سورة الطلاق

Suuradda Ad-Dalaaq oo af Soomaali ah

Furriinka

Musxafka

Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF

Suuradda Ad-Dalaaq (الطلاق) waa suuradda 65aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 12 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Furriinka”. Waa suurad Madani ah, oo ku soo degtay Madiina kadib Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 28.

Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Ad-Dalaaq oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.

Suuradda Ad-Dalaaq oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

  1. يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ إِذَا طَلَّقْتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَطَلِّقُوهُنَّ لِعِدَّتِهِنَّ وَأَحْصُوا۟ ٱلْعِدَّةَ ۖ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ رَبَّكُمْ ۖ لَا تُخْرِجُوهُنَّ مِنۢ بُيُوتِهِنَّ وَلَا يَخْرُجْنَ إِلَّآ أَن يَأْتِينَ بِفَـٰحِشَةٍ مُّبَيِّنَةٍ ۚ وَتِلْكَ حُدُودُ ٱللَّهِ ۚ وَمَن يَتَعَدَّ حُدُودَ ٱللَّهِ فَقَدْ ظَلَمَ نَفْسَهُۥ ۚ لَا تَدْرِى لَعَلَّ ٱللَّهَ يُحْدِثُ بَعْدَ ذَٰلِكَ أَمْرًا۝١

    Ya ayyuha alnnabiyyu itha tallaqtumu alnnisaa fatalliqoohunna liʿiddatihinna waahsoo alʿiddata waittaqoo Allaha rabbakum la tukhrijoohunna min buyootihinna wala yakhrujna illa an yateena bifahishatin mubayyinatin watilka hudoodu Allahi waman yataʿadda hudooda Allahi faqad thalama nafsahu la tadree laʿalla Allaha yuhdithu baʿda thalika amran

    Nabiyow! Markaad furaysaan haween, fura iyagoo markaas ku jira waqtiga loo qabtay furitaanka1, oo u tiriya (si dhan) maalmaha ciddada 'muddada ay sugayaan furitaanka kaddib'2, Alle ka cabsada, Rabbigiin, ha uga saarina (xaasaskiinna) debedda guryahooda, yeysan iyaguna bixin (intay ciddada ku jiraan ee la soo ceshan karo) inay la yimaadaan maahee xumaan cad. Kuwaas waa soohdimaha uu dhigay Alle. Qofkii ka tillaaba soohdimaha uu dhigay Alle, wuxuu dulmiyey naftiisa. (Midka furayow xaaskiisa) ma ogid waxaa laga yaabaa inuu Alle dib ka keeno xaal cusub3.

    Sharaxa hoose
    [1] Haweeni waxaa bannaan in la furo markuu dhammaado dhiigga caadadeeda oo ka daahir noqoto, ka hor inta aan loo galmoon ama iyadoo uur leh. [2] Waa inaan lagu dirqin inay baxaan ama is madax furtaan. [3] Sida inay ka xumaadaan waxa ka dhex dhacay ama uu jaceyl hor leh uu galo ninka iyo xaaskiisa oo isku soo noqdaan.
  2. فَإِذَا بَلَغْنَ أَجَلَهُنَّ فَأَمْسِكُوهُنَّ بِمَعْرُوفٍ أَوْ فَارِقُوهُنَّ بِمَعْرُوفٍ وَأَشْهِدُوا۟ ذَوَىْ عَدْلٍ مِّنكُمْ وَأَقِيمُوا۟ ٱلشَّهَـٰدَةَ لِلَّهِ ۚ ذَٰلِكُمْ يُوعَظُ بِهِۦ مَن كَانَ يُؤْمِنُ بِٱللَّهِ وَٱلْيَوْمِ ٱلْـَٔاخِرِ ۚ وَمَن يَتَّقِ ٱللَّهَ يَجْعَل لَّهُۥ مَخْرَجًا۝٢

    Faitha balaghna ajalahunna faamsikoohunna bimaʿroofin aw fariqoohunna bimaʿroofin waashhidoo thaway ʿadlin minkum waaqeemoo alshshahadata lillahi thalikum yooʿathu bihi man kana yuminu biAllahi waalyawmi alakhiri waman yattaqi Allaha yajʿal lahu makhrajan

    Markay ku dhowaadaan (dhammaadka) ciddadooda la qabtay1, dib ugu soo ceshada si wanaagsan oo gar ah ama u kala taga si wanaagsan oo gar ah. Oo u gashada markhaati (kolka aad rabtaan inaad soo ceshataan, ama aad furtaan) labo caddaalad leh oo idinka mid ah (muslimiin ah) una toosiya maragga Alle darti. (Arrin)kaasi waa waano lagu waanin qof kastoo rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro. Qofkii dhowra (amarrada) Alle (oo ka dhowrsada xumaha) Wuxuu u yeeli jid uu kaga baxo (dhibaato kasta).

