِرٌّ أَصَابَتْ حَرْثَ قَوْمٍ ظَلَمُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ فَأَهْلَكَتْهُ ۚ وَمَا ظَلَمَهُمُ ٱللَّهُ وَلَـٰكِنْ أَنفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ۝١١٧

    Mathalu ma yunfiqoona fee hathihi alhayati alddunya kamathali reehin feeha sirrun asabat hartha qawmin thalamoo anfusahum faahlakathu wama thalamahumu Allahu walakin anfusahum yathlimoona

    Mataalka waxay ku bixiyaan nolosha adduunkan waa sida dabeyl aad u qabow oo ku dhacda abuurka beer qolo gef u geystay nafahooda, oo baabbi’isa. Alle ma uusan dulmin, iyagaase nafahooda dulmiyey.

  118. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تَتَّخِذُوا۟ بِطَانَةً مِّن دُونِكُمْ لَا يَأْلُونَكُمْ خَبَالًا وَدُّوا۟ مَا عَنِتُّمْ قَدْ بَدَتِ ٱلْبَغْضَآءُ مِنْ أَفْوَٰهِهِمْ وَمَا تُخْفِى صُدُورُهُمْ أَكْبَرُ ۚ قَدْ بَيَّنَّا لَكُمُ ٱلْـَٔايَـٰتِ ۖ إِن كُنتُمْ تَعْقِلُونَ۝١١٨

    Ya ayyuha allatheena amanoo la tattakhithoo bitanatan min doonikum la yaloonakum khabalan waddoo ma ʿanittum qad badati albaghdao min afwahihim wama tukhfee sudooruhum akbaru qad bayyanna lakumu alayati in kuntum taʿqiloona

    Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina saaxiibbo hoose (sokeeyayaal, idinkoo la wadaagaya sirahiinna) kuwo kale aan idinka idin ka mid ahayn (Yuhuudda, Nasaarada iyo munaafiqiinta), oo aan ka gaabinayn inay dhibaato idiin geystaan. Waxay jecel yihiin waxa idin dhiba. Necbaan cad waxay horayba uga soo muuq baxday afafkooda, waxay laabahoodu qarsadaan baana weliba ka sii daran. Waxaan idiin caddeynay Aayadaha haddaad fahmeysaan.

  119. هَـٰٓأَنتُمْ أُو۟لَآءِ تُحِبُّونَهُمْ وَلَا يُحِبُّونَكُمْ وَتُؤْمِنُونَ بِٱلْكِتَـٰبِ كُلِّهِۦ وَإِذَا لَقُوكُمْ قَالُوٓا۟ ءَامَنَّا وَإِذَا خَلَوْا۟ عَضُّوا۟ عَلَيْكُمُ ٱلْأَنَامِلَ مِنَ ٱلْغَيْظِ ۚ قُلْ مُوتُوا۟ بِغَيْظِكُمْ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ۝١١٩

    Haantum olai tuhibboonahum wala yuhibboonakum watuminoona bialkitabi kullihi waitha laqookum qaloo amanna waitha khalaw ʿaddoo ʿalaykumu alanamila mina alghaythi qul mootoo bighaythikum inna Allaha ʿaleemun bithati alssudoori

    Eeg! Idinka baa jeclaada iyaga (qaraabo iyo deris ahaan darteed iyo muujintooda saaxiibtinnimo dusha ah xaggiinna), halkay iyagu idin jecleyn (oo idinku colaadiyaan diintiinna darteed), waxaadna rumeysan tihiin Kutubta Alle oo dhan (Towraadda, Injiilka, halkay ku gaaloobaan Qur’aanka). Markay idinla kulmaanna waxay yidhaahdaan: Waanu rumeysannahay. Markase ay yihiin keligood, waxay qaniinaan foodaha farahooda ciil ay idiin qabaan awgii. Dheh: U dhinta ciilkiinna. Hubaal, Alle waa Og yahay waxa ku jira laabaha (dadka).

  120. إِن تَمْسَسْكُمْ حَسَنَةٌ تَسُؤْهُمْ وَإِن تُصِبْكُمْ سَيِّئَةٌ يَفْرَحُوا۟ بِهَا ۖ وَإِن تَصْبِرُوا۟ وَتَتَّقُوا۟ لَا يَضُرُّكُمْ كَيْدُهُمْ شَيْـًٔا ۗ إِنَّ ٱللَّهَ بِمَا يَعْمَلُونَ مُحِيطٌ۝١٢٠

    In tamsaskum hasanatun tasuhum wain tusibkum sayyiatun yafrahoo biha wain tasbiroo watattaqoo la yadurrukum kayduhum shayan inna Allaha bima yaʿmaloona muheetun

    Hadday idin haleesho samo, waa ay murugo gelisaa (munaafiqiinta), hadday idinku dhacdona xumaani way ku farxaan. Haddiise aad samir yeelataan oo aad iska jirtaan (dhagartooda, Allena u hoggaansan tihiin, iskana ilaalisaan xumaha), tabtooda wax dhib ah haba yaraatee idiin ma geysan doonto. hubaal Alle wuu koobaa waxay fali.

  121. وَإِذْ غَدَوْتَ مِنْ أَهْلِكَ تُبَوِّئُ ٱلْمُؤْمِنِينَ مَقَـٰعِدَ لِلْقِتَالِ ۗ وَٱللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ۝١٢١

    Waith ghadawta min ahlika tubawwio almumineena maqaʿida lilqitali waAllahu sameeʿun ʿaleemun

    (Xusuuso) markaad (Nabiyow) ka kallahday ehelkaaga si aad u dejiso mu’miniinta fariisimo si ay u dagaal galaan1. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.

    Sharaxa hoose
    [1] Dhacdadan waxay dhacday duullaankii Uxud sannadkii seddexaad ee hijrada siday sheegeen taariikhyahannada.
  122. إِذْ هَمَّت طَّآئِفَتَانِ مِنكُمْ أَن تَفْشَلَا وَٱللَّهُ وَلِيُّهُمَا ۗ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ ٱلْمُؤْمِنُونَ۝١٢٢

    Ith hammat taifatani minkum an tafshala waAllahu waliyyuhuma waʿala Allahi falyatawakkali almuminoona

    Markii labo kooxood oo idinka mid ah goosteen inay cabsi muujiyaan1, Alle baana ahaa Gargaarahooda. Ee Alle uun ha isku halleeyeen oo tala saarteen mu’miniintu.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxay ahaayeen Banuu Salama oo qabiilka Khazraj ah, iyo Banuu Xaaritha oo qabiilka Aws ah, oo labadaba ka tirsanaa Muslimiinta.
  123. وَلَقَدْ نَصَرَكُمُ ٱللَّهُ بِبَدْرٍ وَأَنتُمْ أَذِلَّةٌ ۖ فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ۝١٢٣

    Walaqad nasarakumu Allahu bibadrin waantum athillatun faittaqoo Allaha laʿallakum tashkuroona

    Wuxuu Alle idiinku gargaaray dagaalkii Badar idinkoo ahaa kuwo tabar yar. Ee Alle ka cabsada, si aad u mahdisaan.

  124. إِذْ تَقُولُ لِلْمُؤْمِنِينَ أَلَن يَكْفِيَكُمْ أَن يُمِدَّكُمْ رَبُّكُم بِثَلَـٰثَةِ ءَالَـٰفٍ مِّنَ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةِ مُنزَلِينَ۝١٢٤

    Ith taqoolu lilmumineena alan yakfiyakum an yumiddakum rabbukum bithalathati alafin mina almalaikati munzaleena

    (Xusuuso) markaad ku lahayd mu’miniinta: Miyaanay idinku fillayn inuu Rabbigiin idinku taageero saddex kun oo ka mid ah malaa’gta oo soo degi?

  125. بَلَىٰٓ ۚ إِن تَصْبِرُوا۟ وَتَتَّقُوا۟ وَيَأْتُوكُم مِّن فَوْرِهِمْ هَـٰذَا يُمْدِدْكُمْ رَبُّكُم بِخَمْسَةِ ءَالَـٰفٍ مِّنَ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةِ مُسَوِّمِينَ۝١٢٥

    Bala in tasbiroo watattaqoo wayatookum min fawrihim hatha yumdidkum rabbukum bikhamsati alafin mina almalaikati musawwimeena

    Haayoo, haddaad samir yeelataan oo aad iska ilaalisaan (xumaha), oo idinku yimaadaan (gaalada) iyagoo rooraya si degdeg ah, wuxuu Rabbigiin idinku taageeri shan kun oo malaa’ig ah oo calaamadeysan.

  126. وَمَا جَعَلَهُ ٱللَّهُ إِلَّا بُشْرَىٰ لَكُمْ وَلِتَطْمَئِنَّ قُلُوبُكُم بِهِۦ ۗ وَمَا ٱلنَّصْرُ إِلَّا مِنْ عِندِ ٱللَّهِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَكِيمِ۝١٢٦

    Wama jaʿalahu Allahu illa bushra lakum walitatmainna quloobukum bihi wama alnnasru illa min ʿindi Allahi alʿazeezi alhakeemi

    Uma yeelinna Alle (arrinkaas) waxaan ahayn bishaaro la idin siiyo, iyo inay ku degto quluubtiinna. Guusha kama timaaddo waxaan aheyn xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah.

  127. لِيَقْطَعَ طَرَفًا مِّنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَوْ يَكْبِتَهُمْ فَيَنقَلِبُوا۟ خَآئِبِينَ۝١٢٧

    Liyaqtaʿa tarafan mina allatheena kafaroo aw yakbitahum fayanqaliboo khaibeena

    Si uu u baal gooyo qaar ka mid ah gaalada ama uu u dulleeyo, oo ay noqdaan iyagoo hungo ah1.

