سورة النساء
Suuradda An-Nisaa’ oo af Soomaali ah
Haweenka
- 4
- 176 aayadood
- Madani
- Juz’ 4–6
- Bogagga 77–106
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda An-Nisaa’ (النساء) waa suuradda 4aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 176 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Haweenka”. Waa suurad Madani ah, oo ku soo degtay Madiina kadib Hijrada, waxayna ku fidsan tahay juz’ 4, 5 iyo 6.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda An-Nisaa’ oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda An-Nisaa’ oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱتَّقُوا۟ رَبَّكُمُ ٱلَّذِى خَلَقَكُم مِّن نَّفْسٍ وَٰحِدَةٍ وَخَلَقَ مِنْهَا زَوْجَهَا وَبَثَّ مِنْهُمَا رِجَالًا كَثِيرًا وَنِسَآءً ۚ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ ٱلَّذِى تَسَآءَلُونَ بِهِۦ وَٱلْأَرْحَامَ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلَيْكُمْ رَقِيبًا١
Ya ayyuha alnnasu ittaqoo rabbakumu allathee khalaqakum min nafsin wahidatin wakhalaqa minha zawjaha wabaththa minhuma rijalan katheeran wanisaan waittaqoo Allaha allathee tasaaloona bihi waalarhama inna Allaha kana ʿalaykum raqeeban
Dadow! Ka cabsada Rabbigiin ee idinka abuuray naf keliya (Aadam), ee ka abuuray lammaankeeda (Xawwaa), kana tafiirmay xaggooda rag tiro badan iyo haweenba; oo ka cabsada Alle ee ah Kan aad isku weydiisataan (xuquuqdiinna), (dhowrana xaqa) qaraabada1. Hubaal Alle waa idin dhowri oo u jeedaa (acmaashiinna oo og yahay).
Sharaxa hoose
[1] Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: "Ma galo janno qof qaraabo goys ah". -
وَءَاتُوا۟ ٱلْيَتَـٰمَىٰٓ أَمْوَٰلَهُمْ ۖ وَلَا تَتَبَدَّلُوا۟ ٱلْخَبِيثَ بِٱلطَّيِّبِ ۖ وَلَا تَأْكُلُوٓا۟ أَمْوَٰلَهُمْ إِلَىٰٓ أَمْوَٰلِكُمْ ۚ إِنَّهُۥ كَانَ حُوبًا كَبِيرًا٢
Waatoo alyatama amwalahum wala tatabaddaloo alkhabeetha bialttayyibi wala takuloo amwalahum ila amwalikum innahu kana hooban kabeeran
Siiya agoomaha maalkooda, hana kaga beddelannina (waxyaalo) xun oo liita (aad leedihiin) waxooda wanaagsan; hana ka hunguriyeynina maalkooda (idinkoo ku darsanaya) maalkiinna. Arrinkaa hubaal waa denbi weyn.
-
وَإِنْ خِفْتُمْ أَلَّا تُقْسِطُوا۟ فِى ٱلْيَتَـٰمَىٰ فَٱنكِحُوا۟ مَا طَابَ لَكُم مِّنَ ٱلنِّسَآءِ مَثْنَىٰ وَثُلَـٰثَ وَرُبَـٰعَ ۖ فَإِنْ خِفْتُمْ أَلَّا تَعْدِلُوا۟ فَوَٰحِدَةً أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَـٰنُكُمْ ۚ ذَٰلِكَ أَدْنَىٰٓ أَلَّا تَعُولُوا۟٣
Wain khiftum alla tuqsitoo fee alyatama fainkihoo ma taba lakum mina alnnisai mathna wathulatha warubaʿa fain khiftum alla taʿdiloo fawahidatan aw ma malakat aymanukum thalika adna alla taʿooloo
Haddaad ka cabsataan inaydaan ula dhaqmin si caddaalad ah (gabdhaha) agoomaha ah, markaa guursada haween- kaa (kale) wixii idinla habboonaada, labo, seddex iyo afarba. Haddaadse ka cabsataan inaydaan u caddaalad falin1 markaa (ku ekaada guursiga) mid keliya2 ama waxay gacmahiinnu midig hantaan3. Arrinkaa baa u dhow inaydaan dulmi falin.
Sharaxa hoose
[1] Caddaaladda waxaa loola jeedaa waxay u baahan tahay xaaska xagga masruufka, marashada, degaanka iyo hoyaadka, gogosha, iwm ee arrimaha muuqda ama qarsoon. [2] Islaamku wuu banneeyey guursiga wax ka badan hal xaas, wuxuuse ku xiray shuruud ay ka mid yihiin inuu qof u leeyahay awood inuu dhaqi karo oo dhaqaale u heysto, iyo inuu ogaado cadaaladda. Ka hor inta ayan soo degin Aayaddan way jirtay guursiga wax hal xaas ka badan , waxay xitaa anbiyo Alle isla guursadeen dumar aad u baan oo boqollaal gaara, Aayaddanse waxay oggolaatay inuu ninka guursan karo oo keliya ilaa afar xaas hadduu ka soo bixi karo shuruudda lagu xiray guursiga wax hal xaas ka badan. [3] Addoon iyo addoonsiga sidan ah ma jiro waqtigan bal waa laga mamnuucay caalamka, oo waxay jirtay waayihii hore. -
وَءَاتُوا۟ ٱلنِّسَآءَ صَدُقَـٰتِهِنَّ نِحْلَةً ۚ فَإِن طِبْنَ لَكُمْ عَن شَىْءٍ مِّنْهُ نَفْسًا فَكُلُوهُ هَنِيٓـًٔا مَّرِيٓـًٔا٤
Waatoo alnnisaa saduqatihinna nihlatan fain tibna lakum ʿan shayin minhu nafsan fakuloohu haneean mareean
Siiya haweenka meherradooda siismo waajib ah idinkoo ku niyad san, hadday se iyaga naf ahaantooda idiinka raalli noqdaan inay idiin daayaan wax ka mid ah (meherka), markaa ku qaata wanaag iyo kal samaan.
-
وَلَا تُؤْتُوا۟ ٱلسُّفَهَآءَ أَمْوَٰلَكُمُ ٱلَّتِى جَعَلَ ٱللَّهُ لَكُمْ قِيَـٰمًا وَٱرْزُقُوهُمْ فِيهَا وَٱكْسُوهُمْ وَقُولُوا۟ لَهُمْ قَوْلًا مَّعْرُوفًا٥
Wala tutoo alssufahaa amwalakumu allatee jaʿala Allahu lakum qiyaman waorzuqoohum feeha waoksoohum waqooloo lahum qawlan maʿroofan
Ha siinnina makasta (aan maamuli karin) maalka uu Alle idiinka dhigay waxaad ku nooshihiin1, kase quudiya oo uga arrad tira, kulana hadla hadal wanaagsan oo gar ah.
Sharaxa hoose
[1] Makas, waxaa halkan loola jeedaa agoonka aan qaan gaarin ama qofka aan si fiican u maamuli karin maalkiisa. Inkastoo uu yahay maalkooda, Alle wuxuu ka dhigay wadar isagoo ina xusuusinaya in maalka oo dhan uu Isagu yahay kan bixiyey si loogu daryeelo ummadda wadar iyo waaxidba. -
وَٱبْتَلُوا۟ ٱلْيَتَـٰمَىٰ حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغُوا۟ ٱلنِّكَاحَ فَإِنْ ءَانَسْتُم مِّنْهُمْ رُشْدًا فَٱدْفَعُوٓا۟ إِلَيْهِمْ أَمْوَٰلَهُمْ ۖ وَلَا تَأْكُلُوهَآ إِسْرَافًا وَبِدَارًا أَن يَكْبَرُوا۟ ۚ وَمَن كَانَ غَنِيًّا فَلْيَسْتَعْفِفْ ۖ وَمَن كَانَ فَقِيرًا فَلْيَأْكُلْ بِٱلْمَعْرُوفِ ۚ فَإِذَا دَفَعْتُمْ إِلَيْهِمْ أَمْوَٰلَهُمْ فَأَشْهِدُوا۟ عَلَيْهِمْ ۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ حَسِيبًا٦
Waibtaloo alyatama hatta itha balaghoo alnnikaha fain anastum minhum rushdan faidfaʿoo ilayhim amwalahum wala takulooha israfan wabidaran an yakbaroo waman kana ghaniyyan falyastaʿfif waman kana faqeeran falyakul bialmaʿroofi faitha dafaʿtum ilayhim amwalahum faashhidoo ʿalayhim wakafa biAllahi haseeban
Imtixaama agoomaha markay gaaraan Guur; haddaad ku aragtaan wax garadnimo, siiya maalkooda, hana u isticmaalina si xadgudub ah iyo ka degdegid intayna weynaan, qofkii hodan ah ha ka dhowrsado dhammaanti, qofkiise fiqiir ah, (wax) ha ka cuno si la garwaaqsan karo. Markaad u dhiibeysaanna maalkooda, u yeela markhaati iyagoo jooga; Allena waa ku filan yahay xisaabiye ahaan.
-
لِّلرِّجَالِ نَصِيبٌ مِّمَّا تَرَكَ ٱلْوَٰلِدَانِ وَٱلْأَقْرَبُونَ وَلِلنِّسَآءِ نَصِيبٌ مِّمَّا تَرَكَ ٱلْوَٰلِدَانِ وَٱلْأَقْرَبُونَ مِمَّا قَلَّ مِنْهُ أَوْ كَثُرَ ۚ نَصِيبًا مَّفْرُوضًا٧
Lilrrijali naseebun mimma taraka alwalidani waalaqraboona walilnnisai naseebun mimma taraka alwalidani waalaqraboona mimma qalla minhu aw kathura naseeban mafroodan
Ragga waxay saami ku leeyihiin waxay waalidiintu iyo qaraabadu ka tagaan (oo maal dhaxal ah). Haweenkuna waxay saami ku leeyihiin waxay waalidiintu iyo qaraabadu ka tagaan - ha yaraado ama ha badnaado; qayb cad.
-
وَإِذَا حَضَرَ ٱلْقِسْمَةَ أُو۟لُوا۟ ٱلْقُرْبَىٰ وَٱلْيَتَـٰمَىٰ وَٱلْمَسَـٰكِينُ فَٱرْزُقُوهُم مِّنْهُ وَقُولُوا۟ لَهُمْ قَوْلًا مَّعْرُوفًا٨
Waitha hadara alqismata oloo alqurba waalyatama waalmasakeenu faorzuqoohum minhu waqooloo lahum qawlan maʿroofan
Hadday joogaan qaybta qaraabo, agoomo iyo masaakiin (aan dhaxalka wax ku lahayn) wax ka siiya1, kulana hadla hadal san oo naxiiriis leh.
Sharaxa hoose
[1] Siismo aan ka badnayn seddex meeloodoo meel maalka laga tagay ee dhaxalka. Waana in marka hore la bixiyo deymaha. Marka deymaha la bixiyo iyo wixii uu mowtanaha ka daraarmay, inta soo hartay baa waxaa loo qaybinayaa warasda si waafaqsan sharciga. Qof dhaxalka wax ku lehna oo warasada ka mid ah si gaar ah wax looguma dardaarmi karo. -
وَلْيَخْشَ ٱلَّذِينَ لَوْ تَرَكُوا۟ مِنْ خَلْفِهِمْ ذُرِّيَّةً ضِعَـٰفًا خَافُوا۟ عَلَيْهِمْ فَلْيَتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَلْيَقُولُوا۟ قَوْلًا سَدِيدًا٩
Walyakhsha allatheena law tarakoo min khalfihim thurriyyatan diʿafan khafoo ʿalayhim falyattaqoo Allaha walyaqooloo qawlan sadeedan
Hana u baqaan (siday tooda ugu baqi lahaayeen) kuwa (wakiillada agoomaha) hadday ka tagi lahaayeen ubad taag yar oo ay u baqaan.Ee ha ka cabsadeen Alle, hana ku hadleen hadal toosan oo abbaar ah.
-
إِنَّ ٱلَّذِينَ يَأْكُلُونَ أَمْوَٰلَ ٱلْيَتَـٰمَىٰ ظُلْمًا إِنَّمَا يَأْكُلُونَ فِى بُطُونِهِمْ نَارًا ۖ وَسَيَصْلَوْنَ سَعِيرًا١٠
Inna allatheena yakuloona amwala alyatama thulman innama yakuloona fee butoonihim naran wasayaslawna saʿeeran
Kuwa ku cuna maalka agoomaha xaq darro,waxay uun ku cuni caloolahooda dab, waxayna gali oo ku guban dab huraya.
-
يُوصِيكُمُ ٱللَّهُ فِىٓ أَوْلَـٰدِكُمْ ۖ لِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ ٱلْأُنثَيَيْنِ ۚ فَإِن كُنَّ نِسَآءً فَوْقَ ٱثْنَتَيْنِ فَلَهُنَّ ثُلُثَا مَا تَرَكَ ۖ وَإِن كَانَتْ وَٰحِدَةً فَلَهَا ٱلنِّصْفُ ۚ وَلِأَبَوَيْهِ لِكُلِّ وَٰحِدٍ مِّنْهُمَا ٱلسُّدُسُ مِمَّا تَرَكَ إِن كَانَ لَهُۥ وَلَدٌ ۚ فَإِن لَّمْ يَكُن لَّهُۥ وَلَدٌ وَوَرِثَهُۥٓ أَبَوَاهُ فَلِأُمِّهِ ٱلثُّلُثُ ۚ فَإِن كَانَ لَهُۥٓ إِخْوَةٌ فَلِأُمِّهِ ٱلسُّدُسُ ۚ مِنۢ بَعْدِ وَصِيَّةٍ يُوصِى بِهَآ أَوْ دَيْنٍ ۗ ءَابَآؤُكُمْ وَأَبْنَآؤُكُمْ لَا تَدْرُونَ أَيُّهُمْ أَقْرَبُ لَكُمْ نَفْعًا ۚ فَرِيضَةً مِّنَ ٱللَّهِ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمًا١١
Yooseekumu Allahu fee awladikum lilththakari mithlu haththi alonthayayni fain kunna nisaan fawqa ithnatayni falahunna thulutha ma taraka wain kanat wahidatan falaha alnnisfu waliabawayhi likulli wahidin minhuma alssudusu mimma taraka in kana lahu waladun fain lam yakun lahu waladun wawarithahu abawahu faliommihi alththuluthu fain kana lahu ikhwatun faliommihi alssudusu min baʿdi wasiyyatin yoosee biha aw daynin abaokum waabnaokum la tadroona ayyuhum aqrabu lakum nafʿan fareedatan mina Allahi inna Allaha kana ʿaleeman hakeeman
Alle wuxuu idiin dardaarmi (wanaajinta iyo daryeelka) carruurtiinna, labku wuxuu leeyahay saami u dhigma labo dheddig1; haddayse yihiin haween labo ka badan, waxay leeyihiin saddex meelood labo meel wuxuu ka tagey mowtanaha ee dhaxal ah; hadday tahay mid keliya, waxay leedahay kala bar oo bar. Labadiisa waalid mid walbaa wuxuu leeyahay lix meeloodoo meel waxa dhaxal laga tagey, haddii mowtanaha uu leeyahay ilmo, haddaanuse lahayn ilmo – oo ay dhaxlayaan (oo keliya) labadiisa waalid, markaa hooyadu waxay leedahay saddex meeloodoo meel; hadduu se leeyahay walaalo, hooyadi waxay leedahay lix meeloodoo meel. Kaddib marka laga saaro dhaxalka wuxuu ka dardaaramay2 ama deyn (lagu leeyahay). Ma ogidin aabbayaashiin ama ilmahiinna kooda idiinku dhow waxtar ahaan. Waa faral uu qaddaray Alle3. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
Sharaxa hoose
[1] Labku wuxuu leeyahay saamiga labo dheddig, waayo waajibaadka iyo xilalka saaran ninka baa ka badan haweenta, sida bixinta meherka, masruufka iyo marashada reerkiisa, iwm. Eeg Suuradda An-Nisaa. [2] Isagoo aan ku waxyeeleyn cidna sida: a-Inuu ku dardaarmo wax ka badan seddex meeloodoo meel maalka dhaxalka. b- inuu dardaarmo isagoo ugala jeedo inuu yareeyo maalka warasada, xitaa hadduu ka dardaarmo wax ka yar seddex meeloodoo meel hadduu ugala jeedo inuu yareeyo xuquuqda warasada, taasina ma bannaana. [3] Waxaa loogala jeedaa saamiyada dhaxalka. -
۞ وَلَكُمْ نِصْفُ مَا تَرَكَ أَزْوَٰجُكُمْ إِن لَّمْ يَكُن لَّهُنَّ وَلَدٌ ۚ فَإِن كَانَ لَهُنَّ وَلَدٌ فَلَكُمُ ٱلرُّبُعُ مِمَّا تَرَكْنَ ۚ مِنۢ بَعْدِ وَصِيَّةٍ يُوصِينَ بِهَآ أَوْ دَيْنٍ ۚ وَلَهُنَّ ٱلرُّبُعُ مِمَّا تَرَكْتُمْ إِن لَّمْ يَكُن لَّكُمْ وَلَدٌ ۚ فَإِن كَانَ لَكُمْ وَلَدٌ فَلَهُنَّ ٱلثُّمُنُ مِمَّا تَرَكْتُم ۚ مِّنۢ بَعْدِ وَصِيَّةٍ تُوصُونَ بِهَآ أَوْ دَيْنٍ ۗ وَإِن كَانَ رَجُلٌ يُورَثُ كَلَـٰلَةً أَوِ ٱمْرَأَةٌ وَلَهُۥٓ أَخٌ أَوْ أُخْتٌ فَلِكُلِّ وَٰحِدٍ مِّنْهُمَا ٱلسُّدُسُ ۚ فَإِن كَانُوٓا۟ أَكْثَرَ مِن ذَٰلِكَ فَهُمْ شُرَكَآءُ فِى ٱلثُّلُثِ ۚ مِنۢ بَعْدِ وَصِيَّةٍ يُوصَىٰ بِهَآ أَوْ دَيْنٍ غَيْرَ مُضَآرٍّ ۚ وَصِيَّةً مِّنَ ٱللَّهِ ۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَلِيمٌ١٢
Walakum nisfu ma taraka azwajukum in lam yakun lahunna waladun fain kana lahunna waladun falakumu alrrubuʿu mimma tarakna min baʿdi wasiyyatin yooseena biha aw daynin walahunna alrrubuʿu mimma taraktum in lam yakun lakum waladun fain kana lakum waladun falahunna alththumunu mimma taraktum min baʿdi wasiyyatin toosoona biha aw daynin wain kana rajulun yoorathu kalalatan awi imraatun walahu akhun aw okhtun falikulli wahidin minhuma alssudusu fain kanoo akthara min thalika fahum shurakao fee alththuluthi min baʿdi wasiyyatin yoosa biha aw daynin ghayra mudarrin wasiyyatan mina Allahi waAllahu ʿaleemun haleemun
Waxaad (raggow) leedihiin kala bar oo bar waxay ka tagaan xaasaskiinnu, haddaanay laheyn ilmo. Hadday se ka tagaan ilmo, markaa waxaad leedihiin afar meeloodoo meel waxay ka tagaan, kaddib marka laga saaro dhaxalka waxay ka dardaarmeen ama deyn. (Xaasaskiinnuna) saamigooda dhaxalka waa afar meeloodoo meel waxaad ka tagtaan haddaydaan laheyn ilmo, haddiise aad ka tagtaan ilmo waxay leeyihiin sidddeed meeloodoo meel waxaad ka tagtaan oo dhaxal ah, kaddib marka laga saaro dhaxalka waxaad ka dardaaranteen ama deyn. Hadduu ninka ama haweenta dhaxalkiisu arrinta taagan tahay uusan laheyn waalidiin iyo carruur midna, ha yeeshee uu ka tagey walaal ama walaalley (xagga hooyada), midkood walbaa oo ka mid ah wuxuu leeyahay lix meeloodoo meel, haddiise ay intaas ka badan yihiin waxay wadaagi saddex meeloodoo meel. Kaddib marka laga saaro dhaxalka waxa laga dardaarmay ama deyn, iyadoo dardaarankaa aan (cidna) lagu dhibeyn1. Waa Amar ka yimid Alle. Alle waa wax kasta Oge, Dulqaad badan.
Sharaxa hoose
[1] Inaad u dardaarantaan. Waayo oo keliya qaraabadaa lagu xusay aayadaha 11aad, 12aad baa dhaxla saamiyo go’an. Arrinkani waa shardiga ku xiran dardaaran kasta. Hadduu xadgudub sameeyo mowtanaha, waa in dardaarankiisa aan la fulin, ama waa inuu hagaajiyaa fuliyaha dardaaranka. Eeg Q2: 182. -
تِلْكَ حُدُودُ ٱللَّهِ ۚ وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ يُدْخِلْهُ جَنَّـٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ خَـٰلِدِينَ فِيهَا ۚ وَذَٰلِكَ ٱلْفَوْزُ ٱلْعَظِيمُ١٣
Tilka hudoodu Allahi waman yutiʿi Allaha warasoolahu yudkhilhu jannatin tajree min tahtiha alanharu khalideena feeha wathalika alfawzu alʿatheemu
Kuwakani waa xuduudaha Alle, qofkii adeecaa Alle iyo Rasuulkiisa wuxuu gelin beero (Jannooyin) ay qulqulaan hoostoodu webiyo, oo ay ku dhex waari; waana taas liibaanta weyn.
-
وَمَن يَعْصِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَيَتَعَدَّ حُدُودَهُۥ يُدْخِلْهُ نَارًا خَـٰلِدًا فِيهَا وَلَهُۥ عَذَابٌ مُّهِينٌ١٤
Waman yaʿsi Allaha warasoolahu wayataʿadda hudoodahu yudkhilhu naran khalidan feeha walahu ʿathabun muheenun
Qofkiise ku caasiya Alle iyo Rasuulkiisa oo ka tallaaba xuduuddiisa, Wuxuu gelin Naar isagoo ku dhex waaraya weligi; wuxuuna leeyahay cadaab dulleysa.
-
وَٱلَّـٰتِى يَأْتِينَ ٱلْفَـٰحِشَةَ مِن نِّسَآئِكُمْ فَٱسْتَشْهِدُوا۟ عَلَيْهِنَّ أَرْبَعَةً مِّنكُمْ ۖ فَإِن شَهِدُوا۟ فَأَمْسِكُوهُنَّ فِى ٱلْبُيُوتِ حَتَّىٰ يَتَوَفَّىٰهُنَّ ٱلْمَوْتُ أَوْ يَجْعَلَ ٱللَّهُ لَهُنَّ سَبِيلًا١٥
Waallatee yateena alfahishata min nisaikum faistashhidoo ʿalayhinna arbaʿatan minkum fain shahidoo faamsikoohunna fee albuyooti hatta yatawaffahunna almawtu aw yajʿala Allahu lahunna sabeelan
Kuwa la yimaada xumaan (zino) oo ka mid ah haweenkiinna, kaga dhiga marag afar idinka mid ah, hadday ku marag furaan1, markaa ku haya (haweenkaa zinada la yimid) guryaha ilaa uu mowdku ka oofsado ama uu Alle jid u yeelo2.
Sharaxa hoose
[1] Markhaatiyada waa inay ku dhaartaan inay dhab ahaan arkeen ficilkaa oo lagu gudo jiro. [2] Inuu Alle waddo u sameeyo waa tilmaan soo degidda suuradda An-Nuur, Q 24: Aayadda 2aad ee xadka zinada. Waxaana lagu nasakhay xukunka aayaddan. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: «Iga qaata: Labada bikrada ah aan horay u guursan ee zineysta ciqaabtoodu waa boqol jeedal iyo ka saaritaan degaanka, labada wax soo guursatayna ama xaas ah markaa oo zineysta waa boqol jeedal iyo in dhagax lagu dilo.» W.w. Muslim. -
وَٱلَّذَانِ يَأْتِيَـٰنِهَا مِنكُمْ فَـَٔاذُوهُمَا ۖ فَإِن تَابَا وَأَصْلَحَا فَأَعْرِضُوا۟ عَنْهُمَآ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ تَوَّابًا رَّحِيمًا١٦
Waallathani yatiyaniha minkum faathoohuma fain taba waaslaha faaʿridoo ʿanhuma inna Allaha kana tawwaban raheeman
Labadii la yimaada xumaan1 ee idinka mid ah ciqaaba. Hadday tawbad keenaan oo wanaagsanadaan ka jeesada xaggooda. Hubaal Alle waa Tawbad Aqbal Badane, Naxariis Badan.
