سورة التغابن

Suuradda At-Taghaabun oo af Soomaali ah

Khasaaraha

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda At-Taghaabun (التغابن) waa suuradda 64aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 18 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Khasaaraha”. Waa suurad Madani ah, oo ku soo degtay Madiina kadib Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 28.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda At-Taghaabun oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda At-Taghaabun oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. يُسَبِّحُ لِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ ۖ لَهُ ٱلْمُلْكُ وَلَهُ ٱلْحَمْدُ ۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ۝١

    Yusabbihu lillahi ma fee alssamawati wama fee alardi lahu almulku walahu alhamdu wahuwa ʿala kulli shayin qadeerun

    Waxaa Xurma weyneeya oo (xumaan ka) hufa Alle waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Alle baana leh Boqortooyada (runta ah), oo leh Ammaan idilkeed iyo Mahad, oo wax walba Kara.

  2. هُوَ ٱلَّذِى خَلَقَكُمْ فَمِنكُمْ كَافِرٌ وَمِنكُم مُّؤْمِنٌ ۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ۝٢

    Huwa allathee khalaqakum faminkum kafirun waminkum muminun waAllahu bima taʿmaloona baseerun

    Alle waa Kan idin abuuray, markaas qaarkiin noqdeen gaalo, qaarkiinna m’uminiin. Alle wuu Arkaa waxaad fashaan.

  3. خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ بِٱلْحَقِّ وَصَوَّرَكُمْ فَأَحْسَنَ صُوَرَكُمْ ۖ وَإِلَيْهِ ٱلْمَصِيرُ۝٣

    Khalaqa alssamawati waalarda bialhaqqi wasawwarakum faahsana suwarakum wailayhi almaseeru

    Wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq, wuuna idin suureeyey oo wanaajiyey suuradahiinna, waana Xaggiisa Noqodka Dambe (Aakhirada).

  4. يَعْلَمُ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَيَعْلَمُ مَا تُسِرُّونَ وَمَا تُعْلِنُونَ ۚ وَٱللَّهُ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ۝٤

    Yaʿlamu ma fee alssamawati waalardi wayaʿlamu ma tusirroona wama tuʿlinoona waAllahu ʿaleemun bithati alssudoori

    Wuxuu Og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, Wuxuuna Og yahay waxaad qarisaan iyo waxaad muujisaanba. Alle waa ogaha waxa ku jira laabaha (dadka).

  5. أَلَمْ يَأْتِكُمْ نَبَؤُا۟ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِن قَبْلُ فَذَاقُوا۟ وَبَالَ أَمْرِهِمْ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ۝٥

    Alam yatikum nabao allatheena kafaroo min qablu fathaqoo wabala amrihim walahum ʿathabun aleemun

    Miyuusan idin soo gaadhin warka kuwii gaaloobay awal hore, waxay dhadhamiyeen cidhib xumadii arrinkooda, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan?

  6. ذَٰلِكَ بِأَنَّهُۥ كَانَت تَّأْتِيهِمْ رُسُلُهُم بِٱلْبَيِّنَـٰتِ فَقَالُوٓا۟ أَبَشَرٌ يَهْدُونَنَا فَكَفَرُوا۟ وَتَوَلَّوا۟ ۚ وَّٱسْتَغْنَى ٱللَّهُ ۚ وَٱللَّهُ غَنِىٌّ حَمِيدٌ۝٦

    Thalika biannahu kanat tateehim rusuluhum bialbayyinati faqaloo abasharun yahdoonana fakafaroo watawallaw waistaghna Allahu waAllahu ghaniyyun hameedun

    (Arrin)kaasi waxaa ugu wacan waxay ula yimaadeen Rusushoodii xujooyin cad, waxayse yidhaahdeen: Ma qof aadmi ah baa na hanuuninaya? markaasay gaaloobeen oo ka jeesadeen (Xaqa). Alle uma baahna (cidna). Alle waa Hodan Deeqtoon, Ammaanan.

  7. زَعَمَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَن لَّن يُبْعَثُوا۟ ۚ قُلْ بَلَىٰ وَرَبِّى لَتُبْعَثُنَّ ثُمَّ لَتُنَبَّؤُنَّ بِمَا عَمِلْتُمْ ۚ وَذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٌ۝٧

    Zaʿama allatheena kafaroo an lan yubʿathoo qul bala warabbee latubʿathunna thumma latunabbaonna bima ʿamiltum wathalika ʿala Allahi yaseerun

    Kuwa gaalooba waxay moodaan inaan marnaba laga soo bixinaynin (iilka). Dheh: Haayoo! waa igu Rabbigaye, waa la idin soo bixin, markaas waxaa la idiin sheegi (oo la idinka jaazeyn) waxaad fasheen, (arrin)kaasina Alle wuu u fudud yahay.