    Sharaxa hoose
    [1] Kaddib markii laga dilay gaalada toddobaatan ka mid ah madaxdooda, oo laga soo qafaashay toddobataan kale.
  128. لَيْسَ لَكَ مِنَ ٱلْأَمْرِ شَىْءٌ أَوْ يَتُوبَ عَلَيْهِمْ أَوْ يُعَذِّبَهُمْ فَإِنَّهُمْ ظَـٰلِمُونَ۝١٢٨

    Laysa laka mina alamri shayon aw yatooba ʿalayhim aw yuʿaththibahum fainnahum thalimoona

    Waxba amarka kuma lihid 'Nabiyow'1, ama wuu ka tawbad aqbali ama wuu ciqaabi, hubaal iyagu waa daalimiin.

    Sharaxa hoose
    [1] Wuxuu Al Iimaam Al-Bukhaari ku xusay kitaabkiisa sababta soo degitaanka Aayaddan in Rasuulku Alle ka baryey inuu badbaadiyo mushrikiinta qaarkood oo halaago inta kale.
  129. وَلِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ ۚ يَغْفِرُ لِمَن يَشَآءُ وَيُعَذِّبُ مَن يَشَآءُ ۚ وَٱللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ۝١٢٩

    Walillahi ma fee alssamawati wama fee alardi yaghfiru liman yashao wayuʿaththibu man yashao waAllahu ghafoorun raheemun

    Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Wuxuu u denbi dhaafaa qofkuu doono, oo cadaabaa qofkuu doono. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

  130. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تَأْكُلُوا۟ ٱلرِّبَوٰٓا۟ أَضْعَـٰفًا مُّضَـٰعَفَةً ۖ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ۝١٣٠

    Ya ayyuha allatheena amanoo la takuloo alrriba adʿafan mudaʿafatan waittaqoo Allaha laʿallakum tuflihoona

    Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha cunina Ribada idinkoo ka yeelaya labo laabyo la sii labo laabay, Allena ka cabsada aad liibaantaane.

  131. وَٱتَّقُوا۟ ٱلنَّارَ ٱلَّتِىٓ أُعِدَّتْ لِلْكَـٰفِرِينَ۝١٣١

    Waittaqoo alnnara allatee oʿiddat lilkafireena

    Iska jira Naarta loo diyaariyey gaalada.

  132. وَأَطِيعُوا۟ ٱللَّهَ وَٱلرَّسُولَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ۝١٣٢

    Waateeʿoo Allaha waalrrasoola laʿallakum turhamoona

    Adeeca Allaah iyo Rasuulka (Nabi Muxammad) si la idiinku naxariisto.

  133. ۞ وَسَارِعُوٓا۟ إِلَىٰ مَغْفِرَةٍ مِّن رَّبِّكُمْ وَجَنَّةٍ عَرْضُهَا ٱلسَّمَـٰوَٰتُ وَٱلْأَرْضُ أُعِدَّتْ لِلْمُتَّقِينَ۝١٣٣

    Wasariʿoo ila maghfiratin min rabbikum wajannatin ʿarduha alssamawatu waalardu oʿiddat lilmuttaqeena

    U degdega denbi dhaaf xagga Rabbigiin ah iyo Beer (Janno) ballaceedu le'eg yahay samooyinka iyo arlada, loo diyaariyey kuwa 'ka' dhowrsada 'xumaha'.

  134. ٱلَّذِينَ يُنفِقُونَ فِى ٱلسَّرَّآءِ وَٱلضَّرَّآءِ وَٱلْكَـٰظِمِينَ ٱلْغَيْظَ وَٱلْعَافِينَ عَنِ ٱلنَّاسِ ۗ وَٱللَّهُ يُحِبُّ ٱلْمُحْسِنِينَ۝١٣٤

    Allatheena yunfiqoona fee alssarrai waalddarrai waalkathimeena alghaytha waalʿafeena ʿani alnnasi waAllahu yuhibbu almuhsineena

    Ee ah kuwa wax bixiya waqtiga ladnaanta iyo lurnaanta, iyo kuwa liqa cadhadooda, oo iska cafiya dadka. Alle wuu jecel yahay sama falayaasha.

  135. وَٱلَّذِينَ إِذَا فَعَلُوا۟ فَـٰحِشَةً أَوْ ظَلَمُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ ذَكَرُوا۟ ٱللَّهَ فَٱسْتَغْفَرُوا۟ لِذُنُوبِهِمْ وَمَن يَغْفِرُ ٱلذُّنُوبَ إِلَّا ٱللَّهُ وَلَمْ يُصِرُّوا۟ عَلَىٰ مَا فَعَلُوا۟ وَهُمْ يَعْلَمُونَ۝١٣٥

    Waallatheena itha faʿaloo fahishatan aw thalamoo anfusahum thakaroo Allaha faistaghfaroo lithunoobihim waman yaghfiru alththunooba illa Allahu walam yusirroo ʿala ma faʿaloo wahum yaʿlamoona

    Kuwa markay falaan xumaan ama dulmiyaan nafahooda1, xusuusta Alle, weydiistana in laga dhaafo denbiyadooda; yaa dhaafa denbiyada aan Alle aheyn, oo aan kas iyo ogaal ugu adkeysan waxay faleen (oo denbi ah).

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa loola jeedaa faaxishada denbiga weyn ee ciribta xun, cirib xumadiisana ku koobneyn falaha oo keliya bal saameysa dadka kale, sida zinada, xatooyada, ribada, waxaa se loola jeedaa dulminta nafta inaad fasho dunuub gef ah uu qofku ka galo naf ahaantiisa ha ahaado denbi yar ama mid weyn sida cabbitaanka khamriga, iwm.
  136. أُو۟لَـٰٓئِكَ جَزَآؤُهُم مَّغْفِرَةٌ مِّن رَّبِّهِمْ وَجَنَّـٰتٌ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ خَـٰلِدِينَ فِيهَا ۚ وَنِعْمَ أَجْرُ ٱلْعَـٰمِلِينَ۝١٣٦

    Olaika jazaohum maghfiratun min rabbihim wajannatun tajree min tahtiha alanharu khalideena feeha waniʿma ajru alʿamileena

    Kuwaa abaalgudkoodu waa denbi dhaaf xagga Rabbigood ah, iyo beero (Jannooyin) ay hoostoodu qulqulaan webiyo oo ay ku dhex waarayaan weligood, wanaagsanaa abaalka kuwa camal san fasha.

  137. قَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِكُمْ سُنَنٌ فَسِيرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ فَٱنظُرُوا۟ كَيْفَ كَانَ عَـٰقِبَةُ ٱلْمُكَذِّبِينَ۝١٣٧

    Qad khalat min qablikum sunanun faseeroo fee alardi faonthuroo kayfa kana ʿaqibatu almukaththibeena

    Waxaa jiray tusaalooyin idinka hortiin, ee mara dhulka oo fiirsha siday ku dambeysey cidhibta kuwa (Xaqa) beeniyay.

  138. هَـٰذَا بَيَانٌ لِّلنَّاسِ وَهُدًى وَمَوْعِظَةٌ لِّلْمُتَّقِينَ۝١٣٨

    Hatha bayanun lilnnasi wahudan wamawʿithatun lilmuttaqeena

    Kanu (Qur’aanku) waa hadal u cad dadka, waana u hanuun iyo waano kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha).

  139. وَلَا تَهِنُوا۟ وَلَا تَحْزَنُوا۟ وَأَنتُمُ ٱلْأَعْلَوْنَ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ۝١٣٩

    Wala tahinoo wala tahzanoo waantumu alaʿlawna in kuntum mumineena

    Ha tabar yaraannina, hana murugoonnina, idinkaa sarreyn, haddaad tihiin mu’miniin.

  140. إِن يَمْسَسْكُمْ قَرْحٌ فَقَدْ مَسَّ ٱلْقَوْمَ قَرْحٌ مِّثْلُهُۥ ۚ وَتِلْكَ ٱلْأَيَّامُ نُدَاوِلُهَا بَيْنَ ٱلنَّاسِ وَلِيَعْلَمَ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَيَتَّخِذَ مِنكُمْ شُهَدَآءَ ۗ وَٱللَّهُ لَا يُحِبُّ ٱلظَّـٰلِمِينَ۝١٤٠

    In yamsaskum qarhun faqad massa alqawma qarhun mithluhu watilka alayyamu nudawiluha bayna alnnasi waliyaʿlama Allahu allatheena amanoo wayattakhitha minkum shuhadaa waAllahu la yuhibbu alththalimeena

    Hadduu idinku soo gaaray dhaawac (Uxud), waxaa soo gaaray dhaawac la mid ah qoloda (gaalada) ah; waxaana ugu keennaa maalmaha dadka dhexdood si moogaaleysi ah, si uu Alle u muujiyo kuwa rumeysan, idiinkana sameysto shuhado. Alle ma jecla daalimiinta (gar diidka).

  141. وَلِيُمَحِّصَ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَيَمْحَقَ ٱلْكَـٰفِرِينَ۝١٤١

    Waliyumahhisa Allahu allatheena amanoo wayamhaqa alkafireena

    Waa si uu Alle u daahiriyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo u baabbi’iyo gaalada.

  142. أَمْ حَسِبْتُمْ أَن تَدْخُلُوا۟ ٱلْجَنَّةَ وَلَمَّا يَعْلَمِ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ جَـٰهَدُوا۟ مِنكُمْ وَيَعْلَمَ ٱلصَّـٰبِرِينَ۝١٤٢

    Am hasibtum an tadkhuloo aljannata walamma yaʿlami Allahu allatheena jahadoo minkum wayaʿlama alssabireena

    Mise waxaad mooddaan inaad gali jannada isagoon Alle muujin kuwiinna jihaada1 oo idinka mid ah, oo (sidoo kale) muujin samrayaasha?