Sharaxa hoose
[1] Badi mufasiriinta waxay ku fasiraan zinada, waxaa sidoo kale soo galaya ninka oo nin u taga iyo naagta oo naag u tagta. -
إِنَّمَا ٱلتَّوْبَةُ عَلَى ٱللَّهِ لِلَّذِينَ يَعْمَلُونَ ٱلسُّوٓءَ بِجَهَـٰلَةٍ ثُمَّ يَتُوبُونَ مِن قَرِيبٍ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ يَتُوبُ ٱللَّهُ عَلَيْهِمْ ۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمًا١٧
Innama alttawbatu ʿala Allahi lillatheena yaʿmaloona alssooa bijahalatin thumma yatooboona min qareebin faolaika yatoobu Allahu ʿalayhim wakana Allahu ʿaleeman hakeeman
Sideedaba Alle wuxuu aqbalaa tawbada kuwa u fala xume aqoon darri1, ee kolkiiba ka soo laabta, Kuwaana weeye kuwa uu Alle ka tawbad aqbalo. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
Sharaxa hoose
[1] Qof kastoo Alle ku caasiya waa jaahil ilaa uu ka tago macsidaas. -
وَلَيْسَتِ ٱلتَّوْبَةُ لِلَّذِينَ يَعْمَلُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِ حَتَّىٰٓ إِذَا حَضَرَ أَحَدَهُمُ ٱلْمَوْتُ قَالَ إِنِّى تُبْتُ ٱلْـَٔـٰنَ وَلَا ٱلَّذِينَ يَمُوتُونَ وَهُمْ كُفَّارٌ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ أَعْتَدْنَا لَهُمْ عَذَابًا أَلِيمًا١٨
Walaysati alttawbatu lillatheena yaʿmaloona alssayyiati hatta itha hadara ahadahumu almawtu qala innee tubtu alana wala allatheena yamootoona wahum kuffarun olaika aʿtadna lahum ʿathaban aleeman
Umase furna tawbad kuwa isaga sii socda xume falidda ilaa markay geeri u timaaddo midkood uu yidhaahdo: Hadda ayaan tawbad keen ahay, iyo kuwa dhinta iyagoo gaalo ah midna. Kuwaas waxaan u diyaarinnay cadaab xanuun badan.
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا يَحِلُّ لَكُمْ أَن تَرِثُوا۟ ٱلنِّسَآءَ كَرْهًا ۖ وَلَا تَعْضُلُوهُنَّ لِتَذْهَبُوا۟ بِبَعْضِ مَآ ءَاتَيْتُمُوهُنَّ إِلَّآ أَن يَأْتِينَ بِفَـٰحِشَةٍ مُّبَيِّنَةٍ ۚ وَعَاشِرُوهُنَّ بِٱلْمَعْرُوفِ ۚ فَإِن كَرِهْتُمُوهُنَّ فَعَسَىٰٓ أَن تَكْرَهُوا۟ شَيْـًٔا وَيَجْعَلَ ٱللَّهُ فِيهِ خَيْرًا كَثِيرًا١٩
Ya ayyuha allatheena amanoo la yahillu lakum an tarithoo alnnisaa karhan wala taʿduloohunna litathhaboo bibaʿdi ma ataytumoohunna illa an yateena bifahishatin mubayyinatin waʿashiroohunna bialmaʿroofi fain karihtumoohunna faʿasa an takrahoo shayan wayajʿala Allahu feehi khayran katheeran
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Idiin ma aha xalaal inaad ku qaadataan haweenka dhaxal si khasab ah iyagoo dooneyn1, hana xayirina si aad uga qaadataan qaar ka mid ah waxaad siiseen inay la yimaadaan xumaan cad maahee. Oo ula dhaqma (xaasaska) si wanaagsan oo jaceyl leh. Haddaad nacdaanna waxaa suurowda inaad nacdaan wax, uu Alle yeeli dhexdiisa khayr badan.
Sharaxa hoose
[1] Aayaddan loola ma jeedo in dhaxlidda haweenka qasbid la’aan ay bannaan tahay hadday doonayaan. Waagii jaahiliyadda hadduu nin ka dhinto xaaskiisa, waxaa arka xigaaladiisa sida walaalki ama ina adeerki iwm inuu kaga xaq badan yahay xaaskiisa nin kale oo dhan, oo wuxuu ka ilaashaa qeyrki ha jeclaato ama yeysan jeclaan, hadduu jecleysto wuxuu ku guursadaa meherkii uu isagu doono isagoo aan iyada oggolaansho ka helin, hadduusan jecleysanna waa uu xayiraa oo uma guuriyo waxaan ahayn ninkii uu isagu doono, marmarna waxaaba dhici jirtay inuu u diido inay guursato ilaa ay wax ka siiso dhaxalkii ninkaa dhintay ay qaraabada yihiin ama meherkeeda, haddii kale inuusan u guurineyn. Aayaddan waxaa ku cad in ninka dhintay warasadiisa ayan uga xaq lahayn ragga kale guursigaa haweentiisa uu ka dhintay iyo dhaxliddeed, iwm. -
وَإِنْ أَرَدتُّمُ ٱسْتِبْدَالَ زَوْجٍ مَّكَانَ زَوْجٍ وَءَاتَيْتُمْ إِحْدَىٰهُنَّ قِنطَارًا فَلَا تَأْخُذُوا۟ مِنْهُ شَيْـًٔا ۚ أَتَأْخُذُونَهُۥ بُهْتَـٰنًا وَإِثْمًا مُّبِينًا٢٠
Wain aradtumu istibdala zawjin makana zawjin waataytum ihdahunna qintaran fala takhuthoo minhu shayan atakhuthoonahu buhtanan waithman mubeenan
Haddaad doontaanna inaad ku beddelataan xaas meesheed xaas kale idinkoo siiyey middood buur dahab ah, ha ka qaadannina waxba haba yaraatee oo ka mid ah; ma waxaad ku qaadanaysaan masabbid aad masabbidataan iyo inaad u geysataan gef caddaan ah?
-
وَكَيْفَ تَأْخُذُونَهُۥ وَقَدْ أَفْضَىٰ بَعْضُكُمْ إِلَىٰ بَعْضٍ وَأَخَذْنَ مِنكُم مِّيثَـٰقًا غَلِيظًا٢١
Wakayfa takhuthoonahu waqad afda baʿdukum ila baʿdin waakhathna minkum meethaqan ghaleethan
Sidee baad uga qaadaneysaan idinkoo isu galmooday, oo ay idinka qaadeen axdi adag?
-
وَلَا تَنكِحُوا۟ مَا نَكَحَ ءَابَآؤُكُم مِّنَ ٱلنِّسَآءِ إِلَّا مَا قَدْ سَلَفَ ۚ إِنَّهُۥ كَانَ فَـٰحِشَةً وَمَقْتًا وَسَآءَ سَبِيلًا٢٢
Wala tankihoo ma nakaha abaokum mina alnnisai illa ma qad salafa innahu kana fahishatan wamaqtan wasaa sabeelan
Ha guursannina haween ay aabbayaashiin guursadeen wixii horay u tegay ma’ahee. Arrinkani waa xumaan iyo wax aad loo naco, oo u xun jid.
-
حُرِّمَتْ عَلَيْكُمْ أُمَّهَـٰتُكُمْ وَبَنَاتُكُمْ وَأَخَوَٰتُكُمْ وَعَمَّـٰتُكُمْ وَخَـٰلَـٰتُكُمْ وَبَنَاتُ ٱلْأَخِ وَبَنَاتُ ٱلْأُخْتِ وَأُمَّهَـٰتُكُمُ ٱلَّـٰتِىٓ أَرْضَعْنَكُمْ وَأَخَوَٰتُكُم مِّنَ ٱلرَّضَـٰعَةِ وَأُمَّهَـٰتُ نِسَآئِكُمْ وَرَبَـٰٓئِبُكُمُ ٱلَّـٰتِى فِى حُجُورِكُم مِّن نِّسَآئِكُمُ ٱلَّـٰتِى دَخَلْتُم بِهِنَّ فَإِن لَّمْ تَكُونُوا۟ دَخَلْتُم بِهِنَّ فَلَا جُنَاحَ عَلَيْكُمْ وَحَلَـٰٓئِلُ أَبْنَآئِكُمُ ٱلَّذِينَ مِنْ أَصْلَـٰبِكُمْ وَأَن تَجْمَعُوا۟ بَيْنَ ٱلْأُخْتَيْنِ إِلَّا مَا قَدْ سَلَفَ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ غَفُورًا رَّحِيمًا٢٣
Hurrimat ʿalaykum ommahatukum wabanatukum waakhawatukum waʿammatukum wakhalatukum wabanatu alakhi wabanatu alokhti waommahatukumu allatee ardaʿnakum waakhawatukum mina alrradaʿati waommahatu nisaikum warabaibukumu allatee fee hujoorikum min nisaikumu allatee dakhaltum bihinna fain lam takoonoo dakhaltum bihinna fala junaha ʿalaykum wahalailu abnaikumu allatheena min aslabikum waan tajmaʿoo bayna alokhtayni illa ma qad salafa inna Allaha kana ghafooran raheeman
Waxaa idinka xaaraan ah: Hooyooyinkiin1 iyo gabdhahiinna iyo walaalooyinkiin iyo eeddooyinkiin iyo habar yarihiin iyo gabdhaha walaalihiin iyo gabdhaha walaalooyinkiin iyo hooyooyinka idin nuujiyey iyo walaalooyinkiin idinla naas nuugay, hooyooyinka haweenkiinna, gabdhaha guryihiinna jooga2 oo ay dhaleen haweenkiinna aad u tagteen, Haddii aydaan u tagin ma jiro wax eed ah oo saaran korkiinna (inaad guursataan gabdhahooda), iyo xaasaska wiilashiinna ka yimid dhabarradiinna; iyo inaad labo walaalo ah kulmisaan mar keliya guur ahaan3, wixii horay u tegay ma’ahee; hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan4.
Sharaxa hoose
[1] Hooyooyinkiin: sida hooyo, hooyo hooyadeed, ayeeyo hooyadeed, ku wad, gabadhahiinna : sida gabadha aad dhashay iyo wiilka aad dhashay gabadhi iyo gabadheed, ku wad, [2] Rabaa’ib gabdhaha xaasaskiinna ee gurigiinna jooga, waxay badi mufasiriinta qabaan inay sidoo kale soo galayaan rabaabita aan guryahooda joogin. [3] Islaamka ka hor. Kaddib markuu Alle soo dejiyey Aayaddan, waxaa la amray ragga inay sii daayaan dumarkaa aan xalaasha u aheyn sida xaaska aabbihi, hadduu isla qabo labo gabdhood oo walaalo ah waa inuu mid sii daayo, ama hadduu leeyahay xaasas tiro ahaan ka badan afar, waa inuu afar keliya ka doorto. Isla xukunkan oo kale baa saaran marka uu nin soo galo islaamka. [4] Ibnu Cabbaas a.k.r. wuxuu yidhi: Waxay toddobo ku xarrimantay xigto ahaan, toddobana xidid ahaan, sidoo kale cidda wax nuujisa iyo tan kula nuugta. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaa ku reebban nuugmada naaska waxa ku reebban nasabka, waase inay ahaato shan nuugmo. Sidoo kale waxaa xaaraan ah guursiga haweeney la qabo. -
۞ وَٱلْمُحْصَنَـٰتُ مِنَ ٱلنِّسَآءِ إِلَّا مَا مَلَكَتْ أَيْمَـٰنُكُمْ ۖ كِتَـٰبَ ٱللَّهِ عَلَيْكُمْ ۚ وَأُحِلَّ لَكُم مَّا وَرَآءَ ذَٰلِكُمْ أَن تَبْتَغُوا۟ بِأَمْوَٰلِكُم مُّحْصِنِينَ غَيْرَ مُسَـٰفِحِينَ ۚ فَمَا ٱسْتَمْتَعْتُم بِهِۦ مِنْهُنَّ فَـَٔاتُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ فَرِيضَةً ۚ وَلَا جُنَاحَ عَلَيْكُمْ فِيمَا تَرَٰضَيْتُم بِهِۦ مِنۢ بَعْدِ ٱلْفَرِيضَةِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمًا٢٤
Waalmuhsanatu mina alnnisai illa ma malakat aymanukum kitaba Allahi ʿalaykum waohilla lakum ma waraa thalikum an tabtaghoo biamwalikum muhsineena ghayra musafiheena fama istamtaʿtum bihi minhunna faatoohunna ojoorahunna fareedatan wala junaha ʿalaykum feema taradaytum bihi min baʿdi alfareedati inna Allaha kana ʿaleeman hakeeman
Iyo dhammaan haweenka la qabo kuway midigtiinna hanato maahee1. (Kani waa) waxa uu Alle faral idiinka dhigay. Waxaa xalaal idiin ah (haween oo dhan) intaa aan ahayn2, waase inaad ku doontaan maalkiinna idinkoo ku qaadanaya guur oo aan dooneyn gaabsi. Kuwase aad guur ku raaxo gashaan, siiya meherradooda la gooyey; oo ma jiro wax eed ahi oo korkiinna ah waxa aad isaga raalli noqotaan waxa la gooyey kaddib3. Hubaal Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
Sharaxa hoose
[1] kuway midigtiinna hanato maahee, waxaa loola jeedaa kuwa ayan nimankooda qafaalka ku jirin, eeg Suuradda An-Nisaa: 3 [2] Waxaan ahayn haweenka lagu xusay Suuradda An-Nisaa Aayadda 23aad. [3] Inuu kordhiyo ama naaqusiyo amaba uusan bixin meherkii lagu heshiiyey. -
وَمَن لَّمْ يَسْتَطِعْ مِنكُمْ طَوْلًا أَن يَنكِحَ ٱلْمُحْصَنَـٰتِ ٱلْمُؤْمِنَـٰتِ فَمِن مَّا مَلَكَتْ أَيْمَـٰنُكُم مِّن فَتَيَـٰتِكُمُ ٱلْمُؤْمِنَـٰتِ ۚ وَٱللَّهُ أَعْلَمُ بِإِيمَـٰنِكُم ۚ بَعْضُكُم مِّنۢ بَعْضٍ ۚ فَٱنكِحُوهُنَّ بِإِذْنِ أَهْلِهِنَّ وَءَاتُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ بِٱلْمَعْرُوفِ مُحْصَنَـٰتٍ غَيْرَ مُسَـٰفِحَـٰتٍ وَلَا مُتَّخِذَٰتِ أَخْدَانٍ ۚ فَإِذَآ أُحْصِنَّ فَإِنْ أَتَيْنَ بِفَـٰحِشَةٍ فَعَلَيْهِنَّ نِصْفُ مَا عَلَى ٱلْمُحْصَنَـٰتِ مِنَ ٱلْعَذَابِ ۚ ذَٰلِكَ لِمَنْ خَشِىَ ٱلْعَنَتَ مِنكُمْ ۚ وَأَن تَصْبِرُوا۟ خَيْرٌ لَّكُمْ ۗ وَٱللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ٢٥
Waman lam yastatiʿ minkum tawlan an yankiha almuhsanati almuminati famin ma malakat aymanukum min fatayatikumu almuminati waAllahu aʿlamu bieemanikum baʿdukum min baʿdin fainkihoohunna biithni ahlihinna waatoohunna ojoorahunna bialmaʿroofi muhsanatin ghayra masafihatin wala muttakhithati akhdanin faitha ohsinna fain atayna bifahishatin faʿalayhinna nisfu ma ʿala almuhsanati mina alʿathabi thalika liman khashiya alʿanata minkum waan tasbiroo khayrun lakum waAllahu ghafoorun raheemun
Ninkii idinka mid ah aanay ku jirin awooddiisa maal ku filan uu ku guursasdo mu’minadaha xorta ah, (wuxuu guursan karaa) kuwa ay hantaan gacmahiinna midig ee ah addoonadahiinna mu’minaadka ah1, Alle isagaa dhab u ogsoon iimaankiinna, qaarkiinba qaar bay ka soo (jeedaan). Ee ku guursada idanka ehelladooda oo u siiya meherradooda si la yaqaan; waa inay yihiin dhowrsanooyin, aan zino aqoon, oo aan yeelan saaxiibbo hoosaad; marka la guursado kaddib, hadday zino ka dhacdo, ciqaabta dushooda ah waa kala bar ciqaabta haweenka xorta ah (aan weli guursan). Arrinkani waxaa leh kan idinka mid ah oo ka baqa inuu ku dhaco denbi; oo inaad sabartaan baa idiin khayr badan, Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Sharaxa hoose
[1] Shareecada islaamka way ku bannaan tahay guursiga addoonta markay kaamil noqoto shuruudda lagu guursan karo. -
يُرِيدُ ٱللَّهُ لِيُبَيِّنَ لَكُمْ وَيَهْدِيَكُمْ سُنَنَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ وَيَتُوبَ عَلَيْكُمْ ۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ٢٦
Yureedu Allahu liyubayyina lakum wayahdiyakum sunana allatheena min qablikum wayatooba ʿalaykum waAllahu ʿaleemun hakeemun
Alle Wuxuu rabaa inuu idiin caddeeyo oo idinku hanuuniyo jidadka kuwii idin ka horreeyay, oo uu idinka tawbad aqbalo. Alle waa wax walba Ogsoone, Xakiim ah.
-
وَٱللَّهُ يُرِيدُ أَن يَتُوبَ عَلَيْكُمْ وَيُرِيدُ ٱلَّذِينَ يَتَّبِعُونَ ٱلشَّهَوَٰتِ أَن تَمِيلُوا۟ مَيْلًا عَظِيمًا٢٧
WaAllahu yureedu an yatooba ʿalaykum wayureedu allatheena yattabiʿoona alshshahawati an tameeloo maylan ʿatheeman
Alle Wuxuu rabaa inuu idinka tawbad aqbalo, kuwase raaca shahwadooda, waxay rabaan inaad weecataan weecasho weyn.
-
يُرِيدُ ٱللَّهُ أَن يُخَفِّفَ عَنكُمْ ۚ وَخُلِقَ ٱلْإِنسَـٰنُ ضَعِيفًا٢٨
Yureedu Allahu an yukhaffifa ʿankum wakhuliqa alinsanu daʿeefan
Alle Wuxuu rabaa inuu idinka fudeydsho culeysyadiinna, aadmigana waxaa la abuuray daciif ahaan (xagga jidhka iyo xagga doonidda dumarka oo kama samri karo).
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تَأْكُلُوٓا۟ أَمْوَٰلَكُم بَيْنَكُم بِٱلْبَـٰطِلِ إِلَّآ أَن تَكُونَ تِجَـٰرَةً عَن تَرَاضٍ مِّنكُمْ ۚ وَلَا تَقْتُلُوٓا۟ أَنفُسَكُمْ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِكُمْ رَحِيمًا٢٩
Ya ayyuha allatheena amanoo la takuloo amwalakum baynakum bialbatili illa an takoona tijaratan ʿan taradin minkum wala taqtuloo anfusakum inna Allaha kana bikum raheeman
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ku kala cunina maalkiinna dhexdiinna xaq darro, inay tahay ganacsi (bannaan) aad raalli isaga tihiin mooyee. Hana dilina nafahiinna1 (hana is dilina). Hubaal, Alle wuu idiin Naxariis Badan yahay.
Sharaxa hoose
[1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Nin baa waxaa soo gaaray dhaawac, markaasuu is dilay. Markaasuu Alle kor ahaaye wuxuu yiri: Addoonkeyga wuxuu u sababay naftiisa geeri degdeg ah uu gacantiisa ku doontay, waa ka xaaraan jannada. W.w. Al-Bukhaari. -
وَمَن يَفْعَلْ ذَٰلِكَ عُدْوَٰنًا وَظُلْمًا فَسَوْفَ نُصْلِيهِ نَارًا ۚ وَكَانَ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرًا٣٠
Waman yafʿal thalika ʿudwanan wathulman fasawfa nusleehi naran wakana thalika ʿala Allahi yaseeran
Qofkii u falaa arrinkaa xadgudub iyo dulmi, waxaanu gelin Naar, arrinkaana Alle wuu u fudud yahay.
-
إِن تَجْتَنِبُوا۟ كَبَآئِرَ مَا تُنْهَوْنَ عَنْهُ نُكَفِّرْ عَنكُمْ سَيِّـَٔاتِكُمْ وَنُدْخِلْكُم مُّدْخَلًا كَرِيمًا٣١
In tajtaniboo kabaira ma tunhawna ʿanhu nukaffir ʿankum sayyiatikum wanudkhilkum mudkhalan kareeman
Haddaad ka fogaataan denbiyada waaweyn ee la idinka reebay, waxaan idin dhaafi denbiyadiinna (yar yar), waxaana idin gelin meel gelitaan sharaf leh (Janno).
-
وَلَا تَتَمَنَّوْا۟ مَا فَضَّلَ ٱللَّهُ بِهِۦ بَعْضَكُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ ۚ لِّلرِّجَالِ نَصِيبٌ مِّمَّا ٱكْتَسَبُوا۟ ۖ وَلِلنِّسَآءِ نَصِيبٌ مِّمَّا ٱكْتَسَبْنَ ۚ وَسْـَٔلُوا۟ ٱللَّهَ مِن فَضْلِهِۦٓ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمًا٣٢
Wala tatamannaw ma faddala Allahu bihi baʿdakum ʿala baʿdin lilrrijali naseebun mimma iktasaboo walilnnisai naseebun mimma iktasabna waisaloo Allaha min fadlihi inna Allaha kana bikulli shayin ʿaleeman
Ha u hanqal taagina wuxuu Alle dheereysiiyey qaarkiinba qaarka kale. Raggu waxay leeyihiin saamiga waxay shaqeystaan, haweenkuna waxay leeyihiin saamiga waxay shaqeystaan, weydiistana Alle Deeqdiisa. Hubaal, Alle wax walba wuu Ogsoon yahay.
-
وَلِكُلٍّ جَعَلْنَا مَوَٰلِىَ مِمَّا تَرَكَ ٱلْوَٰلِدَانِ وَٱلْأَقْرَبُونَ ۚ وَٱلَّذِينَ عَقَدَتْ أَيْمَـٰنُكُمْ فَـَٔاتُوهُمْ نَصِيبَهُمْ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ شَهِيدًا٣٣
Walikullin jaʿalna mawaliya mimma taraka alwalidani waalaqraboona waallatheena ʿaqadat aymanukum faatoohum naseebahum inna Allaha kana ʿala kulli shayin shaheedan
Mid walbaa Waxaan u yeelnay dhaxlayaal (dhaxla) waxa (hanti ah) ay waalidka iyo qaraabada dhow ka tagaan. Kuwase aad iskula gunti xirateen dhaarahiinna ballan (walaaltinnimo) siiya saamigooda (inaad wax u dardaarantaan gaar ah). Hubaal, Alle wax kasta waa u marag shaahid ah oo wuu u jeedaa.