    Sharaxa hoose
    [1] Intay ciddada ku jiraan, waa xaasaska la furay furriin la soo ceshan karo.
  3. وَيَرْزُقْهُ مِنْ حَيْثُ لَا يَحْتَسِبُ ۚ وَمَن يَتَوَكَّلْ عَلَى ٱللَّهِ فَهُوَ حَسْبُهُۥٓ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ بَـٰلِغُ أَمْرِهِۦ ۚ قَدْ جَعَلَ ٱللَّهُ لِكُلِّ شَىْءٍ قَدْرًا۝٣

    Wayarzuqhu min haythu la yahtasibu waman yatawakkal ʿala Allahi fahuwa hasbuhu inna Allaha balighu amrihi qad jaʿala Allahu likulli shayin qadran

    Oo wuxuu ka siin risiq xagga (meel) uusan fileyn. Qofkii talo saarta Alle wuu ku filan yahay. Hubaal, Alle wuu fulaa muraadkiisa. Alle Wuxuu u yeelay wax walba qaddar iyo waqti go'an.

  4. وَٱلَّـٰٓـِٔى يَئِسْنَ مِنَ ٱلْمَحِيضِ مِن نِّسَآئِكُمْ إِنِ ٱرْتَبْتُمْ فَعِدَّتُهُنَّ ثَلَـٰثَةُ أَشْهُرٍ وَٱلَّـٰٓـِٔى لَمْ يَحِضْنَ ۚ وَأُو۟لَـٰتُ ٱلْأَحْمَالِ أَجَلُهُنَّ أَن يَضَعْنَ حَمْلَهُنَّ ۚ وَمَن يَتَّقِ ٱللَّهَ يَجْعَل لَّهُۥ مِنْ أَمْرِهِۦ يُسْرًا۝٤

    Waallaee yaisna mina almaheedi min nisaikum ini irtabtum faʿiddatuhunna thalathatu ashhurin waallaee lam yahidna waolatu alahmali ajaluhunna an yadaʿna hamlahunna waman yattaqi Allaha yajʿal lahu min amrihi yusran

    Kuwa ka mid ah haweenkiinna ee ka quustay xaydka (dhiigga caadada), haddaad shakideen, ciddadoodu waa seddex bilood, iyo kuwa (sidoo kale) aan weli helin xaydka. Kuwase uurka leh (haddii la furo) ciddadooda waa intay ka dhigaan culeysyadooda oo ka dhalaan1. Qofkii dhowra (amarrada) Alle (oo ka dhowrsada xumaha) wuxuu uga dhigi arrinkiisa wax u fudud.

    Sharaxa hoose
    [1] Xukunkan waxaa sidoo kale soo galaya marka uu ninka dhinto, haweenta uu ninkeeda dhinto iyadoo uur leh, ciddadeeda waa intay ka dhasho.
  5. ذَٰلِكَ أَمْرُ ٱللَّهِ أَنزَلَهُۥٓ إِلَيْكُمْ ۚ وَمَن يَتَّقِ ٱللَّهَ يُكَفِّرْ عَنْهُ سَيِّـَٔاتِهِۦ وَيُعْظِمْ لَهُۥٓ أَجْرًا۝٥

    Thalika amru Allahi anzalahu ilaykum waman yattaqi Allaha yukaffir ʿanhu sayyiatihi wayuʿthim lahu ajran

    Kaasi waa Amarka Alle uu idiin soo dejiyey. Qofkii dhowra (amarka) Alle wuxuu ka tiri xumaatooyinkiisa, oo siin ajar weyn.

