سورة القارعة
Suuradda Al-Qaarica oo af Soomaali ah
Musiibada
- 101
- 11 aayadood
- Makki
- Juz’ 30
- Bogga 600
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Al-Qaarica (القارعة) waa suuradda 101aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 11 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Musiibada”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 30.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Qaarica oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Al-Qaarica oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
ٱلْقَارِعَةُ١
Alqariʿatu
Garaacdada (qalbiyada waa Qiyaamada).
-
مَا ٱلْقَارِعَةُ٢
Ma alqariʿatu
Maxay tahay Garaacdadu?.
-
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلْقَارِعَةُ٣
Wama adraka ma alqariʿatu
Maxaa ku ogeysiiyeyna waxay tahay Garaacdadu?
-
يَوْمَ يَكُونُ ٱلنَّاسُ كَٱلْفَرَاشِ ٱلْمَبْثُوثِ٤
Yawma yakoonu alnnasu kaalfarashi almabthoothi
Waa Maalintay dadku noqon sida baalallay kala firdhay.
-
وَتَكُونُ ٱلْجِبَالُ كَٱلْعِهْنِ ٱلْمَنفُوشِ٥
Watakoonu aljibalu kaalʿihni almanfooshi
Oo buurahu noqon sida cudbi la dhilay.
-
فَأَمَّا مَن ثَقُلَتْ مَوَٰزِينُهُۥ٦
Faamma man thaqulat mawazeenuhu
Qofka miisaankiisa (camallada wanaagsan) uu culeys yahay.
-
فَهُوَ فِى عِيشَةٍ رَّاضِيَةٍ٧
Fahuwa fee ʿeeshatin radiyatin
Wuxuu ku noolaan nolol barwaaqo iyo farxad leh oo raalli lagu yahay (Janno).
-
وَأَمَّا مَنْ خَفَّتْ مَوَٰزِينُهُۥ٨
Waamma man khaffat mawazeenuhu
Qofkase uu miisaankiisa (camallada wanaagsan) fudeyd yahay.
-
فَأُمُّهُۥ هَاوِيَةٌ٩
Faommuhu hawiyatun
Hoygiisu waa Haawiya.
-
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا هِيَهْ١٠
Wama adraka ma hiyah
Maxaa ku ogeysiiyeyna waxay tahay?
-
نَارٌ حَامِيَةٌۢ١١
Narun hamiyatun
(Waa) Naar kuleyl badan.
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Qaarica?
Macnaha Al-Qaarica waa “Musiibada”.
Suuradda Al-Qaarica juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Al-Qaarica waxay ku jirtaa juz’ 30.
Suuradda Al-Qaarica immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Al-Qaarica waxay leedahay 11 aayadood.
Suuradda Al-Qaarica ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Al-Qaarica waa suurad Makki ah.
Suuradda Al-Qaarica waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 101aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.