-
ٱلرِّجَالُ قَوَّٰمُونَ عَلَى ٱلنِّسَآءِ بِمَا فَضَّلَ ٱللَّهُ بَعْضَهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ وَبِمَآ أَنفَقُوا۟ مِنْ أَمْوَٰلِهِمْ ۚ فَٱلصَّـٰلِحَـٰتُ قَـٰنِتَـٰتٌ حَـٰفِظَـٰتٌ لِّلْغَيْبِ بِمَا حَفِظَ ٱللَّهُ ۚ وَٱلَّـٰتِى تَخَافُونَ نُشُوزَهُنَّ فَعِظُوهُنَّ وَٱهْجُرُوهُنَّ فِى ٱلْمَضَاجِعِ وَٱضْرِبُوهُنَّ ۖ فَإِنْ أَطَعْنَكُمْ فَلَا تَبْغُوا۟ عَلَيْهِنَّ سَبِيلًا ۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيًّا كَبِيرًا٣٤
Alrrijalu qawwamoona ʿala alnnisai bima faddala Allahu baʿdahum ʿala baʿdin wabima anfaqoo min amwalihim faalssalihatu qanitatun hafithatun lilghaybi bima hafitha Allahu waallatee takhafoona nushoozahunna faʿithoohunna waohjuroohunna fee almadajiʿi waidriboohunna fain ataʿnakum fala tabghoo ʿalayhinna sabeelan inna Allaha kana ʿaliyyan kabeeran
Raggu iyagaa ka mas'uul ah haweenka, waxa u Alle dheereysiiyey qaarkood (ragga) qaar (haweenka) darteed1, iyo masruufka (ragga) maalkooda ay ka baxshaan. Haweenka wanaagsanna way adeecaan (nimankooda), ilaaliyaan maqnaanasha (nimankooda) ilaalinta Alle darteed2. Kuwase aad ka cabsataan caasinimadooda3, waaniya, (hadday wax ku qaadan waayaan waanada) ka goosta dhinac jiifka, (hadday taana wax ku qaadan markaa) garaaca (garaac aayar ah aan waxyeeleyn)4, hadday idin adeecaan, ha u raadinnina jid aad wax ku yeeshaan. Hubaal Alle waa Sarreeye, Weyn.
Sharaxa hoose
[1] Wuxuu Alle ku waajbiyey ninka inuu wanaajiyo oo si fiican ula dhaqmo xaaskiisa. [2] Maalka ninkeeda, iyo dhowrsanaan- teeda oo xafiddaa jirkeeda. [3] Nushuush, waxaa la yidhaahdaa haweenta oo ka tagta gudashada waajibaadka saaran, sida inay ka baxdo guriga idan la’aanta ninkeeda ama u idinto inuu soo galo guriga qof uusan u idmin xitaa hadduu yahay aabbaheed ama hooyadeed, iwm. [4] Xalka u dambeeya ee edbintooda waa garaacidda garaac aayar ah, ma bannaana inaad wax uga dhufato wejiga ama jir disho ama waxyeello u geysato. Taasina waa hadday garaaciddu faa’ido keeni oo arrinka ka sii dareyn. -
وَإِنْ خِفْتُمْ شِقَاقَ بَيْنِهِمَا فَٱبْعَثُوا۟ حَكَمًا مِّنْ أَهْلِهِۦ وَحَكَمًا مِّنْ أَهْلِهَآ إِن يُرِيدَآ إِصْلَـٰحًا يُوَفِّقِ ٱللَّهُ بَيْنَهُمَآ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا خَبِيرًا٣٥
Wain khiftum shiqaqa baynihima faibʿathoo hakaman min ahlihi wahakaman min ahliha in yureeda islahan yuwaffiqi Allahu baynahuma inna Allaha kana ʿaleeman khabeeran
Haddaad ka cabsataan kala go’ dhex mara (ninka iyo xaaskiisa), markaa xil saara garsoore ka tirsan ehelkiisa iyo garsoore ka tirsan ehelkeeda, hadday rabaan heshiis, Alle wuu is waafajin. Hubaal Alle waa wax kasta Ogsoone, Xog Ogaal ah.
-
۞ وَٱعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ وَلَا تُشْرِكُوا۟ بِهِۦ شَيْـًٔا ۖ وَبِٱلْوَٰلِدَيْنِ إِحْسَـٰنًا وَبِذِى ٱلْقُرْبَىٰ وَٱلْيَتَـٰمَىٰ وَٱلْمَسَـٰكِينِ وَٱلْجَارِ ذِى ٱلْقُرْبَىٰ وَٱلْجَارِ ٱلْجُنُبِ وَٱلصَّاحِبِ بِٱلْجَنۢبِ وَٱبْنِ ٱلسَّبِيلِ وَمَا مَلَكَتْ أَيْمَـٰنُكُمْ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ مَن كَانَ مُخْتَالًا فَخُورًا٣٦
Waoʿbudoo Allaha wala tushrikoo bihi shayan wabialwalidayni ihsanan wabithee alqurba waalyatama waalmasakeeni waaljari thee alqurba waaljari aljunubi waalssahibi bialjanbi waibni alssabeeli wama malakat aymanukum inna Allaha la yuhibbu man kana mukhtalan fakhooran
Caabuda Alle hana la wadaajinina cibaadada waxba, wanaajiyana labada waalid, qaraabada, agoomaha,masaakiinta, jaarka qaraabada ah, jaarka shisheeyaha ah1, saaxiibka ku dhinac jooga, tub ku joogga (socotada go’doonsan)2, iyo kuwa ay gacmahiinnu midig hantaan. Hubaal Alle ma jecla mid kastoo islaweyn, faan badan.
Sharaxa hoose
[1] Sokeeyaha iyo shisheeyaha, waxaa lagu fasiray meesha iyo qaraabannimada, waxaana jira culimo ku fasirtay qofka muslimka ah iyo qofka aan muslimka ahayn. Saaxiibka dhinacana waxaa la yidhi waa saaxiibka aad xiriirka wadaagtaan, sidoo kale waxaa lagu fasiray xaaska. [2] Ibnu Sabiil, tub ku joogga, waa socotada aan safar u soo galin macsi darteed uu ka go’ay jiscinkii, waxaa soo galaya u axsaan falka iyo daryeelka ilmaha aan la garanayn aabbayaashood ee dib jirka ah, qaxootiga, ajaanibta iyo soo galootiga aan degaanka u dhalan ee dhoofka ku yimid ee dadka qalaad ah. -
ٱلَّذِينَ يَبْخَلُونَ وَيَأْمُرُونَ ٱلنَّاسَ بِٱلْبُخْلِ وَيَكْتُمُونَ مَآ ءَاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ مِن فَضْلِهِۦ ۗ وَأَعْتَدْنَا لِلْكَـٰفِرِينَ عَذَابًا مُّهِينًا٣٧
Allatheena yabkhaloona wayamuroona alnnasa bialbukhli wayaktumoona ma atahumu Allahu min fadlihi waaʿtadna lilkafireena ʿathaban muheenan
Kuwa ah bakhaylka oo ugu yeera dadka bakhaylnimada1, ee qariya waxa uu Alle siiyey ee ka mid ah Deeqdiisa. Waxaanu u diyaarinnay gaalada cadaab dulleysa.
Sharaxa hoose
[1] Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey in Nabigu s.c.w. yidhi: Maalin walba ay waabbariistaan aadmiga waxaa soo dega labo malag oo midkood leeyahay Allahayow sii qofka wax ku bixiyaa Arrinkaaga beddel wanaagsan, kan kalena wuxuu yidhaahdaa: Allahayow ka yeel maalka bakheylka mid talfa oo aan wax ugu turnaan (W.w. Al-Bukhaari). -
وَٱلَّذِينَ يُنفِقُونَ أَمْوَٰلَهُمْ رِئَآءَ ٱلنَّاسِ وَلَا يُؤْمِنُونَ بِٱللَّهِ وَلَا بِٱلْيَوْمِ ٱلْـَٔاخِرِ ۗ وَمَن يَكُنِ ٱلشَّيْطَـٰنُ لَهُۥ قَرِينًا فَسَآءَ قَرِينًا٣٨
Waallatheena yunfiqoona amwalahum riaa alnnasi wala yuminoona biAllahi wala bialyawmi alakhiri waman yakuni alshshaytanu lahu qareenan fasaa qareenan
Iyo kuwa u bixiya maalkooda (sadaqo ay ugala jeedaan) istuska dadka, aan rumeysnayn Alle iyo Maalinta Aakhiro. qofkii uu Sheydaan ku xiriiro; muxuu xiriir xun yeeshay.
-
وَمَاذَا عَلَيْهِمْ لَوْ ءَامَنُوا۟ بِٱللَّهِ وَٱلْيَوْمِ ٱلْـَٔاخِرِ وَأَنفَقُوا۟ مِمَّا رَزَقَهُمُ ٱللَّهُ ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِهِمْ عَلِيمًا٣٩
Wamatha ʿalayhim law amanoo biAllahi waalyawmi alakhiri waanfaqoo mimma razaqahumu Allahu wakana Allahu bihim ʿaleeman
Maxaana ka bi’i lahaa hadday rumeeyaan Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo wax ka bixiyaan waxa uu Alle siiyey? Allena iyaga aad buu og yahay.
-
إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَظْلِمُ مِثْقَالَ ذَرَّةٍ ۖ وَإِن تَكُ حَسَنَةً يُضَـٰعِفْهَا وَيُؤْتِ مِن لَّدُنْهُ أَجْرًا عَظِيمًا٤٠
Inna Allaha la yathlimu mithqala tharratin wain taku hasanatan yudaʿifha wayuti min ladunhu ajran ʿatheeman
Hubaal, Alle ma dulmiyo 'dadka' wax saxar le’egba ha ahaatee, hadday wanaag falaanna, wuu labo laabaa, wuxuuna ka bixiyaa Xaggiisa Ajar Weyn.
-
فَكَيْفَ إِذَا جِئْنَا مِن كُلِّ أُمَّةٍۭ بِشَهِيدٍ وَجِئْنَا بِكَ عَلَىٰ هَـٰٓؤُلَآءِ شَهِيدًا٤١
Fakayfa itha jina min kulli ommatin bishaheedin wajina bika ʿala haolai shaheedan
Ee sidee (bay ahaan) markaan ka keenno ummad walba markhaati, oo aan ku keenno adiga (Nabiyow) si aad uga ahaato markhaati kuwan?
-
يَوْمَئِذٍ يَوَدُّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَعَصَوُا۟ ٱلرَّسُولَ لَوْ تُسَوَّىٰ بِهِمُ ٱلْأَرْضُ وَلَا يَكْتُمُونَ ٱللَّهَ حَدِيثًا٤٢
Yawmaithin yawaddu allatheena kafaroo waʿasawoo alrrasoola law tusawwa bihimu alardu wala yaktumoona Allaha hadeethan
Maalintaas waxay jeclaan kuwa gaalooba oo caasiya Rasuulka in lala simo (liqo) dhulka, kamana qariyaan Alle waxna.
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تَقْرَبُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَنتُمْ سُكَـٰرَىٰ حَتَّىٰ تَعْلَمُوا۟ مَا تَقُولُونَ وَلَا جُنُبًا إِلَّا عَابِرِى سَبِيلٍ حَتَّىٰ تَغْتَسِلُوا۟ ۚ وَإِن كُنتُم مَّرْضَىٰٓ أَوْ عَلَىٰ سَفَرٍ أَوْ جَآءَ أَحَدٌ مِّنكُم مِّنَ ٱلْغَآئِطِ أَوْ لَـٰمَسْتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَلَمْ تَجِدُوا۟ مَآءً فَتَيَمَّمُوا۟ صَعِيدًا طَيِّبًا فَٱمْسَحُوا۟ بِوُجُوهِكُمْ وَأَيْدِيكُمْ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَفُوًّا غَفُورًا٤٣
Ya ayyuha allatheena amanoo la taqraboo alssalata waantum sukara hatta taʿlamoo ma taqooloona wala junuban illa ʿabiree sabeelin hatta taghtasiloo wain kuntum marda aw ʿala safarin aw jaa ahadun minkum mina alghaiti aw lamastumu alnnisaa falam tajidoo maan fatayammamoo saʿeedan tayyiban faimsahoo biwujoohikum waaydeekum inna Allaha kana ʿafuwwan ghafooran
Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Ha u dhowaannina salaadda idinkoo sarkhaansan1 jeer aad u kastaan (si wanaagsan) waxaad ku hadleysaan, ama idinkoo janaaba qaba inaad jid gudbaysaan maahee jeer aad ka meyrataan (janaabada). Haddaad tihiin kuwo buka ama safar ah, ama uu ka yimaado mid idinka mid ah saxaro, ama aad taabateen haween2, oo aydaan heli karin biyo, ku gagabeysta carro daahir ah, markaa ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Hubaal Alle waa Cafis Badane, Denbi Dhaaf Badan.
Sharaxa hoose
[1] Isticmaalka khamrada si dhan baa loo xaaraanshay: eeg Q 5: 90-91 [2] Culimada qaar waxay ku fasireen taabashadaas taabashada caadiga ah ee la isku taabto gacanta nin iyo naag, waxaa sidoo kale jira qaar ku fasiray jimaaca oo ah isu tagga ninka iyo naagtiisa - galmoodka, waana sida xoogga badan. -
أَلَمْ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ نَصِيبًا مِّنَ ٱلْكِتَـٰبِ يَشْتَرُونَ ٱلضَّلَـٰلَةَ وَيُرِيدُونَ أَن تَضِلُّوا۟ ٱلسَّبِيلَ٤٤
Alam tara ila allatheena ootoo naseeban mina alkitabi yashtaroona alddalalata wayureedoona an tadilloo alssabeela
Miyaadan u fiirsan kuwaa (Yuhuudda) laga siiyey qayb Kitaabka? Waxay iibsadaan habow, oo rabaan inaad ka luntaan Jidka Toosan (ee Islaamka).
-
وَٱللَّهُ أَعْلَمُ بِأَعْدَآئِكُمْ ۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَلِيًّا وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ نَصِيرًا٤٥
WaAllahu aʿlamu biaʿdaikum wakafa biAllahi waliyyan wakafa biAllahi naseeran
Alle baana yaqaan cadowyadiinna. Alle ku filan Wali (Xafide) ahaan, oo Alle ku filan Gargaare ahaan.
-
مِّنَ ٱلَّذِينَ هَادُوا۟ يُحَرِّفُونَ ٱلْكَلِمَ عَن مَّوَاضِعِهِۦ وَيَقُولُونَ سَمِعْنَا وَعَصَيْنَا وَٱسْمَعْ غَيْرَ مُسْمَعٍ وَرَٰعِنَا لَيًّۢا بِأَلْسِنَتِهِمْ وَطَعْنًا فِى ٱلدِّينِ ۚ وَلَوْ أَنَّهُمْ قَالُوا۟ سَمِعْنَا وَأَطَعْنَا وَٱسْمَعْ وَٱنظُرْنَا لَكَانَ خَيْرًا لَّهُمْ وَأَقْوَمَ وَلَـٰكِن لَّعَنَهُمُ ٱللَّهُ بِكُفْرِهِمْ فَلَا يُؤْمِنُونَ إِلَّا قَلِيلًا٤٦
Mina allatheena hadoo yuharrifoona alkalima ʿan mawadiʿihi wayaqooloona samiʿna waʿasayna waismaʿ ghayra musmaʿin waraʿina layyan bialsinatihim wataʿnan fee alddeeni walaw annahum qaloo samiʿna waataʿna waismaʿ waonthurna lakana khayran lahum waaqwama walakin laʿanahumu Allahu bikufrihim fala yuminoona illa qaleelan
Qaar ka mid ah kuwa heysta (diinta) Yuhuudiyadda (waxaa jira kuwo) ka duwa erayada meelahooda oo yidhaahda: Maqallay oo caasinnay, maqal, laguma maqashiiye eh, Raacinaa, iyagoo ku iilaya (kelmedda) carrabkooda oo ku duraya diinta, hadday odhan lahaayeen (taa beddelkeed): Waan maqallay waana adeecnay, maqaloo na soo day, baa u khayr badnaan lahayd oo u toosnaan lahayd, Alle baase ku lacnaday gaalnimadooda darteed, marka ma rumeeyaan wax yar maahee.
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَـٰبَ ءَامِنُوا۟ بِمَا نَزَّلْنَا مُصَدِّقًا لِّمَا مَعَكُم مِّن قَبْلِ أَن نَّطْمِسَ وُجُوهًا فَنَرُدَّهَا عَلَىٰٓ أَدْبَارِهَآ أَوْ نَلْعَنَهُمْ كَمَا لَعَنَّآ أَصْحَـٰبَ ٱلسَّبْتِ ۚ وَكَانَ أَمْرُ ٱللَّهِ مَفْعُولًا٤٧
Ya ayyuha allatheena ootoo alkitaba aminoo bima nazzalna musaddiqan lima maʿakum min qabli an natmisa wujoohan fanaruddaha ʿala adbariha aw nalʿanahum kama laʿanna ashaba alssabti wakana amru Allahi mafʿoolan
Kuwa la siiyeyow Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada)! Rumeeya waxaan soo dejinnay (Qur’aanka) ee xaqiijin waxaad haysataan (Towraadda iyo Injiilka) ka hor inta aanaan malaasin wajiyo markaas aan u celin dhabarradooda dushoood, ama aan u nacladin sidaan u nacladnay Sabti-jabiyayaashii. Amarka Alle waa mid abad fula.
-
إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَغْفِرُ أَن يُشْرَكَ بِهِۦ وَيَغْفِرُ مَا دُونَ ذَٰلِكَ لِمَن يَشَآءُ ۚ وَمَن يُشْرِكْ بِٱللَّهِ فَقَدِ ٱفْتَرَىٰٓ إِثْمًا عَظِيمًا٤٨
Inna Allaha la yaghfiru an yushraka bihi wayaghfiru ma doona thalika liman yashao waman yushrik biAllahi faqadi iftara ithman ʿatheeman
Alle ma dhaafo in cid wax lala wadaajiyo, wuu se u dhaafaa waxa aan intaa ahayn qofkuu doono; qofkiina Alle wax la wadaajiya cibaadada, wuxuu been abuurtay denbi weyn1.
Sharaxa hoose
[1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle wuxuu ku odhan qofka ugu cadaab fudud naarta gudaheeda. Haddii aad leedahay waxa arlada korkeeda ah oo dhan ma u bixin lahayd madax furasho ahaan si aad naftaada uga xoreyso Naarta? Wuxuu odhan? Haa. Markaasuu Alle kor ahaaye wuxuu ku odhan: Adigoo ku jira dhabarka Aadam, waxaan kaa dalbay wax taa wax badan ka yar : inaadan cidna iigu shariik yeelin cibaadada, waxaadse ku adkeysatay shirkiga (inaad ila wadaajiso cid kale cibaadada). w.w.Al-Bukhaari. -
أَلَمْ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ يُزَكُّونَ أَنفُسَهُم ۚ بَلِ ٱللَّهُ يُزَكِّى مَن يَشَآءُ وَلَا يُظْلَمُونَ فَتِيلًا٤٩
Alam tara ila allatheena yuzakkoona anfusahum bali Allahu yuzakkee man yashao wala yuthlamoona fateelan
Miyaanad u fiirsan kuwa (Yuhuudda iyo Nasaarada ee) ku ammaana nafahooda daahirnimo1. Mayee Alle baa daahiriya qofkuu doono, lagamana dulmiyo kolay ku tahay wax le’eg xuubka ku dahaaran lafta timirta.
Sharaxa hoose
[1] Waa inay yidhaahdaan waxaannu nahay ilmahii Alle iyo kuwa uu jecel yahay. -
ٱنظُرْ كَيْفَ يَفْتَرُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلْكَذِبَ ۖ وَكَفَىٰ بِهِۦٓ إِثْمًا مُّبِينًا٥٠
Onthur kayfa yaftaroona ʿala Allahi alkathiba wakafa bihi ithman mubeenan
Fiiri, siday uga been sheegaan Alle, arrinkani baana ugu filan denbi cad.
-
أَلَمْ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ نَصِيبًا مِّنَ ٱلْكِتَـٰبِ يُؤْمِنُونَ بِٱلْجِبْتِ وَٱلطَّـٰغُوتِ وَيَقُولُونَ لِلَّذِينَ كَفَرُوا۟ هَـٰٓؤُلَآءِ أَهْدَىٰ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ سَبِيلًا٥١
Alam tara ila allatheena ootoo naseeban mina alkitabi yuminoona bialjibti waalttaghooti wayaqooloona lillatheena kafaroo haolai ahda mina allatheena amanoo sabeelan
Miyaadan arag kuwa la siiyey qayb ka mid ah Kitaabka (waa Yuhuudda)? Waxay rumeeyaan sixir iyo ilaahyo been ah, oo ka yidhaahdaan kuwa gaalooba 'mushrikiinta': kuwakani baa ka hanuunsan (toosan) kuwa (Xaqa) rumeeyey (Muslimiinta) jidkooda.
-
أُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ لَعَنَهُمُ ٱللَّهُ ۖ وَمَن يَلْعَنِ ٱللَّهُ فَلَن تَجِدَ لَهُۥ نَصِيرًا٥٢
Olaika allatheena laʿanahumu Allahu waman yalʿani Allahu falan tajida lahu naseeran
Kuwaas weeye kuwa uu Alle nacladay, qofkiina uu Alle naclado weligii uma heleysid gargaare (shafeece Aakhirada).
-
أَمْ لَهُمْ نَصِيبٌ مِّنَ ٱلْمُلْكِ فَإِذًا لَّا يُؤْتُونَ ٱلنَّاسَ نَقِيرًا٥٣
Am lahum naseebun mina almulki faithan la yutoona alnnasa naqeeran
Mise waxay qayb ku leeyihiin Boqortoo- yada (Alle)? markaase, ma ay siinayaan dadka kolay ku tahay xuubka ku dahaaran lafta timirta.
-
أَمْ يَحْسُدُونَ ٱلنَّاسَ عَلَىٰ مَآ ءَاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ مِن فَضْلِهِۦ ۖ فَقَدْ ءَاتَيْنَآ ءَالَ إِبْرَٰهِيمَ ٱلْكِتَـٰبَ وَٱلْحِكْمَةَ وَءَاتَيْنَـٰهُم مُّلْكًا عَظِيمًا٥٤
Am yahsudoona alnnasa ʿala ma atahumu Allahu min fadlihi faqad atayna ala ibraheema alkitaba waalhikmata waataynahum mulkan ʿatheeman
Mise waxay ku xasdaan dadka wuxuu Alle siiyey oo ka mid ah Deeqdiisa? Waxaanse siinnay reer Ibraahiim Kitaabka iyo Xikmadda, waxaanuna siinnay boqortooyo weyn (waagii xukunkii Daawuud iyo Sulaymaan).
-
فَمِنْهُم مَّنْ ءَامَنَ بِهِۦ وَمِنْهُم مَّن صَدَّ عَنْهُ ۚ وَكَفَىٰ بِجَهَنَّمَ سَعِيرًا٥٥
Faminhum man amana bihi waminhum man sadda ʿanhu wakafa bijahannama saʿeeran
Marka waxaa ka mid ah mid rumeeyey (Nabi Muxammad), waxaana ka mid ah mid ka jeesada; Jahannama baana ku filan inay gubto.
-
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِـَٔايَـٰتِنَا سَوْفَ نُصْلِيهِمْ نَارًا كُلَّمَا نَضِجَتْ جُلُودُهُم بَدَّلْنَـٰهُمْ جُلُودًا غَيْرَهَا لِيَذُوقُوا۟ ٱلْعَذَابَ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَزِيزًا حَكِيمًا٥٦
Inna allatheena kafaroo biayatina sawfa nusleehim naran kullama nadijat julooduhum baddalnahum juloodan ghayraha liyathooqoo alʿathaba inna Allaha kana ʿazeezan hakeeman
Hubaal, kuwa rumeyn diida Aayadahayaga, waxaanu galin Naar. Mar kasta oo ay gebi ahaan ku gubtaan hargahoodu, waxaan ugu beddeli haragyo kale si ay u dhadhamiyaan cadaabka. Hubaal, Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
-
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ سَنُدْخِلُهُمْ جَنَّـٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ خَـٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدًا ۖ لَّهُمْ فِيهَآ أَزْوَٰجٌ مُّطَهَّرَةٌ ۖ وَنُدْخِلُهُمْ ظِلًّا ظَلِيلًا٥٧
Waallatheena amanoo waʿamiloo alssalihati sanudkhiluhum jannatin tajree min tahtiha alanharu khalideena feeha abadan lahum feeha azwajun mutahharatun wanudkhiluhum thillan thaleelan
Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxaanu galin Beero (Jannooyin) ay hoostoodu qul-qulaan webiyo, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Waxay leeyihiin gudaheeda xaasas daahir ah, waxaana gelinaynaa hoosas harac ah.