    Sharaxa hoose
    [1] Jihaadku wuxuu leeyahay macnooyin badan b. Jihaadka waa dadaal lala yimaado oo kor loogu qaadayo islaamka ee lagu difaacayo muslimiinta t.La jihaadka nafta j. Ku bixinta maalka danaha islaamka iyo muslimiinta x. Jihaadka tiridda fasahaadka iyo oogidda xaqa. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ha jeclaannina la kulanka cadowga, ee weydiista Alle caafimaad, markaadse dagaal kula kulantaan cadowgiinna adkeysta oo ogaada in Jannadu tahay hooska seefaha.
  143. وَلَقَدْ كُنتُمْ تَمَنَّوْنَ ٱلْمَوْتَ مِن قَبْلِ أَن تَلْقَوْهُ فَقَدْ رَأَيْتُمُوهُ وَأَنتُمْ تَنظُرُونَ۝١٤٣

    Walaqad kuntum tamannawna almawta min qabli an talqawhu faqad raaytumoohu waantum tanthuroona

    Waxaadna jecleydeen dhimashada (shaiidnimo) ka hor intaydaan la kulmin. waadna aragteen 'geerida' idinkoo eegaya.

  144. وَمَا مُحَمَّدٌ إِلَّا رَسُولٌ قَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِهِ ٱلرُّسُلُ ۚ أَفَإِي۟ن مَّاتَ أَوْ قُتِلَ ٱنقَلَبْتُمْ عَلَىٰٓ أَعْقَـٰبِكُمْ ۚ وَمَن يَنقَلِبْ عَلَىٰ عَقِبَيْهِ فَلَن يَضُرَّ ٱللَّهَ شَيْـًٔا ۗ وَسَيَجْزِى ٱللَّهُ ٱلشَّـٰكِرِينَ۝١٤٤

    Wama muhammadun illa rasoolun qad khalat min qablihi alrrusulu afain mata aw qutila inqalabtum ʿala aʿqabikum waman yanqalib ʿala ʿaqibayhi falan yadurra Allaha shayan wasayajzee Allahu alshshakireena

    Muxammad ma aha waxaan ahayn Rasuul (Alle), Waxaa tagay hortiis Rusul (badan). Ee hadduu dhinto1 ama la dilo ma waxaad dib ugu gaddooomi lahaydeen cirbihiinna? Qofkii dib ugu gaddooma cirbihiisa, waxba uma dhimayo Alle. Alle waa u abaal gudi kuwa mahdiya.

    Sharaxa hoose
    [1] Rasuulka Alle waa qof Aadmi ah uu soo diray Alle Rusul hortiis. Qaarkood la dilay, qaarna u dhinteen jirrooyin, sidaas oo kale Nabigu sc.w. wuu dhiman sida Rusushii horeba. Dagaalkii Uxud waxaa faafay warka dilidda Nabiga s.c.w. warkaasoo qas iyo qalalaase geliyey muslimiiintii, heer muslimiinta qaarkood ay magan weydiisteen Abuu Sufyaan oo ahaa markaas odayga Quraysh. Munaafiqiintiina waxay yidhaahdeen hadduu Muxammad ahaan lahaa Nabi lama dileen. Markaasuu Alle soo dejiyey Aayaddan si uu u dejiyo quluubta muslimiinta iyo jawaab celin ahaan waxay yidhaahdeen munaafiqiinta. (Saxiix Al- Bukhaari Baabka Jihaadka). Abuu Bakar a.k.r. wuxuu soo daliilsaday Aayaddan maalintii uu geeriyooday Nabiga s.c.w. si uu u dejiyo Cumar bin Al-Khaddaab iyo saxaabada qaarkood ee rumeysan waayey dhimashada Nabiga s.c.w. ( Saxiix Al- Bukhaari qaybta Taqwada Saxaabada).
  145. وَمَا كَانَ لِنَفْسٍ أَن تَمُوتَ إِلَّا بِإِذْنِ ٱللَّهِ كِتَـٰبًا مُّؤَجَّلًا ۗ وَمَن يُرِدْ ثَوَابَ ٱلدُّنْيَا نُؤْتِهِۦ مِنْهَا وَمَن يُرِدْ ثَوَابَ ٱلْـَٔاخِرَةِ نُؤْتِهِۦ مِنْهَا ۚ وَسَنَجْزِى ٱلشَّـٰكِرِينَ۝١٤٥

    Wama kana linafsin an tamoota illa biithni Allahi kitaban muajjalan waman yurid thawaba alddunya nutihi minha waman yurid thawaba alakhirati nutihi minha wasanajzee alshshakireena

    Nafna ma dhimato Idanka Alle ma`ahee waqtiga waa la gooyey. Qofkii raba abaalka adduunyadan, wax baan ka siin, qofkii rabana abaalka Aakhirada, wax baan ka siin. Waanu u abaal gudi kuwa (Alle) mahdiya (af, uur, iyo addinba).

  146. وَكَأَيِّن مِّن نَّبِىٍّ قَـٰتَلَ مَعَهُۥ رِبِّيُّونَ كَثِيرٌ فَمَا وَهَنُوا۟ لِمَآ أَصَابَهُمْ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ وَمَا ضَعُفُوا۟ وَمَا ٱسْتَكَانُوا۟ ۗ وَٱللَّهُ يُحِبُّ ٱلصَّـٰبِرِينَ۝١٤٦

    Wakaayyin min nabiyyin qatala maʿahu ribbiyyoona katheerun fama wahanoo lima asabahum fee sabeeli Allahi wama daʿufoo wama istakanoo waAllahu yuhibbu alssabireena

    Badanaa inta Nabi oo ay la jireen Rabbi yaqaanno dagaallami oo tiro badan. Marnaba kuma ay qalbi jabin waxa ku soo gaaray jidka Alle, kumana ay jilcin, ismana ay liidin. Alle wuu jecel yahay kuwa samra.

  147. وَمَا كَانَ قَوْلَهُمْ إِلَّآ أَن قَالُوا۟ رَبَّنَا ٱغْفِرْ لَنَا ذُنُوبَنَا وَإِسْرَافَنَا فِىٓ أَمْرِنَا وَثَبِّتْ أَقْدَامَنَا وَٱنصُرْنَا عَلَى ٱلْقَوْمِ ٱلْكَـٰفِرِينَ۝١٤٧

    Wama kana qawlahum illa an qaloo rabbana ighfir lana thunoobana waisrafana fee amrina wathabbit aqdamana waonsurna ʿala alqawmi alkafireena

    Ma ahayn qowlkoodu waxaan aheyn inay yidhaahdeen: Rabbigayow! Noo dhaaf denbiyadayada, iyo ku xadgudubka arrinkayaga, noo sugna cagahayaga, noogana gargaar qoloda gaalada ah.

  148. فَـَٔاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ ثَوَابَ ٱلدُّنْيَا وَحُسْنَ ثَوَابِ ٱلْـَٔاخِرَةِ ۗ وَٱللَّهُ يُحِبُّ ٱلْمُحْسِنِينَ۝١٤٨

    Faatahumu Allahu thawaba alddunya wahusna thawabi alakhirati waAllahu yuhibbu almuhsineena

    Markaasuu Alle siiyey abaalka Adduunyadan iyo abaalka wanaagsan ee Akhirada (Janno). Alle wuu jecel yahay sama falayaasha.

  149. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِن تُطِيعُوا۟ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ يَرُدُّوكُمْ عَلَىٰٓ أَعْقَـٰبِكُمْ فَتَنقَلِبُوا۟ خَـٰسِرِينَ۝١٤٩

    Ya ayyuha allatheena amanoo in tuteeʿoo allatheena kafaroo yaruddookum ʿala aʿqabikum fatanqaliboo khasireena

    Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad adeecdaan gaalada, waxay dib idiinku celin cirbihiinna, markaas waxaad soo guddoomi idinkoo khasaaro ku sugan1.

    Sharaxa hoose
    [1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Anigu barii baan ka ahay muslim kasta oo ku nool gaalo dhexdood. Waxay yidhaahdeen: Rasuul Allow? Sidee? Wuxuu yidhi: Waa inay is arkin labadooda dab. W.w. Abuu Daawuud.
  150. بَلِ ٱللَّهُ مَوْلَىٰكُمْ ۖ وَهُوَ خَيْرُ ٱلنَّـٰصِرِينَ۝١٥٠

    Bali Allahu mawlakum wahuwa khayru alnnasireena

    Mayee! Alle baa ah Gargaarihiin, Isagaana u wanaagsan gargaarayaasha.

  151. سَنُلْقِى فِى قُلُوبِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ٱلرُّعْبَ بِمَآ أَشْرَكُوا۟ بِٱللَّهِ مَا لَمْ يُنَزِّلْ بِهِۦ سُلْطَـٰنًا ۖ وَمَأْوَىٰهُمُ ٱلنَّارُ ۚ وَبِئْسَ مَثْوَى ٱلظَّـٰلِمِينَ۝١٥١

    Sanulqee fee quloobi allatheena kafaroo alrruʿba bima ashrakoo biAllahi ma lam yunazzil bihi sultanan wamawahumu alnnaru wabisa mathwa alththalimeena

    Waxaan ku tuuri argagax quluubta kuwa gaalooba, sababta la wadaajintooda Alle waxaas uusan u soo dejin wax xujo ah; hoygooduna waa Naar. Xumaa hoyga daalimiinta (gar ma qaatayaasha).