  8. فَـَٔامِنُوا۟ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَٱلنُّورِ ٱلَّذِىٓ أَنزَلْنَا ۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ۝٨

    Faaminoo biAllahi warasoolihi waalnnoori allathee anzalna waAllahu bima taʿmaloona khabeerun

    Ee rumeeya Alle iyo Rasuulkiisa iyo Nuurka (Qur’aanka) aan soo dejinnay. Alle waa ka war hayaa waxaad fashaan.

  9. يَوْمَ يَجْمَعُكُمْ لِيَوْمِ ٱلْجَمْعِ ۖ ذَٰلِكَ يَوْمُ ٱلتَّغَابُنِ ۗ وَمَن يُؤْمِنۢ بِٱللَّهِ وَيَعْمَلْ صَـٰلِحًا يُكَفِّرْ عَنْهُ سَيِّـَٔاتِهِۦ وَيُدْخِلْهُ جَنَّـٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ خَـٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدًا ۚ ذَٰلِكَ ٱلْفَوْزُ ٱلْعَظِيمُ۝٩

    Yawma yajmaʿukum liyawmi aljamʿi thalika yawmu alttaghabuni waman yumin biAllahi wayaʿmal salihan yukaffir ʿanhu sayyiatihi wayudkhilhu jannatin tajree min tahtiha alanharu khalideena feeha abadan thalika alfawzu alʿatheemu

    Maalinta (Qiyaamada) uu idiin soo kulmin idinkoo dhan Maalinta Kulanka1, taasu waa maalin kedo uu qof khayr heli (mu’minka) ama uu ku dhici khasaaro weyn (gaalka). Qofkii rumeeya Alle oo sama fala, Wuxuu (Alle) ka tiri denbiyadiisa oo gelin Jannooyin ay hoostoodu webiyo qulqulaan ay ku dhex waarayaan weligood, taasi waa Liibaanta Weyn.

    Sharaxa hoose
    [1] At-Taqaabun waa magac kale oo loo yaqaan Maalinta Qiyaamaha.
  10. وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَكَذَّبُوا۟ بِـَٔايَـٰتِنَآ أُو۟لَـٰٓئِكَ أَصْحَـٰبُ ٱلنَّارِ خَـٰلِدِينَ فِيهَا ۖ وَبِئْسَ ٱلْمَصِيرُ۝١٠

    Waallatheena kafaroo wakaththaboo biayatina olaika ashabu alnnari khalideena feeha wabisa almaseeru

    Kuwase gaalooba oo beeniya Aayadahayaga kuwaasu waa ehlu-Naar, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Xumaa aayotiin ahaan iyo meel la ahaado.

  11. مَآ أَصَابَ مِن مُّصِيبَةٍ إِلَّا بِإِذْنِ ٱللَّهِ ۗ وَمَن يُؤْمِنۢ بِٱللَّهِ يَهْدِ قَلْبَهُۥ ۚ وَٱللَّهُ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمٌ۝١١

    Ma asaba min museebatin illa biithni Allahi waman yumin biAllahi yahdi qalbahu waAllahu bikulli shayin ʿaleemun

    Ma jirto wax masiibo ah oo dhaca ilaa waxay ku dhacdaa Idanka Alle. Qofkii rumeeya Alle, wuxuu hanuuniyaa qalbigiisa (oo xasila). Alle wax walba wuu Og yahay.

  12. وَأَطِيعُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُوا۟ ٱلرَّسُولَ ۚ فَإِن تَوَلَّيْتُمْ فَإِنَّمَا عَلَىٰ رَسُولِنَا ٱلْبَلَـٰغُ ٱلْمُبِينُ۝١٢

    Waateeʿoo Allaha waateeʿoo alrrasoola fain tawallaytum fainnama ʿala rasoolina albalaghu almubeenu

    Adeeca Allaah, adeecana Rasuulka, haddaadse jeesataan (Xaqa diiddaan), waxaa saaran Rasuulkayaga oo keliya Gaarsiin Cad.