-
۞ إِنَّ ٱللَّهَ يَأْمُرُكُمْ أَن تُؤَدُّوا۟ ٱلْأَمَـٰنَـٰتِ إِلَىٰٓ أَهْلِهَا وَإِذَا حَكَمْتُم بَيْنَ ٱلنَّاسِ أَن تَحْكُمُوا۟ بِٱلْعَدْلِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ نِعِمَّا يَعِظُكُم بِهِۦٓ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ سَمِيعًۢا بَصِيرًا٥٨
Inna Allaha yamurukum an tuaddoo alamanati ila ahliha waitha hakamtum bayna alnnasi an tahkumoo bialʿadli inna Allaha niʿimma yaʿithukum bihi inna Allaha kana sameeʿan baseeran
Alle wuxuu idin amri inaad siisaan ammaanooyinka cidda iska leh, iyo in markaad u kala garsooreysaan dadka aad ugu kala garsoortaan caddaalad. Waxaa wanaagsan wuxuu Alle idinku waaniyo. Hubaal Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ أَطِيعُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُوا۟ ٱلرَّسُولَ وَأُو۟لِى ٱلْأَمْرِ مِنكُمْ ۖ فَإِن تَنَـٰزَعْتُمْ فِى شَىْءٍ فَرُدُّوهُ إِلَى ٱللَّهِ وَٱلرَّسُولِ إِن كُنتُمْ تُؤْمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلْيَوْمِ ٱلْـَٔاخِرِ ۚ ذَٰلِكَ خَيْرٌ وَأَحْسَنُ تَأْوِيلًا٥٩
Ya ayyuha allatheena amanoo ateeʿoo Allaha waateeʿoo alrrasoola waolee alamri minkum fain tanazaʿtum fee shayin faruddoohu ila Allahi waalrrasooli in kuntum tuminoona biAllahi waalyawmi alakhiri thalika khayrun waahsanu taweelan
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Adeeca Alle oo adeeca Rasuulka (Nabi Muxammad), iyo kuwa idinka mid ah ee idiin haya talada. Haddaad wax isku qabataanna, u celiya Alle iyo Rasuulka, haddaad rumeysan tihiin Alle iyo Maalinta Aakhiro. Arrinkani baa khayr badan oo cidhib wanaagsan.
-
أَلَمْ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ يَزْعُمُونَ أَنَّهُمْ ءَامَنُوا۟ بِمَآ أُنزِلَ إِلَيْكَ وَمَآ أُنزِلَ مِن قَبْلِكَ يُرِيدُونَ أَن يَتَحَاكَمُوٓا۟ إِلَى ٱلطَّـٰغُوتِ وَقَدْ أُمِرُوٓا۟ أَن يَكْفُرُوا۟ بِهِۦ وَيُرِيدُ ٱلشَّيْطَـٰنُ أَن يُضِلَّهُمْ ضَلَـٰلًۢا بَعِيدًا٦٠
Alam tara ila allatheena yazʿumoona annahum amanoo bima onzila ilayka wama onzila min qablika yureedoona an yatahakamoo ila alttaghooti waqad omiroo an yakfuroo bihi wayureedu alshshaytanu an yudillahum dalalan baʿeedan
Miyaadan arag kuwa sheegta inay rumeysan yihiin waxa laguu soo dejiyey oo Waxyi ah iyo wixii la soo dejiyey oo Waxyi ah hortaa? Waxay rabaan inay u xukunta- maan Shaydaanka iyagoo la amray inay ku gaaloobaan, wuxuuna rabaa Shaydaanka inuu lumiyo lumitaan fog.
-
وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ تَعَالَوْا۟ إِلَىٰ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ وَإِلَى ٱلرَّسُولِ رَأَيْتَ ٱلْمُنَـٰفِقِينَ يَصُدُّونَ عَنكَ صُدُودًا٦١
Waitha qeela lahum taʿalaw ila ma anzala Allahu waila alrrasooli raayta almunafiqeena yasuddoona ʿanka sudoodan
Marka lagu yidhaahdo: U kaalaya wuxuu Alle soo dejiyey oo Waxyi ah (Qur’aanka) iyo xagga Rasuulka (Nabi Muxammad), waxaad arki munaafiqiinta oo kaa jeesanaya jeesasho muuqata.
-
فَكَيْفَ إِذَآ أَصَـٰبَتْهُم مُّصِيبَةٌۢ بِمَا قَدَّمَتْ أَيْدِيهِمْ ثُمَّ جَآءُوكَ يَحْلِفُونَ بِٱللَّهِ إِنْ أَرَدْنَآ إِلَّآ إِحْسَـٰنًا وَتَوْفِيقًا٦٢
Fakayfa itha asabathum museebatun bima qaddamat aydeehim thumma jaooka yahlifoona biAllahi in aradna illa ihsanan watawfeeqan
Ee sidee bay noqon markay ku dhacdo musiibo waxay gacmahoodu horey u geysteen awgii (oo denbiyo ah)? Markaas ay kuu yimaadaan iyagoo ku dhaaranaya Alle: Ma aanaan dooneyn waxaan aheyn wanaag iyo towfiiq.
-
أُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ يَعْلَمُ ٱللَّهُ مَا فِى قُلُوبِهِمْ فَأَعْرِضْ عَنْهُمْ وَعِظْهُمْ وَقُل لَّهُمْ فِىٓ أَنفُسِهِمْ قَوْلًۢا بَلِيغًا٦٣
Olaika allatheena yaʿlamu Allahu ma fee quloobihim faaʿrid ʿanhum waʿithhum waqul lahum fee anfusihim qawlan baleeghan
Kuwaa waa kuwa uu Alle og yahay waxa ku jira quloobtooda; ee iskaga jeeso, waanina, oo kala hadal nafahooda hadal saameyn weyn leh.
-
وَمَآ أَرْسَلْنَا مِن رَّسُولٍ إِلَّا لِيُطَاعَ بِإِذْنِ ٱللَّهِ ۚ وَلَوْ أَنَّهُمْ إِذ ظَّلَمُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ جَآءُوكَ فَٱسْتَغْفَرُوا۟ ٱللَّهَ وَٱسْتَغْفَرَ لَهُمُ ٱلرَّسُولُ لَوَجَدُوا۟ ٱللَّهَ تَوَّابًا رَّحِيمًا٦٤
Wama arsalna min rasoolin illa liyutaʿa biithni Allahi walaw annahum ith thalamoo anfusahum jaooka faistaghfaroo Allaha waistaghfara lahumu alrrasoolu lawajadoo Allaha tawwaban raheeman
Uma aanu soo dirin Rasuul waxaan aheyn in lagu adeeco Idanka Alle. Hadday markay dulmiyeen nafahooda kuu imaan lahaayeen oo ay weydiisan lahaayeen denbi dhaaf Alle, oo Rasuulku (sidoo kale) denbi dhaaf u dalbi lahaa; waxay heli lahaayeen Alle oo tawbad aqbal Badan, Naxariis Badan.
-
فَلَا وَرَبِّكَ لَا يُؤْمِنُونَ حَتَّىٰ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لَا يَجِدُوا۟ فِىٓ أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُوا۟ تَسْلِيمًا٦٥
Fala warabbika la yuminoona hatta yuhakkimooka feema shajara baynahum thumma la yajidoo fee anfusihim harajan mimma qadayta wayusallimoo tasleeman
Mayee, waa igu Rabbigaaye, ma aysan rumeyn (dhab ahaan) jeer ay kaaga dhigtaan garsoore waxay isku qabtaan, markaasna ayan ka helin wax dhibsi ah nafahooda waxaad guddoomiso, oo ay u hoggaansamaan hoggaansamid dhan.
-
وَلَوْ أَنَّا كَتَبْنَا عَلَيْهِمْ أَنِ ٱقْتُلُوٓا۟ أَنفُسَكُمْ أَوِ ٱخْرُجُوا۟ مِن دِيَـٰرِكُم مَّا فَعَلُوهُ إِلَّا قَلِيلٌ مِّنْهُمْ ۖ وَلَوْ أَنَّهُمْ فَعَلُوا۟ مَا يُوعَظُونَ بِهِۦ لَكَانَ خَيْرًا لَّهُمْ وَأَشَدَّ تَثْبِيتًا٦٦
Walaw anna katabna ʿalayhim ani oqtuloo anfusakum awi okhrujoo min diyarikum ma faʿaloohu illa qaleelun minhum walaw annahum faʿaloo ma yooʿathoona bihi lakana khayran lahum waashadda tathbeetan
Haddaan ku faral yeeli laheyn (munaafiqinta): Dila nafahiinna ama ka baxa guryihiinna (sidaan ugu faral yeelnay reer Israa’iil) ma ay faleen sidaas in yar oo ka mid ah maahee. Hadday fali lahaayeenna waxa lagu waaniyo baa u roonaan laheyd, oo xoojin laheyd (iimaankooda);
-
وَإِذًا لَّـَٔاتَيْنَـٰهُم مِّن لَّدُنَّآ أَجْرًا عَظِيمًا٦٧
Waithan laataynahum min ladunna ajran ʿatheeman
Waxaan markaas ka siin laheyn Xaggayaga Ajar Weyn.
-
وَلَهَدَيْنَـٰهُمْ صِرَٰطًا مُّسْتَقِيمًا٦٨
Walahadaynahum siratan mustaqeeman
Waxaana ku hanuunin laheyn Jid Toosan (Islaamka).
-
وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَٱلرَّسُولَ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ مَعَ ٱلَّذِينَ أَنْعَمَ ٱللَّهُ عَلَيْهِم مِّنَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ وَٱلصِّدِّيقِينَ وَٱلشُّهَدَآءِ وَٱلصَّـٰلِحِينَ ۚ وَحَسُنَ أُو۟لَـٰٓئِكَ رَفِيقًا٦٩
Waman yutiʿi Allaha waalrrasoola faolaika maʿa allatheena anʿama Allahu ʿalayhim mina alnnabiyyeena waalssiddeeqeena waalshshuhadai waalssaliheena wahasuna olaika rafeeqan
Qofkii adeeca Alle iyo Rasuulka (Nabi Muxammad), kuwaa waxay ahaan la jirka kuwa uu u nicmeeyey Alle, ee leh Nabiyada iyo run badnayaasha iyo shuhadada iyo wanaagsanayaalka, wanaagsanaana kuwaas oo lala noqdo rafiiq.
-
ذَٰلِكَ ٱلْفَضْلُ مِنَ ٱللَّهِ ۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ عَلِيمًا٧٠
Thalika alfadlu mina Allahi wakafa biAllahi ʿaleeman
Kani waa Fadli xagga Alle ah, kuna Filan Alle inuu yahay wax kasta Oge.
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ خُذُوا۟ حِذْرَكُمْ فَٱنفِرُوا۟ ثُبَاتٍ أَوِ ٱنفِرُوا۟ جَمِيعًا٧١
Ya ayyuha allatheena amanoo khuthoo hithrakum fainfiroo thubatin awi infiroo jameeʿan
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Qaata digtoonidiinna, oo u baxa (dagaalka) idinkoo koox koox ah, ama baxa oo duula giddigiin idinkoo wada jira.
-
وَإِنَّ مِنكُمْ لَمَن لَّيُبَطِّئَنَّ فَإِنْ أَصَـٰبَتْكُم مُّصِيبَةٌ قَالَ قَدْ أَنْعَمَ ٱللَّهُ عَلَىَّ إِذْ لَمْ أَكُن مَّعَهُمْ شَهِيدًا٧٢
Wainna minkum laman layubattianna fain asabatkum museebatun qala qad anʿama Allahu ʿalayya ith lam akun maʿahum shaheedan
Waxaa idinka mid ah mid isagu dib idiin dhiga. Hadday idinku dhacdo musiibo yidhaahda: Alle waa iigu nicmeeyay in aanaan goob joog la ahayn.
-
وَلَئِنْ أَصَـٰبَكُمْ فَضْلٌ مِّنَ ٱللَّهِ لَيَقُولَنَّ كَأَن لَّمْ تَكُنۢ بَيْنَكُمْ وَبَيْنَهُۥ مَوَدَّةٌ يَـٰلَيْتَنِى كُنتُ مَعَهُمْ فَأَفُوزَ فَوْزًا عَظِيمًا٧٣
Walain asabakum fadlun mina Allahi layaqoolanna kaan lam takun baynakum wabaynahu mawaddatun ya laytanee kuntu maʿahum faafooza fawzan ʿatheeman
Haddaadse ka heshaan fadli xagga Alle, wuxuu odhan - sidiiyoo ayna idinka iyo isaga marnaba ka dhexeynin kalgacal: Alla aniguye! Haddaan la jiri lahaa, markaa waxaan liibaani lahaa liibaan weyn.
-
۞ فَلْيُقَـٰتِلْ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ ٱلَّذِينَ يَشْرُونَ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا بِٱلْـَٔاخِرَةِ ۚ وَمَن يُقَـٰتِلْ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ فَيُقْتَلْ أَوْ يَغْلِبْ فَسَوْفَ نُؤْتِيهِ أَجْرًا عَظِيمًا٧٤
Falyuqatil fee sabeeli Allahi allatheena yashroona alhayata alddunya bialakhirati waman yuqatil fee sabeeli Allahi fayuqtal aw yaghlib fasawfa nuteehi ajran ʿatheeman
Ee ha ku dagaallamaan Jidka Alle kuwa iibsha nolosha adduunkan oo siista Aakhirada, qofkii u dagaallama Jidka Alle, markaa la dilo ama lib hela, waxaan siineynaa Ajar aad u Weyn.
-
وَمَا لَكُمْ لَا تُقَـٰتِلُونَ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱلْمُسْتَضْعَفِينَ مِنَ ٱلرِّجَالِ وَٱلنِّسَآءِ وَٱلْوِلْدَٰنِ ٱلَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَآ أَخْرِجْنَا مِنْ هَـٰذِهِ ٱلْقَرْيَةِ ٱلظَّالِمِ أَهْلُهَا وَٱجْعَل لَّنَا مِن لَّدُنكَ وَلِيًّا وَٱجْعَل لَّنَا مِن لَّدُنكَ نَصِيرًا٧٥
Wama lakum la tuqatiloona fee sabeeli Allahi waalmustadʿafeena mina alrrijali waalnnisai waalwildani allatheena yaqooloona rabbana akhrijna min hathihi alqaryati alththalimi ahluha waijʿal lana min ladunka waliyyan waijʿal lana min ladunka naseeran
Maxaadse u heysataan cudur daar inaydaan u dagaallamin Jidka Alle, iyo dartood kuwaa tabarta daran ee la dulleysto oo leh ragga iyo haweenka iyo carruurtaba (oo ka mid ah) kuwa dhaha: Rabbigayow! Naga saar magaaladan ay dadkeedu yihiin daalimiinta oo nooga yeel Xaggaaga ilaaliye na xafida, oo nooga yeel Xaggaaga gargaare.
-
ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ يُقَـٰتِلُونَ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ ۖ وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ يُقَـٰتِلُونَ فِى سَبِيلِ ٱلطَّـٰغُوتِ فَقَـٰتِلُوٓا۟ أَوْلِيَآءَ ٱلشَّيْطَـٰنِ ۖ إِنَّ كَيْدَ ٱلشَّيْطَـٰنِ كَانَ ضَعِيفًا٧٦
Allatheena amanoo yuqatiloona fee sabeeli Allahi waallatheena kafaroo yuqatiloona fee sabeeli alttaghooti faqatiloo awliyaa alshshaytani inna kayda alshshaytani kana daʿeefan
Kuwa (Xaqa) rumeysan waxay u dagaallamaan Jidka Alle, kuwase gaalooba waxay u dagaallamaan jidka Shaydaanka. ee la dagaallama xulufada shaydaanka; hubaal dabinka shaydaanku waa daciif.
-
أَلَمْ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ قِيلَ لَهُمْ كُفُّوٓا۟ أَيْدِيَكُمْ وَأَقِيمُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُوا۟ ٱلزَّكَوٰةَ فَلَمَّا كُتِبَ عَلَيْهِمُ ٱلْقِتَالُ إِذَا فَرِيقٌ مِّنْهُمْ يَخْشَوْنَ ٱلنَّاسَ كَخَشْيَةِ ٱللَّهِ أَوْ أَشَدَّ خَشْيَةً ۚ وَقَالُوا۟ رَبَّنَا لِمَ كَتَبْتَ عَلَيْنَا ٱلْقِتَالَ لَوْلَآ أَخَّرْتَنَآ إِلَىٰٓ أَجَلٍ قَرِيبٍ ۗ قُلْ مَتَـٰعُ ٱلدُّنْيَا قَلِيلٌ وَٱلْـَٔاخِرَةُ خَيْرٌ لِّمَنِ ٱتَّقَىٰ وَلَا تُظْلَمُونَ فَتِيلًا٧٧
Alam tara ila allatheena qeela lahum kuffoo aydiyakum waaqeemoo alssalata waatoo alzzakata falamma kutiba ʿalayhimu alqitalu itha fareequn minhum yakhshawna alnnasa kakhashyati Allahi aw ashadda khashyatan waqaloo rabbana lima katabta ʿalayna alqitala lawla akhkhartana ila ajalin qareebin qul mataʿu alddunya qaleelun waalakhiratu khayrun limani ittaqa wala tuthlamoona fateelan
Miyaadan arag kuwa lagu yidhi: Ceshada gacmahiinna1 oogana salaadda, oo bixiya Sakada, markase loo qoray inay dagaal galaan, mise koox ka mid ah waxay uga baqaan dadka siday tahay in looga baqdo Alle ama baqdin ka daranba. Waxayna yidhaahdaan: Rabbigayow! Maxaad noogu faral yeeshay dagaalka? Haddaad noogu dib dhigi laheyd muddo dhow? Dheh: Raaxada adduunka waa wax yar. Aakhirada baana u khayr badan kan iska ilaasha (shirkiga iyo xumaha kale) laydinkamana dulmiyo wax xuub le’egna ha ahaatee.
Sharaxa hoose
[1] Waxay ahayd intaan la soo dejin amarka jihaadka. -
أَيْنَمَا تَكُونُوا۟ يُدْرِككُّمُ ٱلْمَوْتُ وَلَوْ كُنتُمْ فِى بُرُوجٍ مُّشَيَّدَةٍ ۗ وَإِن تُصِبْهُمْ حَسَنَةٌ يَقُولُوا۟ هَـٰذِهِۦ مِنْ عِندِ ٱللَّهِ ۖ وَإِن تُصِبْهُمْ سَيِّئَةٌ يَقُولُوا۟ هَـٰذِهِۦ مِنْ عِندِكَ ۚ قُلْ كُلٌّ مِّنْ عِندِ ٱللَّهِ ۖ فَمَالِ هَـٰٓؤُلَآءِ ٱلْقَوْمِ لَا يَكَادُونَ يَفْقَهُونَ حَدِيثًا٧٨
Aynama takoonoo yudrikkumu almawtu walaw kuntum fee buroojin mushayyadatin wain tusibhum hasanatun yaqooloo hathihi min ʿindi Allahi wain tusibhum sayyiatun yaqooloo hathihi min ʿindika qul kullun min ʿindi Allahi famali haolai alqawmi la yakadoona yafqahoona hadeethan
Meel kastoo aad joogtaan geeridu way idin haleeli, xitaa haddaad ku jirtaan daaro dhaadheer oo la adkeeyey. Hadday haleesho wanaag, waxay yidhaahdaan: Tani waa xagga Alle. Haddiise ay ku dhacdo xumaan, waxay yidhaahdaan: Tani waa xaggaaga. Dheh: wax walba waxay ka yimaadaan xagga Alle, ee maxaa ugu wacan dadkani in aanay ku soo dhowaanba inay fahmaan hadalka?
-
مَّآ أَصَابَكَ مِنْ حَسَنَةٍ فَمِنَ ٱللَّهِ ۖ وَمَآ أَصَابَكَ مِن سَيِّئَةٍ فَمِن نَّفْسِكَ ۚ وَأَرْسَلْنَـٰكَ لِلنَّاسِ رَسُولًا ۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ شَهِيدًا٧٩
Ma asabaka min hasanatin famina Allahi wama asabaka min sayyiatin famin nafsika waarsalnaka lilnnasi rasoolan wakafa biAllahi shaheedan
Wax kastoo ku haleela oo wanaag ah (Aadmigow) waa xagga Alle, waxase kugu dhaca oo xumaan ah waa xagga naftaada. Waxaana kuu soo dirnay (Nabiyow) dadka Rasuul ahaan, oo Alle baa ku filan Marag ahaan.
-
مَّن يُطِعِ ٱلرَّسُولَ فَقَدْ أَطَاعَ ٱللَّهَ ۖ وَمَن تَوَلَّىٰ فَمَآ أَرْسَلْنَـٰكَ عَلَيْهِمْ حَفِيظًا٨٠
Man yutiʿi alrrasoola faqad ataʿa Allaha waman tawalla fama arsalnaka ʿalayhim hafeethan
Qofkii adeeca Rasuulka (Nabi Muxammad), wuxuu Adeecay Allaah, qofkii (Xaqa ka) jeesadana, Annagu kuuma aanu soo dirin ilaaliye ahaan (dadka) dushood.
-
وَيَقُولُونَ طَاعَةٌ فَإِذَا بَرَزُوا۟ مِنْ عِندِكَ بَيَّتَ طَآئِفَةٌ مِّنْهُمْ غَيْرَ ٱلَّذِى تَقُولُ ۖ وَٱللَّهُ يَكْتُبُ مَا يُبَيِّتُونَ ۖ فَأَعْرِضْ عَنْهُمْ وَتَوَكَّلْ عَلَى ٱللَّهِ ۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلًا٨١
Wayaqooloona taʿatun faitha barazoo min ʿindika bayyata taifatun minhum ghayra allathee taqoolu waAllahu yaktubu ma yubayyitoona faaʿrid ʿanhum watawakkal ʿala Allahi wakafa biAllahi wakeelan
Waxay (munaafiqiintu) yidhaahdaan: Daacad (baa nahay). Markase ay ka tagaan agtaada, koox ka mid ah waxay goostaan habeenkii waxaan aheyn oo ka duwan waxaad tidhaahdo. Alle wuu qoraa waxay goostaan habeenkii. Ee ka jeeso, oo Alle talo saaro. Alle ku filan wakiil ahaan.
-
أَفَلَا يَتَدَبَّرُونَ ٱلْقُرْءَانَ ۚ وَلَوْ كَانَ مِنْ عِندِ غَيْرِ ٱللَّهِ لَوَجَدُوا۟ فِيهِ ٱخْتِلَـٰفًا كَثِيرًا٨٢
Afala yatadabbaroona alqurana walaw kana min ʿindi ghayri Allahi lawajadoo feehi ikhtilafan katheeran
Miyeynan u dhug yeelaneyn Qur’aanka? Hadduu ka imaan lahaa cid aan aheyn Alle, waxay ka heli lahaayeen dhexdiisa is khilaaf badan.
-
وَإِذَا جَآءَهُمْ أَمْرٌ مِّنَ ٱلْأَمْنِ أَوِ ٱلْخَوْفِ أَذَاعُوا۟ بِهِۦ ۖ وَلَوْ رَدُّوهُ إِلَى ٱلرَّسُولِ وَإِلَىٰٓ أُو۟لِى ٱلْأَمْرِ مِنْهُمْ لَعَلِمَهُ ٱلَّذِينَ يَسْتَنۢبِطُونَهُۥ مِنْهُمْ ۗ وَلَوْلَا فَضْلُ ٱللَّهِ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَتُهُۥ لَٱتَّبَعْتُمُ ٱلشَّيْطَـٰنَ إِلَّا قَلِيلًا٨٣
Waitha jaahum amrun mina alamni awi alkhawfi athaʿoo bihi walaw raddoohu ila alrrasooli waila olee alamri minhum laʿalimahu allatheena yastanbitoonahu minhum walawla fadlu Allahi ʿalaykum warahmatuhu laittabaʿtumu alshshaytana illa qaleelan
Markuu u yimaado war la xiriira nabad ama cabsi, waxay ku faafiyaan debedda, hadday u celin lahaayeen Rasuulka iyo kuwa talada u haya oo ka mid ah, waxaa ogaan lahaa kuwaa ka mid ah ee sal gaari kara. Haddaanu Fadliga Alle korkiinna ahaan lahayn iyo Naxariistiisa, waxaad raaci laheydeen Shaydaanka in yar oo idinka mid ah ma’ahee.
