سورة التحريم
Suuradda At-Taxriim oo af Soomaali ah
Xarrimidda
- 66
- 12 aayadood
- Madani
- Juz’ 28
- Bogagga 560–561
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda At-Taxriim (التحريم) waa suuradda 66aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 12 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Xarrimidda”. Waa suurad Madani ah, oo ku soo degtay Madiina kadib Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 28.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda At-Taxriim oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda At-Taxriim oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ لِمَ تُحَرِّمُ مَآ أَحَلَّ ٱللَّهُ لَكَ ۖ تَبْتَغِى مَرْضَاتَ أَزْوَٰجِكَ ۚ وَٱللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ١
Ya ayyuha alnnabiyyu lima tuharrimu ma ahalla Allahu laka tabtaghee mardata azwajika waAllahu ghafoorun raheemun
Nabiyow! Maxaad uga xarrimeysaa (Naftaada) wuxuu Alle kuu xalaaaleeyey si aad u raalli geliso xaasaskaaga? Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis badan.
-
قَدْ فَرَضَ ٱللَّهُ لَكُمْ تَحِلَّةَ أَيْمَـٰنِكُمْ ۚ وَٱللَّهُ مَوْلَىٰكُمْ ۖ وَهُوَ ٱلْعَلِيمُ ٱلْحَكِيمُ٢
Qad farada Allahu lakum tahillata aymanikum waAllahu mawlakum wahuwa alʿaleemu alhakeemu
Wuxuu Alle horeyba idiinku jideeyey dhaar furyo1. Alle waa gargaarahiin. Waa wax walba Ogsoonaha, Xakiimka ah.
Sharaxa hoose
[1] Inaad sameysaan kafaara gud:. Xagga kafaara gudka la bixinayo: eeg Suuradda 5: Aayadda 89 -
وَإِذْ أَسَرَّ ٱلنَّبِىُّ إِلَىٰ بَعْضِ أَزْوَٰجِهِۦ حَدِيثًا فَلَمَّا نَبَّأَتْ بِهِۦ وَأَظْهَرَهُ ٱللَّهُ عَلَيْهِ عَرَّفَ بَعْضَهُۥ وَأَعْرَضَ عَنۢ بَعْضٍ ۖ فَلَمَّا نَبَّأَهَا بِهِۦ قَالَتْ مَنْ أَنۢبَأَكَ هَـٰذَا ۖ قَالَ نَبَّأَنِىَ ٱلْعَلِيمُ ٱلْخَبِيرُ٣
Waith asarra alnnabiyyu ila baʿdi azwajihi hadeethan falamma nabbaat bihi waathharahu Allahu ʿalayhi ʿarrafa baʿdahu waaʿrada ʿan baʿdin falamma nabbaaha bihi qalat man anbaaka hatha qala nabbaaniya alʿaleemu alkhabeeru
Markuu Nabigu ku qarsaday war sir ah mid ka mid ah xaasaskiisa1, markayse u sheegaty mid kale2 warkaa, Allena u soo bandhigay (Nabiga), wuxuu xusay qaar ka mid ah waxay sheegtay oo iska daayey qaar. Markuu u sheegay arrinkaa, waxay tidhi: Yaa kuu sheegay arrinkani? Wuxuu yidhi: Waxaa ii sheegay (Allaah) Wax walba Ogsoonaha, Xog Ogaalka ah.
Sharaxa hoose
[1] Waa Xafsah a.k.r. [2] Waa Caa'ishah a.k.r. -
إِن تَتُوبَآ إِلَى ٱللَّهِ فَقَدْ صَغَتْ قُلُوبُكُمَا ۖ وَإِن تَظَـٰهَرَا عَلَيْهِ فَإِنَّ ٱللَّهَ هُوَ مَوْلَىٰهُ وَجِبْرِيلُ وَصَـٰلِحُ ٱلْمُؤْمِنِينَ ۖ وَٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ بَعْدَ ذَٰلِكَ ظَهِيرٌ٤
In tatooba ila Allahi faqad saghat quloobukuma wain tathahara ʿalayhi fainna Allaha huwa mawlahu wajibreelu wasalihu almumineena waalmalaikatu baʿda thalika thaheerun
Haddaad labadiinnu Alle u noqotaan (oo tawbad keentaan) inkastoo quluubtiinnu iilatay (Alle wuu idiin denbi dhaafi); haddaadse isu kaalmeysataan (Nabiga) dhibkiisa, hubaal, Alle baa ah Gargaarahiis iyo Jabriil iyo mu’miniinta wanaagsan - malaa’igta (kale) baana intaas kaddib garab u ah.