  152. وَلَقَدْ صَدَقَكُمُ ٱللَّهُ وَعْدَهُۥٓ إِذْ تَحُسُّونَهُم بِإِذْنِهِۦ ۖ حَتَّىٰٓ إِذَا فَشِلْتُمْ وَتَنَـٰزَعْتُمْ فِى ٱلْأَمْرِ وَعَصَيْتُم مِّنۢ بَعْدِ مَآ أَرَىٰكُم مَّا تُحِبُّونَ ۚ مِنكُم مَّن يُرِيدُ ٱلدُّنْيَا وَمِنكُم مَّن يُرِيدُ ٱلْـَٔاخِرَةَ ۚ ثُمَّ صَرَفَكُمْ عَنْهُمْ لِيَبْتَلِيَكُمْ ۖ وَلَقَدْ عَفَا عَنكُمْ ۗ وَٱللَّهُ ذُو فَضْلٍ عَلَى ٱلْمُؤْمِنِينَ۝١٥٢

    Walaqad sadaqakumu Allahu waʿdahu ith tahussoonahum biithnihi hatta itha fashiltum watanazaʿtum fee alamri waʿasaytum min baʿdi ma arakum ma tuhibboona minkum man yureedu alddunya waminkum man yureedu alakhirata thumma sarafakum ʿanhum liyabtaliyakum walaqad ʿafa ʿankum waAllahu thoo fadlin ʿala almumineena

    Dhabtii Alle wuu idiin oofiyey Ballankiisii, markaad ku leyseen (cadowgiinna) Idankiisa, ilaa markaad qalbi jabteen oo aad isku qabsateen arrinka, oo aad caasideen1 kaddib markuu idin tusiyey waxaad jeceshihiin. Waxaa idinka mid ahaa qaar rabay adduunyadan, waxaana idinka mid ahaa qaar rabay Aakhirada. Markaasuu idinka jeediyey xaggeeda, si uu idiin imtixaano. Dhabtiina wuu idiin cafiyey. Alle wuu u Roon yahay mu`miniinta.

    Sharaxa hoose
    [1] Ganayaashii wixii uu amray Nabiga s.c.w oo ahaa inay ku sugnaadaan meeshooda la amray wax kastoo dhaca.
  153. ۞ إِذْ تُصْعِدُونَ وَلَا تَلْوُۥنَ عَلَىٰٓ أَحَدٍ وَٱلرَّسُولُ يَدْعُوكُمْ فِىٓ أُخْرَىٰكُمْ فَأَثَـٰبَكُمْ غَمًّۢا بِغَمٍّ لِّكَيْلَا تَحْزَنُوا۟ عَلَىٰ مَا فَاتَكُمْ وَلَا مَآ أَصَـٰبَكُمْ ۗ وَٱللَّهُ خَبِيرٌۢ بِمَا تَعْمَلُونَ۝١٥٣

    Ith tusʿidoona wala talwoona ʿala ahadin waalrrasoolu yadʿookum fee okhrakum faathabakum ghamman bighammin likayla tahzanoo ʿala ma fatakum wala ma asabakum waAllahu khabeerun bima taʿmaloona

    Markaad cararteen idinkoo xiimaya aan cidna jalleeceyn, Rasuulkuna uu idiinka dhawaaqayey gadaashiinna1, markaasuu Wuxuu idinku abaal mariyey hammi kale halkii hammigiinna2, si aydaan uga murugoon waxa idin dhaafay, iyo waxa idinku dhacay midna. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.

    Sharaxa hoose
    [1] Muslimiinta kuma ayan guuleysan inay ka adkaadaan. [2] Waxay muslimiintii ka xumaadeen inayan adeecin amarka Rasuulka s.c.w. taasoo ahayd sababta jabkooda. Marka hammiga hore wuxuu ahaa jabka loo geystey, hammiga kalena markii la yidhi waa la dilay Rasuulka Alle, taasoo uga darneyd jabkii soo gaaray.
  154. ثُمَّ أَنزَلَ عَلَيْكُم مِّنۢ بَعْدِ ٱلْغَمِّ أَمَنَةً نُّعَاسًا يَغْشَىٰ طَآئِفَةً مِّنكُمْ ۖ وَطَآئِفَةٌ قَدْ أَهَمَّتْهُمْ أَنفُسُهُمْ يَظُنُّونَ بِٱللَّهِ غَيْرَ ٱلْحَقِّ ظَنَّ ٱلْجَـٰهِلِيَّةِ ۖ يَقُولُونَ هَل لَّنَا مِنَ ٱلْأَمْرِ مِن شَىْءٍ ۗ قُلْ إِنَّ ٱلْأَمْرَ كُلَّهُۥ لِلَّهِ ۗ يُخْفُونَ فِىٓ أَنفُسِهِم مَّا لَا يُبْدُونَ لَكَ ۖ يَقُولُونَ لَوْ كَانَ لَنَا مِنَ ٱلْأَمْرِ شَىْءٌ مَّا قُتِلْنَا هَـٰهُنَا ۗ قُل لَّوْ كُنتُمْ فِى بُيُوتِكُمْ لَبَرَزَ ٱلَّذِينَ كُتِبَ عَلَيْهِمُ ٱلْقَتْلُ إِلَىٰ مَضَاجِعِهِمْ ۖ وَلِيَبْتَلِىَ ٱللَّهُ مَا فِى صُدُورِكُمْ وَلِيُمَحِّصَ مَا فِى قُلُوبِكُمْ ۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ۝١٥٤

    Thumma anzala ʿalaykum min baʿdi alghammi amanatan nuʿasan yaghsha taifatan minkum wataifatun qad ahammathum anfusuhum yathunnoona biAllahi ghayra alhaqqi thanna aljahiliyyati yaqooloona hal lana mina alamri min shayin qul inna alamra kullahu lillahi yukhfoona fee anfusihim ma la yubdoona laka yaqooloona law kana lana mina alamri shayon ma qutilna hahuna qul law kuntum fee buyootikum labaraza allatheena kutiba ʿalayhimu alqatlu ila madajiʿihim waliyabtaliya Allahu ma fee sudoorikum waliyumahhisa ma fee quloobikum waAllahu ʿaleemun bithati alssudoori

    Markaas cidhiidhigaa kaddib wuxuu idinku soo dejiyey nabdooni, lulmo qabaneysa koox idinka mid ah1, halka koox kale ay nafahooda walaaciyeen2, waxay ku maleeyeen Alle male xun aan xaq ahayn malihii jaahiliyadda ah. Waxay lahaayeen: Ma aynu ku lihin wax talo ah arrinka. Dheh: Arrin oo dhan waxay ku jiraan (Gacmaha) Alle. Waxay ku qarsadaan nafahooda wax aysan kuu muujinayn3, iyagoo leh: Haddaan wax talo ah ku lahaan lahayn arrinka, nalaguma dileen halkan4. Dheh: Xitaa haddaad joogi laheydeen guryihiinna, kuwa dilka loo qoray waxay shaki li`i u soo bixi lahaayeen halka lagu dili lahaa, waana si uu Alle u imtixaano waxa ku jira laabihiinna, oo u daahiriyo waxa ku jira quluubtiinna. Alle wuu ogsoon yahay waxa ku jira laabaha.

    Sharaxa hoose
    [1] Muslimiinta lahaa yaqiinta xoogga leh. [2] Muslimiintii shakiday. [3] Ictiqaadka in Muxammad haddii uu yahay Nabi iyo Rasuul Alle aan looga adkaadeen dagaalka. [4] Hadalkan wuxuu u jeedaa Nabiga s.c.w. iyo saxaabada jees jees ahaan, waayo waxay munaafiqiinta qabeen in Nabigu s.c.w. uusan aqoon u lahayn xeesha dagaalka, waayo wuxuu u baxay dagaal iyagoo muslimiinta tiro yar yihiin. markaasaa loogu jawaabay hadalkan.
  155. إِنَّ ٱلَّذِينَ تَوَلَّوْا۟ مِنكُمْ يَوْمَ ٱلْتَقَى ٱلْجَمْعَانِ إِنَّمَا ٱسْتَزَلَّهُمُ ٱلشَّيْطَـٰنُ بِبَعْضِ مَا كَسَبُوا۟ ۖ وَلَقَدْ عَفَا ٱللَّهُ عَنْهُمْ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ حَلِيمٌ۝١٥٥

    Inna allatheena tawallaw minkum yawma iltaqa aljamʿani innama istazallahumu alshshaytanu bibaʿdi ma kasaboo walaqad ʿafa Allahu ʿanhum inna Allaha ghafoorun haleemun

    Xaqiiq, kuwii idinka midka ahaa ee dhabarka jeediyey maalintii labada col is-heleen (dagaalkii Uxud), Shaydaan uun baa doonay inuu sababo inay simbiriirixdaan waxoogay (denbi) ah oo ay kasbadeen awgeed. Allese wuu cafiyey. Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan.

  156. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تَكُونُوا۟ كَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَقَالُوا۟ لِإِخْوَٰنِهِمْ إِذَا ضَرَبُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ أَوْ كَانُوا۟ غُزًّى لَّوْ كَانُوا۟ عِندَنَا مَا مَاتُوا۟ وَمَا قُتِلُوا۟ لِيَجْعَلَ ٱللَّهُ ذَٰلِكَ حَسْرَةً فِى قُلُوبِهِمْ ۗ وَٱللَّهُ يُحْىِۦ وَيُمِيتُ ۗ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ۝١٥٦

    Ya ayyuha allatheena amanoo la takoonoo kaallatheena kafaroo waqaloo liikhwanihim itha daraboo fee alardi aw kanoo ghuzzan law kanoo ʿindana ma matoo wama qutiloo liyajʿala Allahu thalika hasratan fee quloobihim waAllahu yuhyee wayumeetu waAllahu bima taʿmaloona baseerun

    Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha noqonnina sida kuwa gaalada ah, oo ka yidhaahda walaalahood markay ku socdaalaan dhulka ama duullaan qaadaan: Hadday nala joogi lahaayeen ma dhiman lahayn lamana dili lahayn, waa si uu Alle uga dhigo tani arrin u keenta qoomamo daran quluubtooda. Alle baana bixiya nolol oo sababa dhimasho. Alle wuu arkaa waxaad fashaan.