-
فَقَـٰتِلْ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ لَا تُكَلَّفُ إِلَّا نَفْسَكَ ۚ وَحَرِّضِ ٱلْمُؤْمِنِينَ ۖ عَسَى ٱللَّهُ أَن يَكُفَّ بَأْسَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ۚ وَٱللَّهُ أَشَدُّ بَأْسًا وَأَشَدُّ تَنكِيلًا٨٤
Faqatil fee sabeeli Allahi la tukallafu illa nafsaka waharridi almumineena ʿasa Allahu an yakuffa basa allatheena kafaroo waAllahu ashaddu basan waashaddu tankeelan
Ee ku dagaallan Jidka Alle, xil kaama saarna (oo lagu weydiin maayo) waxaan naftaada ahayn, oo ku guubaabi mu’miniinta inay geesinnimo muujiyaan. Waa intaasoo Alle idinka qabto dagaalka kuwa gaaalada ah. Alle baana Baas Badan, oo ku daran inuu dhigo ciqaab lagu dersin qaato.
-
مَّن يَشْفَعْ شَفَـٰعَةً حَسَنَةً يَكُن لَّهُۥ نَصِيبٌ مِّنْهَا ۖ وَمَن يَشْفَعْ شَفَـٰعَةً سَيِّئَةً يَكُن لَّهُۥ كِفْلٌ مِّنْهَا ۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ مُّقِيتًا٨٥
Man yashfaʿ shafaʿatan hasanatan yakun lahu naseebun minha waman yashfaʿ shafaʿatan sayyiatan yakun lahu kiflun minha wakana Allahu ʿala kulli shayin muqeetan
Qofkii ku garab siiya (qof kale) arrin wanaagsan wuxuu leeyahay qayb ka mid ah (wanaaggeeda), qofkiise ku garab siiya (qof kale) xumaan wuxuu leeyahay qayb culeyskeeda (denbigeeda) ah. Alle baana wax walba ilaaliya oo shaahid ka ah.
-
وَإِذَا حُيِّيتُم بِتَحِيَّةٍ فَحَيُّوا۟ بِأَحْسَنَ مِنْهَآ أَوْ رُدُّوهَآ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ حَسِيبًا٨٦
Waitha huyyeetum bitahiyyatin fahayyoo biahsana minha aw ruddooha inna Allaha kana ʿala kulli shayin haseeban
Marka la idinku salaamo salaan, ku salaan naqa mid ka wanaagsan ama ku naqa salaan (la mid ah). Hubaal, Alle waa wax kasta Xisaabiye (Kaafiye).
-
ٱللَّهُ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ۚ لَيَجْمَعَنَّكُمْ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْقِيَـٰمَةِ لَا رَيْبَ فِيهِ ۗ وَمَنْ أَصْدَقُ مِنَ ٱللَّهِ حَدِيثًا٨٧
Allahu la ilaha illa huwa layajmaʿannakum ila yawmi alqiyamati la rayba feehi waman asdaqu mina Allahi hadeethan
Allaah! Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Wuxuu idiin soo kulmin Maalinta Qiyaamaha, shaki kuma jiro. Yaa ka run sheeg badan Alle oo hadla.
-
۞ فَمَا لَكُمْ فِى ٱلْمُنَـٰفِقِينَ فِئَتَيْنِ وَٱللَّهُ أَرْكَسَهُم بِمَا كَسَبُوٓا۟ ۚ أَتُرِيدُونَ أَن تَهْدُوا۟ مَنْ أَضَلَّ ٱللَّهُ ۖ وَمَن يُضْلِلِ ٱللَّهُ فَلَن تَجِدَ لَهُۥ سَبِيلًا٨٨
Fama lakum fee almunafiqeena fiatayni waAllahu arkasahum bima kasaboo atureedoona an tahdoo man adalla Allahu waman yudlili Allahu falan tajida lahu sabeelan
Muxuu yahay arrinkiinnu oo aad ugu qaybsanteen labo kooxood xagga munaafiqiinta?1 Isagoo Alle uu dib ugu celiyey (gaalnimo) waxay kasbadeen darteed (oo denbiyo ah)? Ma waxaad dooneysaan inaad hanuunisaan mid uu Alle lumiyey? Qofkiina uu Alle lumiyo, uma heleysid marnaba jid (uu ku hanuuno)2.
Sharaxa hoose
[1] Koox ka mid ah mu’miniinta ee difaacayey munaafiqiinta iyo koox ka mid ah mu’miniinta ee colaadinayey. [2] Waxaa la soo weriyey in Carabta qaarkood ay ugu yimaadeen Rasuulka s.c.w. Madiina, markaasay isalaameen, kaddib waxaa ku dhacay xummadii Madiina, markaasay u laabteen gaalnimadii oo ka baxeen Madiina. Waxay la kulmeen qaar ka mid ah asxaabtii Nabiga s.c.w. markaasay asxaabtii waxay weydiiyeen sababta ay uga soo baxeen Madiina. Markaasay waxay u sheegeen inay ku dhacday xumaddii Madiinah. Asxaabtii waxay yidhaahdeen: Oo maxaad tusaale ugu qaadan weydeen Rasuulka Alle s.c.w., markaasay asxaabtii u qaybsameen labo kooxood: koox arkay inay yihiin kuwaa munaafiqiin iyo koox aragta inay weli yihiin muslimiin. Markaasay soo degtay Aayaddan ka canaaneysa muslimiinta inay ku qaybsamaan arrinkooda, oo amreysa inay qafaashaan oo laayaan reer miyiga Madiinah hareeraheeda deggan haddii aanay u soo haajirin Madiinah iyo inay iyagu la mid yihiin mushirkiinta kale. -
وَدُّوا۟ لَوْ تَكْفُرُونَ كَمَا كَفَرُوا۟ فَتَكُونُونَ سَوَآءً ۖ فَلَا تَتَّخِذُوا۟ مِنْهُمْ أَوْلِيَآءَ حَتَّىٰ يُهَاجِرُوا۟ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ ۚ فَإِن تَوَلَّوْا۟ فَخُذُوهُمْ وَٱقْتُلُوهُمْ حَيْثُ وَجَدتُّمُوهُمْ ۖ وَلَا تَتَّخِذُوا۟ مِنْهُمْ وَلِيًّا وَلَا نَصِيرًا٨٩
Waddoo law takfuroona kama kafaroo fatakoonoona sawaan fala tattakhithoo minhum awliyaa hatta yuhajiroo fee sabeeli Allahi fain tawallaw fakhuthoohum waoqtuloohum haythu wajadtumoohum wala tattakhithoo minhum waliyyan wala naseeran
Waxay doonayaan inaad u gaalowdaan siday u gaaloobeen oo sidaas darteed aad isku mid u wada noqotaan. Ee ha ka yeelannina xaggooda xulufo jeer ay uga soo haajiraan (guryahooda) Jidka Alle darti. Haddiise ay diidaan, markaa qab qabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, hana ka yeelannina xaggooda sokeeye iyo gargaare midna.
-
إِلَّا ٱلَّذِينَ يَصِلُونَ إِلَىٰ قَوْمٍۭ بَيْنَكُمْ وَبَيْنَهُم مِّيثَـٰقٌ أَوْ جَآءُوكُمْ حَصِرَتْ صُدُورُهُمْ أَن يُقَـٰتِلُوكُمْ أَوْ يُقَـٰتِلُوا۟ قَوْمَهُمْ ۚ وَلَوْ شَآءَ ٱللَّهُ لَسَلَّطَهُمْ عَلَيْكُمْ فَلَقَـٰتَلُوكُمْ ۚ فَإِنِ ٱعْتَزَلُوكُمْ فَلَمْ يُقَـٰتِلُوكُمْ وَأَلْقَوْا۟ إِلَيْكُمُ ٱلسَّلَمَ فَمَا جَعَلَ ٱللَّهُ لَكُمْ عَلَيْهِمْ سَبِيلًا٩٠
Illa allatheena yasiloona ila qawmin baynakum wabaynahum meethaqun aw jaookum hasirat sudooruhum an yuqatilookum aw yuqatiloo qawmahum walaw shaa Allahu lasallatahum ʿalaykum falaqatalookum faini iʿtazalookum falam yuqatilookum waalqaw ilaykumu alssalama fama jaʿala Allahu lakum ʿalayhim sabeelan
Waxaan aheyn kuwa gaaraya qolo idinka iyo iyaga uu u dhexeeyo heshiiis (nabadeed), ama kuwo idiin yimaada iyagoo ay ka ciriiryoon tahay laabahooda inay idinla dagaallamaan ama la dagaallamaan qolodooda. Hadduu doono Alle, wuu idinku salladi lahaa, wayna idinla dagaallami lahaayeen, ee hadday idinka fogaadaan oo aanay idinla dagaallamin oo ay idiin soo bandhigaan nabad, markaa Alle idiinma furin wax jid ah (idinka aad kula dagaallantaan).
-
سَتَجِدُونَ ءَاخَرِينَ يُرِيدُونَ أَن يَأْمَنُوكُمْ وَيَأْمَنُوا۟ قَوْمَهُمْ كُلَّ مَا رُدُّوٓا۟ إِلَى ٱلْفِتْنَةِ أُرْكِسُوا۟ فِيهَا ۚ فَإِن لَّمْ يَعْتَزِلُوكُمْ وَيُلْقُوٓا۟ إِلَيْكُمُ ٱلسَّلَمَ وَيَكُفُّوٓا۟ أَيْدِيَهُمْ فَخُذُوهُمْ وَٱقْتُلُوهُمْ حَيْثُ ثَقِفْتُمُوهُمْ ۚ وَأُو۟لَـٰٓئِكُمْ جَعَلْنَا لَكُمْ عَلَيْهِمْ سُلْطَـٰنًا مُّبِينًا٩١
Satajidoona akhareena yureedoona an yamanookum wayamanoo qawmahum kulla ma ruddoo ila alfitnati orkisoo feeha fain lam yaʿtazilookum wayulqoo ilaykumu alssalama wayakuffoo aydiyahum fakhuthoohum waoqtuloohum haythu thaqiftumoohum waolaikum jaʿalna lakum ʿalayhim sultanan mubeenan
Waxaad heli kuwo kale oo raba inay idinka nabad galaan oo ka nabad galaan qolodooda. Mar kasta oo dib loogu celiyo fidmo waxay isugu tuuraan madaxmadax. Ee haddaysan idinka fogaan oo idiin soo bandhigin nabad, oo aanay laaban gacmahooda, markaa qabqabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, kuwaa waxaan idiin siinnay ka hor taggood xujo cad.
-
وَمَا كَانَ لِمُؤْمِنٍ أَن يَقْتُلَ مُؤْمِنًا إِلَّا خَطَـًٔا ۚ وَمَن قَتَلَ مُؤْمِنًا خَطَـًٔا فَتَحْرِيرُ رَقَبَةٍ مُّؤْمِنَةٍ وَدِيَةٌ مُّسَلَّمَةٌ إِلَىٰٓ أَهْلِهِۦٓ إِلَّآ أَن يَصَّدَّقُوا۟ ۚ فَإِن كَانَ مِن قَوْمٍ عَدُوٍّ لَّكُمْ وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَتَحْرِيرُ رَقَبَةٍ مُّؤْمِنَةٍ ۖ وَإِن كَانَ مِن قَوْمٍۭ بَيْنَكُمْ وَبَيْنَهُم مِّيثَـٰقٌ فَدِيَةٌ مُّسَلَّمَةٌ إِلَىٰٓ أَهْلِهِۦ وَتَحْرِيرُ رَقَبَةٍ مُّؤْمِنَةٍ ۖ فَمَن لَّمْ يَجِدْ فَصِيَامُ شَهْرَيْنِ مُتَتَابِعَيْنِ تَوْبَةً مِّنَ ٱللَّهِ ۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمًا٩٢
Wama kana limuminin an yaqtula muminan illa khataan waman qatala muminan khataan fatahreeru raqabatin muminatin wadiyatun musallamatun ila ahlihi illa an yassaddaqoo fain kana min qawmin ʿaduwwin lakum wahuwa muminun fatahreeru raqabatin muminatin wain kana min qawmin baynakum wabaynahum meethaqun fadiyatun musallamatun ila ahlihi watahreeru raqabatin muminatin faman lam yajid fasiyamu shahrayni mutatabiʿayni tawbatan mina Allahi wakana Allahu ʿaleeman hakeeman
Uma habboona mu’min inuu dilo mu’min si gef ah ma’ahee, qofkii u dila mu’min si gef ah (waxaa saaran) xoreyn addoon mu’min ah iyo diyo la siiyo ehelkiisa, inay iska cafiyaan maahee sadaqo ahaan. Haddiise kan (la dilay) uu ka mid yahay qolo cadowgiin ah isaguna yahay mu’min xorayn addoon mu’min ah (baa ku filan), hadduu ka mid yahay qolo heshiis idiin dhexeeyo (waxaa saaran) diyo la siiyo ehelkiisa iyo xoreyn addoon mu’min ah. Qofkiise aan helin (addoon uu xoreeyo) waa inuu soomo labo bilood oo xidhiidh ah1, u tawbad keen ahaan Alle. Alle waa Wax walba Oge, Xakiiim ah.
Sharaxa hoose
[1] Labo bilood aan kala go’ lahayn marka laga reebo wixii cudur daar leh sida marka ay soo gasho bisha Ramadaan, ama labada maalmood ee ciidda (ciidda soon furka iyo ciidda adxada), ama xagga dumarka markuu ku dhaco xayl, iwm. -
وَمَن يَقْتُلْ مُؤْمِنًا مُّتَعَمِّدًا فَجَزَآؤُهُۥ جَهَنَّمُ خَـٰلِدًا فِيهَا وَغَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُۥ وَأَعَدَّ لَهُۥ عَذَابًا عَظِيمًا٩٣
Waman yaqtul muminan mutaʿammidan fajazaohu jahannamu khalidan feeha waghadiba Allahu ʿalayhi walaʿanahu waaʿadda lahu ʿathaban ʿatheeman
Qofkiise u dila mu'min si kas ah, jazahiisu waa Jahannama, uu ku dhex waari, Cadho Alle iyo Nacladi baana dushiisa ah, wuxuuna u diyaariyey cadaab daran1.
Sharaxa hoose
[1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofka mu’minka ah wuxuu ku sugnaan khayr xagga diintiisa marba haddii uusan galin denbiga ah inuu qof ku dilo xaq darro.” Wuxuu sidoo kale yidhi: Adduunka oo rogmada yaa ka sahlan Alle agtiisa dil qof Muslim ah. -
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِذَا ضَرَبْتُمْ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ فَتَبَيَّنُوا۟ وَلَا تَقُولُوا۟ لِمَنْ أَلْقَىٰٓ إِلَيْكُمُ ٱلسَّلَـٰمَ لَسْتَ مُؤْمِنًا تَبْتَغُونَ عَرَضَ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا فَعِندَ ٱللَّهِ مَغَانِمُ كَثِيرَةٌ ۚ كَذَٰلِكَ كُنتُم مِّن قَبْلُ فَمَنَّ ٱللَّهُ عَلَيْكُمْ فَتَبَيَّنُوٓا۟ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرًا٩٤
Ya ayyuha allatheena amanoo itha darabtum fee sabeeli Allahi fatabayyanoo wala taqooloo liman alqa ilaykumu alssalama lasta muminan tabtaghoona ʿarada alhayati alddunya faʿinda Allahi maghanimu katheeratun kathalika kuntum min qablu famanna Allahu ʿalaykum fatabayyanoo inna Allaha kana bima taʿmaloona khabeeran
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad u baxdaan (jihaad) Jidka Alle ah, wax hubsada, hana ku odhannina qofkii idiin soo bandhiga nabad: ma tihid mu‘min. Ma waxaad doonaysaan alaabada noloshan adduunka! Waxaase Alle agtiisa ah khayr iyo qaniimooyin tiro badan. Sidaasaad ahaydeen idinkuba intan ka hor, markaasuu Alle ku manneystey iimaan iyo khayr dushiinna, ee wax hubsada. Hubaal Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
-
لَّا يَسْتَوِى ٱلْقَـٰعِدُونَ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ غَيْرُ أُو۟لِى ٱلضَّرَرِ وَٱلْمُجَـٰهِدُونَ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ بِأَمْوَٰلِهِمْ وَأَنفُسِهِمْ ۚ فَضَّلَ ٱللَّهُ ٱلْمُجَـٰهِدِينَ بِأَمْوَٰلِهِمْ وَأَنفُسِهِمْ عَلَى ٱلْقَـٰعِدِينَ دَرَجَةً ۚ وَكُلًّا وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلْحُسْنَىٰ ۚ وَفَضَّلَ ٱللَّهُ ٱلْمُجَـٰهِدِينَ عَلَى ٱلْقَـٰعِدِينَ أَجْرًا عَظِيمًا٩٥
La yastawee alqaʿidoona mina almumineena ghayru olee alddarari waalmujahidoona fee sabeeli Allahi biamwalihim waanfusihim faddala Allahu almujahideena biamwalihim waanfusihim ʿala alqaʿideena darajatan wakullan waʿada Allahu alhusna wafaddala Allahu almujahideena ʿala alqaʿideena ajran ʿatheeman
Ma ay sinna kuwa ka jooga (jihaadka) ee ka mid ah mu'miniinta iyagoo aan qabin wax dhib ah iyo kuwa kula jihaad gala Jidka Alle maalkooda iyo nafahoodaba. Alle wuxuu ka yeelay kuwa kula jihaad gala maalkooda iyo nafahooda inay dheeraadaan kuwa ka jooga (jihaadka) darajo (sare). Dhammaan wuxuu Alle u ballan qaaday wanaag; wuxuuna Alle kaga faddali kuwa jihaada kuwa ka jooga (Jihaadka) Ajar aad u Weyn.
-
دَرَجَـٰتٍ مِّنْهُ وَمَغْفِرَةً وَرَحْمَةً ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا٩٦
Darajatin minhu wamaghfiratan warahmatan wakana Allahu ghafooran raheeman
Derejooyin (sare) oo Xaggiisa ah, iyo denbi dhaaf iyo Naxariiis. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
-
إِنَّ ٱلَّذِينَ تَوَفَّىٰهُمُ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ ظَالِمِىٓ أَنفُسِهِمْ قَالُوا۟ فِيمَ كُنتُمْ ۖ قَالُوا۟ كُنَّا مُسْتَضْعَفِينَ فِى ٱلْأَرْضِ ۚ قَالُوٓا۟ أَلَمْ تَكُنْ أَرْضُ ٱللَّهِ وَٰسِعَةً فَتُهَاجِرُوا۟ فِيهَا ۚ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ مَأْوَىٰهُمْ جَهَنَّمُ ۖ وَسَآءَتْ مَصِيرًا٩٧
Inna allatheena tawaffahumu almalaikatu thalimee anfusihim qaloo feema kuntum qaloo kunna mustadʿafeena fee alardi qaloo alam takun ardu Allahi wasiʿatan fatuhajiroo feeha faolaika mawahum jahannamu wasaat maseeran
Kuwa ay oofsato malaa’igtu iyagoo dulminaya nafahooda1, waxay (malaa'igtu ku) odhan: Maxaad ku sugneydeen oo xaal ah? Waxay odhan: Waxaanu ahayn kuwo tabar yar dhulka gudahiisa. Waxay odhan: Miyaaney ahayn arlada Alle mid ballaaran oo aad ku haajiri karteen2? Marka waa kuwaa kuwa hoygoodu yahay Jahannama, oo u xun aayotiin ahaan.
Sharaxa hoose
[1] Inay dhex degeen gaalada oo ka soo haajirin darteed. [2] Inaad doorato inaad ku dhex noolaato gaalo, adigoo awooda inaad ka soo haajirto degaan uu qofku muslimka ku awoodin inuu ugu dhaqmo diintiisa si xorriyad leh. Muslimiintii Makkah aan la soo haajirin Nabiga s.c.w. iyagoo awooda, waxaa laga dulmiyey xagga gaalada, waxayna ku qasbeen inay u soo raacaan dagaalkii Badar, markaasaa qaar la dilay oo waxaa haleelay fallaarahii dagaalka. -
إِلَّا ٱلْمُسْتَضْعَفِينَ مِنَ ٱلرِّجَالِ وَٱلنِّسَآءِ وَٱلْوِلْدَٰنِ لَا يَسْتَطِيعُونَ حِيلَةً وَلَا يَهْتَدُونَ سَبِيلًا٩٨
Illa almustadʿafeena mina alrrijali waalnnisai waalwildani la yastateeʿoona heelatan wala yahtadoona sabeelan
Marka laga reebo kuwa la daciifsado oo leh ragga iyo dumarka iyo carruurtaba oo aan xeelad lahayn, oo aan heli karin jid (loo baxsado).
-
فَأُو۟لَـٰٓئِكَ عَسَى ٱللَّهُ أَن يَعْفُوَ عَنْهُمْ ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَفُوًّا غَفُورًا٩٩
Faolaika ʿasa Allahu an yaʿfuwa ʿanhum wakana Allahu ʿafuwwan ghafooran
Kuwaa waa intaasoo uu Alle iska cafiyo. Alle waa Cafis Badane, Denbi Dhaaf Badan.
-
۞ وَمَن يُهَاجِرْ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ يَجِدْ فِى ٱلْأَرْضِ مُرَٰغَمًا كَثِيرًا وَسَعَةً ۚ وَمَن يَخْرُجْ مِنۢ بَيْتِهِۦ مُهَاجِرًا إِلَى ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ ثُمَّ يُدْرِكْهُ ٱلْمَوْتُ فَقَدْ وَقَعَ أَجْرُهُۥ عَلَى ٱللَّهِ ۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا١٠٠
Waman yuhajir fee sabeeli Allahi yajid fee alardi muraghaman katheeran wasaʿatan waman yakhruj min baytihi muhajiran ila Allahi warasoolihi thumma yudrikhu almawtu faqad waqaʿa ajruhu ʿala Allahi wakana Allahu ghafooran raheeman
Qofkii u soo haajira Alle Darti, wuxuu ka heli dhulka meelo badan oo magan gal leh iyo risiq waasic ah. Qofkii ka soo baxaana gurigiisa isagoo u ah muhaajir xagga Alle iyo Rasuulkiisa oo markaas mowdku helo, wuxuu ajarkiisu saaran yahay Alle. Alle waa Denbi Dhaaf badane, Naxariis Badan.
-
وَإِذَا ضَرَبْتُمْ فِى ٱلْأَرْضِ فَلَيْسَ عَلَيْكُمْ جُنَاحٌ أَن تَقْصُرُوا۟ مِنَ ٱلصَّلَوٰةِ إِنْ خِفْتُمْ أَن يَفْتِنَكُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ ۚ إِنَّ ٱلْكَـٰفِرِينَ كَانُوا۟ لَكُمْ عَدُوًّا مُّبِينًا١٠١
Waitha darabtum fee alardi falaysa ʿalaykum junahun an taqsuroo mina alssalati in khiftum an yaftinakumu allatheena kafaroo inna alkafireena kanoo lakum ʿaduwwan mubeenan
Haddaad ku socdaashaanna dhulka (oo safar ku jirtaan), idin ma saarna eed haddaad soo gaabisaan salaadda1, haddaad ka cabsataan inay dhibaato idiin geystaan gaalada, hubaal, gaaladu waxay idiin yihiin cadow cad.
