سورة الماعون
Suuradda Al-Maacuun oo af Soomaali ah
Kaalmooyinka yaryar
- 107
- 7 aayadood
- Makki
- Juz’ 30
- Bogga 602
Mishary Rashid AlafasySoo deji MP3Soo deji PDF
Suuradda Al-Maacuun (الماعون) waa suuradda 107aad ee Qur’aanka, waxayna leedahay 7 aayadood. Macnaha magaceedu waa “Kaalmooyinka yaryar”. Waa suurad Makki ah, oo ku soo degtay Makka ka hor Hijrada, waxayna ku jirtaa juz’ 30.
Boggan waxaad ku akhrin kartaa Suuradda Al-Maacuun oo dhan af Carabi, oo ay weheliso turjumaadda af Soomaaliga ee Abdullah Hasan Yacob aayad aayad iyo far Laatiin, waxaadna dhegeysan kartaa akhriskeeda.
Suuradda Al-Maacuun oo dhan: Carabi, turjumaad af Soomaali iyo far Laatiin
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
أَرَءَيْتَ ٱلَّذِى يُكَذِّبُ بِٱلدِّينِ١
Araayta allathee yukaththibu bialddeeni
Ka warran kan beeniya is abaal marinta (Aakhiro).
-
فَذَٰلِكَ ٱلَّذِى يَدُعُّ ٱلْيَتِيمَ٢
Fathalika allathee yaduʿʿu alyateema
Kaasu waa kan ula dhaqma agoonta si qallafsan1.
Sharaxa hoose
[1] Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Aniga iyo kan daryeela agoonka oo kafaala qaada, waxaan gali Jannada innagoo sidaas oo kale ah. Wuxuuna kor u qaaday fardhexeda iyo murugsatada oo simay oo isu dhoweeyey. -
وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلْمِسْكِينِ٣
Wala yahuddu ʿala taʿami almiskeeni
Oo aan ku dhiirra gelin (dadka) quudinta miskiinka1.
Sharaxa hoose
[1] Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: Qofka u dadaala oo u shaqeeya dumarka da'da ah ee laga dhintay iyo masaakiinta wuxuu heli ajar la mid ah mujaahidka u diriraya Jidka Alle ama kan habeenkii oo dhan u taagan salaad oo aan daaleyn iyo soomanaha aan afurin. -
فَوَيْلٌ لِّلْمُصَلِّينَ٤
Fawaylun lilmusalleena
Waxaa hoog leh kuwaa tukada (munaafiqiinta ah),
-
ٱلَّذِينَ هُمْ عَن صَلَاتِهِمْ سَاهُونَ٥
Allatheena hum ʿan salatihim sahoona
Ee ka dhoohan salaaddooda (ka dib dhiga waqtiyadooda).
-
ٱلَّذِينَ هُمْ يُرَآءُونَ٦
Allatheena hum yuraoona
Kuwaasoo u fala (samaha) si loo arko.
-
وَيَمْنَعُونَ ٱلْمَاعُونَ٧
Wayamnaʿoona almaʿoona
U diida (dadka) maacuunta (waxyaalaha yar yar ee laysugu kaalmeeyo, zako iyo sadaqo iyaga warkoodba daaye).
Su’aalaha badanaa la is weydiiyo
Waa maxay macnaha magaca Suuradda Al-Maacuun?
Macnaha Al-Maacuun waa “Kaalmooyinka yaryar”.
Suuradda Al-Maacuun juz’ immisaad ayay ku jirtaa?
Suuradda Al-Maacuun waxay ku jirtaa juz’ 30.
Suuradda Al-Maacuun immisa aayadood ayay leedahay?
Suuradda Al-Maacuun waxay leedahay 7 aayadood.
Suuradda Al-Maacuun ma Makki baa mise waa Madani?
Suuradda Al-Maacuun waa suurad Makki ah.
Suuradda Al-Maacuun waa suuradda meeqaad ee Qur’aanka?
Waa suuradda 107aad ee Qur’aanka.
Ilaha
- Arabic text: Tanzil Quran Text (Uthmani) (Tanzil Project, CC BY 3.0), reproduced without changes.
- Translation: Abdullah Hasan Yacob, from QuranEnc.com, version 1.0.27, reproduced without changes.
- Transliteration: Tanzil.net English transliteration.
- Recitation: Mishary Rashid Alafasy, via QuranicAudio.com and EveryAyah.com.
- Word by word: recordings and meanings from Quran.com (Quran Foundation), played when you tap a word.
- Madinah and IndoPak fonts (Settings): the text in those scripts and their fonts come from the Quran Foundation (Quran.com); the Madinah font is the King Fahd Glorious Quran Printing Complex's Uthmanic Hafs font.
Found a mistake? Report a mistake and we will check it against the source.