  157. وَلَئِن قُتِلْتُمْ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ أَوْ مُتُّمْ لَمَغْفِرَةٌ مِّنَ ٱللَّهِ وَرَحْمَةٌ خَيْرٌ مِّمَّا يَجْمَعُونَ۝١٥٧

    Walain qutiltum fee sabeeli Allahi aw muttum lamaghfiratun mina Allahi warahmatun khayrun mimma yajmaʿoona

    Haddii la idinku dilona Jidka Alle ama aad dhimataan, Denbi dhaaf xagga Alle ah iyo Naxariis baa ka khayr badan waxay urursadaan (oo maal adduunyo ah).

  158. وَلَئِن مُّتُّمْ أَوْ قُتِلْتُمْ لَإِلَى ٱللَّهِ تُحْشَرُونَ۝١٥٨

    Walain muttum aw qutiltum laila Allahi tuhsharoona

    Haddaad dhimataan ama la idin dilo, hubaal Alle Xaggiisaa la idiin soo kulmin.

  159. فَبِمَا رَحْمَةٍ مِّنَ ٱللَّهِ لِنتَ لَهُمْ ۖ وَلَوْ كُنتَ فَظًّا غَلِيظَ ٱلْقَلْبِ لَٱنفَضُّوا۟ مِنْ حَوْلِكَ ۖ فَٱعْفُ عَنْهُمْ وَٱسْتَغْفِرْ لَهُمْ وَشَاوِرْهُمْ فِى ٱلْأَمْرِ ۖ فَإِذَا عَزَمْتَ فَتَوَكَّلْ عَلَى ٱللَّهِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلْمُتَوَكِّلِينَ۝١٥٩

    Fabima rahmatin mina Allahi linta lahum walaw kunta faththan ghaleetha alqalbi lainfaddoo min hawlika faoʿfu ʿanhum waistaghfir lahum washawirhum fee alamri faitha ʿazamta fatawakkal ʿala Allahi inna Allaha yuhibbu almutawakkileena

    Sidaas waa Naxariista Alle darteed inaad ula dhaqanto si nugul, haddaad ahaan laheydna mid qallafsan, qalbi adag, waxay ka kala yaaci lahaayeen hareerahaa- ga; ee iska cafi oo u denbi dhaaf dalab oo kala tasho arrinka, markaad goosato arrinna isku hallee Alle. Alle wuu jecel yahay kuwa isku halleeya oo tala saarta.

  160. إِن يَنصُرْكُمُ ٱللَّهُ فَلَا غَالِبَ لَكُمْ ۖ وَإِن يَخْذُلْكُمْ فَمَن ذَا ٱلَّذِى يَنصُرُكُم مِّنۢ بَعْدِهِۦ ۗ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ ٱلْمُؤْمِنُونَ۝١٦٠

    In yansurkumu Allahu fala ghaliba lakum wain yakhthulkum faman tha allathee yansurukum min baʿdihi waʿala Allahi falyatawakkali almuminoona

    Hadduu Alle idiin gargaari, markaa ma jiraan wax idinka adkaan kara; hadduu idinka goostona, waa kuma kan idiin gargaari Isaga ka dambow? Alle uun ha isku halleeyeen mu’miniintu oo ha tala saarteen.

  161. وَمَا كَانَ لِنَبِىٍّ أَن يَغُلَّ ۚ وَمَن يَغْلُلْ يَأْتِ بِمَا غَلَّ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۚ ثُمَّ تُوَفَّىٰ كُلُّ نَفْسٍ مَّا كَسَبَتْ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ۝١٦١

    Wama kana linabiyyin an yaghulla waman yaghlul yati bima ghalla yawma alqiyamati thumma tuwaffa kullu nafsin ma kasabat wahum la yuthlamoona

    Kama suurowda Nabi inuu wax khiyaano (oo booli qaato), qofkiina wax khiyaana (ama booli qaata ha ahaato mid qof leeyahay ama mid qaran) wuxuu keeni waxa uu khiyaanada ku qaatay Maalinta Qiyaamaha1. Waxaana naf walba loogu oofin si dhan waxay kasbatay iyagoon la dulmineyn.

    Sharaxa hoose
    [1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Yaan garan midkiin oo imaan Qiyaamada isagoo xambaarsan riti ciyi (xoolo ama maal booli ah) markaasuu odhan: Muxammadow, Muxammadow, waxaan ku odhan: Waxba kuuma qaban karo waa ku soo gaarsiiyey inaad iska ilaaliso maal xaq darro iyo xoolo booli ah.
  162. أَفَمَنِ ٱتَّبَعَ رِضْوَٰنَ ٱللَّهِ كَمَنۢ بَآءَ بِسَخَطٍ مِّنَ ٱللَّهِ وَمَأْوَىٰهُ جَهَنَّمُ ۚ وَبِئْسَ ٱلْمَصِيرُ۝١٦٢

    Afamani ittabaʿa ridwana Allahi kaman baa bisakhatin mina Allahi wamawahu jahannamu wabisa almaseeru

    Ma mid raaca Raalli gelinta Alle baa la mid ah kan mutaysta Cadhada Alle, hoygiisuna yahay Jahannama, oo u xun meel la ahaado.

  163. هُمْ دَرَجَـٰتٌ عِندَ ٱللَّهِ ۗ وَٱللَّهُ بَصِيرٌۢ بِمَا يَعْمَلُونَ۝١٦٣

    Hum darajatun ʿinda Allahi waAllahu baseerun bima yaʿmaloona

    Waxaa jira darajooyin (kala duwan) Alle agti. Alle wuu arkaa waxay fali.

  164. لَقَدْ مَنَّ ٱللَّهُ عَلَى ٱلْمُؤْمِنِينَ إِذْ بَعَثَ فِيهِمْ رَسُولًا مِّنْ أَنفُسِهِمْ يَتْلُوا۟ عَلَيْهِمْ ءَايَـٰتِهِۦ وَيُزَكِّيهِمْ وَيُعَلِّمُهُمُ ٱلْكِتَـٰبَ وَٱلْحِكْمَةَ وَإِن كَانُوا۟ مِن قَبْلُ لَفِى ضَلَـٰلٍ مُّبِينٍ۝١٦٤

    Laqad manna Allahu ʿala almumineena ith baʿatha feehim rasoolan min anfusihim yatloo ʿalayhim ayatihi wayuzakkeehim wayuʿallimuhumu alkitaba waalhikmata wain kanoo min qablu lafee dalalin mubeenin

    Alle wuxuu ku manneystay (Nicmo Weyn) mu’miniinta markuu ka soo saaray dhexdooda Rasuul ka mid ah (Nabi Muxammad), u akhriyaya Aayadihiisa, daahirinaya, barayana Kitaabka iyo Xikmadda inkastoo taa ka hor ay ku sugnaayeen habow cad.

  165. أَوَلَمَّآ أَصَـٰبَتْكُم مُّصِيبَةٌ قَدْ أَصَبْتُم مِّثْلَيْهَا قُلْتُمْ أَنَّىٰ هَـٰذَا ۖ قُلْ هُوَ مِنْ عِندِ أَنفُسِكُمْ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ۝١٦٥

    Awalamma asabatkum museebatun qad asabtum mithlayha qultum anna hatha qul huwa min ʿindi anfusikum inna Allaha ʿala kulli shayin qadeerun

    Ma markay idinku dhacday dhibaato, iyadoo idinkuba aad ku dhigteen (gaalada) labo laabkeed ayaad billowdeen inaad tidhaahdaan: Xaggee buu nooga yimid arrinkani? Dheh: Waa xagga nafahiinna. Hubaal Alle wax walba wuu Karaa.

  166. وَمَآ أَصَـٰبَكُمْ يَوْمَ ٱلْتَقَى ٱلْجَمْعَانِ فَبِإِذْنِ ٱللَّهِ وَلِيَعْلَمَ ٱلْمُؤْمِنِينَ۝١٦٦

    Wama asabakum yawma iltaqa aljamʿani fabiithni Allahi waliyaʿlama almumineena

    Waxa idinku dhacay maalintay labada col isku heleen (Uxud), waa Idanka Alle, iyo inuu muujiyo mu’miniinta.

  167. وَلِيَعْلَمَ ٱلَّذِينَ نَافَقُوا۟ ۚ وَقِيلَ لَهُمْ تَعَالَوْا۟ قَـٰتِلُوا۟ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ أَوِ ٱدْفَعُوا۟ ۖ قَالُوا۟ لَوْ نَعْلَمُ قِتَالًا لَّٱتَّبَعْنَـٰكُمْ ۗ هُمْ لِلْكُفْرِ يَوْمَئِذٍ أَقْرَبُ مِنْهُمْ لِلْإِيمَـٰنِ ۚ يَقُولُونَ بِأَفْوَٰهِهِم مَّا لَيْسَ فِى قُلُوبِهِمْ ۗ وَٱللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا يَكْتُمُونَ۝١٦٧

    Waliyaʿlama allatheena nafaqoo waqeela lahum taʿalaw qatiloo fee sabeeli Allahi awi idfaʿoo qaloo law naʿlamu qitalan laittabaʿnakum hum lilkufri yawmaithin aqrabu minhum lileemani yaqooloona biafwahihim ma laysa fee quloobihim waAllahu aʿlamu bima yaktumoona

    Iyo inuu muujiyo munaafiqiinta oo lagu yidhi: Kaalaya, U dagaallama Arrinka Alle amaba difaaca nafahiinna. Waxay yidhaahdeen: Haddaanu naqaan dagaal, waa idin raaci lahayn. Waxay ahaayeen maalintaas, kuwa uga dhow gaalnimo iimaanka. Waxay ka yidhaahdaan afafkooda waxaan ku jirin quluubtooda. Allena wuu Og yahay waxay qarin.