Sharaxa hoose
[1] Waqtiyada cabsida ee la joogo goobta dagaalka. Siduu ahaa dhaqanka Rasuulka iyo asxaabtiisa waxaa ku cad in cabsidu ahayn sabab lagu soo gaabiyo salaadda, waxaa la soo gaabin salaadda markaad ka soo safarto degaankaagii. Afarta rakcadood waxaa lagu soo koobaa labo rakcadood. -
وَإِذَا كُنتَ فِيهِمْ فَأَقَمْتَ لَهُمُ ٱلصَّلَوٰةَ فَلْتَقُمْ طَآئِفَةٌ مِّنْهُم مَّعَكَ وَلْيَأْخُذُوٓا۟ أَسْلِحَتَهُمْ فَإِذَا سَجَدُوا۟ فَلْيَكُونُوا۟ مِن وَرَآئِكُمْ وَلْتَأْتِ طَآئِفَةٌ أُخْرَىٰ لَمْ يُصَلُّوا۟ فَلْيُصَلُّوا۟ مَعَكَ وَلْيَأْخُذُوا۟ حِذْرَهُمْ وَأَسْلِحَتَهُمْ ۗ وَدَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَوْ تَغْفُلُونَ عَنْ أَسْلِحَتِكُمْ وَأَمْتِعَتِكُمْ فَيَمِيلُونَ عَلَيْكُم مَّيْلَةً وَٰحِدَةً ۚ وَلَا جُنَاحَ عَلَيْكُمْ إِن كَانَ بِكُمْ أَذًى مِّن مَّطَرٍ أَوْ كُنتُم مَّرْضَىٰٓ أَن تَضَعُوٓا۟ أَسْلِحَتَكُمْ ۖ وَخُذُوا۟ حِذْرَكُمْ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ أَعَدَّ لِلْكَـٰفِرِينَ عَذَابًا مُّهِينًا١٠٢
Waitha kunta feehim faaqamta lahumu alssalata faltaqum taifatun minhum maʿaka walyakhuthoo aslihatahum faitha sajadoo falyakoonoo min waraikum waltati taifatun okhra lam yusalloo falyusalloo maʿaka walyakhuthoo hithrahum waaslihatahum wadda allatheena kafaroo law taghfuloona ʿan aslihatikum waamtiʿatikum fayameeloona ʿalaykum maylatan wahidatan wala junaha ʿalaykum in kana bikum athan min matarin aw kuntum marda an tadaʿoo aslihatakum wakhuthoo hithrakum inna Allaha aʿadda lilkafireena ʿathaban muheenan
Markaad (Nabiyow) dhex joogto, oo aad u oogto salaadda, ha kula istaagto koox ka mid ah, hana qaateen hubkooda, markay sujuudaan ha aadeen gadaashiinna, oo koox kale oo aan weli tukan ha timaaddo horay hana kula tukadeen, oo ha qaateen digtoonidooda iyo hubkooda. Waxay doonayaan kuwa gaalada ahi inaad moogaataan hubkiinna iyo qalabkiinna oo ay markaas idiin soo weeraraan mar keliya (si kedo ah). Ma aha korkiinna wax eed ah hadday idin haysato dhib roob ama aad tihiin kuwa buka inaad dhigtaan hubkiinna, qaatana digtoonidiinna. Hubaal, Alle wuxuu u diyaariyey gaalada cadaab dulleysa.
-
فَإِذَا قَضَيْتُمُ ٱلصَّلَوٰةَ فَٱذْكُرُوا۟ ٱللَّهَ قِيَـٰمًا وَقُعُودًا وَعَلَىٰ جُنُوبِكُمْ ۚ فَإِذَا ٱطْمَأْنَنتُمْ فَأَقِيمُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ ۚ إِنَّ ٱلصَّلَوٰةَ كَانَتْ عَلَى ٱلْمُؤْمِنِينَ كِتَـٰبًا مَّوْقُوتًا١٠٣
Faitha qadaytumu alssalata faothkuroo Allaha qiyaman waquʿoodan waʿala junoobikum faitha itmanantum faaqeemoo alssalata inna alssalata kanat ʿala almumineena kitaban mawqootan
Markaad gudataan salaadda, xusa Alle joog iyo fadhi iyo idinkoo u jiifaba dhinacyadiinna, Markase aad nabad degtaan, u ooga salaadda si wanaagsan. Hubaal, salaadda waxay ku tahay mu’miniinta waajib leh waqtiyo go’an.
-
وَلَا تَهِنُوا۟ فِى ٱبْتِغَآءِ ٱلْقَوْمِ ۖ إِن تَكُونُوا۟ تَأْلَمُونَ فَإِنَّهُمْ يَأْلَمُونَ كَمَا تَأْلَمُونَ ۖ وَتَرْجُونَ مِنَ ٱللَّهِ مَا لَا يَرْجُونَ ۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمًا١٠٤
Wala tahinoo fee ibtighai alqawmi in takoonoo talamoona fainnahum yalamoona kama talamoona watarjoona mina Allahi ma la yarjoona wakana Allahu ʿaleeman hakeeman
Ha ka qalbi dabcina dabagalka qoloda (cadowga ah); haddaad idinku dareentaan xanuun, iyaguba (sidoo kale) waxay dareemaan xanuun sidaadba u dareentaan xanuun, waxaadna ka rajaysaan Alle wax aanay rajaynin. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
-
إِنَّآ أَنزَلْنَآ إِلَيْكَ ٱلْكِتَـٰبَ بِٱلْحَقِّ لِتَحْكُمَ بَيْنَ ٱلنَّاسِ بِمَآ أَرَىٰكَ ٱللَّهُ ۚ وَلَا تَكُن لِّلْخَآئِنِينَ خَصِيمًا١٠٥
Inna anzalna ilayka alkitaba bialhaqqi litahkuma bayna alnnasi bima araka Allahu wala takun lilkhaineena khaseeman
Waxaanu kuugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) si xaq ah, si aad ugu kala xukunto dadka dhexdooda waxa uu Alle ku baray. Ha noqon qareen u dooda khaa’imiinta.
-
وَٱسْتَغْفِرِ ٱللَّهَ ۖ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ غَفُورًا رَّحِيمًا١٠٦
Waistaghfiri Allaha inna Allaha kana ghafooran raheeman
Weydiiso Denbi Dhaaf Alle, Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan1.
Sharaxa hoose
[1] Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Waxaan maqlay Rasuulkii Alle s.c.w. oo leh: Wallaahi, Waxaan denbi dhaaf weydiistaa Alle oo u toobad keenaa wax ka badan toddobaatan jeer maalintii.» (W.w. Al-Bukhaari). -
وَلَا تُجَـٰدِلْ عَنِ ٱلَّذِينَ يَخْتَانُونَ أَنفُسَهُمْ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ مَن كَانَ خَوَّانًا أَثِيمًا١٠٧
Wala tujadil ʿani allatheena yakhtanoona anfusahum inna Allaha la yuhibbu man kana khawwanan atheeman
Ha u doodin kuwa khiyaameeya nafahooda. Hubaal, Alle ma jecla mid kastoo ah khaa’in, denbiile.
-
يَسْتَخْفُونَ مِنَ ٱلنَّاسِ وَلَا يَسْتَخْفُونَ مِنَ ٱللَّهِ وَهُوَ مَعَهُمْ إِذْ يُبَيِّتُونَ مَا لَا يَرْضَىٰ مِنَ ٱلْقَوْلِ ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِمَا يَعْمَلُونَ مُحِيطًا١٠٨
Yastakhfoona mina alnnasi wala yastakhfoona mina Allahi wahuwa maʿahum ith yubayyitoona ma la yarda mina alqawli wakana Allahu bima yaʿmaloona muheetan
Waxay ka qariyaan (niyooyinkooda iyo camalladooda xun) dadka, kamase qarin karaan Alle, wuuna la jiraa (kula joogaa Cilmigiisa) markay ku caweeyaan habeenkii hadal uusan raalli ka ahayn, Allena wuu koobaa waxay camal falaan.
-
هَـٰٓأَنتُمْ هَـٰٓؤُلَآءِ جَـٰدَلْتُمْ عَنْهُمْ فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا فَمَن يُجَـٰدِلُ ٱللَّهَ عَنْهُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ أَم مَّن يَكُونُ عَلَيْهِمْ وَكِيلًا١٠٩
Haantum haolai jadaltum ʿanhum fee alhayati alddunya faman yujadilu Allaha ʿanhum yawma alqiyamati am man yakoonu ʿalayhim wakeelan
Eega! Idinka weeye kuwa (ay dhici karto) inay u doodaan noloshan adduunka, ee yaa uga doodi Alle agti Maalinta Qiyaamaha, ama u noqon wakiil difaaca?
-
وَمَن يَعْمَلْ سُوٓءًا أَوْ يَظْلِمْ نَفْسَهُۥ ثُمَّ يَسْتَغْفِرِ ٱللَّهَ يَجِدِ ٱللَّهَ غَفُورًا رَّحِيمًا١١٠
Waman yaʿmal sooan aw yathlim nafsahu thumma yastaghfiri Allaha yajidi Allaha ghafooran raheeman
Qofkii fala xumaan ama dulmiya naftiisa, markaas weydiista Denbi Dhaaf Alle, wuxuu heli Alle oo ah Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
-
وَمَن يَكْسِبْ إِثْمًا فَإِنَّمَا يَكْسِبُهُۥ عَلَىٰ نَفْسِهِۦ ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمًا١١١
Waman yaksib ithman fainnama yaksibuhu ʿala nafsihi wakana Allahu ʿaleeman hakeeman
Qofkiise gala denbi, wuxuu u galaa oo keliya dhibaateynta naftiisa oo isagay ka go'an tahay. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
-
وَمَن يَكْسِبْ خَطِيٓـَٔةً أَوْ إِثْمًا ثُمَّ يَرْمِ بِهِۦ بَرِيٓـًٔا فَقَدِ ٱحْتَمَلَ بُهْتَـٰنًا وَإِثْمًا مُّبِينًا١١٢
Waman yaksib khateeatan aw ithman thumma yarmi bihi bareean faqadi ihtamala buhtanan waithman mubeenan
Qofkii kasbada gef ama denbi, markaas ku eedeeya mid aan waxba galabsan1, wuxuu xambaartay been abuurasho iyo denbi iska cad.
Sharaxa hoose
[1] Aayaddan iyo Aayadaha ka dambeeya waxay ku soo degeen waxa uu falay ducmah ee inta wax xaday ku qarshay guri nin Yuhuudi ah uu leeyahay, markaasuu inkiray oo yidhi waxaa xaday Yuhuudiga, markaasay xigtadii ducmah u sheegeen Nabiga s.c.w. oo ka dalbeen Nabiga s.c.w. inuu difaaco ducmah, oo xukumo Yuhuudiga, iyagoo ku qiray inuu kan wax xaday yahay Yuhuudiga, wuxuu Nabigu s.c.w. ku sigtay inuu rumeysto hadalka ducmah qaraabadi iyo masabbishadoodii Yuhuudiga. -
وَلَوْلَا فَضْلُ ٱللَّهِ عَلَيْكَ وَرَحْمَتُهُۥ لَهَمَّت طَّآئِفَةٌ مِّنْهُمْ أَن يُضِلُّوكَ وَمَا يُضِلُّونَ إِلَّآ أَنفُسَهُمْ ۖ وَمَا يَضُرُّونَكَ مِن شَىْءٍ ۚ وَأَنزَلَ ٱللَّهُ عَلَيْكَ ٱلْكِتَـٰبَ وَٱلْحِكْمَةَ وَعَلَّمَكَ مَا لَمْ تَكُن تَعْلَمُ ۚ وَكَانَ فَضْلُ ٱللَّهِ عَلَيْكَ عَظِيمًا١١٣
Walawla fadlu Allahi ʿalayka warahmatuhu lahammat taifatun minhum an yudillooka wama yudilloona illa anfusahum wama yadurroonaka min shayin waanzala Allahu ʿalayka alkitaba waalhikmata waʿallamaka ma lam takun taʿlamu wakana fadlu Allahi ʿalayka ʿatheeman
Hadduusan jirin Fadliga Alle korkaaga iyo Naxariistiisa, waxay hammin (dooni) lahayd koox ka mid ah inay ku marin habaabiyaan, mase marin habaabiyaan waxaan aheyn nafahooda, waxnana kuma yeeli karaan. Wuxuuna Alle kugu soo dejiyey (Nabiyow) Kitaabka iyo Xikmadda oo ku baray wax aadan horay u aqoon. Fadliga Alle ku siiyeyna waa mid aad u weyn.
-
۞ لَّا خَيْرَ فِى كَثِيرٍ مِّن نَّجْوَىٰهُمْ إِلَّا مَنْ أَمَرَ بِصَدَقَةٍ أَوْ مَعْرُوفٍ أَوْ إِصْلَـٰحٍۭ بَيْنَ ٱلنَّاسِ ۚ وَمَن يَفْعَلْ ذَٰلِكَ ٱبْتِغَآءَ مَرْضَاتِ ٱللَّهِ فَسَوْفَ نُؤْتِيهِ أَجْرًا عَظِيمًا١١٤
La khayra fee katheerin min najwahum illa man amara bisadaqatin aw maʿroofin aw islahin bayna alnnasi waman yafʿal thalika ibtighaa mardati Allahi fasawfa nuteehi ajran ʿatheeman
Kuma jiro wax khayr ahi wax badan oo faqooda ah marka laga reebo mid amra sadaqo ama wanaag, ama kala maslaxid dadka, qofkiina fala sidaas isagoo doonaya Raalli gelinta Alle, Waxaanu siin abaalgud weyn (Janno).
-
وَمَن يُشَاقِقِ ٱلرَّسُولَ مِنۢ بَعْدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُ ٱلْهُدَىٰ وَيَتَّبِعْ غَيْرَ سَبِيلِ ٱلْمُؤْمِنِينَ نُوَلِّهِۦ مَا تَوَلَّىٰ وَنُصْلِهِۦ جَهَنَّمَ ۖ وَسَآءَتْ مَصِيرًا١١٥
Waman yushaqiqi alrrasoola min baʿdi ma tabayyana lahu alhuda wayattabiʿ ghayra sabeeli almumineena nuwallihi ma tawalla wanuslihi jahannama wasaat maseeran
Qofkii khilaafa Rasuulka kaddib inta uu u caddaaday hanuunka oo raaca waxaan aheyn jidka mu'miniinta. Waxaan u jeedin waxaas uu isagu (naf ahaantiisa) u jeestay, oo galin Jahannama, oo u xun aayotiin ahaan.
-
إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَغْفِرُ أَن يُشْرَكَ بِهِۦ وَيَغْفِرُ مَا دُونَ ذَٰلِكَ لِمَن يَشَآءُ ۚ وَمَن يُشْرِكْ بِٱللَّهِ فَقَدْ ضَلَّ ضَلَـٰلًۢا بَعِيدًا١١٦
Inna Allaha la yaghfiru an yushraka bihi wayaghfiru ma doona thalika liman yashao waman yushrik biAllahi faqad dalla dalalan baʿeedan
Hubaal, Alle ma dhaafo in wax uun lala wadaajiyo (cibaadada), wuxuuse u dhaafaa waxa aan (shirki, iwm) ahayn qofkuu doono. Qofkii la wadaajiya wax uun Alle (cibaadada), wuxuu lumay lumid aad u fog.
-
إِن يَدْعُونَ مِن دُونِهِۦٓ إِلَّآ إِنَـٰثًا وَإِن يَدْعُونَ إِلَّا شَيْطَـٰنًا مَّرِيدًا١١٧
In yadʿoona min doonihi illa inathan wain yadʿoona illa shaytanan mareedan
Ma la barbar caabudaan (Alle) waxaan ahayn sanamyo magacyo dheddigood leh, mana caabudaan waxaan aheyn Shaydaan fallaago ah.
-
لَّعَنَهُ ٱللَّهُ ۘ وَقَالَ لَأَتَّخِذَنَّ مِنْ عِبَادِكَ نَصِيبًا مَّفْرُوضًا١١٨
Laʿanahu Allahu waqala laattakhithanna min ʿibadika naseeban mafroodan
Alle uu Nacladay. (Shaydaanna) wuxuu yidhi: Waxaan ku yeelan addoomahaaga qayb go'an;
-
وَلَأُضِلَّنَّهُمْ وَلَأُمَنِّيَنَّهُمْ وَلَـَٔامُرَنَّهُمْ فَلَيُبَتِّكُنَّ ءَاذَانَ ٱلْأَنْعَـٰمِ وَلَـَٔامُرَنَّهُمْ فَلَيُغَيِّرُنَّ خَلْقَ ٱللَّهِ ۚ وَمَن يَتَّخِذِ ٱلشَّيْطَـٰنَ وَلِيًّا مِّن دُونِ ٱللَّهِ فَقَدْ خَسِرَ خُسْرَانًا مُّبِينًا١١٩
Walaodillannahum walaomanniyannahum walaamurannahum falayubattikunna athana alanʿami walaamurannahum falayughayyirunna khalqa Allahi waman yattakhithi alshshaytana waliyyan min dooni Allahi faqad khasira khusranan mubeenan
Waana habaabin oo gelin hididdiillooyin been ah; oo amri (xumaanta) sidaas darteed waxay jeexjeexi dhegaha xoolaha1, oo waan amri sidaas darteed waxay doorin abuurka Alle2. Qofkii ka dhigta shaydaan sokeeye (iyo gargaare) halkii Alle, wuxuu khasaaray khasaare caddaan ah.
Sharaxa hoose
[1] Carabtii jaahiliga ahayd waxay qabeen in xoolaha loo hibeynayo asnaamta, la gooyo dhegahooda, xoolahaana ma bannaana in la fuulo ama la isticmaalo oo waa in la iska daayo oo la xarig furo. [2] Waxaa suura gal ah in loola jeedo beddelidda abuurka Alle calaamadaha jirka lagu qoro ee washamka - tattoo -, in xoolaha la dhuufaano ama waxaa la yidhi waxaa loola jeedaa beddelidda diinta Alle. -
يَعِدُهُمْ وَيُمَنِّيهِمْ ۖ وَمَا يَعِدُهُمُ ٱلشَّيْطَـٰنُ إِلَّا غُرُورًا١٢٠
Yaʿiduhum wayumanneehim wama yaʿiduhumu alshshaytanu illa ghurooran
Wuxuu u ballan qaadaa oo geliyaa hiddidiillooyin been ah, mana u ballan qaado shaydaan waxaan dhagar ahayn.
-
أُو۟لَـٰٓئِكَ مَأْوَىٰهُمْ جَهَنَّمُ وَلَا يَجِدُونَ عَنْهَا مَحِيصًا١٢١
Olaika mawahum jahannamu wala yajidoona ʿanha maheesan
Kuwaa hoygoodu waa Jahannama, kamana helaan xaggeeda meel ay ka hirgalaan.
-
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ سَنُدْخِلُهُمْ جَنَّـٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ خَـٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدًا ۖ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقًّا ۚ وَمَنْ أَصْدَقُ مِنَ ٱللَّهِ قِيلًا١٢٢
Waallatheena amanoo waʿamiloo alssalihati sanudkhiluhum jannatin tajree min tahtiha alanharu khalideena feeha abadan waʿda Allahi haqqan waman asdaqu mina Allahi qeelan
Kuwa se (xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxaan galin Beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waari weligood. Waa Ballan Alle oo Xaq ah. Yaa ka run badan Alle Hadalkiisa (waa cidna).
-
لَّيْسَ بِأَمَانِيِّكُمْ وَلَآ أَمَانِىِّ أَهْلِ ٱلْكِتَـٰبِ ۗ مَن يَعْمَلْ سُوٓءًا يُجْزَ بِهِۦ وَلَا يَجِدْ لَهُۥ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلِيًّا وَلَا نَصِيرًا١٢٣
Laysa biamaniyyikum wala amaniyyi ahli alkitabi man yaʿmal sooan yujza bihi wala yajid lahu min dooni Allahi waliyyan wala naseeran
Ma aha hididdiillooyinkiinna1 iyo hididdiillooyinka ehlu Kitaabka midna, qofkii falaa xumaan, waa laga goyn, mana u helayo naftiisa Alle ka sokow sokeeye iyo gargaare midna.
Sharaxa hoose
[1] “Kum” halkan waxaa la yidhi waxaa loola jeedaa muslimiinta, sidoo kale waxaa la yidhi waxaa loola jeedaa gaalada mushrikiinta ah, gunta Aayaddana waxaa weeye in abaalgudka aakhiro aan lagu helin ididdiilo iyo iska rajeyn, laakiinse lagu helo iimaanka iyo sama falka. -
وَمَن يَعْمَلْ مِنَ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ مِن ذَكَرٍ أَوْ أُنثَىٰ وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ يَدْخُلُونَ ٱلْجَنَّةَ وَلَا يُظْلَمُونَ نَقِيرًا١٢٤
Waman yaʿmal mina alssalihati min thakarin aw ontha wahuwa muminun faolaika yadkhuloona aljannata wala yuthlamoona naqeeran
Qofkii fala camallo wanaaagsan lab ahaayaa ama dheddig oo mu'min ah, waxay kuwaa geli Jannada, lagamana dulmiyo dalool laf timireed wax le’eg.
-
وَمَنْ أَحْسَنُ دِينًا مِّمَّنْ أَسْلَمَ وَجْهَهُۥ لِلَّهِ وَهُوَ مُحْسِنٌ وَٱتَّبَعَ مِلَّةَ إِبْرَٰهِيمَ حَنِيفًا ۗ وَٱتَّخَذَ ٱللَّهُ إِبْرَٰهِيمَ خَلِيلًا١٢٥
Waman ahsanu deenan mimman aslama wajhahu lillahi wahuwa muhsinun waittabaʿa millata ibraheema haneefan waittakhatha Allahu ibraheema khaleelan
Yaa ka diin fiican mid isu wada dhiiba Alle isagoo sama fale ah oo raaca diintii Ibraahiim, toosnihii. Wuxuu Alle ka yeeshay Ibraahiim saaxiib u gaar ah.
-
وَلِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِكُلِّ شَىْءٍ مُّحِيطًا١٢٦
Walillahi ma fee alssamawati wama fee alardi wakana Allahu bikulli shayin muheetan
Alle baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Alle waa wax walba koobe.
-
وَيَسْتَفْتُونَكَ فِى ٱلنِّسَآءِ ۖ قُلِ ٱللَّهُ يُفْتِيكُمْ فِيهِنَّ وَمَا يُتْلَىٰ عَلَيْكُمْ فِى ٱلْكِتَـٰبِ فِى يَتَـٰمَى ٱلنِّسَآءِ ٱلَّـٰتِى لَا تُؤْتُونَهُنَّ مَا كُتِبَ لَهُنَّ وَتَرْغَبُونَ أَن تَنكِحُوهُنَّ وَٱلْمُسْتَضْعَفِينَ مِنَ ٱلْوِلْدَٰنِ وَأَن تَقُومُوا۟ لِلْيَتَـٰمَىٰ بِٱلْقِسْطِ ۚ وَمَا تَفْعَلُوا۟ مِنْ خَيْرٍ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِهِۦ عَلِيمًا١٢٧
Wayastaftoonaka fee alnnisai quli Allahu yufteekum feehinna wama yutla ʿalaykum fee alkitabi fee yatama alnnisai allatee la tutoonahunna ma kutiba lahunna watarghaboona an tankihoohunna waalmustadʿafeena mina alwildani waan taqoomoo lilyatama bialqisti wama tafʿaloo min khayrin fainna Allaha kana bihi ʿaleeman
Waxay ku weydiin xukun ku saabsan haweenka (iyo maalkooda dhaxalka ah), dheh: Alle baa idiin sheegi xukunka arrinkooda1, iyo arrinka waxa la idiinku akhriyo Kitaabka oo ku saabsan gabdhaha agoomaha ah oo aydaan siin saamiyadii loo gooyey2, xagga arrinka kuwa tabarta yar ee ka mid ah carruurta (waa inaad siisaan xuquuqdooda) iyo inaad ku dhaqdaan caddaalad agoomaha. Waxaad fashaan oo khayr ahna, hubaal Alle wuu Ogsoon yahay.
