سورة البينة
Suuradda Al-Bayyina oo af Soomaali ah
Xujada cad
- 98
- 8 aayadood
- Madani
- Juz’ 30
- Bogagga 598–599
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Al-Bayyina (البينة) waa suuradda 98aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 8 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Xujada cad”. Waa suurad Madani ah, oo ku soo degtay Madiina kadib Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 30.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Bayyina oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Al-Bayyina oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
لَمْ يَكُنِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِنْ أَهْلِ ٱلْكِتَـٰبِ وَٱلْمُشْرِكِينَ مُنفَكِّينَ حَتَّىٰ تَأْتِيَهُمُ ٱلْبَيِّنَةُ١
Lam yakuni allatheena kafaroo min ahli alkitabi waalmushrikeena munfakkeena hatta tatiyahumu albayyinatu
Kuwa gaaloobay oo ka mid ah ehlu Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) iyo mushrikiinta ma ahayn kuwa ka tagaya (gaalnimadooda) intay uga timaado xujada cad.
-
رَسُولٌ مِّنَ ٱللَّهِ يَتْلُوا۟ صُحُفًا مُّطَهَّرَةً٢
Rasoolun mina Allahi yatloo suhufan mutahharatan
Rasuul (Muxammad) ka socda xagga Alle oo akhriyaya waraaqo daahir ah.
-
فِيهَا كُتُبٌ قَيِّمَةٌ٣
Feeha kutubun qayyimatun
Ay ku yaallaan xukunno wanaagsan.
-
وَمَا تَفَرَّقَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَـٰبَ إِلَّا مِنۢ بَعْدِ مَا جَآءَتْهُمُ ٱلْبَيِّنَةُ٤
Wama tafarraqa allatheena ootoo alkitaba illa min baʿdi ma jaathumu albayyinatu
Kuwaa la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) isma ay khilaafin oo kala tegin kaddib markii mooyaane ay Xujada cad u timid1.
Sharaxa hoose
[1] Waa Nabi Muxammad s.c.w iyo Qur'aanka. -
وَمَآ أُمِرُوٓا۟ إِلَّا لِيَعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ حُنَفَآءَ وَيُقِيمُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤْتُوا۟ ٱلزَّكَوٰةَ ۚ وَذَٰلِكَ دِينُ ٱلْقَيِّمَةِ٥
Wama omiroo illa liyaʿbudoo Allaha mukhliseena lahu alddeena hunafaa wayuqeemoo alssalata wayutoo alzzakata wathalika deenu alqayyimati
Lama amrin waxaan aheyn inay caabudaan Alle keliya iyagoo u gooni yeelaya cibaadada oo toosan, iyo inay oogaan salaadda oo bixyaan Zakada, sidaas baana ah diinta toosan.
-
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِنْ أَهْلِ ٱلْكِتَـٰبِ وَٱلْمُشْرِكِينَ فِى نَارِ جَهَنَّمَ خَـٰلِدِينَ فِيهَآ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ هُمْ شَرُّ ٱلْبَرِيَّةِ٦
Inna allatheena kafaroo min ahli alkitabi waalmushrikeena fee nari jahannama khalideena feeha olaika hum sharru albariyyati
Xaqiiq, kuwa gaalooba oo ka mid ah ehlu-Kitaabka iyo mushrikiinta waxay dhex ahaan Naarta Jahannama iyagoo ku waaraya gudaheeda. Kuwaasi waa kuwa ugu sharka badan uumanka.
-
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ أُو۟لَـٰٓئِكَ هُمْ خَيْرُ ٱلْبَرِيَّةِ٧
Inna allatheena amanoo waʿamiloo alssalihati olaika hum khayru albariyyati
Xaqiiq, kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, kuwaasi waa kuwa ugu khayr badan uumanka.
-
جَزَآؤُهُمْ عِندَ رَبِّهِمْ جَنَّـٰتُ عَدْنٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ خَـٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدًا ۖ رَّضِىَ ٱللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا۟ عَنْهُ ۚ ذَٰلِكَ لِمَنْ خَشِىَ رَبَّهُۥ٨
Jazaohum ʿinda rabbihim jannatu ʿadnin tajree min tahtiha alanharu khalideena feeha abadan radiya Allahu ʿanhum waradoo ʿanhu thalika liman khashiya rabbahu
Abaalkooda Rabbigood agtiis ah waa Beero negaadi ah (Jannooyin) oo ay hoostoodu webiyadu qul-qulaan, ay ku waari weligood, Alle Raalli buu ka yahay, iyaguna Raalli ku yihiin. Sidaas waxaa leh qofkii ka baqa Rabbigi 'oo ka dhowrsada xumaha'.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Bayyina?
Macnaha Al-Bayyina waa “Xujada cad”.
Suuradda Al-Bayyina juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Al-Bayyina waxay ku jirtaa juz’ 30.
Suuradda Al-Bayyina immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Al-Bayyina waxay leedahay 8 aayadood.
Suuradda Al-Bayyina ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Al-Bayyina waa suurad Madani ah.
Suuradda Al-Bayyina waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 98aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.