  168. ٱلَّذِينَ قَالُوا۟ لِإِخْوَٰنِهِمْ وَقَعَدُوا۟ لَوْ أَطَاعُونَا مَا قُتِلُوا۟ ۗ قُلْ فَٱدْرَءُوا۟ عَنْ أَنفُسِكُمُ ٱلْمَوْتَ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ۝١٦٨

    Allatheena qaloo liikhwanihim waqaʿadoo law ataʿoona ma qutiloo qul faidraoo ʿan anfusikumu almawta in kuntum sadiqeena

    Kuwa ka yidhi walaalahood iyagoo iyagu dib jiray: Hadday na maqli lahaayeen lama dileen. Dheh: Ka dhawra nafahiinna dhimashada, haddaad run sheegaysaan.

  169. وَلَا تَحْسَبَنَّ ٱلَّذِينَ قُتِلُوا۟ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ أَمْوَٰتًۢا ۚ بَلْ أَحْيَآءٌ عِندَ رَبِّهِمْ يُرْزَقُونَ۝١٦٩

    Wala tahsabanna allatheena qutiloo fee sabeeli Allahi amwatan bal ahyaon ʿinda rabbihim yurzaqoona

    Ha moodina kuwa lagu dilay Arrinka Alle meyti, Mayee, way nool yihiin, oo Rabbigood agtiisa lagu arzaaqaa.

  170. فَرِحِينَ بِمَآ ءَاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ مِن فَضْلِهِۦ وَيَسْتَبْشِرُونَ بِٱلَّذِينَ لَمْ يَلْحَقُوا۟ بِهِم مِّنْ خَلْفِهِمْ أَلَّا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ۝١٧٠

    Fariheena bima atahumu Allahu min fadlihi wayastabshiroona biallatheena lam yalhaqoo bihim min khalfihim alla khawfun ʿalayhim wala hum yahzanoona

    Iyagoo ku faraxsan waxa uu Alle ka siiyey Fadligiisa, oo u faraxsan dartood kuwa ay kaga soo tageen gadaashood, oo aan weli ku soo biirin1, inaanay cabsi ahaaneyn dushooda oo aanay murugoonayaan.

    Sharaxa hoose
    [1] Asxaabtooda nool ee weli u jihaadayey jidka Alle.
  171. ۞ يَسْتَبْشِرُونَ بِنِعْمَةٍ مِّنَ ٱللَّهِ وَفَضْلٍ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَا يُضِيعُ أَجْرَ ٱلْمُؤْمِنِينَ۝١٧١

    Yastabshiroona biniʿmatin mina Allahi wafadlin waanna Allaha la yudeeʿu ajra almumineena

    Waxay ku faraxsan yihiin Nicmad xag Alle ah iyo Deeqdiisa darteed, iyo inaanu Alle dayaceyn ajarka mu’miniinta.

  172. ٱلَّذِينَ ٱسْتَجَابُوا۟ لِلَّهِ وَٱلرَّسُولِ مِنۢ بَعْدِ مَآ أَصَابَهُمُ ٱلْقَرْحُ ۚ لِلَّذِينَ أَحْسَنُوا۟ مِنْهُمْ وَٱتَّقَوْا۟ أَجْرٌ عَظِيمٌ۝١٧٢

    Allatheena istajaboo lillahi waalrrasooli min baʿdi ma asabahumu alqarhu lillatheena ahsanoo minhum waittaqaw ajrun ʿatheemun

    Kuwii (ku) ajiibay (Uxud) Alle iyo Rasuulka kaddib intuu soo gaaray dhaawacu; kuwooda ka mid ah ee sama falay oo amarka qaatay, waxay leeyihiin ajar weyn (Janno).

  173. ٱلَّذِينَ قَالَ لَهُمُ ٱلنَّاسُ إِنَّ ٱلنَّاسَ قَدْ جَمَعُوا۟ لَكُمْ فَٱخْشَوْهُمْ فَزَادَهُمْ إِيمَـٰنًا وَقَالُوا۟ حَسْبُنَا ٱللَّهُ وَنِعْمَ ٱلْوَكِيلُ۝١٧٣

    Allatheena qala lahumu alnnasu inna alnnasa qad jamaʿoo lakum faikhshawhum fazadahum eemanan waqaloo hasbuna Allahu waniʿma alwakeelu

    Kuwii ay dadku ku yidhaahdeen: Hubaal dadkii baa isu soo kiin biirsaday, ee ka baqa. Waxayse u kordhisay Iimaankoo- da, waxayna yidhaahdeen: Alle baa nagu filan, Isagaana u fiican wakiil.

  174. فَٱنقَلَبُوا۟ بِنِعْمَةٍ مِّنَ ٱللَّهِ وَفَضْلٍ لَّمْ يَمْسَسْهُمْ سُوٓءٌ وَٱتَّبَعُوا۟ رِضْوَٰنَ ٱللَّهِ ۗ وَٱللَّهُ ذُو فَضْلٍ عَظِيمٍ۝١٧٤

    Fainqalaboo biniʿmatin mina Allahi wafadlin lam yamsashum sooon waittabaʿoo ridwana Allahi waAllahu thoo fadlin ʿatheemin

    Markaasay la noqdeen Nicmo xag Alle ah iyo Deeqdiisa, oo ma aanay taaban xumaato waxayna raaceen Raalli gelinta Alle. Alle waa Kan leh Galadda iyo Deeqda aad u weyn.

  175. إِنَّمَا ذَٰلِكُمُ ٱلشَّيْطَـٰنُ يُخَوِّفُ أَوْلِيَآءَهُۥ فَلَا تَخَافُوهُمْ وَخَافُونِ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ۝١٧٥

    Innama thalikumu alshshaytanu yukhawwifu awliyaahu fala takhafoohum wakhafooni in kuntum mumineena

    Waa uun Shaydaanka kan idinku bajiya xulafadiisa ee ha ka cabsannina, ee Anigoo Keliya (waa Alle'e) iga cabsada, haddaad tihiin mu’miniin.

  176. وَلَا يَحْزُنكَ ٱلَّذِينَ يُسَـٰرِعُونَ فِى ٱلْكُفْرِ ۚ إِنَّهُمْ لَن يَضُرُّوا۟ ٱللَّهَ شَيْـًٔا ۗ يُرِيدُ ٱللَّهُ أَلَّا يَجْعَلَ لَهُمْ حَظًّا فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ ۖ وَلَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ۝١٧٦

    Wala yahzunka allatheena yusariʿoona fee alkufri innahum lan yadurroo Allaha shayan yureedu Allahu alla yajʿala lahum haththan fee alakhirati walahum ʿathabun ʿatheemun

    Oo yey ku murugo gelin kuwa ugu dhaca gaalnimada si degdeg ah1; hubaal iyagu waxba ma yeeli karaan Alle marnaba. Alle Wuxuu rabaa in aanay ku yeelan wax saami ah Aakhirada, waxayna leeyihiin cadaab daran.

    Sharaxa hoose
    [1] Xaalka munaafiqiinta ku dhex jira muslimiinta.
  177. إِنَّ ٱلَّذِينَ ٱشْتَرَوُا۟ ٱلْكُفْرَ بِٱلْإِيمَـٰنِ لَن يَضُرُّوا۟ ٱللَّهَ شَيْـًٔا وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ۝١٧٧

    Inna allatheena ishtarawoo alkufra bialeemani lan yadurroo Allaha shayan walahum ʿathabun aleemun

    Kuwa siistay gaalnimo qiimaha Iimaanka, waxba kama dhimayaan Alle, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.

  178. وَلَا يَحْسَبَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَنَّمَا نُمْلِى لَهُمْ خَيْرٌ لِّأَنفُسِهِمْ ۚ إِنَّمَا نُمْلِى لَهُمْ لِيَزْدَادُوٓا۟ إِثْمًا ۚ وَلَهُمْ عَذَابٌ مُّهِينٌ۝١٧٨

    Wala yahsabanna allatheena kafaroo annama numlee lahum khayrun lianfusihim innama numlee lahum liyazdadoo ithman walahum ʿathabun muheenun

    Yey gaaladu moodin in u dib dhigiddeyda (Ciqaabka) ay u khayr roon tahay nafahooda. Waxaanu ugu dib dhignaa oo keliya si ay u kororsadaan denbiyo, waxayna leeyihiin cadaab dulleysa.

  179. مَّا كَانَ ٱللَّهُ لِيَذَرَ ٱلْمُؤْمِنِينَ عَلَىٰ مَآ أَنتُمْ عَلَيْهِ حَتَّىٰ يَمِيزَ ٱلْخَبِيثَ مِنَ ٱلطَّيِّبِ ۗ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيُطْلِعَكُمْ عَلَى ٱلْغَيْبِ وَلَـٰكِنَّ ٱللَّهَ يَجْتَبِى مِن رُّسُلِهِۦ مَن يَشَآءُ ۖ فَـَٔامِنُوا۟ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦ ۚ وَإِن تُؤْمِنُوا۟ وَتَتَّقُوا۟ فَلَكُمْ أَجْرٌ عَظِيمٌ۝١٧٩

    Ma kana Allahu liyathara almumineena ʿala ma antum ʿalayhi hatta yameeza alkhabeetha mina alttayyibi wama kana Allahu liyutliʿakum ʿala alghaybi walakinna Allaha yajtabee min rusulihi man yashao faaminoo biAllahi warusulihi wain tuminoo watattaqoo falakum ajrun ʿatheemun

    Sinnaba Alle ugama tagayo mu’miniinta xaaladdaad ku jirtaan, jeer uu kala sooco kan xun iyo kan wanaagsan. Mana aha Alle mid idin tusaya waxa aan muuqan ee Ghaybka ah, wuxuuse Alle ka doortaa Rusushiisa midkii uu doono. Ee rumeeya Alle iyo Rusushiisa. haddaad rumeysaan oo aad iska ilaalisaan xume waxaad leedihiin ajar aad u weyn (Janno).