-
عَسَىٰ رَبُّهُۥٓ إِن طَلَّقَكُنَّ أَن يُبْدِلَهُۥٓ أَزْوَٰجًا خَيْرًا مِّنكُنَّ مُسْلِمَـٰتٍ مُّؤْمِنَـٰتٍ قَـٰنِتَـٰتٍ تَـٰٓئِبَـٰتٍ عَـٰبِدَٰتٍ سَـٰٓئِحَـٰتٍ ثَيِّبَـٰتٍ وَأَبْكَارًا٥
ʿAsa rabbuhu in tallaqakunna an yubdilahu azwajan khayran minkunna muslimatin muminatin qanitatin taibatin ʿabidatin saihatin thayyibatin waabkaran
Waa intaasoo, Rabbigi, hadduu (Nabigu) idin furo, siiyo beddelkiin xaasas idinka khayr badan, muslimooyin ah, mu’minooyin, daacad, soo noqosho iyo tawbad keen badan, caabidooyin, soomanooyin1, leh garoobbo iyo gabdhaba bikrooyin ah.
Sharaxa hoose
[1] Saa’ixaat waxaa lagu fasiray soomanooyin. Waxaa sidoo kale lagu fasiray kuwa u socda khayrka iyo fidinta diinta Alle (Islaamka) iyo wanaagga iyo samo ka talinta. -
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ قُوٓا۟ أَنفُسَكُمْ وَأَهْلِيكُمْ نَارًا وَقُودُهَا ٱلنَّاسُ وَٱلْحِجَارَةُ عَلَيْهَا مَلَـٰٓئِكَةٌ غِلَاظٌ شِدَادٌ لَّا يَعْصُونَ ٱللَّهَ مَآ أَمَرَهُمْ وَيَفْعَلُونَ مَا يُؤْمَرُونَ٦
Ya ayyuha allatheena amanoo qoo anfusakum waahleekum naran waqooduha alnnasu waalhijaratu ʿalayha malaikatun ghilathun shidadun la yaʿsoona Allaha ma amarahum wayafʿaloona ma yumaroona
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ka dhowra nafahiinna iyo eheladdiinaba Naar lagu hurinaayo dad iyo dhagax, ay u xilsaaran yihiin malaa’ig adag oo daran, kuma ay caasiyaan Alle wuxuu ku amraba, waxayna falaan wixii la amro.
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَا تَعْتَذِرُوا۟ ٱلْيَوْمَ ۖ إِنَّمَا تُجْزَوْنَ مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ٧
Ya ayyuha allatheena kafaroo la taʿtathiroo alyawma innama tujzawna ma kuntum taʿmaloona
Gaaloy! Ha cudur daarannina Maanta. Waxaa la idinku abaal marin uun wax waafaqsan waxaad fasheen.
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ تُوبُوٓا۟ إِلَى ٱللَّهِ تَوْبَةً نَّصُوحًا عَسَىٰ رَبُّكُمْ أَن يُكَفِّرَ عَنكُمْ سَيِّـَٔاتِكُمْ وَيُدْخِلَكُمْ جَنَّـٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ يَوْمَ لَا يُخْزِى ٱللَّهُ ٱلنَّبِىَّ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مَعَهُۥ ۖ نُورُهُمْ يَسْعَىٰ بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَبِأَيْمَـٰنِهِمْ يَقُولُونَ رَبَّنَآ أَتْمِمْ لَنَا نُورَنَا وَٱغْفِرْ لَنَآ ۖ إِنَّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ٨
Ya ayyuha allatheena amanoo tooboo ila Allahi tawbatan nasoohan ʿasa rabbukum an yukaffira ʿankum sayyiatikum wayudkhilakum jannatin tajree min tahtiha alanharu yawma la yukhzee Allahu alnnabiyya waallatheena amanoo maʿahu nooruhum yasʿa bayna aydeehim wabiaymanihim yaqooloona rabbana atmim lana noorana waighfir lana innaka ʿala kulli shayin qadeerun
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! U tawbad keena Alle tawbad san, si uu Rabbigiin idiinka tirtiro xumaatooyinkiinna, idiin geliyona Jannooyin ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, Maalinta uusan Alle hoojineyn Nabiga iyo kuwa (Xaqa) la rumeeyey, Nuurkoodu socon hortooda, iyo xagga gacmahooda midig, waxay odhan: Rabbigayow! Noo dhammeystir Nuurkayaga oo noo denbi dhaaf. Adigu wax walba waad Kartaaye.