  6. أَسْكِنُوهُنَّ مِنْ حَيْثُ سَكَنتُم مِّن وُجْدِكُمْ وَلَا تُضَآرُّوهُنَّ لِتُضَيِّقُوا۟ عَلَيْهِنَّ ۚ وَإِن كُنَّ أُو۟لَـٰتِ حَمْلٍ فَأَنفِقُوا۟ عَلَيْهِنَّ حَتَّىٰ يَضَعْنَ حَمْلَهُنَّ ۚ فَإِنْ أَرْضَعْنَ لَكُمْ فَـَٔاتُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ ۖ وَأْتَمِرُوا۟ بَيْنَكُم بِمَعْرُوفٍ ۖ وَإِن تَعَاسَرْتُمْ فَسَتُرْضِعُ لَهُۥٓ أُخْرَىٰ۝٦

    Askinoohunna min haythu sakantum min wujdikum wala tudarroohunna litudayyiqoo ʿalayhinna wain kunna olati hamlin faanfiqoo ʿalayhinna hatta yadaʿna hamlahunna fain ardaʿna lakum faatoohunna ojoorahunna watamiroo baynakum bimaʿroofin wain taʿasartum fasaturdiʿu lahu okhra

    Dejiya (haweenka ciddada ku jira) meeshaad deggan tihiin, hadba sida karaankiinnu yahay, hana dhibina si aad u gelisaan cidhiidhi1. Hadday leeyihiinna uur, masruufa intay ka dhigaan culeyskooda (dhalaan). Markaas hadday idiin nuujiyaan (ilmaha), siiya gunnadooda, oo is amra dhexdiinna sama falka, haddaad is khilaaftaanna mid kale ayaa u nuujin2.

    Sharaxa hoose
    [1] Dhanka hab dhaqanka, degaanka iyo masruufka si ay isu madax furtaan. [2] Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 233.
  7. لِيُنفِقْ ذُو سَعَةٍ مِّن سَعَتِهِۦ ۖ وَمَن قُدِرَ عَلَيْهِ رِزْقُهُۥ فَلْيُنفِقْ مِمَّآ ءَاتَىٰهُ ٱللَّهُ ۚ لَا يُكَلِّفُ ٱللَّهُ نَفْسًا إِلَّا مَآ ءَاتَىٰهَا ۚ سَيَجْعَلُ ٱللَّهُ بَعْدَ عُسْرٍ يُسْرًا۝٧

    Liyunfiq thoo saʿatin min saʿatihi waman qudira ʿalayhi rizquhu falyunfiq mimma atahu Allahu la yukallifu Allahu nafsan illa ma ataha sayajʿalu Allahu baʿda ʿusrin yusran

    Kan ladani wax ha ka bixiyo maalka loo waasiciyey. Kii ilaha ay wax ka soo galaan cidhiidhi yihiin, ha bixiyo wax ka mid ah wuxuu Alle siiyey. Alle kuma kallifo nafna wuxuusan siin. Alle wuxuu keeni faraj iyo fudayd dhibaatada kaddib.

  8. وَكَأَيِّن مِّن قَرْيَةٍ عَتَتْ عَنْ أَمْرِ رَبِّهَا وَرُسُلِهِۦ فَحَاسَبْنَـٰهَا حِسَابًا شَدِيدًا وَعَذَّبْنَـٰهَا عَذَابًا نُّكْرًا۝٨

    Wakaayyin min qaryatin ʿatat ʿan amri rabbiha warusulihi fahasabnaha hisaban shadeedan waʿaththabnaha ʿathaban nukran

    Badanaa inta magaalo ku caasiday Amarka Rabbigeed iyo Rusushiisa, markaas aan ugu yeernay xisaab daran (adduunka), oo aan ku cadaabi cadaab adag (Aakhirada).

  9. فَذَاقَتْ وَبَالَ أَمْرِهَا وَكَانَ عَـٰقِبَةُ أَمْرِهَا خُسْرًا۝٩

    Fathaqat wabala amriha wakana ʿaqibatu amriha khusran

    Oo dhadhamisay cidhib xumadii arrinkeeda, cidhibteedana ku dambeysey khasaaro.

  10. أَعَدَّ ٱللَّهُ لَهُمْ عَذَابًا شَدِيدًا ۖ فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ يَـٰٓأُو۟لِى ٱلْأَلْبَـٰبِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ۚ قَدْ أَنزَلَ ٱللَّهُ إِلَيْكُمْ ذِكْرًا۝١٠

    aʿadda Allahu lahum ʿathaban shadeedan faittaqoo Allaha ya olee alalbabi allatheena amanoo qad anzala Allahu ilaykum thikran

    Alle wuxuu u diyaariyey kuwaa cadaab daran. Ee dhowra (amarrada) Alle oo iska jira xumaha wax garadkow (Xaqa) rumeeyey. Wuxuu Alle idiin soo dejiyey Waano (Qur’aankan).