  180. وَلَا يَحْسَبَنَّ ٱلَّذِينَ يَبْخَلُونَ بِمَآ ءَاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ مِن فَضْلِهِۦ هُوَ خَيْرًا لَّهُم ۖ بَلْ هُوَ شَرٌّ لَّهُمْ ۖ سَيُطَوَّقُونَ مَا بَخِلُوا۟ بِهِۦ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۗ وَلِلَّهِ مِيرَٰثُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۗ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ۝١٨٠

    Wala yahsabanna allatheena yabkhaloona bima atahummu Allahu min fadlihi huwa khayran lahum bal huwa sharrun lahum sayutawwaqoona ma bakhiloo bihi yawma alqiyamati walillahi meerathu alssamawati waalardi waAllahu bima taʿmaloona khabeerun

    Yey moodin kuwa ku bakhayla bixinta wuxuu Alle siiyey oo Deeqdiisa ah inay khayr u tahay. mayee waa u shar; Waxaa luqunta loo suri waxay ku bakhayleen oo mareegyo (naar) ah Maalinta Qiyaamaha1. Alle baana iska leh dhaxalka samooyinka iyo arlada; Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.

    Sharaxa hoose
    [1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Addoonkaan bixin sakada, maalkiisa waxaa laga dhigi Qiyaamaha mas bara leh oo raacaya, markaasuu ka carari oo raacayaa isagoo leh: Waxaan ahay kaydkaagii, markaasuu Aayaddan akhriyey. W.w. Axmad.
  181. لَّقَدْ سَمِعَ ٱللَّهُ قَوْلَ ٱلَّذِينَ قَالُوٓا۟ إِنَّ ٱللَّهَ فَقِيرٌ وَنَحْنُ أَغْنِيَآءُ ۘ سَنَكْتُبُ مَا قَالُوا۟ وَقَتْلَهُمُ ٱلْأَنۢبِيَآءَ بِغَيْرِ حَقٍّ وَنَقُولُ ذُوقُوا۟ عَذَابَ ٱلْحَرِيقِ۝١٨١

    Laqad samiʿa Allahu qawla allatheena qaloo inna Allaha faqeerun wanahnu aghniyaon sanaktubu ma qaloo waqatlahumu alanbiyaa bighayri haqqin wanaqoolu thooqoo ʿathaba alhareeqi

    Dhab ahaan wuu maqlay Alle odhaahda (Yuhuuddii) yidhi: Alle waa faqiir innagaana hodan ah. Waanu qori waxay yidhaahdeen iyo ku dilkoodii anbiyada gar darro, oo waxaanu odhan: "Dhadhamiya Cadaabka Gubashada."

  182. ذَٰلِكَ بِمَا قَدَّمَتْ أَيْدِيكُمْ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَيْسَ بِظَلَّامٍ لِّلْعَبِيدِ۝١٨٢

    Thalika bima qaddamat aydeekum waanna Allaha laysa bithallamin lilʿabeedi

    Waxakani waa waxay gacmihiinnu horay u geysteen (oo denbiyo ah) iyo sababta inaanu Alle ahayn mid ku gardarrooda addoomaha.

  183. ٱلَّذِينَ قَالُوٓا۟ إِنَّ ٱللَّهَ عَهِدَ إِلَيْنَآ أَلَّا نُؤْمِنَ لِرَسُولٍ حَتَّىٰ يَأْتِيَنَا بِقُرْبَانٍ تَأْكُلُهُ ٱلنَّارُ ۗ قُلْ قَدْ جَآءَكُمْ رُسُلٌ مِّن قَبْلِى بِٱلْبَيِّنَـٰتِ وَبِٱلَّذِى قُلْتُمْ فَلِمَ قَتَلْتُمُوهُمْ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ۝١٨٣

    Allatheena qaloo inna Allaha ʿahida ilayna alla numina lirasoolin hatta yatiyana biqurbanin takuluhu alnnaru qul qad jaakum rusulun min qablee bialbayyinati wabiallathee qultum falima qataltumoohum in kutum sadiqeena

    (Kuwaas weeye) kuwii yidhi, Alle wuxuu nagula ballantamay inaanaan rumeyn Rasuulna jeer uu noo keeno qurbaan uu dab (cirka ka yimaada) cuno. Dheh: Waxay idiinla yimaadeen Rusullo iga horreeyey xujooyin cad iyo waxaad dalabteenba, ee maxaad u disheen haddaad run sheegaysaan?

  184. فَإِن كَذَّبُوكَ فَقَدْ كُذِّبَ رُسُلٌ مِّن قَبْلِكَ جَآءُو بِٱلْبَيِّنَـٰتِ وَٱلزُّبُرِ وَٱلْكِتَـٰبِ ٱلْمُنِيرِ۝١٨٤

    Fain kaththabooka faqad kuththiba rusulun min qablika jaoo bialbayyinati waalzzuburi waalkitabi almuneeri

    Hadday ku beeniyaan sidaa oo kale baa loo beeniyey Rusul kaa horraysay, oo la yimid xujooyin cad, Qoraallo iyo kitaab iftiimaya.

  185. كُلُّ نَفْسٍ ذَآئِقَةُ ٱلْمَوْتِ ۗ وَإِنَّمَا تُوَفَّوْنَ أُجُورَكُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۖ فَمَن زُحْزِحَ عَنِ ٱلنَّارِ وَأُدْخِلَ ٱلْجَنَّةَ فَقَدْ فَازَ ۗ وَمَا ٱلْحَيَوٰةُ ٱلدُّنْيَآ إِلَّا مَتَـٰعُ ٱلْغُرُورِ۝١٨٥

    Kullu nafsin thaiqatu almawti wainnama tuwaffawna ojoorakum yawma alqiyamati faman zuhziha ʿani alnnari waodkhila aljannata faqad faza wama alhayatu alddunya illa mataʿu alghuroori

    Naf walba waxay dhadhamin dhimasho, waxaa uun la idiin oofin ajarkiinna Maalinta Qiyaamaha. Ee qofkii laga fogeeyo Naarta ee la geliyo Jannada wuu liibaanay. Ma aha nolosha adduunka waxaan ahayn raaxo lagu dagmo.

  186. ۞ لَتُبْلَوُنَّ فِىٓ أَمْوَٰلِكُمْ وَأَنفُسِكُمْ وَلَتَسْمَعُنَّ مِنَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَـٰبَ مِن قَبْلِكُمْ وَمِنَ ٱلَّذِينَ أَشْرَكُوٓا۟ أَذًى كَثِيرًا ۚ وَإِن تَصْبِرُوا۟ وَتَتَّقُوا۟ فَإِنَّ ذَٰلِكَ مِنْ عَزْمِ ٱلْأُمُورِ۝١٨٦

    Latublawunna fee amwalikum waanfusikum walatasmaʿunna mina allatheena ootoo alkitaba min qablikum wamina allatheena ashrakoo athan katheeran wain tasbiroo watattaqoo fainna thalika min ʿazmi alomoori

    Waan idinku imtixaami maalkiinna iyo nafahiinnaba, waxaadna xaqiiq ka maqleysaan kuwa la siiyey Kitaabka ee idinka horreeyey (Yuhuudda iyo Nasaarada) iyo xagga kuwa ah mushrikiinta hadal badan oo idin dhiba, haddaad samir yeelataanna oo Alle u hoggaansantaan, hubaal, arrinkaas waa ka mid umuuraha la go’aansado.

  187. وَإِذْ أَخَذَ ٱللَّهُ مِيثَـٰقَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَـٰبَ لَتُبَيِّنُنَّهُۥ لِلنَّاسِ وَلَا تَكْتُمُونَهُۥ فَنَبَذُوهُ وَرَآءَ ظُهُورِهِمْ وَٱشْتَرَوْا۟ بِهِۦ ثَمَنًا قَلِيلًا ۖ فَبِئْسَ مَا يَشْتَرُونَ۝١٨٧

    Waith akhatha Allahu meethaqa allatheena ootoo alkitaba latubayyinunnahu lilnnasi wala taktumoonahu fanabathoohu waraa thuhoorihim waishtaraw bihi thamanan qaleelan fabisa ma yashtaroona

    (Xus, Nabiyow) markuu Alle la galay axdi (ku cad Towraadda) kuwii la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada), inaad u caddeysaan dadka oo aydaan ka qarinnin 'imaanshaha Nabi Muxammad'1, waxayse ka tuureen dhabarradooda gadaashood, oo ay ku iibsadeen qiimo yar. ee xumaa waxay iibsan.

    Sharaxa hoose
    [1] Waxaa ka mid ah waxyaalaha ay qariyeen wixii ku tacalluqay sifaadka Nabi Muxammad s.c.w ee ku xusan kutubtooda.
  188. لَا تَحْسَبَنَّ ٱلَّذِينَ يَفْرَحُونَ بِمَآ أَتَوا۟ وَّيُحِبُّونَ أَن يُحْمَدُوا۟ بِمَا لَمْ يَفْعَلُوا۟ فَلَا تَحْسَبَنَّهُم بِمَفَازَةٍ مِّنَ ٱلْعَذَابِ ۖ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ۝١٨٨

    La tahsabanna allatheena yafrahoona bima ataw wayuhibboona an yuhmadoo bima lam yafʿaloo fala tahsabannahum bimafazatin mina alʿathabi walahum ʿathabun aleemun

    Ha moodina in kuwa ku farxa waxay la yimaadeen, oo jecel in lagu ammaano wax aysan falin - ha moodina inay ka badbaadayaan cadaabka, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.

  189. وَلِلَّهِ مُلْكُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۗ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ۝١٨٩

    Walillahi mulku alssamawati waalardi waAllahu ʿala kulli shayin qadeerun

    Alle baana iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arladaba. Alle wax walba wuu Karaa.

  190. إِنَّ فِى خَلْقِ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَٱخْتِلَـٰفِ ٱلَّيْلِ وَٱلنَّهَارِ لَـَٔايَـٰتٍ لِّأُو۟لِى ٱلْأَلْبَـٰبِ۝١٩٠

    Inna fee khalqi alssamawati waalardi waikhtilafi allayli waalnnahari laayatin liolee alalbabi

    Xaqiiq, abuurista samooyinka iyo arlada iyo isbeddelka habeenka iyo maalinta, waxaa ugu sugan calaamooyin wax garadka.

