سورة المسد
Suuradda Al-Masad oo af Soomaali ah
Xadhig xaskul ah
- 111
- 5 aayadood
- Makki
- Juz’ 30
- Bogga 603
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Al-Masad (المسد) waa suuradda 111aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 5 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Xadhig xaskul ah”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 30.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Masad oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Al-Masad oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
تَبَّتْ يَدَآ أَبِى لَهَبٍ وَتَبَّ١
Tabbat yada abee lahabin watabba
Ha hoogeen labada gacmood ee Abuu-Lahab1, hoogyeyna2.
Sharaxa hoose
[1] Waa Nabiga adeerki oo ahaa cadow Islaam, waxaana la mid ah oo soo galaya cadow Islaam kasta. [2] Markay soo degtay Aayadda Qur'aanka ee leh: "U dig xigaaladaada kuu dhow". Nabigu s.c.w. wuxuu billaabay inuu u yeeraa ( qabaa'isha Carbeed): Reer Banii Fihirow, Reer Banii Cadiyow, isagoo mid mid u xusaya jilbaha iyo laamaha ay ka kooban yihiin Quraysh. Xitaa ninkii aan imaan karin wuxuu soo dirsaday cid ka socota isaga si uu u soo eego waxa jira. Markaasaa waxaa yimid Abuu Lahab iyo odayaashii Quraysh. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ka warrama haddaan idiin sheego ciidan fardooley ah oo soo socda toggan gadaashiisa ee dooneysa inay idin weeraraan ma iga rumeysan laheydeen? Waxay yidhaahdeen: Haa , kuguma baran waxaan run aheyn.. markaasuu Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Haddaba waxaan idiinka digayaa cadaab daran oo idinku soo fool leh haddii aydaan Allaah rumeyn iyo Rusushiisa. Abuu Lahab wuxuu yidhi: Hoog oo ba' maanta oo idil, ma waxaan baad isugu kaaya yeertay? Markaasaa waxaa soo degay Tabbat Yadaa Abii Lahab…. -
مَآ أَغْنَىٰ عَنْهُ مَالُهُۥ وَمَا كَسَبَ٢
Ma aghna ʿanhu maluhu wama kasaba
Waxna uma tarin maalkiisa iyo wuxuu kasbaday.
-
سَيَصْلَىٰ نَارًا ذَاتَ لَهَبٍ٣
Sayasla naran thata lahabin
Wuxuu geli oo ku guban Naar olol badan.
-
وَٱمْرَأَتُهُۥ حَمَّالَةَ ٱلْحَطَبِ٤
Waimraatuhu hammalata alhatabi
Iyo marwadiisuba, xaabo siddada ah, (xanta, xinta iyo dirdirada badan),
-
فِى جِيدِهَا حَبْلٌ مِّن مَّسَدٍۭ٥
Fee jeediha hablun min masadin
Qoorteeda waxaa la yeeli xadhig adag xaskul la soohay (oo Naar) ah.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Masad?
Macnaha Al-Masad waa “Xadhig xaskul ah”.
Suuradda Al-Masad juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Al-Masad waxay ku jirtaa juz’ 30.
Suuradda Al-Masad immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Al-Masad waxay leedahay 5 aayadood.
Suuradda Al-Masad ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Al-Masad waa suurad Makki ah.
Suuradda Al-Masad waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 111aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.