  11. رَّسُولًا يَتْلُوا۟ عَلَيْكُمْ ءَايَـٰتِ ٱللَّهِ مُبَيِّنَـٰتٍ لِّيُخْرِجَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ مِنَ ٱلظُّلُمَـٰتِ إِلَى ٱلنُّورِ ۚ وَمَن يُؤْمِنۢ بِٱللَّهِ وَيَعْمَلْ صَـٰلِحًا يُدْخِلْهُ جَنَّـٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ خَـٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدًا ۖ قَدْ أَحْسَنَ ٱللَّهُ لَهُۥ رِزْقًا۝١١

    Rasoolan yatloo ʿalaykum ayati Allahi mubayyinatin liyukhrija allatheena amanoo waʿamiloo alssalihati mina alththulumati ila alnnoori waman yumin biAllahi wayaʿmal salihan yudkhilhu jannatin tajree min tahtiha alanharu khalideena feeha abadan qad ahsana Allahu lahu rizqan

    Rasuulna (wuu idiin soo diray) idiin akhriya Aayadaha Alle ee cad, si uu ugaga saaro kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala mugdiyada xagga Nuurka; qofkii rumeeya Alle oo sama fala, Wuxuu galin Jannooyin ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya waligood. Alle Waa uu wanaajiyey kaasi risiqa.

  12. ٱللَّهُ ٱلَّذِى خَلَقَ سَبْعَ سَمَـٰوَٰتٍ وَمِنَ ٱلْأَرْضِ مِثْلَهُنَّ يَتَنَزَّلُ ٱلْأَمْرُ بَيْنَهُنَّ لِتَعْلَمُوٓا۟ أَنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ وَأَنَّ ٱللَّهَ قَدْ أَحَاطَ بِكُلِّ شَىْءٍ عِلْمًۢا۝١٢

    Allahu allathee khalaqa sabʿa samawatin wamina alardi mithlahunna yatanazzalu alamru baynahunna litaʿlamoo anna Allaha ʿala kulli shayin qadeerun waanna Allaha qad ahata bikulli shayin ʿilman

    Alle waa Kan abuuray toddoba samood, arladana intaa oo kale 'ka abuuray'1. Amarkiisa ka soo dego dhexdooda, si aad u ogaataan inuu Alle wax walba Karo iyo in Alle ku koobo wax walba ogaal.

    Sharaxa hoose
    [1] Macnaha waa tiro la mid ah: toddobo arlo. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofkii dulmiyaa oo ku qaata xaq darro taako dhul ah, waxaa qoorta loo suraa Maalinta Qiyaamaha toddobo dhul”.

Su’aalaha badanaa la is weydiiyo

Waa maxay macnaha magaca Suuradda Ad-Dalaaq?

Macnaha Ad-Dalaaq waa “Furriinka”.

Suuradda Ad-Dalaaq juz’ immisaad ayay ku jirtaa?

Suuradda Ad-Dalaaq waxay ku jirtaa juz’ 28.

Suuradda Ad-Dalaaq immisa aayadood ayay leedahay?

Suuradda Ad-Dalaaq waxay leedahay 12 aayadood.

Suuradda Ad-Dalaaq ma Makki baa mise waa Madani?

Suuradda Ad-Dalaaq waa suurad Madani ah.

Suuradda Ad-Dalaaq waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?

Waa suuradda 65aad ee Qur’aanka.

Ilaha

  • Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
  • Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
  • Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
  • Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
  • Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
  • Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.

Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.

Dejinta akhriska

Farta Qur’aanka
Cabbirka Carabiga
100%
Cabbirka turjumaadda
100%
Muuqaalka

Ku dar shaashadda hore

ReadSurahKa fur ReadSurah shaashadda hore, oo ku akhri shaashad buuxda. Suuradaha aad akhriday way furmayaan xitaa internet la’aan.

  1. Safari gudihiisa, taabo badhanka “Share”. iPhone-yada cusub, wuxuu ku jiraa liiska •••.
  2. Taabo “Add to Home Screen”. Hoos u dhaadhac haddii aadan arkin.
  3. Taabo “Add”.