  191. ٱلَّذِينَ يَذْكُرُونَ ٱللَّهَ قِيَـٰمًا وَقُعُودًا وَعَلَىٰ جُنُوبِهِمْ وَيَتَفَكَّرُونَ فِى خَلْقِ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ رَبَّنَا مَا خَلَقْتَ هَـٰذَا بَـٰطِلًا سُبْحَـٰنَكَ فَقِنَا عَذَابَ ٱلنَّارِ۝١٩١

    Allatheena yathkuroona Allaha qiyaman waquʿoodan waʿala junoobihim wayatafakkaroona fee khalqi alssamawati waalardi rabbana ma khalaqta hatha batilan subhanaka faqina ʿathaba alnnari

    Kuwa xusa Alle joog iyo fadhi iyo iyagoo u jiifa dhinacyadoodaba, kana fekera abuurista samooyinka iyo arlada: Rabbigayow! Uma aadan abuurin waxakani baadil, Adigaa ka hufan (xumaan) oo xurmoo dhan leh, ee naga badbaadi cadaabka Naarta.

  192. رَبَّنَآ إِنَّكَ مَن تُدْخِلِ ٱلنَّارَ فَقَدْ أَخْزَيْتَهُۥ ۖ وَمَا لِلظَّـٰلِمِينَ مِنْ أَنصَارٍ۝١٩٢

    Rabbana innaka man tudkhili alnnara faqad akhzaytahu wama lilththalimeena min ansarin

    Rabbigayow! Qofkii aad geliso Naar, xaqiiq waa dulleysay, daalimiintuna ma leh (Aakhirada) gargaarayaal (iyo shafeecayaal midna).

  193. رَّبَّنَآ إِنَّنَا سَمِعْنَا مُنَادِيًا يُنَادِى لِلْإِيمَـٰنِ أَنْ ءَامِنُوا۟ بِرَبِّكُمْ فَـَٔامَنَّا ۚ رَبَّنَا فَٱغْفِرْ لَنَا ذُنُوبَنَا وَكَفِّرْ عَنَّا سَيِّـَٔاتِنَا وَتَوَفَّنَا مَعَ ٱلْأَبْرَارِ۝١٩٣

    Rabbana innana samiʿna munadiyan yunadee lileemani an aminoo birabbikum faamanna rabbana faighfir lana thunoobana wakaffir ʿanna sayyiatina watawaffana maʿa alabrari

    Rabbigayow! Waxaanu maqallay baaqe (Nabi Muxammad) ku baaqaya Iimaanka (oo leh): Rumeeya Rabbigiin, markaasaan Rumaynay. Rabbigayow! Ee noo dhaaf dunuubtayada,oo noo astur xumayaalkeenna, na oofsana la jirka baarriyiinta.

  194. رَبَّنَا وَءَاتِنَا مَا وَعَدتَّنَا عَلَىٰ رُسُلِكَ وَلَا تُخْزِنَا يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۗ إِنَّكَ لَا تُخْلِفُ ٱلْمِيعَادَ۝١٩٤

    Rabbana waatina ma waʿadtana ʿala rusulika wala tukhzina yawma alqiyamati innaka la tukhlifu almeeʿada

    Rabbigayow! Na sii waxaad noo ballan qaadday ee Rusushaadu na soo gaarsiisay oo hana dulleyn Maalinta Qiyaamaha, Adigu ballanka kama baxdide.

  195. فَٱسْتَجَابَ لَهُمْ رَبُّهُمْ أَنِّى لَآ أُضِيعُ عَمَلَ عَـٰمِلٍ مِّنكُم مِّن ذَكَرٍ أَوْ أُنثَىٰ ۖ بَعْضُكُم مِّنۢ بَعْضٍ ۖ فَٱلَّذِينَ هَاجَرُوا۟ وَأُخْرِجُوا۟ مِن دِيَـٰرِهِمْ وَأُوذُوا۟ فِى سَبِيلِى وَقَـٰتَلُوا۟ وَقُتِلُوا۟ لَأُكَفِّرَنَّ عَنْهُمْ سَيِّـَٔاتِهِمْ وَلَأُدْخِلَنَّهُمْ جَنَّـٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ ثَوَابًا مِّنْ عِندِ ٱللَّهِ ۗ وَٱللَّهُ عِندَهُۥ حُسْنُ ٱلثَّوَابِ۝١٩٥

    Faistajaba lahum rabbuhum annee la odeeʿu ʿamala ʿamilin minkum min thakarin aw ontha baʿdukum min baʿdin faallatheena hajaroo waokhrijoo min diyarihim waoothoo fee sabeelee waqataloo waqutiloo laokaffiranna ʿanhum sayyiatihim walaodkhilannahum jannatin tajree min tahtiha alanharu thawaban min ʿindi Allahi waAllahu ʿindahu husnu alththawabi

    Markaasuu Rabbigood ka aqbalay (ducadoodii oo yidhi): Anigu ma dayaco camalka uu mid idinka mid ah falo, ha ahaado lab ama dheddig, midkiin walbaa uu ka ahaaday midka kale, ee kuwa iyagu soo haajiray, ee looga soo saaray guryahooda debedda, ee loogu dhib geystey Arrinkayaga (Islaamka darti), ee dagaallmay ee loo dilay Dartay, Waxaan asturi xumayaalkooda, waxaana gelin beero ay qul-qulaan hoostoodu webiyo; Abaalgud xagga Alle ah, Alle baana haya oo weliba baxsha abaalgud wanaagsan.

  196. لَا يَغُرَّنَّكَ تَقَلُّبُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ فِى ٱلْبِلَـٰدِ۝١٩٦

    La yaghurrannaka taqallubu allatheena kafaroo fee albiladi

    Yaanay ku dagin galoo baxa kuwaa gaalada ah magaalooyinka cabsi la’aan.

  197. مَتَـٰعٌ قَلِيلٌ ثُمَّ مَأْوَىٰهُمْ جَهَنَّمُ ۚ وَبِئْسَ ٱلْمِهَادُ۝١٩٧

    Mataʿun qaleelun thumma mawahum jahannamu wabisa almihadu

    Waa raaxo yar; kaddibna hoygoodu waa Jahannama; oo ugu xun gogol la yeesho.

  198. لَـٰكِنِ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوْا۟ رَبَّهُمْ لَهُمْ جَنَّـٰتٌ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ خَـٰلِدِينَ فِيهَا نُزُلًا مِّنْ عِندِ ٱللَّهِ ۗ وَمَا عِندَ ٱللَّهِ خَيْرٌ لِّلْأَبْرَارِ۝١٩٨

    Lakini allatheena ittaqaw rabbahum lahum jannatun tajree min tahtiha alanharu khalideena feeha nuzulan min ʿindi Allahi wama ʿinda Allahi khayrun lilabrari

    Kuwase dhowra (Amarrada) Rabbigood, waxay leeyihiin beero (Jannooyin) ay qul-qulaan hoostooda webiyo, oo ay ku dhex waarayaan weligood, marti qaad uu u fidiyey Alle; waxa Alle agti ah baana u khayr badan kuwa baarriga ah.

  199. وَإِنَّ مِنْ أَهْلِ ٱلْكِتَـٰبِ لَمَن يُؤْمِنُ بِٱللَّهِ وَمَآ أُنزِلَ إِلَيْكُمْ وَمَآ أُنزِلَ إِلَيْهِمْ خَـٰشِعِينَ لِلَّهِ لَا يَشْتَرُونَ بِـَٔايَـٰتِ ٱللَّهِ ثَمَنًا قَلِيلًا ۗ أُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُمْ أَجْرُهُمْ عِندَ رَبِّهِمْ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ سَرِيعُ ٱلْحِسَابِ۝١٩٩

    Wainna min ahli alkitabi laman yuminu biAllahi wama onzila ilaykum wama onzila ilayhim khashiʿeena lillahi la yashtaroona biayati Allahi thamanan qaleelan olaika lahum ajruhum ʿinda rabbihim inna Allaha sareeʿu alhisabi

    Ehlul Kitaabka waxaa ka mid ah kuwo rumeysan Alle, iyo waxa la idiin soo dejiyey oo Waxyi ah (Qur’aanka), iyo waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah (Towraadda iyo Injiilka), una khushuuca Alle, oo aan ku iibsan Aayadaha Alle qiimo yar. Kuwaa waxaa u sugnaaday ajarkooda Rabbigood agtii; hubaal Alle wuu ku Dhaqso Badan yahay xisaabinta.

  200. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱصْبِرُوا۟ وَصَابِرُوا۟ وَرَابِطُوا۟ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ۝٢٠٠

    Ya ayyuha allatheena amanoo isbiroo wasabiroo warabitoo waittaqoo Allaha laʿallakum tuflihoona

    Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Samir yeesha oo ku sarreeya samir yeelashada, oo heegan ahaada sugan1, Allena ka cabsada aad liibaantaane.

    Sharaxa hoose
    [1] Idinkoo ku sugan rugahiinna oo ka ilaalinaya cadowga dhulka Islaamka, ama ku sugan masaajidda idinkoo sugaya salaadaha. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Naari ma taabato labo indhood, il u oyday cabsi Alle iyo il u soo jeedday ilaalinta xuduudaha Muslimka.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Aal-Cimraan?

Macnaha Aal-Cimraan waa “Reer Cimraan”.

Suuradda Aal-Cimraan juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Aal-Cimraan waxay ku fidsan tahay juz’ 3 iyo 4.

Suuradda Aal-Cimraan immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Aal-Cimraan waxay leedahay 200 aayadood.

Suuradda Aal-Cimraan ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Aal-Cimraan waa suurad Madani ah.

Suuradda Aal-Cimraan waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 3aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.