Sharaxa hoose
[1] Eeg Suuradda An-Nisaa Aayadda : 3. [2] Ee dhaxalka, idinkoo dooneyn inaad guursataan, una diidaya inay guursadaan rag kale damac idiinka jira maalkooda darteed, marka waa inaydaan sidaasi yeelin. Caadada Carabta waagii jaahiliyadda waxay ahayd in waliga uu xaq u leeyahay inuu guursado gabdhaha agoomaha ee mas’uulka uu ka yahay, iyo inuu xaq ku leeyahay maalkooda. Hadday qurxoon tahay wuu guursanayey, si uu wax uga qaato maalkeeda , haddayse fool xun tahay waa uu diidaa inay guursato nin kale si uu u hanto maalkeeda. Aayaddani waxay reebtay arrintaas. -
وَإِنِ ٱمْرَأَةٌ خَافَتْ مِنۢ بَعْلِهَا نُشُوزًا أَوْ إِعْرَاضًا فَلَا جُنَاحَ عَلَيْهِمَآ أَن يُصْلِحَا بَيْنَهُمَا صُلْحًا ۚ وَٱلصُّلْحُ خَيْرٌ ۗ وَأُحْضِرَتِ ٱلْأَنفُسُ ٱلشُّحَّ ۚ وَإِن تُحْسِنُوا۟ وَتَتَّقُوا۟ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرًا١٢٨
Waini imraatun khafat min baʿliha nushoozan aw iʿradan fala junaha ʿalayhima an yusliha baynahuma sulhan waalssulhu khayrun waohdirati alanfusu alshshuhha wain tuhsinoo watattaqoo fainna Allaha kana bima taʿmaloona khabeeran
Hadday haweeney ka cabsato fogaansho1 ama jeedsasho Xagga ninkeeda ah, ma jiro eed korkooda ah, hadday ka heshiiyaan dhexdooda heshiis, heshiiska baana khayr badan, nafaha Aadmigana waxaa lagu laray masuugnimo. Haddaadse samo fashaan oo iska ilaalisaan (xumaha), Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
Sharaxa hoose
[1] Eeg macnaha nushuush ee xagga xaaska sharaxa suuradda An-Nisaa Aayadda 34. Nushuushka ninka waa inuu si qallafsan ula dhaqmo xaaska oo ku adadkaado, iyo inuu diido inuu u tago oo u galmoodo, oo uusan siin masruuf iyo marasho. -
وَلَن تَسْتَطِيعُوٓا۟ أَن تَعْدِلُوا۟ بَيْنَ ٱلنِّسَآءِ وَلَوْ حَرَصْتُمْ ۖ فَلَا تَمِيلُوا۟ كُلَّ ٱلْمَيْلِ فَتَذَرُوهَا كَٱلْمُعَلَّقَةِ ۚ وَإِن تُصْلِحُوا۟ وَتَتَّقُوا۟ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ غَفُورًا رَّحِيمًا١٢٩
Walan tastateeʿoo an taʿdiloo bayna alnnisai walaw harastum fala tameeloo kulla almayli fatatharooha kaalmuʿallaqati wain tuslihoo watattaqoo fainna Allaha kana ghafooran raheeman
Ma kartaan inaad sameysaan caddaalad dhan (xagga jaceylka) xaasaska dhexdooda si kasta oo aad u dadaashaan ee ha ka iilannina (middood) iilasho dhan, oo aad markaas ka tagtaan sidiiyoo ay tahay mid lalmata (dayacan). Haddaad wax wanaajisaanna oo iska ilaalisaan 'xumaha', Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
-
وَإِن يَتَفَرَّقَا يُغْنِ ٱللَّهُ كُلًّا مِّن سَعَتِهِۦ ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ وَٰسِعًا حَكِيمًا١٣٠
Wain yatafarraqa yughni Allahu kullan min saʿatihi wakana Allahu wasiʿan hakeeman
Haddiise ay kala tagaan, wuxuu Alle ku kaafin mid walba wax ka mid ah Deeqdiisa. Alle waa Waasic (Fadligiisu) ballaaran yahay, Xigmad Badan yahay.
-
وَلِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ ۗ وَلَقَدْ وَصَّيْنَا ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَـٰبَ مِن قَبْلِكُمْ وَإِيَّاكُمْ أَنِ ٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ ۚ وَإِن تَكْفُرُوا۟ فَإِنَّ لِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَنِيًّا حَمِيدًا١٣١
Walillahi ma fee alssamawati wama fee alardi walaqad wassayna allatheena ootoo alkitaba min qablikum waiyyakum ani ittaqoo Allaha wain takfuroo fainna lillahi ma fee alssamawati wama fee alardi wakana Allahu ghaniyyan hameedan
Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waxaana u dardaarannay kuwii la siiyey Kitaabka ee idinka horreeyey iyo idinkaba inaad ka cabsataan Alle, haddaadse gaalowdaan, hubaal Alle baa leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Alle waa Hodan, Ammaanan.
-
وَلِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ ۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلًا١٣٢
Walillahi ma fee alssamawati wama fee alardi wakafa biAllahi wakeelan
Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waa ku filan yahay Alle Wakiil ahaan.
-
إِن يَشَأْ يُذْهِبْكُمْ أَيُّهَا ٱلنَّاسُ وَيَأْتِ بِـَٔاخَرِينَ ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ ذَٰلِكَ قَدِيرًا١٣٣
In yasha yuthhibkum ayyuha alnnasu wayati biakhareena wakana Allahu ʿala thalika qadeeran
Hadduu doono, Wuu idin tagsiin, dadow, oo keeni kuwo kale. Alle wuu Karaa inuu sidaa yeelo.
-
مَّن كَانَ يُرِيدُ ثَوَابَ ٱلدُّنْيَا فَعِندَ ٱللَّهِ ثَوَابُ ٱلدُّنْيَا وَٱلْـَٔاخِرَةِ ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ سَمِيعًۢا بَصِيرًا١٣٤
Man kana yureedu thawaba alddunya faʿinda Allahi thawabu alddunya waalakhirati wakana Allahu sameeʿan baseeran
Qofkii raba abaalka adduunyadan, Alle baa haya abaalka adduunyadan iyo Aakhiradaba. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.
-
۞ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ كُونُوا۟ قَوَّٰمِينَ بِٱلْقِسْطِ شُهَدَآءَ لِلَّهِ وَلَوْ عَلَىٰٓ أَنفُسِكُمْ أَوِ ٱلْوَٰلِدَيْنِ وَٱلْأَقْرَبِينَ ۚ إِن يَكُنْ غَنِيًّا أَوْ فَقِيرًا فَٱللَّهُ أَوْلَىٰ بِهِمَا ۖ فَلَا تَتَّبِعُوا۟ ٱلْهَوَىٰٓ أَن تَعْدِلُوا۟ ۚ وَإِن تَلْوُۥٓا۟ أَوْ تُعْرِضُوا۟ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرًا١٣٥
Ya ayyuha allatheena amanoo koonoo qawwameena bialqisti shuhadaa lillahi walaw ʿala anfusikum awi alwalidayni waalaqrabeena in yakun ghaniyyan aw faqeeran faAllahu awla bihima fala tattabiʿoo alhawa an taʿdiloo wain talwoo aw tuʿridoo fainna Allaha kana bima taʿmaloona khabeeran
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ahaada kuwo u taagan caddaaladda oo u marag fura Alle darti uun, nafahiinnaba lidkeed ha ahaatee ama waalidkiin ama qaraaboba, hadduu yahay hodan ama faqiir, Alle baa ka mudnaansho badan oo dantooda yaqaan. Ee ha raacina hawada nafta si aydaan uga iilan (Xaqa), haddaadse iilataan ama jeesataan1, Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
Sharaxa hoose
[1] Waxaa Nabiga s.c.w. la weydiiyey dunuubta waaweyn ee lagu halaagsamo. Wuxuu yidhi: waa Shirkiga, ku caasinta waalidka, dilka xaq darrada ah iyo markhaati beenaadka.” W.w. Al-Bukhaari. -
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ ءَامِنُوا۟ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَٱلْكِتَـٰبِ ٱلَّذِى نَزَّلَ عَلَىٰ رَسُولِهِۦ وَٱلْكِتَـٰبِ ٱلَّذِىٓ أَنزَلَ مِن قَبْلُ ۚ وَمَن يَكْفُرْ بِٱللَّهِ وَمَلَـٰٓئِكَتِهِۦ وَكُتُبِهِۦ وَرُسُلِهِۦ وَٱلْيَوْمِ ٱلْـَٔاخِرِ فَقَدْ ضَلَّ ضَلَـٰلًۢا بَعِيدًا١٣٦
Ya ayyuha allatheena amanoo aminoo biAllahi warasoolihi waalkitabi allathee nazzala ʿala rasoolihi waalkitabi allathee anzala min qablu waman yakfur biAllahi wamalaikatihi wakutubihi warusulihi waalyawmi alakhiri faqad dalla dalalan baʿeedan
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Rumeeya Alle iyo Rasuulkiisa iyo Kitaabka (Qur’aanka) uu ku soo dejiyey Rasuulkiisa, iyo Kitaabka uu hore u soo dejiyey, qofkiise rumeyn diida Alle iyo Malaa’igtiisa iyo Kutubtiisa iyo Rusushiisa, iyo Maalinta Aakhiro, wuxuu lumay lumid aad u fog.
-
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ثُمَّ كَفَرُوا۟ ثُمَّ ءَامَنُوا۟ ثُمَّ كَفَرُوا۟ ثُمَّ ٱزْدَادُوا۟ كُفْرًا لَّمْ يَكُنِ ٱللَّهُ لِيَغْفِرَ لَهُمْ وَلَا لِيَهْدِيَهُمْ سَبِيلًۢا١٣٧
Inna allatheena amanoo thumma kafaroo thumma amanoo thumma kafaroo thumma izdadoo kufran lam yakuni Allahu liyaghfira lahum wala liyahdiyahum sabeelan
Kuwa rumeeya, haddana gaalooba, haddana rumeeya (mar kale), haddana (mar kale) gaalooba, markaas sii kororsada gaalnimo; Alle ma cafiyo, kumana hanuuniyo Jid (Toosan).
-
بَشِّرِ ٱلْمُنَـٰفِقِينَ بِأَنَّ لَهُمْ عَذَابًا أَلِيمًا١٣٨
Bashshiri almunafiqeena bianna lahum ʿathaban aleeman
Ugu bishaaree munaafiqiinta inay leeyihiin cadaab xanuun badan.
-
ٱلَّذِينَ يَتَّخِذُونَ ٱلْكَـٰفِرِينَ أَوْلِيَآءَ مِن دُونِ ٱلْمُؤْمِنِينَ ۚ أَيَبْتَغُونَ عِندَهُمُ ٱلْعِزَّةَ فَإِنَّ ٱلْعِزَّةَ لِلَّهِ جَمِيعًا١٣٩
Allatheena yattakhithoona alkafireena awliyaa min dooni almumineena ayabtaghoona ʿindahumu alʿizzata fainna alʿizzata lillahi jameeʿan
Kuwa ka dhigta gaalada sokeeye1 halkii mu’miniinta, ma waxay ka doonayaan ciso (iyo sharaf) xaggooda? Hubaal, Alle baa iska leh Ciso oo dhan.
Sharaxa hoose
[1] Sida faafinta asraarta mu’miniinta iyo gaarsiinta arrimahooda gaalada ama inay marka ay ka bar bar jihaadayaan mu’miniinta hagradaan, iwm. -
وَقَدْ نَزَّلَ عَلَيْكُمْ فِى ٱلْكِتَـٰبِ أَنْ إِذَا سَمِعْتُمْ ءَايَـٰتِ ٱللَّهِ يُكْفَرُ بِهَا وَيُسْتَهْزَأُ بِهَا فَلَا تَقْعُدُوا۟ مَعَهُمْ حَتَّىٰ يَخُوضُوا۟ فِى حَدِيثٍ غَيْرِهِۦٓ ۚ إِنَّكُمْ إِذًا مِّثْلُهُمْ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ جَامِعُ ٱلْمُنَـٰفِقِينَ وَٱلْكَـٰفِرِينَ فِى جَهَنَّمَ جَمِيعًا١٤٠
Waqad nazzala ʿalaykum fee alkitabi an itha samiʿtum ayati Allahi yukfaru biha wayustahzao biha fala taqʿudoo maʿahum hatta yakhoodoo fee hadeethin ghayrihi innakum ithan mithluhum inna Allaha jamiʿu almunafiqeena waalkafireena fee jahannama jameeʿan
Wuxuuna idiinkugu soo dejiyey Kitaabka in markaad maqashaan Aayadaha Alle oo la beeninayo ama lagu jeesjeesayo, ha la fadhiisannina iyaga, ilaa ay ka galaan hadal kale aan kaa aheyn, haddii kale waxaad noqoneysaan iyagoo kale. Hubaal Alle wuxuu ku soo kulmin munaafiqiinta iyo gaalada oo dhan Jahannama gudaheed.
-
ٱلَّذِينَ يَتَرَبَّصُونَ بِكُمْ فَإِن كَانَ لَكُمْ فَتْحٌ مِّنَ ٱللَّهِ قَالُوٓا۟ أَلَمْ نَكُن مَّعَكُمْ وَإِن كَانَ لِلْكَـٰفِرِينَ نَصِيبٌ قَالُوٓا۟ أَلَمْ نَسْتَحْوِذْ عَلَيْكُمْ وَنَمْنَعْكُم مِّنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ ۚ فَٱللَّهُ يَحْكُمُ بَيْنَكُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۗ وَلَن يَجْعَلَ ٱللَّهُ لِلْكَـٰفِرِينَ عَلَى ٱلْمُؤْمِنِينَ سَبِيلًا١٤١
Allatheena yatarabbasoona bikum fain kana lakum fathun mina Allahi qaloo alam nakun maʿakum wain kana lilkafireena naseebun qaloo alam nastahwith ʿalaykum wanamnaʿkum mina almumineena faAllahu yahkumu baynakum yawma alqiyamati walan yajʿala Allahu lilkafireena ʿala almumineena sabeelan
Kuwa idin la suga (dhibaato idinku dhacda); markaad guul ka heshaan xagga Alle, waxay yidhaahdaan: Miyaanaan idin la jirin? Haddayse gaaladu lib yeelato, waxay yidhaahdaan, Ma waanaan idin adkeynin oo aan idinka celin mu’miniinta? Marka Alle baa idin kala xukumi dhexdiinna Maalinta Qiyaamaha. Alle kama siinayo gaalada jid mu'miniinta.
-
إِنَّ ٱلْمُنَـٰفِقِينَ يُخَـٰدِعُونَ ٱللَّهَ وَهُوَ خَـٰدِعُهُمْ وَإِذَا قَامُوٓا۟ إِلَى ٱلصَّلَوٰةِ قَامُوا۟ كُسَالَىٰ يُرَآءُونَ ٱلنَّاسَ وَلَا يَذْكُرُونَ ٱللَّهَ إِلَّا قَلِيلًا١٤٢
Inna almunafiqeena yukhadiʿoona Allaha wahuwa khadiʿuhum waitha qamoo ila alssalati qamoo kusala yuraoona alnnasa wala yathkuroona Allaha illa qaleelan
Munaafiqiintu1 waxay (u heystaan inay) dagayaan Alle, Isaga baase daga. markayna u kacaan salaadda, waxay kacaan iyagoo wahsi ku jiro, waxay istusaan oo keliya dadka, mana xusaan Alle wax yar ma’ahee.
Sharaxa hoose
[1] Alle wuxuu u daayey sheegashadooda inay yihiin mu’miniin, sidaa darteed baa loola dhaqmay dhaqanka ehlu iimaanka adduunyada, wuxuuse Alle u diyaariyey Naar khiyaanada iyo mukurgooda awgi. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaad arki doontaa kuwa ugu xun dadka dhexdooda inay yihiin labo wejiilayaasha ee ula taga kuwaasi weji, kuwaasna weji kale.” W.w. Al-Bukhaari. -
مُّذَبْذَبِينَ بَيْنَ ذَٰلِكَ لَآ إِلَىٰ هَـٰٓؤُلَآءِ وَلَآ إِلَىٰ هَـٰٓؤُلَآءِ ۚ وَمَن يُضْلِلِ ٱللَّهُ فَلَن تَجِدَ لَهُۥ سَبِيلًا١٤٣
Muthabthabeena bayna thalika la ila haolai wala ila haolai waman yudlili Allahu falan tajida lahu sabeelan
Waxay kala dhex wareegaan kuwaas (gaalada) (iyo kuwan), oo kama tirsana kuwan, iyo kuwaa midna. Qofkii uu Alle lumiyo, uma heli doontid jid isaga.
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تَتَّخِذُوا۟ ٱلْكَـٰفِرِينَ أَوْلِيَآءَ مِن دُونِ ٱلْمُؤْمِنِينَ ۚ أَتُرِيدُونَ أَن تَجْعَلُوا۟ لِلَّهِ عَلَيْكُمْ سُلْطَـٰنًا مُّبِينًا١٤٤
Ya ayyuha allatheena amanoo la tattakhithoo alkafireena awliyaa min dooni almumineena atureedoona an tajʿaloo lillahi ʿalaykum sultanan mubeenan
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka yeelannina gaalada sokeeya halkii mu’miniinta. Ma waxaad dooneysaan inaad isaga yeeshaan Alle xujo cad?
-
إِنَّ ٱلْمُنَـٰفِقِينَ فِى ٱلدَّرْكِ ٱلْأَسْفَلِ مِنَ ٱلنَّارِ وَلَن تَجِدَ لَهُمْ نَصِيرًا١٤٥
Inna almunafiqeena fee alddarki alasfali mina alnnari walan tajida lahum naseeran
Munaafiqiintu1 waxay ahaan dabaqa u hooseeya ee Naarta; umana heli doontid gargaare (shafeece Aakhirada).
Sharaxa hoose
[1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: "Qofkii kastoo leh tilmaamahan afarta ah waa munaafaq dhan: Marka la aamino, khiyaanaa ku soo baxda, markuu warramo wuxuu sheegaa been, markuu ballan galo, wuu ka baxa ballanka, markay cid doodaanna wuu caytamaa.” -
إِلَّا ٱلَّذِينَ تَابُوا۟ وَأَصْلَحُوا۟ وَٱعْتَصَمُوا۟ بِٱللَّهِ وَأَخْلَصُوا۟ دِينَهُمْ لِلَّهِ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ مَعَ ٱلْمُؤْمِنِينَ ۖ وَسَوْفَ يُؤْتِ ٱللَّهُ ٱلْمُؤْمِنِينَ أَجْرًا عَظِيمًا١٤٦
Illa allatheena taboo waaslahoo waiʿtasamoo biAllahi waakhlasoo deenahum lillahi faolaika maʿa almumineena wasawfa yuti Allahu almumineena ajran ʿatheeman
Marka laga reebo kuwa tawbad keena oo wanaagsanaada, oo qabsada (Kitaabka) Alle (iyo Sunnada Rasuulkiisa), una keli yeela cibaadadooda Alle, kuwaa waa la jirka mu’miniinta. Wuxuu Alle siin mu’miniinta Ajar aad u weyn (Janno).
-
مَّا يَفْعَلُ ٱللَّهُ بِعَذَابِكُمْ إِن شَكَرْتُمْ وَءَامَنتُمْ ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ شَاكِرًا عَلِيمًا١٤٧
Ma yafʿalu Allahu biʿathabikum in shakartum waamantum wakana Allahu shakiran ʿaleeman
Muxuu Alle ku fali caddibaadiinna haddaad ku mahdisaan oo rumeysaan? Alle waa tixgeliye camalkii darti loo qabtaa, abaal gud fiican bixiya, Wax kasta Og.
-
۞ لَّا يُحِبُّ ٱللَّهُ ٱلْجَهْرَ بِٱلسُّوٓءِ مِنَ ٱلْقَوْلِ إِلَّا مَن ظُلِمَ ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ سَمِيعًا عَلِيمًا١٤٨
La yuhibbu Allahu aljahra bialssooi mina alqawli illa man thulima wakana Allahu sameeʿan ʿaleeman
Alle ma jecla ku dhawaaqa hadalka kiisa xun, mid maahee uu yidhaahdo qof la dulmiyey (oo dacwoonaya). Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
-
إِن تُبْدُوا۟ خَيْرًا أَوْ تُخْفُوهُ أَوْ تَعْفُوا۟ عَن سُوٓءٍ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَفُوًّا قَدِيرًا١٤٩
In tubdoo khayran aw tukhfoohu aw taʿfoo ʿan sooin fainna Allaha kana ʿafuwwan qadeeran
Haddaad u fashaan khayr si caddaan ah ama qarsoodi, ama aad iska cafidaan xume- haddaba Alle waa Cafis Badane, Awood Badan.
-
إِنَّ ٱلَّذِينَ يَكْفُرُونَ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦ وَيُرِيدُونَ أَن يُفَرِّقُوا۟ بَيْنَ ٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦ وَيَقُولُونَ نُؤْمِنُ بِبَعْضٍ وَنَكْفُرُ بِبَعْضٍ وَيُرِيدُونَ أَن يَتَّخِذُوا۟ بَيْنَ ذَٰلِكَ سَبِيلًا١٥٠
Inna allatheena yakfuroona biAllahi warusulihi wayureedoona an yufarriqoo bayna Allahi warusulihi wayaqooloona numinu bibaʿdin wanakfuru bibaʿdin wayureedoona an yattakhithoo bayna thalika sabeelan
Hubaal, kuwa ku gaalooba Alle iyo Rusushiisa (iyo kuwa) raba inay kala geeyaan Alle iyo Rusushiisa oo yidhaahda, Waxaan rumayn qaarkood, oo ku gaaloobi qaar kale, rabana inay qaadaan jid u dhexeeya (labadaa).
-
أُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْكَـٰفِرُونَ حَقًّا ۚ وَأَعْتَدْنَا لِلْكَـٰفِرِينَ عَذَابًا مُّهِينًا١٥١
Olaika humu alkafiroona haqqan waaʿtadna lilkafireena ʿathaban muheenan
Kuwaa weeye kuwa run ahaan ah gaalo. Waxaana u diyaarinnay gaalada cadaab dulleysa.
-
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦ وَلَمْ يُفَرِّقُوا۟ بَيْنَ أَحَدٍ مِّنْهُمْ أُو۟لَـٰٓئِكَ سَوْفَ يُؤْتِيهِمْ أُجُورَهُمْ ۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا١٥٢
Waallatheena amanoo biAllahi warusulihi walam yufarriqoo bayna ahadin minhum olaika sawfa yuteehim ojoorahum wakana Allahu ghafooran raheeman
Kuwase rumeeyey Alle iyo Rusushiisa oo aan kala soocin midkoodna ka mid ah oo kala saarin, kuwaas wuxuu Alle siin ajarradooda. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
-
يَسْـَٔلُكَ أَهْلُ ٱلْكِتَـٰبِ أَن تُنَزِّلَ عَلَيْهِمْ كِتَـٰبًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ ۚ فَقَدْ سَأَلُوا۟ مُوسَىٰٓ أَكْبَرَ مِن ذَٰلِكَ فَقَالُوٓا۟ أَرِنَا ٱللَّهَ جَهْرَةً فَأَخَذَتْهُمُ ٱلصَّـٰعِقَةُ بِظُلْمِهِمْ ۚ ثُمَّ ٱتَّخَذُوا۟ ٱلْعِجْلَ مِنۢ بَعْدِ مَا جَآءَتْهُمُ ٱلْبَيِّنَـٰتُ فَعَفَوْنَا عَن ذَٰلِكَ ۚ وَءَاتَيْنَا مُوسَىٰ سُلْطَـٰنًا مُّبِينًا١٥٣
Yasaluka ahlu alkitabi an tunazzila ʿalayhim kitaban mina alssamai faqad saaloo moosa akbara min thalika faqaloo arina Allaha jahratan faakhathathumu alssaʿiqatu bithulmihim thumma ittakhathoo alʿijla min baʿdi ma jaathumu albayyinatu faʿafawna ʿan thalika waatayna moosa sultanan mubeenan
Ehlul Kitaabka (Yuhuudda) waxay ku weydiin inaad kaga soo dejiso Kitaab xagga samada. Waxayba horay kaga dalbeen Muuse arrinkaas mid ka weyn, oo yidhaahdeen: Noo tus Alle si caddaan ah, markaasaa waxaa qabtay onkod daran iyo biriq dulmigoodii dartiis. Haddana waxay samaysteen dibi (ilaah ahaan) kaddib markay xujooyin cad u yimaadeen waanu se ka cafinnay arrinkaa (markay ka tawbad keeneen). Waxaanuna siinnay Muuse Xujo Cad.