-
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ جَـٰهِدِ ٱلْكُفَّارَ وَٱلْمُنَـٰفِقِينَ وَٱغْلُظْ عَلَيْهِمْ ۚ وَمَأْوَىٰهُمْ جَهَنَّمُ ۖ وَبِئْسَ ٱلْمَصِيرُ٩
Ya ayyuha alnnabiyyu jahidi alkuffara waalmunafiqeena waoghluth ʿalayhim wamawahum jahannamu wabisa almaseeru
Nabiyow! La jihaad gaalada iyo munaafiqiinta (nabad diidka ah), kuna adkow, hoygoodu waa Jahannama - oo u xun meel la ahaado.
-
ضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلًا لِّلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ٱمْرَأَتَ نُوحٍ وَٱمْرَأَتَ لُوطٍ ۖ كَانَتَا تَحْتَ عَبْدَيْنِ مِنْ عِبَادِنَا صَـٰلِحَيْنِ فَخَانَتَاهُمَا فَلَمْ يُغْنِيَا عَنْهُمَا مِنَ ٱللَّهِ شَيْـًٔا وَقِيلَ ٱدْخُلَا ٱلنَّارَ مَعَ ٱلدَّٰخِلِينَ١٠
Daraba Allahu mathalan lillatheena kafaroo imraata noohin waimraata lootin kanata tahta ʿabdayni min ʿibadina salihayni fakhanatahuma falam yughniya ʿanhuma mina Allahi shayan waqeela odkhula alnnara maʿa alddakhileena
Alle wuxuu tusaale uga dhigay kuwa gaalada ahi, xaaskii Nuux iyo xaaskii Luud; waxay hoos joogeen labo addoon oo ka mid ah addoomahayaga wanaagsan, waxayse u dhaqmeen si khiyaano ah xaggooda1, marka waxba iyagu ugama ay tarin (xaasaskoodii) xagga Alle. Waxaana la yidhi: La gala Naarta kuwa gali.
Sharaxa hoose
[1] Xagga arrimaha diinta ee ma aha gogosha, iwm. -
وَضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلًا لِّلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱمْرَأَتَ فِرْعَوْنَ إِذْ قَالَتْ رَبِّ ٱبْنِ لِى عِندَكَ بَيْتًا فِى ٱلْجَنَّةِ وَنَجِّنِى مِن فِرْعَوْنَ وَعَمَلِهِۦ وَنَجِّنِى مِنَ ٱلْقَوْمِ ٱلظَّـٰلِمِينَ١١
Wadaraba Allahu mathalan lillatheena amanoo imraata firʿawna ith qalat rabbi ibni lee ʿindaka baytan fee aljannati wanajjinee min firʿawna waʿamalihi wanajjinee mina alqawmi alththalimeena
Wuxuuna Alle tusaale uga dhigay kuwa (Xaqa) rumeeyey, xaaskii Fircoon; markay tidhi: Rabbiyow! Iiga dhis guri agtaada jannada gudaheeda, oo iga samata bixi Fircoon iyo camal xumadiisa, igana samata bixi qoloda daalimiinta ah (gar diidka).
-
وَمَرْيَمَ ٱبْنَتَ عِمْرَٰنَ ٱلَّتِىٓ أَحْصَنَتْ فَرْجَهَا فَنَفَخْنَا فِيهِ مِن رُّوحِنَا وَصَدَّقَتْ بِكَلِمَـٰتِ رَبِّهَا وَكُتُبِهِۦ وَكَانَتْ مِنَ ٱلْقَـٰنِتِينَ١٢
Wamaryama ibnata ʿimrana allatee ahsanat farjaha fanafakhna feehi min roohina wasaddaqat bikalimati rabbiha wakutubihi wakanat mina alqaniteena
Iyo sidoo kale Maryam, gabadhii Cimraan, taasoo xafidday farjigeeda; waxaana ka afuufnay (jeebka cambuurkeeda uu ka afuufay malag Jabriil), waxayna rumeysay Kelmedihii Rabbigeed iyo Kutubtiisa, kana mid aheyd kuwa Alle adeeca.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda At-Taxriim?
Macnaha At-Taxriim waa “Xarrimidda”.
Suuradda At-Taxriim juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda At-Taxriim waxay ku jirtaa juz’ 28.
Suuradda At-Taxriim immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda At-Taxriim waxay leedahay 12 aayadood.
Suuradda At-Taxriim ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda At-Taxriim waa suurad Madani ah.
Suuradda At-Taxriim waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 66aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.