  13. ٱللَّهُ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ ٱلْمُؤْمِنُونَ۝١٣

    Allahu la ilaha illa huwa waʿala Allahi falyatawakkali almuminoona

    Allaah! Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, Allaah (oo keliya) ha talo saarteen mu’miiniintu.

  14. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِنَّ مِنْ أَزْوَٰجِكُمْ وَأَوْلَـٰدِكُمْ عَدُوًّا لَّكُمْ فَٱحْذَرُوهُمْ ۚ وَإِن تَعْفُوا۟ وَتَصْفَحُوا۟ وَتَغْفِرُوا۟ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ۝١٤

    Ya ayyuha allatheena amanoo inna min azwajikum waawladikum ʿaduwwan lakum faihtharoohum wain taʿfoo watasfahoo wataghfiroo fainna Allaha ghafoorun raheemun

    Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Waxaa ka mid ah xaasaskiinna iyo ilmahiinna kuwo cadow idiin ah, ee ka digtoonaada! Haddaadse iska cafidaan (gefafka ay idinka galaan) oo saamaxdaan (adduunyo wixii la xidhiidha), oo u ceeb qarisaan, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

  15. إِنَّمَآ أَمْوَٰلُكُمْ وَأَوْلَـٰدُكُمْ فِتْنَةٌ ۚ وَٱللَّهُ عِندَهُۥٓ أَجْرٌ عَظِيمٌ۝١٥

    Innama amwalukum waawladukum fitnatun waAllahu ʿindahu ajrun ʿatheemun

    Maalkiinna iyo awlaadiinna waa uun imtixaan1, Alle agtiisase waxaa ah abaalgud Weyn (Janno).

    Sharaxa hoose
    [1] Waxay ku noqon karaan ilmuhu fidmo iyagoo ku xambaara waalidiinta inay falaan waxyaalaha la reebay ee xaaraanta ah .
  16. فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ مَا ٱسْتَطَعْتُمْ وَٱسْمَعُوا۟ وَأَطِيعُوا۟ وَأَنفِقُوا۟ خَيْرًا لِّأَنفُسِكُمْ ۗ وَمَن يُوقَ شُحَّ نَفْسِهِۦ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُفْلِحُونَ۝١٦

    Faittaqoo Allaha ma istataʿtum waismaʿoo waateeʿoo waanfiqoo khayran lianfusikum waman yooqa shuhha nafsihi faolaika humu almuflihoona

    Ee dhowra (amarrada) Alle intii karaankiinna ah1; oo maqla, adeecana, lana baxa sadaqo idinkay idiin roon tahaye. Qofkii laga dhowro bakheylnimada naftiisa, kuwaasi weeye kuwa liibaani.

    Sharaxa hoose
    [1] Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Markaan wax idin amro la imaada waxaad kartaan, markaanse wax idinka reebo ka reebtoonaada oo ka fogaada”.
  17. إِن تُقْرِضُوا۟ ٱللَّهَ قَرْضًا حَسَنًا يُضَـٰعِفْهُ لَكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ۚ وَٱللَّهُ شَكُورٌ حَلِيمٌ۝١٧

    In tuqridoo Allaha qardan hasanan yudaʿifhu lakum wayaghfir lakum waAllahu shakoorun haleemun

    Haddaad amaahisaan Alle amaah wanaagsan1, Wuu idiin labo laabayaa (ajarka) oo idiin denbi dhaafi. Alle waa Tixgeliye wanaagga, ajar siin iyo Dul qaad Badan.

    Sharaxa hoose
    [1] Waa bixisaan sadaqo Alle darti ama deymisaan walaal Muslim ah deyn aan kor saar lahayn.
  18. عَـٰلِمُ ٱلْغَيْبِ وَٱلشَّهَـٰدَةِ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ۝١٨

    ʿalimu alghaybi waalshshahadati alʿazeezu alhakeemu

    Waa Ogsoonaha waxaan muuqan iyo waxa muuqda, Adkaadaha, Xakiimka ah.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda At-Taghaabun?

Macnaha At-Taghaabun waa “Khasaaraha”.

Suuradda At-Taghaabun juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda At-Taghaabun waxay ku jirtaa juz’ 28.

Suuradda At-Taghaabun immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda At-Taghaabun waxay leedahay 18 aayadood.

Suuradda At-Taghaabun ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda At-Taghaabun waa suurad Madani ah.

Suuradda At-Taghaabun waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 64aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.