-
وَرَفَعْنَا فَوْقَهُمُ ٱلطُّورَ بِمِيثَـٰقِهِمْ وَقُلْنَا لَهُمُ ٱدْخُلُوا۟ ٱلْبَابَ سُجَّدًا وَقُلْنَا لَهُمْ لَا تَعْدُوا۟ فِى ٱلسَّبْتِ وَأَخَذْنَا مِنْهُم مِّيثَـٰقًا غَلِيظًا١٥٤
Warafaʿna fawqahumu alttoora bimeethaqihim waqulna lahumu odkhuloo albaba sujjadan waqulna lahum la taʿdoo fee alssabti waakhathna minhum meethaqan ghaleethan
Waxaana kor u soo qaadnay Buurta (Siinaay) oo dul keennay (goortii aan ka qaadeynay) axdigoodii. Waxaan ku nidhi: Gala Albaabka idinkoo sujuudsan. Oo ku nidhi: Ha ku xadgudbinnana arrinka Sabtida. Waxaana ka qaadnay ballan adag.
-
فَبِمَا نَقْضِهِم مِّيثَـٰقَهُمْ وَكُفْرِهِم بِـَٔايَـٰتِ ٱللَّهِ وَقَتْلِهِمُ ٱلْأَنۢبِيَآءَ بِغَيْرِ حَقٍّ وَقَوْلِهِمْ قُلُوبُنَا غُلْفٌۢ ۚ بَلْ طَبَعَ ٱللَّهُ عَلَيْهَا بِكُفْرِهِمْ فَلَا يُؤْمِنُونَ إِلَّا قَلِيلًا١٥٥
Fabima naqdihim meethaqahum wakufrihim biayati Allahi waqatlihimu alanbiyaa bighayri haqqin waqawlihim quloobuna ghulfun bal tabaʿa Allahu ʿalayha bikufrihim fala yuminoona illa qaleelan
(Sidaa awgeed waan lacnaday) axdigay ka baxeen darteed, iyo rumeyn la’aantooda Aayadaha Alle iyo ku diliddooda Anbiyada xaq darro, iyo qawlkooda ah: Quluubtayada way qufulan yihiin. mayee, Alle baa yeelay shaabbad daboosha gaalnimadooda darteed marka ma rumeeyaan in yar ma’ahee.
-
وَبِكُفْرِهِمْ وَقَوْلِهِمْ عَلَىٰ مَرْيَمَ بُهْتَـٰنًا عَظِيمًا١٥٦
Wabikufrihim waqawlihim ʿala maryama buhtanan ʿatheeman
Iyo rumeyn la’aantooda darteed iyo odhaahdooda ay ka sheegaan Maryam ee been abuur weyn ah.
-
وَقَوْلِهِمْ إِنَّا قَتَلْنَا ٱلْمَسِيحَ عِيسَى ٱبْنَ مَرْيَمَ رَسُولَ ٱللَّهِ وَمَا قَتَلُوهُ وَمَا صَلَبُوهُ وَلَـٰكِن شُبِّهَ لَهُمْ ۚ وَإِنَّ ٱلَّذِينَ ٱخْتَلَفُوا۟ فِيهِ لَفِى شَكٍّ مِّنْهُ ۚ مَا لَهُم بِهِۦ مِنْ عِلْمٍ إِلَّا ٱتِّبَاعَ ٱلظَّنِّ ۚ وَمَا قَتَلُوهُ يَقِينًۢا١٥٧
Waqawlihim inna qatalna almaseeha ʿeesa ibna maryama rasoola Allahi wama qataloohu wama salaboohu walakin shubbiha lahum wainna allatheena ikhtalafoo feehi lafee shakkin minhu ma lahum bihi min ʿilmin illa ittibaʿa alththanni wama qataloohu yaqeenan
Iyo odhaahdooda: Waxaan dilnay Masiixa Ciise ina Maryam, Rasuulkii Alle1, _mase ay dilin2 mana ay daldalin, waase loo arag ekeysiiyey. Oo kuwa isku khilaafa arrinkiisa waxaa kaga jira shaki. Uma heystaan wax cilmi (la hubo oo run ah), waxay raacaan wax kale maahee waa male awaal. Mana ay dilin oo la hubo.
Sharaxa hoose
[1] Waxay u yidhaahdeen Ciise Rasuulkii Alle jeesjees ahaan, waayo ma rumeysneen Risaaladii Ciise c.s. [2] Aayaddan waxay burineysaa sheegashada Yuhuudda inay dileen Ciise c.s.: Alle wuxuu leeyahay ma ay dilin iyagoo huba inuu shakhsi ahaan isaga yahay, taasi macnaheedu waxaa weeye waxay dileen qof kale iyagoo moodayay Ciise c.s. -
بَل رَّفَعَهُ ٱللَّهُ إِلَيْهِ ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمًا١٥٨
Bal rafaʿahu Allahu ilayhi wakana Allahu ʿazeezan hakeeman
Mayee! Alle baa kor u qaaday (jidh iyo ruuxba) Xaggiisa. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
-
وَإِن مِّنْ أَهْلِ ٱلْكِتَـٰبِ إِلَّا لَيُؤْمِنَنَّ بِهِۦ قَبْلَ مَوْتِهِۦ ۖ وَيَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ يَكُونُ عَلَيْهِمْ شَهِيدًا١٥٩
Wain min ahli alkitabi illa layuminanna bihi qabla mawtihi wayawma alqiyamati yakoonu ʿalayhim shaheedan
Ma jiro mid ka mid ah ehlul- Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) aan rumeyn doonin isaga (Nabi Ciise inuu yahay addoon Alle iyo Rasuulkiisa, iyo inaan la dilin lana daldalin) ka hor inta aanu dhiman1. Maalinta Qiyaamahana wuxuu ku marag furi lidkood iyaga.
Sharaxa hoose
[1] Yuhuudi iyo Nasraani kasta ka hor dhimashadiisa (Ciise) waxay aamini inuu Ciise yahay Rasuul Alle, iyo inuusan ahayn wiilkii Alle siday lahaayeen. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen: Mid walba oo ka mid ah Yuhuudda iyo Nasaarada wuxuu aamini sidaa ka hor dhimashadiisa (waqtiga geeridiisa). -
فَبِظُلْمٍ مِّنَ ٱلَّذِينَ هَادُوا۟ حَرَّمْنَا عَلَيْهِمْ طَيِّبَـٰتٍ أُحِلَّتْ لَهُمْ وَبِصَدِّهِمْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ كَثِيرًا١٦٠
Fabithulmin mina allatheena hadoo harramna ʿalayhim tayyibatin ohillat lahum wabisaddihim ʿan sabeeli Allahi katheeran
Dulmi ay galeen kuwaa heystay (diinta) Yuhuudiyadda awgii, ayaan uga xaaraameennay waxyaalo wanaagsan ee horay ugu ahaa xalaal, iyo sababta ka weecintooda (dad) badan Jidka Alle.
-
وَأَخْذِهِمُ ٱلرِّبَوٰا۟ وَقَدْ نُهُوا۟ عَنْهُ وَأَكْلِهِمْ أَمْوَٰلَ ٱلنَّاسِ بِٱلْبَـٰطِلِ ۚ وَأَعْتَدْنَا لِلْكَـٰفِرِينَ مِنْهُمْ عَذَابًا أَلِيمًا١٦١
Waakhthihimu alrriba waqad nuhoo ʿanhu waaklihim amwala alnnasi bialbatili waaʿtadna lilkafireena minhum ʿathaban aleeman
Iyo qaadashadooda Ribada iyagoo laga reebay inay qaataan, iyo ku cunistooda maalka dadka been (laaluush). Waxaana u diyaarinnay kuwooda gaalada ah ee ka mid ah cadaab xanuun badan.
-
لَّـٰكِنِ ٱلرَّٰسِخُونَ فِى ٱلْعِلْمِ مِنْهُمْ وَٱلْمُؤْمِنُونَ يُؤْمِنُونَ بِمَآ أُنزِلَ إِلَيْكَ وَمَآ أُنزِلَ مِن قَبْلِكَ ۚ وَٱلْمُقِيمِينَ ٱلصَّلَوٰةَ ۚ وَٱلْمُؤْتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَٱلْمُؤْمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلْيَوْمِ ٱلْـَٔاخِرِ أُو۟لَـٰٓئِكَ سَنُؤْتِيهِمْ أَجْرًا عَظِيمًا١٦٢
Lakini alrrasikhoona fee alʿilmi minhum waalmuminoona yuminoona bima onzila ilayka wama onzila min qablika waalmuqeemeena alssalata waalmutoona alzzakata waalmuminoona biAllahi waalyawmi alakhiri olaika sanuteehim ajran ʿatheeman
Kuwoodase ku xidideystey cilmiga oo ka mid ah iyo mu’miniintuba, waxay rumeysan yihiin waxa laguu soo dejiyey (Nabiyow) oo Waxyi ah iyo wixii la soo dejiyey Waxyi hortaa, iyo kuwa u ooga salaadda si wanaagsan ee bixiya Sakada ee rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro, kuwaa waxaan siin doonnaa Abaalgud Weyn (Janno).
-
۞ إِنَّآ أَوْحَيْنَآ إِلَيْكَ كَمَآ أَوْحَيْنَآ إِلَىٰ نُوحٍ وَٱلنَّبِيِّـۧنَ مِنۢ بَعْدِهِۦ ۚ وَأَوْحَيْنَآ إِلَىٰٓ إِبْرَٰهِيمَ وَإِسْمَـٰعِيلَ وَإِسْحَـٰقَ وَيَعْقُوبَ وَٱلْأَسْبَاطِ وَعِيسَىٰ وَأَيُّوبَ وَيُونُسَ وَهَـٰرُونَ وَسُلَيْمَـٰنَ ۚ وَءَاتَيْنَا دَاوُۥدَ زَبُورًا١٦٣
Inna awhayna ilayka kama awhayna ila noohin waalnnabiyyeena min baʿdihi waawhayna ila ibraheema waismaʿeela waishaqa wayaʿqooba waalasbati waʿeesa waayyooba wayoonusa waharoona wasulaymana waatayna dawooda zabooran
Waxaanu kuugu waxyoonnay (Nabi Muxammadow) sidaan ugu waxyoonnay Nuux iyo Nabiyadii ka dambeeyay; Waxaana u waxyoonnay Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub, Al-Asbaad (Nabiyadii ahaa firka Yacquub), Ciise, Ayyuub, Yuunus, Haaruun iyo Sulaymaan, Daawuudna Waxaanu siinnay Zabuur.
-
وَرُسُلًا قَدْ قَصَصْنَـٰهُمْ عَلَيْكَ مِن قَبْلُ وَرُسُلًا لَّمْ نَقْصُصْهُمْ عَلَيْكَ ۚ وَكَلَّمَ ٱللَّهُ مُوسَىٰ تَكْلِيمًا١٦٤
Warusulan qad qasasnahum ʿalayka min qablu warusulan lam naqsushum ʿalayka wakallama Allahu moosa takleeman
(Waxaana soo dirnay) Rusul aan kaaga warrannay horey, iyo Rusul aanaan kaaga warramin. Alle wuxuu ula hadlay Muuse si toos ah hadlid1.
Sharaxa hoose
[1] Wuxuu Alle la hadlay Muuse toos dhexeeya la’aan, waxayna ka mid yihiin tilmaamahiisa, sidaa awgeed baa loo yidhaahdaa kaliimul Laah, halka Rususha kale waxyiga la soo marsiiyey Jabriil, wuxuuna Alle la hadlay Nabi Muxammad s.c.w. toos habeenkii Micraajka. -
رُّسُلًا مُّبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَ لِئَلَّا يَكُونَ لِلنَّاسِ عَلَى ٱللَّهِ حُجَّةٌۢ بَعْدَ ٱلرُّسُلِ ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمًا١٦٥
Rusulan mubashshireena wamunthireena lialla yakoona lilnnasi ʿala Allahi hujjatun baʿda alrrusuli wakana Allahu ʿazeezan hakeeman
(Waxaan soo drinay) Rusul ah bishaareeyaal iyo digayaal si aanay dadku ugu yeelan Alle wax cudur daar ah (imaanshaha) Rususha ka dambow. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
-
لَّـٰكِنِ ٱللَّهُ يَشْهَدُ بِمَآ أَنزَلَ إِلَيْكَ ۖ أَنزَلَهُۥ بِعِلْمِهِۦ ۖ وَٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ يَشْهَدُونَ ۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ شَهِيدًا١٦٦
Lakini Allahu yashhadu bima anzala ilayka anzalahu biʿilmihi waalmalaikatu yashhadoona wakafa biAllahi shaheedan
Laakiinse Alle wuxuu markhaati ka yahay waxa uu kuu soo dejiyey wuxuu ku soo dejiyey Cilmigiisa, malaa’igtuna1 waa ka markhaati kacaan (sidoo kale). Alle waa ku Filan yahay Markhaati ahaan.
Sharaxa hoose
[1] Malaa’igta Carshiga hareerahiisa ah sida Jabriil, Miikaa’iil iyo Israafiil. -
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَصَدُّوا۟ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ قَدْ ضَلُّوا۟ ضَلَـٰلًۢا بَعِيدًا١٦٧
Inna allatheena kafaroo wasaddoo ʿan sabeeli Allahi qad dalloo dalalan baʿeedan
Kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle, waxay habaabeen habow aad u fog.
-
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَظَلَمُوا۟ لَمْ يَكُنِ ٱللَّهُ لِيَغْفِرَ لَهُمْ وَلَا لِيَهْدِيَهُمْ طَرِيقًا١٦٨
Inna allatheena kafaroo wathalamoo lam yakuni Allahu liyaghfira lahum wala liyahdiyahum tareeqan
Hubaal, kuwa gaalooba ee dulmi fala (iyagoo ka hor istaagaya dadka Jidka Alle), ma aha Alle Mid u denbi dhaafaya oo ma aha Mid ku hanuunin jidna.
-
إِلَّا طَرِيقَ جَهَنَّمَ خَـٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدًا ۚ وَكَانَ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرًا١٦٩
Illa tareeqa jahannama khalideena feeha abadan wakana thalika ʿala Allahi yaseeran
Jidka Jahannama mooyee, iyagoo ku dhex waaraya weligood, arrinkaana Alle wuu u fudud yahay.
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ قَدْ جَآءَكُمُ ٱلرَّسُولُ بِٱلْحَقِّ مِن رَّبِّكُمْ فَـَٔامِنُوا۟ خَيْرًا لَّكُمْ ۚ وَإِن تَكْفُرُوا۟ فَإِنَّ لِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمًا١٧٠
Ya ayyuha alnnasu qad jaakumu alrrasoolu bialhaqqi min rabbikum faaminoo khayran lakum wain takfuroo fainna lillahi ma fee alssamawati waalardi wakana Allahu ʿaleeman hakeeman
Dadoow! Wuxuu idiinla yimid Rasuulku xaq ka yimid Rabbigiin, ee rumeeya waa wax idiin roon idinka’e. Haddiise aad gaalowdaan, hubaal Alle baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
-
يَـٰٓأَهْلَ ٱلْكِتَـٰبِ لَا تَغْلُوا۟ فِى دِينِكُمْ وَلَا تَقُولُوا۟ عَلَى ٱللَّهِ إِلَّا ٱلْحَقَّ ۚ إِنَّمَا ٱلْمَسِيحُ عِيسَى ٱبْنُ مَرْيَمَ رَسُولُ ٱللَّهِ وَكَلِمَتُهُۥٓ أَلْقَىٰهَآ إِلَىٰ مَرْيَمَ وَرُوحٌ مِّنْهُ ۖ فَـَٔامِنُوا۟ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦ ۖ وَلَا تَقُولُوا۟ ثَلَـٰثَةٌ ۚ ٱنتَهُوا۟ خَيْرًا لَّكُمْ ۚ إِنَّمَا ٱللَّهُ إِلَـٰهٌ وَٰحِدٌ ۖ سُبْحَـٰنَهُۥٓ أَن يَكُونَ لَهُۥ وَلَدٌ ۘ لَّهُۥ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ ۗ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلًا١٧١
Ya ahla alkitabi la taghloo fee deenikum wala taqooloo ʿala Allahi illa alhaqqa innama almaseehu ʿeesa ibnu maryama rasoolu Allahi wakalimatuhu alqaha ila maryama waroohun minhu faaminoo biAllahi warusulihi wala taqooloo thalathatun intahoo khayran lakum innama Allahu ilahun wahidun subhanahu an yakoona lahu waladun lahu ma fee alssamawati wama fee alardi wakafa biAllahi wakeelan
Ehlul-Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Ha ku xad dhaafina diintiinna (iyo camalkiinna), hana ka sheegina Alle waxaan xaq ahayn. Masiixa Ciise ina Maryam waa uun Rasuul Alle iyo Kelmeddiisa uu u diray Maryam iyo ruux Xaggiisa ah uu abuuray; ee rumeeya Alle iyo Rusushiisa, hana odhannina: Waa saddex (ilaah), Ka hara waa wax idiin roon’e. Alle waa uun Ilaah Keliya, wuu ka hufan yahay inuu yeesho wiil. Wuxuuba leeyahay waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Oo ku Filan Alle ka taliye ahaan arrimaha uunka.
-
لَّن يَسْتَنكِفَ ٱلْمَسِيحُ أَن يَكُونَ عَبْدًا لِّلَّهِ وَلَا ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ ٱلْمُقَرَّبُونَ ۚ وَمَن يَسْتَنكِفْ عَنْ عِبَادَتِهِۦ وَيَسْتَكْبِرْ فَسَيَحْشُرُهُمْ إِلَيْهِ جَمِيعًا١٧٢
Lan yastankifa almaseehu an yakoona ʿabdan lillahi wala almalaikatu almuqarraboona waman yastankif ʿan ʿibadatihi wayastakbir fasayahshuruhum ilayhi jameeʿan
Masiixa (Ciise ina Maryam) sinnaba isagama kibriyo inuu ahaado addoon Alle, iyo sidoo kale malaa’igta u dhow (Alle). Qofkii iska kibriya Caabudidda (Alle) oo islaweyn, Wuxuu u soo kulmin Xaggiisa dhammaantood.
-
فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ فَيُوَفِّيهِمْ أُجُورَهُمْ وَيَزِيدُهُم مِّن فَضْلِهِۦ ۖ وَأَمَّا ٱلَّذِينَ ٱسْتَنكَفُوا۟ وَٱسْتَكْبَرُوا۟ فَيُعَذِّبُهُمْ عَذَابًا أَلِيمًا وَلَا يَجِدُونَ لَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ وَلِيًّا وَلَا نَصِيرًا١٧٣
Faamma allatheena amanoo waʿamiloo alssalihati fayuwaffeehim ojoorahum wayazeeduhum min fadlihi waamma allatheena istankafoo waistakbaroo fayuʿaththibuhum ʿathaban aleeman wala yajidoona lahum min dooni Allahi waliyyan wala naseeran
Ma kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, wuxuu siin ajarradooda ay muteen oo dhan, oo u ziyaadin wax badan oo ka mid ah Fadligiisa. Kuwase iska weyneeya Caabudidda (Alle keliya) oo is kibriya, Wuxuu cadaabi cadaab xanuun badan. Mana u helayaan nafahooda Alle sokadi sokeeye iyo gargaare midna.
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ قَدْ جَآءَكُم بُرْهَـٰنٌ مِّن رَّبِّكُمْ وَأَنزَلْنَآ إِلَيْكُمْ نُورًا مُّبِينًا١٧٤
Ya ayyuha alnnasu qad jaakum burhanun min rabbikum waanzalna ilaykum nooran mubeenan
Dadow! Waxaa idiinka yimid Xujo Cad xagga Rabbigiin (waa Nabi Muxammad s.c.w), Waxaana idiin soo dirnay Nuur cad (Qur’aanka).
-
فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ بِٱللَّهِ وَٱعْتَصَمُوا۟ بِهِۦ فَسَيُدْخِلُهُمْ فِى رَحْمَةٍ مِّنْهُ وَفَضْلٍ وَيَهْدِيهِمْ إِلَيْهِ صِرَٰطًا مُّسْتَقِيمًا١٧٥
Faamma allatheena amanoo biAllahi waiʿtasamoo bihi fasayudkhiluhum fee rahmatin minhu wafadlin wayahdeehim ilayhi siratan mustaqeeman
Ma kuwa rumeeya Alle oo si sugan u qabsada (Kitaabkiisa iyo Sunnada Rasuulkiisa) wuxuu gelin Naxariis Xaggiisa ah iyo Fadli, wuxuuna ku hanuunin Xaggiisa Jid Toosan (Islaamka).
-
يَسْتَفْتُونَكَ قُلِ ٱللَّهُ يُفْتِيكُمْ فِى ٱلْكَلَـٰلَةِ ۚ إِنِ ٱمْرُؤٌا۟ هَلَكَ لَيْسَ لَهُۥ وَلَدٌ وَلَهُۥٓ أُخْتٌ فَلَهَا نِصْفُ مَا تَرَكَ ۚ وَهُوَ يَرِثُهَآ إِن لَّمْ يَكُن لَّهَا وَلَدٌ ۚ فَإِن كَانَتَا ٱثْنَتَيْنِ فَلَهُمَا ٱلثُّلُثَانِ مِمَّا تَرَكَ ۚ وَإِن كَانُوٓا۟ إِخْوَةً رِّجَالًا وَنِسَآءً فَلِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ ٱلْأُنثَيَيْنِ ۗ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمْ أَن تَضِلُّوا۟ ۗ وَٱللَّهُ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمٌۢ١٧٦
Yastaftoonaka quli Allahu yufteekum fee alkalalati ini imruon halaka laysa lahu waladun walahu okhtun falaha nisfu ma taraka wahuwa yarithuha in lam yakun laha waladun fain kanata ithnatayni falahuma alththuluthani mimma taraka wain kanoo ikhwatan rijalan wanisaan falilththakari mithlu haththi alonthayayni yubayyinu Allahu lakum an tadilloo waAllahu bikulli shayin ʿaleemun
Waxay ku weydiin inaad wax uga sheegto xukun sharci ah. Dheh: Alle baa idinka siinaya xukun arrinka qofaan lahayn waalid iyo ubad midna. Hadduu dhinto nin aan ilmo lahayn (iyo waalid midna), leh se walaaley (ay isku aabbe iyo hooyo yihiin ama isku aabbe keliya) waxay leedahay kala bar wuxuu ka tago (dhaxal), isaguna wuu dhaxli maalkeeda oo dhan haddaanay lahayn ilmo (iyo waalid midna). Hadday yihiinna kuwa dhaxli labo (gabdhood oo walaalo ah) waxay leeyihiin seddex meeloodoo labo meel wuxuu ka tago (dhaxal); haddayse yihiin walaalo rag iyo dumarba leh, labku wuxuu leeyahay wax la mid ah saamiga labo dheddig. Alle Wuxuu idiinka dhigaa caddaan (Xeerarkiisa) si aydaan u lumin. Alle wax walba wuu Ogsoon yahay.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda An-Nisaa’?
Macnaha An-Nisaa’ waa “Haweenka”.
Suuradda An-Nisaa’ juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda An-Nisaa’ waxay ku fidsan tahay juz’ 4, 5 iyo 6.
Suuradda An-Nisaa’ immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda An-Nisaa’ waxay leedahay 176 aayadood.
Suuradda An-Nisaa’ ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda An-Nisaa’ waa suurad Madani ah.
Suuradda An-Nisaa’ waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 4aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.